Friday, February 1, 2019

Dagaal ka dhex socda Daacish iyo Al-Shabaab

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in 24 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday maalintii Arbacada tuulada Shabeelley oo koonfur ka xigta magaalada Beledweyne. Milatariga Maraykaku waxay sheegeen inaysan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan. Waa duqayntii sagaalaad ee Maayanku uu sannadkan ka gaysto Soomaaliya kuwaasi oo dhammaantood ka dhan ahaa Al-Shabaab. Dhinaca kale waxaa Bariga Puntland kasii socda iska horimaadyo u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyada taabacsan Daacish. Warbixintan waxaa inoo haya Haaruun Macruuf  

from VOA http://bit.ly/2S11Kgd
via IFTTT

No comments:

Post a Comment