Sunday, July 31, 2016

Barnaamijka Wicitaanka: Waziir Cabdulqadir Cabdi Xaashi

Barnaamijkeena Wicitaanka Dhageystaha ee todobaadkaan, waxaan ku qaadaa dhigi doonnaa, tayeynta waxbarashada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2aGJVhm
via IFTTT

Somaliland oo u Jawaabtay Safiirka Turkiga

Wasiir Arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire oo maanta warfidiyeenada kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa waraysi uu VOA siiyay ku sheegay in hadii wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia loo baahdo dawlad dhex dhexaadisa ay dawlada turkiga ku adkaan doonto inaydhexdhexaadiso labada dhinac

from VOA http://ift.tt/2anF96l
via IFTTT

Faahfaahin Ku Saabsan Shirka Yali    

Waxaa maalmahan ka socday dalka Mareykanka Shirka Hogaanka Dhalinyarada Mustaqbalka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano Yali.

from VOA http://ift.tt/2aACyFw
via IFTTT

13 qof oo ku Dhimatay Qaraxyo Iyo Weerar ka Dhacay Muqdisho

Uugu yaraan 13 qof ayaa ku Dhimatay Qaraxyo Iyo Weerar ka Dhacay Muqdisho, ka dib markii maleeshiyo ka tirsan al-Shabab ay weerar ku qaadeen Xarunta Dambi Baarista Qaran ee (CID)

from VOA http://ift.tt/2a96F9c
via IFTTT

Suugaanta Haweenku Maxay u Tisqaadi Weyday?

Barnaamijkeenna Hibada iyo Hal-abuurka toddobaadkan waxaynu ku eegaynaa sababaha loo aanayn karo in suugaanta haweenku ay u tisqaadi weydo sida tan ragga?

from VOA http://ift.tt/2aTGgZX
via IFTTT

Saturday, July 30, 2016

Faa'idooyinka Kulan Cilmiyeed ay Jaamacadda Umadda Qabatay

Sidii aad idaacadeehinnii todobaadkan qaar kamid ah ku maqasheen, waxaa magaalada Muqdisho kusoo gaba gaboobey kulan cilmiyeed  ay soo qaban qaabisey Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.

from VOA http://ift.tt/2azpv9j
via IFTTT

Friday, July 29, 2016

Faaqidaadda: Bandhigga Buugaagta Hargeysa

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay bandhigga caalamiga ah ee buugaagta ee dhowaan lagu soo geba gebeeyey magaalada Hargeysa.  Barnaamijka waxaa soo jeedinaya weriyaheena Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.  

from VOA http://ift.tt/2aPDzIJ
via IFTTT

QM oo ka Hadashay Arrimaha Somalia

Shirkaasi waxaa dadkii sida gaarka ah uga hadlay ka mid aheyd, Ambassador Samantha Power oo Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

from VOA http://ift.tt/2aPn0Nm
via IFTTT

Ohio: Dhalinyaro Somali ah oo Fikrado Ganacsi Abuuray

Qaar ka mida dhalinyarada Soomaalida ee wax ku bartay dalka Maraykanka ayaa la yimi fikrado ganacsi oo ay iyagu hal-abuureen. Maxamed Raage, waa Guddoomiyaha shirkadda FiveID Design, oo ka shaqaysa gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2a4QtWj
via IFTTT

Sawirrada Shirkii Dimoqraadiga

Shirkii Dimoqraadiga ee ka socda xarunta Wells Fargo ee magaalada Philadelphia ayaa xalay lasoo geba gebeeyey. Hillary Clinton ayaa aqbashay inay noqoto musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga.

from VOA http://ift.tt/2amPm0i
via IFTTT

Natiijada Imtixaanaadkii Dugsiyada oo La Shaaciyay

Wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya, ayaa shalay galinkii dambe baahisay natiijada imtixaanadkii dugsiyada sare ee ay wasaaraddaasi qaadday dhawaan.

from VOA http://ift.tt/2aihktb
via IFTTT

Aabe Muslim ah Oo Khudbad Qiiro leh ka Jeediyey Shirka Dimoqraadiga

Muhaajir muslim ah ayaa shirka Dimoqraadiga ee magaalada Philadelphia lagu soo geba gebeeyey xalay ka jeediyey khudbad dad badan ay ugu yeereen inay ahayd tii ugu qiiradda badneyd.

from VOA http://ift.tt/2a4kYfe
via IFTTT

Thursday, July 28, 2016

Clinton oo Aqbashay Inay Noqoto Musharraxa Dimuqraaddiga

Shirka Demoqraadigu ee ka socdo magaalada Philadelphia, waxa xalay si rasmi ah u aqbashay Hillary Clinton in ay noqoto musharraxa xisbiga Demoqraaddig u matali doona doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta November sanadkan 2016.

from VOA http://ift.tt/2ahFQuD
via IFTTT

Mareykanka oo Ka Walaacsan Xaaladda Turkiga

Mareykanka, ayaa ka walaacsan xaaladda dalka Turkiga, kadib markii Ankara ay sii laba jibbaartay inay beegsato kooxaha lagu eedeynayo inay afgambigii dhicisoobey qeyb ka ahaayeen iyo tagaeerayaashooduba.

from VOA http://ift.tt/2agfBKZ
via IFTTT

Dowladda Somalia oo Qeybisay Gargaarkii Turkiga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si daah furnaan ah loo qeybiyay raashin deeq ah oo ay dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2aA7gRA
via IFTTT

Warbixin: Xaaladda Soomaalida Cleveland

Magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, waa magaallo ay dagan yiihiin Soomaali ka badan 350 qof oo isagu jira kuwa halkaasi daganaa muddo dheer iyo waliba kuwa cusub.

from VOA http://ift.tt/2aclMf9
via IFTTT

Puntland oo Beenisay Warkii Somaliland

Wasirika warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde ayaa beeniyey heshiis ay Somaliland sheegtay in la gaartay beelaha gobolka Sool.

from VOA http://ift.tt/2acgX5s
via IFTTT

Obama oo Ku Baaqay in la Doorto Clinton

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sharxay sababta uu u maleynayo in Hillary Clinton ay mudan tahay inay xafiiska kala wareegto bisha January, isaga oo sheegay inuusan jirin nin ama haweeney uga diyaarsan Hillary xilka madaxtinimada.

from VOA http://ift.tt/2abUUfl
via IFTTT

Wednesday, July 27, 2016

Qudbadihii Xalay Laga Jeediyay Shirkii Dimuqraaddiga

Shirweynihii xisbiga Dimoqraadiga ayaa maanta galaya maalibtiisii ugu dambaysay, habeenkii xalay ahaana waxaa laga jeediyey khudbado culus.

from VOA http://ift.tt/2abkCQP
via IFTTT

Turkiga: 2,400 oo Ruux oo Milateri oo Shaqada Laga Eryey

Turkiga, ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in ay shaqada ka erisay in ka badan 2,400 oo ruux oo ciidamada militeriga ku jirey, iyadoo sidoo kale xirtey dhowr warbaahin.

from VOA http://ift.tt/2afWgGU
via IFTTT

Maxaa Keenay in Xildhibaan Hore uu Is-Qarxiyo?

Sida uu sheegtay ururka Al-Shabaab, Saalax Nuux Ismaaciil oo loo yaqaanay Saalax Badbaado, oo horey uga tirsanaa xubnihii Baarlamanka ee dowladdii ku meel gaarka aheyd ayaa ka mid ahaa labaddii qof ee fuliyay labadii weerar ee ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2ae2aFl
via IFTTT

Shirka Dimoqraadiga: Maalina 2-aad

Shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga ayaa galay maalinkii labaad, waxaana si rasmi ah loogu dooortay in Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga.

from VOA http://ift.tt/2axax4s
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 328

Qeybta 328-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/2a9C9Jx
via IFTTT

Bandhigga Buugaagta oo Hargeysa ka Socda

Iyadoo bandhiga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa uu maalintiisii shanaad ka socdo magaalada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay buugaag hore oo ay alifeen ashkhaas ku caan baxay qoraalka iyo kuwo ay curiyeen dhallinyaro ku cusub hal abuurka qoraalka. Waxaa buugaagtaasi ka mid ah buug uu 46 sano ka hor uu alifay qoraaga weyn ee Soomaaliyeed ee Nuradiin Faarax, kaasi oo uu luuqada Af-Soomaaliga ku turjumay Wariye Cabdisalaam Hereri, islamarkaana uu ku soo bandhigay madashii buugaagta. Buugan oo loo yaqaan Feedh Qaloocan islamarkaana dood xiise badan ka dhaliyey madasha ayaa wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu Hereeri ka waraystay buugan, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay waxa ku dhaliyay inuu dib u turjumo 46 sano kadib.  

from VOA http://ift.tt/2ah56lx
via IFTTT

Somaliland oo Heshiis la Gashay Waxgaradka Sool

Wefti wasiiro ah oo ka socda dawladda Somaliland ayaa dhawaannadan socdaal ku marayay gobollada bariga Somaliland, waxaanay halkaa heshiisyo iyo shirar kula galeen garaaddada iyo madax-dhaqameedka deeggaannadii ay marayeen.

from VOA http://ift.tt/2awFlSX
via IFTTT

Qaraxyo ka Dhacay Syria oo 31 Qof Lagu Dilay

Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay magaalada ku taalla Woqooyiga Bari ee Syria ee Qamishli, kadib markii ay ka dhaceen laba qarax bam.

from VOA http://ift.tt/2agCRDj
via IFTTT

Tuesday, July 26, 2016

Dimuqraaddiga oo si Rasmi u Xushey Hillary Clinton

Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sanadkan ka dhici doonta Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/2aabkbV
via IFTTT

ISIS oo Sheegatay Dilkii Baadari Fransiiska Lagu Dilay

Kooxda ISIS ayaa sheegatay in laba ruux oo iyaga katirsan ay dileen wadaad Masiixi ahaa oo ay ku weerareen kaniisad ku taalla Normandy, France, Talaadadii, markaas wadaadka masiixiga ah ay koxodaasi u qabsadeen laheyste ahaan ka hor inteysan middi ku dilin.

from VOA http://ift.tt/2aoYWSb
via IFTTT

Soomaalida Cleveland iyo Doorashada USA



from VOA http://ift.tt/2arO5bB
via IFTTT

Shirweynaha Dimuquraadiga oo Maalintii 2aad Galay

Shirweynaha Qaran ee Xisbiga Dimuqraaddiga oo afar maalin socon doona ayaa xalay ka furmay magaalada bariga Mareykanka ku taala ee Philadelphia.

from VOA http://ift.tt/2acz9NI
via IFTTT

Ban Ki Moon oo Cambaareeyey Qaraxyadii Muqdisho

Xoghayaaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee saakay ka dhacaymeel ku dhow garoonka Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/29XhFGi
via IFTTT

UK: Wiil Soomaali ah oo Lagu Helay Dambi la Xiriira ISIS

Maxkamadda Old Bailey ee ku taalla magaalada London ayaa ku xukuntay Cabdullahi Axmed Jamac Farax oo ah wiil Soomaaliyeed in uu dhalinyaro ku biiray kooxda ISIS uu gacan ka siiyay xiligii ay u safrayeen dalka Syira.

from VOA http://ift.tt/2ack7rb
via IFTTT

Warbixin Gaar ah: Saamiga Haweenka ee Siyaasadda Somalia

Iyadoo bilaha soo socdo lagu wado in Somalia ay ka qabsoomaan doorashooyinka golayaasha dowladda ayaa waxaa sii xoogeysanaya walaaca dumarka Somaliyeed ay ka qabaan inay waayaan saamiga haweenka ee 30 % looga qoondeeyay goleyaasha dowladda. Waxey ka baqayaan maadaama ay odayaasha beelaha soo xulayaan xubnaha baarlamanka ee beelaha in la duudsiiyo xuquuqdooda. Hadaba waxaad ku soo dhawaataan qeybta 1aad laba warbixin oo aan ku eegeyno Saamiga Haweenka ee siyaasadda, iyo caqabadaha la soo gudboonaado dumarka ku hawooda siyaasadda ama ku jira. Waxaa magaalada Bosaaso noogu soo diyaarisay halkanna ka soo jeedineysa wariyeheenna faadumo Yaasiin Jaamac.  

from VOA http://ift.tt/2atHLid
via IFTTT

Maalinka 1-aad: Shirka Dimoqraadiga

Muuqaallada maalinkii koowaad ee shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga oo ka socda xarunta Wells Fargo ee magaalada Philadelphia, July 25, 2016.

from VOA http://ift.tt/2aHepw2
via IFTTT

12 Qof oo Ku Dhintay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay 17 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay albaabka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2a6oD9k
via IFTTT

Monday, July 25, 2016

Japan: Nin Ku Dhawaad 20 Ruux ku Dilay Middi

Nin dhalinyaro ah oo u dhashey dalka Japan ayaa middi ku diley ku dhowaad 19 qof waxuuna dhaawacay in ka badan 20 ruux, aroortii hore ee Talaadada xilliga Japan

from VOA http://ift.tt/2atcizC
via IFTTT

Shirkii Dimuqraaddiga oo Philadelphia ka Furmey

Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa shirkooda qaran oo afar maalin socon doona uga furmay magaalada bariga ku taalla ee Philadelphia, si ay u muujiyaan midnimo xisbiga dhexdiisa ah.

from VOA http://ift.tt/2a9HJJF
via IFTTT

ISIS oo Sheegatay Weerar Jarmalka Ka Dhacay

27- jir Siiriyaan ah oo isku qarxiyay magaalada Ansback ee dalka Jarmalka Insiintii, kaas oo dilay naftiisa islamarkasina dhawacay tiro kale oo badan, ayaa waxa ay ISIS sheegteen in uu ahaa ruux iyaga ka tirsan, sida ay baahisay warbaahinta Amaq ee kooxda ISIS afkeeda ku hadasha.

from VOA http://ift.tt/2aaDOiV
via IFTTT

Dadka Kenya oo Doonaya in la Celiyo Soomaalida

Ra'yi ururin cusub oo dalka Kenya laga sameeyay ayaa Saddex-Meelood oo laba dadweynaha dalkaasi waxay taageereen in qaxootiga Soomaalida lagu celiyo dalkooda oo la xiro xeryaha qaxootiga.

from VOA http://ift.tt/2aebnSu
via IFTTT

Somalia oo Jabuuti oo Heshiis kala Saxiixday

Dowladaha Somalia iyo Djhibouti ayaa maanta magaalada Djibouti ku kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo ay ku wada shaqeyn doono wasaaradaha boostada ee labada dal.

from VOA http://ift.tt/2a84gXb
via IFTTT

Ugaas Xasan oo la Caleemo Saaray

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa maanta lagu caleemo saaray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

from VOA http://ift.tt/2aq8MmN
via IFTTT

Furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Toddobaad kadib markii uu soo xirmay shirkaweynaha xisbiga Jamhuuriga waxaa indhaha caalamku u jeedsanayaan dhinaca shirweynaha xisbiga Dimoqraadiga oo galabta ka furmaya Philadelphia.

from VOA http://ift.tt/2aq5MGY
via IFTTT

Muqdisho: Adeegyadii Nile Academy oo Joogsaday

Waxaa gebi ahaanba hirgelay go'aankii dowladda Soomaaliya ay ku joojisay adeegyadii hay'adda Nile ee dalka Turkiga ay ka waday magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2aonUnP
via IFTTT

Toogasho ka Dhacday Florida oo 2 Qof Lagu Dilay

Toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaalla gobolka Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida ayaa lagu dilay laba qof.

from VOA http://ift.tt/2a8gbaK
via IFTTT

Sunday, July 24, 2016

Roobab ka Da'ay Dalka Djibouti

Dalka Djibouti ayaa waxaa ka da'ay roobab lagu qabowsadey, xili cimilada dalkaasi ay aad u kulushahay. Roobabkan oo aan xiligan looga baran in ay ka da'aan dalkaas ayaa ku soo beegmey xili duufaano kulul dalkaas ay ka dhacaan. Dadka reer Djibouti ayaa si weyn ugu diirsadey roobabkan. Warbixintan waxaa inoo soo direy wariyaheena Ramadaan Muse.   Hoos ka Dhageyso          

from VOA http://ift.tt/2ansym1
via IFTTT

Shaqaalo Turkish Ah Oo Soomaaliya Ka Baxay

Shaqaalihii u danbeeyay ee Turkey ah ee ka howlgali jiray cisbitaalka Deva oo ay maamusho hay'adda Nile ayaa maanta ka baxay magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/2a5uFoP
via IFTTT

Somaliland: 8 Ruux Oo Dil Lagu Xakumay

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday 8 qof oo ku eedeysnaa dilka taliyihii qaybta booliska gobolka Saaxil.

from VOA http://ift.tt/2aaHHFJ
via IFTTT

Wicitaanka: Ibrahim Cali Xuseen

Kusoo dhawaada saaxibayaal Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, oo todobaadkaan ku saabsan caqabadaha hortaagan rajada laga qabo in shidaal laga soo saaro Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/2a7DK1f
via IFTTT

Saameynta Afganbigi Turkiga Ku Yeeshay Ardayada Soomaalida

Dowlada Turkiga ayaa albaabada isugu dhifatay in ka badan 2,000 oo xarumood oo lala xiriirinayo inuu lahaa Imam Fatxullah Guleen oo ah wadaad ay dowlada ku eedeeysay inuu ka danbeeyey afganbigi dhicisoobay ee 15-ki July ka dhacay Turkiga.

from VOA http://ift.tt/2a699Dz
via IFTTT

Norway Oo Sharciyga Kala Laabatay Soomaali

Dowlada Norway ayaa Sharciyadii dhalashada kala noqotey dhowr qof oo isir ahaan kasoo jeeda Somalia, Kadib markii lagu eedeeyey inay ka been sheegeen markii hore hanaankii ay magangalyada ku waydiisteen dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/2alERPB
via IFTTT

Kulan Looga Hadlay Tayaynta Waxbarashada

Kulan ayaa ka qabsoomay gobolka Virginia ee ku yaalla duleedka Washington, kaas oo looga hadlayey tayaynta waxbarashada gaar ahaan dugsi waxbarasho oo laga furay magaalada Burco.

from VOA http://ift.tt/29Xu2i2
via IFTTT

ISIS Oo 80 Ruux Ku Dishay Afghanistan

Baroordiiq iyo murugo ayaa ka bilaabatay maanta dalka Afghanistan kadib marki Sabtidi shalay aheyd ay kooxda ISIS dishay dad gaaraya 80 ruux weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Kabul.

from VOA http://ift.tt/2a9uk87
via IFTTT

Saturday, July 23, 2016

Bandhiga Buugaagta Hargeisa oo Furmay

Magaalada Hargeisa waxaa maanta ka furmay bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa, kaasi oo ay ka qayb galayaan marti ka kala socota illaa laba iyo toban wadan, kuwaasi oo isugu jira qoraa, sugaanyahano, iyo diblomaasiyiin.

from VOA http://ift.tt/29V0yS3
via IFTTT

Waa Nin Noocee ah Tim Kaine?

Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga dalkan Maraykanka Hillary Clinton ayaa u xulatay Tim Kaine oo ah Senator laga soo doorto gobolka Virginia inuu noqdo madaxweyne Ku-xigeenkeeda.

from VOA http://ift.tt/2a8hl7F
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhowaada barnaamijka hambalyada iyo heesaha waxaa innala socodsiinaya Falastiin Axmed Iimaan iyo Ibraahin Xasan Daanduray

from VOA http://ift.tt/2a5lSno
via IFTTT

Jarmalka: Weerarku Wax Xiriir ah lama laha ISIS

Booliska gobolka Bavarian ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in wiilkii 18 jirka ahaa ee weeraray goobta laga dukaamaysto isla markaana ku dilay sagaalka qof, inaanay jirin wax xidhiidh ah oo uu la lahaa ururka ISIS.

from VOA http://ift.tt/2a2Ll0a
via IFTTT

Hillary oo Dooratay Madaxweyne ku Xigeen

Senatorka laga soo doorto gobolka Virginia ee ku yaalla duleedka Washington Tim Kaine ayaa Hillary Clinton waxay u xulatay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenk ee Xisbiga Dimoqraadiga ee kala qaybgelaya doorashada madaxtinimada Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2a0sJQ9
via IFTTT

Jarmalka oo Weli Baadhaya Weerarka Munich

Wararka ka imanaya magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da'diisa lagu qiyaasay 18 jir isla markaana ah Iiraani Jarmal ayaa la sheegayaa inuu yahay qofka keliya ee geystay weerarkii lagu qaaday goobta laga dukaamaysto halkaas oo ay ku dhinteen illaa sagaal qof.

from VOA http://ift.tt/2a2GCeL
via IFTTT

Friday, July 22, 2016

Toogasho ka Socota Munich

Dhowr qof ayaa lagu warramayaa inay dhaawacmeen kadib markii booliiska Jarmalka ay xaqiijiyeen in toogasho ay ka dhacday xarun lagu dukaameysto oo ku taalla magaalada Munich.

from VOA http://ift.tt/29QFz6r
via IFTTT

Faaqidaada: Xiisadda Booliiska iyo Madowga USA

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xiisadaha ka dhex aloolsan booliiska iyo bulshada madowga Mareykanka. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan.  

from VOA http://ift.tt/2a1j39p
via IFTTT

IOM: 3,000 oo Muhaajriin ah Ayaa Dhintay 2016

Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda Medhetereniyaanka tan iyo horraantii sanadkan 2016, sida ay hay'adda muhaajirinta caalamka ee IOM sheegtay Jimcaha maanta.

from VOA http://ift.tt/29Yvfq6
via IFTTT

Obama oo Xaflad Ciid u Sameeyey Muslimiinta

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa aqalka Cad ku qabtey munaasabad lagu xusaayey Ciidul-Fitriga, waxaana munaasabadaas lagu casuumey muslimiin ka kala yimid gobolada dalkan Mareykanka iyo dibadaba.

from VOA http://ift.tt/2ahYftP
via IFTTT

Trump oo Aqbalay Magacaabista Jamhuuriga

Donald J. Trump ayaa xalay xisbiga Jamhuurigu uu u caleemo saaray inuu noqdo musharraxa jamhuuriga ee madaxtiniimada Maraykanka.Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha Jamhuuriga ee Cleveland, wuxuu ku aqbalay magacaabista

from VOA http://ift.tt/29Y0r8W
via IFTTT

Thursday, July 21, 2016

Jamhuuriga oo Caawa Caleemosaaraya Trump

Donald Trump ayaa caawa khudbad uu ka jeedinayo shirweynaha Jamhuuriga wuxuu aqbalayaa magacaabista musharraxnimada xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Maraykanka.

from VOA http://ift.tt/2ayKdmU
via IFTTT

Maalinta 4-aad ee Shirka Jamhuuriga

Shirka Jamhuuriga ee ka socda magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, ayaa maalintii afaraad galay maanta. Waa kuwan sawirradii ugu xiisaha badnaa ee shalay.

from VOA http://ift.tt/29ZfCgX
via IFTTT

Qunsulka Turkiga ee Hargeysa oo ka Hadlay Nile Academy

Qunsulka Dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Hargeisa ayaa markii u horeysay faahfaahin ka bixiyay inqilaabkii ka dhacay dalkiisa iyo mawqifka ay Somaliland ka qaadatay hay'ada Nile Academy oo lagu xidhiidhiyay inqilaabkaas.

from VOA http://ift.tt/2acjUoB
via IFTTT

Khilaafkii UCID Oo Go,aan Laga Gaaray 

Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay go,aan ka gaareen khilaaf in muddo ah u dhaxeeyay labada garab ee Xisbiga UCID.

from VOA http://ift.tt/2adJpaT
via IFTTT

Shirka Canshuuraha Ee DFS Iyo Maamul Goboleedyada

Waxaa Magaalada Nairobi laguso gebagebeeyay shir 7 cisha uga socday Dowladda Somalia iyo Maamul goboleedyada kasi oo  loga hadlayay qabeynta canshuuraadka Dalka oo dhan.

from VOA http://ift.tt/2abiVnx
via IFTTT

Saldhigyada Al-Shabab oo Weerar Lagu Qaaday

Ciidamada militariga Soomaaliya ee Jubbooyinka, ciidamada maamulka Jubbaland, AMISOM iyo ciidamo Mareykan oo iskaashanaya ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/2ab6SGV
via IFTTT

Syria: 56 Shacab Ah oo Duqeyn Lagu Dilay

Dibadbaxyo xooggan ayaa laga qorsheynayaa dalak Syria, ayada oo hoggaamiyayaasha mucaaradka ay ugu baaqayaan dalalka Reer Galbeedka inay hakiyaan duqeymaha ay dalkaas ka wadaan kadib markii tobaneeyo shacab ah lagu dilay duqeymo dhacay maalintii Talaadada.

from VOA http://ift.tt/29VNFfg
via IFTTT

Wednesday, July 20, 2016

Ted Cruz oo Diiday inuu Taageero Trump

Senator Ted Cruz ayaa diiday inuu ayido oo taageero Donald Trump oo xisbiga Jamhuurigu ay u doorteen inu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinimada ee bisha November dhici doonta.

from VOA http://ift.tt/29X7iki
via IFTTT

Amanda Bennett: Agaasimaha VOA oo Soomaalida Cleveland La Kulantay

Magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, oo uu ka socdo shir weynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga, halkaas oo ay dhawaan ku doorteen ergada gobollada in Trump uu u noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

from VOA http://ift.tt/2awaTo5
via IFTTT

Erdogan oo Xaalad Deg Deg ah Geliyey Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay xaalada deg deg ah oo waddankiisa la galiyay, ka dib markii uu fashilmay isku day afgambi oo la doonayay in xukunka looga tuuro dowladdiisa, Jimcihii la soo dhaafay.

from VOA http://ift.tt/2avZYLd
via IFTTT

Ukraine: Wariye Qarax Lagu Diley

Wariye caan ahaa ayaa Arbacadii qarax gaari lagu dilay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine.

from VOA http://ift.tt/29WWySU
via IFTTT

Xoghayihii Gaashaandhigga ONLF oo la Dilay

Ururka ONLF ayaa xaqiijiyey in xoghayahoodii Gaashaanshigga uu ku dhintay iska horimaad maalintii Isniinta ee toddobaadkan ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo Ceel-Gaabta.

from VOA http://ift.tt/29OO11K
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha Qeybta 327

Qeybta 327-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/2au4A4v
via IFTTT

HRW: 34 Qof Ayaa Lagu La'yahay Kenya

Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay ciidamada amniga ee Kenya inay mas'uul ka yihiin in la waayo dad gaadhaya 34 qof labadii sano ee lasoo dhaafay.

from VOA http://ift.tt/2a8ycXm
via IFTTT

Barnaamij Xal u Noqon Kara Xawaaldaha Soomaalida

Toddobaadkii hore ayaa waxaa la ansixiyey barnaamij haddii uu guuleysto ogolaanaya inay dib u howlgalaan xawaaladihii Soomaalida.

from VOA http://ift.tt/2aatKsN
via IFTTT

Diyaaradaha Turkiga oo Duqeeyey Kurdish-ka

Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa ku warrantay in ugu yaraan 20 ka tirsan mintidiinta Kurdish-ka lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Turkiga ka fuliyeen woqooyiga dalka Ciraq, Arbacada maanta ah.

from VOA http://ift.tt/2afTFPc
via IFTTT

Tuesday, July 19, 2016

Jamhuuriga oo si Rasmi ah Ugu Doortey Trump Musharraxooda

Xisbiga Jambuuriga, ayaa si rasmi ah u doortey ganacsadaha maal-qabeenka ah ee Donald Trump in uu noqdo musharraxa ugu tartami doono doorashada madaxtinnimo ee 2016.

from VOA http://ift.tt/29ZaD2B
via IFTTT

Obama & Erdogan oo ka Wada Hadley Isku Deygi Afgembi

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yaboohay gargaar ku aaddan baaritaannada lagu sameynayo isku deygii afgembi ee dhicisoobey ee Turkiga.

from VOA http://ift.tt/29TgpPW
via IFTTT

Saameynta Weerarda Argagixiso ee Muslimiinta Yurub

Dadka muslimiinta ah ee ku nool qaaradda Yurub ayaa la kulma xadgudubyo iyo cunsuriyad marka ay dhacaan weeraro ay ku lug leeyihiin kooxda ISIS ama uu ka dambeeyo qof magaciisu uu muslim yahay.

from VOA http://ift.tt/29RgVj9
via IFTTT

Somaliland oo 'Aan Ceyrin Doonin Hay'adaha Turkishka'

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay saari doonin hay'ado Turkish ah oo dawladda Soomaaliya ay sheegtay inay dalka uga baxaan muddo toddoba maalmood ah.

from VOA http://ift.tt/2a8P8LL
via IFTTT

Shirka Jamhuuriga oo Galay Maalinta Labaad

Shirka guud ee xisbiga Jamhuuriga ee ka socda magaalada Cleveland ee gobolka Ohio ayaa maanta galaya maalintiisii labaad, ayada oo diiradda lagu saari doona dhaqaalaha.

from VOA http://ift.tt/2aqiwww
via IFTTT

Amisom oo 'Baareysay Dhacdadii Wardinle'

Amisom ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhimashada dad rayid ah oo lagu dilay tuulada Wardinle ee u dhow magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, taasi oo ciidamdeeda lagu eedeeyey.

from VOA http://ift.tt/29Kz69F
via IFTTT

Masar oo Saanad Ciidan ku Wareejisay Somalia

Dowladda Masar ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay gaadiid iyo sanaad ciidan oo loogu talay galay ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababran ee loo yaqaan Danab.

from VOA http://ift.tt/29Kvggq
via IFTTT

ISIS oo Sheegatay Weerar ka Dhacay Jarmalka

Dhowr qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ka mid ahaa qoys Shiinees ahaa oo laba ka mid ah ay xalaad halis ah ku sugan yihiin.

from VOA http://ift.tt/29LqA9k
via IFTTT

Monday, July 18, 2016

Dagaal Dhexmaray Somaliland iyo Puntland

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka uu dagaal ku dhex maray ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Soomaaliland meel u dhow degmada Dhahar.

from VOA http://ift.tt/29GOVBN
via IFTTT

Warbixin: Xaaladda Magaalada Marka

Wariyeheenna Jacfar Kukay oo booqday magaalada ayaa warbixintan ku eegaya, wixii uu ku soo arkay Marka iyo sida ay xaaladeedu tahay..

from VOA http://ift.tt/29Igkj9
via IFTTT

Sawirro: Shirweynaha Jamhuuriga

Magaalada Cleveland waxaa ka bilowday shirweynaha ay xisbiga Jamhuurigu si rasmi ah u so magacaabayaan musharraxooda Donald Trump.

from VOA http://ift.tt/29I9gTo
via IFTTT

Shirweynaha Xizbiga Jamhuuriga oo Ohio ka furmaya

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Cleveland ee gobolka Ohio ka furmo shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka

from VOA http://ift.tt/2amZPcJ
via IFTTT

Dagaalo Ka Dhacay Bay Iyo Sh/Hoose

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada Ethiopia iyo kooxda Al Shabaab ayaa shalay gelinki danbe ka dhacay deegaanka Wardiinle oo ee gobolka Bay.

from VOA http://ift.tt/29Pb1Oy
via IFTTT

Mareykanka oo Iska Fogeeyey Afgambigii Turkiga

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa cambaareeyey fikradaha ku saabsan in Washington ay ku lug lahayd afgambigii dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay dlaka Turkiga.

from VOA http://ift.tt/29PbHWp
via IFTTT

Sunday, July 17, 2016

Africa oo Hal Baasaboor Yeelanaysa

Madaxweynayaasha Dalalka Midolwga Africa ee ku Shirsan magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa maanta, isla qaatay baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya

from VOA http://ift.tt/29MpZ74
via IFTTT

Sheey Mire Dacar Oo geeriyooday

Allah u naxariistee waxaa Galabta Magaalada Hargeysa ku geeriyooday fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.

from VOA http://ift.tt/29EHo6j
via IFTTT

Askar Mareykan Ah Oo La Dilay

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada booliska magaalada Baton Rouge gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ay geeriyoodeen kadib marki la toogtay.

from VOA http://ift.tt/2akOTwz
via IFTTT

Wicitaanka: Prof. Axmed Ibraahim Nageeye

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Hormoodka Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, waxana uu ka hadlayaa saameynta afgambigii toddobaadkan ka dhacay Turkiga

from VOA http://ift.tt/29NBfmV
via IFTTT

Sanaag: Diiwaan-galinta Doorashada Somaliland

Dhulka ku teedsan xuduudda Puntland iyo Somaliland oo ah meelaha ay diiwaan-galintu ka socota ayaa wararku sheegayaan in xiisadi ay ka jirto.

from VOA http://ift.tt/29M2VVR
via IFTTT

Ilaa Iyo 6,000 Ayaa Lagu Xiray Turkiga

Dowlada Turkiga ayaa sii wada xariga qaar ka mid ah saraakiisha milatariga iyo hey'ada garsoorka kuwaas oo looga shakisanyahay in ay ka danbeeyeen afganbigii dhicisoobay ee Jimcihi ka dhacay dalkaasi.

from VOA http://ift.tt/29MKTnm
via IFTTT

Midowga Africa Oo Eedeeyey ICC

Golaha Golaha Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada ee ururka Midowga Africa ayaa ku eedeeyey Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalka ICC in aysan ka eexato dalalka Africa.

from VOA http://ift.tt/29ZMjwJ
via IFTTT

3 Kale oo loo Xiray Weerarkii Faransiiska

Booliska dalka Fransiiska ayaa xiray saddex qof oo kale oo lala xiriirinayo weerarkii maalintii Khamiista ka dhacay magaalada Nice taasoo 5 qof ka dhigeysa tirada dadka loo soo xiray weerarka.

from VOA http://ift.tt/29H1NTL
via IFTTT

Saturday, July 16, 2016

Barnaamijka Cawayska Washington

Haatanna ku soo dhowaada Barnaamijka Cawayska Washington, waxaa innala socodsiinaya Caasha Ibraahin Aadan

from VOA http://ift.tt/29KpTgj
via IFTTT

Hambalyada: Ibrahim Daanduray iyo Ismaaciil Farjar

Barnaamijka Hambalyada waxa toddobaadkan inoo haya Ibraahim Xasan (Danduray) iyo Ismaaciil Xuseen (Farjar)

from VOA http://ift.tt/29WUtaF
via IFTTT

Somalia oo Eriday Hay'ado Turki ah

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladdu amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay'ado lala xiriirinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabka, kaas oo lagu magcaabo Fetxullah Gulen.

from VOA http://ift.tt/2aisP5p
via IFTTT

Dawladda Somalia oo Erdogan Garab Is-taagtay

Labo warsaxaasafeed oo ka soo kala baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ka Golaha Xukuumadda ayaa lagu cambaareeyey isku-daygii afgambi ee Turkiga ka dhacay, iyada oo lagu taageeray xukuumadda Madaxweyne Recep Tayipp Erdogan

from VOA http://ift.tt/29LOOTV
via IFTTT

Erdogan: Aniga ayaa Gacanta ku Haya Dalka

Madaxweyne Recep T. Erdogan ayaa sheegay in 2839-ka sarkaal iyo askari ee afgambiga isku dayey ciqaab la marsiin doono.

from VOA http://ift.tt/29QmXCc
via IFTTT

Friday, July 15, 2016

Erdogan oo Canbaareeyay Iskudayga Afganbi

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan ayaa cabaareeyey isku-day ay qaar ka tirsan ciidamadu ay ku doonayeen inay xukunka uga afganbiyaan, isagoo sheegay in falkaasi uu khiyaano yahay kuwii sameeyayna talaabo adag laga qaadi doono.

from VOA http://ift.tt/29Dmukj
via IFTTT

Turkey: Ciidamada oo Afganbi Sameeyay

Milatariga Turkey ayaa sheegay inay xukunkii qabsadeen oo ay dowladdii inqilaabeen. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in qeyb ka mid ah militarigu ay isku dayayaaninay xukunka qabsadaan.

from VOA http://ift.tt/29CN4Kk
via IFTTT

Ellison oo Dalbaya in la Baaro Toogashada Laba Soomaali ah

Mudanaha Aqalka Congress-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa ka codsadey Waaxda Cadaaladda ee dalkan Mareykanka in baaritaan lagau sameeyo toogashadii dhawaan lala eegtey rag Somali Mareykan ah

from VOA http://ift.tt/29WB0sc
via IFTTT

Trump oo Doortay Pence

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in guddoomiyaha gobolka Indiana Mike Pence uu yahay qofka uu u doortay inuu noqdo ku xigeenkiisa.

from VOA http://ift.tt/29Ayg2u
via IFTTT

Faaqidaadda: Mareeynta Qaxootiga Dib Ugu Laabanaya Somalia

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay inay dib u celineyso qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xerada Dhadhaab. Sidoo kale, qaxooti badan ayaa billaabay inay iskood dalka ugu laabtaan.  Hase yeeshee su'aashu waxa ay tahay sidee ayaa loo maareyn karaa qaxootiga dib ugu noqonaya dalka, maxaase laga baran karaa dalalkii ay arrintan oo kale horey u saameysay. Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Sandheere.  

from VOA http://ift.tt/29YqPQx
via IFTTT

Al-Shabaab oo Weerar ku Dishay Askar Kenyan ah

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa maanta weerar kadis ah ku qaaday kolonyo milatari oo ka tirsan ciidamada dawladda Kenya oo ay wehelinayeen kuwo Soomaali ah.

from VOA http://ift.tt/29Yaifp
via IFTTT

Xisbiga Jamhuuriga Oo Caleema Saarayo Trump

Gudiga maamula Shirweynaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa u diiday xubnaha xisbiga in ay doortaan qof aanan aheyn musharaxa ugu codka badnaa doorashooyinkii is reeb reebka ee loogu soo baxayey musharaxnimada madaxeynaha Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/29HcVzW
via IFTTT

Thursday, July 14, 2016

Saraakiil Q.M.: Dowladda Siiriya Ayaa Hortaagan in Dawo La Gaarsiiyo Goobaha Colaadda

Saraakiil Q.M. ka tirsan ayaa dowladda Siiriya ee uu madaxda ka yahay Bashar al-Assad ku eedeeyay inay u diiddey in gargaar dawo la gaarsiiyo boqollaal kun oo shacab ah, kuwaas oo ku xanniban goobaha lagu dagaallamayo.

from VOA http://ift.tt/29HfQhR
via IFTTT

France: In Kabadan 70 Ruux oo ku Dhimatay Meel Damaashaad uu Ka Socdey

Qof waday gaari nooca xamuulka qaada, ayaa dar darsiiyay dad isugu soo baxay meel munaasabad ka socotey magaalada Nice ee dalka Faransiiska gelinkii dambe eee Khamiista.

from VOA http://ift.tt/29If0Pj
via IFTTT

Milkiilaha Hotel Maka Al-Mukarama oo Beeniyey Warkii Dowladda

Milkiilaha hotelka Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo sheegay in gaari walxaha qarxa waday oo ay ciidamada amaanka qabteen lagu weerari rabay hotelka.

from VOA http://ift.tt/29zCPXc
via IFTTT

Qalab Loo Waday Al-Shabaab oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Ciidamada Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay qalab ciidan oo sida la sheegay kusoo jeeday Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay maamulaan maleeshiyaada Al-Shabaab.

from VOA http://ift.tt/29GT7Qe
via IFTTT

Sannad Kadib Heshiiskii Nuclear-ka Iran.

Muddo laga joogo hal sano gudaha hotel kuwa raaxada ah oo ku yaala magaalada Vienna ee dalka Austria waxaa kasoo muuqday diblamaasiyiin aad u daalnaa oo ka socday Iran iyo lixda wadan ee Dalalka Galbeedka ugu quwadda weyn.

from VOA http://ift.tt/2a0pMCn
via IFTTT

Kenya: Maxbuus Shabaab ah oo Afar Sarkaal Dilay

Nin la tuhunsan yahay inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu hayey saldhig ku yaalla galbeedka dalka Kenya, ayaa qori ka xoogay sarkaal booliis, islamarkaana dilay afar sarkaal, ka hor inta uusan dhowr maxbuus afduuban.

from VOA http://ift.tt/29S2BIb
via IFTTT

Trump oo Jimcaha ku Dhawaaqaya ku Xigeen

Musharax madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa qorsheynaya inuu maalinta Jimcaha ku dhowaaqo qofka u noqon doona ku xigeen.

from VOA http://ift.tt/29E8jug
via IFTTT

Wednesday, July 13, 2016

Casharadii Weerarkii Ceel-cadde

Maalinta berrito ah ayey ku buuxdaa lix bilood markii maleeshyada ururka Al-Shabab ay weerarka culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee hawlgalka AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

from VOA http://ift.tt/2abe5FB
via IFTTT

RW Cusub ee Britain oo Wasiiiro Magacowday

Raysal wasarihii hore ee Britain David Cameron, ayaa xafiiska isaga tagay shalay oo Arbaca aheyd, kadib markii ay Britain go'aansatay inay ka baxdo Midowga Yurub, arrintaas oo uu Cameron ka soo horjeedey.

from VOA http://ift.tt/29G0h7r
via IFTTT

 Barakac Ka Bilowday Xadka Kenya iyo Somalia

Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay ka barakacaan deegaanada ku teedsan xuduudda udhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan deeganada u dhaw dhaw magaalada Ceel-waaq.

from VOA http://ift.tt/29E6ijT
via IFTTT

Guddoomiyaha BBG oo Loo Diiday Inuu Galo Ruushka

Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta ee BBG Jeff Shell, ayaa loo diiday inuu galo dalka Russia, waxaana la xiray dhowr sacaadood, markii uu isku dayay inuu socdaal shaqo ku tago magaalada Moscow, toddobaadkan.

from VOA http://ift.tt/29PKouF
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha Qeybta 326

Qeybta 326-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.  

from VOA http://ift.tt/29RAZm1
via IFTTT

Al-Shabaab oo Baahisay Khudbad uu Jeediyey Hoggaamiyahooda

Ururka Al-Shabab ayaa shalay cod ay sheegeen inuu yahay kan hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abu Cubayda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye.

from VOA http://ift.tt/29E1mMM
via IFTTT

Tuesday, July 12, 2016

ICC oo Dacwad ka Gudbisay Jabuuti iyo Uganda

Maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtey shaley oo Talaado ah in ay u gudbisey golaha ammaanka ee Q.M. ashtako ka dhan ah dowladaha Uganda iyo Djibouti, ka dib markii ay dalalkaas ku fashilmeen in ay soo xiraan madaxweynaha Sudan Omar Hassan Al-Bashiir oo dalalkooda tegey.

from VOA http://ift.tt/29W88Qh
via IFTTT

Nairobi: Booliis Dilay Dhalinyaro Soomaali ah

Ciidamada booliska dalka Kenya, ayaa xalay laba wiil oo dhalinyaro Soomaali aheyd ku dilay xaafadda Islii ee degmada Kamakunji, magaalada Nayroobi. Labada wiil ayaa lagu eedeyay inay ka mid ahaayeen kooxo burcad ah oo Islii ka jira, kuwaas oo dhac iyo dilalba u geysta dadka ku dhaqan Islii oo ay Soomaalida ku jiraan.

from VOA http://ift.tt/29Q4Z1L
via IFTTT

Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaweyd magalada laga maqlay laba qarax oo waaweyn.

