Tuesday, January 31, 2017

Dhageyso Gabar Soomaaliyeed oo Madax ka ah Ururka Ardeyda Kanada

Ururka Isutaga Ardeyda Kanada, Canadian Federation of Student waxaa uu u dhaqdhaqaaqaa xuquuqda ardey dhigato waxbarashada sare ee Kanada, sida macadyada iyo jaamacadaha.

from VOA http://ift.tt/2kP5MEu
via IFTTT

Somalia: Abaaraha oo Kusii Fidaya Meelo Badan

Abaaraha iyo aafada ka dhalatay ayaa kusii fidaya gobollo badan oo dalka ah. Mas'uuliyiinta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi Bari Somalia waxay ka digayaan in tirada xoolaha le'anaya ay sii kordhayso.

from VOA http://ift.tt/2kQM8H0
via IFTTT

Qaraxyada oo Halis ku Haya Wariyeyaasha Soomaaliya

Arbacadii, 25kii bishan, qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale muujiyay sababta caasimadda Soomaaliya loogu darro liiska magaalada ugu halista badan ee ay wariyeyaasha ku shaqeeyaan dunida.

from VOA http://ift.tt/2jQR2ny
via IFTTT

Internet-ka oo ka Go'ay Qeybo ka Mid ah Somalia

Adeegyada internetka ee meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa go'an iyadoo magaalada Muqdisho oo uu ka go'naa habeenkii xalay iyo maanta gelinkii hore la sheegay inuu si gaabis xilligan usoo laabanayo.

from VOA http://ift.tt/2kPO96q
via IFTTT

Maxaa ka Dhashay Go'aankii Madaxweyne Trump?

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa difaacay go'aanka uu ku mamnuucay qaxootiga ka imanaya toddoba waddan oo muslim ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

from VOA http://ift.tt/2jQVfaF
via IFTTT

Dana Boente oo Amrtay in la Difaaco Go'aanka Trump

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mareykanka Dana Boente ayaa ku amartay Waaxda Cadaaladda Mareykanka inay difaacaan amarrada madaxweyne Trump saacado yar un kadib markii uu magacaabay.

from VOA http://ift.tt/2kmnnGl
via IFTTT

Weerarkii Masjidka Quebec oo Nin loo Maxkamadeynayo

Booliska magaalada Quebec ee dalka Canada ayaa arday Jaamacadeed oo Faransiis-Canadian ah kusoo oogay dacwado la xiriira weerarkii lagu qaaday masaajid ay leeyihiin Musilmiinta magaaladaasi.

from VOA http://ift.tt/2kKxZvW
via IFTTT

Monday, January 30, 2017

Madaxweyne Trump oo Xilkii ka Qaaday Xeer Ilaaliyihii Qaranka

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah xilkii uga qaaday ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Maeaykanka Sally Yates.

from VOA http://ift.tt/2kMu31d
via IFTTT

Hadliye oo ka Hadlay Go'aanka Trump

Hadliye ayaa ka hadlay go'aanka kasoo baxay madaxweynaha Maryakanka Donald Trump ee lagu mannuucayo dadka qaxootiga ah ee ka imanaya toddoba waddan oo muslim ah.

from VOA http://ift.tt/2kGMVLF
via IFTTT

Wareysi: Madaxa Hay'adda Qaxootiga Mareykanka

Madaxa hay'adda qaxootiga keenta Mareykanka ee Community, Refugees and Immigration Services "CRIS" ayaa walaac ka muujisey amarka madaxweyne Donald Trump ee qaxootiigii ay keenilahaayeen saameeyey. Waxaa madaxa hay'addaas ay sheegtey in dadka qaxootiga ay u baahan yihiin caawinaad aysana geysan wax xadgudubyo ah. Angie Plummer oo ah madaxa hay'adaas ayaa Sahra Cabdi Axmed uga warrantey waalaacooda iyo wareerka ka dhashey wareegtada madaxweynaha.   

from VOA http://ift.tt/2kKusBe
via IFTTT

Qalalaase ka Dhashay Go'aankii Madaxweyne Trump

Waxa weli sii socda qalalaasaha ka dhashay amarkii kasoo baxay madaxweynaha Maraykanka ee mamnuucayey dadka qaxootiga ee ka imanaya toddoba waddan oo Muslim ah oo kala ah Soomaaliya, Siiriya, Yemen, Suudaan, Libiya, Ciraaq, Iraan iyo Liibiya.

from VOA http://ift.tt/2k8Ecls
via IFTTT

Baay: 31 Qof oo u Dhintay Biyo ay ku Sumoobeen

Mas'uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad badan ay ku sumoobeen biyo ku jiray goob balli ah, deegaan lagu magacaabo Masuubiye oo 18 km u jirta magaalada Baydhaba.

from VOA http://ift.tt/2kK5UYS
via IFTTT

Canada: Masjid la Weeraray oo lagu Dilay 6 Qof

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday masjid ku yaalla magaalada Quebec City ee dalka Canada, goor dambe oo axaddii ahayd, halkaasi oo uu ku dileen lix qof, kuna dhaawaceen sideed kale.

from VOA http://ift.tt/2jJiu9g
via IFTTT

Sunday, January 29, 2017

Wasiirka Socdaalka iyo Sinjiyada Kanada, Axmed Xussen oo VOA u Waramey

Wasiirka Socdaalka iyo Sinjiyada Kanada, Axmed Dirir Xussen ayaa VOA ugu waramey sida ay Soomaalida iyo sinjiyadaha kale ee Muslimiinta ah ee dhalashada Kanada haysta ay u saameynayso goaanka Madaxweynaha Mareykanka uu uga mabnuucay galintaanka dalkaas.

from VOA http://ift.tt/2kDRaHL
via IFTTT

Mudaaharaad ka Dhan ah Madaxweyne Trump oo ka Dhacay Minneapolis

Dibadbax ka dhan ah wareegtada Madaxweyne Donald Trump oo ka dhacay xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Cedar, ee magaalada Minneapolis. Dibadbaxan oo ay ka soo qeyb galeen jaaliyadaha kala duwan ee gobalka Minnesota ayna waxaa soo qabanqaabisay Ilhan Cumar, ayaan Maxamud Mascade waxaa uu ka wareystey Jaylani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hayadda u doodda xuquuqda Muslimiinta ee CAIR qeybteeda Minnesota, kana mid ahaa mas'uuliyiintii goobta ka hadashay.

from VOA http://ift.tt/2khMVnv
via IFTTT

Wicitaanka: Danjire Axmed Ciise Cawad

Barnaamijka wicitaanka dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga Washington Axmed Ciise Cawad oo ka ka jawaabaya su'aalo ku saabsan dib celinta dad Soomaali ah oo ay tiradoodu dhameyd 90 oo toddobaadkii hore laga musaafuriyay dalkan Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2kHcvDt
via IFTTT

Warbixino ku Saabsan Xannibaadda Socdaalka ee Maraykanka

Dalkan Maraykanka haweeynay garsoore ka ah maxkamad ku taalla New York ayaa hor-istaagtay oo joojiysay qeyb ka mid ah wareegtada madaxweyne Donald Trump uu ku mamnuucay in Maraykanka ay yimaadaan qaxootiga iyo dadka ka soo jeeda 7 dal oo Somalia ku jirto.

from VOA http://ift.tt/2kHCxSR
via IFTTT

Xukuno laga Gaadhay Kufsigii Galdogob

Shan dhalinyaro ah oo lagu haystay fal kufsi ah oo ka dhacay degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa maanta lagu riday xukunno isugu jira, karbaash, ganaax lacageed iyo xabsi u dhaxeeya 5 ilaa 10 sano.

from VOA http://ift.tt/2kHeUOz
via IFTTT

Sarkaal ka Tirsan Shabaab oo Gedo lagu Dilay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa maanta meel u dhow magaalada Garbahaarey ku diley madaxii cutubka Jabhadda ee Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab Cabdullaahi Qannas iyagoo sidoo kale howlgalkaasi ku dhaawacay xubno kale oo Al shabaab ka tirsan.

from VOA http://ift.tt/2jKqPa8
via IFTTT

US: Qaaddi Amar Kasoo Saaray Go'aanka Hakinta Socdaalka

Maxkamad federaali ah ayaa soo faragalisay amarkii madaxweyne Donald Trump ee ku saabsanaa hakinta dadka muhaajiriinta ah ee imanaya Maraykanka ee u dhashay toddoba waddan iyo qaar ka mida dadka haysta degenaanshaha rasmiga ah ee dalalkaas u dhashay.

from VOA http://ift.tt/2jECXf3
via IFTTT

Saturday, January 28, 2017

Martida: Danjire Micheal Keating

Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxaa marti inoogu ah Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Micheal Keating oo ka arrimo badan oo siyaasadda Somalia la xiriira.

from VOA http://ift.tt/2kEUUrD
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Caweyska Washington.

Kusoo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkaan. Waxaa soo diyaarisay isla markaana soo jeedin doonta, Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://ift.tt/2jIccnI
via IFTTT

Ganacsade Lagu Dhaawacay Boosaaso

Ganacsade lagu magacaabo Burhaan Ilka-dhagax ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Dhinaca kalena, dad shalay la afduubay ayaa qaar ka mid ah la helay.

from VOA http://ift.tt/2kEzif6
via IFTTT

Muqdisho: Waddooyin la Dayac-tirayo

aamulka gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay waddo isku xirta degmooyinka qadiimiga ah ee Muqdisho oo ay dulmaraan buundooyin, muddo dhowr iyo labaatan sano ahna burbursaneyd.

from VOA http://ift.tt/2jgxpZR
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha: Danduray iyo Cuud

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesha iyo toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA http://ift.tt/2kEnYzG
via IFTTT

Wareegtooyinka Trump ee Qaxootiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixey labo wareegto oo uu ugu talo galey in uu ku adkeeyo amniga dalka Mareykanka. Mid ka mid ah ayaa diidaya in qoxooti reer Suuriya ahi uu yimaaddo dalkan, waqti aan xadidneyn.

from VOA http://ift.tt/2jHJUtp
via IFTTT

Friday, January 27, 2017

Kenya: 9 Askari Ayaa Naga Dhimatay

Dawladda Kenya ayaa qiratay in sagaal askari looga dilay weerarkii saacadihii hore ee maanta ka dhacay magaalada Kulbiyow ee ay gaysatay maleeshuyada Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2kuqvwU
via IFTTT

Dibadbax ka Socda Washington DC

Kumanaan qof oo ah dadka u dhaqdhaqaaqa in haweenku aysan iska soo ridin ilmaha ayaa ka qeyb galaya dibadbax loogu magac daray "Dibadbaxa taageeridda Nolosha" oo ka dhacaya magaalada Washington DC.

from VOA http://ift.tt/2jdD6rC
via IFTTT

Faaqidaadda: Doorashada Madaxweynaha Somalia

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la waqtiyeeyey inay dhacdo sideedda bisha Febraayo ee foodda nagu soo haysa, waxaana ku loolami doona musharraxiin kor u dhaafaya illaa labaatan. Haddaba sidee doorashu ku noqon kartaa mid la isku haleyn karo oo u dhacda si ka madax banaan qaladaad. Waxaan arrintaas ku eegeynaa barnaamijka faaqidaadda toddobaada waxaana soo jeedinaya Cabdicasiis Xuseen Cusmaan.  

from VOA http://ift.tt/2jmdjsi
via IFTTT

Laba Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhimatay laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino oo dhulka lagaliyay lala eegtay rag la sheegay in ay Isbaaro u tiilay degaanka Burjada Jiinta oo ilaa 5 KM dhinaca galbeed ka xigta Baledweyne. Goobta qaraxa miinada lagula eegtay ayaa aheyd meel si joogta ah loogu dhaco gaadiidka Muqdisho iyo Gobalka Bokol ka yimaada ee Baledweyne ku socda, sida ay goobjoogayaashu sheegayaan. Dhinaca kale, ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku guuleysteen in ay si nabad galyo ay ku bixiyaan miino lagu qariyey meel u dhow guri uu lahaa nabaddoon caan ka ah magaalada oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag

from VOA http://ift.tt/2kAR7j6
via IFTTT

Al-Shabab oo Weeraray Saldhigii Kenya ee Kulbiyow

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa qabsaday sladhigii ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee magaalada Kulbiyow ee J/Hoose, oo 18 km u jirta xuduudda Kenya, sida ay dadka deegaanka u sheegeen VOA.

from VOA http://ift.tt/2kAvYFV
via IFTTT

Thursday, January 26, 2017

Keating: Doorashada Soomaaliya Waa Ineey u Dhacdaa Si Xor iyo Xaq Ah

Eergyaga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada madaxweynnimo ee Somalia ee bisha danbe dhici donta ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo aan lahayn musuq-maasuq.

from VOA http://ift.tt/2k9BFKg
via IFTTT

Trump oo Canshuurta Ku Kordhin Doono Mexico

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu heysto ikhtiyaarro badan oo ku saabsan sida ugu haboon ee ay Mexico u bixi karto derbiga uu rabo inuu ka dhiso xadka uu Mareykanka la wadaago dalka Mexico.

from VOA http://ift.tt/2jl5FhH
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 355

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 355-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2k63VwP
via IFTTT

Safaaradda Somalia ee Mareykanka oo la Eedeeyey

Qaar ka mid ah dhallinyaro laga soo masaafuriyay Mareykanka ayaa VOA-da u sheeay in safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ay ka dmabeysay in dib loo soo celiyo dhalinyaradan,

from VOA http://ift.tt/2kouXx9
via IFTTT

Gaas oo Booqday Goobaha Abaaraha Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Bari ee Puntland si uu u soo eego baaxadda abaarta iyo dadka ay saameeysay.

from VOA http://ift.tt/2k4GKmL
via IFTTT

Muqdisho: Musharaxiinta oo Is-diiwaangelinaya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynenimada ee dhacaya horaanta bisha soo socota ee Febaraayo.

from VOA http://ift.tt/2jARI0b
via IFTTT

Al-Shabaab oo Dib u Qabsaday Badhaadhe

Wararka ka imanaya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay maanta barqadii dib ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada Kenya ee Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi la wareegay maalintii talaadada.

from VOA http://ift.tt/2k4GnbM
via IFTTT

Hargeysa: Guddoomiyihii Sariflayaasha oo Geeriyooday

Guddoomiyihii ganacsatada isku beddelka lacagaha ee Hargeysa oo ka mid ahaa 6 qof oo ganacsatadaas ka mid ah oo shalay lagu xidhay magaaladaas Cabdillaahi Cali Barre ayaa maanta geeriyooday.

from VOA http://ift.tt/2jANSEl
via IFTTT

Trump oo Amray Darbi Laga Dhiso Xuduudda Mexico

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arbacadii amray in darbi laga dhiso xuduudda Mareykanka ee dhinaca Koonfurta ee uu la wadaago dalka Mexico, si loo joojiyo dadka sida sharci darrada ah dalka usoo galaya.

from VOA http://ift.tt/2jUMCwH
via IFTTT

Mattis oo Booqanaya Japan iyo Korea-da Koonfureed

Xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyey ee xil sare ka haya maamulka madaxweyne Donald Trump ee safar dibedda ah u baxa.

from VOA http://ift.tt/2j7CZh2
via IFTTT

Wednesday, January 25, 2017

Trump oo Soo Saaraya Amar ka Dhan Ah Qaxootiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in maanta oo arbaco ah uu amar ku bixiyo in la dhiso darbi u dhaxeeya Mareykanka iyo dalka Mexico ee dhinaca Koonfurta uu xuduud kala wadaago.

from VOA http://ift.tt/2jxQOl5
via IFTTT

Dad Soomaali ah oo Laga Masaafuriyey Mareykanka

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in 90 qof oo Soomaali ah iyo laba qof oo Kenya u dhashay oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka ay dayuurad ka dejisay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

from VOA http://ift.tt/2jRZwvA
via IFTTT

Doorashada Madaxweynaha Somalia oo Waqti Cusub loo Qabtay

Guddiga doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyaha guddigaas oo loo magacaaby xildhibaan Dr. Cabdiraxmaan Duceyle Beyle.

from VOA http://ift.tt/2kijHSW
via IFTTT

Waqtiga Doorashada Somaliland oo la Shaaciyey

Doorashada madaxtooyada Somaliland oo lagu muransanaa wakhtiga la qabanayo ayaa la go'aamiyay in ay qabsoonto bisha October ee sannadkan.

from VOA http://ift.tt/2kixJnz
via IFTTT

Muqdisho: Laba Qarax oo ka Dhacay Hotel Dayax

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii koox dabley ah ay baabuur ku qarxiyeen kadibna gudaha u galeen hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2ks2o5f
via IFTTT

Tuesday, January 24, 2017

War Deg Deg ah: Xabad ka Socoto Hoteel Dayax ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya caasimadda dalka ayaa sheegayo in ay xabad ka socoto hoteel Dayax oo ku yaal degmada Waaberi.

from VOA http://ift.tt/2jd2DMq
via IFTTT

Labada Aqal ee Baralamanka Somalia oo Kulmay

Labada gole ee baarlamaanka cusub ee Somalia oo maanta kullankoodii ugu horeeyay ee wada jir ah magaalada Muqdisho ku yeeshay ayaa meel mariyay qodobo dhowr ah oo ku saabsan doorashada madaxweynaha.

from VOA http://ift.tt/2kebcs7
via IFTTT

Suuqyada Hargeysa iyo Berbera oo Maanta la Xiray

Suuqyada waa weyn ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta la xidhay, waxaana ganacsatada qaar ka mid ah suuqyadaasi ay isu-soo-bax ku muujiyeen cabasho ay ka qabaan sicir-barar in muddo ah isa soo tarayay.

from VOA http://ift.tt/2jY9pdj
via IFTTT

Muqdisho: Barnaamij Lagu Caawiyo Dadka Qarracsan

Magaalada Muqdisho ee caasimadda waxaa ka jira barnaamij loogu tala galay ineey ku bogsadaan dadka qaba qarracanka ama naxdinta reebta huq iyo ciilka ee ka dhasha falalka kufsiga iyo colaadaha. Marka laga soo tago dadka ka badbaaday kufsiga, waxaa sidoo kale jira caruur horey u ahaan jiray askar iyo dhallinyaro ka tirsanaan jiray maleeshiyada Al-Shabaab oo xaruntan ay caawiso. Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray Warihaha VOA Jason Patinkin, waxaa soo koobaya Nur Xasan Nur.    

from VOA http://ift.tt/2kd9pn9
via IFTTT

Afar Askari oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Afgooye

Ugu yaraan afar ka tirsan askarta dawladda Soomaaliya ayaa ku dhimatay qarax saaka ka dhacay xaafadda Buulo Fooliyo ee degmada Afgooye, sida ay idaacadda VOA u sheegeen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2jsswZy
via IFTTT

Ciidamada Maanta Qabsaday Badhaadhe

Ciidamada Kenya iyo Ciidamo kale oo Ajanabi ah ayaa saaka waabarigii weerar ku qaadaay degmada Badhaadhe ee Gobbolka Jubbada Hoose, halkaasi oo saldhig u ahayd maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2j9jijW
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo ka Baxay Heshiiska TPP

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka saaray dalka Mareykanka heshiiska ganacsiga dalalka Pacific-ga, kaasi oo ay bahwadaag ku yihiin 12 waddan oo uu Mareykanku ka mid ahaa.

from VOA http://ift.tt/2kmzweI
via IFTTT

Barrow oo Madaxweyne ku Xigeen Magacaabay

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigiinkiisa haweeneey door weyn ka ciyaartay in kooxaha mucaaradka ay u midoobaan sidii ay awoodda uga qaadi lahaayeen madaxweynihi hore Yahya Jammeh.

from VOA http://ift.tt/2jshT93
via IFTTT

Monday, January 23, 2017

Maxa Yihiin Xeerarka Islaamka ee Kufsiga?

Magaalada Goldogob waxaa dhowaan ka dhacay fal kufsi oo loo gaystay laba gabdhood, kuwaasi oo mid ka mid ah laga duubay cajalad muuqaal ah oo lasoo dhigay baraha xiriirka Bulshada ee internetka. Kadib arrinkaasi, ayaa waxaa dadka deegaanka iyo culumada magaaladasi oo iskaashanaya ay qaateen kulamo ay ka qaybgaleen guddi culumo, aqoonyahano iyo odayaal dhaqameedyo Waxaa sidoo kale siyaabo kala duwan uga hadley kufsigaasi dhowr ka mid ah culumada Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ka hadley. Waxaa VOA ay wareysi la yeelatey Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah Imaamka Masjidka Darul Hijra ee magaalada Minneapolis si loo helo maacluumaad dheer ah oo ku saabsan xeerarka islaamka ee la xiriira kiiskan. Sahra Cabdi Axmed ayuu Sheekh Cabdiraxmaan uga waramay Xukunka Shareecada Islaamka ee Kufsi noocaan ah marka uu dhaco.  

from VOA http://ift.tt/2kkaKMc
via IFTTT

Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Afgooye

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday magaalada Afgooye ee Shabeellada Hoose. Waa weerarkii labaad ee Al-Shabaab ay bishan gudaheeda kusoo qaado magaaladaas.

from VOA http://ift.tt/2jhAhEf
via IFTTT

Maxay Tahay Shaqada Labada Aqal ee Baarlamanka?

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa shalay lagu doortay gudoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, waxaana tallaabadaas soo dhoweeyey xubnaha beesha caalamka. Waxaa la filayaa in dhoraashadan ay xigi doonto tan madaxweynaha Soomaaliya oo muddo laga dhursugayey, islamarkaana marar badan dib u dhac uu ku yimid. Si kastaba, dad badan ayaan fahamsaneyn sida ay u wada shaqeynayaan labada aqal ee baarlmaanka ee Hoose iyo Sare, iyo shaqada mid walba. Weriyaheena Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegeysa shaqada labada Aqal.  

from VOA http://ift.tt/2jTuA0h
via IFTTT

Weerar lagu Qaaday Banki ku Yaalla Mandheera

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday Banki ku yaalla magaalada Mandheera.

from VOA http://ift.tt/2jhfuQY
via IFTTT

Daroogo 500 oo KG ah oo lagu Gubay Jabuuti

Xukumadda Djibouti ayaa maanta soo bandhigtay shixnad daroogada nooca Kokeynka loo yaqaan ah oo lagu qiyaasay inay ku kaceyso boqol milyan oo dollar.

from VOA http://ift.tt/2k8iSw5
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo Maxkamad Lala Korayo

Donald Trump ayaa madaxweyne ah kaliya maalmo kooban, hase yeeshee koox isha ku haysa anshaxa ayaa diyaar u ah inay diiwaan geliso dacwad ka dhan ah, ayada oo tuhmeysa inuu jebiyey qodob ka mid ah dastuurka.

from VOA http://ift.tt/2jSMFLK
via IFTTT

Sunday, January 22, 2017

Guddoonka Aqalka Sare oo la Doortay

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somalia ayaa maanta doortay Guddoomiyaha Aqalka iyo labadiisa kuxigeen, iyada oo guddoomiyaha loo doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi

from VOA http://ift.tt/2jFcsVu
via IFTTT

Gambia: Adama Barrow oo Banjul Tagaya

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro xarunta dalka ee Banjul, ka dibna markii madaxweynihii hore, Yahye Jammeh uu ogolaaday inuu dalka ka baxo.

from VOA http://ift.tt/2jP9twb
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

WASHINGTON. DC Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee VOA waxaa toddobaadkan marti ku ah Kabtankii hore ee Qaranka iyo kooxdii Horseed, Ibtaahim Axmed Cali, Shaash. Barnaamijka waxaa soo diyaariyay soona jeedinayo Jaamac Buule Jaamac.

from VOA http://ift.tt/2jN0qvn
via IFTTT

Saturday, January 21, 2017

Soomaalida Maraykanka oo si Firfrcoon uga Qaybqaadanaya Siyaasadda

Natiijada Doorashadii Maraykanka ayaa dhalisay dadaal dheeraad ah oo ay muujinayaan dadka laga tirada badanyahay ee dalkan Maraykanka, oo ku addaan siday kaalin firfircoon uga qaadan lahayeen hannaanka dimuqraadiyadda

from VOA http://ift.tt/2jD05sT
via IFTTT

Sarkaal Lagu Dilay Jawhar

Warar degdeg ah oo goor dhowayd naga soo gaadhay ayaa sheegaya in sarkaal sare lagu dilay magaalada Jawr ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe.

from VOA http://ift.tt/2j7ODqE
via IFTTT

Boqolaal Kun oo Haween Ah oo ku Banaanbaxay Washington

Boqolaal kun oo qof oo u badan haween ayaa maanta ku bannaanabaxay fagaaraha National Mall ee Washington oo kasoo horjeeda Aqalka congress-ka oo shalay lagu dhaariyey madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.

from VOA http://ift.tt/2j7K7s4
via IFTTT

Barrow oo Sheegay inuu ku Laabanayo Gambia

Madaxweynaha cusub ee la doortay ee dalka Galbeedka Africa ku yaala ee Gambia Adama Barrow, ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa Twitterka ku sheegay maanta oo Sabti ah inuu dalkiisa dib ugu noqonayo si uu awoodda ula wareego.

from VOA http://ift.tt/2j7JezT
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Kusoo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xassan Garabeey (Daanbureey) iyo Caasha Ibraahim Aden (Caasha Cuud).  

from VOA http://ift.tt/2jLvonL
via IFTTT

Dareenka Soomaalida Mareykanka ee Trump

Donald John Trump ayaa shalay noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.

from VOA http://ift.tt/2jZgWWJ
via IFTTT

Dab Maanta ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta duhurnimadii uu dab xooggan ka kacay qeyb ka mid ah suuqa ugu weyn Somalia ee Bakaaraha.

from VOA http://ift.tt/2kbZv4j
via IFTTT

Haweenka oo Maanta ku DIbadbaxaya Trump

Maalin kadib markii boqolaal kun oo qof ay ka qeyb galeen caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, ayaa kumanaan qof oo kale la filayaa inay isugu soo baxaan magaalada Washington, si ay uga mudaaharaadaan siyaasadaha madaxweynaha cusub.

from VOA http://ift.tt/2j6Fhve
via IFTTT

Friday, January 20, 2017

Donald Trump oo Noqday Madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka

Donald John Trump ayaa maanta noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.

from VOA http://ift.tt/2jgoDHk
via IFTTT

Yabarow iyo Jawiga Washington DC ee Maanta

Ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa goob jog u noqon doonta munaasabada lagu caleema saarayo laguna dhaarin doono madaxweyne Trump, halka malaayiin ruuxna ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.

from VOA http://ift.tt/2jGWwEj
via IFTTT

Warbixin: Waa kuma Donald John Trump?

Donald John Trump oo sideeddii November 2016 loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta xilkaas si rasmi ah u qaban doona marka la dhaariyo.

from VOA http://ift.tt/2jfMC9e
via IFTTT

Taariikhda Caleemo Saarka Madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa maanta la caleemo saarayaa, waxaana munaasabadda dhaarta ee Donald Trump shaashadaha caalamnka ka daawan doono malaayiin qof.

from VOA http://ift.tt/2jGUnZv
via IFTTT

Thursday, January 19, 2017

Trum oo Maanta Loo Dhaarinayo Madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynaha dooran ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka, kadib marka uu xilka kala wareego madaxweyne Barak Obama.

from VOA http://ift.tt/2iQntRH
via IFTTT

Millatariga Senegal oo Gudaha u Galay Gambia

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u aqoonsaday Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow inuu yahay hogaamiyaha sharciga ah, xilli madaxweyne Yahya Jammeh uu wali diidanyahay inuu awooda wareejiyo.

from VOA http://ift.tt/2jE8dM1
via IFTTT

Doorka Soomaalida Norway ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliya 

Hey'adaha aanan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee dalka Norway iyo madaxda jaaliyada Soomaalida Norway, ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Oslo waxay kaga hadleen sida ugu wanaagsan ee kaalmo deg deg ah loo gaarsiin karo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2jtZxFv
via IFTTT

Mexico oo Dowlada Mareykanka u Gacan-gelisay El Chapo Guzman

Dowlada Mexico ayaa xalay usoo gacan gelisay Dowlada Mareykanka, Joaquin "El Chapo" Guzman oo ah gangistarka ugu weyn ee kooxaha ka ganacsado daroogada ee dalka Mexico.

from VOA http://ift.tt/2jE2RjW
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 354

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 354-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2jQ5OeF
via IFTTT

Fallanqeyn: Faro-gelinta lagu Sameynayo Gambia

Waddamada Galbeedka Afrika oo ay ugu horreeyaan Senegal iyo Nigeria ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan dalka Gambia, waxaana maanta ku eg muddada loo qabtay in madaxweyne Yahya Jammeh uu xilka ku wareejiyo Adama Barrow.

from VOA http://ift.tt/2jDgaAI
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo ka Hadlay Abaarta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gobollo badan ay dhammaanayaan dadkii da'da ahaa iyo caruurta, oo ay soo hareen dadkii xoogga lahaa.

from VOA http://ift.tt/2jCULbc
via IFTTT

Jarmalka oo Ballanqaad u Sameeyey Jubbaland

Safiirka dowladda Jarmalka u fadhida Soomaaliya Jutta Frasch oo shalay gaartay magaalada Kismaayo iyo madaxdweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka wada hadlay dhibaatooyinka dhanka nolasha ee ka taagan deegaanada Jubbaland.

from VOA http://ift.tt/2jBzoaB
via IFTTT

Wareysi: Hooyo Wiilkeeda Lagu Haysto Saxaraha

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa haatan lagu haystaa saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya. Cali Ibraahin oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa ka mida dadka gacanta ugu jira kooxaha loo yaqaano magafayaasha ee ka ganacsada tahriibka. Haddaba saamayn noocee ah ayaa falalka tahriibku ku reebaan qalbiga hooyooyinka ubadkoodu tahriibaan. Weriyaha VOA ee Boosaaso Yuusuf Maxamuud Yuusuf ayaa waraystay Saynab Maxamed Cali oo wiilkeeda Cali Ibraahin uu gacanta ugu jiro kooxaha Magafayaasha. Saynab ayaa ah hooyo danyar ah oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee Boosaaso.    

from VOA http://ift.tt/2jPdHAW
via IFTTT

Barrow oo Lagu Caleemo Saarayo Senegal

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha muddada dheer hayey talada Yahya Jammeh uu diiday inuu xukunka ka dego.

from VOA http://ift.tt/2jbFyL2
via IFTTT

Wednesday, January 18, 2017

60 Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Mali

Koox xagjir ah oo xiriir la leh ururka al-Qaida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerar isqarxin ah oo Arbacadi shalay lala eegtay xero milatari oo ku taala waqooyiga dalka Mali, halkaas oo ay ku dinteen ugu yaraan 60 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 115 kale.

from VOA http://ift.tt/2k2cgi6
via IFTTT

Fallanqeyn: Maxaa Xiga Doorashooyinka Somalia?

Cabdirashiid Kahliif Madaxa Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisuyahay magaalada Muqdisho ayaa fallanqeynaya.

from VOA http://ift.tt/2jx3T16
via IFTTT

Al-Shabab oo Dishay Askari u Dhashay Uganda

Ururka Al-Shabab ayaa shalay sheegay inay dileen askari u dhashay Uganda oo ay hayeen tan iyo bishii September ee sanandkii 2015-ka.

from VOA http://ift.tt/2iAXmTw
via IFTTT

Wararkii ugu Dambeeyey Xaaladda Cadaado

Iska dhac dhex maray ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska degmada Cadaado ee caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug ayaa shalay sababey dhimashada afar askari iyo dhaawaca shan kale. Iska horimaadkan ayaa ka dhashay kadib markii ciidanka Nabadsugidu ay tageen xarunta Xildhibaanada Galmudug oo dhawaan loo diidey in ay kulamo ku qabsadaan madaxtooyada Galmudug.  Magaalada Cadaado ayaa waxaa maalmahan ka taagnaa xisiad ka dhalatay xil ka qaadisy ay xildhibaanada Galmudug qarakood sheegeen inay ku sameeyeen madaxweyne Guuleed, taasi oo isna uu ku gacan seeray. Xaaladda magaalada ayaa maanta ka daganeyd sidii hore. Wariyaha VOA-da ee Gaalkacyo, Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Cadaado warbixintan nooga soo diray.  

from VOA http://ift.tt/2k3Ze7N
via IFTTT

Doorashada Aqalka Hoose oo ka Dhacday Muqdisho

Doorashadii xubnaha Aqalka Hoose ee matalaya Somaliland ayaa mar kale maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana maanta la doortay saddex kursi.

from VOA http://ift.tt/2iQBUbx
via IFTTT

Madaxweynaha Shiinaha oo ka Digay Dagaal Ganacsi

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dowladaha dunida uga digay halista ka iman karta dagaal ganacsi, xilli uu ka hadlay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee magaalada Davos ee dalka Switzerland.

from VOA http://ift.tt/2jZ3P71
via IFTTT

Earnest: Trump Ha Kala Doorto Sirdoonka iyo Russia

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ay tahay inuu kala doorto ciddii uu la jirsan lahaa sirdoonka Mareykanka, Russia ama WikiLeaks.

from VOA http://ift.tt/2j8ATJA
via IFTTT

Tuesday, January 17, 2017

Hooyada MId ka Mid ah Gabdhihi la Kufsadey oo VOA la Hadashey

Shugri Cabdullaahi Sheekh Cabdirixman waa hooyada dhashey mid ka mid ah labada gabdhood ee kufsi iyojirdilba loogu gaystey banaanka magaalada Goldogob ee gobolka Mudug

from VOA http://ift.tt/2jXkWWU
via IFTTT

Dhakhtar Soomaali ah oo ka Shaqeeya Afghanistan

Dr. Ciise Cabdi Jaamac, waa dhakhtar Soomaali ah oo ku sugan gobolka Helmand ee dalka Afghanistan, wuxuuna lixdii sano ee ugu dambeeyey ka soo shaqaynayey goobo badan oo colaado ka socdeen sida dalka Yemen oo kale.

from VOA http://ift.tt/2jkacTe
via IFTTT

Warbixin ku Saabsan Kufsi ka Dhacay Goldogob

Maamulka, culumada iyo ehellada laba gabdhood oo fal kufsi ah lagula kacay degmada Goldogob ee maamulka Puntland ayaa la tacaalaya inay xal ka gaaraan arrinkaan.

from VOA http://ift.tt/2j4MoBX
via IFTTT

QM oo $864 Milyan u Dalabtay Gargaarka Somalia

Hay'adaha bani'aadminimada ee Soomaaliya ayaa raadinaya $864 million oo dollar oo ay gaadhsiiyaan 3.9 million oo qof oo u baahan badbaadin iyo gargaar bani'aadminimo, gudaha dalka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2iJbDMf
via IFTTT

Xisbiyada Somaliland oo Isku Raacay in Doorashada Dib Loo Dhigo

Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa maanta go'aan ku gaadhay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo lix bilood ah, waxaanay go'aankan u gudbiyeen guddida doorashada.

from VOA http://ift.tt/2jjKle2
via IFTTT

Amisom oo ka Hadashay Shil ay ku Lug Yeesheen Ciidankooda

Ciidamada Amisom ayaa sheegay inay ka qoomameynayaan shil uu ku lug yeeshay mid ka mid ah baabuurtooda oo ay ku dhinteen dad shacab ah, waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

from VOA http://ift.tt/2iI3jwc
via IFTTT

Ninka Lagu Tuhmayo Weerarkii Istanbul oo la Qabtay

Ra'iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada amniga xireen ninkii la sheegayinuu ka danbeeyey weerarki habeenki curashada sanadkan 2017-ka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof.

from VOA http://ift.tt/2jjA01J
via IFTTT

Monday, January 16, 2017

Dadaal Lagu Joojinayo Colaad ka Taagan Hiiraan

Odayaash labada dhinac ee uu dagaalku dhexmarey iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku baxay qaboojinta xiisad ka dhalatay dilal salka ku hayay aano qabiil oo gaaray degaanka Teedaan ee gobalka Hiiraan.

from VOA http://ift.tt/2jqPsf1
via IFTTT

Laba Askari oo Maanta Lagu Dilay Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in abaarihii 5-tii galabnimo ee maanta ay dabley hubeysani toogasho ku dileen Laba Askeri oo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen idaacadda VOA.

from VOA http://ift.tt/2iEgApV
via IFTTT

Ciidamada Burundi oo ka Baxaya Somalia

Dowladda Burundi ayaa maanta billowday hanaan ay ciidamadeeda qeybta ka ah Amisom uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya ayada iyo Midowga Yurub.

from VOA http://ift.tt/2iDBZzi
via IFTTT

Baabuur ay Amisom Leedahay oo Dilay Dad Rayid Ah

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay lahaayeen Ciidamada Amisom ay isku dhaceen gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah.

from VOA http://ift.tt/2jBjolO
via IFTTT

Doorashada Aqalka Sare oo ka Dhacday Muqdisho

Seddex xildhibaan oo ka mid noqonaya xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Mqudisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2jr4cKK
via IFTTT

7 Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Bari

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in xalay dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka Af-urur oo ka tirsan gobolka Bari.

from VOA http://ift.tt/2jBhwJP
via IFTTT

Oman oo Lagu Wareejiyey Maxaabiis Guantanamo ku Jiray

Dowladda Oman ayaa maanta sheegtay inay milatariga Mareykanka ka aqbashay 10 maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba. Magacyada iyo dhalashada maxaabiistan ayaan weli la shaacin.

from VOA http://ift.tt/2jAPUo6
via IFTTT

32 Qof oo ku Dhintay Diyaard ku Burburtay Kyrgyzstan

32 qof oo ay caruur ku jireen ayaa geeriyootay kadib marki diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ay aroornimadi hore ee maanta ku bur burtay meel u dhaw garoonka diyaaraha caalamiga ah ee ugu weyn dalka Kyrgyzstan.

from VOA http://ift.tt/2it7fCT
via IFTTT

Sunday, January 15, 2017

Madaxweynaha Jubbaland oo ka Hadley Caqabadaha Haysta Maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo la hadley xildhibaanada Jubbaland ayaa ka waramey arrimo ku saabsan caqabadaha maamulkiisa ka heysta kala xirnaashaha deegaanada Jubbaland

from VOA http://ift.tt/2isf1gc
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijkeena maanta waxaa marti ku ah Cawaale Xuseen Cabdi oo ku takhasusay maamulka xiriirka shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha, waxana uu ku sugan yahay magaalada Edmonton ee dalka Canada

from VOA http://ift.tt/2jl39w0
via IFTTT

Dooni ku Degtey Xeebaha Libya

Dooni ay saarnaayeen Socoto Nolol raadis ah oo gaadhaysa illaa 100 qof ayaa ku degey badda Libya shalay sabtidii, waxaana warar hordhac ah oo ay wakaaladaha wararku daabacayaan ay sheegayaan in illaa haatan la badbaadiyey afar qof oo keliya oo ka mid ahaa dadkii markabkaas saarnaa.

from VOA http://ift.tt/2iql6Kd
via IFTTT

Saturday, January 14, 2017

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Dr. Caasha Cumar Kablow oo ku takhasustay cudurada haweenka, isla markaana la talisa Qaramada Midoobay, xafiiska Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2is9Qb2
via IFTTT

Barn. Caweyska Washington

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxa soo diyaarisay, soona jeedinaysa Sahra Ciidle Nuur

from VOA http://ift.tt/2ioxI4q
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Kusoo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkaan. Waxaa soo diyaarisay isla markaana soo jeedin doonta, Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://ift.tt/2iTPQPB
via IFTTT

Dr. Xuseen Tanzaniya oo Geeriyooday

Alla ha u naxariistee waxaa dalkan Mareykanka ku geeriyooday Dr Xuseen Maxamed Aadan oo loo yaqaanay Xuseen Tanzaaniya oo ahaa aasaasaha Ururka Caalamiga ah ee Deraasaadka Soomaalida.

from VOA http://ift.tt/2iTsWrQ
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha

Kusoo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xassan Garabeey (Daanbureey) iyo Caasha Ibraahim Aden (Caasha Cuud).

from VOA http://ift.tt/2iwa1FC
via IFTTT

Trump oo Shuruud Ku Xiray Cunaqabateynta Ruushka

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan waxba ka badali doonin cunaqabeynta uu maamulka madaxweyne Obama kusoo rogay Ruushka, balse cunaqabateynta aysan noqon doonin mid waqti dheer socoto.

from VOA http://ift.tt/2ir5GQK
via IFTTT

Friday, January 13, 2017

Faaqidaadda: Siyaasiyiinta iyo Haysashada Laba Dhalasho

Dalal badan oo ka mid ah kuwa dunida, lagama ogola in qofka xil dowladeed qabanaya, gaar ahaan xilalka sare uu haysto dhalashada dal kale. Hase yeeshee inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya ee xilalka haya ama doonaya inay qabtaan ayaa haysta dhalashada waddamo u badan kuwa reer galbeedka. Haddaba, muxuu arrintan ka qabaa dastuurka Soomaaliya. Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda ee toddobaadkan. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://ift.tt/2iPnC8L
via IFTTT

Maxay ka Dhigan Tahay Doorashadii Guddoonka BF?

Maxaa laga akhrisan karaa doorashadii guddoonka baarlamanka Soomaaliya? Maxayse uga dhigan tahay tan soo socota ee Madaxweynaha? Weriyaheena Haaruun Macruuf ayaa qodobadan hordhigay Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo bare ka ah Jaamacadda Qadar.

from VOA http://ift.tt/2jf5Uij
via IFTTT

'Israel oo Weerar ku Qaaday Syria'

Ciidamada Syria ayaa maanta sheegay in Israel ay weerar gantaallo ku qaaday saldhig milatariga Syria ay ku leeyihiin meel u dhow magaalada Damascus, taasi oo dhalisay qaraxyo dhowr oo aad u weyn.

from VOA http://ift.tt/2ijTXIA
via IFTTT

Thursday, January 12, 2017

Obama oo Biden Siiyey Abaalmarinta Xorriyada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa xalay gudoonsiiyey ku xigeenkiisa Joe Biden biladda Xorriyada oo ah bilad tan ugu sareysa ee uu Madaxweyne Mareykan ah qof siiyo.

from VOA http://ift.tt/2jpKH2w
via IFTTT

Muudeey oo loo Doortay Guddoomiye ku Xigeenka BF

Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta loo doortay inuu noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday xarunta baarlamanka.

from VOA http://ift.tt/2j4r3cF
via IFTTT

Wareysi: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka ka socda.

from VOA http://ift.tt/2igtifP
via IFTTT

Doorashada Guddoomiye ku Xigeenada BF oo Socota

Xarunta baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socota doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamanka Soomaaliya ee kala ah koowaad iyo labaad.

from VOA http://ift.tt/2ig2lJc
via IFTTT

Mareykanka oo Qirtay Dilka 33 Shacab Afghanistan Ah

Howlgal milatari oo sida wada jir ah horraantii bishii November looga fuliyey waqooyiga dalka Afghanistan ayaa waxaa lagu dilay 33 qof oo shacab ah, ayada oo 27 kale lagu dhaawacay sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2jmxQ17
via IFTTT

Wednesday, January 11, 2017

Walaaca Naafada Soomaaliya

Ururka Hiil-Naafo oo ka mid ah ururada u dhaq dhaqaaqo naafada Soomalaiyeed ayaa walaac ka muujiyey dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo ay sheegeen in ay maanta la noolyihiin naafada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2jxIIZl
via IFTTT

Qof Shacab ah oo Lagu Diley Baledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in hal qof lagu dilay seddex kalana ay ku dhaawacmeen xalay, kadib bam gacmeed lagu tuuray goob maqaaxi ah oo ku taalada xaafadda Xaawo Taako.

from VOA http://ift.tt/2j2Va4f
via IFTTT

Mareykanka oo ka Digay in loo Safro Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ugu digtay inay ka fogaadaan inay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xiriria dhaqdhaqaaqyada weli socda ee kooxda Al-Qacida xiriirka la leh ee Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/2idIpXe
via IFTTT

Warbixin: Marxaladihii uu Baarlamanka Somalia soo Maray

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Baarlamankan cusub ee maanta guddoomiyaha doortay ayaa noqonaya kii 10-aad ee ay Soomaaliya yeelato. Burburkii dowladdi dhexe kadib, 14 shirar oo la isku dayayay in Soomaaliya lagu soo celiyo nidaamkii dowladnimo ee ka burburay ayaa waxaa la soo dhisay ilaa iyo sagaal baarlaman oo ku meel gaar ahaa. Kii ugu horreeyay ee dowlad rasmi ah ay yeelato ayaa la dhaariyay bishii August sanadkii 2012-kii. Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegeysa marxaladihii ay soo mareen baarlamaanada Soomaaliya iyo waxa ay ku kala duwanaayeen.      

from VOA http://ift.tt/2j79WZX
via IFTTT

Shan Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Caabudwaaq

Wararka ka imaanaya magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in galabta casar liiqii uu magaalada ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiye beeleed.

from VOA http://ift.tt/2jjsIuz
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 353

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 353-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.    

from VOA http://ift.tt/2iFPso3
via IFTTT

Khudbaddii ugu Dambeysay Obama iyo Fallanqeyn ku Saabsan

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay magaalada Chicago ka jeediyey khudbaddiisii u dambaysay isagoo madaxweyne ah.

from VOA http://ift.tt/2jiCgWG
via IFTTT

Diblomaasiyiin Imaaraati ah oo Lagu Dilay Afghanistan

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in shan ka mid ah diblomaasiyiinteeda lagu dilay qarax bam oo Talaaddii ka dhacay magaalada Kandahar ee koonfurta dalka Afghanistan.

from VOA http://ift.tt/2j7mXTx
via IFTTT

Jawaari oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamanka

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2iF9pLt
via IFTTT

Doorashada Guddoomiyaha BF oo Socota

Xarunta baarlamanka Soomalaiya ayaa waxaa maanta ka socda doorashada guddoomiyaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya, oo ay ku tartamayaan illaa afar musharax.

from VOA http://ift.tt/2icufpw
via IFTTT

Tuesday, January 10, 2017

Canada: Ahmed Hussen oo Wasiir loo Magacaabay

Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

from VOA http://ift.tt/2jg26dQ
via IFTTT

Khadka Tareen ee Jabuuti iyo Ethiopia oo la Furay

Khad tareen oo isku xiraya dalalka Jabuuti iyo Ethiopia ayaa maanta waxaa si rasmi ah xariga looga jaray munaasabad ka dhacda dalka Jabuuti.

from VOA http://ift.tt/2j12O17
via IFTTT

Qadka Tareen ee Jabuuti iyo Ethiopia oo la Furay

Qad tareen oo isku xiraya dalalka Jabuuti iyo Shiinaha ayaa maanta waxaa si rasmi ah xariga looga jaray munaasabad ka dhacda dalka Jabuuti.

from VOA http://ift.tt/2jz2oAe
via IFTTT

Gedo: Sarkaal Shabaab Ah oo Isdhiibay

Sarkaal hore uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inuu isku soo dhiibay mas'uuliyiinta Gobolka Gedo ee dawladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2j0B3ph
via IFTTT

Wareysi: Guuleed oo Diiday Go'aanka Xildhibaanada

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.

from VOA http://ift.tt/2iefy3t
via IFTTT

Xildhibaano Sheegay inay Xilka ka Qaadeen Guuleed

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

from VOA http://ift.tt/2jprkGc
via IFTTT

Ruushka Oo Beeniyey Eedeymaha Mareykanka

Ruushka ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha uga yimid mukhaabaraadka Mareykanka ee ku saabsanaa inay faragelin ku sameeyeen doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday ee uu ku guuleystay Donald Trump.

from VOA http://ift.tt/2jyjXjH
via IFTTT

Monday, January 9, 2017

Wareysi: Madaxweyne Gaas oo ka Warramay Xaaladda Qandala

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdweli Maxamad Cali Gaas oo galabta gaaray degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa VOA uga warramay xaaladda degmada.

from VOA http://ift.tt/2iV5SJS
via IFTTT

Waa Sidee Xaaladda Dhallinyarada Somalia ee Maanta

Ku dhawaad muddo 30 sano ah oo ay dagaalo sokeeye ka socdeen Soomaaliya, ayaa dalkaan dhaca cirifka bari ee Qaarada Africa wuxuu hadda billaabay inuu ka soo kabsado dagaallada sokeeye oo guud ahaan dalka kaga tagay dib u dhacyo saameeyey dhammaan qeybaha kala duwan ee buslahada. Dhallinyarada Soomaalida ayaa ka mid ah qeybaha bulshada ee uu sida xun u sameeyeen dagaallada sokeeye. Hadaba muddo 30 sana ah kadib dagaaladi sokeeyey ee dalka maxay dib u dhac ah oo ay ku reebeen dhallinyarada Soomaalida. Wariyaha VOA-da Nur Hassan Nur ayaa su'aashaasi iyo kuwo kale oo ku saabsan xaalada dhalinyarada Soomaalida maanta weeydiiyey Mustafa Abdilahi Feyruuz oo ah agaasimaha Machadka Cilmi Baarista Soomaaliyeed (ISOS) ee raacsan Jaamacada Muqdisho, isla markaana ah khabiir ku takhasusay arrimaha Soomaaliya.  

from VOA http://ift.tt/2ia9OaS
via IFTTT

Waa Sidee Xaaladda Nololeed ee Qandala?

Magaalada ayaa si lama filaan ah ugu gacan gashay Maleeshiyada Daacish sheegatay 26-kii bishii October, waxaana dib ay ciidmada Puntland u qabsadeen 7-dii bishii December.

from VOA http://ift.tt/2jkKw81
via IFTTT

Musharaxiinta Guddoonka BF oo Khudbado Laga Dhageystay

Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta dhageystay khudbadaha murashixiinta u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka.

from VOA http://ift.tt/2jkPYaR
via IFTTT

Netanyahu oo Weerarkii Jerusalem ku Eedeeyey Daacish

Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa weerarkii baaburka xamuul loo adeegsaday ee axaddii ka dhacay magaalada Jerusalem ku eedeeyey kooxda Daacish.

from VOA http://ift.tt/2iuE9Pg
via IFTTT

Shiinaha oo ka Horyimid Kulankii Cruz iyo Tsai Ing-wen

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo xiriir walba oo dhex mara hogaamiyaasha Taiwan iyo saraakiisha Mareykanka, maalin kadib marki ay haweeneyda madaxweynaha ka ah Jaziirada Taiwan Tsai Ing-wen ay la kulantay senator Ted Cruz iyo gudoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott.

from VOA http://ift.tt/2iuNQgL
via IFTTT

Sunday, January 8, 2017

Doon Kalluumeysi oo Lagu Qabtay Hobyo

Ciidamda Badda ee Maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay dooni si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay xeebta Hobyo ee goboka Mudug iyo shaqaalihii saarnaa oo ay tiradoodu tahay 40.

from VOA http://ift.tt/2jqRDzF
via IFTTT

Barnaamijka Cawayska Washington

Barnaamijka Cawayska Washington, waxaa innala socodsiinaya Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://ift.tt/2irlCmX
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Dhageystayaal, kusoo dhawaada barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee VOA, oo todobaadkan uu marti inoogu yahay hormuudka Jaamacada Umada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2ir84Yy
via IFTTT

Xaalada Ivory Coast oo Maanta Dagan

Xaaladda magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast ee Bowaake ayaa maanta degan kadib marki ay isaga baxeen ciidamo ka tirsan Milatariga oo muddo laba maalmood ah halkaasi ka waday kacdoon.

from VOA http://ift.tt/2i6PEi6
via IFTTT

Dacwad Lagu soo Oogay Ninkii Weeraray Eraboorka Florda

Xeer ilaaliyaha magaalada Miami ayaa sheegay in dacwad la xiriirta fal qalalaaso ah lagu soo oogay nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyey toogasho Jimcihii ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee gobolka Florida.

from VOA http://ift.tt/2iQZOnZ
via IFTTT

Saturday, January 7, 2017

Jubbaland oo Bilowday Howlgallo ka Dhan ah al Shabaab

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalo ay kula wareegayaan deegaanada Waqooyiga magaalada Kismaayo ay halkaasi ka bilaabeen.

from VOA http://ift.tt/2i1U77c
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Muqdishu

Ugu yaraan saddex qof aya aku dhimatay afar kalane waa ku dhaawacmeen qaraxyo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdishu sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen VOA.

from VOA http://ift.tt/2i0G8Pa
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa innala socodsiin Caasha Ibraahin Aadan iyo Ibraahin Xasan Daanduray

from VOA http://ift.tt/2iNpp0Z
via IFTTT

Khilaaf ka Taagan Baarlamaanka Galmudug

Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa shegay in muddo 45 cisho uu ugu kordhiyay Xildhibaanada maamulka Galmudug, oo fasax ay horey ugu jireen uu u soo dhamaaday.

from VOA http://ift.tt/2i3GuCW
via IFTTT

Xisbiyada Somaliland oo ka Hadlay Doorashada

Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa la sheegay inay xisbiga talada haya ee KULMIYE kaga aragtiduwan yihiin, isla markaana ay aaminsan yihiin in dib loo dhigo doorashada, maadaama lagu jiro xilli abaaro darani dalka ka jiraan.

from VOA http://ift.tt/2iniKHO
via IFTTT

Friday, January 6, 2017

Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Beeraley

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo qaraar uu dhex maray maleeshiyada Al-Shabaab iyo beeraleyda deegaanka kadib markii mintiidiinta kooxda Shabaab ay xoolo ari ah ka qaateen beeralayda.

from VOA http://ift.tt/2iQkmxe
via IFTTT

Faaqidaadda: Maxaa Laga Filaya Baarlamanka Cusub?

Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaan ku eegeynaa muxuu baarlamanka cusub ee Soomaaliya kaga duwan yahay kii sagaalaad eek a horreeyey, maxayse yihiin caqabadaha ku horgudboon iyo waxa laga filayo afarta sano ee soo socota. Waxaa soo jeedinaya Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo ku sugan Muqdisho.  

from VOA http://ift.tt/2iY3jGM
via IFTTT

Dad ka soo Qaxay Somaliland iyo Ethiopia oo Gaaray Puntland

Boqolaal qoys oo kasoo cararay degaano ka tirsan Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa soo gaadhay Bariga Puntland iyaga oo daba socday naq da'ay kadib abaaraha cuslus ee waddanka ku dhuftay.

from VOA http://ift.tt/2hXLdHZ
via IFTTT

Rag ka Qaxay Mareykanka oo Lug ku Galay Canada

Laba nin oo kasoo jeeda dalka Ghana ayaa kusoo kabanaya qeybta la dhigo dadka gubtay ee isbitalka Winnipeg ee dalka Canada, kadib markii ay ku lumen xuduudda, ayaga oo soo galaya Canada kana soo qaxay Mareykanka, sida uu baahiyey TV-ha CBC ee dalka Canada.

from VOA http://ift.tt/2hZVj9R
via IFTTT

Russia oo Sheegtay in ay ka Baxeyso Syria

Dowladda Ruushka ayaa billowday inay yareyso ciidamada milatari ee ka jooga dalka Syria.

from VOA http://ift.tt/2jijHoZ
via IFTTT

Thursday, January 5, 2017

OHIO: Darawaliin Waayi Kara Shatiyada Baabuurta

Gobolka Ohio ayaa uga digay boqolaal muhaajiriin ah oo Soomaaliduna ku jirto inay waayi doonaan shatiyada lagu wado baaburta waaweyn, haddii aanay keeni caddeyn muujinaysa dhalashada Maraykanka ama warqadda dagannaanka abadiyada ee dalkan ay ku joogaan

from VOA http://ift.tt/2jahpEb
via IFTTT

Sirdoonka: Ruushku Doorashadii wuu Faragaliyay

Madaxda Hay'addaha Sirdoonka Maraykanka ayaa Khamiistii shalay sheegay in caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in Ruusku uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee bishii November ka dhacday Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2hYJEIl
via IFTTT

USA: Dhalinyaro Madow ah Dacwad Naceyb ah Lagu Soo Oogay

Afar qofood oo dhalinyaro kaso jeeda bulshada Madowga Mareykanka ee magaalada Chikago ayaa lagu soo oogay dacwad ah iney ku kaceen danbi naceyb ah.

from VOA http://ift.tt/2jaaoDx
via IFTTT

Wiilka Bin Laden oo Liiska Argagixisada lagu Daray

Hamza Bin Laden oo ah wiil u dhalay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Osama Bin Laden ayaa wasaaradda Arr. Dibedda Maraykanku ay ku diirtay liiska argagixisada, kadib markii uu xubin ka noqday ururka a-l-Qaacida.

from VOA http://ift.tt/2hYxxLo
via IFTTT

Xubnaha Aqalka Sare oo Muqdisho ku Shiray

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kal fadhigoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2hWASu8
via IFTTT

Michael Keating oo Tagay Beledweyne

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

from VOA http://ift.tt/2iTwxpY
via IFTTT

Meydadka 5 Shabaab ah oo Lagu Soo Bandhigay Baydhaba

Maamulka Gobolka Bay ayaa maanta magaalada Baydhaba ku soo bandhigay meydadka shan ruux oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/2j7QKrH
via IFTTT

Senate-ka oo Dhageysanaya Warbixin la Xiriirta Russia

Faro-gelinta la tuhunsan yahay in Russia ay ku sameysay doorashooyinkii Mareykanka ayaa waxaa maanta lagu dhageysan doonaan laba kulan kulan oo ay yeelan doonaan xubnaha senate-ka Mareykanka, waxaana sidoo kale looga warbixin doonaa madaxweyne Obama.

from VOA http://ift.tt/2jdqtMF
via IFTTT

Wednesday, January 4, 2017

Washington: Dhaxalki Madaxweyne Obama; Obama Care oo loo Shintirinayo

Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa shaley booqdey Capital Hill, si uu ula kulmo xildhibaanada Aqalka Sare iyo kan Hoose ee xisbiga Dimuquraadiga oo uu kala hadlayey si ay ubadbaadiyey sharciga uu ka tagey ee Caymiska Caafimaadka, loona yaqaan Obama Care.

