Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo gaabiyey booqasho uu ku joogay dalka Ethiopia si uu uga qeybgalo aas loo sameeyey wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho. Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna ka hadlay dhacdadaan ayaa ka tacsiyeeyey geeriyda wasiir Cabaas Cabdulaahi Siraaji. Dhanka kalana, Hanti-Dhowraha Guud ee-dowlada Federalka ee Somalia Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo la sheegay in ciidankiisu ay ka danbeeyeen dilka wasiirkii hore ayaa sheegay inay socdaan baaritaano la xariir dilka wasiirka, iyadoo lasoo xirey raggii falka geystey. Warbixin ku saabsan dilka wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib-udhiska Soomaaliya, waxaa noo diyaarisay Sahra Abdi Axmed.
from VOA http://ift.tt/2p9j3bL
via IFTTT
Thursday, May 4, 2017
Dilka Wasiir Cabaas Siraaji oo la Baarayo
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment