Thursday, June 30, 2016

Aabe iyo Labadiisa Carruur oo ku Dhintay Qaraxii Lafoole

Ayaan Maxamed Xirsi oo qaraxii Lafoole uu ku dhintay adeerkeed Axmed Ayaanle iyo laba carruur ah oo uu dhalay ayaa wareysi siisay VOA.

from VOA http://ift.tt/298CyO8
via IFTTT

Burkina Faso: Shirka Deegaanka ee Midawga Afrika

Caasimadda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou waxaa ka furmay shir uu soo qabanqaabiyey ururka Midawga Afrika kaas oo la iska xaal waraysanayo nolosha dadka reer guuraaga ah iyo sidii ay dawladuhu wax ugu qaban lahaayeen.

from VOA http://ift.tt/295uWbo
via IFTTT

Doodda Dhex Marta Dawaarlayaasha iyo Macaamiishooda

Dawaarlayaasha Soomaalida ah ayaa inta badan waxaa dhacda in iyaga iyo macaamiishoodu ay ku murmaan waqtigii ay kula balameen in ay howsha tolliinka u dhameynayaan.

from VOA http://ift.tt/298Cg9O
via IFTTT

Wareysi: Gabar ka Bad-baaday Weerarkii Istanbul

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadan waxaa ka mid aheyd  Shamso maxamed Cabdulle oo Transit ku aheyd garoonka marka uu weerarku dhacayay kuna dhaawacantay.

from VOA http://ift.tt/298rwWK
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo Magacaabay Guddi Doorasho oo Cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabey Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo dib u habeyn kooban lagu sameeyay xubnihiisa.

from VOA http://ift.tt/29c0NM3
via IFTTT

Muhiimadda Safiirka Mareykanka ee Somalia

Muhiimadda magacaabista safiirka Mareykanka uu u magacaabay Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay khubro dhinaca siyaasadda oo dhowr ah.

from VOA http://ift.tt/29cWVcG
via IFTTT

Qarax Dad Badan Ku Dhinteen

Mas'uuliyiinta Soomaalida ayaa sheegay in qarax xooggan uu qabsaday baabuur ay la socdaan dad rayid ah dhammaantoodna ay dhinteen agagaarka Lafoole.

from VOA http://ift.tt/29rX5dC
via IFTTT

Wednesday, June 29, 2016

24 Qof oo ku Dhintay Dagaalo ka Dhacay Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo xalay iyo saakay aroortii ay ka dhaceen deegaanka Ceel Hareeri oo ku dhow degmada Ceel Dheer.

from VOA http://ift.tt/290s5zL
via IFTTT

Dowladda Somalia oo soo Bandhigtay Qorshe Qaran

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sanadood soo bandhigtay qorshihii ugu horeeyay ee horumarinta qaranka.

from VOA http://ift.tt/293WTmz
via IFTTT

Warbixin: Noloshii Fu'aad Amiin oo Ku Dhintay Weerarkii Naasa-Hablood

Weerarkii ugu dambeeyey ee Hotel Naasa-Hablood ay koxodan ku qaaday ayaa waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa aqoonyahan da'yar oo lagu magacaabay Fu'aad Amiin.

from VOA http://ift.tt/29oNdlf
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 324

Toddobaadkan waxaa dalka Jabuuti laga xusay maalinta 27-ka June oo ah maalinkii Jabuuti ay xoriyadda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska. Haddaba qeybtan barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha waxa ay ku saabsna tahay xoriyadda Jabuuti iyo suugaanta ku qotonta. Waxaa soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa.  

from VOA http://ift.tt/293XdS7
via IFTTT

Kismaayo: Xarun Lagu Dhaqan Celiyo Shabaab

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa laga hirgelinayaa xarun weyn oo lagu dhaqan celinayo laguna tababarayo maleeshiyada ka soo goosta ururka al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/293Ut7h
via IFTTT

Garoonka Diyaaradaha Ataturk oo Dib Loo Furay

Garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul ayaa si buuxda dib loogu furay arbacada maanta ah, kadib weeraro ismiidaamin ah oo fiidnimadii talaadada lagu dilay 36 qof islamarkaana lagu dhaawacay 147 qof oo kale.

from VOA http://ift.tt/298qrSa
via IFTTT

Tuesday, June 28, 2016

Qaraxyo Gilgilay Garoonka Diyaarahada Istanbul

Dalka Turkiga, Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, in kabadan 20 kalena way dhaawacmeen kadib markii qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul.

from VOA http://ift.tt/292kUt7
via IFTTT

Xil. Caasha oo ka Hadashay Qoondada Haweenka

Walaac badan ayaa ka taagan sidii loo xaqiijin lahaa in dumarku ay ka helaan qoondo gaadhaysa 30% Baarlamanka soo socda, waxayna u arkaan in dawladii lagu soo dhisey Kenya iyo Xukuumadda haatan jirta aanay midna ka helin saamigii ay filayeen.

from VOA http://ift.tt/293zgMd
via IFTTT

Bandow La Saaray Magaalada Laascaanood

Gudoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa wareysi uu siiyay Laantan Af-Soomaaliga ee VOA-da kaga hadlay bandow ay saareen guud ahaan magaalada Laascaanood.

from VOA http://ift.tt/290gmBG
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Noloshii Burci Maxamed Xamza

Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo ahaa wasiiru Dawlaha Arrimaha Deegaanka ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa maanta lagu aasay Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/290N8Dy
via IFTTT

Dadka Gedo oo Ka Cabanaya Duqeymo

Odayaasha iyo dadka ku nool Gobbolka Gedo, gaar ahaana deegaanada ku yaalla xadka ee nawaaxiga Degmada Ceelwaaq ayaa cabasho xooggan ka muujinaya duqeyn la sheegay in diyaaradaha Kenya ay u geysanayaan deegaano ay ku nool yihiin da rayid ah.  Duqeyntii u danbeysay waxaa ku dhintay afar caruur ah iyo qof haween ah, waxayna ka dhacday meel u dhow Ceelwaaq.  Maxamed Xuseen Faarax iyo qaar kale oo kamid ah dadka ku nool deegaanadaasi ayaa Wariyaha VOA ee Jubbooyinka Khadar Maxamuud Xareed uga warramay cabashadooda.  

from VOA http://ift.tt/294VDS0
via IFTTT

ICG: Waa la Wiiqay Awoodda Al-Shabaab

ICG waxay sheegtay in awooddii al-Shabaab ay wiiqantay, laakiin aanay wali baabi'in, islamarkaana ay awood u leedahay inay weeraro fuliso.

from VOA http://ift.tt/290D91P
via IFTTT

Monday, June 27, 2016

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo la Dhaariyay

Maraykanka ayaa Somalia u diraya Stephen Schwartz oo ah safiirkeedii u horreeyay muddo 25 sano ah oo shalay lagu dhaariyay magaalada Washington. Safiirka ayaa sheegay in la joogo wakhtigii la sameyn lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo qaran.

from VOA http://ift.tt/28ZiiyQ
via IFTTT

Soomaali ka Qeyb Galay Shirka Silicon Valley

Silicon Valley oo ku taalla gobolka California ee dalkan Maraykanka waxaa ku soo xidhmay shir la isugu keenay ergo ka kala socota daafaha Caalamka oo ay ku jiraan Maalqabeennada Dunida ugu caansan sida Aasasaha Facebook, madaxa Google iyo qaar kale oo badan. Shirkan waxaa hadal ka jeediyey madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama iyo xubno ka mida golaha Wasiirada Maraykanka oo ay ka mid yihiin xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka John Kerry. Dadkii lagu martiqaaday kulkankan eek a qayb galay ee deegaannada Soomaalida ka yimi waxaa ka mid ahaa Axmed Cali Jaamac oo metelayey dhalinyarada Soomaaliyeed.  

from VOA http://ift.tt/28Z37E0
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Geerida Laba Dr. Shahiid

D.r Ducaale Maxamed Aadan Shahiid oo lagu dilay weerarkii Hotel Nasa Hablood, waxaa ka horeeyey aabihiis Maxamed Aadan Warsame Shahiid, oo isna lagu dilay qaraxii hoteel Shaamo ee sanandkii 2009-ka.

from VOA http://ift.tt/28YeTgQ
via IFTTT

Muqdisho: Shir u Furmay Ganacsatada iyo Dowladda

Shir ay leeyihiin Dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayo dhiiri gelinta ganacsiga, ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/294DTXx
via IFTTT

Jabuuti oo Maanta Laga Xusay 27-ka June

Dalka Djibouti ayaa maanta waxaa laga xusay maalinta xoriyadda Jamhuuriyadda Djibouti oo sanad walba la xuso 27-ka bisha June.

from VOA http://ift.tt/29g9eT3
via IFTTT

Doon Siday Badmaaxayaal oo Kusoo Caarisay Kismaayo

Xeebaha magaalada magaalada Kismaayo waxaa maanta ku soo caariyey doon ay wateen shan ruux oo badmaaxayaal ah kuwaasoo u dhashay Dalka Komoroos.

from VOA http://ift.tt/28Yu5vw
via IFTTT

Israel iyo Turkey oo Dib Usoo Celiyey Xiriirkooda

Israel iyo Turkey ayaa gaaray heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka labada dal oo bur-buray sanaddii 2010.

from VOA http://ift.tt/28XbsH8
via IFTTT

Sidee Looga Hortagi Karaa Weerarada Hoteellada Muqdisho?

VOA-da ayaa la hadashay aqoonyahanno dhowr ah oo dhinaca siyaasadda iyo amniga ku xeel-dheer, waxna ka weydiisay sida looga hortagi karo weerarada noocan ah iyo cidda leh mas'uuliyadeeda.

from VOA http://ift.tt/2943Fek
via IFTTT

Faaqidaadda: Amniga Waqooyi Bari Kenya

Ugu yaraan saddex weerar ayaa ka dhacay toddobaadkii hore Gobolka Waqooyi Bari Kenya kuwaasi oo ay qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab.

from VOA http://ift.tt/28Xboag
via IFTTT

Sunday, June 26, 2016

Dr. Ducaaled Shahiid oo ku Dhintay Weerarki Hotelka

Dadka ku dhintay weerarkii Hotel Naasa-Hablood waxaa ka mid ahaa, Dr. Ducaale Shahiid oo ka tirsanaa dhakhaatiirka Muqdisho. Dr. Ducaale waxaa dhalay Prof. Maxamed Shahiid oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxii hotel Shaamow ee sannadkii 2009-kii.

from VOA http://ift.tt/2925Mzm
via IFTTT

Xil. Caasha: Ma Baroordiiq ayaan ku Jiraynaa?

Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wareysi ay VOA siisay kaga hadashay qaraxyada Muqdisho, iyadoo sheegtay inaan fikir jirin oo la kala daadsan yahay. weerarkii hotel Naasa-Hablood. Caasho ayaa sheegtay

from VOA http://ift.tt/28VWX9m
via IFTTT

Wicitaanka: Wasiirka Amniga Soomaaliya

Barnaamijka Wicitaanka dhegaystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah wasiirka amniga ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar, isaga oo ka jawaabaya suaalo kala duwan oo dhegaystayaashu ka weydiiyo xaaladda ammaanka dalka.

from VOA http://ift.tt/291PHJY
via IFTTT

Wasiir Burci oo ku Dhintay Weerarkii Hotelka

Burci Maxamed Xamza, oo ahaa wasiiru-dowlaha xafiska RW Somalia ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday shalay hotel Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale tirada dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa gaartay 20 qof.

from VOA http://ift.tt/28U2UPp
via IFTTT

Saturday, June 25, 2016

Dhageyso Barnaamijka Martida Mikrafoonka

Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay ka bixiddii Britain ee Midowga Yurub, waxana marti ku ah Cabdi Cumar Cali oo si dhow ula socdey aftdiii Britain ay kaga baxdey Midowga Yurub, kana mid ahaa madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

from VOA http://ift.tt/299zZbK
via IFTTT

Hawlgalkii Naasa-Hablood oo La Soo Afjaray

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay soo afjareen hawlgalkii ka socday hotelka Naasa-Hablood halkaas oo makhribkii ay weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/28UnvpP
via IFTTT

Yurub oo Britain ugu Baaqday in la Dedejiyo Kala Gurashada

Wasiirada Arrimaha Debedda ee lixda dal ee aasaasay Midawga Yurub ayaa kulan ku yeeshay dalka Jarmalka iyaga oo ka wada hadlay go'aanka ay qaateen shacabka reer Britian, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo bilaabo kala gurashada Britian iyo Midawga Yurub.

from VOA http://ift.tt/28WVD5P
via IFTTT

Wararka ugu Dambeeyey ee Weerar lagu Qaaday Hotelka Naasa-Hablood 1

Maleeshiyada ururka al-shabab ayaa weerar ku qaaday huteelka Naaso Hablood 1 oo ku yaalla isgoyska KM4 sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Goobjoogayaasha ayaa maqlay qarax xooggan iyo rasaas is xiga, waxaana wararku sheegayaan in xilligan uu dagaal ka socdo gudaha huteelka.

from VOA http://ift.tt/28U5TdM
via IFTTT

Qarax Ka Dhacay Hotel Naasa Hablood 1

Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhoweyd ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa waxaa daba socday rasaas culusu oo laysku weydaarsaday gudaha hotelka.

from VOA http://ift.tt/28Spc6f
via IFTTT

Qodobada lagu Heshiiyey Shirka Baydhabo

Hoggaamiyayaasha madasha qaranka ee ku shirayey magaalada Baydhaba ayaa goor dhowayd halkaasi kasoo saaray war murtiyeed ka kooban qodobo kala duwan oo ka hadlaya maqaamka xaaladda caasimadda Muqdishu, kordhinta tirada Aqalka Sare, guddiyada doorashada iyo qodobo kale.

from VOA http://ift.tt/28Skcyk
via IFTTT

Daadad 23 Qof ku Dilay Gobolka West Virginia

Gudoomiyaha gobolka West Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay galeen 44 degaan oo ka mid ah gobolka ka dib markii ay ku dhufteen daadkii ugu xumaa ee gobolka ka dhaca muddo boqol sanadood ah.

from VOA http://ift.tt/28TFn5X
via IFTTT

Yurub oo ka Arrinsanaya Mustaqbalkooda

Madaxda lixda wadan ee aasaasay Midowga Yurub ayaa kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka maanta oo Sabti ah si ey uga arrinsadaan mustaqbalka Midowga Yurub, iyagoo dhinaca kalena ugu baaqay Britain inay degdejiso ka bixisteeda Midowga Yurub.

from VOA http://ift.tt/28Ur8Ko
via IFTTT

Friday, June 24, 2016

Soomaalida Britain oo ka Hadlay Ka Bixitaanka EU

Dadweynaha Biritan ayaa u codeeyey inay ka baxaan Midowga Yurub. Dadka usoo baxay inay codkoda dhiibtaan ayaa sarreeyey, waxaana 52% guushu ku raacday ololaha doonayey inay ka baxaan UK.  Ka bixitaanka Yurub ee Midowga Yurub ayaa dhul gariir siyaasadeed ka abuuray Brittan gudaheeda iyo welba qaaradda Yurub.  Go'aankan wuxuu sidoo kale saameyn ku yeelanayaa dadka soo galootiga ah ee Soomaalida ay ku jirto, gaar ahaan kuwa UK ka soo galay dalalka kale ee Yurub. Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegeysa saameynta arrintan ee Soomaalida.  

from VOA http://ift.tt/28QKhh2
via IFTTT

Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Baydhaba

Madaxda ayaa ku kala tagay shirka iyadoo aaney waxba ka soo bixin, inkastoo warbaahinta loo sheegay in berito ay go'aamada rasmiga ah soo saari doonaan.

from VOA http://ift.tt/292eAm1
via IFTTT

Laba Wasiir oo Xilka Laga Qaaday

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sheegay inuu xeer ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sameeyey laba wasiir.

from VOA http://ift.tt/28VUInd
via IFTTT

Faaqidaadda: Amniga Woqooyi Bari Kenya

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay ammaanka gobolka Woqooyi Bari Kenya, oo dhowr mar ay horey uga dhaceen weeraro ay fuliyeen maleeshiyada Al-Shabaab. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Haaruun Macruuf.  

from VOA http://ift.tt/28Vwx8j
via IFTTT

Saameynta Ka Bixitaanka Britain ee Midowga Yurub

Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ayaa dhul gariir siyaasadeed ka abuuray Biritan gudaheeda iyo welba qaaradda Yurub.

from VOA http://ift.tt/28RNzlL
via IFTTT

Ra'iisul Wasaare David Cameron oo Is-casilaya

Ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilayo kadib markii Britain ay u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

from VOA http://ift.tt/291ydL7
via IFTTT

Thursday, June 23, 2016

Britain oo u Coddeysay inay ka Baxdo EU

Warbaahinta UK ayaa sheegtay in aftidii la qaaday shalay ay dadku ku codeeyeen in UK ay ka baxdo Midowga Yurub. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in kuwa taageersan in UK baxdo ay heleen 54% halka kuwa arrintaasi diidana ay heleen 48%.

from VOA http://ift.tt/28R36zd
via IFTTT

Dad ugu Dhintey Baladweyne Cudurka Shubanka

Magaalada Baladweyne waxa ka dillaacay cudurka Shuban Biyoodka, iyadoo tiro dad ah ay u dhinteen cudurkaasi, waxana Cisbitaalka magaalada la dhigay dad la ildaran shubanka.

from VOA http://ift.tt/28Pne6s
via IFTTT

Afgooye oo Xalay 4 Qof oo Ilmo Yar uu ku Jiro Lagu Diley

Kooxo dablay ah ayaa xalay 4 qof si kala gooni ah ugu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

from VOA http://ift.tt/28UmH6Z
via IFTTT

Puntland: Radio Daljir oo La Xirey

Maamulka Puntland, ayaa irdaha isugu dhuftay xarrumihii idaacadda Daljir ee deegaannada Puntland. Wariyayaasha ayaa cambaareeyay tallaabada shaqada looga joojiyay Radio Daljir.

from VOA http://ift.tt/28PnAK6
via IFTTT

Britain: Tirinta Codeynta oo Socota

Codeyntii taariikhiga aheyd ee ku aaddaneyd haddii Britain ay ka baxeyso Midowga Yurub iyo in kale, ayaa soo dhammaatay, iyadoo tirinta codadkuna ay socoto.

from VOA http://ift.tt/28RbRty
via IFTTT

Ciidamada Uganda oo Somalia ka Baxaya Dhammaadka 2017

Ciidamada Uganda ayaa la sheegay inay ka baxayaan dalka Soomaaliya dhammaadka sannadka danbe.

from VOA http://ift.tt/28PN6jY
via IFTTT

Dagala Dhex Maray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Gallan

Dagaal ayaa maanta degmada Carmo ee gobolka Bari ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyo uu wato guddoomiyhii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

from VOA http://ift.tt/28SsHwV
via IFTTT

Shirka Madasha oo Maalintii Labaad ka Socda Baydhaba

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha qaran ayaa mar kale maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socda.

from VOA http://ift.tt/28S81F2
via IFTTT

Muqdisho: Laba Qof oo ku Dhintay Qarax iyo Is-rasaaseyn

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay bar-koontarool oo ay joogeen ciiidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku taalla xaafadda Waxara-cadde ee degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho. Maamulka degmadaasi ayaa xaqiijiyay qaraxaasi, waxaaney sheegeen in uu ku geeriyooday mid kamid ah Askartii goobta lala bartilmaameedsaday ku sugnaa. Ururka Al-shabaab oo in dagaalyahannadiisu ay Qaraxaasi ka dambeeyeen ku daabacay baraha iyaga taageera ayaa sheegay in uu Hadafku Askartaasi ahaa saddex ka mid ahnaay goobta ku dileen. Dadka Xaafadda Waxar-cadde ayaa xusay in ay maqleen qarax xoogganiyo rasaas ka dambeysayinkastoo aanay tirada khasaaraha sheegin haddana waxa ay tilmaameen in dhimasho iyo dhaawacba ay weerarkaasi ka dhasheen. Dhinaca kale ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen israsaasen maanta ka dhacday saldhigga Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho. Saldhiga ayaa waxaa xilliga uu iska hor-imaadku ka dhacayay waxaa ka socotay qaban-qaabada qeybinta raashin Mucaawinno ah oo loogu talo-galay dadka barakaca ah ee degmadaasi degan. Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in raga weerarka soo qaaday oo 4 ahaa ujeeddadoouna lagu tilmaamay in ay raashiinkaaasi gargaarka ah boobaan ay rasaas ku fureen Askartii u xilsaarneyd ilaalinta goobta ay howsha qeybintu ka socotay. Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa kala ah mid kamid ah Dableydii weerarka soo qaadday iyo haweeney kamid aheyd dadkii gargaarkaa soo raadsaday.

from VOA http://ift.tt/28Q5x7j
via IFTTT

Codbixinta Aftida Britain ee Midowga Yurub oo Billaabatay

Dalka Britain ayaa waxaa maanta ka billowday codbixin taariikhi ah, taasi oo dhammaadka maanta go'aan ka gaari doonta in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub iyo in kale.

from VOA http://ift.tt/28PJQnD
via IFTTT

Wednesday, June 22, 2016

Wafti ka Socda IGAD iyo Ethiopia oo tagay Beledweyne

Wafdi ka socda urur gobaleedka IGAD oo uu ka mid yahay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta gaaray magaalada Baledweyn.

from VOA http://ift.tt/28MYMR2
via IFTTT

Duqeyn Ka Dhacday Gedo oo lagu Dilay Afar Caruur

Afar caruur ah ayaa ku geeriyooday duqeyn diyaaradeed oo maanta ka dhacday tuulada Ilaale oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana masaafo dhan 15 km dhanka koonfurta uga beegan degmada Ceelwaaq ee Gobbolka Gedo.

from VOA http://ift.tt/28MuAaY
via IFTTT

Aftida Britian iyo Saamaynteeda Dhaqaale

Dadweynaha Britain waxay u dareerayaan goobaha codbixinta si ay u dhiibtaan codkooda isla markaana go'aan uga gaadhaan in Britain ay ka sii mid ahaato Midawga Yurub iyo inkale. In ka badan 1,200 oo ka tirsan hogaamiyeyaasha shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ee Britain ayaa ka digaya hubaal la'aan dhinaca shaqada ah.

from VOA http://ift.tt/28NsyIL
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 323-aad

Qeybta 323-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/28P4lUu
via IFTTT

Ganacstada Muqdisho oo ka Qeyb Galaya Dhismooyinka Jidadka

Kulan ay maanta isugu yimaadeen ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa dhaqaalihii ay horey isugu qoreen ee ku aadanaa mashruuca dhismaha wadooyinka.

from VOA http://ift.tt/28W9GXC
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo Baydhaba ka Furay Shirka Madasha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo oo uu si rasmi ah uga furay doono shirka Madasha qaran.

from VOA http://ift.tt/28PChP2
via IFTTT

Eritrea: Ethiopia Waxay Qorsheeneysaa Dagaal Buuxa

Dowladda Eritrea ayaa u sheegtay golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM in dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia uu qorsheynayo dagaal buux oo uu kusoo qaado dhulka Eritrea.

from VOA http://ift.tt/28LOClZ
via IFTTT

Sideed Qof oo ku Dhintay Dagaal Beeleed ka Dhacay Mudug

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Qaydara oo dhanka Koonfureed 120 KM kaga began magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

from VOA http://ift.tt/28LYDO8
via IFTTT

Tuesday, June 21, 2016

Sarkaal Lagu Dilay Jawhar

Toogasho ayaa ka dhacay magaalada Jawhar, wararka hordhaca ah ee ay idaacadda VOA heshayna waxay sheegayaan in la dilay sarkaal ka tirsan nabadsugidda Soomaaliya ee Gobolka Shabellada Dhexe.

from VOA http://ift.tt/28O82sh
via IFTTT

Saddex Qof oo ku Geeriyootay Dagaal ka Dhacay Kulbiyow

Ugu yaraan qof ayaa ku geeriyootay dagaal maanta dhex maray ciidamada Kenya ee AMSIOM iyo kuwa maamulka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/28KNrRu
via IFTTT

Al-Shabaab oo ku soo Siqday Afmadow iyo Dhoobley

Xaalad cabsi ah ayaa laga dareemayo Degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubbada Hoose kadib markii boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo aad u hubeysan ay kusoo dhawaadeen.

from VOA http://ift.tt/28Ls6wE
via IFTTT

Barnaamijka Qurbe: Soomaalida Sweden iyo Norway

Dalalka Norway iyo Sweden ayaa sharciyada u diiday qaar badan oo ka mid ah Soomaalida dalalkaas qaxooti ahaanta ku tagay. Sidoo kale qaarkood ayaa laga saaray guryihii ay degenaayeen. Arrimahan ayaan ku eegeynaa barnaamijka qurbe ee toddobaadkan, waxaana soo jeedineysaa Sahra Cabdi Axmed.  

from VOA http://ift.tt/28KSPpc
via IFTTT

Dagaal Dhex Maray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab

Laba askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaal maanta dhex maray ayaga iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/28McPKq
via IFTTT

Qarax ka Dhacay Dalka Jordan oo lagu Dilay Lix Askari

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Jordan ayaa sheegay in qarax babauur oo ka dhacay xuduudda dalkaas uu la wadaagao dalka Syria uu dilay lix askari, islamarkaana dhaawacay 14 kale.

from VOA http://ift.tt/28L15KI
via IFTTT

Monday, June 20, 2016

Spain oo Xirtay Tababare Soomaali ah

Booliska dalka Spain ayaa shalay xiray Jaamac Adam Karaaciin kadib markii hotel isaga iyo tababare kale ay daganaayeen laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda. Karaaciin ayaa tababare u ah Genzebe Dibaba oo haysata koobka ororka 1500 mitir

from VOA http://ift.tt/28KnZ3X
via IFTTT

Shan Saxafi oo Laga Kaxeystay Wajaale

Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ay magaalada Wajaale ka kaxaysteen shan weriye oo u shaqaynayey hay'adaha warbaahinta Somaliland.

from VOA http://ift.tt/28Jt8Yn
via IFTTT

Warbixin: Maxaa Somalia Ka Hortaagan Nidaamka Xisbiyada?

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in dalkan aysan ka dhici doonin doorasho hal qof iyo hal cod ah sababo kala duwan awgood, oo ay ku jirto tan xaaladda amniga ee waddanka iyo barnaamijyadii xilliga kala-guurka oo aan la dhammaystirin.   Haddaba barnaamijyada ay ahayd in la dhammeeyo balse dib u dhacay waxaa ka mid ah in doorashada sannadkan ay ku tartamaan xibsiyo.   Dhowaan ayaa Baarlamaanku ansixiyey sharciyadda aasaaska Xisbiyada taasina waxya sare u qaaday rajada mustaqbalka ee ururro badan oo doonaya in xisbiyo loo diiwaan geliyo si ay uga qaybqaataan siyaasadda iyo hoggaanka dalka.   Haddaba dib u dhaca ka yimid aasaaska sharciyada xisbiyada iyo nooca xisbiyada la iman kara aragti qaran ayaan idiinka diyaarinaye warbixino ka kooban laba qaybood. Qyabta hore ee warbixinahaas waxaa inoo soo diyaariyey soona jeedinayaa weriyahayaga Garoowe Nuux Muuse Birjeeb.  

from VOA http://ift.tt/28ITwBt
via IFTTT

Dowladda Somalia: Qaxootiga Qasab Laguma Celin Karo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan raali ka noqon doonin in Qaxootiga ku jira xerada qaxootiga Dhadhaab si qasab ah looga soo saaro xeradaasi.

from VOA http://ift.tt/28IWRPV
via IFTTT

Wareysi: Xaaladda Qaxootiga ku Nool Xerada Dhadhaab

Ruqiyo Cali Raage waa guddoomiyaha Xerada Qaxootiga ee IFO ee Dhadhaab, wariyeheenna Jamaal Axmed Cusman ayaa ka wareystay xaaladda qaxootiga xeradaas.

from VOA http://ift.tt/28IRNN3
via IFTTT

Al-Shabaab oo Weerar ku Dishay Shan Sarkaal oo Kenyan ah

Shan ka tirsan saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay weerareen kolonyo baabuur booliis ah.

from VOA http://ift.tt/28IJlwF
via IFTTT

Dhowr Qarax oo 24 Qof ku Dilay Dalka Afghanistan

Qaraxyo kala duwan oo maanta ka dhacay dalka Afghanistan ayaa dilay ugu yaraan 24 qof, islamarkaana dhaawacay qiyaastii 40 kale.

from VOA http://ift.tt/28IxwD9
via IFTTT

Sunday, June 19, 2016

Eedo loo Jeedinayo Gud. Doorashada Somalia

Guddigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxaa qeyb ka ah wasiirro ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka tirsan maamul-goboleedyada, iyada oo ay soo baxayaan dhaliilo loo jeedinayo guddigan

from VOA http://ift.tt/1Uqs23H
via IFTTT

Japan: Dibadbaxyo Maraykanka lagaga soo Horjeedo

Kumanaan qof ayaa maanta oo Axad ah iskugu yimid jasiiradda Okinawa ee dalka Japan, iyaga oo dhigay mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa muddo labaatan sano ah ee looga soo horjeedo saldhigyada ciidanka Maraykanka ee dalkaas ku yaalla

from VOA http://ift.tt/23jFj1i
via IFTTT

Muqdisho: Weerar ka Dhacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maraya Suuqa Bakaaraha meel ku dhaw qeybta Cabdalle Shideeye ayaa kooxo aan la aqoonsan waxa ay gaarigii ay saarnaayeen ku weerareen Bam-gacmeed

from VOA http://ift.tt/265kb4a
via IFTTT

Wicitaanka: Wasiir Axmed X. Gaboobe

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Wasiirka Beeraha ee Somalia, Axmed Xasan Gaboobe oo ka jawaabaya su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA

from VOA http://ift.tt/1UE1T2z
via IFTTT

Iran oo Iibsanaysa Diyaaradaha Boeing

Heshiis la gaaray ayaa qoraya in dalka Iran uu shirkadda Boeing ka iibsado illaa 200 oo diyaaradood oo kuwa rakaabaka ah, kuwaas oo lacagta ku baxaysaa ay gaareyso illaa 17 bilyan oo dollar

from VOA http://ift.tt/1Yz7Dfm
via IFTTT

Saturday, June 18, 2016

Dhageyso: Barnaamijka Caweyska Washington

Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington, oo qodobbo xiiso gaar ah ku jiraan. Caasho Ibraahim Aaden ayaa soo jeedineysa.

from VOA http://ift.tt/1PzOeEf
via IFTTT

Martida: Xildhibaan Ruqiya Ismaaciil

Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxa marti ku ah Ruqiya Ismaaciil oo ka mid ah golaha deegaanka Holloway ee magaalo-weynta London

from VOA http://ift.tt/1Sb7TKa
via IFTTT

Madaxweyne Morsi oo Xabsi-daa'im lagu Xukumay

Maxkamadda dalka Masar ayaa lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo u shaqaynayey telefiishanka Al-Jazeera ku xukuntay dil kaidb markii lagu helay inay sirta waddankaasi Masar u gudbiyeen dalka Qadar.

from VOA http://ift.tt/1UhpfNg
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxa inala socodsiinaya Falastiin Axmed Iimaan iyo Ibraahim Xasan (Daanduray)

from VOA http://ift.tt/1V4EWl6
via IFTTT

Puntland: 43 al-Shabab ah oo Dil Lagu Xukumay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in 43 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabab lagu xukumay dil toogashao ah kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalladii Garacad iyo togga Suuj, halka 2 kalena xukunkooda dib loo dhigay da'dooda oo yar darteed

from VOA http://ift.tt/1UGct4Y
via IFTTT

Belguim: 12 Loo Qabtay Falal Argagixiso

Warka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta ee dalkaas ayaa lagu sheegay in boolisku ay baadhitaan ka sameeyeen guryo ku kala yaalla illaa 16 xaafadood oo badankoodu ku yaalla ama ku hareeraysan caasimadda dalkaas ee Brussels,

from VOA http://ift.tt/1tv8z8H
via IFTTT

Friday, June 17, 2016

Faaqidaadda: Saameynta Weerarkii Orlando ee Muslimiinta

Saameyn intee la eg ayuu weerarkaas ku yeelan karaa muslimiinta dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka? Waa qodobka aan kaga hadleyno barnaamijka faaqidaadda toddobaadka,

from VOA http://ift.tt/1UdkMpp
via IFTTT

Amisom iyo Al-Shabaab oo ku Dagaalmay Duleedka Baraawe

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu duleedka magaalada ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/1UdbKsv
via IFTTT

Wareysi: Dadkii ku Dhintay Zambia ma Ahayn Soomaali

Wararka naga soo gaadhaya dalka Zambia ayaa sheegaya in 19 qof oo muhaajiriin oo dhintay kaidb markii ay ku neef qabatoobeen konteennarka baabuur xammuul ah ay yihiin Itoobiyaan oo aysan ahayn Soomaali.

from VOA http://ift.tt/1YwuwQO
via IFTTT

Madaxweynaha oo Magacaabay Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhowaaqay guddiga doorashooyinka dalka ee heer federaalka ee sanadka 2016.

from VOA http://ift.tt/1S8QQZo
via IFTTT

Xiisad Colaadeed oo ka Jirta Xadka Ethiopia iyo Eritrea

Inkasta oo degenaan ay ka jirto colaaddii horaantii toddobaadkan, ayaa waxaa weli ay xiisad ka jirtaa xuduudda u dhaxeysa dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

from VOA http://ift.tt/1YwdOBa
via IFTTT

Thursday, June 16, 2016

Obama oo u Sheegey Reer Orlando Inay Murugada La Qeybsanayaan

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo magaalada Orlando u tagay in uu la baroor diiqo ehellada dadkii lagu laayay maalmo ka hor halkasi, ayaa sheegay in aanu jawaab u heyn su'aalaha ah waxay u soo laalaabanayaan toogasha wadareedyada gudaha Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/1S8ccWN
via IFTTT

UK: Booliska oo Baaraya Xildhibaan La Diley

Booliska dalka Britian ayaa baaraya dilka haweeney ka tirsaneyn baarlamaanka dalkaasi, taas oo shalay (Khamiis) la dilay xilli ay ka soo baxdey xafiiskeeda.

from VOA http://ift.tt/23fkhkD
via IFTTT

Eritrea: Waxaan Dilnay 200 oo Askar Ethiopian ah

Dowldda Eritrea ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Ethiopian ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka abdan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay axaddii iyo Isniintii.

from VOA http://ift.tt/28HW0aG
via IFTTT

Kenya oo Xirtay Xuduuda Somalia ee Dhinaca Gedo

Wararka ka imanay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dawladda Kenya ay xidhay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/1Pw6sq9
via IFTTT

Ka Ganacsiga Kalluunka oo Ku Badanaya Boorama

Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, xilliyadan dambe waxaa sare u kacay isticmaalka kalluunka, taas oo dhalinyaro badanna ku dhiirigelisay inay u leexdaan inay ka ganacsadaan iibkiisa kaluun ay ka keenaan dekedda Berbera.

from VOA http://ift.tt/1Xrn8Xv
via IFTTT

Dagaal Dhimasho leh oo ka Qarxay Suudaanta Koonfureed

Tobanaeeyo qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii arbacadii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo koox aan la aqoon, magaalada Raja ee gobolka dhowaan la sameeyey ee Lol ee dalka Suudaanta Koonfureed.

from VOA http://ift.tt/23dtvgZ
via IFTTT

Dib u Dhac ku Iman Kara Doorashooyinka Somalia

Waxaa soo baxaya walaac laga qabo in doorashada aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Soomaaliya ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay oo ah bilaha August iyo September ee sannadkan.

from VOA http://ift.tt/25Zriep
via IFTTT

Wednesday, June 15, 2016

Dowladda Somalia oo ka Hadashay Raashin Dhacay oo La Qabtay

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ka hadashay raashin dhacay oo shalay lagu qabtay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay lahayd hay'adda WFP.

from VOA http://ift.tt/1twpA30
via IFTTT

Ban Ki Moon oo Xiritaanka Xerada Dhadhaab Kala Hadlay Kenyatta

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon ayaa ku booriyay dowladda Kenya inay kala shaqeyso Somalia iyo QM, heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dib u celinta qaxootiga Xeryaha Dhadhaab.

from VOA http://ift.tt/25XybwE
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 322-aad

Qeybta 322-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.

from VOA http://ift.tt/1U8rbSR
via IFTTT

Baarlamanka Somalia oo Qodobo ka Beddelay Dastuurka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixyay qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada 136-aad iyo 60-aad.

from VOA http://ift.tt/1UuIBN5
via IFTTT

Xanuunka Kaduuiyaha oo ku sii Fidaya Soomaaliya

Xanuunka kala goysyada xubnaha jirka iyo Murqaha dadka ka abaara oo ay Soomaalidu u taqaan kaduudiye ayaa bilihii u dambeeyay fara ba'an ku hayay dadka ku nool magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

from VOA http://ift.tt/1tqy9f0
via IFTTT

Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo Dib u Furmay

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah u furay kalfadhiggii 37-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ay isugu yimaadaan.

from VOA http://ift.tt/1UuIssW
via IFTTT

Ethiopia iyo Eritrea oo Isku Eedeynaya Dagaalkii Xuduudda

Ethiopia iyo Eritrea ayaa midba midka kale ku eedeynaya iska horimaad ka dhacay xuduudda oo dib u huriyey xiisaddii ka dhex oogneyd labadan dal ee ku yaalla Bariga Afrika, islamarkaana sababay khasaare aan la ogeyn.

from VOA http://ift.tt/1UOTOGJ
via IFTTT

Tuesday, June 14, 2016

Madaxweynaha Somalia oo Xilka ka Qaaday Taliyihii Nabad-Sugidda

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyen Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday taliyihii Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

from VOA http://ift.tt/1OnowHQ
via IFTTT

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo horey ugu tartamay jagada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu ku biiray xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.

from VOA http://ift.tt/1rnCZsi
via IFTTT

Madaxweyne ku Xigeenada Jubbaland oo la Dhaariyey

Labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulka Jubbaland iyo golaha wasiirada cusub ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta loo dhaariyey xilkooda kadib markii todobaadkii hore ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

from VOA http://ift.tt/1Q0CUGE
via IFTTT

Afar Qof oo ku Dhintay Roobab ka Da'ay Hargeysa

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada Hargaysa kadib roobab laxaad leh oo dabaylo wata oo xalay ku dhuftay magaalada.

from VOA http://ift.tt/1XmWfE7
via IFTTT

Dadka Yurub oo Daacish u Arkay Halistooda Ugu Weyn

Dadka Yurub ayaa kooxda Daacish u arkay halista ugu weyn ee dalalkooda ay wajahayaan, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay daabacday xarunta cilmi-baarista ee Pew.

from VOA http://ift.tt/1Us1W1q
via IFTTT

Monday, June 13, 2016

Cumar Cabdirashiid oo VOA u Warramay

RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa VOA uga warramay halka ay marayaan howlaha doorashada Soomaaliya. Cumar ayaa beeniyay in madaxda Soomaaliya a marka doorashada noqoto ka fursad fiican yihiin musharraxiinta kale.

from VOA http://ift.tt/236tGuG
via IFTTT

Kenya oo Xirtay Nin Shabaab ah oo ku Socday Soomaaliya

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii Jimcihii booliiska dalkaasi ay xireen nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab oo kusii jeeday dalka Soomaaliya laguna magacaabo Javan Morton Murai.

from VOA http://ift.tt/1Ues7XW
via IFTTT

Culimada Minnesota oo ka Hadlay Weerarkii Orlando

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif waa Imaamka Masjidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis, waxaana sida uu u arko weerarkaasi uga warramay weriyahayaga Maxamuud Mascadde.

from VOA http://ift.tt/1sCpSoh
via IFTTT

Xildhibaanada Somalia oo ka Doodaya Xuquuqda Madaxii Hore

Xildhibaanada baarlamanka Somalia ayaa maanta mar kale ka dooday mowduuca xuquuqda ay yeelanayaan siyaasiyiinta dalka marka ay xilka ka tagaan.

from VOA http://ift.tt/28xcgvf
via IFTTT

Warbixin: Maxay Tahay Howsha Guddiyada Doorashada Somalia?

Waa warbixinno laba qeyb ah oo aan ku eegeyno howsha guddiga doorashada heerka qaran iyo kan heerka gobol ee la filayo in Soomaaliya laga hir-geliyo?

from VOA http://ift.tt/1UNuez7
via IFTTT

Uganda: Boob lagu Hayo Xafiisyada Ururada Caalamiga

Dalka Uganda, Labadii sanadood ee u dambeeyay waxaa loo dhacay oo computer-ro, dukumintiyo iyo qalab kale oo ku kacaya malaayiin dollar laga qaatay xafiisyada in ka badan 20 ka mid ah Ururada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha bulshada rayidka oo ay ku jireen kuwa ka shaqeeya xuquuqda aadanaha. Sida lagu baahiyay baraha ururada xuquuqada aadanaha, 31 urur oo ka shaqeeya Uganda ayaa warqad furan u qoray booliska dalkaas oo ay sheegeen inay ku guul dareysteen inay soo qabtaan ama maxkamad soo taagaan dadkii ka dambeeyay weeraradan loo geystay xafiisyadan. Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa arrimahan ka wareystay. Xasan Shire Sheekh, Madaxa Heyadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Africa.        

from VOA http://ift.tt/1Xj1pkw
via IFTTT

Sidee Ayuu Omar Mateen Uga Hoos Baxay FBI-da?

Weerarkii axaddii lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida ayaa dib usoo cusbooneysiinaya su'aalaha ku saabsan waxa dowladda ay smaeyn karto, si looga hortago weerarada la midka ah.

from VOA http://ift.tt/1UpPpLM
via IFTTT

Mareykanka: Dalka Dhoofiya Hubka Ugu Badan Dunida

Mareykanka ayaa weli ah dalka dhoofiya hubka ugu badan caalamka, isaga oo dalalka dunida, gaar ahaan kuwa bariga dhexe, ka iibiyey sanadkii tagay hub lagu qiimeeyey 23 bilyan oo dollar.

from VOA http://ift.tt/1UdIiEX
via IFTTT

Sunday, June 12, 2016

Obama: Weerarkii Orlando Waa Fal Argagixisnimo

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa weerarkii subixii hore ee Axadda xilliga Mareykanka ka dhacay magaalada Orlando ee gobola Florida ku tilmaamay fal argagixiso, islamarkaasina ku saleysan naceyb.

from VOA http://ift.tt/1UppmV2
via IFTTT

Wicitaanka: Xildhibaan Maxamed-Amiin Xasan

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda ee baarlamaanka Somalia, Maxamed-Amiin Xasan Cabdullahi

from VOA http://ift.tt/1UcKwo4
via IFTTT

3 ku Dhintay Is-rasaaseyn ka Dhacday Cadaado

Saddex askari ayaa ku dhintay, ka dib markii ciidamo ka wadatirsan dawladda ay isku rasaaseeyeen magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug

from VOA http://ift.tt/1UtT6MD
via IFTTT

US: Weerar lagu Qaaday Goob Lagu Caweeyo

Booliska magaalada Orlando ee ka tirsan Gobolka Florida ayaa sheegaya in xalay la weeraray goob lagu caweeyo oo caan ku ahayd inay yimaaddaan dadka isku jinsiga ah ee damacu kala galo.

from VOA http://ift.tt/1PU9c67
via IFTTT

Maalgelinta Hal-abuurnimada Ganacsi ee Dhalinyarada

Waxaa jira dhalinyaro kala duwan oo eebbe ku mannaystay hal-abuurnimo kala duwan taas oo ay guul ka gaadhi karaan haddii ay helaan taageero, waxaase caqabadaha hortaagan ka mida duruufaha dhaqaale ee dhalinyarada horyaalla.

from VOA http://ift.tt/1Ylaysc
via IFTTT

Saturday, June 11, 2016

Caweyska: Hiba Maxamed Hiba Nuura

Waxaad ku dhageysan doontaan caweyska qeyb kale oo ka mid ah wareysigii faneed ee Fanaanada Hiba Nuura iyo qodobbo kale oo xiisa leh

from VOA http://ift.tt/1PSs05R
via IFTTT

Martida: Prof. Cali Sheekh Axmed Abubakar

Barnaamijka Martida ee toddobaadkan waxa marti noogu ah Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Prof. Cali Sheekh Axmed Abubakar.

from VOA http://ift.tt/1UIHR5t
via IFTTT

Ethiopia iyo Somaliland oo Hargeisa Shir ku Yeeshay

Wefti uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha arrimaha debedda ee Itoobiya Regasa Kefalewu ayaa safar ku tegay magaalada Hargeysa, waxaanay wada-hadallo la yeesheen masuuliyiinta Somaliland.

from VOA http://ift.tt/1U17GeJ
via IFTTT

UNHCR: Beesha Caalamku way Ku Guuldaraysatay Maalgashiga Soomaaliya

Madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku guuldarraysatay inay maalgelin ka samayso Soomaaliya, si fursad loo siiyo qaxootiga kusoo laabanaya waddanka.

from VOA http://ift.tt/1szQ1UL
via IFTTT

Baarlamaanka oo Ansixiyey Sharciga Max. Dastuuriga

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga dhismaha maxkamafdda dastuuriga ah ee Soomaaliya oo in muddo ah ay madaxda Soomaalidu sheegeen in jiritaan la'aanteedu ay keentay is qabqabsi dhinaca awoodda ah.

from VOA http://ift.tt/1U18dNK
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada & Heesaha

Barnaamijka oo maanta xiiso gaar ah leh waxa idin la socodsiinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Falastiin Axmed Iimaan, ee dhageysi habboon.

from VOA http://ift.tt/25Qpbtc
via IFTTT

Al-Shabaab oo Dishay 7 Qof oo Ajaaniib ay ku Jiraan, Kuna Eedeysanaa Basaasnino

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay khaarajiyeen laba ka tirsan maleeshiyadooda oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya kadib markii lagu helay inay ku jireen basaasnimo sida lagu eedeeyey.

from VOA http://ift.tt/28sdQye
via IFTTT

Friday, June 10, 2016

Ciidamada Mareykanka ee Afghanistan oo Awoodo Dheeri ah la Siiyay

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ansixiyay awoodo cusub oo la siinayo ciidamada Mareykanka ee ku suggan dalka Afghanistan, kuwaa oo dabcinaya xadidaadyo horey uga saaraa duqeymaha dhinaca cirka

from VOA http://ift.tt/28rhcBA
via IFTTT

Al-Shabaab oo Toogasho ku Dishay Afar Nin

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay afar nin ku dileen deegaanka Buulafuulay ee gobolkaasi.

from VOA http://ift.tt/25S2G3K
via IFTTT

Faaqidaadda: Sharciga Axsaabta Siyaasadda ee la Ansixiyey

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lixdii bishan meel mariyay oo ansixiyey sharciga axsaabta siyaasadda taasi oo in muddo ah baarlamaanka laga sugayay. Baarlamanaka ayaa sharcugan ku ansixiyey cod aqlabiyad ah oo ku dhow 150 cod. Sharcigan ayaa saamixi doona in siyaasadda dalka ay noqoto mid ku saleysan hanaanka xisbiyada lagana gudbo nidaamka qabiilka ee 4.5. Haddaba muhiimad intee la eg ayuu sharcigan lee yahay? waa qodobka aan ku eegyno barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka. Waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.  

from VOA http://ift.tt/1YeEGoT
via IFTTT

Diyaarado Duqeymo Ka Geestay Buuraha Galgala

Wararka ka imanaya buuraha Galgala ayaa sheegaya in 3-dii habeen ee u dambeeyay ay diyaarado aan haybtooda la aqoon ay duqaymo ka geysanayaan deegaanadaasi.

from VOA http://ift.tt/1VQtHSe
via IFTTT

Feeryahan Muhammad Ali oo Maanta La Aasayo

Tobannaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxaya magaalada uu ku dhashay Muslimkii ugu caansanaa Mareykanka abid, si ay uga qeyb galaan aaska loo sameynayo Kalaay maanta oo Jimco ah.

from VOA http://ift.tt/1YetmsW
via IFTTT

Warar Cusub oo Ka Soo Baxaya Khasaaraha Dagaalkii Halgan

Xaaladda deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan ayaa xalay iyo maanta daganeed kadib dagaal culus oo shalay ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ahAmisom iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ku dhex maray.

from VOA http://ift.tt/1UGLxBO
via IFTTT

Yuusuf Dabageed oo ka Hadlay Weerarkii Halgan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed (Dabageed) ayaa sheegay inuu soo xaqiijiyay tirada ka dhimatay labada dhinac ee dagaalamay iyo hubka laga qabsaday al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/1Og2HKi
via IFTTT

Mintidiinta Kurdish-ka oo Sheegtay Mas'uuliyadda Weeraradii Turkiga

Mintidiinta kooxda Kurdish-ka ee PKK ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii dhimashada lahaa ee Arbacadii lagu qaaday saldhig ku yaalla Koonfurta Bari ee Turkiga oo lagu dilay lix qof.

from VOA http://ift.tt/1rg9lFf
via IFTTT

Thursday, June 9, 2016

Obama oo Ayiday Hillary Clinton

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ayiday oo taageeray Hillary Clinton, laba maalmood ka dib markii ay noqotay qofka noqonaya musharraxa madaxtinimo Maraykanka ee xisbiga Dimoqraadiga.

from VOA http://ift.tt/1XIPSvH
via IFTTT

Dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo ka Hadlay Weerarkii Halgan

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ka hadlay weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada Ethiopia ay ku lee yihiin tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan

from VOA http://ift.tt/1Xc4SkJ
via IFTTT

Warbixin: Xaaladda Beeraleyda Gobolka Awdal

Deegaanka Jaaraa-horato ee degmada Dila ee gobolka Awdal, waa deegaan ay ku yaallaan in ka badan 8 boqol oo beerood, waxaana lagu tilmaamaa meeshii ugu horraysay ee laga blilaabay qodaalka beeraha Somaliland

from VOA http://ift.tt/1tcTbxM
via IFTTT

Israel oo Hakisay Fasaxii Safar ee Falastiiniyiin Badan

Israel ayaa hakisay fasaxii safar ee 83,000 qof oo Falastiiniyiin ah, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, kadib markii laba nin oo hubeysan oo Falastiiniyiin ah ay xalay weerareen meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Tel Aviv.

from VOA http://ift.tt/1tjLZAv
via IFTTT

Wednesday, June 8, 2016

Al-Shabab oo Weerartay Saldhigga Itoobiya ee Halgan

Wararka ka imanaya degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar culus ku qaadeen tuulada Halgan ee gobolkaasi.

from VOA http://ift.tt/1YfuqwZ
via IFTTT

Warmurtiyeed Kasoo Baxay Kulamadii Madaxda Somalia iyo Kenya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta, ayaa soo geba gebeeyey wada-hadallo laba maalin uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

from VOA http://ift.tt/1t9mAZy
via IFTTT

Mareykanka oo ka Hadlay Howlgallo Lagu Dilay Saraakiil Shabaab Ah

War ka soo baxay xafiiska Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu soo gabagabeeyay qiimeyn uu beryahan ku waday weeraro dhawaan ka dhacay Somalia oo lagu beegsaday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/1UA7P8n
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 321-aad

Qeybta 321-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/1Xam8Xs
via IFTTT

Ganacsi Jalaato oo Nooc Cusub Ah oo ka Jira Boosaaso

Maxamuud Cali Shire, oo dhowaan kasoo laabtay dalka Britainn waxa uu jallaato iyo cabitaanno cusub ku wareejiyaa magaalada Boosaaso dhexdeeda.

from VOA http://ift.tt/1U7jbDH
via IFTTT

Hillary Clinton Oo Guul Taariikhi ah Gaartay

Hillary Clinton ayaa xalay xaqiijisay inay tahay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee dooraashada madaxtinimada Mareykanka, ayada oo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee matasha mid ka mid ah labada xisbi ee ugu weyn dalka Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/1UzpNIb
via IFTTT

Saraakiil Boolis oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Turkiga

Laba sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay qarax baabuur oo ka dhacay banaanka xarun booliis oo ku taalla meel u dhow xadka dalka Syria ee dalka Turkiga.

from VOA http://ift.tt/1Y8zMK3
via IFTTT

Tuesday, June 7, 2016

Madaxweyne Xasan oo Nairobi Kula Kulmay Kenyatta

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamud iyo Uhuru Kenyatta ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi iskula soo qaaday arrimaha qaxootiga Soomaalida ee Kenya.

from VOA http://ift.tt/1rbKF0F
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Sidee Loo Fuliyey Dilkii Dulyadeyn?

Idaacadda VOA ayaa xog dheeri ah ka heshay qaabkii loo fuliyey howlgalkii lagu dilay Maxamed Maxamuud Dulyadayn oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/1XADlu4
via IFTTT

Warbixin: Ku Saabsan Noloshii Weriye Sagal Salaad

Maalintii Axadda ayaa kooxo hubeysan waxay magaalada Muqdisho ku dileen weriye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd warbaahinta dowladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/22McxGp
via IFTTT

Siyaasiyiin ka Hadlay Sharciga Axsaabta ee La Ansixiyey

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay meel mariyay oo ansixiyey sharciga axsaabta siyaasadda taasi oo in muddo ah baarlamaanka laga sugayay.

from VOA http://ift.tt/1tesSaU
via IFTTT

Hillary Clinton oo Taariikh Cusub u Dhigeysa Mareykanka

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa sameyneysa taariikh cusub, ayada oo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee mid ka mid ah labada xisbi ee ugu weyn Mareykanka uu u doorto inay doorashada madaxweynaha u tartanto.

from VOA http://ift.tt/1U5DIZw
via IFTTT

11 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Istanbul

11 qof oo ay ku jiraan toddoba sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay 36 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida uu xaqiijiyey barsaabka Istanbul.

from VOA http://ift.tt/1YcvL7M
via IFTTT

Monday, June 6, 2016

Erdogan iyo Cabdalla oo ka Qeybgalaya Aaska Kalaay

Madaxweynaha Turkey Erdogan iyo boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa ka qeybgali aaaska feeryahankii hore ee Maraykanka Maxamed Ali Kalaay oo toddobaadkii hore dhammaadkii geeriyooday

from VOA http://ift.tt/1tdFrDr
via IFTTT

Culumo Baaq u Jeediyey Beelo Ku Dagaalamay Sool

Qaar ka mid ah Culumada waaweyn ee Soomaaliyeed ee Puntland ayaa baaq nabadeed u jeediyay beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ku yaala galbeedka Gobolka Sool.

from VOA http://ift.tt/25ISOfX
via IFTTT

Warbixin: Doorka Maamullada ee Doorashada 2016

Meelo kala duwan oo Soomaaliya ah, dadku waa ay ku kala aragti duwan yihiin nidamaka federaalka, iyadoo qaar ay aaminsan yihiin inuu xal u yahay kalsooni-darrada kasoo jirtay waddanka, halka kuwo kalena qabaan inuu horseedayo kala burbur. Haddaba sanandkan oo doorasho ay ka dhacayso dalka, ayaa maamul Goboleedyada jira iyo kuwa soo baxaya ay door muhiim ah ku leeyihiin dhismaha nidaamka dawladnimo ee dalka sida ansixinta xubnaha baarlamaanka, iyo soo xulista aqalka saree ee baarlamaanka. Awooddaasi la siiyey maamul goboleedyadana waxay dhalisay dood kulul. Qaybtii Koowaad ee warbixino ku saabsan mowduucaas waxaa inoo soo diyaariyey soona jeedinaya weriyahayaga Cabdulwaaxid Macalin Isxaaq.  

from VOA http://ift.tt/1YaVEVx
via IFTTT

Amisom oo Xaqiijisay Askar Looga Xiray Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia ee Amisom ayaa xaqiijiyey in shan ka mid ah askarteeda axaddii lagu xiray magaalada Muqdisho, ayaga oo lagu tuhmayo inay iibinayeen qaar ka mid ah agabka milatari ee ciidanka.

from VOA http://ift.tt/1WBQJxh
via IFTTT

Wicitaanka Dhagetsaha: Shirka Madasha Wadatashiga

Kusoo dhawaada barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha. Barnaamijka, toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay shirkii madasha wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay, kaas oo qodobbo laga soo saaray.

from VOA http://ift.tt/1X6KCRE
via IFTTT

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Xerada Dhdhaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

from VOA http://ift.tt/1PzI1xc
via IFTTT

Hibada: Shir ku Saabsan Hal-abuurnimada Ganacsiga

Barnaamijka Hibada iyo Hal-abuurka qodobada aad ku maqlidoontaan waxaa ka mida waraysi aan leeyalanay Axmed Cali Jaamac oo lagu martiqaaday inuu ka qayb galo kulan ka dhacaya dalka Maraykanka oo lagaga hadlayo hal-abuurnimada iyo ganacsiga.

from VOA http://ift.tt/25ItuGY
via IFTTT

Suxufi Mareykan ah oo lagu Dilay Dalka Afghanistan

Suxufi rug caddaa Mareykan ah iyo turjumaankiisa u dhashay dalka Afghanistan ayaa axaddii la dilay kadib markii weerar lagu soo qaaday ayaga oo la safraya qaar ka mid ah ciidamada Afghanistan, gobolka Helmand.

from VOA http://ift.tt/1TW4nuQ
via IFTTT

Somalia oo 25 Sano Kadib Yeelaneysa Qorshe Qaran

Wasaaradda qorshaynta qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 25 sano kadib Soomaaliya ay yeelanayso qorshe qaran xilli ay meel gebogebo ah ay marayso qorshaha qorshaynta qaranka Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/1tbE6gy
via IFTTT

Sunday, June 5, 2016

Muslimiinta Dunida oo Maanta Soomaya

Muslimiinta dunida ayaa bilaabey soonka bisha Ramadaan oo maanta kow ah. Soomaaliya ayaa inta badani ay dadku maanta sooman yihiin maalintii koowaad ee Ramadaan. Madaxweyne Obama ayaa war qoraal ah oo uu soo saarey ku sheegey in Muslimiinta Mareykanka ay u dabaaldagayaan bisha barakeysan ee Ramadaan curashadeeda, taasoo buu yiri i xasuusineysa in aanu nahay hal qoys oo Mareykan ah. Obama ayaa Mareykanka kula dardaarmey in ay xasuustaan malaayiinta qof ee noloshoodu ay soo barakiciyeen dagaalada dunida qeyba ka mida ka jira. Rabshadaha ay fuliyaan kooxaha xagjirka ah sida qaraxyada iyo weerarada hubeysan ayaa kordha bisha Ramadaan iyadoo meelo ay Soomaaliya ka mid tahayna ay dadku cabsi weyn ka qabaan. Madax badan oo caalamka ah ayaa ugu hambalyeeyey Muslimiinta dunida curashada bisha Ramadaan, iyagoo ku baaqey in ay dadku xasuustaan malaayiinta reer Syria ee guryahoodii ka soo barakacay kuna soomaya xeryaha qaxootiga.  

from VOA http://ift.tt/1t0jQxH
via IFTTT

Wariye Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu dilay wariye Sagal Saalad Cusmaan oo ka tirsaneyd warbaahinta dawladda Federalka ee Somalia.

from VOA http://ift.tt/1U2qgph
via IFTTT

Gabadh Weriye ah oo Muqdisho lagu Dilay

Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu dilay Sagal Salaad Cismaan oo ahayd gabadh weriye ah oo u shaqaynaysay warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaana toogtay koox dablay ah xilli ay ku sugnayd Jaamacad ay wax ka baranaysay.

from VOA http://ift.tt/1sYI8rT
via IFTTT

Wicitaanka: Cabdiraxmaan C. Cismaan (Eng. Yariisow)

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo horay xilal dhowr ah uga soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somalia

from VOA http://ift.tt/28dggkb
via IFTTT

Muqdisho oo lagu Xiray 5 Askari oo AMISOM Ka Tirsan

Masuuliyiinta Laamaha Ammaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.

from VOA http://ift.tt/22GDQSB
via IFTTT

Iran: Isbahaysiga Maraykanku Waxay Taageeraan Argagixisada

Iran ayaa ku gacansaydhay warbixin dhawaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka taas oo dalka Iran ku tilmaantay inuu yahay mid ka mida dalalka taageera argagixisada.

