Xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay la hadlay VOA ayaa ka digay saldhiga milateri ee Somaliland ay siisay dalka Imaaraadka Carabta iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid halis ku ah midnimada Soomaaliya. Haddaba masuuliyiinta Somaliland oo la hadlay warbaahin kala duwan ayaa faahfaahin ka bixiyey saldhiga milateri ee ay heshiiska kula galeen Imaaraadka. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrimahan ka waraystay Axmed Xasan Carwo oo ah lataliyaha Dhaqaalaha iyo maalgashiga ee Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2qjJ8pW
via IFTTT
Thursday, May 25, 2017
Somaliland oo Faahfaahisay Heshiiska Saldhiga Berbera
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment