Iyada oo maalmo yar ay ka horsan yihiin doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka ayaa waxaa jira dad sii bilaabay in ay codkooda sii dhiibtaan, xilli ay gobolada Soomaalida ay ku badan yihiin ee Minnesota, Ohio iyo kuwa kale ay durbaba codeeyeen.
from VOA https://ift.tt/2DgoEIS
via IFTTT
Wednesday, October 31, 2018
USA: Dad Sii Codeynaya Doorashada
Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo heshiis kala saxiixday
Bankiga Adduunka iyo dawladda Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis deeq dhan 80 milyan oo dollar lagu siinayo Soomaaliya. (Warbixinta arrintan halkan ka dhageyso)
from VOA https://ift.tt/2P2EyNa
via IFTTT
Ciidamada xoogga oo ballan-qaaday amniga doorashada K/Galbeed
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa ballanqaaday inay ciidamadu ka shaqeynayaan sugidda amniga inta lagu jiro doorashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed oo dhacaysa 17-ka Noovember. Arrimahaa siyo dib u qabsashada Dyanuunay ee ciidamada dawladda ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Taliyaha Jeneraal Ibraahim Yarow.
from VOA https://ift.tt/2CS0a7G
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 443-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 443-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 443-aad
from VOA https://ift.tt/2P23eFI
via IFTTT
Trump oo wax ka beddelaya sharciga dhalashada
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa huriyey dood kulul oo ku aaddan xaqa ay caruurta Maraykanka ku dhasha ay u leeyihiin inay muwaadiniin noqdaan.
from VOA https://ift.tt/2RoixoM
via IFTTT
Afghanistan: Mas'uuliyiin ku dhintay diyaarad soo dhacday
Diyaarad milatari oo sidday saraakiil sare ayaa ku dhacday gobolka gableedka dalka Afghanistan ku yaalla ee Farah, halkaasi oo ay ku dhinteen 25 qof oo diyaaradda saarnaa.
from VOA https://ift.tt/2Pv7z3y
via IFTTT
Tuesday, October 30, 2018
Trump iyo Caruurta Maraykanka ku Dhalata
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa huriyey dood kulul oo ku aaddan xaqa ay caruurta Maraykanku dhashaa u leeyihiin inay muwaadiniin noqdaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wareegto madaxweyne ka soo saari doono talaabo uu arrintaas ku joojinayo.
from VOA https://ift.tt/2PyXWRw
via IFTTT
Wiil arday ahaa oo lagu dilay Garoowe
Ciidamada amniga ee magaalada Garoow ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay qabteen laba nin oo lagu tuhunsan yahay dil xalay ka dhacay magaalada. Dilka ayaa loo geystay nin dhalinyarao ah oo ka mid ah ardayda Jaamacadaha oo toogasho lagu dilay. Dadweynaha magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay dilkaasi ka xumaadeen iyadoo ardayda jaamacadduna ay maanta joojiyeen duruustii magaalada Garoowe. Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan noo soo diray.
from VOA https://ift.tt/2JsTbn0
via IFTTT
Lafoole: Lix qof oo toogasho lagu dilay
Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee Afgooye ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogteen lix qof oo saddex ka mid ah ay isku qoys ahaayeen. (Halkan ka dhageyso wareysi ku saabsan)
from VOA https://ift.tt/2ETRn85
via IFTTT
Danjire Yamamoto oo la kulmay Soomaalida Mareykanka
Safiirka Cusub ee uu dhawaan Madaxweyne Trump u magacaabay Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa xalay xubno ka tirsan bulshada Soomaalida Mareykanka kula kulmay gobolka Minnesota.
from VOA https://ift.tt/2AB0Wo5
via IFTTT
Amisom oo ka hadleysa ka bixitaanka Soomaaliya
Magaalada Nairobi waxaa ka bilowda shir shan maalmood socon doona oo Madaxda Howlgalka Midogwga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM, iyo dhinacyo kale oo muhim ah ay ka yeelanayaan qorshaha howlgalka AMISOM, gaar ahaan – sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ka bixisita ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo sidii uu ku noqon lahaa mid si wanaagsan ku dhaca. Shirkan ka fulmay Nairobi ayaa waxa ay dhinacyadu isla eegi doonaan sidii qorshe sadex sano ah oo AMISOM ay si tartartiib ah masuuliyadda ammaanka ugu wareejin doonto ciidamada Soomaaliya. Wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan ka soo diray London.
from VOA https://ift.tt/2OVJNhL
via IFTTT
Muqdisho: Dood laga yeeshay maandooriyaha
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay dood looga hadlay saamaynta bulsho ee ka dhalatay isticmaalka maandooriyaasha, sida Xashiishka iyo shiishadda oo la sheegay inay ku soo kordheen magaalada.
from VOA https://ift.tt/2CS468F
via IFTTT
Mareykanka oo 5,200 askari u diraya xuduuda Mexico
Wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa 5,200 oo askari u direysa xuduudda Mareykanka iyo Mexico, si loola tacaalo muhaajiriin u dhashay dalka Honduras oo kusoo wajahan Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2qk585Q
via IFTTT
Monday, October 29, 2018
Shir Ku Saabsan La Dagaalanka Gaajada iyo Nafaqo Darada oo ka Socda Magaalada Madrid.
Shirkaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha baarlamaanada dunida ee ka hortaga Gaajada iyo Cunto xumada, ayaa waxaa sanadkan ka qeybgalaya xubno ka mid ah Baarlmaanka Somalia.
from VOA https://ift.tt/2yBirDp
via IFTTT
Golaha wasiirada Somalia oo ansixiyey miisaaniyadda 2019
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda sanadda 2019, oo gaareysa 340 milyan oo dollar.
from VOA https://ift.tt/2qiw5qy
via IFTTT
Angela Merkel oo xilka ka degeysa
Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa galabta ku dhawaaqday in ay ka degi doonto xilka marka la gaaro sannadka 2021, kaddib marki uu xisbigeeda ku guuldarreystay doorashooyinka gobollada ee dalka Jarmalka. Hadalkaan ayay Angela Merkel ka sheegtay shir jaraa'id oo ay maanta qabatay, iyada oo sidoo kale xaqiijisay in aysan isu soo taagi doonin xilka gudoomiyaha xisbigeeda oo ay hogaaminaysay tan iyo sannadkii 2000. Markel Waxaa kale oo ay sheegtay inuusan qorshaha ugu jirin in ay jago ka raadsato Guddiga Midowga Yurub, taasoo meesha ka saareysa warar la isla dhaxmarayay oo sheegay inuu damac uga jiro xilka madaxa Midowga Yurub. Arrintan ayaa timid kaddib marki uu xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) uu natiijo aad u liidata ka keenay doorasho axadii shalay ka dhacday Hesse.
from VOA https://ift.tt/2qgSch3
via IFTTT
Odayaasha Koonfur Galbeed oo ka digay faro-gelin
Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ka digay faragalin ay sheegeen in dowladda federaalka ah ee soomaaliya ay ku hayso doorashooyinaka lagu wado in bisha dambe ay ka dhacaan Baydabo. (Dhageyso wareysi arrintaas la xiriira)
from VOA https://ift.tt/2Dbi1aH
via IFTTT
Muqdisho: Sharciga doorashada oo laga dooday
Xisbiayda siyaasadeed ee dalka iyo wasaaradad arrimaha gudaha ayaa dood ka yeeshay sharciga doorashooyinka. Axsaabta siyaasadda ayaa ka dooday qaar ka mid ah qodobada qaar iyaga oo xusay qaarkood in xilligan aysan ku habooneen. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku adkeeysaneeso in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka qabsoonto 2021-ka. Cabdulqaadir OK ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2JmyDwv
via IFTTT
Cesar Sayoc oo maanta la maxkamadeynayo
Cesar Sayoc, oo ah nin si aad ah u taageera madaxweyne Donald Trump, kaasi oo lagu eedeeyey in 13 xirmooyin oo ay ku jiraan aalado qarxa u diray dad kasoo horjeeda madaxweynaha, ayaa maanta kasoo hor-muuqan doona maxkamad.
from VOA https://ift.tt/2D9fIor
via IFTTT
Diyaarad sidday 189 qof oo ku dhacday badda Indonesia
Diyaarad ay leedahay shirkadda Lion Air, oo ay sarnaayeen 189 qof oo rakaab iyo shaqaale ah ayaa ku dhacday badda, waxyar un kadib markii ay ka kacday magaalada Jakarta, sida ay sheegtay hay'adda musiibooyinka dalka Indonesia.
from VOA https://ift.tt/2OTYSQS
via IFTTT
Sunday, October 28, 2018
Ergo ku Baxday Dagaalka Sool
Waxaa deegaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool gaaray ergooyin ka tagay magaalooyinka Laascaanood, Garoowe, iyo Buuhoodle si loo kala qaboojiyo labada beelood ee ay coladda u dhaxeyso
from VOA https://ift.tt/2Sq8h0w
via IFTTT
Horumarka Adeegga Shirkadaha Is-gaarsiinta Somalia
Shirkadda Telesom ayaa ka mid ah shirkadaha sannadkan ku jira sagaal shirkadood oo loo soo xulay in ay u tartamaan abaalmarin sannadkiiba mar lagu abaalmariyo shirkadaha horumarka ka sameeyay isgaadhsiinta Afrika.
from VOA https://ift.tt/2z9KVn9
via IFTTT
Yemen: QM oo Deeg Lacageed Gaarsiinaysa
Hay'adda qaxootiga u qabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay lacag malaayiin dollar ah siinayso in ka badan 150 kun oo qof oo aad u nugul, kuwaasi ooe ka mid ah dadka ku baro kacay dagaalka in ka badan sadex sano ka socda dalka Yemen.
from VOA https://ift.tt/2SqRYjZ
via IFTTT
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaya shir Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho oo dalal ururka Islaamku ay qabteen
from VOA https://ift.tt/2z8v741
via IFTTT
Saturday, October 27, 2018
Xaaladda Kismaayo oo Deggan Kaddib Iska-hor-imaad Ka Dhacay
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan maanta, kadib markii shalay gelinkii dambe uu iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland. Iska hor-imaadkaasi ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
from VOA https://ift.tt/2z6BeFV
via IFTTT
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaad ku dhageystan doontaan wareysi ku saabsan dilkii wariye Jamal Khashoggi, waxaana ka waramaya rug caddaaga saxaafadda Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar
from VOA https://ift.tt/2EPydjE
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
WASHINGTON. D.C — Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2CKdBXh
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeediaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud), waxaanad ku maqli doontaan fariimaha dadkweynaha iyo heeso xiiso badan
from VOA https://ift.tt/2ORLsEV
via IFTTT
Xubno Ururka Islaamka oo Muqdisho ku Shiray
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Islaamiga Dalalka Islamka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (OIC) ayaa maanta kullan heer wasiiro ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, shirkaas oo guddoominayey Ra'iisal Wasaare Kheyre
from VOA https://ift.tt/2JjBPsK
via IFTTT
Wareysi Gaarka ah: Madaxweyne Mustafe Cagjar
Madaxweynaha ayaa u warramay wariyaha VOAda Maxamed Faarax Shire, ayaa ugu horreyn ka hadlayaa waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa ilaa iyo hadda.
from VOA https://ift.tt/2PsuAnQ
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Soomaaliya, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2OSyuGR
via IFTTT
Friday, October 26, 2018
Faaqidaadda: Shirkii dowlad gobleedyada ee Garoowe
Barnaamijka faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay shirkii madaxda maamul goboleedyada ugu soo dhammaaday magaalada Garoowe, kaasi oo laga soo saaray qodobo badan.
from VOA https://ift.tt/2EL9ZXv
via IFTTT
Dab ka kacay suuqa Laascaanood
Waxaa maanta uu dabqabsaday qeybo ka mid ah Suuqa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
from VOA https://ift.tt/2D6eQ40
via IFTTT
Kooxda Xiriirka Somalia oo ku shiraya Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa ku qulqulaya wufuuf ka kala socota 15 dal oo ku bahoobay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islamaka (OIC), oo ay 57 dowladood ku jiraan.
from VOA https://ift.tt/2Jh1H8p
via IFTTT
Erdogan oo Sacuudiga ka dalbaday meydka Khashoggi
Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku booriyey Sacuudiga inay shaaca ka qaadaay halka uu yaallo meydka suxufiga Sacuudiga ee la dilay Jamal Khashoggi.
from VOA https://ift.tt/2EGEApc
via IFTTT
Trump oo ciidamo milatari ah u diraya xuduudda Mexico
Ayada oo koox muhaajiriin ah oo ka yimid dalalka bartamaha Amerika ay kusoo socdaan xuduudda waqooyi ee Mexico, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu rajadooda ah inay soo galaan Mareykanka ugu yeeray "xaalad qaran oo deg deg ah".
from VOA https://ift.tt/2AtTnj8
via IFTTT
Thursday, October 25, 2018
Sacuudiga: Dilka Khashoggi wuu qorsheysnaa
Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale beddeshay sharaxaadeeda dilka suxufi Jamal Khashoggi loogu gaystay gudaha qunsuliyadda Riyadh ee Istanbul, waxaana markan ay sheegtay in dilka uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyey.
from VOA https://ift.tt/2EJyW5D
via IFTTT
Warbixin: Dumarka iyo siyaasadda Ethiopia
Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa shalay ansixiyay golaha wasiirada uu soo xushay ra'iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Axmed. Golahaas oo kala bar ay dumar yihiin, ayaa loo arkaa doorkii ugu xooganaa ee ay dumarka siyaasadda ka helaan taariikhda Ethiopia, oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan Africa. Muddo todoba bilood ah oo uu joogay xafiiska, Abiy Axmed waxa uu dadlkaasi iyo siyaasadda Ethiopia ee gobolkaba uu ka sameeyay isbedello waa weyn. Waxaa ka mid ahaa si deynta kumanaan maxaabiis ah, heshiiskii uu la galay Eritrea iyo balanqaadyo uu ka sameeyay furfurista dhaqaalaha. Hadaba golahan wasiirada cusub ee Ethiopia ee kala barka ay dumarka yihiin waxaa warbixintan kooban inooga heysa Caasha Ibrahim Aaden.
from VOA https://ift.tt/2z4U6Fc
via IFTTT
Go'aano kasoo baxay shirka dowlad goboleedyada
Shirkii afaraad ee Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ayaa lasoo gebagebeeyey. (Dhageyso wareysi arrintaas ku saabsan)
from VOA https://ift.tt/2qipHQ9
via IFTTT
Muqdisho Kulan looga hadlayo sharciga doorashada
Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda kulan ay dowladda Soomaaliya qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ugu soo bandhigeyso sharciga qabya qoraalka doorashooyinka.
from VOA https://ift.tt/2R9G4tA
via IFTTT
Qurbe: Tuke Travel oo adeeg cusub u soo kordhisay Soomaalida
Shirkad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa arrimaha socdaalka, ayaa arrin ku cusub Soomaalida dhexdooda ku soo kordhisay adeegyada ay qabato.
from VOA https://ift.tt/2ywUw7R
via IFTTT
Liverpool oo dardartay Red Star Belgrade
Liverpool ayaa xalay 4-0 ku garaacday kooxda Red Star Belgrade. Laba ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay Mohamed Salah oo hadda noqday laacibki ugu horreeyay oo muddo gaaban gudaheed Liverpool ugu dhaliya 50 gool.
from VOA https://ift.tt/2CGxNJL
via IFTTT
Paris St Germain 2-2 Napoli
Ciyaar ka tirsaneyd Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub aadna indha loogu hayay ayaa xalay magaalada Paris ku dhexmartay kooxaha Paris St Germain iyo Napoli, waxaana ay labada koox iskula ag-dhaceen barbarro 2-2 ah.
from VOA https://ift.tt/2Jf6Kq5
via IFTTT
Barcelona oo 2-0 ku garaacday Inter Milan
Ciyaaro xiiso leh oo ka tirsan wareega 1-aad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ayaa xalay ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Qaaradda Yurub.
from VOA https://ift.tt/2PhCO25
via IFTTT
Najib Razak oo dacwado lagu soo oogay
Ra'iisul wasaarihii hore ee Malaysia Najib Razak iyo madaxiisii hore ee lacagta ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay si qaldan u maareeyeen 1.6 bilyan oo dollar oo hanti dadweyne ah.
from VOA https://ift.tt/2PUWoOu
via IFTTT
Wednesday, October 24, 2018
Mashruuc biyo ballaarin oo laga fulinayo Hargeysa
Tiro yar oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa hela biyo qasabado laga cabbo, iyadoo laga dayrinayo biyo-yaraan guud oo magaalooyinka kale soo foodsaarta.
from VOA https://ift.tt/2EEES00
via IFTTT
QM oo ka deyrisay heerka waxbarashada Soomaaliya
Xadfiiska QM ee dhinaca bani aadannimada ayaa sheegay in caqabado dhowr ah oo is-biirsaday ay ka hor joogsadeen in ka badan 70% caruurta Soomaalida inay dugsiyada waxbarashada tagaan. (Halkan ka dhageyso warbixintaas)
from VOA https://ift.tt/2SaM3Q2
via IFTTT
Mashruuc biyo ballaarin oo laga fulinayo Hargeysa
Tiro yar oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa hela biyo qasabado laga cabbo, iyadoo laga dayrinayo biyo-yaraan guud oo magaalooyinka kale soo foodsaarta. Maanta waxaa magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad si rasmi ah loogu furayay bilowga mashruuc qayb ka ah qorshaha biyo-ballaadhinta Hargeysa, kaas oo ay ku baxayso lacag dhan 5 milyan oo Doollar oo ay bixisay shirkadda Coca-Cola Foundation oo kaashanaysa shirkadda maxalliga ah ee SBI. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo direy Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2yVgCQQ
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 442-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 442-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2SgVyx3
via IFTTT
Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay Mandhera
Magaalada Mandheera ee Ismaamulka Soomaalida Kenya waxaa lagu soo gaba gabeeyay kullan loga hadlayay sidii looga hortagi lahaa falalka amaan darrada ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka geystaan inta badan gobbolka Waqooyi Bari ee Kenya. Kulanka oo socday muddo dhan laba maalmood waxaa kasoo qeyb galay mas'uulyiinta Ismaamulada Soomaalida Kenya, odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixinta kulankaasi kasoo diray magaalada Nairobi.
from VOA https://ift.tt/2O3uP3Z
via IFTTT
Mareykanka oo ka baxaya heshiiska Nukliyeer INF
Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inay ka go'an tahay inuu ka baxo heshiis lagu xakameynayo hubka oo Mareykanka uu Ruushka la galay 1987-kii.
from VOA https://ift.tt/2R5CXTe
via IFTTT
Tuesday, October 23, 2018
Adeeg Caafimaad oo Lacag La'aan ah oo Hargeisa laga fulinayo.
Adeegan waxa fulinayaHospital-ka Haldoor oo ku yaala magaalada Hargeisa waxaana bixinaya dhakhaatiir ajaanib ah.
from VOA https://ift.tt/2OHUgwY
via IFTTT
Wiil Soomaali ah oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Maraykan.
Wiilka oo ku nool Columbus, Ohio oo lagu magacaabo Mohamed Abdullahi ayaa lagu soo eedayay inuu ku lug lahaa dilka iyo gubista gabar cadaan ah oo 23 jir ah oo 14kii bishan la dilay
from VOA https://ift.tt/2SdGkcb
via IFTTT
Wareysi: Safiirka Jabuuti ee Ethiopia
Gobolka Geeska Africa waxaa bilihii u dambeeyay ka socday isbedello dhinaca siyaasadda iyo xiriirka dalalka Gobolka ah. Isbedeladdan oo uu hormuud ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa dhinaca kale waxaa ka maqnaa Djibouti oo Ethiopia xiriir xooggan oo dhaqaale uu kala dhaxeeyo, balse Eritrea ay colaad dhex martay. Wariyaha VOA-da Ramadan Muuse ayaa isbedellan siyaasadeed ee Gobolka iyo aragtida Djibouti wax ka weydiiyay Danjiraha Djibouti u fadhiya Ethiopia Addis Ababa Maxamed Idiris Faarax, oo uu kula kulmay Addis Ababa.
from VOA https://ift.tt/2Sc5Ezh
via IFTTT
Galka Baarista: Canshuuraha ay Al-Shabaab qaado
Barnaamijkii galka Baarista waxa aan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa canshuuraha ay Al-Shabaab ka qaadaan gaadiidka iyo badeecooyinka ganacsatada iyo habka ay u fuliyaan.
from VOA https://ift.tt/2q5P7QP
via IFTTT
Dagaal dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Sool
Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 80 kalena way ku dhaawacmeen dagaal ilaa iyo shalay koonfurta gobolka Sool ku dhex marayay laba maleeshiyo beeleed oo iska soo horjeeda.
from VOA https://ift.tt/2CCjo1d
via IFTTT
Erdogan: Dilka Khashoggi wuu qorsheysnaa
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey 'si aad u fool xun"
from VOA https://ift.tt/2CYnp0F
via IFTTT
Monday, October 22, 2018
Kanada: Soomaali loo doortay golaha deegaanka Victoria
Golaha deegaanka ee magaalada Victoria ee dalka Kanada, ayaa waxa dadka golaha deegaanka ka soo galay ka mid noqdey Sharma'arke Dhuubow oo Soomaali ah.
from VOA https://ift.tt/2ODnvRH
via IFTTT
Khilaafka maamulka Galmudug oo kasii daraya
Masuuliyiinta maamulka ayaa kala fadhiya xarumo ku kala yaala Dhuusomareeb iyo Cadaado kadib markii ay isku maandhaafeen fulinta qaar ka mid ah qodobo ka soo baxay heshiiskii Ahlu-Sunn Waljameeca iyo Galmudug.
from VOA https://ift.tt/2Pdwzw5
via IFTTT
Toddobaadka Dhaqanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay London
Bandhigga Toddobaadka dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee sannad kasta lagu qabto magaalada London ayaa bilaabmay todobaadkan.
from VOA https://ift.tt/2ExIXCW
via IFTTT
Kulan looga hadlay kaalinta Ahlu-Sunna ee amniga
Kulan looga hadlayey kaalinta culumada Ahlu-Sunna ay ka qaadan karaan amniga dalka iyo la dagaalkanka fikirka xagjirka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2q6psHw
via IFTTT
Ronaldo oo rikoor cusub u dhigay Yurub
Cristiano Ronaldo ayaa noqdey ciyaaryahankii ugu horreeyey ee 400 gool ka dhaliya horyaallada ugu waaweyn qaaradda Yurub, kadib markii kooxdiisa Juventus uu u dhaliye gool, cayaar barbar dhac ku dhamaatey oo ay kaga hor-yimaadeen kooxda Genoa, sabtidii. Weeraryahanka Portuguese-ka ayaa goolkiisa shanaad ee horyaalka Talyaaniga u dhaliye kooxda Juventus, isagoo 84 gool oo horyaalka Ingiriiska ah uu usoo dhaliyey kooxdii uu kusoo caan baxay ee Manchester United, halka 311 gool uu horyaalka Spain uu u dhaliye Kooxda Real Madrid, taasoo marka la isku geeyo wadar ahaan ka dhigeysa 400 oo gool. Ma jiro ciyaaryahan intaasi oo goolal ah ka dhaliyey horyaallo kala duwan oo qaaradda Yurub ah, waxaana Ronaldo uu heystaa fursad uu ku sii wadan karo rikoorkiisa gool dhalinta ee horyaallada Yurub, isagoo rajeynaya in guulo badan uu la gaaro kooxiisa Juventus. Cristiano Ronaldo ayaa waayihiisa ugu wanaagsana kusoo qaatey kooxda Real Madrid isagoo kula guulesytey koob kastoo ay Real Madrid usoo tartantey, sidoo kalena noqdey gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda horyaalka La Liga ee dalka Spain oo uu ku hogaaminayo 311 gool.
from VOA https://ift.tt/2yVh5CH
via IFTTT
Sacuudiga: Bin Salman wuxuu la hadlay qoyska Khashoggi
Saudi Arabia ayaa sheegtay in dhaxal-suge Maxamed Bin Salman uu qadka taleefonka kula hadlay wiilka suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi, si uu uga tacsiyeeyo dilka aabihiis.
from VOA https://ift.tt/2JfXqSZ
via IFTTT
Sunday, October 21, 2018
Wareysi: Xaaladda Amni ee Boosaaso
Magaalada Boosaaso oo muddooyinkii danbe ay ka dhacayeey dilal loo geysanayo shacab iyo ciidamo ka tirsan Punland ayaa keenay in ciidan la dhigo meelaha qaarkood.
from VOA https://ift.tt/2R5TBlY
via IFTTT
ONLF iyo Itoobiya oo Asmara Heshiis ku Saxiixdey
Dawlada Itoobiya iyo ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Iritariya ku kala saxiixday heshiis dhawr qodob ah.
from VOA https://ift.tt/2q4r2tJ
via IFTTT
Waqtiga Doorashada Gollaha Wakiilada Soomaaliland oo Shaki ku Jiro
Doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka Somaliland oo hore loo qoondeeyay inay qabsoomaan bisha saddexaad ee sannadka dambe, ayaa madmadow soo galay suurto-gelnimadooda.
from VOA https://ift.tt/2Pf2YSX
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa todobaadkan marti ku ah madaxweynaha Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumad Cumar.
from VOA https://ift.tt/2ys3yTP
via IFTTT
Saturday, October 20, 2018
Cabdi Xaashi: Dowladda Dhexe Ayaa ka Caga Jiideysa Wada-hadalka Maamul Goboleedyada
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka hadlay dadaallada ay ku doonayeen inay ku soo afjaraan khilaafaadka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar.
from VOA https://ift.tt/2yNkgMK
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
WASHINGTON. D.C — Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2yunxRE
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya amniga, siyaasadda iyo xisbi uu madax ka yahay oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho
from VOA https://ift.tt/2R1wN6U
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)
from VOA https://ift.tt/2R3YlrZ
via IFTTT
Garoowe: Ciidamo ka Gadooday Mushahar La'aan
Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saakay gadood ciidan ka sameeyay magaalada Garowe, iyagoo ka cabanaya mushaarkoodii oo ka maqan muddo billo ah.
from VOA https://ift.tt/2NSobNF
via IFTTT
shirkad Ceymis oo Laga Furay Hargeysa
Munaasibad si rasmi ah loogu daahfurayay shirkadda caymiska ee Geeska Afrika ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa, iyagoo masuuliyiinta dawladda ee u xilsaarani ay sheegeen in ay dhawaan samayn doonaan sharciyadii caymiska.
from VOA https://ift.tt/2yTHjFU
via IFTTT
Raadka Dilka Wariye Khashoggi
Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa qiray in wariyihii lagu waayay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, Jamaal Khashuggi uu ku dhintay is-gacan qaad Qunsuliyadda gudaheeda ka dhacay, waxeyna ballan qaadday baaritaan dheeri ah oo muddo bil ah socon doona.
from VOA https://ift.tt/2RXvkjf
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan kaga hadlaynaa qubanayaal kala duwan oo ka hadlaya arrimaha ka dhacay dalka Somalia, toddobaadkii inna dhaafay, waxaana soo jeedinaya wariye Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2yOPe7k
via IFTTT
Friday, October 19, 2018
Sucuudiga oo Xaqiijiyay Geerida Khaashuqji
Dowladda boqortooyada Sucuudiga ayaa xaqiijisay geerida saxafigii u dhashay dalkaasi ee la baadigoobayay.
from VOA https://ift.tt/2J6LkeK
via IFTTT
Mareykanka oo ka walaacsan heshiiska labada Kuuriya
Waxaa sii kordhaya kala duwanaansho fikir oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo salka ku haya heshiis milatari oo labada Kuuriya ay qorsheynayaan.
from VOA https://ift.tt/2q06ouz
via IFTTT
Faaqidaadda: Taageerada Dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga
Maxay la macno tahay taageerada dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga mase loo baahnaa xilligan. Waa qodobka aan barnaamijka faaqidaadda ee toddobaadka,
from VOA https://ift.tt/2P7XJ7z
via IFTTT
VOA oo weriyeyaal tababar ugu soo xirtay Addis-Ababa
Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Tababar ay VOA magaaladaasi ugu qabatay Wariyeyaal kala duwan oo ka kala socday Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA iyo xarumaha dhowr luuqadood oo kala duwan. Warbixintan waxaa Addis-Ababa kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
from VOA https://ift.tt/2PNTYkY
via IFTTT
Doorashooyihinkii Kandahar oo dib loo dhigay
Guddiga doorashada Afghanistan ayaa muddo toddobaad ah dib u dhigay doorashooyinka baarlamanka gobolka Kandahar kadib dilka laba sarkaal oo sare.
from VOA https://ift.tt/2QZ1MAw
via IFTTT
Thursday, October 18, 2018
Sahra Khaliif oo VOA u warrantay
Sahra Khaliif oo dhawaan loo doortay in ay xubin ka noqoto golaha Deegaanka ee magaalo ku taalla dalka Biljim ayaa VOA u warrantay
from VOA https://ift.tt/2yorLdQ
via IFTTT
Faahfaahin kasoo baxaysa duqeyn lala beegsaday Shabaab
Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay duqayn ka dhacday barrtmaha Somalia todobaadkan ayaa sheegaya in ciidamadada Maraykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda ee Somalia ay duqeyntaa ku dileen 60 ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2yOLBxU
via IFTTT
Mas'uuliyiin xilal sare ka hayey Afghanistan oo la dilay
Saddex sarkaal oo xilal sare ka hayey koonfurta dalka Afghanistan oo uu ku jiro taliyaha booliska ee awood badnaa Jeneral Cabdul Raziq, ayaa lagu dilay toogasho dhacday intii lagu guda jiray booqsho uu halkaas ku tegay jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2CSJwWs
via IFTTT
Qeybtii labaad wareysiga madaxweyne Xasan Sheekh
Qeybta labaad ee wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh uga hadlayaa isbeddelada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika iyo xiisadda khaliijka (Halkan ka dhageyso)
from VOA https://ift.tt/2NI7vZn
via IFTTT
Baabuurta Amisom oo shacab ku dilay Balcad
Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari ay leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM uu dad rayid ah ku jiiray degmadaas.
from VOA https://ift.tt/2q1ChCR
via IFTTT
Shirkadaha adduunka oo qaadacaya shirka Riyadh
Shirkadaha iyo hay'adaha ugu weyn ee dunida ayaa qaadacaya shir maal-gashi oo 23-ka illaa 25-ka October lagu qaban doono dalka Saudi Arabia, sababo la xiriira xaaladda suxufiga la lay'ayah ee Jamal Khasoggi.
from VOA https://ift.tt/2J4Xyo2
via IFTTT
Muran ka taagan hindise-sharciyeedka batroolka
Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaala hindise-sharciyeedka Macdanta iyo Batroolka oo muran badan uu ka dhashey ka gadaal markii ay soo baxdey in hindise sharciyeedkaasi sida la sheegay inay qoreen khuburo ajaanib ah.
from VOA https://ift.tt/2AgC84I
via IFTTT
Wednesday, October 17, 2018
Muranka Hindise-sharciyeedka Bartoolka
Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa hor-yaala hindise-sharciyeedka Macdanta iyo Batroolka oo muran badan uu ka dhashey ka gadaal markii ay soo baxdey in hindise sharciyeedkaasi sida la sheegay inay qoreen khuburo ajaanib ah.
from VOA https://ift.tt/2Aihp0p
via IFTTT
Pompeo: Sacuudiga waxaa ka go'an la xisaabtan
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in markii uu la kulmay hogaamiyayaasha Sacuudiga aysan dooneyn inay ka hadlaan dhammaan xaqiiqooyinka ku hareereysan maqnaanshaha suxufiga reer Sacuudi ee fadhigiisu ahaa Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2P0ErB5
via IFTTT
Wareysi: Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo nagu soo booqday xarunta VOA-da ee London ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanay siiyey VOA. (Halkan ka dhageyso wareysiga)
from VOA https://ift.tt/2NKazEj
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 441-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 440-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 441-aad
from VOA https://ift.tt/2pWgoVF
via IFTTT
Wafdi ka socda Ethiopia iyo Eritrea oo Muqdisho tegay
Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaarada ee magaalada ku soo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
from VOA https://ift.tt/2CPHHJQ
via IFTTT
Musharax baarlamaan oo lagu dilay Afghanistan
Musharax u taagnaa doorashooyinka baarlamanka dalka Afghanistan ayaa maanta lagu dilay weerar bombaano oo lagu qaaday xafiiskiisa, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Helmand.
from VOA https://ift.tt/2CPSeVh
via IFTTT
Trump oo difaacay Sacuudi Carabiya
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.
from VOA https://ift.tt/2RWkWZ6
via IFTTT
Tuesday, October 16, 2018
Trump: S. Careebiya Dambi ma leh illaa la Xaqiijiyo
Wareysi ay wakaaladda AP la yeelatay Madaxweyne Trump ayaa la siidayey ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompe uu la kulmey boqorka Sucuudi Carabiya, Salman ibnu Cabdicasiis iyo dhaxalsugaha, Maxamed Bin Salman.
from VOA https://ift.tt/2CPNsHp
via IFTTT
Mareykanka oo duqeyn ku dilay 60 Shabaab ah
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in duqayn Maraykanku ka gaystay bartahama Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 60 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2P0uzHl
via IFTTT
Biljam: Gabar Soomaali ah oo loo doortay gole deegaan
Sahra Maxamed Khaliif, oo ah gabar da' yar oo Soomaaliyeed, ayaa ka mid noqotay xubnaha baarlamaanka golayaasha deegaanka dalka Biljamka oo dhawaan doorashadiisa ay dhacdey.
from VOA https://ift.tt/2PJwME4
via IFTTT
Bandhiga teknoolajiyadda oo ka furmay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu daah rogey bandhigga carwada teknaloojiyadda oo ay ka qeyb galayaan dhowr shirkadood oo ka shaqeeya arrimaha teknaloojiyadda iyo boqollaal kale oo dadweyne.
from VOA https://ift.tt/2P4gxob
via IFTTT
Usain Bolt oo ku biiraya Valletta FC
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Malta ee Valletta FC ayaa u soo bandhigtay orodyahanki hore ee ciyaaraha orodka fudud ee adduunka Usain Bolt heshiis uu kooxdani kaga mid noqonayo si uu ugu ciyaaro kubadda cagta.
from VOA https://ift.tt/2QRRy4F
via IFTTT
Ingiriiska oo 31 sano kaddib ka badiyay Spain
Waxaa xalay dhacay ciyaaro ka tirsan tartanka cusub ee Uefa Nation League, kaas oo uu xiriirka kubadda cagta Yurub ku beddelay ciyaarihi saaxibtinimo ee ay ciyaari jireen xulalka kubadda cagta Yurub.
