Tuesday, June 25, 2019

Dagaal dhimasho leh oo ka dhacay Buurhakaba

Wararka ka imanaya magaalada Buurhakaba ayaa sheegay inuu halkaasi maanta ka dhacay iska horimaad dhiig ku daatay. Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay iska horimaadka, ayada oo shan kale ay ku dhaawaceen. Dagaalkan ayaa salka ku haya is-qabqabsi la xiriira maamulka degmada Buurhakaba. Warbixintan waxaa Baydhaba nooga soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.  

from VOA http://bit.ly/2IKefGX
via IFTTT

No comments:

Post a Comment