from VOA http://ift.tt/29F3eq6
via IFTTT

Warbixin: Nolosha Soomaalida New York

Magaalada New York ee dalka Mareykanka oo ah magaalo ay ku nool yihin dadyow aad u kala duwan, ayna ku yaalaan Saldhigyada ganacsiga iyo kuwa hay'adaha caalamka oo ay QM ugu horeyso, ayna usoo tagaan malaayiin dad ah ayaa haddana ah magaalo ay adag tahay in ay ku noolaadan inta badan qoysaska soo galootiga qaxootiga ah nolosha oo aad u qaali ah awgeed.   Si ka badalan gobolo dhowr ah Soomaalida degan yihiin Mareykanka gudihiisa, dadka Soomaalida ah New York joogo waa tiro aad u yar oo u badan ardey iyo dad u tagay siyaabo kala duwan. Haddaba Sahra Cabdi Axmed oo booqatey New York Isbuucaan ayaa warbixintaan gaar ah ku eegaysa Nolosha dadka Somalida ah ee magaaladasi.  

from VOA http://ift.tt/29BlVad
via IFTTT

Theresa May: Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain

Britain ayaa guda gashay maalmo kale oo si lama filaan ah ay siyaasaddu isu badashay kadib markii shalay ay loolanka xisbiga conservative-ka ee talada haya ay ka hartay Andrea Leadsom, wasiirka tamarta Britain.

from VOA http://ift.tt/29uUy2b
via IFTTT

Mucaraadka Jabuuti: "Dowlada Dhexdhexaad ha noqoto"

Mucaaradka dawladda Jabuuti ayaa ugu baaqay xukumada Jabuuti in ay dhexdhaxaad ka ahaato khilaafka u dhexeeya dawladaha Itooboiya iyo Eretreiya, isla markaana ay wixi xasarada ah lagu xaliyo si nabad ah.

from VOA http://ift.tt/29tsIqN
via IFTTT

Malala Yousafsai Oo Booqatay Dhadhaab

Malala Yousafzai oo ah gabar da'yar ah oo u dhaq-dhaqaaqda waxbarashada hablaha ayaa maanta booqatay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

from VOA http://ift.tt/2a5DGjj
via IFTTT

Laba Nin oo Maanta Lagu Dilay Buuhoodle

Labo nin mid Soomaali yahay kan kalana yahay Itoobiyaan ayaa la sheegay in maanta lagu dilay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

from VOA http://ift.tt/29BtyQI
via IFTTT

Wafdi ka Socda IGAD iyo Ethiopia oo Tagay Beledweyne

Wafdiga oo uu hogaaminaayo Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed CabdiAfeey, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

from VOA http://ift.tt/29Ly0Pc
via IFTTT

Ash Carter oo Dalka Afghanistan Booqanaya

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Ash Carter ayaa ku sugan dalka Afghanistan, saddex maalmood un kadib markii uu hogaamiyayaasha caalamka ku booriyey in taageeraan dalkaas oo ay ku sugan yihiin 12,000 oo askar NATO ah.

from VOA http://ift.tt/29JZVNI
via IFTTT

Monday, July 11, 2016

Dibadbaxyada ka Socda Maraykanka

Waxaa habeenkii 5aad Maraykanka ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo tacdiyada booliska ee dadka Madow. Madaxweyne Obama-na wuxuu maanta oo Salaasa ah ka qeybgalayaa xus loo samaynayo askastii lagu dilay Dallas.

from VOA http://ift.tt/2a4q8oa
via IFTTT

Al-Shabaab oo Wali ku sugan Gudaha Marka

Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa bartamaha iyo xarumaha dowladda wali ku sugan maleeshiyada al-Shabaab, kuwaasoo shalay galab magaalada gudaha u galay kadib markii ciidamada dowladdu ay halkaasi ka baxeen.

from VOA http://ift.tt/29uqWkK
via IFTTT

Diyaarad Drone ah oo ku soo Dhacday Muqdisho

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha sahanka ee aan duuliyaha wadin ay kusoo dhacday xaafadda Waaberi ee magaalada.

from VOA http://ift.tt/29tfllI
via IFTTT

Wafdi Caalami Ah oo Tagay Kismaayo

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo madax ka tirsan Hay'adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha gargaarka, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

from VOA http://ift.tt/29PXTNz
via IFTTT

Muqdisho: Banaanbax ka Dhan ah Weerarkii Masjidka Nebiga NNKH

Banaanbax weyn oo ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeeday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Madiina ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan meel ku dhow Masjidka barakeysan ee "MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF" oo uu ku aasan yahay nabigeena Muxamed NNKH. Banaanbaxaan ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ka mid ah dadka ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inooga soo diray Muqdisho.    

from VOA http://ift.tt/29PsGdb
via IFTTT

Warbixin Gaar Ah: Dhismaha Labada Aqal ee Baaralamanka

Dhowaan ayaa la filayaa in maamullada dalka ay soo magacaabaan xubnaha ka mid noqonaya Aqalka Saree e Baarlamaanka oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaan ee dalku yeelanayo. Soo magacabaista xubnaha Aqalka Sare ayaa looga fadhiyaa maamullada iyadoo dhowaan shrikii ay madaxda madasha qaran ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ay ku heshiiyeen in laba xubnood lagu kordhiyo Aqalkaasi kuwaasi oo la siinayo beelaha Banaadriga. Dhinaca kale waxaa weli la sugayaa in guddi gaar ah oo la magacaabay ay kasoo talobixiyaan maqaamka Muqdisho. Haddaba waxaan idiin soo gudbinaynaa qaybtii kowaad ee warbixino ka kooban laba qaybood oo ku saabsan dhismaha labada Aqal iyo Doorkooda. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya weriyahayaga Khadar Maxamuud Xareed.  

from VOA http://ift.tt/29JeXBS
via IFTTT

Al-Shabaab oo Qabsatay Magaalada Marka

Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya inay maleeshiyada Al-Shabaab ay goor dhow la wareegeen magaalada kadib markii ay ka baxeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/29J4jeA
via IFTTT

Dagaal Culus oo Dib Uga Qarxay South Sudan

Dagaal culus ayaa maanta dib uga qarxay caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba.

from VOA http://ift.tt/29GTefB
via IFTTT

Wicitaanka Dhageystaha: Aqoon yahan Aadan Makiina

Kusoo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, oo toddobaadkan diiradda ku saareyno xiisadaha ka dhex oogan dadka madowga ah iyo askarta booliiska ee caddaanka ah ee waddankan Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/29sBu3A
via IFTTT

Al-Shabaab oo Weerartay Saldhigga Laanta Buuro

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee Laanta Buuro, oo qiyaastii 40 KM galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

from VOA http://ift.tt/29OZRxL
via IFTTT

Sunday, July 10, 2016

USA: Dibadbaxyo Socda Maalintii 3aad

Dalkan Marayknka waxaa xalay habeenkii saddexaad gobollo kala duwan ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo xad-gudubyada booliska ee ka dhanka ah dadka madowga Maraykanka,

from VOA http://ift.tt/29qT0WV
via IFTTT

Ururka MAP oo Diiday Is-diiwaangalinta Warfidiyeenada

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta si weyn u diiday go'aan shalayto ka soo baxay Maamulka Puntland oo warbaahinta lagu amrayo inay iska diiwaangeliyaan

from VOA http://ift.tt/29sMzkM
via IFTTT

VOA oo Wareysatay Gudd. Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha ayaa sheegay inaan la xakameyn karin hubka magaalada Muqdisho yaalla, sababtuna ay ugu wacan tahay in dalku dagaal ku jiro, taasina ay keentay inaan lakala saari karin cidda cadowga ah iyo cidda ciidanka ah ee magaalada ku sugan.

from VOA http://ift.tt/29ABvWq
via IFTTT

Dhinacyada S. Sudan oo Iska-hor-imaad Dhexmaray

Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa saaka mar kale laga maqlay rasaas culus oo dhexmaraysay ciidamada dowladda madaxweyne Salva Kiir iyo maleeshiyada Riek Machar.

from VOA http://ift.tt/29FVO3J
via IFTTT

Saturday, July 9, 2016

Todobaadka Soomaalida oo Lagu Xusayo Minnesota

Magaalada Minneapolis waxaa ka bilowday xuska todobaad loogu magac daray Todobaadka Soomaalida oo lagu xusayo qaranimada Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/29EOuFE
via IFTTT

Falanqeyn: Tacadiya Amisom Ee Somalia

Qaramada Midoobay oo Ku Baaqday in la Baaro Askarta Amisom ee tacayiada u geysta dadka Somaliyeed ee ay aheyd inay ilaaliyaan

from VOA http://ift.tt/29XMkQV
via IFTTT

Barnaamijka Cawayska Washington

Barnaamijka Cawayska Washington waxaad ku maqli doontaan sheekooyin xiiso badan, waxaa innoo haysa Caasha Ibraahin Aadan

from VOA http://ift.tt/29olB2I
via IFTTT

Martida: Xil. Maryan Careef oo ka Hadlaysa Doorashada Somalia

Dalkan Maraykanka waxaa ku sugan Xildhibaan Maryan Careef oo ka mida mudanayaasha golaha shacabka ee Soomaaliya, waxay dhawaan nagu soo booqatay daarta VOA ee Washington.

from VOA http://ift.tt/29tB6lX
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhowaada barnaamijka hambalyada iyo heesaha waxaa si wada jira u daadahaynaya Falastiin Axmed Iimaan iyo Ismail Xuseen Farjar

from VOA http://ift.tt/29tSnkq
via IFTTT

Shabaab oo Weeraray Saldhig Kenya ku Yaal

Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abaaro 1:30kii habeenimo weerar culus ku qaaday saldhiga ay Ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Diif ee Kenya.

from VOA http://ift.tt/29qtShB
via IFTTT

Sanduuqa Dibu Dhiska Nabadda ee QM oo Somalia Caawinaya

Warsaxaafdeed shalay ka soo baxay xaruunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa lagu sheegay in markii ugu horaysay taariikhda uu Sanduuqa Dib-u-dhiska nabadda ee Qaramada Midoobay uu si toos ah lacag ugu deeqayo Somaaliya.

from VOA http://ift.tt/29ynxVg
via IFTTT

50 Qof oo ku Dhintay Syria

Ku dhawaad 50 qof ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Syria Jimcihii shalay oo ku beegneyd maalintii ugu dambeeysay xabad joojin ay horey ugu dhawaaqeen ciidamada Syria, taasoo ay ugu dabaal degayeen munaasabadda Ciidul Fitriga.

from VOA http://ift.tt/29qtujo
via IFTTT

K. Woqooyi oo Gantaallo Cusub Tijaabisay

Wakaaladda Wararka u faafisa Kuuriyada Koonfureed ee, Yonhap ayaa soo warineysa in matoorka dhaqaajinayay Gantaalkaa uu daarmay hase yeeshee uu soo dhacay gantaalka markii uu qiyaastii 10km hawada u kacay.

from VOA http://ift.tt/29ynTLv
via IFTTT

Dallas: Nin Si Khaldan ay Boolisku Sawirkiisa u Baahiyeen

Nin hubaysan oo ka mid ahaa dadka sida nabadgelyada ah u samaynayey banaanbax looga soo horjeedo habdhaqanka booliska Maraykanka ayaa boolisku si aan sax ahayn ay sawirkiisa u baahiyeen iyaga oo ku sheegay inuu yahay qofkii loo tuhmayey weerarkii lagu laayey askarta booliska ah.

from VOA http://ift.tt/29yiTXk
via IFTTT

Friday, July 8, 2016

Q.M. Oo Waqtiga u Kordhisay AMISOM

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay sheegay inuu mar kale garab taagan yahay hawlgalka AMISOM ee ciidamada oo muddadooda la kordhiyey sannad kale.

from VOA http://ift.tt/29E7MuY
via IFTTT

Save The Children oo Ka Digtay Abaaraha Ethiopia

Hey'adda badbaadada caruurta ee marka la soo gaabiyo la yirahdo, Save The Children ayaa ka digtay saameynta mushkiladda abaareed ee ka jirta dalka Ethiopia, oo haatan gudaha u sii galaya xilliga qaboobaha oo aaney roobabku da'eyn

from VOA http://ift.tt/29DPIBt
via IFTTT

Bar. Faaqidaadda Toddobaadka

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka. Waxaa la diyaar ah barnaamijka maanta Falastiin Axmed Iimaan, waxana uu ku saabsan yahay waxa kooxda ISIS hadda bartilmaameedkooda ka dhigay dalalka Islaamka.

from VOA http://ift.tt/29DET24
via IFTTT

USA: Wasaaradda A. Dibadda oo Baaritaan Ku Fureysa Clinton

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dib u fureysa baaris gudaheeda ah oo ku aaddan in Hillary Clinton iyo kalkaaliyeyaasheeda sar sare xilligii ay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka aheyd ay si xun u maareeyeen xog xasaasi aheyd oo uu Mareykanku lahaa.

from VOA http://ift.tt/29mkeSi
via IFTTT

Mareykanka: Dablay 5 Askari Ku Dishay Dallas

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay shan askari oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee magaalada Dallas ee dalka Mareykanka iyagoo sidoo kale dhaawacay 6 kale.

from VOA http://ift.tt/29njSFT
via IFTTT

Xil. Maryan Cariif: Waa in Sharci Laga Soo Saaraa Kootada Haweenka

Xildhibaan Maryan Cariif oo ka mid ah xubnaha xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadashay nidaamka lagu soo xulaayo baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda iyo tirada haweenka loo qoondeeyay.

from VOA http://ift.tt/29Dnx5x
via IFTTT

Thursday, July 7, 2016

Kenya oo Kala Saareysa Soomaalida Qaxootiga ah iyo Kenyanka

In ka badan 350 kun oo qof oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu sameyn donaa tirakoob kii ugu danbeeyay ee lagu kala saarayo qaxootiga Soomaalida iyo Kenyanka ee ku nool xeryahaa qaxootiga.

from VOA http://ift.tt/29Cqqpx
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 325

Qeybta 325-aad ee Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee idaacadda VOA Somali Waxaa soo jeedinaya qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa ee dhageysi wanaagsan.

from VOA http://ift.tt/29neKme
via IFTTT

Blair oo Lagu Eedeyay Inuu Buunbuuniyay Muhiimadda Dagaalkii Ciraaq

Ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Britain Tony Blair, ayaa la sheegay inuu buun buuniyay muhiimadda dagaalkii uu dalkiiisu ka qayb galay ee lagu qaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, kaasi oo xukunka lagaga riday madaxwaynihi hore eee Ciraaq Saddaam Xuseen.

from VOA http://ift.tt/29pmPsK
via IFTTT

Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Dilalka Dadka oo Ka Dhacay Kenya

Bannaanbaxyo ayaa shalay ka dhacay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, kaas oo lagaga cabanayey dilkii nin qareen ahaa oo u dhaq dhaaqaaqa xuququda aadanaha Willie Kimani.

from VOA http://ift.tt/29RjSju
via IFTTT

USA: Askari Dilay 32 Jir Madow Mareykan ah

Askari boolis ah ayaa si arxan darro ah u diley nin madow Mareykan ah habeenkii Arbacada, xilli uu gaarigiisa ku safrayay gudaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/29kREgl
via IFTTT

Wednesday, July 6, 2016

Barnaamij Gaar ah oo Ku Saabsan Ciidda

Ku soo dhowaada barnaamij gaar ah oo VOA ugu talo gashay dhegaystayaasha, Barnaamijkan waxaa marti ku ah, Khadra Daahir Cige, Maki Xaaji Banaadir, Qaar ka mida weriyayaasha VOA.

from VOA http://ift.tt/29kGrfd
via IFTTT

Muuqaal: Sida Looga Ciiday Magaalada Kismaayo

Magaallada Kismaayo, iyo deeggaanno kale oo ku yaalla Jubbooyinka waxaa maanta looga daabaaldegay ciidul-fitiriga, iyadoo madaxda maamulka Jubbaland ay dadka salaadda Ciidda kala qeybgaleen.

from VOA http://ift.tt/29lXrHp
via IFTTT

Muuqaal: Sida Looga Ciiday Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa si weyn looga ciiday, waxaana dadweynuhu ay isugu soo baxeen goobo loo asteeyey inay salaadda ciidda ku tukadaan.

from VOA http://ift.tt/29r1nmr
via IFTTT

Sida Laascaanood looga Ciiday



from VOA http://ift.tt/29Om3nW
via IFTTT

Sida Looga Ciiday Gobolka Geeska Afrika

Guud ahaan waxaa si weyn looga ciiday deegaanna Soomaalida ee Geeska Afrika, waxaana inta badan magaalooyinka waaweyn ay dadweynuhu isugu soo baxeen masaajidada iyo goobaha bannaan ee loo asteeyey si ay si wada jir ah salaadda ugu tukadaan.

from VOA http://ift.tt/29xjwBR
via IFTTT

Barnaamijka Ciidda iyo Dhalinyarada Maanta (Q.1aad)

Waa barnaamij aan ugu talo galnay dhalinyarada iyo dadweynaha ku xidhan Idaacadda Duhurnimo ee Barnaamijka Dhalinyarada Maanta, waxaana marti ku ah qaar ka mida Xiddigaha Geeska iyo weliba dhalinyaro kala duwan.

from VOA http://ift.tt/29hEzng
via IFTTT

Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo Diray

Guud ahaan waxaa si weyn looga ciiday deegaannada kala duwan ee Soomaalidu degto iyada oo dadweynuhu ay goobo loo asteeyey ku tukadeen salaadda Ciidda.Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta hay'adaha dawladda ayaa dadweynaha la tukaday salaadda Ciidda.

from VOA http://ift.tt/29qnqtu
via IFTTT

Tuesday, July 5, 2016

FBI-da "Kuma Talineyso in Dacwado Lagu soo Oogo Clinton"

Agaasimaha hay'addaa dambi baarista Mareykanka ee FBI-da James Comey ayaa sheegay inaysan ku talineyn in dacwado lagu soo oogo Hillary Clinton.

from VOA http://ift.tt/29gI91v
via IFTTT

Muqdisho: Weerar Lagu Dhaawacay 9 Qof

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sideed qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo ka dhacaySuuqa Weyn ee degamada Wadajir.

from VOA http://ift.tt/29iWqj6
via IFTTT

Fallanqeyn: Maxaa Loo Weeraray Masjidka Nebiga NNKH?