from VOA https://ift.tt/2Ad36dq
via IFTTT
Ahmed Shide oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda Ethiopia
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta u magacaabay Ahmed Shide inuu noqdo wasiirka maaliyadda dalkaas, isaga oo beddeli doona Abraham Tekeste.
from VOA https://ift.tt/2CNwcm4
via IFTTT
Australia oo ka fakareysa inay Qudus u aqoonsato caasimada Israel
Ra'iisul wasaaraha Australia, Scott Morrison ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo sidii ay dowladdiisa magaalada Qudus ugu aqoonsan laheyd caasimadda Israel, sidoo kalana ay safaaraddooda magaalada Tel Aviv ay ugu rari lahaayeen Qudus.
from VOA https://ift.tt/2AcluTN
via IFTTT
Canada: Isticmaalka xashiishka oo la sharciyeeyey
Dalka Canada waxaa berri ka dhaqan galaya sharci ogolaanaya isticmaalka, ganacsiga iyo beerashada maandooriyaha xashiishadda.
from VOA https://ift.tt/2QTw0Vo
via IFTTT
Monday, October 15, 2018
Maandooriyaha Xashiishka oo Kanada la Sharciyeeyey
Berri waxa dalka Kanada ka bilaabmayo maandooriyaha xashiishka loo yaqaan oo isticmaalkiisa, ganacsigiisa iyo beerashadiisaba la sharciyeynayo.
from VOA https://ift.tt/2RTDbhQ
via IFTTT
VOA oo weriyayaal tababar ku siineysa Addis-Ababa
Tababar lagu baranayo saxaafadda oo ay soo diyaarisay VOA ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana furay agaasimaha Qaybta Africa ee idaacadda VOA Negussie Mengesha. (Warbixin cod ah iyo sawirro halkan click sii)
from VOA https://ift.tt/2J09M1d
via IFTTT
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey J/Hoose
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ayr duqayn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Araara ee gobolka Jubbada Hoose.
from VOA https://ift.tt/2Pvsj82
via IFTTT
Cawad oo sharxay go'aankii ay ku taageereen Sacuudiga
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharxay qoraal maanta ay soo saartay wasaaraddiisa oo Soomaaliya ay ku taageertay Sacuudiga. (Halkan ka dhageyso wareysiga)
from VOA https://ift.tt/2yE2TOk
via IFTTT
9 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Daynuunaay
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ka dhacay degaanka Daynuunay oo u dhow magaalada Baydhaba.
from VOA https://ift.tt/2CKjWCO
via IFTTT
Maxay ka dhigan tahay taageerada Soomaaliya ee Sacuudiga?
Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay waraaq ay ku taageerayso dawlada Sacuudiga. Warqadan ayaa ku soo beegantay xili ay xiisad ka taagan tahay maqnaanshaha suxufi Jamal Khashoggi.
from VOA https://ift.tt/2Aacn62
via IFTTT
Soomaalia oo taageero u muujisay Sacuudiga
Xukuumadda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay dowladda Sacuudiga xilli ay cadaadi kula kulmeyso kiiska weriyaha la la'yahay ee Sacuudiga Jamal Khashoggi.
from VOA https://ift.tt/2RNm9BM
via IFTTT
Minnesota: Meydka gabdho Soomaali ah oo la helay
Ciidamada booliska ee magaalada Cheska ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijiyay dhimashada laba gabdhood oo Soomaali ah oo la la'aa tan iyo aroortii hore ee Sabtida.
from VOA https://ift.tt/2CJUGwx
via IFTTT
Sunday, October 14, 2018
Labo Hablood oo ku Geeriyooday Minnesota
Wararka aan ka helayno gobolka Minnesota ayaa sheegaya in labo hablood oo Soomaali ah oo la la'aan ilaa habeenkii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay, meydkooda iyo baabuur ay wateen laga helay haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis.
from VOA https://ift.tt/2IXbz79
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa todobaadkaan marti ku ah Faduma Cabdullahi Insaniya oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhida xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.
from VOA https://ift.tt/2Enut8D
via IFTTT
Sannad-guuradi 1--aad ee Qarraxii 14-ki October
Munaasabad lagu xusay boqolaalki ruux ee Soomaaliyeed ee ku dhintay qarraxi 14-ki October ee sannadki 2017-ki ayaa maanta lagu qabtay bartamaha isgoyska Zoobe oo ah halki uu ka dhacay qaraxaasi.
from VOA https://ift.tt/2OWXAnd
via IFTTT
Saturday, October 13, 2018
Dhimashada Qaraxyadii Baydhabo oo Korodhay
Inta masuuliyiinta ay xaqiijiyeen ku dhowaad 22 qof ayaa ku dhimantey, dhowr iyo soddon kale na waa kudhaawacmeen qaraxii shaley ka dhacaymeel maqaayad ah oo ku taalo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
from VOA https://ift.tt/2QJUBvI
via IFTTT
Wareysi: Dib-u-eegid Qarixii Soobbe
Sanad ayaa ka soo wareegtay weerarkii xasuuqa ee lagu laayay dad ka badan 500 oo qof ee ka dhacay Isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho, kaas oo gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay isgoyskaasi mashquulka badan Oktoobar 14 keedi 2017.
from VOA https://ift.tt/2A9bxGp
via IFTTT
Duufaan ku soo Fool leh Somalia
Dalalka Cumaan, Yemen iyo xeebaha Bari ee Somalia ayaa ah meelaha cabsida aadka laga qabo in duufaankani uu waxyeelo
from VOA https://ift.tt/2NDIGOb
via IFTTT
Barn. Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo bare ka ah Jaamacadda Qatar, waxana uu falanqeynayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka Somalia
from VOA https://ift.tt/2pS5hgD
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
WASHINGTON. D.C — Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2CH6WxS
via IFTTT
Laba Weerar oo Ismiidaamin ah oo Baydhabo ka Dhacay.
Waraka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen laba qarax oo ay fuliyeen rag isa soo miidaamiyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
from VOA https://ift.tt/2Pxf7j6
via IFTTT
Wararkii u Dambeeyey ee J. Khashoggi
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Cabdul Casiis Bin Sacuud ayaa eedeyntan ku tilmaamay "been" lagu sharaf dilayo Sacuudiga.
from VOA https://ift.tt/2Onhk3T
via IFTTT
Somalia oo Xubin ka Noqotay Golaha X. Aadamaha ee QM.
Soomaaliya ayaa ku guulaystay xubinimada Golaha Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, ka dib doorasho xalay ka dhacday xaruunta golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay ee New York.
from VOA https://ift.tt/2ISm5g0
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaa ku soo qaadanaynaa qubanayaal kala duwan oo ku saabsan Somalia, waxaana soo diyaariyey, soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2CcrUDD
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo diyaariyey, soona jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2CIOULB
via IFTTT
Friday, October 12, 2018
Golaha Abwaanada oo 20 jirsday
Golaha Abwaanada Somaliyeed oo la aasaasay Sanadii 1998-kii ayaa mudadii uu jiray Golahu waxaa uu xoogga saaray ilaalinta dhaqanka dhaqanka Soomaaliyeed.
from VOA https://ift.tt/2yAuz6O
via IFTTT
Turkey: Andrew Brunson oo lasii daayey
Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah ku heshay dambi argagixisanimo, hase yeeshee xukuntay in labadii sano ee uu xabsiga ku jiray ay la macno tahay inuu waqtigiisa qaatay oo uu dalka ka bixio karo.
from VOA https://ift.tt/2NFnLuh
via IFTTT
Faaqidaadda: Xusuusta qaraxii 14-ka October 2017
Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay qaraxii isgoyska Zoobe ee Muqdisho ee dhacay 14-kii October 2017
from VOA https://ift.tt/2ND0XeD
via IFTTT
Wareysi: Asli Cabaade iyo maalinta calanka
Asli Cabaade, gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee noqota duuliye ka tirsan ciidamadii cirka ee Soomaaliya ayaa ka warrameysa xusuusta maalinta calanka.
from VOA https://ift.tt/2CcuGsH
via IFTTT
Turkiga oo haya caddeymaha dilka Khashoggi
Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
from VOA https://ift.tt/2yxFsX6
via IFTTT
400 oo Soomaali ah ayaa ku dhintay Yemen - Diblomaasi
Dad gaadhaya ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sidaasi waxaa yiri qunsulkii hore ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan kasoo laabtay dalka Yemen.
from VOA https://ift.tt/2pN2vck
via IFTTT
Thursday, October 11, 2018
400 Qaxooti Soomaali Ayaa Ku Dhintay Yemen - Diblomaasi
Diblomaasi Soomaali ah ayaa sheegay in boqollaal qaxooti Soomaali ah ay ku dhinteen dalka Yemen, waxaana uu ku baaqay in dadkaasi loo fidiyo tasiilaad ay kaga soo hayaamaan dadlkaasi ay colaaduhu ka socdaan.
from VOA https://ift.tt/2NCNiUD
via IFTTT
Ballaarinta dekedda Berbera oo billaabatay
Ballaadhinta dekedda Berbera ayaa si rasmi ah u bilowday sannad ka dib markii heshiis ay ku kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo DP WORLD.
from VOA https://ift.tt/2EdnI9p
via IFTTT
Cabdalla Cabdalla oo ka jawaabay xil ka qaadistiisa
Cabdalla Cabdalla, oo bishii September wareegto Madaxweyne xilka looga qaaday ayaa sheegay inaan si sharci ah loo marin tallaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo.
from VOA https://ift.tt/2yfqmGi
via IFTTT
Xildhibaano taageero u fidinaya Macawiisleyda
Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ku soo xoogeysanaya maleeshiyo is-abaabulay oo ay leeyihiin xoolaley ka gadoodday lacago ay zako ku sheegeen oo ay ku soo rogeen maleeshiyada Al-Shabab. Maleeshiyadan oo badan dhalinyaro oo la magac baxay Macawiisleey ayaa todobaadyadii u dambeeyay jeedinayay baaq ku aadan in lagu taageero dagaalka ay kaga soo horjeedaan Al-Shabab. Gobolka waxaa booqday Xildhibaano kuwaas oo taageero u ballanqaaday Malayshiyaadan. Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan inoo soo diray.
from VOA https://ift.tt/2PpHRdC
via IFTTT
Senatka oo dalbaday in la baaro kiiska Khashoggi
Koox senataro Mareykan ah ayaa ku cadaadinaya madaxweyne Donald Trump inuu baaritaan ku sameeyo maqnaanshaha suxufiga Sacuudiga, taasi oo hogaamin karta cunaqabateyn la saaro saraakiisha iyo hay'adaha Sacuudiga.
from VOA https://ift.tt/2ORTi0B
via IFTTT
Warshad xoolaha qasha oo laga sameeyey Jabuuti
Magaalada Jabuuti waxaa ka hawlgasha warshad lagu qalo hilibka lo'da iyo ariga, taas oo hilibka u qeybisa meheredaha kala duwan ee magaalada.
from VOA https://ift.tt/2E9Io1Y
via IFTTT
Wednesday, October 10, 2018
Djibouti: Warshad Hilibka Qasha
Magaalada Djibouti waxaa ka hawlgasha warshad lagu qalo hilibka lo'da iyo adhiga, taas oo hilibka u qeybisa meheredaha kala duwan ee magaalada
from VOA https://ift.tt/2pMqKY5
via IFTTT
Wiilashii laga xiray beerta Aadan Cadde oo lasii daayey
Waxaa galabta dib xorriydooda u heley wiilal dhalin yaro ah oo shantii bishii September laga soo xirey beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.
from VOA https://ift.tt/2QH1Ft3
via IFTTT
Shir looga hadlayo xaaladda Somaliland 27 sano kadib
Shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo xaaladda Somaliland, 27 sano kadib markii ay ku dhowaaqday inay gooni isku taagtay iyo caqabadaha horyaalla ayaa manata ka furmay magaalada Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2C77oUZ
via IFTTT
Galka Baarista: Qaraxii 14-ka October (Qeybtii labaad)
Intiinii dhagaystay idaacaddii shalay waxaan barnaamijka Galka Baarista kaga hadalnay dhibaatada haysata qoysas badan oo aan helin maydkii ehelladooda ku dhimatay qaraxii ka dhacay Zoobe 14-kii Oktoobar 2017-kii. Qayb kale oo ka mid ah warbxinaha aan ugu talogalnay munaasabaddaasi murugada badan ayaan haatanna idiin soo gudbinaynaa, gaar ahaanna waxaan ku eegaynaa carruurta ku agoontowday qaraxaais oo aan weli helin kafaalo-qaadkii loo ballanqaaday. Haaruun Macruuf ayaa inoo haya.
from VOA https://ift.tt/2CDIFZm
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 440-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 440-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2C5tur4
via IFTTT
Al-Shabaab oo macallimiin ku dishay Kenya
Wararka ka imanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabab ay xalay saqdii dhexe tuulada Carabiya ku dileen laba macallin.
from VOA https://ift.tt/2C6TEJK
via IFTTT
Duufaan kusoo wajahan Florida
Dadka cimilada saadaaliya ayaa uga digay dadka ku nool gobolka koofureed ee Florida in ay u diyaargaroobaan saameyn buuxda oo ka dhalata duufaanta Michel, oo ah mid aad u qatar ah.
from VOA https://ift.tt/2OhwbNz
via IFTTT
Hatice Cengiz "Khashoggi cabsi ayuu qabay"
Gabadha u doonneyd suxufiga reer Sacuudi ee la waayey kadib markii uu galay qunsuliyadda dalkiisa ee magaalada Istanbul, ayaa sheegtay "inuu qabay cabsi ah inuu halis ku sugan yahay" hase yeeshee uusan ka wel-welin in dhismaha qunsuliyadda dhib lagu gaarsiin karay.
from VOA https://ift.tt/2ONjWHN
via IFTTT
Tuesday, October 9, 2018
Garissa: Barnaamijka Nafaqeynta Caruurta
Maamulka Garissa County ayaa heshiis taakulo ah la gaaray labada hay'adood ee UNICEF iyo TDI si gobolka ay uga taageeraan fulinta barnaamijkan nafaqeynta caruurta
from VOA https://ift.tt/2OjV2jB
via IFTTT
Danjire Nikki Haley oo is-casishay
Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in danjirihii Mareykanka u joogtay Qaramada Midoobay Nikki Haley ay xilkaasi ka dagi doonto dhawaan.
from VOA https://ift.tt/2ILYlKC
via IFTTT
Mareykanka oo duqeeyey Kuunyo Baroow
Ciidamada milatariga ee Marayanka ayaa sheegay inay duqayn hor leh ka gaysteen deegaanka Kuunyo Baroow ee Gobolka Shabeellada Hoose maalintii Sabtidii.
from VOA https://ift.tt/2pJt1mQ
via IFTTT
Galka Baarista: Qaraxii 14-ka October, 2017
14-ka October 2017-ka waa maalin xusuus iyo murugo ku reebtay Soomaalida. Waa maalintii babauur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2CC6AZk
via IFTTT
Beelo heshiis lagu dhex dhigay Sool
Waxaa maanta qodobbo heshiis laga soo saaray colaad laba beelood muddo ku dhex mareysay Koonfurta Gobolka Sool taas oo saamayn ku yeelatay shacabka degan howdka Koonfurta Gobolkaas. Wariyaha VOA-da Cabdikariin Olol ayaa arrintan ka wareystay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo dadaalladan qeyb ka ahaan.
from VOA https://ift.tt/2ILCVxc
via IFTTT
Kavanaugh oo loo dhaariyey maxkamadda sare
Brett Kavanaugh oo noqday garsoorihii ugu cusbaa ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka, ka dib ansixin uu ku soo rafaaday, ayaa wacad ku maray inuu dacwad kasta ku dhageysan doono qaddarin iyo maskax furan. Garsoore Kavanaugh oo uu Aqalka Senate-ku ansixiyey ayaa isaga oo jooga munaasabaddii dhaarinta ee Aqalka Cad yiri "qof kasta oo Maraykanka ahi wuu xaqiiqsan karaa in aan noqonayo qof dhexdhexaad ah oo caddaaladda aan dhinacna u xaglin." 8-da garsoore ee kale ee M. Sare, tiro mudanayaasha Senateka ee Jamhuuriga iyo Madaxweyne Trump ayaa daawanayey Kavanaugh oo uu dhaarinayo Anthony Kenedy oo ah garsoorihii Maxkamadda Sare iska casilay.
from VOA https://ift.tt/2IJY4rv
via IFTTT
Wareysi: Muxuu ahaa heshiiska dowladda iyo Roobow
Dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtey in aysan sax ahayn in Sheekh Mukhtoor Rooboow oo horey uga tirsanaan jirey Al-Shabaab, marna noqdey ku xigeenka hogaanka jabhada, uu u tartamo madaxweynenimada Koonfur Galbeed.
from VOA https://ift.tt/2QBpyCg
via IFTTT
Pompeo oo ka hadlay xaaladda Khashoggi
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Sacuudiga inay taageeraan baaritaan cad oo lagu sameeyo suxufiga la la'yahay ee Jamal Khashoggi, kaasi oo aan la arkin tan iyo markii uu toddobaadkii tagey galay qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul.
from VOA https://ift.tt/2A0ofrj
via IFTTT
Monday, October 8, 2018
Doodda Murashaxnimada Roobow
Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Somalia, sheegayna inuu yahay qofka bilaabay wada xaajoodka labada dhinac ayaa sheegay in dawladdu ayna ku saxsaneyn go'aanka ay Sheekh Roobow ugu diidday inuu tartamo.
