Friday, June 30, 2017

Soomaaliya oo Maalinta Xornimada u Dabbaaldeggaysa

Somalia ayaa maanta u dabbaadeggaysa 57-guurada ka soo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xornimada qaateen sidoo kale-na ay is-raaceen labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.

from VOA http://ift.tt/2t1cWeD
via IFTTT

Xaaf: Waan la Hadlaynaa Ahlu-Sunna

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in ururka Ahlu-Sunno uu la galo wadahadallo lagu xaliyo khilaafka ka dhex-taagan.

from VOA http://ift.tt/2swvRL7
via IFTTT

Dagaallo Maanta ka Dhacay Jannaale

Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeella Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay caawa deggan tahay kadib dagaallo qaraar oo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2ts80Rm
via IFTTT

Laba Qarax oo ka Dhacay Muqdisho

Laba qarax oo loo adeegsaday miinooyin kuwaasi oo mid lala eegtay gaadiidka AMISOM kan kalena baabuur ay la socdeen xubno ka tirsan milatariga dawladda, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2sZGqtt
via IFTTT

Faaqidaadda: Weerarada Internet-ka

Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeynaa weerarada dhinaca internet-ka ee dunida kusii kordhaya, kuwaasi oo saameyntooda aad loo dareemay markii doorashadii Mareykanka ee 2016 ay saameyn weyn ku yeesheen. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Ismaaciil Xuseen Farjar.  

from VOA http://ift.tt/2t8E7m8
via IFTTT

Puntland oo Dil Toogasho ku Fulisay 7 Qof

Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu toogtay 7 rag ah oo dhalinyaro u badan oo horay maxkamada ciidamada Puntland ugu xukuntay dil toogasho, oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2s98MhZ
via IFTTT

Maamulka Bakool: "Ciidan uma Dirin Abu Mansuur"

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa beeniyey warar sheegaya in maamulkiisu ay ciidan u direen deegaan uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa Al-Shabab dhowaana Maraykanku ka saaray liiska dadka argagixisada ah ee sida weyn loo doonayo. Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay inaan maamulka Gobolku weli go'aan ka gaadhin in ciidamo loo diro Abu Mansuur iyo in kale. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay xaaladda deegaankaas ee xilligan.  

from VOA http://ift.tt/2ts3yC7
via IFTTT

Shiinaha oo ka Horyimid Hub Mareykanka uu ka Iibinayo Taiwan

Shiinaha ayaa muujiyey sida aanu ugu qanacsaneyn hub ku kacaya 1.4 bilyan oo dollar oo Mareykanka uu ka iibinayo Taiwan.

from VOA http://ift.tt/2tsZZLh
via IFTTT

Weerar Gaas oo la Xaqiijiyey inuu ka Dhacay Syria

Ururka mamnuucista hubka kiimikada ee loo soo gaabiyo OPCW ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in guddigooda xaqiiqo raadinta ay ogaadeen in gaaska neerfaha lagu isticmaalay weerarkii afartii bishii April ka dhacay deegaanka Khan Shaykhun ee dalka Syria. Agaasimaha ururkan Ahmet Uzumcu ayaa bayaanka ku yiri "Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xasuuqan oo kasoo horjeeda xeerarka hubka kiimikada. Dadkii ka dambeeyey weerarkan foolxumada badan waa in lagula xisaabtamaa dambiyada ay galeen". Baaritaan ay si wadajir ah u sameyn doonaan QM iyo OPCW ayaa go'aan ka gaari doona cidda ka dambeysay weerarkan oo lagu dilay 87 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carrur. Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Mareykanka ay si xooggan u taageersan tahay baaritaanka, oo ay sheegtay in lagu fuliyey hab xirfadeysan oo aan dhinac u janjeerin.

from VOA http://ift.tt/2sYa7Lp
via IFTTT

Thursday, June 29, 2017

Amarki Madaxweyne Trump ee Qaxootiga oo Xalay Si Rasmi Ah U Dhaqan-galay

Dowladda Mareykanka ayaa xalay Sideedii fiidnimo xilliga magaalada Washington, dhaqan-galisay sharci cusub oo dhinaca socdaalka ah kaasoo lagu soo rogay muwaadiniinta ka imaanaya dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

from VOA http://ift.tt/2ts9nir
via IFTTT

Koonfur Galbeed oo Ciidamo u Diray Roobow

Maamulla Koonfur Galbeed ayaa maanta ciidamo u diray gobolka Bakool si ay gacan u siiyaan Mukhtar Roobow Abu-Mansoor oo ku sugan gobolkaasi, oo ay ku raad joogaan Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2s5QeiP
via IFTTT

Saameynta Go'aanka Trump ee Soomaalida

Dadka uu saameynta ku yeelanayo go'aanka Trump ee shuruudaha adag ku xiraya dadka kasoo jeeda lix waddan ee soo galaya Mareykanka, waxaa ka mid ah Xabiibo Maxamed Cabdulqaadir oo Soomaali ah.

from VOA http://ift.tt/2tocV5O
via IFTTT

Safiirka Mareykanka ee Somalia oo Tagey Hargeysa

Wefti uu hoggaaminayay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz, ayaa maanta socdaal ku tegay magaalada Hargeysa.

from VOA http://ift.tt/2sq0GkD
via IFTTT

Muwaadiniinta Yurub ee UK oo Deganaansho loo Ogolaanayo

Dawladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo u ogolaanaya Muwaadiniinta kasoo jeeda Midowga Yurub ee dalkeeda ku nool oo Soomaaliduna ay kamid yihiin in ay dalban karaan daganaansho haddii dalka Britain ay ku noolaayeen muddo shan sano ah ka hor inta dalkeedu uusan ka bixin Midowga Yurub. Qorshahan cusub ee Britain oo aan si weyn loo qeexin waxaa shaki ka muujiyay Midowga Yurub oo sheegay in arrimahani ay qayb ka noqon doonaan wada hadalalada lagu wado in ay furmaan todobaadyada soo socda. Hadaba Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji ayaa warbixintan ku eegaya qorshaha cusub iyo Isfahan daradda ka dhex aloosan Midowga Yurub iyo Britain.    

from VOA http://ift.tt/2sUogt6
via IFTTT

Dal ku Galka Mareykanka oo Lagu Adkeynayo Lix Dal

Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay billowdo fulinta xeerar dadka kasoo jeeda lix dal oo muslim ah ee doonaya dal ku galka Mareykanka uga baahnaanaaya inay qaraabo dhow ama xiriir ganacsi kala dhaxeeyo Mareykanka, si loogu ogolaado inay dalka soo galaan.

from VOA http://ift.tt/2toCsLt
via IFTTT

Wednesday, June 28, 2017

Dhageyso: Wiil Soomaaliyeed oo Noqdey Ergeyga Suugaanta Edmonton, Kanada

Magaaladda Edmonton ee dalka Kanada waxaa ergeyga degmada ee suugaanta loo magacaabey Axmed Maxamuud Cali oo loo yaqaan Axmed Knowmadic.

from VOA http://ift.tt/2tn0Xt1
via IFTTT

Amarka Madaxweyne Trump ee Qaxootiga oo Maanta Dhaqangalayo

Amarki uu Madaxweynaha Donald Trump uu uga mamnuucay inay soo galaan dalkaan Mareykanka, qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa dhaqan galaya saacadaha hore ee maanta oo Khamiis ah.

from VOA http://ift.tt/2u0wsX5
via IFTTT

Xulufada Carabta oo u Hanjabay Qatar

Dawladaha xulufada Carbeed ee horkacaya in cilaaqaadka loo jaro dalka Qatar ayaa mar kale ku baaqay in dalka Qatar uu aqbalo qodobo 13 ah oo ay hore ugu gudbiyeen, hadii kale ay tallaabo ka qaadayaan.

from VOA http://ift.tt/2tpspGK
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 377

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 377-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.      

from VOA http://ift.tt/2tYcsEx
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya oo ka Digtay Bariiska Caaga

Dawladda Soomaaliya ayaa ka digtay halista bariiska caagga ah oo ay dawladdu sheegtay inuu dalka Soomaaliya soo gaadhay. Wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Saciid ayaa halista ka iman karta bariiskan ka hadlay kadib markii uu shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdishe. Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray.  

from VOA http://ift.tt/2s1Uf7I
via IFTTT

Al-Shabaab oo ku Raad Joogta Abu Mansuur

Wararka ka imanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada ururrka Al-Shabab ay ku dhowaadeen deegaan ay ku tuhunsan yihiin inuu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

from VOA http://ift.tt/2toLDg3
via IFTTT

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Venezuela oo la Rasaaseeyey

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in diyaarad helicopter ah oo boolisku lahaa oo la dhacay ay rasaas ku furtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maxkamadda Sare ee dalkaas.

from VOA http://ift.tt/2tXG599
via IFTTT

Militariga Turkiga oo Weeraray Kurdish-ka Syria

Militariga Turkiga ayaa sheegay maanta in ay burburiyeen bartilmaameedyo Kurdish-ka Syria ay leeyihiin ayaga oo uga aargudanaya gantaalo ay ku rideen ciidamada Turkiga uu taageero ee ku sugan waqooyiga Syria.

from VOA http://ift.tt/2tX3rf7
via IFTTT

Tuesday, June 27, 2017

Talyaaniga oo Xiray Soomaali loo Haysto Tacaddiyo

Mas'uuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegay inay xidheen nin Soomaali ah oo lagu eedaynayo inuu ku lug leeyahay tacaddiyo ka dhacay dalka Libya.

from VOA http://ift.tt/2tjnc3u
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Xuska Xoriyadda Jabuuti

Dalka Jabuuti waxaa maanta laga xusay sannad-guuradii 40-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaasi uu xorriyadda ka qaatay gumaystihii Faransiiska. Munaasabado ballaadhan ayaa xalay illaa maanta dalkaasi ka dhacayey. Haddaba kusoo dhowaada barnaamij gaar ah oo aan kaga hadlayno waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa aan u qabsoomin Jabuuti muddadaasi 40-ka sano ah ee dalku uu xorriadda ahaa. Warbixintan gaarka ah waxaa inoo diyaariyey Ismaaciil Xuseen Farjar.    

from VOA http://ift.tt/2rXv2LR
via IFTTT

Munaasabdda 26-ka June oo laga Xusay Hargeysa

57-guurada kasoo wareegtay maalintii u horraysay ee calan xor ah oo Soomaali ay leedahay laga taagay magaalada Hargeysa, ka dib markii maxmiyaddii Britain laga saaray dalka, ayaa munaasibad lagu xusayay waxa xalay lagu qabtay Hargeysa. Munaasibaddan oo ku qabsoontay aqalka madaxtooyada, ayaa waxa ka qayb galay madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Xisbiyada siyaasadda iyo dadweyne kale. Warbixintan waxa Hargeysa ka soo diray Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.  

from VOA http://ift.tt/2tgDzx5
via IFTTT

Ciidamada Dowladda oo Howlgal ka Billaabay Sh/Dhexe

Ciidamada militariga Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab maanta ka billaabay deegaanno dhaca bariga gobalka Shabeellaha dhexe.

from VOA http://ift.tt/2sWX0IS
via IFTTT

Mareykanka: Syria Waxa ay Diyaarinysaa Weerar Kiimiko

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ogaatay suurta-galnimada in ciidamada Syria ay diyaarinayaan weerar Kiimiiko oo la mid ah kii bishii April ka dhacay waqooyiga Syria ee dhaliyey in Mareykanka kaga jawaabo duqeymo diyaaradeed.

from VOA http://ift.tt/2tRj2wT
via IFTTT

Monday, June 26, 2017

Faah-faahinta Go,aanki Kasoo Baxay Maxkamadda Sare ee Mareykanka

Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u eegeyso kiiska amarki uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay Mareykanka soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

from VOA http://ift.tt/2sVTNJG
via IFTTT

Qarax Laga Maqley Markab ku Degay Xeebaha Puntland

Dadka ku dhaqan deegaanyo Murcanyo oo qiyaastii 44 km u jirta degamada Caluula ee xeebaha Puntland ayaa ku soo waramaya inay arkeen Markab weyn oo ay u maleeyeen kuwa dagaalka oo qarxaya muddo ka dibna biyaha quusay.

from VOA http://ift.tt/2tNmusl
via IFTTT

Minnesota: 78 Ruux oo uu Cudurka Jadeecada Soo Ritay

Illaa iyo hadda ku dhawaad 78 qof ayuu ku dhacay cudurka jadeecada gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2sTTOxK
via IFTTT

USA: Maxkamadda Sare oo Ogolaatay Qeyb Ka Mid ah Xayiraaddii Safar

Maxkamadda sare ee dalkan Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah ogolaatay in qeyb xaddidan oo ka mid ah xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dadka u dhashay lix waddan oo Muslim ah  ay dhaqan galaan.

from VOA http://ift.tt/2sTExwW
via IFTTT

Warbixin ku Saabsan Xuska 26-ka June

Maanta waxey ku beegan tahay 26 June, maalinta xornimada ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Waxaana laga joogaa 57 sano maalintii calan Soomaliyeed oo xor ah Soomaaliya laga taago.

from VOA http://ift.tt/2tMqsRM
via IFTTT

Internetka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo Cillad ku Timid

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada Koonfurta Soomaaliya waxaa khalkhal uu ku yimid khadkii intetnetka oo meelo badan ka maqan.

from VOA http://ift.tt/2tcpKjs
via IFTTT

Ciidamad Ciraaq oo ku sii Siqaya Mosul

Abaanduule ku xigeenka isbahaysiga uu horseedka ka yahay Mareykanka Sareye Gaas Rupert Jones ayaa sheegay maanta in aysoo dhawaatay xureeynta kama dambeysta ah magaalada Mosul.

from VOA http://ift.tt/2taaGCA
via IFTTT

Sunday, June 25, 2017

Al Shabaab oo Weerartey Xerada Daynuunaay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in iska hor imaad hubaysani uu ka dhacay xerada Ciidanka Daynuunay oo ku taalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo.

from VOA http://ift.tt/2rQ6GDH
via IFTTT

Saturday, June 24, 2017

Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa qeybo kala duwan oo xiiso leh, kuwaas oo ka hadlaya Ramadaanta iyo wixii kala qabsaday qaar ka mid ah dadka soo soomay.

from VOA http://ift.tt/2rNTrmY
via IFTTT

Martida: Wasiir Xasan Xuseen Xaaji

Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caddaaladda ee DF ee Somalia, waxaana uu ku jawaabayaa su'aalo la xiriira garsoorka Somalia

from VOA http://ift.tt/2t7hcKD
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka todobaadka waxaa inala socodsiinaya Jamaal Axmed Cismaan.

from VOA http://ift.tt/2tFNcDb
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Daanduray iyo Nuur Xasan Nuur

from VOA http://ift.tt/2t686hz
via IFTTT

Muslimiinta Kanada oo loo Digay Maalinta Ciida

Jabhad hubeysan oo ay sameeysteen xagjir cadaanka Kanada kana soo horjeedo Muslimiinta ayaa looga dhawaaqey gobolka Alberta oo ah mid ka labaad ee Soomaalida ugu badan ee Kanada ay ku noolyihiin, marka laga tago gobolka Ontario. Jabhadan ayaa isku magacowdey Sadex Boqolkiiba (3%), oo ay ula jeedaan dadkii Mareykanka ahaa ee la dagaalamey boqortooyadii Ingiriiska xilligii dhaqdhaqaaqa xoreyada looga madax-banaanaanayey xukunkii boqortooyadaas.

from VOA http://ift.tt/2tFQxlk
via IFTTT

Friday, June 23, 2017

Dhageyso Mukhtaar Rooboow iyo Isbadalka Xaalkiisa

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.

from VOA http://ift.tt/2sLTqBi
via IFTTT

Howlgalka Mareykanka ee Somalia oo u Guuraya Muqdisho

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.

from VOA http://ift.tt/2sJRitE
via IFTTT

Faaqidaadda: Ammaanka Magaalada Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka wada howlgal xasilin iyo hubka dhigis ah, ayaa dhinaca kale ku guuleysan la' inay joojiyaan weerarrada qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ururka al-Shabaab uu geysanayo. 10-kii cisho ee la soo dhaafay, saddex qarax oo magaalada ka dhacay waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo rayid u badan. Tan iyo markii ay dowladda Farmaajo timid, waxaa la sheegay in ku dhow ilaa 40 qarax inay dhaceen. Haddaba sababta qaraxyada loo joojin la'yahay iyo waliba qorshaha xasillinta  Muqdisho ayaan ku eegaynaa barnaamijka Faaqidaada, waxaana ka qeybgalaya oo ka doodaya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, wasiirka warfaafinta dowladda Somalia, Ismaaciil Cismaan, ku xigeenkii hore ee agaasimaha hay'adda nabad-sugida oo Ohio jooga iyo Prof. Maxamed Xasan oo jaamacadaha Muqdisho macalin ka ah oo Muqdisho ku sugan.    

from VOA http://ift.tt/2s2SVAW
via IFTTT

Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida Minneapolis

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

from VOA http://ift.tt/2sYoDmU
via IFTTT

Al-Shabaab oo Weerartay Banki ku Yaalla Kenya

Maleeshiyo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, waxay ku dileen saddex qof oo laba ay rayid yihiin halka qofka kalena uu ahaa mid ka mid ah ciidamada amniga.

from VOA http://ift.tt/2sJa5oU
via IFTTT

Xulufada Sacuudiga oo Dalabyo Adag u Gudbiyey Qatar

Saudi Arabia iyo dalalka kale ee gacanka ee Qatar xiriirka ugu jaray tuhunada ku saabsan inay taageerto argagixisada, ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin dalabyo ay doonayaan in la fuliyo.

from VOA http://ift.tt/2t1uhWa
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Pakistan oo lagu Dilay 9 qof

Qarax baabuur oo aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan sagala qof, islamarkaana dhaawacay 20 qof oo kale.

from VOA http://ift.tt/2tAVMmm
via IFTTT

Thursday, June 22, 2017

8 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyootay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2txa5bM
via IFTTT

29 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Afghanistan

Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.

from VOA http://ift.tt/2twzMcz
via IFTTT

Daacish oo Burburisay Masjidkii Caanka ahaa ee Mosul

Masjidkii caanka ahaa ee al-Nuri iyo minaaraddiisii dhinaca u janjeertay ee al-Hadba ee magaalada Mosul, ayaan hadda kadib jiri doonin, kadib markii ay burburisay kooxda Daacish.

from VOA http://ift.tt/2sXdHXA
via IFTTT

Wednesday, June 21, 2017

Maxkamad Diiday Heshiiska Badda ee Masar iyo Sacuudiga

Maxkamadda Sare ee Dastuurka ee dalka Masar ayaa joojisay laba xukun oo iska soo horjeeday oo horay looga soo saaray heshiiska xadeynta badda ee Dowladaha Sacuudiga iyo Masar, ilaa laga hubinayo sida ay heshiisyadaasi u waafaqsanyihiin dastuurka dalka Masar.

from VOA http://ift.tt/2sSRFEr
via IFTTT

Diyaarado Duqeyn ka Geystay Somaliland

Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland.

from VOA http://ift.tt/2sqLabo
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 376

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 376-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.      

from VOA http://ift.tt/2rV8YAv
via IFTTT

Baydhaba: Eedeysanayaal Xukun Lagu Riday

Maxkamada Darajadda Kowaad ee Ciidamada Somalia ayaa maanta xukunno ku riday saddex eedeysane oo loo heystay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen wadaad caan ka ahaa Magaalada Baydhabo xili uu ku tukanaayey Salaad Taraawiixda masjid ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Wariyeheenna Mukhtaat Maxamed Catoosh ayaa warbixintan Baydhabo ka soo diray.  

from VOA http://ift.tt/2sAvctO
via IFTTT

Muqdisho: Dad Dhaawac ah oo loo Qaaday Sacuudiga

14 ka mid ah oo u badan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa maanta loo qaaday dalka boqortooyada Sacuudiga.

from VOA http://ift.tt/2sQdGnf
via IFTTT

QM: Macluushii Soomaaliya waa laga Baaqsaday

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in macluushii laga baqayay inay ka dhacdo Soomaaliya in laga baaqsaday.

from VOA http://ift.tt/2spVn7I
via IFTTT

Galmudug iyo Puntland oo Heshiisyo Kala Saxiixday

Kulamo looga xaajoonayo xaalka gobalka Mudug oo u dhaxeeyey mas'uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, ayaa laga soo saaray qodobo horudhac u ah xasilinta Gaalkacyo iyo deegaano ka mid ah miyiga Mudug oo mudooyinkaan ay ka dhacayeen dilal iyo kala dhac xoolo. Inkastoo wadahadalka labada dhinac aysan jirin cid garwadeen ka ahayd, haddana waxaa wada xaajoodka dhinacyada soo dadajiyey isaraggii Xaaf iyo Gaas ee Cadaado oo ay kaga wada hadleen nabad kusoo dabbaalidda Gaalkacyo. Xubnaha kala matalayay labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland waxaa ka mid ahaa wasiiro, saraakiil ciidan iyo odayaasha dhaqanka. Weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warbixintan kasoo diray Gaalkacyo.      

from VOA http://ift.tt/2sPvNd9
via IFTTT

Boqor Salman oo Wiilkiisa ka Dhigay Dhaxal-suge

Boqorka Sacuudiga, Salman ayaa wiilkiisa 31 jirka ah ee Mohammed bin Salman u dallacsiiyey dhaxal-sugaha boqortooyada, isaga oo ka dhigay ninka ugu horreeya liiska qofka xiga ee noqonaya boqorka.

from VOA http://ift.tt/2sPAsM1
via IFTTT

Tuesday, June 20, 2017

Soomaalida Dagan Qahira oo Isu-diyaarisay Ciidda

Soomaalida dagan magaalada Qahira iyo Muslimiinta kale ee ku nool Masar, ayaa ku jira maalmihi ugu danbeeyey ee diyaar-garoowga Ciidul-Fitriga.

from VOA http://ift.tt/2rP9K6Y
via IFTTT

Xal Laga Dhex Raadinayo Jabuuti iyo Eritrea

QM iyo ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya inay dajiyaan xiisadda iyo muranka dhinaca xadka ah ee u dhaxeeya dalalka Djibouti iyo Eritrea.

from VOA http://ift.tt/2tJDXRv
via IFTTT

Warbixin: Maalinta Qaxootiga Adduunka

Maanta oo kale caalamka waxaa laga xusaa maalinta qaxootiga, waana maalin lagu xusuusto dhibaatooyinka iyo waaya-aragnimada dadka qaxootiga ah.

from VOA http://ift.tt/2tJowJ5
via IFTTT

Ajaaniib Lagu soo Qabtay Xeebta J/Hoose

Xeebta gobolka Jubbada Hoose ayaa laga soo qabtey ajaanib si sharcidaro ah uga kaluumeysaneysay badda oo haatan lagu hayo degmada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2sLAODC
via IFTTT

Qarax Dad Badan ku Dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

from VOA http://ift.tt/2sL1yDZ
via IFTTT

Australia oo Hakisay Duqeymihii ay ka Wadday Syria

Australia ayaa maanta ku dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u hakisay duqeymaha ciidamadeeda ay ka wadeen dalka Syria.

from VOA http://ift.tt/2slqn9f
via IFTTT

Monday, June 19, 2017

Muslimiinta Britain oo Walaacsan

Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska ayaa ka walaacsan inay bartilmaameed u noqdaan kooxaha xagjirka ah ee neceb mujaajiriinta iyo dadka heysta diinta Islaamka, kadib weerarki habeenkii Isniinta lagu qaaday dad kasoo baxay Masjid ku yaalla Waqooyiga London.

from VOA http://ift.tt/2rKXDbi
via IFTTT

Kenya: Qarax lagu Dhaawacay Afar Askari

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay leeyihiin milatariga Kenya. Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada lagu magacaabo Gariley oo aan ka fogayn xuduudda Soomaaliya. Qaraxu waxa uu dhacay goor hore oo subax ah, waxaana la sheegay in askartii ku dhaawacantaya weerarkan loo duuliyey gurmad caafimaad. Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas'uuliyadda weerrada qaraxa eel ala beegsado ciidamada Kenya.

from VOA http://ift.tt/2ssoB4i
via IFTTT

Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Muqdisho oo la Qabtay

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).

from VOA http://ift.tt/2tkgIOs
via IFTTT

Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

from VOA http://ift.tt/2sKyltZ
via IFTTT

Dowladda Somalia oo Qabatay Sarkaal Sare oo Shabaab ah

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).

from VOA http://ift.tt/2tjTFmX
via IFTTT

Gabar Muslim Ahayd oo Lagu Dilay Virginia

Booliiska gobolka Virginia ayaa nin kusoo oogay dacwad ku saabsan inuu dilay gabar 17 jir muslim ahayd kadib markii uu weeraray ayada iyo saaxiibadeed oo socda meel ku dhow masjid ku yaalla duleedka magaalada Washington DC.

from VOA http://ift.tt/2tjkcRe
via IFTTT

London: Weerar Lagu Qaaday Dad Masjid ka soo Baxay

Booliiska magaalada London ayaa sheegay in baabuur la jiirsiiyay dad ka soo baxay masaajid ku yaalla magaalada London xaley, xilli ay soo tukadeen salaadda taraawiixda.

from VOA http://ift.tt/2sJMXcG
via IFTTT

Sunday, June 18, 2017

London: Dad Masaajid ka soo Baxay oo Gaari Dardarey

Booliiska magaalada London ayaa sheegaya in baabuur la jiirsiiyay dad ka soo baxay masaajid ku yaala magaalada London xaley xili ay ka soo baxayeen salaada taraawiixda. Booliska ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof iyo dhaawaca 8 qof oo kale. Gaari Van ah ayaa la sheegey in dadkan uu ku jiirey banaanka masaajidkan oo ku yaala Finsbury park ee Waqooyiga magaalada London. Booliska ayaa sheegey in ay gacanta ku hayaan ninki wadey gaarigan Vanka ah oo ay horistaageen inuu baxsado dadkii masaajidka ka soo baxay ee goobta joogey, kuwaasoo markii danbana u dhiibey booliska. Ra'iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa lagu wargeliyey dhacdadan.

from VOA http://ift.tt/2sgRMZO
via IFTTT

Muqdisho: Xasilintii Xagee ayey Maraysaa?

Ra'iisala Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilli dambe tagey isgoysyada dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir si uu u soo eego sida hawsha xasilintu ay u socoto.

from VOA http://ift.tt/2tBLCRL
via IFTTT

Hoos-u-dhac ku Yimid Waxbarashada Dadka Waaweyn

Daraasadda ay hay'addu soo bandhigtay ayaa muujinaysa in haddii dib u dhaca jira socdo aan la hanan karin yoolkii waxbarashada dadka waaweyn iyo dhalinyarada Afrika ee sanandkan 2030-ka.

from VOA http://ift.tt/2sDMVSW
via IFTTT

Xiriirka Qatar iyo Djibouti

Xariirka Qatar ee dowlada Jabuuti ay hoosta u dhigtey, sidee ayuu saameyn ugu yeelanayaa waddanka yar ee ku yaala Geeska Afrika ee Jamhuuriyada Jabuuti,

from VOA http://ift.tt/2tBnP4n
via IFTTT

Wicitaanka: Eng. Maxamuud C. Badrudiin

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Eng. Maxamuud Cabdullaahi Badrudiin oo Amniga Internetka ka dhiga qaar ka mid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho

from VOA http://ift.tt/2sGHJ1s
via IFTTT

Alshabab oo Hoobiyeyaal ku Tuurey Buulobarte

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku baxeen degaanno ku dhow magaalada oo lagu tuhunsanaa in Al-Shabab ay hoobiyayaasha kasoo tuureen.

from VOA http://ift.tt/2sGJM5Q
via IFTTT

Saturday, June 17, 2017

Turkiga oo Riixaya In Qatar Go,doonka Laga Qaado

Dowlada Turkiga ayaa wali sii waddo dadaalo dhinaca diblamaasiyadda ah oo ay ku dooneyso in xayiraada looga qaado dalka Qatar.

from VOA http://ift.tt/2tfYJca
via IFTTT

Somaliland iyo Khaatumo oo Heshiis Gaaray

Heshiiskan ayaa labda dhinac u kala saxiixay Guddoomiyaha Guddiga Wada-hadalka Somaliland ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, halka dhanka Khaatumo uu u saxiixay Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

from VOA http://ift.tt/2sKAOnw
via IFTTT

Muqdisho: Shir Dib-u-heshiisiineed oo la soo Gababeeyey

Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir Qaran oo maalmahan ka socday oo looga hadlayay sidii loo heli lahaa hanaan toosan oo lagu wajaho dib u heshiisiinta Somalia.

from VOA http://ift.tt/2sKmtaP
via IFTTT

Barn. Martida: Garyaqaan Sahra Axmed

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Garyaqaan Sahra Axmed oo ka tirsan xarunta adeegga garyaqaanada ee Mayo ee dalka Britain

from VOA http://ift.tt/2rrfM9O
via IFTTT

Dhageyso Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idinku haynaa arrimo warbaahinta bulshada la xiriira, waxaana ku jira qodob aannu siinnay magaca "Kacaankii Kameradda"

from VOA http://ift.tt/2sBzAe4
via IFTTT

Dhageyso, Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Hambalyada iyo Heesaha todobaadkan waxaa ku jira heeso iyo qasaa'id xiise badan.

from VOA http://ift.tt/2smg6YL
via IFTTT

Dhageyso, Barnaamijka dhacdooyinka todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka todobaadka waxaa inala socodsiinaya jamaal Axmed Cismaan.

from VOA http://ift.tt/2rCgJjt
via IFTTT

Askar Mareykan ah oo badda Japan lagu la'yahay

Ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in todobo kamid ah askartii saarnayd Markabka USS FITZGERALD la waayay ugu yaraan 3 kalena uu dhaawac soo gaaray

from VOA http://ift.tt/2ty9h5y
via IFTTT

Friday, June 16, 2017

Libya: Dadaal Lagu soo Samatabixinayo Dadka Magafuhu Haysto

Hay'adda IOM ayaa sheegtay in ay socdaan dadaalo lagu soo samata bixinayo 200 oo muhaajiriin ah oo Somali iyo Ethiopian ah kuwaasoo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Libya, sidoo kalena ay madaxfurasho ka dalbanayaan.

from VOA http://ift.tt/2rFNIyK
via IFTTT

Gedo: Shabaab oo Weeraray Saldhigga Ciidamada Kenya

Wararka ka imanaya magaalada Baadheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa fiidkii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada. Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa VOA u sheegay in rasaas culus ay is weydaarsadeen ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugan iyo maleeshiyada Al-Shabab. Ilaa haatan ma cadda khsaaraha iska horimaadkan

from VOA http://ift.tt/2tvMjMx
via IFTTT

Dowladda Somalia oo Ceyrisay Madaxii FAO

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro  madaxa Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay Richard Trichard.

from VOA http://ift.tt/2sHeCuD
via IFTTT

Afar Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kenya

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa lix kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah ay miino kula qaraxday deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, una dhaxaysa Ceel Waaq iyo Mandera.

from VOA http://ift.tt/2rnGYWI
via IFTTT

Faaqidaadda: Xiisadda Dalalka Carabta

Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeynaa xiisadda ka aloolsan gacanka carbeed ee ka dhex oogan dalka Qatar iyo dalal kale oo xulufo ah iyo doorka arrintan ay ku leedahay Soomaaliya. Waxaa soo diyaariyeey soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.    

from VOA http://ift.tt/2sG9R4u
via IFTTT

Ruushka: Waxaa Macquul ah in la Dilay Al-Baghdadi

Ciidamada Ruushka ayaa maanta sheegay in mid ka mid ah duqeymaha ay ka fuliyeen dalka Syria dabayaaqadii bishii May oo lala beegsaday taliyayaasha kooxda Daacish, laga yaabo in lagu dilay hoggaamiyaha kooxdaas.

from VOA http://ift.tt/2ry3i4n
via IFTTT

Thursday, June 15, 2017

Warbixin: Hooyo Laba Gabdhood ku Weysay Qaraxii Muqdisho

Hooyo ka sheekeyneysa laba gabdhood oo uga dhimatay qaraxiii Piza House ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

from VOA http://ift.tt/2s7Hwmp
via IFTTT

Tirada Dhimashada Dabkii London oo Korortay

Booliska London ayaa sheegay in tirada dhimashada ee dabkii ka kacay dhisme dheer oo ku yaalla London ay gaadhay 17 qof, isla markaana laga cabsi qabo in tiradu ay sii korodho.

from VOA http://ift.tt/2rkxHyD
via IFTTT

Hiiraan: Dagaal Beeleed ay ku Dhinteen 15 Qof

Inta la xaqiijiyay in in ka badan 15 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maraya deegaano ka tirsan gobollada dhexe.

from VOA http://ift.tt/2sw8g1j
via IFTTT

Sh/Dhexe: Qarax Lagu Dilay Saddex Askari

Qarax miino kuwa dhulka la galiyo ah ayaa lagu dilay 3 askarta dowladda Soomaaliya ka tirsan, deegaan ilaa 8 Km dhinaca waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

from VOA http://ift.tt/2t5DV6O
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo Baaritaan Lagu Sameynayo

Dambi baaraha gaarka ah ee baaraya saameyntii Ruushka ku lahaayeen doorashadii madaxweyne ee sanadkii tagay ka dhacday dalka Mareykanka, ayaa baaritaanka ballaariyey kuna daray inuu eego haddii madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda.

from VOA http://ift.tt/2tpJ356
via IFTTT

Wednesday, June 14, 2017

Ciidanka Gaashaan oo Soo Afjaray Howlgalkii Maqaayadda Pizza House 

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd oo saaka ah soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay malleeshiyo ka tirsan Al-Shabab xoog ku galeen.

from VOA http://ift.tt/2rymvOj
via IFTTT

Faah-faahinta Dabka Ka Kacay Dabaq Ku Yaalla London

Murugo ayaa isu badashay caro dalka Ingiriiska, xilli kooxaha dabdamiska ay wali la tacaalayaan dab xoog leh oo Arbacadi ka kacay dabaq weyn oo ay ku noolaayeen boqollaal ruux, galbeedka magaalada London.

from VOA http://ift.tt/2rjavAN
via IFTTT

Qubanaha VOA, June 15, 2017



from VOA http://ift.tt/2sC13N1
via IFTTT

Maqaayado Ku Yaal Muqdisho oo Caawa La Weeraray

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in weli rasaas laga maqlayo maqaayado ku yaalla degmada Hodan oo ay weerareen maleeshyada ururka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2t3g47L
via IFTTT

Soomaalida Mareykanka oo ka Walaacsan Islaam Naceybka

Soomaalida iyo muslimiinta ku nool dalka Mareykanka ayaa ka walwalsan naceybka soo badanaya ee ka dhanka ah dadka muslimka ah ee dagan Mareykanka. Todobaadki hore ayey aheyd marki magaalooyin badan oo Mareykanka ah ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday shareecada Islaamka. Warbixintaan waxaa MN kasoo diray Maxamuud Mascadde.    

from VOA http://ift.tt/2safO79
via IFTTT

Dowladda oo Sheegtay Inay Isku Soo Dhiibeen 50 Shabaab ah

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay isku soo dhiibeen tan iyo intii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhowaaqay cafiska loo fidiyey xubnaha kooxdaas. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ahaa madax ka tirsan dawladda oo shalay kormeer ku tagay saldhigga ciidamada Laanta Buuro halkaasi oo ay iska soo dhiibeen laba ka mid ah dhalinyarada ayaa sheegay in badi dadka isku soo dhiibay dawladda ay ka tirsan dhalinyarada dagaalanta ee Al-Shabab. Haaruun Macruuf ayuu ugu warramay khadka telefoonka.  

from VOA http://ift.tt/2szXFCe
via IFTTT

Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi

Magaalada Nairobi, ee dalka Kenya, waxa ka soconaya tartan ciyaaraha kubadda koleyga ah oo ay ka qeyb galayaan kooxo matalaya dalalka bariga Afrika. Soomaaliya, waxaa tartankaasi u matalaya koox ka socota Muqdisho, taas oo afar dhammaadka hadda joogta, kadib markii ay soo badiyeen dhowr kulan oo ay cayaareen. Kulamadii ay cayaareen kooxdaasi iyo guud ahaanba tartanka ayuu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Xasan Aadan Xaaji Yabarow, oo ah guddoomiyaha ciyaaraha Banaadir, oo ka mid ah madaxda wehlineysa kooxda Muqdisho City.  

from VOA http://ift.tt/2rhdF8n
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 375

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 375-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.    

from VOA http://ift.tt/2rh1zw6
via IFTTT

Wakiil ka Tirsan Congress-ka Mareykanka oo la Toogtay

Stephen Scalise oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa goordhow lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhibaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg degga ah.

from VOA http://ift.tt/2t1UeBU
via IFTTT

Khasaare ka Dhashay Dab ka Kacay Dhisme ku Yaalla London

Dab damiyayaasha ayaa maanta oo arbaca ah sii wada isku day ay ku daminayaan dabkii ugu xumaaa inta la xusuusto oo ka kacay dabaq 24 biyaano ah oo ku yaalla galbeedka magaalada Lonodon.

from VOA http://ift.tt/2snDNBX
via IFTTT

Tuesday, June 13, 2017

Dagaal Beeleed Xalay Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Ugu yaraan 9 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dagaal xalay maqribki laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

from VOA http://ift.tt/2rpopp9
via IFTTT

Xiisado Colaadeed oo ka Jira Gobollada Dhexe

Maalmihii u dambeeyay waxaa xiisado colaadeed ay ka dhex oognaayeen beelo dega inta u dhaxeysa gobolada Hiiraan iyo Galguduud. Xiisadan ayaa dhalatay ka dib markii ciidamo la sheegay inay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Soomaaliya ay geel ka soo dhaceen xoola dhaqato ku sugneyd inta u dhaxeysa Degmada Maxaas iyo Tuulada Wabxo oo hoos timaada degamada Ceel-Buur. Xiisaddan ayaan ka wareysanay gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Col. Nuur Xassan Guutaale.    

from VOA http://ift.tt/2s75xZp
via IFTTT

Shirka Wadatashiga Dib u Heshiisiinta oo ka Furmay Muqdisho

Shir loogu magac daray shirweynaha wadatashiga hannaanka dib u heshiisiinta oo ay soo qaban qaabisay wasaarada federaalka iyo arrimaha gudaha ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirweynahan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana ka qeyb-galaya wufuud ka kala socota gobollada dalka Soomaaliya. Shirkan ayaa la doonayaa in lagu dejiyo qorshe ku saabsan habka ugu wanaagsan ee dib u heshiisiin buuxda looga hir-gelin karo dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen qaban-qaabiyayaasha. Faahfaahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo diray Axmed Xasan Colaad.  

from VOA http://ift.tt/2s6c1aR
via IFTTT

Wareysi: Haweeneyda Kaliya ee ka Kalluumeysata Seylac

Muumina Faarax Geelle oo ah haweenay Kalluumaysato ah oo in ka badan 20 sanadood ka shaqaynaysay badda magaalada Seylac ayaa VOA da uga warantay mudadii ay shaqadan kalluumaysiga ku soo jirtay, sidii ay ku baratay Wadista Doonyaha Kalluumaysiga iyo suuqa ay u iib gaysao Kalluunka ay Badda ka soo saarto. Muumina ayaa sheegtay in ay tahay haweenayda kaliya ee kalluunka ka soo jilaabata badda Seylac, waxaana ay tilmaantay in ay ku fikirto sidii ay haween kale ugu tababari lahayd Kalluumaysiga balse qalabka ay haysato iyo adeegyada fududeeya hawsha oo ku yar aawadeed aanay taasi u suuro galin. Haweenaydan Kalluumaysatada ah ayaa iyadoo ku sugan magaalada Seylac Khadka Telephone ka ugu waran tay wariyaha VOA da ee Boorama Haashim Sheekh Cumar Good.  

from VOA http://ift.tt/2rmCgwA
via IFTTT

IGAD oo Ergay Cusub u Magacowday Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD ayaa maanta ergay cusub u magacaabay arrimaha dalka Soomaaliya. Ergayga cusub ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo.

from VOA http://ift.tt/2rqhkA2
via IFTTT

Senate-ka oo Xoojinaya Cunaqabateynta Ruushka

Xubno ka tirsan Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa Isniintii isku raacay sharci cusub oo lagu xoojinayo cunaqabateynada saaran dalka Ruushka.

from VOA http://ift.tt/2rmlOwc
via IFTTT

Monday, June 12, 2017

Maxkamad Kale oo Diiday Amarki Trump

Maxkamada Sagaalaad ee Racfaanka ee magaalada San Francisco ayaa joojisay amarki uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga mamnuucay mudo 90 cisha ah in ay Mareykanka kusoo galaan muwaadiniinta lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

from VOA http://ift.tt/2rUWlbO
via IFTTT

Ganacsatada Britain oo Cadaadis Saaraya Xukumada May

Hogaamiyayaasha ganacsiga Britian ayaa sare u qaaday dalabkooda ku aadan ka bixitaanka ay Dowlada Britain ka baxeyso Midowga Yurub, kadib marki ay awooda Ra'isulwasaare Theresa May ku wiiqantahay doorashadi baarlamaaniga ee dhawaan ka dhacday dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/2rpZ8Gu
via IFTTT

Ismaaciil Cumar Madar oo Wareysi Siiyey VOA

Ismaaciil Cumar Madar oo ah arday dhalinyaro ah oo ka qayb galay tartanka qur'aanka kariimka ah ee sannad walba ka dhaca dalka Imaaraadkaa ayaa sheegay in laga soo masaafuriyey dalka Imaaraadka Carabta.

from VOA http://ift.tt/2s2Ln2p
via IFTTT

Khilaafka Dalalka Gacanka oo sii Xoogeysanaya

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka uu horkacayo Sacuudiga iyo dalka Qatar ayaa weli taagan, una muuqda mid sii xoogeysanaya.

from VOA http://ift.tt/2rS386d
via IFTTT

Fallanqeyn: Weerarkii ka Dhacay Saakow

Dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa shalay sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen saldhig ay ku tababartaan Al-Shabab oo u dhow magaalada Saakow lagu dilay sideed maleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan.

from VOA http://ift.tt/2rmK1xH
via IFTTT

Warbixin: Maxaa Caruurta ka Dhiga Derbi Jiif?

Ururka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo ILO ayaa sanadkii 2002-dii u asteeyay 12-ka June maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka ku shaqeynta caruurta.

from VOA http://ift.tt/2rROQT4
via IFTTT

Shaki Laga Muujiyey Dhimashada al-Baghdadi

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inaysan hayn wax akhbaar ah oo ay ku xaqiijiyaan ama ku beeniyaan warbixinada ku saabsan in hoggaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghadi lagu dilay duqeyn.

from VOA http://ift.tt/2sTkMVy
via IFTTT

Qatar oo Dhageysaneysa Walaacyada Laga Qabo

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait, Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa sheegay in dalka Qatar uu diyaar u yahay inuu dhageysto walaacyada ay qabaan afar dal oo kale oo carbeed ee dhaliyey in dalkaas xiriirka loo jaro.

from VOA http://ift.tt/2sjAj40
via IFTTT

Sunday, June 11, 2017

Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo Jeneraal Cumar Jaamac

from VOA http://ift.tt/2shCC7T
via IFTTT

Wafdi Qatar ka Socda oo Muqdisho Tagey

Warar ay VOA helayso ayaa sheegaya in wafdiga Qadar oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dawlaha Arirmaha Dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre.

from VOA http://ift.tt/2shttfl
via IFTTT

Somaliland: Doorashada Madaxtinimo oo la Cayimay

Guddida doorashada Somaliland ayaa cayimay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la qabto 13 November ee sannadkan, iyadoo xeer uu xalay soo saaray madaxweyne Siilaanyo isna uu ku raacay wakhtiga guddidu u qabteen

from VOA http://ift.tt/2rjCkZi
via IFTTT

Wicitaanka: Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)

Banraamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa uu ka hadlayaa uruurinta hubka ee dawladda Federalku ay ka waddo Muqdisho, waxaana marti ku ah Wasiirka Warfaafinta D.F. Somalia, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)

from VOA http://ift.tt/2rOUy8f
via IFTTT

Ciidamada Somalia oo Weeraray Saldhig Shabaab leeyahay

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa lagaga hadlay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka al Shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Saakow ee gobolka Shabeellada Dhexe.

from VOA http://ift.tt/2sb9PAV
via IFTTT

Weerar lagu Qaaday Saldhig ay leeyihiin al Shabab

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la bartilmaameedsaday saldhig ay Al-Shabab ku lahaayeen agagaarka magaalada Saakow. Warkan oo bartiisa twitterka uu ku qoray wasiirka Warfaafinta Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.

from VOA http://ift.tt/2rjgchm
via IFTTT

Saturday, June 10, 2017

Dibadbaxyo Iska Soo Horjeeday oo Ka Dhacay Mareykanka

Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo ay sameeyeen kooxo sheegay inay diidanyihiin Shareecada Islaamka iyo kuwo difaacayey dadka Muslimiinta ah ayaa ka dhacay shalay meelo badan oo ka mid ah dalka Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2sq9SJM
via IFTTT

Somaliland oo Xiriirka u Goysay Qatar

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay inay xiriirkii u jartay dawladda Qatar, iyada oo sheegtay inay garab taagan tahay dalalka Sucuudiga, Isu-tagga Imaaraadka, Masar iyo dalal kale oo iyaguna xiriirka u jaray dawladdaas

from VOA http://ift.tt/2seQU95
via IFTTT

Ciidanka Badda Somalia oo la Tababarayo

Dawladda Somalia ayaa bilowday inay qoroto arday dhawaan soo qalanjabisay, kuwaas oo loo furay tababar la xiriira culuumta badda si ay noqdaan ciidanka badda ee Somalia.