from VOA http://ift.tt/22GCiI3
via IFTTT

Saturday, June 4, 2016

Warbixin: Doorka Turkiga ee Arrimaha Somalia

Safaaraddan cusub ee Turkigu ka furtay Muqdisho maxey uga dhigantahay xiriirka labada dal ? XiriirkaTurkiga Muxuu ka taray xiriirka Caalamiga ah ee Somalia?

from VOA http://ift.tt/1U5ekEj
via IFTTT

Warbixinno ku Saabsan 3 Wiil oo Dambiyo Lagu Heley

Xeerbeegtidii Minnesota ee gacanta ku hayay kiiska seddexda wiil Soomaali Mareykanka aheyd, ayaa shalay go'aamiyay in dhammaan dambiyadii cuslaa ee lagu soo eedeeyay dhalinyaradaasi lagu heley.

from VOA http://ift.tt/1t8qm65
via IFTTT

Taariikh Nololeedkii Maxamed Cali Clay

Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feeryahankii dunida ugu caansana ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona. Maxamed waxaa Khamiistii la dhigay cisbitaal, isagoo xanuun ka haleelay haleelay dhinaca neefsashada.

from VOA http://ift.tt/1VDrqtr
via IFTTT

Madasha: Dhalinyaro Isu-Xilqaantay Wacyigelinta Xanuunada Dhimirka

Dhalinyaro ku kala nool daafaha caalamka ayaa baraha isgaadhsiinta bulshada ka bilaabay olole wacyigelineed oo ku saabsan dadka ay ku dhacaan xanuunada dhimirka.

from VOA http://ift.tt/22EPkG9
via IFTTT

Friday, June 3, 2016

Maxamed Cali Kalaay oo Geeriyooday

Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feeryahankii dunida ugu caansana ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona. Maxamed waxaa in kabadan 30 sano hayay cudurka Laleemada ee loo yaqaan Parkinson.

from VOA http://ift.tt/1ZlryNe
via IFTTT

Madaxii Iyo Xoghayihii Hore ee FIFA oo Musuq Loo Heysto

Ururka Kubadda Cagta ee aduunka ee FIFA ayaa sheegay in madaxii hore ee ururka Sepp Blatter iyo laba sarkaal oo sare oo kale ay sameysteen mushaar kororsi iyo lacago ay isku abaal mariyeen oo gaaraya 80 malyuun oo dollar muddo shan sanadood ah.

from VOA http://ift.tt/1UnqqV4
via IFTTT

Minnesota: 3 Wiil oo Soomaali Mareykan ah oo Lagu Helay Dambiyo

Xeerbeegtidii Minnesota ee gacanta ku hayay kiiska seddexda wiil Soomaali Mareykanka aheyd, ayaa maanta go'aamiyay in dhammaan dambiyadii cuslaa ee lagu soo eedeeyay dhalinyaradaasi lagu heley.

from VOA http://ift.tt/1PasNcH
via IFTTT

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo maanta aan ku qaada dhigi doonno amniga magaalada Muqdisho. Barnaamijka waxa soo jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://ift.tt/1Y6P961
via IFTTT

Doon ay Saarnaayeen 700 oo Qof oo Degtey

Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen, boqollaal kalena waa la la'yahay ka dib markii ay degtey doon ay saarnaayeen oo maraysay badda Mediterranianka.

from VOA http://ift.tt/1TZAtTh
via IFTTT

Erdogan oo Booqasho ku Tegey Muqdisho

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho ku tegey caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

from VOA http://ift.tt/25BcZci
via IFTTT

Thursday, June 2, 2016

US: IS Ayaa Aheyd Halistii Ugu Weyneyd Amniga Caalamka 2015

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in cabsidii dhinaca argagixisada ahayd ay hadda baahday oo aanay jirin hal meel oo loogu hagaago.

from VOA http://ift.tt/1UyRELs
via IFTTT

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain oo Booqday Muqdisho

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond ayaa maanta boqoasho ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/22A2qV3
via IFTTT

Muqdisho: Dhaawacyo la Geeyey Isbitaal Madiina iyo Xildhibaano la Aasay

Howlgalkii hotel ambassador ee magaalada Muqdisho, oo xalay ay galeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa lasoo gebo gebeeyey, ayada oo dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday la dilay.

from VOA http://ift.tt/1Vz4Y4G
via IFTTT

Weerarkii Hotel Ambassador oo lasoo Gebo-gebeeyey

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo geba gebeeyey howlgalkii hotel ambassador ee magaalada Muqdisho, oo xalay ay galeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/24kf8Xs
via IFTTT

Nabad Sugidda oo Faahfaahisay Dilka Macallim Daa'uud

Hay'adda Nabad sugidda ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji oo loo yaqaan Macalim Daa'uud lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Jubada Dhexe oo ah saldhigga ugu wayn Al-Shabaab labadii sanno ee lasoo dhaafay.

from VOA http://ift.tt/1RPQNBv
via IFTTT

Wednesday, June 1, 2016

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Hotel Ambassador

Rasaas iyo qaraxyo, ayaa wali laga maqlayaa hotelka Ambassador ee Muqdisho, oo shalay galinkii dambe ay Shabaabku weerar ku qaadeen.

from VOA http://ift.tt/1RP6KYE
via IFTTT

Dacwaddii Minnesota oo u Gudubtay Xeerbeegtida

Xeerbeegtida ayaa bilowday inay ka baaraandegaan kiiska saddex dhalinyarao ah oo loo haysto inay doonayeen inay ku biiraan ururka Daacish iyo inay dil ka gaystaan dibedda dalkan Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/1P7aZ1T
via IFTTT

Muqdisho: Weerar iyo Qarax lala Beegsaday Hotel Ambassador

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay dibedda hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho, islamarkaana rag hubeysan ay gudhaa u galeen.

from VOA http://ift.tt/1VwM2Ui
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 320-aad

Qeybta 320-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/1Y2vIvc
via IFTTT

Warbixin: Doorka Odayaasha Dhaqanka ee Siyaasadda Somalia

Dhawaan Soomaalia waxaa la filayaa inay ka qabsoonto doorasho, waxaana socda shirar siyaasadeed oo la doonayo in lagu hirgeliyo waxyaabaha ilaa iyo hadda dhinacyada ay heshiis ku yihiin. Waxaa dhinaca kale ay howl weyn ay hor taallaa odayaasha dhaqanka beelaha oo looga fadhiyo inay soo xulaan xubnaha baarlamanka. Hadaba ku soo dhawaada qeybta 1-aad warbixnno laba ah oo aan kaga hadleyno doorka odayaasha dhaqanka ee siyaasadda maanta ee Soomaaliya. Wariyeheenna Jacfar Kuukay ayaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray.  

from VOA http://ift.tt/1TXF74h
via IFTTT

Wareysi: Hadliye oo Beeniyey inuu Heshiis la Galay Norway

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa wax kama-jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in heshiis lagu celinayo qaxooti Soomaaliyeed uu kula saxiixday magaalada Oslo dawladda dalka Norway oo dhowaan uu shir uga qayb-galay.

from VOA http://ift.tt/25AKVsY
via IFTTT

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Weerar ku Dilay Dulyadeyn

Ciidamada Mareykanka ay tababareen ee Soomaalida ee lagu magacaabo Danab ayaa dilay Maxamed Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan Dulyadeyn, kaasi oo madax ka ahaa Amniyaatka Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/25AHd2y
via IFTTT

Arday Soomaali ah oo Aqoon Kororsi loo Keenay Washington

Toban arday oo Soomaali ah oo ka socda dugsiga Iftin Charter School oo ku yaalla gobolka California ee dalkan Maraykanka ayaa safar aqoon korodhsi ah loo keenay magaalada Washington si ay u booqdaan Aqalka Cad, Congresska, Madxafyada iyo goobaha kale ee taariikhiga ah.

from VOA http://ift.tt/1TXmNYX
via IFTTT

Taliban oo 6 Qof ku Dishay Weerar Maanta Dhacay

Shan qof oo rayid ah iyo nin boolis ah ayaa la dilay kadib markii dagaalyahanada kooxda Taliban ay maanta weerar ku qaadeen xarunta maxkamad ku taalla bariga dalkaas.

from VOA http://ift.tt/1Pj5GSy
via IFTTT

Ka Bixitaanka Britain ee Midowga Yurub oo Taageero sii Helaya

Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa London ayaa sheegay in laba ra'yi uruurin oo mid si Online lagu qaaday midna dhinaca taleefonka ay muujinayaan inay kordhayaan dadka British-ka ah ee doonaya in dalkaas uu ka baxo ururka Midowga Yurub.

from VOA http://ift.tt/1XfvGkA
via IFTTT