Friday, May 26, 2017

Booliska Soomaaliya oo la Siiyey Diyaarado Drone ah

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada. Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa la sheegay in diyaaradahan oo shan ah uu ugu deeqay booliska Soomaaliyeed. Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagistooda. Warbxintan wakaaladda Reuters waxaa inoo haya oo soo akhriyey Jaamac Buulle Jaamac.  

from VOA http://ift.tt/2r45JrU
via IFTTT

No comments:

Post a Comment