from VOA https://ift.tt/2NtJJ3f
via IFTTT
Kavanaugh oo M. Sare loo Dhaariyey
Garsoore Kavanaugh oo jooga munaasabaddii dhaarinta ee Aqalka Cad ka dhacday ayaa yiri "qof kasta oo Maraykanka ahi wuu xaqiiqsan karaa in aan noqonayo qof dhexdhexaad ah oo caddaaladda aan dhinacna u xaglin."
from VOA https://ift.tt/2PopGov
via IFTTT
Heritage oo ka hadashay xaaladda dalka
Machadka Heritage ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan xaalada Soomaaliya, taasi oo ay diirada ku saareen khilaafka dhex yaala maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe, baddalaada xubnaha hayadaha amaanka iyo fulinta, iyo waliba qodobo kale.
from VOA https://ift.tt/2QG9KOT
via IFTTT
Warbixin gaar ah: Dhibaatada gudniinka fircooniga
Malaayiin gabdhood oo ku nool qaar ka mid ah wadamada Africa iyo bariga dhexe ayaa sanad kasta la kulma dhacdooyin xanuun badan oo ay ka dhaxlaan Gudniinka Fircooniga ah, kaasi oo la sheegay in uu soo bilaabmay qarniyo ka hor.
from VOA https://ift.tt/2E4rFgn
via IFTTT
Taliban oo amartay in la weeraro doorashada
Kooxda Taliban ayaa ku amartay dagaalyahanadeeda inay weeraraan mas'uuliyiinta iyo ciidamada ammaanka ee maamulaya doorashooyinka baarlamaan ee bishan ka dhacaya dalka Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2O8Wfdz
via IFTTT
Halkee ku danbeeyey wariye Jamal Khashoggi
Mas'uuliyiinta dalka Turkiga ayaa laga soo xigtay inay aamisan yihiin in la dilay suxufiga Jamal Khashoggi oo u dhashay dalka Sucuudiga, kaasi oo la waayey afar maalmood ka hor kadib markii uu galay Qunsuliyadda dalka Sucuudiga ee magaalada Istanbul.
from VOA https://ift.tt/2QBldil
via IFTTT
Haweenka iyo Qoyska: Laba Gabdhood oo u Tartamaya G. Degaanka ee Toronto
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan oo ay marti iigu yihiin laba gabdhood oo Soomaali ah oo labaduba u tartamaya golaha degaanka ee magaalada Toronto. Waa Naciimo Maxamed Faarax iyo Deeqo Maxamed Barre oo u ordeya in ay xubin ka noqdaan golaha degaanka ee magaalada Toronto. Doorashooyinka golayaasha degaanka ayaa dhici doona 22-ka bishan Ocktobar. Caasho Ibrahim Aden (Caasho Cuud) ayaa soo diyaarisa.
from VOA https://ift.tt/2zYI5D5
via IFTTT
Sunday, October 7, 2018
Dhageyso, Barnaamijka Wicitaanka
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, todobaadkan waxa uu ku saabsan yahay: Xadgudubyada loo geysto Haweenka. Waxaa ku marti ah Batuulo Sh. Axmed Gabballe, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.
from VOA https://ift.tt/2yaneLL
via IFTTT
Warbixin: Halkee ayuu ku danbeeyey Wariye Jamal Khashoggi
Mas'uuliyiinta dalka Turkiga ayaa laga soo xigtay inay aamisan yihiin in la dilay suxiga Jamala Khashoggi oo u dhashay dalka Sucuudiga oo la waayey afar maalmood ka hor
from VOA https://ift.tt/2C4SvCq
via IFTTT
Saturday, October 6, 2018
Senate-ka oo Ansixiyay Garsoore Brett Kavanaugh
Senatka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.
from VOA https://ift.tt/2NqqvLH
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
WASHINGTON. D.C — Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA https://ift.tt/2OcbgLw
via IFTTT
Dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo uu inoo soo jeedinaayo Jamaal Axmed Cismaan. Waxaan si gaar ahaaneed barnaamijka diiradda ugu saari doonnaa deeqaha tooska ah ee Bankiga Adduunka iyo Midoga Yurub ay toddbaadkan sheegeen inay siin doonaan Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2NrWhI5
via IFTTT
Waraysi Ku Saabsan Isbadalada Gobolka Geeska Africa.
WASHINGTON DC- Mudooyinkii u danbeeyey gobolka geeska Africa waxa ka dhacayay isbadalo isdaba joog ah oo qaarkood ay lama filaan ahaayeen sida colaadii dhex taalay dalalka Ethiopia iyo Eritrea, waxaanay dadka qaar qabaan in isbadalaasi ay dabada ay gacan ku lahaayeen quwado aan ahayn dalalkani.
from VOA https://ift.tt/2NwtylO
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
WASHINGTON. D.C — Dhegayso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha oo ay idin la socodsiinayaan Caasha Cuud iyo Ibraahim Daandurey.
from VOA https://ift.tt/2OEunNU
via IFTTT
Friday, October 5, 2018
Faaqidaadda: Kulanka EPRDF iyo saameynta Soomaalida
Barnaamijka faaqidaadda waxaan toddobaadkan ku eegeynaa saameynta go'aannada kasoo baxa shirka EPRDF ay ku yeelan karaan mustaqbalka gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia.
from VOA https://ift.tt/2DYN8aL
via IFTTT
Melania Trump oo booqaneysa Kenya
Marwada madaxweynaha Mareykanka Melania Trump oo safar ku mareysa qaaradda Africa ayaa iminka ku suggan dalka Kenya.
from VOA https://ift.tt/2pBktOT
via IFTTT
Suxufi Sacuudiyaan oo lagu la'yahay Turkiga
Suxufi u dhashay dalka Sacuudiga ayaan dib loo arag tan iyo markii uu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, horraantii toddobaadkan.
from VOA https://ift.tt/2QxMWRk
via IFTTT
FBI-da oo soo afjartay baaritaanka Kavanaugh
Hay'adda FBI-da ee dalkan Mareykanka ayaa soo gagabaysay baadhitaan ay ku samaysay garsoore Brett Kavanaugh oo madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump uu usoo magacaabay inuu ka mid noqdo sagaalka garsoore ee Maxkamadda Sare ee dalkan.
from VOA https://ift.tt/2zTzPV7
via IFTTT
Thursday, October 4, 2018
Baadhitaanka FBI-da ee Garsoore Brett Kavanaugh
Hay'adda FBI-da ee dalkan Mareykanka ayaa soo gagabaysay baadhitaan ay ku samaysay garsooraha Brett Kavanaugh oo madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump uu usoo magacaabay inuu ka mid noqdo sagaalka garsoore ee Maxkamadda Sare ee dalkan. Warbxintan ayaa kadib markii ay akhriyeen Sanatarrada oo iyagu ansixiya garsoorayaasha waxay uga hadleen siyaabo kala duwan, iyadoo xubnaha Jamhuuriyiintu ay sheegeen inaysan ku jirin caddaymo muujinaya dhaqan-xumo uu sameeyey Brett Kavanaugh oo hore haweenayda Christine Balsey Ford ay ku eedaysay inuu xadgudub kula kacay in ka badan 30 sano ka hor. Xubnaha Dimqoraadiga ayaa iyagu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid aan dhammaystirnayn, waxayna sheegeen in FBI-da hawsheeda la xadiday. Waxaa la filayaa in cod aqalka Sanatka u qaadaan Kavanaugh maalinta Sabtida wuxuuna ku gudbi karaa hadii ay taageeraan dhammaan xubnaha Jamhuuriga ama 51 cod oo aqalka Sanatka ah oo ka kooban 100 Sanatar. Wararkii ugu dambeeyey ee amuurtan waxaa warbixintan ka diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.
from VOA https://ift.tt/2E0lbzf
via IFTTT
Xisbi uu hogaaminayo Xasan Sheekh oo lgu dhawaaqay
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Munaasabadda lagu daah furayay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) iyo caleema saarka Guddoomiyaha KMG ee Xisbigaas Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2QwmhEo
via IFTTT
Ronaldo oo wajahaya eedyemo kufsi
Cayaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa laga reebay labada cayaar ee soo socota ee xulka dalka Portugal, xilli laacibkan weyn uu Mareykanka ku wajahayo eedyemo la xiriira kufsi.
from VOA https://ift.tt/2DYAN6t
via IFTTT
Roobow oo isku sharxay madaxweynaha K/Galbeed
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor, ayaa maanta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay kaga dhaawqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
from VOA https://ift.tt/2QsvKN2
via IFTTT
Nin hubeysan oo isku dayey inuu galo guriga Gulen
Nin hubeysan ayaa la tuhunsan yahay inuu arbacadii isku dayey inuu galo dhisme ku yaalla gobolka Pennsylvania ee Mareykanka oo uu degan yahay wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen, hase yeeshee waxaa ceersaday ilaalada dhismaha.
from VOA https://ift.tt/2y6A1Px
via IFTTT
Wednesday, October 3, 2018
Nayroobi: Xarun Daryeesha Haweenka la Dhiban Gudniinka Fircooniga
Dr. Aadan Cabdullaahi, waxa uu dhowaan ka furey magaalada Nayroobi xarun loogu sameeyo gabdhaha qaliin ka caawinayo dhibaatooyinka ka soo gaarey gudniinka Fircooniga. Waxa uu VOA u sheegay in caqabada gudniinka Fircooniga aannan la dhayalsan karrin. Labo boqol oo gabdhood ayaa soo gaaray xaruntiisa, kuwaas oo loo sameeyey qaliin. Dr. Aadan Cabdullaahi ayaa ka qeyb-galayey kulan 750 dhaqaatiir ah oo ka kala yimid dunida dacaladeeda ay uga doodayeen wax ka qabashada gudniinka Fircooniga iyo caawinta haweenka ay waxyeelada ka soo gaartey. Sahra Cabdi Axmed ayaa kula kulantey Chigaco.
from VOA https://ift.tt/2IBdmyF
via IFTTT
Soomaalida Mareykanka Sharciga ka Weydey ee Kanada u Qaxdey
Dalka Kanada waxaa sanadihi la soo dhaafay galay muhaajiriin badan oo ka qaxay dalka Maraykanka, ka dib marki maamulka madaxweyne Donald Trump uu adkeeyay sharciyadda dadka soogalootiga ah, sidoo kalena uu ballanqaaday in la masaafurinayo dadka sida sharci-darrada ah ku jooga Maraykanka. Haddaba dadka Maraykanka ka cararay ee Kanada tahriibka ku galay waxaa ka mid ah Soomaali, kuwaasi oo magangelyo weydiistay dowladda Kanada. Weriyaheena Jamaal Axmed Cismaan ayaa dhawaan magaalada Toronto kula kulmay qaarka mid ah Soomaalidaas, warbixitanna nooga diyaariyay.
from VOA https://ift.tt/2ygA0rc
via IFTTT
Wareysi: Dagaalka Macawiisleyda iyo Al-Shabaab
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey dagaallo u dhexeeyey maleeshiyaad is-ababaulay iyo maleeshiyada ururka Al-Shabab. Dagaalladan ayaa ka socday gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
from VOA https://ift.tt/2OwSjCK
via IFTTT
Wareysi: Siyaasadda Sweden oo cakiran
Gudoomiyaha cusub ee baarlamanka dalka Sweden, Andreas Norlen ayaa Isbahaysiga Axsaabta siyaasadeed ee dalka Sweden u qabtay in muddo kooban ay kusoo dhisaan dowlad loo wada dhan yahay oo dalkaasi uu yeesho. Arrintan ayaa timid kadib markii la riday Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka oo waayay aqlabiyad uu xukunka dalkaasi kusii hayo kadib doorashadii dalkaasi ka dhacday. Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa siyaasadda cakiran ee dalkaasi Sweden iyo dareenka dadka Muslimiinta ah oo Soomaalidu ay kamid yihiin ka waraystay Xamse Cumar Xoor-Xoor oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Gobolka Vastmmanland ee dhaca Bartamaha dalka Sweden, kana tirsan xisbiga Centre Party oo qeyb ka ah Isbahaysiga Axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2P6Ftbn
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 439-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 439-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA https://ift.tt/2OxOg9n
via IFTTT
Cilmi-baaris xog ka bixisay Daacishta Soomaaliya
Warbixin cusub oo maanta soo baxday ayaa ka hadlaysa cuddudda iyo weerarrada ay maleeshiyada taabacsan Daacish ee ku sugan Soomaaliya ku gaystaan Puntland iyo Muqdisho iyo agagaarkeeda.
from VOA https://ift.tt/2P5UnP3
via IFTTT
Pompeo oo u safraya Korea-da Waqooyi
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sabtida u safri doona Asia, waxaana uu maalinta axadda la kulmi doonaa hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un, xilli ay labada dhinac isku diyaarinayaan kulan madaxeedkii labaad ee Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi.
from VOA https://ift.tt/2O1BOiv
via IFTTT
Tuesday, October 2, 2018
Xijaabka oo laga Mabnuucayo Gobolka Quebec, Kanada
Xisbiga loo soo gaabiyo CAQ, (Coalitio Averi Quebec) ayaa ku guuleystey gobolka Quebec, waxyaabaha uu ololaha doorashada ku galeyna waxa ka mid ahaa xagjirnimo ka dhan ah soogalootiga.
from VOA https://ift.tt/2P79vfh
via IFTTT
Dadaallada Dhaqdhaqaaqa MeToo
Hal sano ka dib markii uu soo baxay dhaqdhaqaaqa lagu magacaabo MeToo, kaas oo wax badan ka beddelay Maraykanka, ayaa faraxumeynta dumarku ay wali sii tahay dhibaato caalami ah.
from VOA https://ift.tt/2P1i4YJ
via IFTTT
Wareysi: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya
Wasiirka caafmaadka ee Soomaaliya, Dr Fawsiya Abiikar, ayaa sheegtey in Cudurka TB-da uu si weyn fara ba'an ugu hayo dadka Somaliyeed ee bukaanada u ah. Waxaa wasiirka ay sheegtey in dawooyinka laga ganacsado ee TB-da ay uga sii dartey in cudurkaan uu bulshada ku dhex faafo, kiisaska qaarkood-na daawada ay la qabsato. Sidaas daraadeed ayay sheegtey in dowlada federaalka Somalia ay ku dhwaaqdey inay joojinayso ka ganacsiga dawaada. Ayadoo ku sugan magaalada Minneapolis ayaa wasiirka caafmaadka Fawsiaya ay u warantey Sahra Cabdi Axmed.
from VOA https://ift.tt/2IyaZwl
via IFTTT
Maxaa xal u ah khilaafka madaxda Soomaalida?
Waxaa weli ismari-waa uu u dhexeeyaa madaxda dawladda sare iyo madaxda maamul goboleedyada kadib markii dhowaan ay madaxda ku jirta golaha iskaahsiga maamul goboleedyadu sheegeen inay joojiyeen xiriirkii dawladda dhexe.
from VOA https://ift.tt/2O1YJu7
via IFTTT
Meydka qof Soomaali ah oo laga helay Basel
Meydka qof Soomaali ah oo ay ka muuqdaan dhaawacyo, ayaa laga helay mael wabi ah oo ku taalla, magaalada Basel ee Waqooyiga Galbeed dalka Switzerland kuna dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Faransiiska iyo Jarmalka.
from VOA https://ift.tt/2DQuemt
via IFTTT
Kalsoonida lagu qabo dowladda oo hoos u dhacday
Cilmi baaris ay wada jir ah u sameeyeen hay'adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa muujineesa in hoos dhac kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hey'adaha dowladdu ay jirto xilligan marka loo eego sanadkii 2017-kii.
from VOA https://ift.tt/2NXsLiT
via IFTTT
Afghanistan: Qarax lala beegsaday olole doorasho
Qarax ismiidaamin ayaa lala beegsaday goob ay isugu soo urureen dad ka qeyb galayey olole doorasho oo ka dhacayey bariga Afghanistan, halkaasi oo lagu dilay 14 qof, 30 kalena lagu dhaawacay.
from VOA https://ift.tt/2P3iWMH
via IFTTT
Mareykanka oo duqeyn ku dilay sagaal Shabaab ah
Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay ugu yaraan sagaal mintidiin Shabaab ah ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya, taasi oo la fuliyey kadib markii Shabaabka ay weerareen ciidamada dowladda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2QoU0zp
via IFTTT
Monday, October 1, 2018
Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo ku xirtay Ciraq
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baalle ayaa sheegay in markba dhuxul sharci-darro ah kasoo qaaday Soomaaliya uu ka degay deked ku taalla dalka Ciraaq.
from VOA https://ift.tt/2IugFYj
via IFTTT
Muhiim ma tahay in xayiraadda hubka laga qaado Soomaaliya?
Dowlada Soomaaliya ayaa ka codsatey kulanka guud ee QM in laga qaado cunaqabateynta xaga hubka ee saran Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2xSKH3V
via IFTTT
Al-Shabaab oo qabsaday deegaanka Goofgaduud
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30km dhanka Koonfur ka xiga magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka.
from VOA https://ift.tt/2y31JeY
via IFTTT
Muqdisho: Ciidamo Talyaani ah oo qarax lala beegsaday
Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarrunta kuliyadda Jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya..
from VOA https://ift.tt/2zHAR6b
via IFTTT
Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ganacsi
Kaddib wada-hadallo xooggan oo daqiiqaddii ugu dambeysay la isla gaaray ayaa Mareykanka iyo Canada waxay gaareen heshiis ganacsi, ka hor inta aan la gaarin waqtigii ay qabsadeen oo ku ekaa xalay saqdii-dhexe.
from VOA https://ift.tt/2QmdoNn
via IFTTT