from VOA http://ift.tt/2sfayC4
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa qoddobo xiiso badan oo ka mid yihiin hinaasaha ama maseerka, iyo afafka qalaad ee afka Soomaaliga lagu dhafo

from VOA http://ift.tt/2sOmZSp
via IFTTT

Barnaamijka Martida: Maxamed Ibraahim

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Maxamed Ibraahim oo ka tirsan xisibiga Muxaafidka ee dalka Britain, waxana uu falanqeynayaa guul-darradii dhawaan ku dhacday xisbiga RW-e Theresa May

from VOA http://ift.tt/2seSfg8
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Kusoo dhawaada Bar. Dhacdooyinka Todobaadka, waxaa inala socodsiinaya Jamaal Axmed Cismaan, Qodobada ku jirana waxaa kamid ah xiisadda Gacanka

from VOA http://ift.tt/2soLyaW
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijkii xiisaha lahaa ee Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA http://ift.tt/2rc9D58
via IFTTT

Donald Trump oo ka falceliyay Marag furkii James Comey

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii shalay ka falceliyay marag furkii Taliyihii hore ee Hey'adda FBIda James Comey, marag furkaas oo uu Comey ku sheegay in Trump uu weydiistay inuu daacad u noqdo.

from VOA http://ift.tt/2rc2MIW
via IFTTT

Friday, June 9, 2017

Sacuudiga oo Somalia ku Cadaadinaya in Qatar ay Xiriirka u Jarto.

Dowladda Sacuudiga ay la sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadinayso sidiii ay xirirka ugu jari lahayd Qatar.

from VOA http://ift.tt/2rWde4k
via IFTTT

Faaqidaadda: Xiisadda Khaliijka

Barnaamijka Faaqidaadda ee Todobaadkan waxa uu ku saabsanyahay xiisadda u dhaxaysa Dalalka Khaliijka iyo sababaha keenay.

from VOA http://ift.tt/2r2XA6e
via IFTTT

Eritrea oo Taageertay Qatar

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa sheegtay in Sucuudiga iyo Imaaraatku ay codsadeen in Eritrea ay xidhiidhka diplomaasiga ah u jarto Qatar, taas oo ay Eritrea diidday

from VOA http://ift.tt/2rUzwDT
via IFTTT

Israsaasayn ka Dhacday Baydhaba

Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday goor dhowayd xero ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay.

from VOA http://ift.tt/2t1YbFD
via IFTTT

Thursday, June 8, 2017

Xisbiga Talada Haya ee Britian oo Kuraas Luminaya

Dalka Britain Xisbiga Muxaafadka ayaa noqonaya xisbiga kuraasta ugu badan ka hela dorashada guud ee dalkaasi shalay looga dareeray, laakiin ma helayo aqlabiyadda, Sida ay sheegeyso saadaasha goobaha codbixinta,

from VOA http://ift.tt/2sa9vmC
via IFTTT

Warbixin: Maragfurka Comey

Agaasimihii hore ee hey'adda dambi baarista Mareykanka James Comey ee shaqada laga eryay ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu weydiistay inuu u balan qaado inuu daacad u noqonayo

from VOA http://ift.tt/2rbuT6i
via IFTTT

Comey "Trump Wuxuu iga Doonayey Daacadnimo"

Agaasimihii FBI-da ee shaqada laga eryey James Comey ayaa xubnaha senate-ka Mareykanka maanta u sheegay in madaxweyne Trump uu ka doonayey inuu daacad u noqdo, islamarkaana joojiyo baaritaanka lagu hayo xiriirka kaaliyayaashiisa iyo saraakiisha Ruushka.

from VOA http://ift.tt/2sXZRAd
via IFTTT

Malaayiin Qof oo Maanta u Dareeray Doorashada Britain

Doorashada guud ee ka dhacaysa guud ahaan dalka Britain waxaa isu diiwaan-galiyay 47 milyan oo qof oo cod-bixiyayaal ah oo u dareeray sanaadiiqda codbixinta oo gaadhaya 40'000 oo sanduuq si ay u doortaan cidda hogaamin doonta dalkan. Ra'iiusl Wasaaraha Britain, Thersa May ayaa bil iyo 3 todobaad ka hor ku dhawaaqday doorashada maanta oo xiligeedii laga soo hormariyay. Sanaadiiqda codbixinta oo saaka loo dareeray ayaa furnaan doona ilaa 10-ka fiidkii ee caawa, natiijada ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqi doono goor-dambe oo caaw ah ilaa iyo barrio o jimca ah. Ra'iiusl wasaaraha Britain ayaa codkeeda ka dhiibatay deegaanka Sonning ee magaalada Berkshire ee gobolka Englad. Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha, Jeremy corbyn ayaa isna codkiisa ka dhiibtay xaafadda Islington, ee woqooyiga London. Hogaamiyayaasha kale ee xisbiga Liberal democtar , UKIP Green party iyo SNP ayaa iyaguna codokooda dhiibtay iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay si xoog badan loo dareemay ololaha doorashada oo sii xoogaysanayay. Amaanka guud ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dhowr maalomood la hakiyay ololaha doorashada kadib weerardii ka dhacay Manchester iyo London. 650 kuraastra baarlamanka ayaa lagu loolamayaa. 553 kamid ah kuraastaasi waxaa laga dooranayaa gobolka England. 59 kursi waxaa laga soo dooran doonaa gobolka Scotland. 40 mudanayaal baarlamaan ah waxaa ay kai man doonaa gobola welse , halka 18 mudanayaal baarlamaana laga soo dooran doono woqooyiga Ireland. Xisbiga ku guulaysta 326 kuraasta baarlamanka ah ayaa hogaamin doona dalka. Doorashadii guud ee dhacday sanadkii 2015 waxaa codadkii ugu badnaa helay xisbiga conservative-ka oo uu hogaaminayay David Cameron, waxaana xisbigiisu uu helay 12 kuraas oo dheeraad ah kadib shan sano oo ay dawlad-wadaag ay ahaayeen xisbiga liberal democrat. Guud ahaan dadka codadkooda dhiibtay doorashadaasi 2015 waxaa lagu qiyaasay 66.2%. Xisbiga conservative-ka ayaa ku sanadkii 2015-kii ku guulaystay 331 kuraasta baarlamanka, Xisbiga shaqaalaha ee Labour ayaa ku guulaystay 232 kuraasta baarlamanka, xisbiga UKIP ee xagjirka ayaa helay hal cod , halka Liberal democrats uu helay 8 kursi. Hase yeeshee Ra'iiusl Wasaare David Cameron ayaa iska casilay xilkaasi wax yar uun kadib markii dadweynaha Britain ay u codeeyeen in dalkoodu uu ka baxo Midowga Yurub kadib aftidii dhacday 23-kii June ee sanadkii hore, kadibn waxaa xilkaasi uga dambaysay Ra'iiusl Wasaare May oo haysay xilka tan iyo July sanadkii 2016-kii.

from VOA http://ift.tt/2rZXIGS
via IFTTT

Sh/Dhexe: 8 Qof oo Qarax iyo Weerar lagu Dilay

Ilaa saddex askari ayaa ku geeriyootay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miino kuwa dhulka lagu aaso ah ay gaarigii ay wateen oo ahaa nooca ay Soomaalidu Cabdi Bilaha u taqaano ah kula qaraxday meel aan ka fogeyn garoonka diyuuradaha magaalada Jowhar oo ku yaalla deegaanka macaashka cadayga oo qiyaastii 10km waqooyiga kaga beegan magaalada Jowhar. Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in gaariga qarxay uu gabi ahaanba bur-buray, waxaana askartii dhaawacu uu soo gaaray la geeyay Isbitaalka magaalada Jowhar. Dhinaca kalena ilaa 5 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay meel ku dhow deegaanka Xawaadley ee isla gobolka Sh/Dhexe. Dadkan ayaa saarnaa gaari xamuul ah oo sida la sheegay kusii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana dableyda dilka geysatay ay baabuurka kala dageen 5-ta ruux oo uu ku jiray darawalkii gaarigaasi. Dilkan ayaa waxa uu salka ku hayaa aano qabiil, waxaana wararka ay VOA heleyso ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Hir-Shabeelle ay gaareen deegaanka ay shaqaaqadu ka jirto. Dhanka kalena Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa goor dambe oo xalay ah waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin duleedka degmada Mahadaay ee isla gobolkaasi Sh/Dhexe. Dadka degaankaayaa sheegay in ay maqlayeen diryanka qaraxyada iyo hubka culus ee halkaasi leysku weydaarsaday. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray weerarkaasi.

from VOA http://ift.tt/2rEQ7g4
via IFTTT

Warbixin: Saameynta Cudurka Shubanka ee Somaliland

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxa deegaanno badan oo Somaliland ah ka dillaacay cuduro ay ka mid yihiin Shubanka, jadeecada iyo nafaqo-darro, kuwaas oo ka dhashay abaarihii ka dhacay deegaannadaas. Dadka ugu badan waxa dilay cudurka shubanka. Intii cudurkani jiray waxa uu haleelay dad ku dhaw 11,000 oo qof, waxaana u dhintay dad kale meelo kala duwan. Tirada dhimashada, meelaha uu ka dhacay iyo sida ay imika xaaladdu tahay waxa warbixintan ku eegaya weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo nooga soo diray Hargeysa.  

