Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii shalay ku soo rogay Iran wax uu ugu yeeray "cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah", isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inay ka hor istaagayo Tehran iyo Khamenei galaangal kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka. Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Steven Manuchin ayaa sheegay in talaabadan ay fariisin doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah. Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid "adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka" ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay. Dronetaas oo nooca wax ishaafalateeya ah ayuu Mareykanku sheegay inay duuleysay hawada caalamiga ah markii ay Iran soo rideysay meel ku dhow gacanka Hurmuz ee Khaliijka Carabta. Laakiin Iran ayaa ku doodeysa inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.
from VOA http://bit.ly/2YdFUFk
via IFTTT
Tuesday, June 25, 2019
Trump oo cunaqabteyn adag kusoo rogay Iran
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment