Wednesday, May 17, 2017

Shir ku Saabsan Kallumeysiga oo ka Dhacay Jabuuti

Waxa shalay magaaladda Djibouti lagu soo gaba gabeeyey shir lagaga hadlayey sidi iskaashi looga sameysan lahaa arrimaha la dagaalanka kalluumeysiga sharci darada ah. Shirkan waxa soo qaban qaabiyey urur goboleedka IGAD iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dalalka IGAD, gaar ahaan kuwa leh xeebaha oo kala ah Djibouti, Kenya, Sudan iyadoo Somalia ay ka jooggeen wakiillo ka socda dowladda federaalka, Somaliland iyo Puntland.  Agaasimaha kaluumeysiga ee wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Djibouti Axmad Dharaar Jibriil ayaa marka hore wariyahaa VOA Ramada Muuse uga waramay Jabuuti oo gacanta ku dhigtay Maraakiib Shiinaha laga leeyahay oo xeebaha dalkaasi si sharci darro ah uga kalluumeysanayay, waxana xigi doona wakiillada ka socda Soomaaliya oo shirkaasi ka qeyb galay.  

from VOA http://ift.tt/2qRnM7h
via IFTTT

No comments:

Post a Comment