from VOA http://ift.tt/2id8fXw
via IFTTT

Musharaxiin Isu soo Taagay Xilalka Guddoonka Baarlamanka Somalia

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay araajida ilaa iyo 7 murashax oo u taagan xilalka gugdoonka baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

from VOA http://ift.tt/2iANtE3
via IFTTT

​Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 352

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 352-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.  

from VOA http://ift.tt/2iPj3f6
via IFTTT

Ninkii Fuliyey Weerarka Istanbul oo la Aqoonsaday

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in mas'uuliyiinta ay aqoonsadeen ninkii fuliyey weerar lagu dilay 39 qof oo habeenkii sanadka cusub lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istanbul.

from VOA http://ift.tt/2iOPeLG
via IFTTT

Muqdisho: Qarax ka Dhacay Xarunta UNDP

Afar ka tirsan shaqaalaha waardiyaha ah ee Soomaalida ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhaawacan tay qarax baabuur oo ka dhacay garaash ku dhex yaalla xarunta hay'adda UNDP ee magaalada Muqdisho maanta.

from VOA http://ift.tt/2iOQMoP
via IFTTT

Jawaari oo Dib Isugu Sharxay Afhayeenkan Baarlamanka

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta sheegay inuu mar kale isku sharxayo xilka guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamanka cusub.

from VOA http://ift.tt/2hPJ5gl
via IFTTT

Tuesday, January 3, 2017

Ilhan Cumar oo loo Dhaariyey Xildhibaannimada Gobolka Minnesota

Soomaalida gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Muslimiinta iyo umadaha laga tirada badanyahayba shaley waxaa ay u ahayd maalin dabaaldeg, kadib markii Ilhaan Cumar oo kol hore ku guuleysatey xildhibaannimada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa shaley xilkaas loo dhaariyey.

from VOA http://ift.tt/2hPGXuh
via IFTTT

Tirada Dhimashada Qaraxii Muqdisho ee Shalay oo Korortay

Tirada dhimashada ee ka dhalatay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kordhay waxayna haatan tiradaasi dhan tahay 9 qof.

from VOA http://ift.tt/2i6Oq4d
via IFTTT

Ilhaan Cumar oo Maanta la Dhaarinayo

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa maanta gelinka dambe lagu dhaarin doonaa Ilhaan Cumar oo noqotay gabdhii ugu horraysay ee Soomalai ah ee ka mid noqota Aqalka Sharcidejinta Gobolka.

from VOA http://ift.tt/2hOy7v3
via IFTTT

Ammaanka Muqdisho oo la Adkeeyey

Bishan aynu ku jirno ee Janaayo, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka qabsoomaan doorashooyinka guddoonka baarlamanka, ku xigeenadiisa iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2iyXZdb
via IFTTT

Al-Shabab oo Gacmaha ka Jaray Laba Dhallinyaro

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay meel fagaaro ah midkiiba gacanta midig uga jaray laba dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay xatooyo ku kaceen.

from VOA http://ift.tt/2iyZMii
via IFTTT

Abaaraha ka Jira Somaliland oo Cudurro Dhaliyey

Abaaraha ka jira Somaliland ayaa la sheegay in ay sababeen xannuuno ka dillacay deegaanno badan oo ku dhacay dadka iyo xoolahaba.

from VOA http://ift.tt/2hNH4Vi
via IFTTT

Guddoonka Baarlamanka Oo Weli Aysan Cidna Isku Sharxin

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in ilaa haatan uusan jirin musharrax soo gudbiyey codsigiisa ku aaddan Guddoomiyennimada Baarlamaanka iyadoo maalinta kama dambaysta u ah in lagu soo gudbiyo araajida ay ku beegan tahay Khanmiista 5-ta Janaayo.

from VOA http://ift.tt/2j3YVcz
via IFTTT

Ciraq: 6,878 Qof oo Shacab ah oo la Dilay 2016

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii sheegtay in argagixisada iyo ficillada kale ee rabshado ee dalka Ciraq ay sanaddii 2016 dileen 6,878 qof oo shacab ah, islamarkaana dhaawaceen 12,388 kale.

from VOA http://ift.tt/2hN5Kxl
via IFTTT

Turkiga: Ninkii Weeraray Istanbul oo Weli la Raadinayo

Mas'uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay inay u dhawyihiin in ay aqoonsadaan heybta nin 39 ruux ku dilay habeenkii sanadka cusub ee 2017 goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul.

from VOA http://ift.tt/2iKswnL
via IFTTT

Monday, January 2, 2017

Ciraaq oo ay Daacish Askar ku Laysey

Weerar ay fuliyeen xubno katirsan jabhada Daacish ayaa askar Ciraaqiyiin ah ku diley dalkaas Ciraaq.

from VOA http://ift.tt/2j2wdbX
via IFTTT

Waqti loo Qabtay Doorashada Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya

Gudiga Doorashada gudoonka Golaha shacabka ayaa soo saaray jadwalka doorashada gugdoonka golaha shacabka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2iBefwD
via IFTTT

Dowladda oo Cambaareysay Qaraxyadii Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa sheegay in "koox dambiilayaal ah" aysan ka leexinayn ujeeddada iyo qorshaha dalwadnimo.

from VOA http://ift.tt/2iAnXPK
via IFTTT

Miisaaniyada Somaliland oo la Ansixiyey

Miisaaniyad-sannadeedka Somaliland oo dhawaan odoroskeeda ay soo saartay wasaaradda Maaliyaddu, ayaa maanta Golaha Wakiilladu ay duuduub ku ansixiyeen.

from VOA http://ift.tt/2hJRaGM
via IFTTT

Qaraxyo ka Dhacay Agagaarka Garoonka Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in laba qarax oo xooggan ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2iYTrQ6
via IFTTT

Daacish oo Sheegatay Weerarkii Istanbul

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii sanadka cusub lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu dilay 39 qof.

from VOA http://ift.tt/2iYPKKj
via IFTTT

7 Askari oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Ciraq

Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan booliska dalka Ciraaq ayaa ku geeriyooday weerar uu qof naftii hure ah ku qaaday bar koontarool oo ay ciidamada ku leeyihiin koofurta Ciraaq.

from VOA http://ift.tt/2hGepOC
via IFTTT

Sunday, January 1, 2017

Wareysi Gaar ah : Mo Farah

Boqortooyada Britain ayaa ku maamuustey hab-maamuuska ugu sareeya ee ay boqortooyadu bixiso Oradyahanka caanka ah ee asalkiisu yahay Soomaliga, Mo Farah. Waraysi gaar ah ayuu siiyay VOA

from VOA http://ift.tt/2itIK5g
via IFTTT

Barn. Wicitaanka: Maxamed Axmed Diiriye

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Maxamed Axmed Diiriye oo ah Guddoomiy Kuxigeenka Dhinaca amniga ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

from VOA http://ift.tt/2hDhejF
via IFTTT

Puntland iyo Galmudug oo Colaadda Galkacyo ka Heshiiyay

Hoggaamiyayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa Villa Somalia uga dhawaaqay heshiis ay ka gareen colaadda magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiska ku jira in magaalada Gaalkacyo loo sameeyo booliska isku dhaf ah oo talis qura ka amar-qaata.

from VOA http://ift.tt/2imqrRb
via IFTTT

South Africa: Nin Dilay Xaaskiisii Hore

Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Xasan ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii hore oo hal gabar ay isku lahaayeen, ka dibna isagu xabbad dhafoorka iskaga duftay, isna naf waayey

from VOA http://ift.tt/2hDftmE
via IFTTT

North Korea oo Qarka u Saaran gantaalada Dheereeya

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in dalkiisa uu hada marayo heerki ugu danbeeyey ee gabagaba horumarinta gantaalada isaga kala goosho qaaradaha.

from VOA http://ift.tt/2iT9nzz
via IFTTT

Istanbul oo Markale La Weeraray

Ugu yaraan 31 ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki dabley hubeysani ay xalay weerartay goob lagu caweeyo oo kutaala xaafada Orta-kooy degmada Beshiktash ee magaalad Istanbul.

from VOA http://ift.tt/2iSnk0j
via IFTTT

Golaha Amaanka oo Ayiday Xabad-joojinta Suuriya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ayyiday xabad joojinti ay Dowladaha Ruushka iyo Turkiga kasoo shaqeeyeen oo Jimcihi ka dhaqan gashay dalka Suuriya.

from VOA http://ift.tt/2ivsDGJ
via IFTTT