Maamulka gobolka Banaadir ayaa gaadiidka ciidamada AMISOM ka mamnuucay in ay isticmaalaan wadada Maka-Almukarama, laga billaabo 6 magribnimo ilaa saq dhexe 12 habeenimo. Waxaa sidoo kale ay maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga isku dhafka ah ee loo magacaabay amniga ay ka mamnuuceen in waddadasi dacalkeeda la dhigto baabuurta gaarka loo leeyahay si looga baaqsado weeraro qaraxyo ah oo gaadiidka loo adeegsado. Waxaa tilaabooyinkan ay imanayaan ayadoo shaley maqaayad lagu cabo Coffee lagu diley 4, 7 kalana lagu dhaawacay kadib qarax ka dhacay. Afhyaeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa VOA u sheegay in tilaabooyiinkan ay qaadeen guddi isku dhaf ah oo ay ku jiraan maamulka gobolka Banaadir oo loo qabtey shaley waxii ka dambeeyey sugida amniga gobolka banaadir. Waxaa xusid muddan in sidoo kale xaley ugu yaraan 2 qof siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada, hase yeeshee maamulka gobolka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay qaadayaan tilaabooyin ka duwan kuwii hore oo amniga lagu xaqiijinayo.
from VOA http://ift.tt/2pvwuUe
via IFTTT
Tuesday, May 9, 2017
Baabuurta Amisom oo Habeenkii Laga Mamnuucay Maka Al-Mukarama
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment