Friday, May 10, 2019

Xisbiga ANC oo ku horreeya doorashada Koonfur Afrika

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga haya talada dalka Koofur Afrika ee ANC uu markii 6-aad oo xiriir ah ku guuleysto codeyntii dalkaasi ka dhacday Arbacadii na dhaaftay, taasoo ah tii lixaad oo ay dadka waddankaasi u dareeraan, tan iyo markii uu dhamaaday nidaamkii midab-kala-sooca sanadkii 1994-kii. Waxaa ilaa hadda la tiriyay 76% codadkii ay dadku dhibteen. Xisbiga ANC ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa helay 57%. Sanadkii 2014-kii Waxa uu ku guuleystay codad gaaraya 62%. Hase ahaatee fadeexado dhinaca musuqmaasuqa ah iyo kobaca dhaqaalaha dalkaasi oo ku socda xawaare aad u hooseeya ayaa fool-xumeeyay muuqaalka Xisbiga Nelson Mandella, Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaasi hogaamiya. Dal-daloolladaasi ayaa qaar kamid ah codbixiyayaasha ku qasbay in ay codadkooda u weeciyaan Axsaabta kale. Isbaheysiga Dimuquraadiyadda ayaa codadka la tiriyay ilaa maanta oo jimce ah ka helay 22%, tiradaasi ayaa la eg isla intii uu ka hantiyay doorashadii qabsoontay sanadkii 2014-kii. Xisbiga Economic Freedom Fighters ayaa isaguna codadka la tiriyay ka helay 10%. Xisbigan ayaa 2014-kii uruursaday codad gaaray 6%. Waxaa la filayaa in natiijada kama dambeysta ah la shaaciyo 11-ka bishan oo berrito ku beegan. Xisbiga guuleysta ayaa soo dooran doona madaxweynaha xiga, kaasoo xilka loo dhaarin doono 25-ka isla bishan May.  

from VOA http://bit.ly/2HaMg2i
via IFTTT

No comments:

Post a Comment