from VOA http://ift.tt/2r9hGuQ
via IFTTT

Qubanaha VOA, June 8, 2017



from VOA http://ift.tt/2r5lXUG
via IFTTT

50 Qof oo ku Dhintay Weerar ka Dhacay Puntland

In ka badan 50 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar culus oo saaka waabarigii maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku taalla gobolka Bari.

from VOA http://ift.tt/2rYOZVt
via IFTTT

QM: Daacish Waxay Dishay 231 Qof oo Shacab ah

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha QM ayaa maanta sheegay inay hayaan "warbixino la isku haleyn karo" oo tilmaamaya in dagaalyahanada kooxda Daacish ee dalka Iraq ay dileen 231 qof oo shacab ah oo isku dayayey inay ka qaxaan galbeedka magaalada Mosul.

from VOA http://ift.tt/2rYT5wA
via IFTTT

Puntland: Shabaab Oo Weerartay Saldhig Ciidan

Wararka ka imanaya degaanka Af Urur ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay saaka goor hore weerar ku qaadeen goobtaasi oo saldhig u ahayd ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa daraawiishta.

from VOA http://ift.tt/2sWmkgL
via IFTTT

Wednesday, June 7, 2017

Shabaab Oo Weerar Saakay Weerartay Degaanka Af-urur ee Puntland

Wararka ka imanaya degaanka Af Urur ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay saaka goor hore ay weerar ku qaadeen goobtaasi oo saldhig u ahayd ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa daraawiishka.

from VOA http://ift.tt/2s6BofB
via IFTTT

Ra’isulwasaaraha Oo Baaq U Diray Dhalinyarada

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa baaq u diray dhalinyarada dalka inay is abaabulaan sidii loo soo celin lahaa dawladnimada isla markaana ay ka hogtagaan waxyaabaha dadka Soomaalida qaybin kara sida qabyaalada.

from VOA http://ift.tt/2r47fgV
via IFTTT

Dowladaha Soomaaliya Iyo Hindiya Oo Maxaabiis Is-dhaafsanaya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso go'aan ay dawladda Hindiya ku ansixisay heshiis ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista xukuman.

from VOA http://ift.tt/2rNO9sk
via IFTTT

Dowladda Somalia oo ka Hadashay Khilaafka Dalalka Carabta

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan dalalka Carabta.

from VOA http://ift.tt/2qWbze1
via IFTTT

Kenya oo Ciidamo u Dirtay Gobollada Xadka Somalia

Todobaadyadii la soo dhaafay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta, waxaa ka jiray weeraro iyo qaraxyo ay ku dhinteen.

from VOA http://ift.tt/2sfvGHQ
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 374

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 374-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2qW6KBm
via IFTTT

Baarlamanka Iran oo Weerar Lagu Qaaday

Wakaaladaha wararka dalka Iran ayaa ku warramay laba weerar oo waa weyn oo maanta ka dhacay dalkaas, kuwaasi oo mid ka mid ah lagu beegsaday xarunta baarlamanka dalkaas, midka kalena qabriga hoggaamiyihii hore Ayatollah Ruhollah Khomeini.

from VOA http://ift.tt/2rKXIZ4
via IFTTT

Wiil Soomaali ah oo ka Qalin Jebiyey Machadka MIT

Iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo tahriib iyo dan-daro ugu le'da bad iyo bariba, ayaa haddana dhanka kale waxaa jira kuwa nolosha kasoo bilaabay meel hoose oo gaaray heer sare. Mubaarak Maxamed Maxamuud waa wiil ku dhashay baaddiyaha Dhulka Soomaalida Itoobiya, waxana uu ku qaatay waxbarashada aasaasiga iyo heerka sareba magaalada Hargeysa, gaar ahaan dugsiga Abaarso. Hadda waxa uu nasiib u yeeshay inuu todobaadkan ka qalin jabiyo Machadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts ee MIT loo soo gaabiyo ee dalkan Mareykanka, kadib deeq waxbarasho ah oo uu ka helay sanado ka hor. Sahra Cabdi Axmed, ayaa warbixintan ka diyaarisay.  

from VOA http://ift.tt/2r17U2n
via IFTTT

Tuesday, June 6, 2017

Warbixin: Mubaarak oo Ka Qalan Jibiyay Mac-hadka MIT

Iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo tahriib iyo dan-daro ugu le'do bad iyo bariba, ayaa haddana dhanka kale waxaa jira kuwa nolosha kasoo bilaabay meel hoose oo gaara heer sare.

from VOA http://ift.tt/2rJX8e8
via IFTTT

3 Qof oo ku Geeriyootay Qarax ka Dhacay Kenya

Saddex qof ayaa dhimatay kadib markii gaari ay saaraayeen ay miino kula qaraxday gobolka Waqooyi Bari Kenya, galabta casar liiqii.

from VOA http://ift.tt/2qYeiYw
via IFTTT

Yacqub Khayre oo la Tababartay Al-Shabaab

Yacquub Khayre oo ka dambeeyey weerarkii magaalada Melbourne ka dhacay maalintii shalay, ayaa idaacadda VOA ogaatay inuu hadda ka hor la tababartay ururka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2rwVNJl
via IFTTT

Dagaalyahan ka Tirsan Daacish oo Isku Dhiibay Puntland

Ciidmada Puntland ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay mid ka mid ah Ururka Daacish ee ku sugan buuralayada Bari.

from VOA http://ift.tt/2sc9jDi
via IFTTT

Madaxweyne Farmaajo oo Tagey Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqday magaalada Kismaayo halkaasi oo si weyn ay ugu soo dhoweeyeen mas'uuliyiinta maamul Goboleedkaasi. Waftiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda. Warbixixntan waxaa noo soo diray Khadar Maxamuud Xareed.  

from VOA http://ift.tt/2qTeuUt
via IFTTT

Nin Soomaali ah oo Weerar ka Gaystay Australia

Booliiska dalka Australia ayaa sheegay inuu asal ahaan Soomaaliya kasoo jeedo nin weerar ka gaystay magaalada Melbourne kaasi oo magaciisa lagu sheegay Yacquub Khayre.

from VOA http://ift.tt/2r1Irkt
via IFTTT

Trump oo Mar Kale ku Baaqay Xannibaad Socdaal

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa u adeegsaday barta twitter-ka inuu mar kale ku baaqo xannibaad socdaal oo dalka Mareykanka laga saaro dadka ka imanaya dalal uu ugu yeeray "kuwo halis ah".

from VOA http://ift.tt/2sN2xR3
via IFTTT

Monday, June 5, 2017

Isku-shaandheyn Lagu Sameeyey Wasiiraada Somaliland

Qaar ka mid ah xubnaha Xukuumadda Somaliland ayaa isku-shaandhayn lagu sameeyay, kadib warsaxaafadeed xalay fiidkii laga soo saaray aqalka madaxtooyada.

from VOA http://ift.tt/2rO44J6
via IFTTT

Awdal: Dad Ka badan 60 oo uu Shuban Biyood Soo Ritay

Waxaa waayadan dambe ka jiray degmada Borama ee Gobolka Awdal xanuunka Shubanka. Bukaano ka badan 60 qof oo uu soo ritay xanuunkaasi ayaa la dhigay Cusbataalka Boorama.

from VOA http://ift.tt/2sM2WmI
via IFTTT

Wararki Ugu Danbeeyey ee Qalalaasaha Khaliijka

Dalalka Kuwait iyo Turkey ayaa bilaabay dadaalo diblamaasiyadeed oo ay ku qaboojinayaan xiisadda ka taagan dalalka Khaliijka ee go,doomiyey Qatar.

from VOA http://ift.tt/2rNW4bl
via IFTTT

Booliska Oo Magacaabay Kuwi Weeraray London

Booliska Magaalada London ayaa soo bandhigay magacyada laba ka mid ah sadex ruux oo la sheegay in geysteen weerarki Sabtidi lagu qaaday magaalada London, kaasoo ay ku dhinteen todobo ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 50 kale.

from VOA http://ift.tt/2rYL2Rv
via IFTTT

Dadkii u Codeeyey Trump oo ka Walaacsan Weeraro Argagixiso

Weerarada ay kooxaha xagjirka ah ka gaysteen London iyo kuwii hore uga dhacay Faransiiska iyo Biljamka ayaa cabsi badan ku abuuray dadka deggan gobollada dhexe ee Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2qTUSUg
via IFTTT

Askar Lagu Dhaawacay Qarax ka Dhacay Duleedka Jowhar

Seddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacantay ka dib markii galinkii dambe ee maanta qarax miino lagu bartilmaamedsaday duleedka magaalada Jowhar.

from VOA http://ift.tt/2rLsrY2
via IFTTT

Hadliye oo ka Hadlay Xiisadda Dalalka Gacanka

Lix waddan oo kala ah Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Masar, Yemen iyo Liibiya ayaa xiririka u jaray dawladda Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagixisada.

from VOA http://ift.tt/2qY99KP
via IFTTT

Fallanqeyn: Xiisadda Dalalka Khaliijka

Shan dal oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta ayaa xiriirkii diblomaasi u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeynaya inay xiriir dhow la leedahay Iran, taageerana ay u fidiso kooxaha argagixisada.