Saddex weerar oo ismiidaamin ahaa ayaa 24 saacadood gudahood ka dhacay dalka Boqortooyada Sacuudiga. Mid ka mid ah weeraradan ayaa ka dhacay magaalada meel u dhow masjidka Nebiga NNKH ee Medina oo ka mid ah meelaha ugu barakeysan dhulka Islamka, iyadoo weliba lagu jiro xilli Ramadaan ah. Laba ka mid ah weeraradan oo u muuqday kuwo abaabulnaa waa ay guul dareysteen, laakiin kii saddexaad ayaa waxaa ku dhintay afar qof. Cidina weli ma aysan sheegan laakiin dadka wax odorosa ayaa la xiriirinaya kooxaha argagixisada. Hadaba Wariyeenna Xuseen Barre Aaden ayaa weeraradaasi ka wareystay Axmed Aaden Dagaal Axmed Safiina oo ku suggan magaalada Makka ee Boqortooyada Sacuudiga.  

from VOA http://ift.tt/29lqxCP
via IFTTT

Gargaar ka Yimid Turkey oo Gaaray Gaza

Baabuur xamuul ah oo sida 10,000 oo tan oo gargaar ah oo ka yimid dalka Turkiga ayaa billaabay inay yimaadaan magaalada Gaza.

from VOA http://ift.tt/29g4Nag
via IFTTT

Monday, July 4, 2016

Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Masjidka Nabiga NNKH

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meel u dhow masjidka barakaysa xaramka ee magaalada Medina. Wasaaradda arrimaha gudahu waxay sheegtay in afar ka tirsan ciidamada amniga ay dhinteen, 5 kalena ay dhaawacmeen.

from VOA http://ift.tt/29i6atU
via IFTTT

Museveni: Somalia Waan Joogaynaa Haddii..

Madaxweynaha Yuganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in qorshe xumo ay haysato istiraatiijyada howlgalka AMISOM, isagoo sheegay in aanu ciidankiisa la bixi doonin haddii howlgalka AMISOM jihada saxda ah UU abaaro, oo ay ka mid tahay dib u dhiska ciidanka Somalia

from VOA http://ift.tt/29kBW5A
via IFTTT

Al-Shabaab oo Afar Qof ku Dishay Galcad

Dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA in afar qof oo deegaanka ah ay Al-Shabaab ay dileen kuwaasi oo ilaale ka ah shirkado ganacsi oo deegaanka ku yaalay.

from VOA http://ift.tt/29IibVk
via IFTTT

Soomaaliya oo Looga Diyaargaroobayo Ciida

Iyadoo wax ka yar 48 saacadood ay ka harsantahay ciidul fitriga ayaa waxaa diyaar garowga ciidda laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee guud ahaan dunida Muslimka.  Meelaha laga dareemayo ciidda waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Sidoo kale, Magaalada Boosaaso ee Somalia ayaa diyaargarowga iyana laga dareemayaa diyaargarowga ciidda. Wariyeyaasheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle iyo Faadumo Yaasiin Jaamac, ayaa warbixinno nooga soo kala diray Muqdisho iyo Boosaaso.  

from VOA http://ift.tt/29duAUx
via IFTTT

Warbixin: Habka Soo Xuliska Ergooyinka Doorashada

Madaxda Madasha Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in ergooyin tiradoodu dhan tahya 14, 025 ay soo doortaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood.

from VOA http://ift.tt/29sVPby
via IFTTT

Qaxootiga Syria ee USA Imanaya Oo Kordhay

Tirada qaxootiga Suuriyaanka ah ee Marykanka soo galay bishii June, ayaa ku laba jibbaarantay tirada bilihii hore ee la soo dhaafay ee dib u dejinta loogu sameeyay dalkan Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/29gNhb0
via IFTTT

Jeddah: Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Qunsuliyadda USA

Wasaaradda Arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay maanta in nin isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Jeddah.

from VOA http://ift.tt/29gMtQk
via IFTTT

Sunday, July 3, 2016

Kenya oo 150 Qoys ku Celisay Somalia

In ka badan 150 qoys oo ka mid ahaa qaxootiga Sooomaalida ee Dhadhaab ayaa shalay Kenya dib ugu celisay Somalia. Dadkan oo ka soo talaabay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay u sii kala gudbeen gobollo kale.

from VOA http://ift.tt/29eIG6i
via IFTTT

Wicitaanka: Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Cumar

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo ka tirsan Masjidka Abubakar Assidiq ee gobolka Minnesota

from VOA http://ift.tt/29EvwhA
via IFTTT

Baghdad: Weeraro Dilay ugu Yaraan 80 Qof

Labao weerar oo is-miidaamin ah ayaa dilay ugu yaraan 80 qof halka ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen in ka badan 130 qof oo kale.

from VOA http://ift.tt/29h7p8I
via IFTTT

Saturday, July 2, 2016

Somalia: Weerar ayaan ku Qaadaynaa Shabaab

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la go'aansaday in la dedejiyo hawlgal ka dhan ah Al-Shabab oo ay qeyb ka yihiin barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka, taas oo ay ku doonayaan baabi'inta argagixisada.

from VOA http://ift.tt/299NTJQ
via IFTTT

Cawayska Washington: Nuur Daalacay

Ku soo dhowaada barnaamijka Cawayska Washington oo aad kaga bogan doontaan sheekooyin Xiisa leh iyo weliba waraysi aan la yeelanay Fanaanka Nuur Daalacay.

from VOA http://ift.tt/29jNSqu
via IFTTT

Warbixinta Aqalka Cad ee Drones-ka

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sii daayay warbixin muddo dheer laga sugayay oo ku saabsan dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay weerarada meelaha furimaha ka baxsan ay ka fuliyeen dayuuradaha aaney cidina wadin ee Droneka ee Mareykanka.

from VOA http://ift.tt/29dPSP2
via IFTTT

Taliban oo Maraykanka Fariin u Dirtay

Madaxa cusub ee ururka Taalibaan ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu soo afjaro wuxuu ugu yeeray xoogga uu ku heysto, isagoo sheegay inay ka go'antahay inay ka badbadiyaan Afghanistan wuxuu ugu yeeray "Waxyeelada kuwa aan Muslimiinta aheyn ee Khiyaanada ku haya.

from VOA http://ift.tt/29k0S0h
via IFTTT

Pantagon: Waxaan Dilnay Labo Abbaanduule

Afhayeenka Wasaaradda Peter Cook ayaa sheegay in Maraykanku uu duqeyn ku dilay Basim Muhammad Ahmad Sultan al-Bajari oo ahaa kuxigeenka wasiirka dagaalka iyo Hatim Talib al-Hamduni oo ahaa abaanduule ciidan oo labaduba ururka ISIS ka tirsanaa

from VOA http://ift.tt/29dMoMt
via IFTTT

Ciidamada Bangladesh oo ka Hadlay Weerarkii Makhaayadda

Waxaa shalay weerar lagu qaaday makhaayad ay inta badan ka cunteeyaan dadka ajnebiga ah, halkaas oo kooxdii weerarka geysatay ay gudaha makhaayaddaas ku qabsatay dadkii ku sugnaa.

from VOA http://ift.tt/29jY0jX
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhowaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa innala socodsiinaya Falastiin Axmed Iimaan iyo Nuur Bukhaari.

from VOA http://ift.tt/29dMaoM
via IFTTT

Friday, July 1, 2016

Madaafiic Xalay Dad ku Dishay Magaalada Baydhabo

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraro madaafiic ah ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Bay, halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo uu ilmo yari ku jiro.

from VOA http://ift.tt/29bHYGY
via IFTTT

Mareykanka oo Soomaaliya Ugu Hambalyeeyey 1-da July

Dowladda Mareykanka, ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ugu hambalyeysay 56 sana guuradii ka soo wareegatay markii Soomaaliya ay xurnimada qaadatay, kowdii July ee 1960-kii.

from VOA http://ift.tt/29fFdER
via IFTTT

Madaxweyne Xasan oo Baaq u Jeediyey Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaq nabadeed u jeediyey maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/29aErYG
via IFTTT

Soomaaliya oo Laga Xusay Maalinta Xoriyadda

Meelo badan oo Soomaaliya ah waxaa maanta looga dabbaal degayaa 56 guuradii kasoo wareegtay maalinta xorriyadda ay qaateen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

from VOA http://ift.tt/299Qczu
via IFTTT

Weerar ka Dhacay Kenya oo 6 Qof Lagu Dilay

Ugu yaraan lix qof ayaa geeriyootay markii rag hubeysan ay maanta xabado ku fureen laba baabuur rakaabmeel u dhow xududda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

from VOA http://ift.tt/29fNsCE
via IFTTT