Monday, February 4, 2019

Halkee mareysaa magacaabista guddoomiyaha Bangiga Dhexe

Waxa gabagabo maraya dadaalki dowlada federaalka Soomaaliya ay ugu jirtey in ay ku magacoowdo gudoomiye cusub oo qabta hogaanka Bangiga Dhexe, ka dib markii waqtiga gudoomiyaga bangiga dhexe ee hada, Bashiir Ciise Cali uu dhamaadey bishii Afaraad ee sanadki 2018-kii. Todobaadkan waxa soo shaacbaxay in uu soo gabagaboobey wareysiyada la la yeelanayey shaqsiyaadkii soo dalbadey hanashada gudoomiyenimada Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Sida ay VOA ila xog-ogaal ah u sheegeen dadka ugu cadcad waxaa ka mid ah Nigel Reborts oo ah nin u dhashay u dhashey, mudo dheerna hay-addo caalami ah u shaqeynayey. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii hore aansixiyey sharci u oggolaanaya in qof ajnabi ah uu qaban karo jagada Guddoomiyennimda Bankiga. Jaamac Buule Jaamac ayaa warbixintan inoo haya.  

from VOA http://bit.ly/2Glhu6N
via IFTTT

No comments:

Post a Comment