Monday, February 4, 2019

Burburka diyaaraddii Sala oo la helay

Koox quusayaal ah oo maalmahi lasoo dhaafay baarayay burburka diyaarad uu la socday laacibka reer Argentina Emiliano Sala taasoo ku dhacday biyaha u dhaxeeya Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa sheegay in ay heleen burburka diyaaradda iyo meydka hal qof. Kooxdani ma aysan faah-faahin meydka ay heleen inuu yahay ciyaaryahan Sala iyo duuliyihi waday diyaarad khaas ah oo kasoo qaaday 21-ki Janaayo magaalada Nantes ee galbeedka dalka Faransiiska kuna sii wadday gobolka Weles ee dalka Ingiriiska halkaas oo ugu ciyaari rabay kooxda Cardiff City. 21 jirkaan u dhashay dalka Argentine ayaa loo badinayaa inuu ku dhintay shilkaas diyaaradeed.

from VOA http://bit.ly/2WGIMu0
via IFTTT

No comments:

Post a Comment