from VOA http://ift.tt/2s9lCAb
via IFTTT

Laba Askari oo ku Geeriyootay Qarax ka Dhacay Kismaayo

Labo askari ayaa ku geeriyootay toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha saldhiga booliska ee magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2sIF8QJ
via IFTTT

Warbixin: Habka Cadaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay wacad ku maray inuu wax ka qabanayo hanaanka cadaaladda ee dalka Soomaaliya, oo qaladaad badan uu ka jiro.

from VOA http://ift.tt/2rKIFAF
via IFTTT

Afar Dal oo Carbeed oo Xiriirka u Jaray Qatar

Dalalka Saudi Arabia, Bahrain, Imaaraadka iyo Masar, ayaa maanta ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyeed u jareen dalka Qatar, ayaga oo ku eedeeyey inuu taagero argagixisada.

from VOA http://ift.tt/2rJWEa6
via IFTTT

Gabar Soomaali ah oo Lagu Weeraray Ohio

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa ilaa iyo shaley aad u hadal hayey weerar la sheegey in nin cadaan ah uu u geystey gabar Soomaali ah oo ay daris ahaayeen.

from VOA http://ift.tt/2qWVd41
via IFTTT

Sunday, June 4, 2017

Wicitaanka: Prof. Cusmaan Salaad Xirsi

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Cusmaan Salaad Xirsi oo maaddadda Giyolijiga ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Canada

from VOA http://ift.tt/2sDK2OH
via IFTTT

Falanqeyn: Weerarkii London

Weerarrada xalay ka dhacay London ayaa yimid laba toddobaad uun kadib weerarkii ismiidamainta ahaa ee ka dhacay magaalada Manchester ee England oo ay ku dhinteen 22 qof.

from VOA http://ift.tt/2rGdlmx
via IFTTT

Muqdisho: Dibad-bax ay Dawladdu ka Qeyb-gashay

Dibad-baxan oo ahaa mid ballaadhan, kana dhacay garoonka ciyaaraha ee Stadium Banaadir, kaas oo ay ka qaybgaleen madaxda dalwadda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

from VOA http://ift.tt/2sDH1hl
via IFTTT

Dayuurad Waraaqo ku Daadisay Jilib

Wararka ayaa sheegaya in waraaqahaas la daadiyey ay ku qornayd farriin ugu baaqaysa maleeshiyada Al-Shabab inay ka faa'iidaystaan cafiskii dawladda ee ku baaqayey xubnaha ku jira Al-Shabab inay kaga soo baxaan ururkaasi muddo 60 maalmood ah.

from VOA http://ift.tt/2ssH4h0
via IFTTT

Saturday, June 3, 2017

London oo La weeraray

Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kadib laba weerarar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London.

from VOA http://ift.tt/2sCVb2g
via IFTTT

Farqiga Ramadaanka Dalalka Masar Iyo Soomaaliya

Muslimiinta ku nool caalamka ayaa ku guda jira asbuuci labaad ee bisha barakeysan ee Ramadan.

from VOA http://ift.tt/2rEJg71
via IFTTT

Banaanbaxyo Ka Dhacay 136 Magaalo

Bannaanbaxyo lagu dalbanayo in baaritaan cadaalad ah lagu sameeyo faragelinta la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashadi Mareykanka ee sanadki hore, ayaa Sabtidi ka dhacay in ka badan 135 magaalo oo ku yaala Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka.

from VOA http://ift.tt/2sCWoqs
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa todobaadkan soo jeedinaya Ibraahim Xasan iyo Caasha Ibraahim

from VOA http://ift.tt/2qS9lvf
via IFTTT

Martida Makrafoonka iyo Ololaha Walaal Afuri

Toddobaadkan waxaa marti ku ah barnaamijka Bashiir Mursal Ciise Bootaan, oo ka mid ah ololaha walaal afuri.

from VOA http://ift.tt/2rnySA9
via IFTTT

Cawayska Washington

Waa barnaamijka Cawayska Washington oo qodobo xiiso badan aad ku maqli doontaan.

from VOA http://ift.tt/2qRSWqK
via IFTTT

Dayuurad u Rarneyd WFP oo Garbaharey ku Dhacday

Diyaarad Xamuul ah oo u rarnayd hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunadda ee WFP ayaa ku dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

from VOA http://ift.tt/2rQZZVG
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijkeenna Dhacdooyinka Todobaaka ayaan dib ugu eegnaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa todobaadka dhamaanaya, inagoo ku darna falanqeyn iyo faahfaahin.

from VOA http://ift.tt/2qLIxxi
via IFTTT

al-Shabaab oo Weerartay Ciidamada Kenya ee Kulbiyow ku Sugan.

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhex weerar culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya ee AMSIOM iyo kuwa Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobbolka Jubbada Hoose.

from VOA http://ift.tt/2rQeE3e
via IFTTT

Friday, June 2, 2017

Kanada: Hogaanka Cusub ee Muxaafidka Soomaalidu Sidey u Aragtaa?

Xisbiga Muxaafidka Canada ayaa doortey hogaamiye cusub oo badalaya Raysal Wasaarihii hore, Stephen Harper kaasoo dalkaasi xakumayey inti u dhaxeysay 2006-dii ilaa iyo 2015-kii.

from VOA http://ift.tt/2rBLK61
via IFTTT

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka Hadlay Xaaladda Burco

Wasiirika Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed ayaa sheegay inay hoos u dhacayaan dadka uu soo ridanayey cudurka shuban-biyoodka ee faraha ba'an ku haya dadka ku nool magaalada Burco.

from VOA http://ift.tt/2qINSWs
via IFTTT

QubanahaVOA, June 1, 2017



from VOA http://ift.tt/2s24hJp
via IFTTT

Al-Shabab oo Noqotay Ururka Ugu Dilalka Badan Afrika

Ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inuu xilligan kaga horreeyo ururrada Boko Haram iyo Daacish marka ay noqoto dadka ku dhinta gacan ka hadalka iyo dagaalka ay wadaan.

from VOA http://ift.tt/2rMv64o
via IFTTT

Faaqidaadda: Dakhliga Dowladda oo Kordhay

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay kordhaya dakhliga usoo xarooda, gaar ahaan kan kasoo gala dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Haddaba barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa arrintan, waxaana soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.  

from VOA http://ift.tt/2s0TLlO
via IFTTT

15 Caruur ah oo u Geeriyootay Talaalka Jadeecada

15 caruur ah ayaa u geeriyooday talaalka cudurka jadeecada oo si qaldan loo siiyey, kaasi oo dadka bixinayey ay ku jireen caruur kale oo qaarkood da'doodu ka yartahay 12 jir, sida ay sheegtay dowladda Koonfur Sudan.

from VOA http://ift.tt/2sweYk5
via IFTTT

Thursday, June 1, 2017

Mareykanka oo ka Baxay Heshiiskii Cimilada ee Paris

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee Paris ee isbedelka Cimilada ee sanadlii 2015kii ay saxiixeen dalal ku dhow 200 oo uu mareykanka hormuud ka ahaa.

from VOA http://ift.tt/2rhIbRR
via IFTTT

Jabahadda SDF oo ku Siqeysa Raqqa

Saraakiisha milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada uu Mareykanka taageero ee Syria ee la magac baxay xooggaga Dimuquraadiyiinta Syria ay ilaa iyo sadex kilomitir ay u jiraan Magaalada Raqqa

from VOA http://ift.tt/2rhD1oY
via IFTTT

Xildhibaan Ilyas Barre oo ka Hadlay Weerarada Al-Shabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii dhowaa sii kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, ayada oo maanta kaliya fulisay laba weerar.

from VOA http://ift.tt/2qFhnbu
via IFTTT

Mareykanka oo Tabar u soo Xiray Ciidamo Soomaali Ah

Tababarayaal Maraykan ah oo ka tirsan guutada 101 Airbone Division ayaa dhawaan markii ugu horreysay tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dowladda Somalia. Tababarkan ayaa  qeyb ka ah dadaal uu Maraykanka ku doonayo in ciidamada Soomaaliya looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha mintidiinta. Warixintan waxaa inoo haya Cabdixakiim Shirwac.  

from VOA http://ift.tt/2rtvwvL
via IFTTT

Burco: Dadka u Dhimanaya Cudurka Shubanka oo Kordhay

Tirada dadka u dhintay cudurka shubanka ee maalmahanba ka jiray magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa korodhay, iyadoo saaka ilaa xalay ay dhinteen afar qof oo kale.

from VOA http://ift.tt/2qJuzeO
via IFTTT

Al-Shabab oo Dad ku Dishay Kana Afduubatay Gudaha Kenya

Maleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay qof ku dileen, sidoo kalena laba macallin ay ku afduubteen weerar ay xalay ku qaadeen tuullada FAFI oo 90 km u jirta magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

from VOA http://ift.tt/2rod45J
via IFTTT

Argagixisada Dunida oo Gaartay Heerkii u Sareeyey

Argagixisada dunida ayaa sanadkii tagay gaartay heerkii ugu sarreeyey, islamarkaana rabshadaha ayaa dhaqaalaha dunida u geystay khasaare dhan 14.3 trillion oo dollar, ayada Mareykanka kaliya gaarsiisay 2.5 trillion oo khasaare ah.

from VOA http://ift.tt/2qDEzqI
via IFTTT