Imtixaanadkii dugsiyada sare ee ay dowladda Soomaaliya toddbaadkan qaadday, ayaa waxa dadkii ka baxay dugsiga sare ku jira aabbe iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo safarka waxbarasho ku soo wada jirey muddo sanado ah. Faarax Ismaaciil Dabcasar oo 43 jir ah iyo wiilkiisa Shaafici Faarax Ismaaciil oo 18 jir ah, ayaa u fadhiistay imtixaanadka dugsiga sare ee Iskuulka sare Shire Jaamac ee magaalada Caabudwaaq. Waxay labadooduba qorsheynayaan in ay sidoo kale waxbarashada Jaamacadeed ay isla billaabaan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa wareystay labadoodaba.
from VOA http://ift.tt/2rXrqKc
via IFTTT
Friday, May 26, 2017
Wiil yo Aabihiis oo Imtixaan u Wada Fariistay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment