Thursday, May 31, 2018

Amnesty: Ethiopia ha kala dirto Liyu Boolis

Hay'adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, sababo ay ku sheegtay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada.

from VOA https://ift.tt/2J51h4n
via IFTTT

Dibadbaxyo maanta ka dhacay Nairobi

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo musuqmaasuqa Kenya, kadib markii ay soo baxday in 100 malyuun oo dollar oo hantida dadweynaha ah la xaday. Shaqaale ka tirsan dowladda iyo ganacsato ayaa lagu eedeeyay inay lacagtan xadeen. Warbixintan kooban waxaa Nairobi ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.  

from VOA https://ift.tt/2LNjiWH
via IFTTT

Assad oo wada-hadal diyaar u ah

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in ay wadahadallo la furto Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya ee uu Mareykanka taageero, balse ay xoog kula wareegi doonaan dhulka ay kooxdaasi maamusho haddii ay guuldarreystaan wadahadalladaasi. Wareysi uu siiyay TV-ga caalamiga ah ee taageera dowlada Ruushka ee Russia Today, ayuu Assad ku sheegay in dhibaatada kaliya ee ku hartay Suuriya hadda ay tahay Isbaheysiga Carabta iyo Kurdiyiinta ee maamula qeybo ka mid ah waqooyiga iyo Bariga Suuriya. Wuxuu cambaareeyay Dowlada Mareykanka, isaga oo yiri "Dowlada Suuriya waxaa waajib ka saaran xoreynta dhulkeeda, Ameerikaankuna waa in ay baxaan."   Ciidamada Mareykanka ayaa saldhig milatari ku leh dhinaca waqooyi-bari ee Suuriya, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan Kurdiyiinta Suuriya, iyaga oo tababarro iyo taageeraba siiya maleeshiyaadka Kurdishka ah. Waxaa kale oo ay halkaasi ka fuliyaan weeraro dhinaca cirka ah oo ay ku beegsadaan maleeshiyaadka xiririka la leh Daacish ee ka dagaallama Suuriya iyo Ciraq.  

from VOA https://ift.tt/2J7F6dx
via IFTTT

Kenya oo ka cabsi qabta weeraro Al-Shabaab

Booliska iyo hay'addaha amniga Kenya ayaaa shalay sheegay in maleeshiyo badan oo ka tirsan al-Shabaab ay isku-uruursanayaan deeggaanada u dhow xadka Kenya iyo Somalia.

from VOA https://ift.tt/2skqykr
via IFTTT

Masar: Salah wuu cayaarayaa koobka adduunka

Xiriirka kubadda cagta Masar ayaa sheegay in xaalada Mohamed Salah ay soo hagaageyso, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulamo ka mid ah saddexda ciyaar ee uu xulka Masar ka dheeli doono wareega koowaad ee koobka aduunka, bish soo socota. Salah, ayaa garabka ka kala baxay inti ay socotay ciyaar ay kooxda Liverpool la dheeshay Real Madrid toddobaad ka hor. Ciyaartaas ayaa aheyd finalka koobka kooxaha horyaalada Yurub. Dhaqtarka kooxda qaranka Masar oo la kulmay Salah ayaa sheegay in laacibkan 25 jirka ah uu diyaar noqon doono muddo saddex toddobaad ah kadib. Kulanka hore ee xulka Masar ee koobka aduunka ayaa dhici doona 15-ka June, waxay la dheeli doonaan Uruguay. Ciyaartaas ayay u badantahay inuu seegi doono, kulanka xiga waxay 19-ka June la ciyaari doonaan kooxda qaranka Russia, halka kulanka ugu danbeeya ay 25-ka June la dheeli doonaan Saudi Arabia.     

from VOA https://ift.tt/2xvFxNH
via IFTTT

Lampard oo loo magacaabay macallinka Derby

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea iyo xulka England, Frank Lampard ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Derby County oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska. Lampard wuxuu sheegay in shaqada loo magacaabay aysan noqon doonin mid fudud, kadib marki uu saxiixay heshiis saddex sana ah. Wuxuu noqday macallinki todobaad ee ay Derby magacawdo muddo saddex sano gudahood. Lampard, oo ah 39 jir, wuxuu intiisa badan waayihiisii ciyaareed lasoo qaatay Chelsea. Ka hor magacaabistan, wuxuu mid ka mid ah taleefishinada dalka UK u ahaa fallanqeeya cayaareed.  

from VOA https://ift.tt/2LGoFXz
via IFTTT

Xiriirka Mareykanka iyo Pakistan oo sii xumaanaya

Pakistan ayaa sheegtay inay dib u qiimeyneyso xiriirka xun ee kala dhaxeeya Mareykanka, tallaabadaas oo ah mid hoggaamin karta inay jarto waddooyinkaa ciidamada Mareykanka ay agabka u marsiistaan dalka Afghanistan ee dalkeeda ka baxa.

from VOA https://ift.tt/2xrQkrW
via IFTTT

ICRC oo dhaqaatiir u diraysa magaalada Gaza

Hay'adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa Arbacadi shalay ku dhawaaqday in ay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin u direyso koox dhaqaatiir dhinaca qalliinka ah, si ay uga jawaabto baahi dhinaca caafimaadka ah oo aad u daran oo ka jirta halkaasi. Hay'adda ICRC waxay sheegtay in khubarradan caafimaad ee ay u direyso Gaza ay xooga saari doonaan, sidii ay u daweyn lahaayeen dadka qaba dhaawacyada rasaasta ah, ee dhawaan ku dhaawacmay isku-dhacyadii ka dhacay xadka Gaza iyo Israel. Dhaqaatiirtan ayaa ka shaqeyn doona Gaza muddo lix bilood ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah. Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 115 ruux oo Falastiiniyiin reer Gaza ah tan iyo bishii March, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah. Israel waxay rabshadaha xadka ku eedeysay in ay ka danbeeyaan Ururka Xamas. Rabshadihi ka jiray dhinaca xadka ayaa hoos u dhacay Arbacadi kadib marki ay saraakiisha Falastiin sheegeen in ay Israel la gaareen heshiis xabad joojin ah oo ay dhex-dhexaadisay dowlada Masar. Israel ma aysan xaqiijin heshiiskaasi.    

from VOA https://ift.tt/2LK7LY4
via IFTTT

Wednesday, May 30, 2018

Nairobi: Farmaajo iyo Uhuru oo Kulmay

Madaxweynayeyaasha wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo kullan ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay arrimaha muranka badan dhaliyay ee xuduudaha labada dal iyo sidoo kale la dagaalanka arggagixisada.

from VOA https://ift.tt/2IXAvP7
via IFTTT

Qubanaha VOA, May 31, 2018



from VOA https://ift.tt/2LagcKT
via IFTTT

Muhaajiriin laga keenay Libya oo Muqdisho yimid

Qaybtii saddexaad ee muhaajiriin Soomaali ah, oo laga soo celiyey dalka Libya, ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay keentay diyaarad lasoo kireeyey. Muhaajiriintan Soomaalida ah ayaa markii ay garoonka Muqdisho soo gaareen waxaa qaabilay madax ka tirsan dawladda Soomaaliya. Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan noo soo diray.  

from VOA https://ift.tt/2xtKuGA
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 423-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 423-aad.​      

from VOA https://ift.tt/2sk5tGM
via IFTTT

Muqdisho: 3 qof oo dil toogasho lagu xukumay

Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex nin oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, oo ka dambeeyey weerarkii hotel Naasa Hablood 2.

from VOA https://ift.tt/2JgRYS8
via IFTTT

Maxaa ugu wacan weerarada Muqdisho?

Dilal loo gaysanayo xubno ka tirsan ciidamada dawladda, odayaal, shaqaalaha xafiisyada iyo dad rayid ah, ayaa malamihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho. Dilalka iyo weeraro daba socda ayaa waxa ay kordheen bisha Ramadaan. Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa sheegtay mas'uuliyadda weeraradan. Haddaba maxay tahay sababta dilalku uga sii socdaan magaalada Muqdisho, iyadoo dawladdu diyaarisay ciidamo badan oo kuwa amniga ah? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.  

from VOA https://ift.tt/2L51pRM
via IFTTT

Liiska xiddigaha Senegal ee koobka adduunka

Tababaraha xulka kubadda cagta dalka Senegal, Aliou Cissé ayaa doortay cayaartoyda dalkiisa uga qeyb-galeysa koobka adduunka oo 14-ka bisha June ka dhacaya dalka Ruuska, waxaana ka mid ah xiddigo caan ah horyaalada Yurub. Gool-hayeyaasha: Khadim Ndiaye (Horoya AC), Abdoulaye Diallo (Rennes), Alfred Gomis (Torino) Daafacyada: Kara Mbodji (Anderlecht), Kalidou Koulibaly (Napoli), Moussa Wague (Eupen), Saliou Ciss (Angers), Youssouf Sabaly (Bordeaux), Lamine Gassama (Alanyaspor), Armand Traore (Nottingham Forest), Salif Sane (Hannover 96) Qad-dhexleyaasha: Pape Alioune Ndiaye (Stoke), Idrissa Gueye (Everton), Cheikhou Kouyate (West Ham), Cheikh N'Doye (Birmingham) Weeraryahanada: Sadio Mane (Liverpool), Diao Balde Keita (Monaco), Ismaila Sarr (Rennes), Diafra Sakho (Rennes), Moussa Konate (Amiens), Mame Biram Diouf (Stoke), Mbaye Niang (AC Milan).

from VOA https://ift.tt/2srb6SK
via IFTTT

Man United oo u dhow saxiixa Diogo Dalot

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhow saxiixa cayaaryahanka garabka midig ee daafaca uga cayaara kooxda Porto, Diogo Dalot. Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya garable beddel u noqda cayaaryahan Antonio Valencia oo da'du ay ka daba timid, halka Matteo Darmian la filayo inuu ku biro Juventus. Dalot, oo 19 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu leeyahay heshiis nasakh dhan 20 milyan oo Euro, kaasi oo haddii kooxda United ay bixiso ay lasoo wareegi karto. Laacibkan ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay kooxda Porto bishii Febraayo, waxaana hadda uu doonaya inuu ku biiro macallinka ay isku waddanka yihiin ee Jose Mourinho. Heshiiska ayaa la filayaa in lasoo geba-gebeeyo maalmaha soo socda.

from VOA https://ift.tt/2sp4pll
via IFTTT

Ciidamada Israel oo duqeeyey Gaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka iyo kuwa qumaatiga u kaca ay duqeyn cusub xalay ku qaadeen bartilmaameedyo ay koxoda Xamas ku leedahay Marinka Gaza.

from VOA https://ift.tt/2IWEQhG
via IFTTT

Kashmir: Pakistan iyo India oo heshiis gaaray

India iyo Pakistan ayaa maanta isku raacay in la dhaqan-geliyo heshiiskii xabad joojinta 2003 ee laga gaaray gobolka Kashmir, taasi oo soo geba gebeeneysa bilo isku dhacyo ah oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen.

from VOA https://ift.tt/2H3lC88
via IFTTT

Tuesday, May 29, 2018

Abwaano Nabadeyn u Tagey Ceel-afweyn

Koox Abwaanno ah oo si iskood ah isu abaabulay ayaa degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ka wada dadaallo ay ku dhex-dhexaadinayaan laba beelood oo walaala ah oo in muddo ah ku dagaallamayey halkaasi.

from VOA https://ift.tt/2soMJFt
via IFTTT

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo la dhaariyey

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dhaarieyy guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed.

from VOA https://ift.tt/2soAxV0
via IFTTT

Daroogada iyo Soomaalida Canada

 

from VOA https://ift.tt/2kxgoZx
via IFTTT

Dilalka qorsheysan oo ku sii kordhaya Muqdisho

Bishan Ramadaan waxaa kordhay dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo ciidamada amniga, odayaasha, shaqaalaha dawladda, ganacsatada iyo rayidka kaleba, ee magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2sqOaU2
via IFTTT

Daacish oo weerar ka fulisay gobolka Bari

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish ayaa xalay waxa ay weerareen tuulada Canjeel oo u dhow magaalada Qandala ee gobolka Bari.

from VOA https://ift.tt/2sf3lAe
via IFTTT

Afduubyo la sheegay in ka socdaan Libooyo

Xildhibaanbada laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa aad uga walaacsan afduub lagu eedeeyey in ciidamada ammaanka Kenya ay u geysteen in ka badan 10 ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka Libooyo ee degmada Dhadhaab. Dadkaasi ayaa illaa iyo hadda la garanaynin meel ay ciidamadu la aadeen. Dhacdadii ugu dambaysay ayaa maalintii sabtida ee la soo dhaafay waxaa ay ka dhacday deegaanka Liibooyo halkaasi oo ay xoogag loo malaynayo inay yihiin ciidamada ammaanka oo wajiyada soo duubtay islamarkaana watay gaadiid leh summadda dowladda ay ku afduubteen mid kamid ah culimada deegaankaasi. Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in iskuulladii ay xirmeen. Warbixintan waxaa noo soo diray Maxamed Faarax Shire.  

from VOA https://ift.tt/2H0ROcm
via IFTTT

Liiska xulka Nigeria ee koobka adduunka

Tababare Gernot Rohr, ayaa magacaabay liis ka kooban 30 cayaaryahan oo laga xuli doono xiddigaha dalka Nigeria uga qeyb galaya koobka adduunka. Liiskan oo la filayo in laga soo reebo 23 cayaartoy, ayaa waxaa xiddiga ku jira ay kala yihiin:- Gool-hayeyaasha: Francis Uzoho (Deportivo La Coruna, Spain), Ikechukwu Ezenwa (Enyimba), Daniel Akpeyi (Chippa United, South Africa), Dele Ajiboye (Plateau United). Daafacyada: Abdullahi Shehu (Bursaspor, Turkey), Tyronne Ebuehi (ADO Den Haag, the Netherlands), Olaoluwa Aina (Hull City, England), Elderson Echiejile (Cercle Brugge, Belgium), Bryan Idowu (Amkar Perm, Russia), Chidozie Awaziem (Nantes, France), William Ekong (Bursaspor, Turkey), Leon Balogun (Mainz, Germany), Kenneth Omeruo (Kasimpasa, Turkey), Stephen Eze (Lokomotiv Plovdiv, Bulgaria). Qad-dhexleyaasha: Mikel John Obi (Tianjin Teda, China PR), Ogenyi Onazi (Trabzonspor, Turkey), Wilfred Ndidi (Leicester City, England), Oghenekaro Etebo (Las Palmas, Spain), John Ogu (Hapoel Be'er Sheva, Israel), Uche Agbo (Standard Liege), Joel Obi (Torino, Italy), Mikel Agu (Bursaspor, Turkey). Weeraryahanada: Ahmed Musa (CSKA Moscow, Russia), Kelechi Iheanacho (Leicester City, England), Moses Simon (Gent, Belgium), Victor Moses (Chelsea, England); Odion Ighalo (Changchun Yatai, China PR), Alex Iwobi (Arsenal, England), Junior Lokosa (Kano Pillars); Simeon Nwankwo (Crotone, Italy).  

from VOA https://ift.tt/2IRACvE
via IFTTT

Liverpool oo lasoo wareegtay Fabinho

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa soo geba gebeysay saxiix ku kacaya 43.7 milyan oo gini oo ay kula soo wareegtay cayaaryahankii qadka dhexe ee kooxda Monaco, Fabinho. Xiddiga reer Brazil ayaa saxiixay qandaraas afar sano ah. 24 jirkan, oo afar kulan u saftay dalka Brazil, ayaa si rasmi ah ugu biiri doono naadiga Liverpool, 1-da bisha July, kadib markii uu si guul leh shalay u maray caafimaadka kooxdiisa cusub. Liverpool ayaa bixisay 39.3 milyan oo gini, waxayna sidoo kale bixin doontaa 4.4 milyan oo gini, oo la xiriira hab cayaareed wanaagga laacibkan. Tababaraha koxoda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa aaminsan in Fabinho uu leeyahay awood cayaareed oo uu boosas badan ugu buuxin karo kooxda Liverpool. Ka sokow qadka dhexe, Fabinho wuxuu ka cayaari karaa garabka midig ee daafaca.  

from VOA https://ift.tt/2xkKad6
via IFTTT

Israel oo sheegtay in laga soo weeraray Gaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in mintidiin ku sugan Marinka Gaza ay 25 hoobiye maanta kusoo tureen dhowr goob oo ku yaalla Koonfurta Israel.

from VOA https://ift.tt/2IVMg4x
via IFTTT

Monday, May 28, 2018

Duufaan Garaacday Xeebaha Florida

Duufaanta loogu magac daray Alberto, oo ah tii ugu horreysay ee sannadkaan 2018 ka dhacdo Mareykanka, ayaa Isniinti shalay garaacday xeebta Laguna ee gobolka Florida.

from VOA https://ift.tt/2shPQ2L
via IFTTT

Sheekh Shaakir oo ka hadlay xiisadda Galmudug

Madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in khilaaf uusan jirin, gaashaankana u daruuray baaq uga yimid dowladda oo ahaa inay shir lagu xalyinayo khilaafka isugu yimaadaan.

from VOA https://ift.tt/2JbJMTe
via IFTTT

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Muuse Biixi

Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey shir jaraa'id oo maalintii sabtidii uu qabtay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi oo shirkaasi jaraa'id kaga hadlay dagaallada ka dhacayey degaanka Tukaraq, ayaa sheegay in dagaalkaas ay soo qaadday dawladda federaalka ee Soomaaliya. Warbixintan waxaa Garoowe nooga soo diray Nuux Muuse Birjeeb.  

from VOA https://ift.tt/2xikVrS
via IFTTT

Sanad kadib xiisadda Khaliijka iyo Soomaaliya

Toddobaadka dambe ayey ku buuxdaa sannad markii waddamada Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraadka iyo Masar ay cunaqabatayn go'doomin kusoo rogeen dalka Qadar iyaga oo ku eedaynaya in waddankaasi uu taageero argagixisada. Qadar ayaa iyadu beenisay eedayntaasi. Waxay kaloo diiday dalabaad uga yimid waddamada ay deriska yihiin oo ahaa inay xirto telefiishanka Al-Jazeera. Dhinaca kale, khilaafka siyaasadeed ee gacanka waxa uu si weyn u saameeyey waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay. Maxamed Cabdi Xasan ayaa arrrimahan ka waraystay Maxamed Cali Biixi oo ah Saxafi ku nool magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Careebiya.  

from VOA https://ift.tt/2ISSTsA
via IFTTT

Sharci ma tahay xil ka-qaadista guddoomiyaha Maxakamdda Sare?

Muxuu sharciga iyo dastuurka Soomaaliya ka qabaa xil ka-qaadista uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyey guddoomiyihii maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan?

from VOA https://ift.tt/2sl6HB1
via IFTTT

50 qof oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen Awdal

Mas'uuliyiinta gobolka Awdal ayaa rasmi ahaan u xaiijiyey in warbixinta horhdaca ah ee la sameeyey ay muujinayso in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen gobolkaasi, kadib roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkii hore da'ay. Dhinaca kale maamulka ayaa la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu gurman lahaa dadka ku hanti belay duufaantaas sagaar. Weriyahayaga Haashim Sheekh Cumar Goot ayaa arrimahan ka waraystay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo maalmahan ku maqnaa deegaanada degmooyinka waxyeelada ugu badani ka soo gaadhay duufaanka, iyo kulan dhexmaray isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Somalia oo Boorama yimid.  

from VOA https://ift.tt/2IV3NtM
via IFTTT

Liiska cayaartoyda Germany ee koobka adduunka

Tababaraha xulka kubadda cagta Jarmalka, Joachim Löw ayaa magacaabay liiska 27-ka cayaartoy ee horudhac ah ee dalkaas uga qeyb-galaya koobka adduunka ee bisha June ka furmaya dalka Ruushka. Liiskan ayaa ka filayaa in laga soo reebo 23 cayaaryahan. Haddaba hoos ka aqriso magacyadooda. Gool-hayeyaasha: Bernd Leno (Bayer Leverkusen), Manuel Neuer (Bayern Munich), Marc-Andre ter Stegen (Barcelona), Kevin Trapp (Paris Saint-Germain). Daafacyada: Jerome Boateng (Bayern Munich), Matthias Ginter (Borussia Monchengladbach), Jonas Hector (FC Cologne), Mats Hummels (Bayern Munich), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Marvin Plattenhardt (Hertha Berlin), Antonio Rudiger (Chelsea), Niklas Sule (Bayern Munich), Jonathan Tah (Bayer Leverkusen). Qad-dhexleyaasha: Julian Brandt (Bayer Leverkusen), Julian Draxler (Paris Saint-Germain), Leon Goretzka (Schalke 04), Ilkay Gundogan (Manchester City), Sami Khedira (Juventus), Toni Kroos (Real Madrid), Mesut Ozil (Arsenal), Marco Reus (Borussia Dortmund), Sebastian Rudy (Bayern Munich), Leroy Sane (Manchester City). Weeraryahanada: Mario Gomez (VfB Stuttgart), Thomas Muller (Bayern Munich), Nils Petersen (SC Freiburg), Timo Werner (RB Leipzig).  

from VOA https://ift.tt/2J8BbjZ
via IFTTT

Liiska cayaartoyda Masar ee koobka adduunka

Waxaa la magacaabay liiska 29 cayaaryahan oo horudhac ah, oo dalka Masar uga qeyb galaya koobka aduunka ee bisha dambe furmaya. Tababare Héctor Cúper ayaa la filayaa inuu liiska kasoo reebo 23 cayaartoy. Haddaba hoos ka aqriso magacyada. Gool-hayeyaasha: Essam El-Hadary (Al Taawoun), Mohamed El-Shennawy (Al Ahly), Sherif Ekramy (Al Ahly), Mohamed Awad (Ismaily). Daafacyada: Ahmed Fathi (Al Ahly), Saad Samir (Al Ahly), Ayman Ashraf (Al Ahly), Mahmoud Hamdy (Zamalek), Mohamed Abdel-Shafy (Al Fath) Ahmed Hegazi (West Brom), Ali Gabr (West Brom), Ahmed Elmohamady (Aston Villa), Karim Hafez (RC Lens), Omar Gaber (LAFC), Amro Tarek (Orlando City). Qad-dhexleyaasha: Tarek Hamed (Zamalek), Mahmoud Abdel Aziz (Zamalek), Shikabala (Al Raed), Abdallah Said (KuPS), Sam Morsy (Wigan), Mohamed Elneny (Arsenal), Kahraba (Ittihad), Ramadan Sobhi (Stoke City), Mahmoud "Trezeguet" Hassan (Kasimpasa), Amr Warda (Atromitos). Weeraryahanada: Marwan Mohsen (Al Ahly), Ahmed Gomaa (Al Masry) Ahmed "Koka" Mahgoub (SC Braga), Mohamed Salah (Liverpool).  

from VOA https://ift.tt/2L3LzqB
via IFTTT

Suleymaan: Sharci ma ahan xil ka-qaadisteyda

Gudgoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya ee xilka laga qaaday, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa u sheegey VOA in uu isagu wali yahay guddoomiyaha maxkamada sare, islamarkaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil ka-qaadistiisa.

from VOA https://ift.tt/2IQzJDC
via IFTTT

Sunday, May 27, 2018

Wareysi: Gudoomiyaha Maxkamada Sare

Gudoomiyaha Maxkamada Sare: Sharci looma Marin Xil-Ka Qaadisteyda

from VOA https://ift.tt/2IUry9y
via IFTTT

Madaxweyne Farmajo oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiya Maxkamadda Sare

War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, isla markaana xilkaasi loo magacaabay Baashe Yuusuf Axmed.

from VOA https://ift.tt/2GU3QEn
via IFTTT

Libya: Tahriibayaal Baxsaday

Goobta ay dadkani ka baxsadeen ayaa ku taala magaalada Bani Waliid, waxaana arrintan ka dhashay in kooxaha wax tahriibiyaa ay rasaas ku fureen dadkii baxday iyaga oo dhowr qof dilay qaar kalena dhaawacay.

from VOA https://ift.tt/2scF3qH
via IFTTT

Faahfaahinta Khilaafka Galmudug

Khilaafkii hore ayaa salka ku hayey go'aankii la xiriiray mowqifka dawladda ee dawladda ee khilaafka Gacanka, hase yeeshee kan ayaa la xiriira heshiiska awood-qaybsiga ah lala gaadhay ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

from VOA https://ift.tt/2ITdUzo
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Waxbarashada ee Dawladda Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan

from VOA https://ift.tt/2s7N3Jt
via IFTTT

Afghanistan: Qarax Dilay ugu Yaraan 8

Afhayeen u hadlay dowladda Afgsnatan ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay degmada Nad Ali ee gobolka Helmand aroornimadi hore ee Axada maanta ah.

from VOA https://ift.tt/2scS4k1
via IFTTT

Ghaza: Labo ku Dhintay Duqeynta Israel

Ugu yaraan 118 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa waxa dilay ciidanka Israel tan iyo markii bishii March ay biloowdeen banaanbaxyo ay xadka Israel iyo Ghaza ka sameeyeen kumanaan reer Falastiin ah.

from VOA https://ift.tt/2GUSLCX
via IFTTT

Saturday, May 26, 2018

Jabuuti: Xildhibaanno Eedeyey Dowladda

Qaar ka mida xil dhibaanada mucaaridka ee baarlamanka Jabuuti aya ku dhaliiley dowladda Jabuuti sidey u maareysey dhibaatooyinka biyaha fadhiya magaalada ee ay kaga tageen roobabki dhawaanta ku da'ay

from VOA https://ift.tt/2GSrFfX
via IFTTT

Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jacfar Maxamed Kuukaay.

from VOA https://ift.tt/2GSfgIL
via IFTTT

Barnaamijka Martida Makrafoonka: C/raxman Saylaci

Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa marti noogu ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici.

from VOA https://ift.tt/2J6jvWi
via IFTTT

Galmudug: Khilaaf ka Dhashay Heshiiskii March

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay Cadaado ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid la dhoodhaabay.

from VOA https://ift.tt/2xe9ku1
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa duufaankii dhawaan ka dhacay xeebaha Somalia ee keenay dhimashada iyo burburka, iyada oo sidoo kalena aan kaga hadli doono dagaalada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland

from VOA https://ift.tt/2INDtWy
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inala socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2IQhU3F
via IFTTT

Friday, May 25, 2018

Faaqidaadda Toddobaadka: Aayaha Gobolka Sool

Dagaal culus ayaa shalay mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Labadan dhinac ayaa muddo isku hayey gobolka Sool. Haddaba muxuu yahay aayaha gobolka?  Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxaana ka qeyb-galaya aqoonyahanada kala ah: Professor Axmed Maxamed Ismaaciil, oo ka tirsan Suni Dutchess Community College,oo qayb ka ah State University of New York, waxa uu hada ku suganyahay Windsor, Canada. Maxamed Aadan Tarabi, oo jooga Chicago, Mareykanka, Axmed Nuur Qodax oo jooga Minneapolis, Mareykanka iyo Caynaanshe Cabdiraxmaan, Calgary, Canada. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Jaamac Buulle Jaamac.  

from VOA https://ift.tt/2J8eht9
via IFTTT

Mareykanka oo weerar ka fuliyey duleedka Muqdisho

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya dowlada federaalka Soomaaliya ayaa fuliyey weeraro dhanka cirka ah, oo lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyaadka Al-shabaab.

from VOA https://ift.tt/2LqDLQF
via IFTTT

Magacyada xulka England ee koobka adduunka

Tababaraha xulka Ingiriiska, Gareth Southgate ayaa ku dhawaaqay liiska magacyada cayaartoyda dalkaas uga qeyb-galaya koobka adduunka ee bisha June 14-keeda ka furmay dalka Ruushka, waxayna kala yihiin:- Gool-hayeyaasha: Jordan Pickford (Everton), Jack Butland (Stoke City), Nick Pope (Burnley). Daafacyada: Kyle Walker (Manchester City), John Stones (Manchester City), Harry Maguire (Leicester City), Danny Rose (Tottenham), Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ashley Young (Manchester United), Gary Cahill (Chelsea), Phil Jones (Manchester United), Kieran Trippier (Tottenham). Qad-dhaxleyaasha: Jordan Henderson (Liverpool), Eric Dier (Tottenham), Dele Alli (Tottenham), Jesse Lingard (Manchester United), Raheem Sterling (Manchester City), Ruben Loftus-Cheek (Crystal Palace), Fabian Delph (Manchester City). Weeraryahanada: Harry Kane (Tottenham), Jamie Vardy (Leicester City), Marcus Rashford (Manchester United), Danny Welbeck (Arsenal).  

from VOA https://ift.tt/2LszPip
via IFTTT

Magacyada xulka Brazil ee koobka adduunka

Tababaraha xulka kubadda cagta Brazil Adenor Leonardo Bacchi, oo loo yaqaan Tite ayaa shaaca ka qaaday magacyada xidigaha dalkaas ee ka qeyb gali doona koobka kubadda cagta adduunka. Dalka Brazil oo ka mid waddamada loo saadaalinayo koobka, ayaa isku haleyn doona cayaartoyda hoos ku xusan. Gool-hayeyaasha: Alisson (Roma), Ederson (Manchester City), Cassio (Corinthians). Daafacyada: Miranda (Inter Milan), Marquinhos (Paris Saint-Germain), Thiago Silva (Paris Saint-Germain), Geromel (Gremio), Marcelo (Real Madrid), Fagner (Corinthians), Danilo (Manchester City), Filipe Luis (Atletico Madrid). Qad-dhaxleyaasha: Casemiro (Real Madrid), Fernandinho (Manchester City), Paulinho (Barcelona), Renato Augusto (Beijing Guoan), Philippe Coutinho (Barcelona), Willian (Chelsea), Fred (Shakhtar Donetsk). Weeraryahanada: Neymar (Paris Saint-Germain), Gabriel Jesus (Manchester City), Firmino (Liverpool), Taison (Shakhtar Donetsk), Douglas Costa (Juventus).

from VOA https://ift.tt/2J8ROMv
via IFTTT

Qarax ka dhacay maqaayad ku taalla Canada

Booliiska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla gobolka Ontario kadibna ay aalad ku qarxiyeeen.

from VOA https://ift.tt/2saFWiw
via IFTTT

Thursday, May 24, 2018

Duufaanno Kusoo Socda Xeebaha Soomaaliya

Duufaanno hor leh oo roobab wata ayaa la sheegayaa inay mar kale kusoo socdaan Soomaaliya, waxaana dabaylaha ugu soo horreeya laga dareemi karaa xeebaha Waqooyi Bari maanta.

from VOA https://ift.tt/2saDpVv
via IFTTT

Trump oo joojiyey kulankii Kim Jong Un

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyey kulan la qorsheeyey inuu 12-ka bishan dalka Singapore kula yeesho madaxweynaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un.

from VOA https://ift.tt/2s7Bzot
via IFTTT

Fannaanadda Faadumo Axmed Dhimbiil oo geeriyootay

Rabbi naxariistiisa jano ha ka waraabiyee waxa dalka Turkiga xalay ku geeriyootay fanaanadii caanka ahayd ee reer Djibouti Faadumo Axmed Dhimbiil. Faadumo Axmed Dhimbiil ayaa in muddo ah fanka Soomaalida ku soo dhex jirtay, iyada oo horey u qaaday heeso badan. Maalmihii u danbeeyey fanaanadu waxay ku sugnayd dalka Turkiga oo ay hadda ku geeriyootay. Ibrahim Xassan Dandureey ayaa geeriyada fanaanadan iyo taariikhedeeda ka wareystay , Fanaaniinta reer Djibouti ee Cabdinuur Allaale, iyo Kaltuun Bacado oo kala jooga Britain iyo Djibouti, waxaana tacsida ku horeynaya Cabdinuur Alaale.  

from VOA https://ift.tt/2IHoRI8
via IFTTT

Prof. Samatar oo ka hadlay dagaalka Tukaraq

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee ay dirayaan aqoonyahanka, odayaasha iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ka xun dagaallada dhex maraya labada dhinac, xilli lagu jiro bisha Ramadaan, saameynta duufaan, roobabka iyo daadadka. Aqoonyahanka ayaa qaba in dagaaladan ay dhinacyadu guulaha ka sheeganayaan aaney soo kordhineyn waxaan aheyn dhimasho iyo barakac. Aqoonyahankaasi waxaa ka mid ah Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota.  Jaamac Buule Jaamac ayuu khadka taleefanka ugu waramay.  

from VOA https://ift.tt/2J9xcDI
via IFTTT

Dagaal maanta dib uga billowday Tukaraq

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

from VOA https://ift.tt/2J0S93J
via IFTTT

Manchester United oo u dhow saxiixa Fred

kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u dhow inay heshiis la gaarto xiddiga qadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk, Fred, sida ay qoreen wargeyska dalka Ingiriiska. Naadiga Old Trafford ayaa la sheegay inay kooxda Shakhtar kula jirto wada-hadallo geba-gebo maraya, ayna bixin doonta lacag ku dhow 60 milyan oo Euro, oo ay xiddigan kula soo wareegeyso. Waxaa la rumeysan yahay in kooxda United ay dooneyso inay xiddigan lasoo wareegto ka hor furitaanka koobka adduunka ee 14-ka June, oo cayaaryahankan uu ku matali doono xulka Brazil. Kooxda United ayaa dooneysa cayaaryahan qadka dhexe ka cayaara kadib markii uu cayaaraha ka fariistay Michael Carrick, islamarkaana Mourane Fellaini la rumeysan yahay inuu kooxda ka tagayo.    

from VOA https://ift.tt/2s5oRHE
via IFTTT

Arsenal oo xiiseyneysa Jean Michel Seri

Kooxda Arsenal ayaa xiisaneysa saxiixa cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Nice, Jean Michael Seri, sida ay sheegeen ilo-wareedyo kooxda ku dhow. Seri ayaa waxa uu kooxdiisa kula jiraa heshiis u ogolaanaya inuu ka tago, haddii ay hesho yabooh lacageed oo gaaraya 35 milyan oo gini ama ka badan. Laacibkan dalka Ivory Coast ayaa xagaagii tagey qarka u istaagay inuu ku biro naadiga Barcelona, markaasi oo madaxa howlgallada cayaaraha ee Arsenal Raul Sanllehi uu ku sugnaa Camp Nou. Sidoo kale macallinka cusub ee Arsenal, Unai Emery ayaa isku dayay inuu lasoo saxiixdo xiddigan bishii Janaayo, markaasi oo uu macallin u ahaa naadiga Paris Saint Germain. Arsenal ayaa dooneysa cayaaryahan qadka dhexe ka cayaara oo beddel u noqda Santi Cazorla, oo ka tagey kooxda.  

from VOA https://ift.tt/2KRbDoC
via IFTTT

Korea-da Waqooyi oo ka fiirsanaysa la kulanka Trump

Korea-da Waqooyi ayaa sheegtay inay dib uga fiirsaneyso kulan madaxeed la qorsheeyey inay la yeeshaan madaxweyne Donald Trump, haddii Mareykanka uu sii wado waxa ay ugu yeertay "ficillada xun."

from VOA https://ift.tt/2xbb5rW
via IFTTT

Wednesday, May 23, 2018

Kheyre oo Wasiirro Magacaabay

Wasiirrada wasaaradahooda la magacabay ayaa kala ah Gaashaandhiga, Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Biyaha iyo Tamarta, Warfaafinta, Howlaha guud iyo Guriyeynta, iyo Diinta iyo Awqaafta

from VOA https://ift.tt/2s7c5aJ
via IFTTT

Qubanaha VOA, May 24, 2018



from VOA https://ift.tt/2KNKVxi
via IFTTT

Xildhibaan Lagu Toogtay Gaalkacayo

Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa goor dhowayd lagu dilay magaalada Gaalkacayo. Weerarka dadka gaystay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

from VOA https://ift.tt/2GGpYSB
via IFTTT

Guddoomiye: 35 qof ayaa ku dhintay Lughayah

Guddoomiyaha degmada Cabdullaahi Cali Aw Nuur ayaa VOA u sheegay in 35 qof ay ku dhinteen Lughayah oo keliya, iyadoo dadka qaarkoodna weli la'yahay.

from VOA https://ift.tt/2x82Wo0
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 422-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 422-aad.​  

from VOA https://ift.tt/2IGafJ9
via IFTTT

Soomaaliya: Wada-hadal kulama jirno Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibedda Kenya, oo ahaa in labada dal uu u socdo wada-hadal la xiriira kiiska muranka badda.

from VOA https://ift.tt/2GJwFTO
via IFTTT

Muqdisho: Ciidamada ammaanka oo laba qof toogtay

Laba qof oo looga shakisan yahay inay yihiin mintidiin doonayey inay dilal gaystaan ayaa ciidamada amniga ee Muqdisho ay ku toogteen suuqa Bakaaraha.

from VOA https://ift.tt/2J1nZxd
via IFTTT

Man United: Kooxda ugu qiimaha badan Yurub

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa mar kale noqotay kooxda ugu qiimaha badan Yurub, ayada oo lagu qiimeeyey 3.25 bilyan oo Euro, sida ay sheegtay hay'adda qiimeysa ganacsiga ee KPMG. Kooxda United ayaa ka sara martay kooxaha dalka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona. 10 ka mid ah lixda koox ee liiskan ugu sarreeya ayaa ah kooxo ka dhisan horyaalka Premier League ee dalka England, oo ah kan loogu daawashada badan yahay dunida. 10 koox ee ugu qiimaha badan qaraadda ayaa kala ah:- Manchester United - €3.255bn Real Madrid - €2.92bn Barcelona - €2.78bn Bayern Munich - €2.55bn Manchester City - €2.16bn Arsenal - €2.10bn Chelsea - €1.76bn Liverpool - €1.58bn Juventus - €1.30bn Tottenham - €1.29bn Xigasho: KPMG  

from VOA https://ift.tt/2LnvL2Z
via IFTTT

Unai Emery oo loo magacaabay tababaraha Arsenal

Unai Emery ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta Arsenal, kadib tegitaankii macallin Arsene Wenger. Madaxa fulinta kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa sheegaya in Emery, oo ay si buuxda isugu raaceen guddiga kooxda, uu kaxeyn doono bogga cusub ee taariikhda Arsenal. Emery oo 46 jir ah ayaa kusoo biiraya kooxda Gunners, isaga oo kasoo tagay naadiga PSG, oo uu kula guuleystay horyalaka dalka Faransiiska. Macallinkan u dhashay dalka Spain, ayaa sidoo kale afar koob oo kale oo dalka Faransiiska lga cayaaro kula guuleystay naadiga ka dhisan caasimadda dalkaas. Waxa uu sidoo kale horey ugu soo guuleystay saddex koob oo isku xiga oo ah koobka Europa League, intii uu ahaa macallinka naadiga Seville ee dalka Spain. Waxa uu badallayaa Arsene Wenger oo naadiga Arsenal ka tagay kadib 22 sano oo uu macallin u ahaa.

from VOA https://ift.tt/2xbjtb4
via IFTTT

Zimbabwe oo baadi-goobeysa dhaymankii Mugabe

Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay ku cadaadiyaan madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mugabe inuu keeno caddeymo muujinaya halka ay ka baxeen dhayman lagu qiyaasay 15 bilyan oo dollar, intii uu xukunka hayey.

from VOA https://ift.tt/2IDhYrb
via IFTTT

Imaaraadka: Ma faro-gelin doorashadii Mareykanka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inaysan isku dayin inay faro-gelin ku sameyso doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday 2016, ayada oo taageereysa Donald Trump.

from VOA https://ift.tt/2GGmD5P
via IFTTT

Tuesday, May 22, 2018

Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho

Ururka Daacish ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay sheegeen inay ku dileen sarkaal ka tirsan booliiska xaafadda Hodan,

from VOA https://ift.tt/2GF7mlS
via IFTTT

Galka Baarista: Qaladaadkii dhaliyey qaraxii Zoobe oo weli taagan

Toddoba bilood kadib markii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya, bishii October 14-keedii sannadkii hore, dawladda Soomaaliya weli ma dhaqangelin talooyinkii la siiyey.

from VOA https://ift.tt/2x1mtGC
via IFTTT

Tirada dhimashada roobabka Somaliland oo korodhay

Dadka ku dhintay duufaanta iyo roobabka ka da'ay Somaliland, gaar ahaan gobollada galbeedka ayaa tiradoodu korodhay.

from VOA https://ift.tt/2LkVcCh
via IFTTT

Ciidamo qarax lagula eegtay Afgooye

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay degmada Afgaooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

from VOA https://ift.tt/2x1WS0n
via IFTTT

Xulka Spain ee koobka adduunka oo la shaaciyey

Tababaraha xulka kubadda cagta Spain Julen Lopetegui ayaa si rasmi ah u shaaciyey xiddigaha uu u xushay inay dalkiisa u matalaan koobka adduunka ee bisha dambe ka furmaya dalka Ruushka. Liiskan ayaa waxaa iska waayey xididigo badan oo magac leh, sida Alvaro Moratta, Hector Bellerin, Juan Mata iyo Marcos Alonso. Xiddigaha la magacaabay ayaa kala ah. Goolhayeyaasha: David de Gea (Manchester United), Pepe Reina (Napoli), Kepa Arrizabalaga (Athletic Bilbao). Daafacyada: Dani Carvajal (Real Madrid), Alvaro Odriozola (Real Sociedad), Gerard Pique (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Nacho (Real Madrid), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Jordi Alba (Barcelona), Nacho Monreal (Arsenal). Qad-dhexlayaasha: Sergio Busquets (Barcelona), Saul Niguez (Atletico Madrid), Koke (Atletico Madrid), Thiago Alcantara (Barcelona), Andres Iniesta (Barcelona), David Silva (Manchester City). Weeraryahanada: Isco (Real Madrid), Marco Asensio (Real Madrid), Lucas Vazquez (Real Madrid), Iago Aspas (Celta Vigo), Rodrigo (Valencia), Diego Costa (Atletico Madrid).   

from VOA https://ift.tt/2s1hhNt
via IFTTT

Magacyada xulka Argentina ee koobka adduunka

Tababaraha xulka kubadda cagta dalka Argentina Jorge Sampaoli ayaa shaaca  ka qaaday liiska cayaartoyda dalkaas uga qeyb gali doona koobka adduunka ee bisha dambe ka furmaya dalka Ruushka. Xiddiga nasiibka u yeeshay inay u safraan Russia ayaa kala ah:- Goolhayeyaasha: Sergio Romero (Manchester United), Wilfredo Caballero (Chelsea), Franco Armani (River Plate). Daafacyada: Gabriel Mercado (Sevilla), Cristian Ansaldi (Torino), Nicolas Otamendi (Manchester City), Federico Fazio (Roma), Marcos Rojo (Manchester United), Nicolas Tagliafico (Ajax), Marcos Acuna (Sporting Lisbon). Qad-dhexlayaasha: Javier Mascherano (Hebei China Fortune), Eduardo Salvio (Benfica), Lucas Biglia (AC Milan), Giovani Lo Celso (Paris Saint-Germain), Ever Banega (Sevilla), Manuel Lanzini (West Ham), Maximiliano Meza (Independiente), Angel di Maria (Paris Saint-Germain), Cristian Pavon (Boca Juniors). Weeraryahanada: Lionel Messi (Barcelona), Paulo Dybala (Juventus), Gonzalo Higuain (Juventus), Sergio Aguero (Manchester City).   

from VOA https://ift.tt/2s2Bm65
via IFTTT

Afghanistan: Taliban oo dagaal ku dishay askar badan

Tobaneeyo ka tirsan ciidamada ammaanka Afghanistan ayaa lagu dilay dagaal maalmo socday oo ay dagaalyahanada Taliban kula galeen gobolka Ghazni ee bariga dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2ICeLs8
via IFTTT

Barack iyo Michelle Obama oo heshiis la galay Netflix

Barack iyo Michelle Obama ayaa ku biiraya ganacsiga taleefishinka, ayaga oo Isniintii ku dhwaaqay inay heshiis sanado badan la galeen shirkadda Netflix, ee muuqaallada ku baahisa Online-ka.

from VOA https://ift.tt/2s45wWv
via IFTTT

Monday, May 21, 2018

Somaliland oo ka hadashay khasaaraha roobabka

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in 25 qof ay ku dhinteen, 12 qof ay dhaawacmeen, 27 kalena la'yahay kadib markii roobab duufaanno wata ay ku dhufteen qaar ka mid ah gobollada, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

from VOA https://ift.tt/2ICkA4B
via IFTTT

QM iyo Somalia oo dalbaday $80 milyan

Qaramada Midoobay iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in lacag dhan 80 milyan oo dollar si deg deg ah lala soo gaaro Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2s0tVvV
via IFTTT

29 qof oo ku dhintay roobab ka da'ay Somaliland

Waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay roobabka dabaylaha watay ee habeennadii Sabtidii iyo Axaddii ka da'ay gobollo ka mid ah Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

from VOA https://ift.tt/2IWbjI4
via IFTTT

Dadaallo lagu furayo jidadka oo ka socda Muqdisho

Mas'uuliyiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay weli ka shaqaynayaan sidii ay u bannayn lahaayeen jidadka ay xireen roobabkii habeenkii Axdadii ka da'ay magaalada. Ilaa lix qof ayaa ku dhimatay Muqdisho, halka guryo bandanna ay waxyeello soo gaadhay. Caasha Ibraahim Aadan ayaa khadka telefoonka ee Muqdishu kula xiriirtay duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow.    

from VOA https://ift.tt/2x0Qkir
via IFTTT

Dalkii saddexaad oo safaarad ka furtay Qudus

Dalka Paraguay ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

from VOA https://ift.tt/2kahVEy
via IFTTT

Nainggolan oo laga reebay xulka Belgium

Qad-dhexle Radja Nainggolan ayaa laga reebay xulka kubadda cagta dalka Belgium uga qeyb-galaya koobka adduunka ee bisha dambe ka furmaya dalka Russia. Xiddigan u cayaara kooxda AS Roma ayaa waxa uu xiriir aan wanaagsaneyn kala dhaxeeya macallinka Belgium, Roberto Martinez. Martinez ayaa horey laba mar uga tagey Radja Nainggolan, hase yeeshee waxa uu xulka Belgium dib ugu soo laabtay cayaartii saaxiibtinimo ee ay dhowaan la yeesheen xulka Saudi Arabia. Si kastaba, Nainggolan ayaa ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyey ee xulka Belgium, ayada oo aan wax sabab ah la shacain, taasi oo hogaamisay in la isla dhexmaro inuusan ka qeyb gali doonin koobka adduunka. Cayaartoyda xulka Belgium uga qeyb galeysa koobka aduunka ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo maanta.

from VOA https://ift.tt/2wXpFmT
via IFTTT

Manchester United oo xiiseyneysa saxiixa Willian

Kooxda Manchester United ayaa lagu warramay inay xiiseyneyso saxiixa garablaha kooxda Chelsea, Willian, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. Ilo-wareedyo ku dhow xiddigan ayaa sidoo kale sheegaya inuu doonayo inuu ka tago Chelsea, haddii Antonio Conte uu sii ahaado macallinka kooxdaas. Willian ayaa waxaa laba sano ay uga hareen qandaraaska uu kula jiro kooxda Chelsea, mana jiraan weli wax yabooh rasmi ah oo kaga yimid Manchester United. Willian ayaa kursiga keydka looga tagey cayaartii final koobka FA ee kooxda Chelsea ay 1-0 sabtidii kaga adkaatay naadiga Manchester United, taasi oo ahayd markii afaraad ee kursiga keydka la fariisiyo, shantii kulan ee ugu dambeeyey. Xiriirka Willian iyo macallin Conte ayaa la sheegay inuu aad u xun yahay.

from VOA https://ift.tt/2rXlHpm
via IFTTT

Mahmoud Abbas oo isbital la dhigay

Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas ayaa axaddii la dhigay isbital ku yaalla Daanta Galbeed, sida ay sheegeen dhaqaatiirta iyo saraakiisha Falastiiniyiinta, kuwaas oo sidoo kale warar is khilaafsan ka sheegay xaaladdiisa.

from VOA https://ift.tt/2kbgvtB
via IFTTT

Sunday, May 20, 2018

Galatasaray oo Hanatay Horyaalka Turkiga

Kooxda Galatasaray ayaa markeedii 21-aad ku guuleysatay horyaalka Super League ee dalka Turkiga, kadib marki ay 1-0 uga badisay xalay kooxda ku guuleysatay xalay kooxda Goztepe, kulanki ugu danbeeyay ee horyaalka lagu soo gabagabeeyay.

from VOA https://ift.tt/2GBW1Tw
via IFTTT

Saameynta Kulanki ay Ozil iyo Gundugan La Yeesheen Erdogan

Mesut Ozil iyo Ilkay Gundogan oo ah laba laacib oo u dhashay dalka Jarmalka balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa Sabtidi la kulmay madaxweynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier si ay u qaboojiyaan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay sawir ay dhawaan magaalada London kula galeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

from VOA https://ift.tt/2IxE0fa
via IFTTT

Chelsea oo Qaadday Koobka FA-ga

Ingiriiskana, kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka labaad ee ugu xiisaha badan dalkaasi ee FA Cup, kadib marki ay xalay fiidkii 1-0 ku garaacday kooxda Manchester United.

from VOA https://ift.tt/2KCj17t
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ka jawaabaya su'aalaha dhageystayaasha VOA

from VOA https://ift.tt/2Ix35a5
via IFTTT

Roobab ka Da'ay Awdal, Banaadir, iyo Djibouti

Gobolka Awdal waxaa ku dhintay ilaa 15 qof, Banaadirna 4, halka magaalada Djibouti-na ay roobabkani xayireen hawlihii magaalada ka socday

from VOA https://ift.tt/2KBEwVV
via IFTTT

DRC: Cudurka Ebola oo Dad Hor leh Dilay

Wasaaradda Caafimaadka Congo ayaa sheegtay in hal qof oo cusubi uu maanta u geeriyooday xanuunka Ebola, kaas oo tirada guud ee dadka u dhintay cudurkaasi, oo ku faafay gobolka Equateur ee galbeedka dalkaasi, ka dhigeysa 26 ruux.

from VOA https://ift.tt/2IVHJ5o
via IFTTT

Daacish oo laga Daad-gureynayo Agagaarka Dimishiq

Hay'ad la socota arrimaha dalka Syria oo fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in la daadgureeyey dagaalyahaniintii kooxda Daacish iyo qoysaskoodii, ka dib markii dagaalka lagaga adkaaday, iyaga oo la geeyey dhul lama degaanka ah ku yaala bariga caasimadda dalka Suuriya.

from VOA https://ift.tt/2Ldubk6
via IFTTT

Doorasho ka Socota Venezuela

Mucaaradka ayaa qaaddacay doorashadan iyagoo u arka mid madaxweynaha hadda Nicolas Maduro oo kali-talisnimo ay ku eedeynayaan uu isku caleemo saarayo.

from VOA https://ift.tt/2LheZlR
via IFTTT

Saturday, May 19, 2018

Warbixin: Duufaanta ku Dhufaneysa Puntland iyo Somaliland

Khubarada saadaasha hawada ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay roobab duufaano wata oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo Somaliland.

from VOA https://ift.tt/2Iv84YA
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo jeedinaya Jacfar Kuukaay.

from VOA https://ift.tt/2IOzgRw
via IFTTT

Martida iyo Makrafoonka: Cabdi Xoosh Jabriil

Barnaamijka Martida iyo Makrafoonka waxaa marti innoogu ah, wasiirka Dastuurka ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2GzQFYW
via IFTTT

Arsenal oo Tababare Ka Dhigeysa Arteta

Laacibki hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qarka u saaran in loo magacaabo xilka tababaraha kooxda Arsenal, si uu u bedelo macalin Arsene Wenger oo kooxda ka tagay.

from VOA https://ift.tt/2IxZGDA
via IFTTT

Parma oo dib ugu soo laabatay Sere A

Kooxda Parma oo ka mid ah kooxaha ugu caansan dalka Talyaaniga ayaa muddo saddsex sano ah kadib dib ugu soo laabaneysa horyaalka Seria A-da, kadib marki ay ciyaar kala bax oo ka tirsaneyd horyaalka Serie B-da Talyaaniga ay Jimicihi shalay 2-0 uga soo badisay Spezia.

from VOA https://ift.tt/2IWNlwx
via IFTTT

Imtixaanada Shahaadiga Somalia oo Bilowday

Ra"iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Soomaaliya, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday

from VOA https://ift.tt/2LfbMnd
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qoddobo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana inoo soo diyaariyey, soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan

from VOA https://ift.tt/2KFQNsD
via IFTTT

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa toddobaadkan inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aada (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2IvVA35
via IFTTT

Amiir Harry iyo Meghan Markle oo Is-guursaday

Wiilka ay ayeeyada u tahay boqoradda Ingiriiska, Queen Elizebath, Prince Harry ayaa guursaday, Meghan Markle oo u dhalatay Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2kaXA29
via IFTTT

Friday, May 18, 2018

Soomaali loo doortay duqa magaalada Sheffield, UK

Duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain, ayaa waxaa loo doortay Majid Majid, oo ka soo jeeda Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2rSOICt
via IFTTT

Dad badan oo ku dhintay toogasho ka dhacday Texas

Ugu yaraan sideed ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib marki uu qof hubeysani rasaas ku furay Jimcihi maanta dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2Kz9UEy
via IFTTT

Qunsulka Jabuuti ee Washington oo geeriyooday

Rabbi Naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa shalay gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington ku geeriyooday Ciise Dahair Buraale oo ahaa qunsulkii safaaradda Jabuuti ee Washington. Ciise oo ku geeiyooday 65 jir, ayaa maanta oo Jimce ah la aasayaa. Falastiin Axmed Imaan ayaa warbixintan kooban nooga diyaarisay taariikhda marxuum Ciise Daahir Buraale.  

from VOA https://ift.tt/2IwFH8D
via IFTTT

Dad ku dhintay roobab ka da'ay Puntland

Laba qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa la la'yahay kadib markii uu qaaday daad ka dhashay roobab xooggan oo illaa xalay ka da'ayay deegaanada Puntland.

from VOA https://ift.tt/2wUkrIs
via IFTTT

Faaqidaadda: Xaaladda gobolka Soomaalida Ethiopia

Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xaaladda nololeed, tan dhaqaale iyo amni ee dakda Soomaalida ee gobolka killinka shanaad ee Ethiopia. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA https://ift.tt/2IryiLI
via IFTTT

Roobab dabaylo wata oo ka da'ay Somaliland

Roobab dabaylo aan badnayn watay ayaa illaa xalay ka da'ay inta badan magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo keenay in dadka ku nool magaalooyinka xeebuhu ka durkaan badda.

from VOA https://ift.tt/2k55vxQ
via IFTTT

Zeid Ra'ad "Dadka Gaza waxay ku jiraan xabsi"

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa ku eedeeyey Israel inay dadka Falastiiniyiinta duudsiisay xuquuqdooda aadanaha.

from VOA https://ift.tt/2IT2pen
via IFTTT

Xulka Portugal ee koobka adduunka oo la shaaciyey

Tababaraha xulka kubadda cagta Portugal, Fernando Santos ayaa magacaabay xulka 23-ka cayaartoy ka kooban ee dalkaas uga qeyb galaya koobka kubadda cagta adduunka ee lagu qabanayo Ruushka. Xulka la magacaabay ayaa waxaa ka maqan cayaaryahanno badan oo ka mid ah kuwii dalkaas u qaaday koobka qaramada Yurub. Goolhayayaasha: Anthony Lopes (Lyon), Beto (Goztepe), Rui Patricio (Sporting Lisbon) Daafacyada: Bruno Alves (Rangers), Cedric Soares (Southampton), Jose Fonte (Dalian Yifang), Mario Rui (Napoli), Pepe (Besiktas), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund), Ricardo Pereira (Porto), Ruben Dias (Benfica) Qaddhexlayaasha: Adrien Silva (Leicester), Bruno Fernandes (Sporting Lisbon), Joao Mario (West Ham), Joao Moutinho (AS Monaco), Manuel Fernandes (Lokomotiv Moscow), William Carvalho (Sporting) Weeraryahanada: Andre Silva (AC Milan), Bernardo Silva (Manchester City), Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Gelson Martins (Sporting Lisbon), Goncalo Guedes (Valencia), Ricardo Quaresma (Besiktas)    

from VOA https://ift.tt/2rR9brt
via IFTTT

Xulka France ee koobka adduunka oo la magacaabay

Tababaraha xulka kubadda cagta Faransiiska, Didier Deschamps ayaa magacaabay xulka dalkaas uga qeyb galaya koobka kubadda cagta adduunka ee bisha June ka dhacaya Faransiiska. Cayaartoyda la magacaabay ayaa ah kuwa hoos ku qoran: Goolhayayaasha: Alphone Areola (Paris St Germain), Hugo Lloris (Tottenham Hotspur), Steve Mandanda (Olympique de Marseille). Daafacyada: Lucas Hernandez (Atletico Madrid), Presnel Kimpembe (Paris St Germain), Benjamin Pavard (VfB Stuttgart), Benjamin Mendy (Manchester City), Djibril Sidibe (Monaco), Adil Rami (Olympique de Marseille), Samuel Umtiti (Barcelona), Raphael Varane (Real Madrid). Qad-dhexlayaasha: Blaise Matuidi (Juventus), N'Golo Kante (Chelsea), Steven N'Zonzi (Sevilla), Paul Pogba (Manchester United), Corentin Tolisso (Bayern Munich). Weeraryahanada: Olivier Giroud (Chelsea), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Kylian Mbappe (Paris St Germain), Thomas Lemar (Monaco), Nabil Fekir (Olympique Lyonnais), Florian Thauvin (Olympique de Marseille), Ousmane Dembele (Barcelona).

from VOA https://ift.tt/2Gtj9Dy
via IFTTT

Thursday, May 17, 2018

Duufaano ka billowday xeebaha Soomaaliya

Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

from VOA https://ift.tt/2InAZhb
via IFTTT

Wareysi: Ramadaanka iyo muslimiinta Mareykanka

Maanta waa maalintii koowaad ee bisha Ramadan meelo badan oo dunida muslimka ah, xaalka muslimiintuna waa mid aad ku kala duwan, marka la eego dalalka ay ku nool yihiin. Haddaba, haddii aynu si gaar ah u eegno muslimiinta Maraykanka, waa maxay caqabadaha iyo fursadaha horyaallaa? Sidee ayey is faham ula yeelan karaan bulshada ay ku dhex nool yihiin. Maxamed Cabdi Sandhere ayaa arrimahaas ka wareystay Sheekh Cabdiraxmaan Shariif, oo Imaamka masjidka Darul Hijra ee gobolka Minnesota. Sheekh Cabdiraxmaan ayaa marka hore ka hadlaya caqabadah hadda haysta muslimiinta Maraykanka.    

from VOA https://ift.tt/2rQThwa
via IFTTT

Maamuuska Hooyada Soomaaliyeed

Barnaamijkan Haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay taariikhda maalinta Hooyada iyo sida uu yahay maamuuska hooyada Soomaaliyeed

from VOA https://ift.tt/2rQ6pBR
via IFTTT

Wenger: Waan u dhowaa saxiixa Ronaldo

Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ku guuldarreystay inuu la soo saxiixdo Cristiano Ronaldo markii uu yaraa, sababtoo ah waxay awoodi waayeen inay bixiyaan 12-ka milyan ee gini, oo ay Manchester United kagala soo wareegtay kooxda Sporting CP. Wenger ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay cayaaryahanka uu ugu shalayga badan yahay inuu ka fara baxsaday sanaddii 2003. "Halkan ayuu yimid isaga iyo hooyadiis, aad ayaan ugu dhoween saxiixiisa" ayuu yiri Wenger. "Kadib waxaa timid Man United, oo macallimiintooda uu ka mid ahaa Carlos Queiroz, oo Portugal ah. Waxay la cayaareen Sporting, kadibna Ronaldo ayaa wacadarro dhigay, oo way lasoo saxiixdeen." Wenger ayaa sheegay inay wada-hadallo kula jireen Ronaldo wakiilkiisa Jorge Mendes, oo ay gaareen qiimo dhan 4.5 milyan oo gini, hase yeeshee Manchester United ay bixisay 12 milyan, sidaasna ay kula wareegtay.      

from VOA https://ift.tt/2IuLlrL
via IFTTT

Buffon oo ka tagaya Juventus

Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Juventus kadib 17 sano oo uu kooxda ka tirsanaa.  Buffon oo lagu tilmaamo goolhayihi ugu wanaagsanaa ee dunida kubadda cagta soo mara, 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Turin ku sheegay in kulankiisa ugu danbeeya uu Juve u safan doono sabtida soo socda. Buffon wuxuu shirkiisa Jaraa'id ku sheegay in 15 maalmood ka hor uu bedelay go'aankiisii ahaa inuu ka fariisanyo ciyaaraha. Wuxuu intaasi raaciyay inuu heysto dalabyo kaga yimid kooxo kala duwan. "Toddobaadka danbe, laba ilaa saddex maalmood oo nasasho iyo fikir ah kadib, waxaan qaadan doonaa go'aan. 15 maalmood ka horba waxaan ahaa ciyaaryahan hore. Dalabyo kala duwan ayaa ii yimid oo isugu jira kuwo ah inaan ciyaaro iyo kuwo kale oo ah inaanan ciyaarin. Shaqooyinka ah inaanan ciyaarin waxay iiga yimaadeen Juventus." Ayuu yiri Buffon. Gigi Buffon oo ah 40 jir sannadkii 2006 u qaaday dalka Talyaaniga Koobka Aduunka, ayaa todobaadki hore Juve kula guuleystay horyaalkii sagaalaad ee Seria A-da Talyaaniga. Buffon, ayaa ku biiray Juventus sanadkii 2001, markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Parma. Wuxuu meesha ka saaray inuu aadi doono koox ka dhisan dalka Talyaaniga. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu u wareegi doono kooxda Liverpool. 

from VOA https://ift.tt/2INKllG
via IFTTT

Kulanka Trump iyo KIm oo weli laga shaqeynayo

Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa riixeysa sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka la qorsheeyay inuu bisha soo socota dalka Singapore ku dhexmaro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

from VOA https://ift.tt/2GpS04A
via IFTTT

Wednesday, May 16, 2018

Wareysi: Xaaladda Dhalinyarada Soomaalida Maraykanka

Dhageyso wareysiga Xamza Cabdisalam Shabeel oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ardayda Soomaalida ee dalka Maraykanka oo ka hadlaya caqabadaha haysta dhalinyarada Soomaalida ee dalka Maraykanka ku nool iyo sidii looga gudbi lahaa

from VOA https://ift.tt/2Gp2rpf
via IFTTT

Duufaano ku soo Fool leh Somalia

Waxa Arbacada maanta xeebaha galbeed ee Yemen iyo woqooyiga Somalia laga filayaa duufaan xoog badan oo dhalin karta roobab xoog badan oo keeni kara dhimashada dadka, xoolaha, burburka dalagyada, dhismayaasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

from VOA https://ift.tt/2Kxv4CV
via IFTTT

Qubanaha VOA, May 17, 2018



from VOA https://ift.tt/2L6igEH
via IFTTT

Beelo ku dagaalamay Galgaduud oo la heshiisiiyey

Maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay heshiis dhex dhigaan laba beelood oo dhawaan ku dagaalamay Galguduud. Labada beelood ayaa sheegay inay isla qaateen nabad oo ay dhab ka tahay. Wariyaha VOA-da Cabdiwaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray Gaalkacyo.  

from VOA https://ift.tt/2Inmfiv
via IFTTT

Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Oogay Maalinta 1-aad ee Ramadan

Malaayiin Muslimiin ah ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Dalalka Turkiga, Albania, Bosnia , Kosovo, Macedonia iyo kuwo kale ayaa Arbacadi maanta ah laga soomanyahay.

from VOA https://ift.tt/2k2vUMR
via IFTTT

Qodobo laga soo saaray shirkii Baydhaba

Hoggaamiyayaasha mamaul goboleedyada Soomaaliya oo muddo saddex malamood ah ku shirayey magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay ka walaacsna yihiin xiririka sii xumaanaya ee dawlada federaalka iyo dawladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

from VOA https://ift.tt/2IlVJGk
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 421-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 421-aad.​  

from VOA https://ift.tt/2rQvwVk
via IFTTT

Nin kasoo goostay Al-Shabaab oo dilay askari

Nin horey uga soo goostay ururka Al-Shabab horraantii sannadkan, iskuna soo dhiibay ciidanka dawladda, ayaa la sheegay inuu xalay askari ka mid ah ciidamada dawladda ku dilay magaalada Beled Xaawo.

from VOA https://ift.tt/2L43sWY
via IFTTT

Somaliland oo soo saartay amarro la xiriira Ramadaanka

Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ayaa amaro ay soo saartay ku fartay imaamyada masaajiddada in la gaabiyo codadka cod-baahiyayaasha salaadaha habeenkii ee sunnaha ah inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan.

from VOA https://ift.tt/2Gn8Jp2
via IFTTT

Messi oo ka digay in Neymar uu ku biiro Real

Lionel Messi ayaa sheegay inay dhabarjab weyn ku noqon doonto kooxda Barcelona, haddii cayaaryahan Neymar uu ka tago PSG, kuna biiro Real Madrid. Neymar ayaa xilli cayaareedkii tagey ka tagey kooxda Barcelona, isaga oo 220 milyan oo Euro ugu biiray naadiga PSG, hase yeeshee waxaa xilli cayaareedkiisii ugu horreeyey ee naadiga ka dhisan magaalada Paris hareeyey shaki ku saabsan inuu kooxda sii joogayo. "Waxay noqon doontaa arrin aad u xun haddii Neymar uu u dhaqaaqo Madrid, sababtoo ah wax kasta oo uu ugu fadhiyo Barcelona." Ayuu Messi ku yiri wareysi uu siiyey taleefishinka Argentina ee TyC Sports. "Neymar wuxuu halkan ku qaaday koobab muhiim ah, wuxuu ku guuleystay Champions League iyo La Liga. Waxay noqon dooontaa mid dhabar jab ku ah qof kasta, hadddii uu ku biiro Real Madrid" ayuu sii raaciyey Messi. Neymar ayaa axaddii sheegay in wararka joogtada ah ee la xiriirinaya Real Madrid ay ka carreysiinayaan, hase yeeshee ma uusan beenin inuu ku biirayo Real Madrid.

from VOA https://ift.tt/2Gk7ebn
via IFTTT

Everton oo ceyrisay macallin Sam Allardyce

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa xaqiijisay in macallin Sam Allardyce uu ka tagey kooxda, sida ugu dhaqsiyaha badan. Guddoomiyaha kooxda, Farhad Moshiri ayaa saaka aroortii la kulmay Allardyce, un asheegay in waqtigii lixda bilood ahaa ee uu kooxda leylinayey uu dhammaaday. Go'aankan ayaa yimid kadib markii ay guddiga Everton kulan ka yeesheen arrintan talaadadii. Allardyce ayaa la rumeysan yahay in la siin doono mushaharka 12-ka bilood ee ka harsan qandaraaskiisa kooxda, oo la rumeysan yahay inuu dhan yahay 6 milyan oo dollar. Everton ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso macallinka reer Portugal ee Marco Silva, oo horraantii xilli cayaareedkan ay shaqada ka ceyrisay kooxda Watford.

from VOA https://ift.tt/2L3wTc1
via IFTTT

Kulankii Trump iyo Kim Jong Un oo uu shaki soo galay

Hanjabaadda deg degga ah ee Korea-da Waqooyi ay ku sheegtay inay ka baxeyso wada-hadallo la qorsheeyey inay Mareykanka la yeelato, ayaa shaki geliyey suurto-galnimada heshiis hubka Nuclear-ka looga dhigayo dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2rNHKhn
via IFTTT

Tuesday, May 15, 2018

10 Sano oo Dhalinyaro Reer Edmonton ah Tababar loo Sameynayey

Ururka Somali Canadian Culturaal Society of Edmonton ayaa 10-kii sano ee u danbeeyey waxa ay dibada magaalada u kaxyanayeen qaar ka mid ah ilmahaas.

from VOA https://ift.tt/2rNMzXI
via IFTTT

Madaxweyne Farmaajo oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaalka Tuka-raq

War saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka walaac sanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq.

from VOA https://ift.tt/2rO02iC
via IFTTT

Somaliland oo Soo Hormarisay Xuska 18 May

Somaliland waxaa maanta laga xusay maalinta 18-ka May oo waqtigeeda laga soo hormariyay Ramadaanka awgii. Maalintan oo ku beegan 27 guuraddii ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go'aday Soomaaliya inteeda kale.

from VOA https://ift.tt/2rIziAM
via IFTTT

Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May

Magaalada Muqdisho, waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas'aasay ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee lagu xusuusto doorkii ay ku lahaayeen xornimo u dirirkii Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2GimG7Q
via IFTTT

Sool: Faahfaahinta Dagaal Ka Dhex Qarxay Somaliland & Puntland

Dagaal ayaa maanta ku dhex maray deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

from VOA https://ift.tt/2L1ReOP
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Qurbe

Ku soo dhawaada barmaajika Qurbe oo toddobaadkan ku saabsan xarrunta dhaqanka ee Aw-Jaamac ee magaalada Nayroobi. Sahra Cabdi Axmed, ayaa soo jeedineysa.

from VOA https://ift.tt/2KlJmqf
via IFTTT

Monday, May 14, 2018

Isbaheysiga Muqtada al-Sadr oo ku Guuleystay Doorashada Ciraaq

Isbaheysiga uu hogaamiyo wadaadka shiicada ah ee sida aadka ah uga soo horjeeda Mareykanka Muqtada al-Sadr ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalka Iraq.

from VOA https://ift.tt/2rGZQCp
via IFTTT

Madaxda maamul goboleedyada oo ku shiraya Baydhaba

Shirkii madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhaba, waxaana hadallo ka jeediyey madaxda shirkaasi ku sugan.

from VOA https://ift.tt/2IiMRRu
via IFTTT

Safaaradda Mareykanka oo si rasmi ah looga furay Qudus

Dowladd Mareykanka ayaa si rasmi ah safaaraddeda uga soo rartay magaalada Tel Aviv, una guurisay magaalada Qudus maanta, in kasta oo 37 Falastiiniyiin ah lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay rabshado ka dhacay xadka Gaza.

from VOA https://ift.tt/2rGrBet
via IFTTT

Danjire Cabdiraxiim Caabi oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday Danjire Cabdiraxiim Caabi Faarax oo muddo dheer Soomaaliya wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay. Danjire Cabdirahiim, ayaa sidoo kale hadda ka hor noqday kaaliyaha Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaa kale oo uu soo ahaa Guddoomiyaha Guddiga La-dagaalnaka Midabtakoorkii Koonfurta Afrika. Jaamac Bulle Jaamac ayaa geeridan ka waraytay Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan Dhaban-Cad oo hore usoo noqday Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.  

from VOA https://ift.tt/2wIuhgw
via IFTTT

Sicir-barar ka jira suuqyada Somaliland

Iyadoo bisha Ramadaan muddo koobani ka hadhsan tahay, ayaa suuqyada Somaliland waxa wali ka jira sicir-barar iyo qiimo-dhaca shilinka, walow qiimaha isku beddelka lacagtu hoos u dhacay maalmahan.

from VOA https://ift.tt/2rIxHKg
via IFTTT

Shiinaha oo lacag ugu deeqay Somalia

Dowaldda China ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 1.5 Milyan oo dollar, taasi oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadku ay saameeyeen fatahaadda wabiga Shabelle.

from VOA https://ift.tt/2Ijh7Yq
via IFTTT

Valverde oo difaacay go'aankii uu uga soo tagey Messi

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa difaacay go'aankii uu uga soo tagey Lionel Messi ayada oo guul darro ay kooxdiisa kala kulantay naadiga Levante. Guuldarradaasi ayaa Barca ay ku weysay inay horyaalka ku dhameysato guul darro la'aan, ayada oo laba kulan oo kaliya ay u harsaneyd, waxaana looga adkaaday 5-4. "Hadda ka hor waan cayaarnay kulamo badan ayada oo uu naga maqan yahay Messi, waana badinay, marka taas cudur daar maaha" ayuu yiri Valverde oo shir jaraa'id qabtay. Valverde ayaa Messi uga soo tagey Barcelona, si uu u nasto. "Dhammaanteen waan ka xunnahay inaan guuldarro la kulannay, hase yeeshee guuldarradu mar kasta ayay nagu dhici kartay" ayuu yiri macallinka Barcelona.    

from VOA https://ift.tt/2wG7L81
via IFTTT

Indonesia: Qoyskii labaad oo fuliyey weerar ismiidaamin ah

Booliiska dalka Indonesia ayaa sheegay in qoys ka kooban shan qof ay maanta fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta booliska magaalada Surabaya, kaasi oo 10 qof ay ku dhaawacmeen.

from VOA https://ift.tt/2jTFp0E
via IFTTT

Ciidamada Israel oo toogasho ku dilay Falastiini

Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay qof Falastiini ah, islamarkaana 12 kale ku dhaawacay xudduudda marink Gaza, oo kumanaan qof ay isugu soo baxeen, si ay uga mudaaharaadaan furitaanka safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus.

from VOA https://ift.tt/2GeFLHY
via IFTTT

Sunday, May 13, 2018

Webiga Shabelle oo ku Fatahay magaalada Jalalaqsi

Fatahaado cusub ayaa la sheegay inuu Webiga Shabelle ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

from VOA https://ift.tt/2rFl3wp
via IFTTT

Roberto Mancini oo Ka Tagay Zenit St Petersburg

Tababarihii kooxda Zenit St Petersburg Roberto Mancini ayaa qarka u saaran in saacadaha soo socda loo magacaabo macalinka xulka qaranka Talyaaniga, kadib marki ay kooxda Zenit baab,isay qandaraaskiisa.

from VOA https://ift.tt/2Ic3rCJ
via IFTTT

Atletico Madrid oo Xiratay Kaalinta Labaad ee La Liga

Atletico Madrid ayaa xiratay kaalinta labaad ee horyaalka dalka Spain sanadkaan, kadib marki ay 1-0 xalay uga badisay kooxda Getafe.

from VOA https://ift.tt/2IldscA
via IFTTT

Shirweynaha Qaran ee Dastuurka oo Muqdisho ka Furmay

Shirwaynaha dib u eegista geedi socodka Dastuurka Soomalaiya ayaa maanta laga furay Magaalada Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2IeviSC
via IFTTT

Fatahaado Wali Fara-ba'an ku Haya Beledweyne

Magaalada Baledweyne oo muddo 4 todobaad ku dhow ay roobab iyo fatahaado ay ka jiraan ayaa dadkii magaalada ka barakacay intooda badan ay weli bannaanka joogaan.

from VOA https://ift.tt/2Iivaxq
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana marti ku ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)

from VOA https://ift.tt/2wyGi89
via IFTTT

France: Dil loo Geystay Nin Dad Middiyeeyey

Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay in ninkii ka dambeeyay weerarkii dhimashada sababay ee middida loo adeegsaday bartamaha Paris sabtidii, isagana isla goobtii lagu dilay, ninkan oo ku dhashay dalka Chechnya sanadkii 1997-kii.

from VOA https://ift.tt/2wHBtJU
via IFTTT

Indonesia: Kaniisado la Qarxiyay

Hey'adda Sirdoonka Indonesia ayaa sheegtay in ay ka shakisan tahay in kooxda taabacsan kooxda ISIS ee Islaamiga ah, Jameeca Ansharut Daulah ee loo soo gaabiyo JAD ay mas'uul ka tahay qaraxyada axaddan maanta ah ka dhacay saddex kaniisadood oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn dalka

from VOA https://ift.tt/2Ign4cL
via IFTTT

Saturday, May 12, 2018

Minneapolis: Dhalinyarada Xirfadlayaasha oo Kulmay

Magaalada Mineaplis ee gobolka Minosota ayaa waxaa xalay lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen urur ay leeyihiin dhallinyarada soomaaliyeed ee xirfadlayaasha ah oo lagu magacaabo Isutagga Soomaalida Mareykanka ee gacansiga iyo xirfadleyaasha

from VOA https://ift.tt/2IEaTG7
via IFTTT

Dhageyso barnaamijka Caweyska Washington

Halkaan ka dhageyso barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo diyaarshay soona jeedinaya Jacfar Kuukaay.

from VOA https://ift.tt/2KTUBqS
via IFTTT

Dani Alves oo Seegaya Koobka Aduunka

Laacibka difaaca uga ciyaara xulka Brazil iyo kooxda Paris St Germain Dani Alves ayaa seegi doona ciyaaraha koobka aduunka ee bisha soo socota ka furmi doona dalka Russia, kadib marki uu ka dhaawacmay jilibka.

from VOA https://ift.tt/2IaP15N
via IFTTT

Rooney oo usoo wareegaya Washington DC

Tababaraha kooxda kubadda cagta DC United ee ka dhisan magaaladan Washington Ben Olsen ayaa xaqiijiyay in ay xiiseynayaan laacibki hore ee xulka England iyo kooxda Manchester United Wayne Rooney.

from VOA https://ift.tt/2rF3gEZ
via IFTTT

Dhageyo Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Jamaal Axmed Cismaan.

from VOA https://ift.tt/2wx5POQ
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Halkaan ka dhageyso barnaamijka xiisaha leh ee Hambalyada iyo Heesaha, waxaa soo jeedinaya Ibrahim Xasan Daandureey iyo Caasha Ibraahim Aden (Cuud).

from VOA https://ift.tt/2rFavgT
via IFTTT

13 Al-Shabaab ah oo Hiiraan lagu Diley

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabab lagu dilay dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal saakay aroortii dhexmarey maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-shabaab.

from VOA https://ift.tt/2rDA5lL
via IFTTT

4 Ruux oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Buulo-Mareer

4 ruux ayaa ku geeriyootay 5 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki miino dhulka lagu aasay ay maanta ku qarraxday Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

from VOA https://ift.tt/2rAsftY
via IFTTT

Ra'isulwasaarihi Hore ee Malaysia oo Loo Diiday Inuu Dalka Ka Baxo

Ra'isulwasaarihi hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta iska casilay xilka hogaamiyaha xisbiga UNMO ee ay leeyihiin qowmiyadda Maylayga oo ah xisbi dalkaasi xakumayay tan iyo marki ay Malayshiya qaadatay xorriyadda sannadki 1957.

from VOA https://ift.tt/2I9Wan4
via IFTTT

Friday, May 11, 2018

Websiga Shabelle oo Ku Fatahaaday Tuulooyin Hoos Yimaada Jowhar

Fatahaado xoog leh ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhaceen deegaano hoos yimaada magaalooyinka Jowhar, Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

from VOA https://ift.tt/2rHxK9t
via IFTTT

Mareykanka oo eegaya warar la xiriira dilka shacab Soomaali ah

Warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay eegayaan warar ku saabsan in dad shacab ah lagu dilay weerar ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2KXlXwa
via IFTTT

Qorshe cusub oo lagu sugayo amniga Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaal ay ku dooneyso in ammaanka magaalada lagu sugo, ayada oo ciidamo gaar ah u diyaarisay arrintaas.

from VOA https://ift.tt/2rCIcQb
via IFTTT

Amniga Sh/Hoose oo sii xumaanaya

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayey weeraro iyo qaraxyo ay dad ku dhinteen. Waxaa qarax weyn oo ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay suuq ku yaala degmada Wanlaweyn, ayada oo dhinaca kalena duqeyn ay ka dhacday deegaanka Bariire. Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Qoryooleey. Hadaba waa sidee xaaladda guud ee gobolka? Maxamed Colaad Xassan ayaa ka wareystay gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhinaca Amniga Cali Nuur Maxamed.  

from VOA https://ift.tt/2wtTn2x
via IFTTT

Faaqidaadda: Go'aanka Trump ee heshiiska Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Salaasadi si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu ka saaray heshiiski caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran. Isaga oo ka dhex-hadlayay qolka diblamaasiyadda ee Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in heshiiskani yahay mid liita oo hal dhinac ahaa, isla markaana ay mudneyd inaanan marnaba la gelin. Haddaba maxaa saldhig u ah go'aanka Trump, maxaase ka dhallan kara. Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxaana soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan.  

from VOA https://ift.tt/2rGfuOz
via IFTTT

Real oo joojisay wada-hadalladii Lewandowski

Kooxda Real Madrid ayaa joojisay wada-hadal ay kula jirtay weeraryahanka kooxda Bayern Munich, Robert Lewandowski, sida uu sheegay taleefishinka Sky ee dalka Jarmalka. Xiddiga caalamiga ah ee dalka Poland, ayaa waxaa si aad ah loola xiriirinayey inuu xagaagan ku biirayo naadiga Bernabeu, hase yeeshee naadiga Real ayaa soo afjaray wada-hadalladi wakiilka Lewandowski. Madaxa fulinta kooxda Bayern, Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku adkeystay in 29 jirkan uu la sii joogi doono naadiga horyaalka jarmalka haysata. Waxa uu u sheegay wargeyska Kicker "Ma ahan inay ka welwelaan Robert Lewandowski iyo xiriirka uu la leeyahay Bayern, waayo waa xiriir aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay inuu nagula jiro qandaraas muddo fog". Karl-Heinz Rummenigge ayaa intaas ku daray in Lewandowski uu xilli cayaareedka soo socda kasii mid ahaan doono Bayern.

from VOA https://ift.tt/2IxxST3
via IFTTT

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad "McCain wuu dhimanayaa"

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku gacan seertay diidmada senator John McCain ee haweeneyda madaxeyne Trump uu u doortay inay hoggaamiso CIA-da, ayada oo sheegtay "in McCain uu s ay aahtaba dhimmanayo."

from VOA https://ift.tt/2rzw6Y5
via IFTTT

Iran oo war ka soo saartay weeraradii Israel

Iran ayaa sheegtay in weeraradii gantaal ee Israel ay shalay ku qaaday Syria lagu salleeyey "Cudur daar horey loo sii hindisay."

from VOA https://ift.tt/2IcZ8Dd
via IFTTT

Thursday, May 10, 2018

Guddoomiye Maxamed Mursal ooo la dhaariyey

Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka guddoomiyaha baarlamaanka. Munaasabaddii dhaarinta guddoomiyaha cusub ayaa ka dhacday xarunta golaha baarlamaanka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madax kale. Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar.    

from VOA https://ift.tt/2rxCtuL
via IFTTT

Diyaarado duqeeyey saldhigyada Al-Shabaab

Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin dalkooda, ayaa xalay weerar ka geystay saldhig kooxda Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

from VOA https://ift.tt/2G3PbGe
via IFTTT

Barcelona oo qarka u saaran taariiikh cusub

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran inay taariikh cusub dhigto, ayada oo guuldarro la'aan ku dhameysaneysa horyaalka La Liga ee dalka Spain. Naadiga Camp Nou ayaa xalay 5-1 kaga adkaatay kooxda Villareal, waxayna hadda u baahan tahay kaliya inay guuldarro iska ilaaliso labada kulan ee ka harsan horyaalka. Barcelona ayaa axadda wajihi doonta kooxda Levante oo ay u safri doonto, ayada oo kulanka ugu dambeeya horyaalka la cayaari doonta Real Sociedad, 20-ka May. Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu dambysay ee guuldarro la'aan qaada horyaalka Spain, waxayna sidaas sameysay xilli cayaareedkii 1931-32, markaaasi oo kooxaha horyaalka ay ahaayeen 18 koox.

from VOA https://ift.tt/2G4GlrE
via IFTTT

Xaaladda Ferguson oo ka soo raynaysa

Tababarihii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa laga saaray xaaladdii daryeelka xooggan ee isbitalka Salford Royal Hospital, xilli uu kasoo kabanayo qallin maskaxda looga sameeyey. Ferguson ayaa lagu sii hayn doonaa qeybta bukaanada ee isbitalka kadib markii uu maskaxda dhiig kaga furmay sabtidii. Bayaan kasoo baxay kooxda Manchester United ayaa lagu yiri "Qoyska Ferguson waxaa ka tan batay heerka taageerada iyo rajo wanaagga ay heleen, hase yeeshee waxy codsanayaan in la dhowro sirtooda qoys ee gaarka ah" Ferguson oo ku guuleystay 13 horyaal oo Premier League ayaa isbitalka loo qaaday kadib markii uu ku dhacay gurigiisa. Macallinka iminka ee Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxda ay aad ugu niyadsan tahay in Ferguson uu si buuxda usoo kaban doono.      

from VOA https://ift.tt/2G2jM7a
via IFTTT

Israel oo duqeysay saldhigyada Iran ee Syria

Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyo milatariga Iran ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria, ayaga oo ka jawaabaya gantaaallo Iran ay kusoo ridday ciidamada Israel ee haysta buuraleyda Golan Heights.

from VOA https://ift.tt/2rxjP5D
via IFTTT

Kenya: 27 qof oo ku geeriyootay biyo xireen go'ay

Biyo xireen ku yaalla gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa qarka jabsaday, waxaana ku dhintay ugu yaraan 27 qof.

from VOA https://ift.tt/2I4JUnP
via IFTTT

Wednesday, May 9, 2018

Malaysia: Isbahaysiga Mahathir M. oo Guuleystay

Xisbiga Barisan Nasional (BN) oo dalkaas soo xukumayey muddo 60 sano kor u dhaafaysa ayaa waxa ka guuleystay isbahaysi uu hogaaminayo RW-hii hore dalka Mahathir Maxamed oo muddo fagaaraha siyaasadda ka maqnaa.

from VOA https://ift.tt/2rwQJ6s
via IFTTT

Qubanaha VOA, May 10, 2018



from VOA https://ift.tt/2K6ADIb
via IFTTT

Buugga Tacaddiyada Gabdhaha Saxafiyiinta ah

Barnaamijka haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay buug uu dhowaan soo saaray urur lagu magacaabo SWJ oo ah urur ay sameysteen qaar ka mid gabdho saxafiyiin ah oo ka howlgala koofurta, bartamaha iyo degaanada Puntland.

from VOA https://ift.tt/2K8lbvi
via IFTTT

Qarax ismiidaamin ah oo 14 qof ku dilay Sh/Hoose

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.

from VOA https://ift.tt/2K4uCMo
via IFTTT

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 420-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 420-aad.​    

from VOA https://ift.tt/2wxrGpk
via IFTTT

Minnesota: Maxamed Nuur oo maxkamad lasoo taagey

Maxamed Nuur oo ah sarkaal horey uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa shalay maxkamad lasoo taagey.

from VOA https://ift.tt/2I0TOGZ
via IFTTT

Dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sanaag

Dagaallo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, ayaa maanta ka dhacay deegaanno hoos yimaadda gobolka Sanaag.

from VOA https://ift.tt/2ruEZlH
via IFTTT

Human Rights Watch oo dhaliishay Somaliland

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin gaar ah oo ay soo saartay ku dhaliishay, habdhaqanka xoriyadda hadalka ee Somaliland. Hay'adda ayaa xustay inay jiraan dad loo xirxiray kaliya fikirkooda oo ay cabireen. Xuseen Barre Aaden ayaa warbixintan ka diyaariyey.  

from VOA https://ift.tt/2K5RPgZ
via IFTTT

Neymar oo aad loola xiriirinayo Real Madrid

Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya in cayaaryahan Neymar uu xilli cayaareedka soo socda ku biiri doono kooxda Real Madrid. Tifaftirihii hore ee wargeyska Marca, Eduardo Inda ayaa maanta sheegay in heshiiska Neymar uu ugu biirayo Real uu qarka u saaran yaha in la dhameystiro, uuna ku kici doono lacag u dhaxeysa 260 illaa 300 milyan oo Euro. Sidoo kale wargeyska AS ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay warbixin uu cinwaan uga dhigay "Neymar wuxuu wada xaajood kula jiraa Real Madrid" AS ayaa sidoo kale sheegay in weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil Ronaldo, uu dhex dhexaadiye ka yahay heshiiska. Si kastaba, macallinka Real Madrid Zinadine Zidane ayaa ku gacan seeray inuu ka hadlo wararkan, wuxuuna ku adkeystay inuusan dooneyn inuu waqtiga isaga lumiyo wararka la isla dhexmarayo.

from VOA https://ift.tt/2jI8n3v
via IFTTT

Conte oo shaacinaya go'aanka mustaqbalkiisa

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay inuu shaaca ka qaadi doono go'aanka mustaqbalkiisa kooxda Chelsea, marka uu dhammaado xilli cayaareekdan, laba toddobaad gudahood. Chelsea ayaa xilli cayaareedkeeda dhameysan doonta 19-ka May, markaas oo garoonka Wembley ay kula cayaari doonto kooxda Manchester United, cayaarta final-ka koobka FA. "Waxaan diiradda saarayaa waqtiga la joogo, iyo inaan shaqadeyda u guto sida ugu wanaagsan, ma ahan shaqo fudud, hase yeeshee waxaan diiradda saarayaa waxa i horyaalla" ayuu yiri Conte. "Waxaa haray kaliya laba toddobad, markaasna wuu dhammaan doonaa xilli cayaareedka. Markaas kadib waad ogaan doontaan inaad halkan igu arki doontaan xilli cayaareedka soo socda iyo in kale" Conte ayaa waxaa aad loo rumeysan yahay inuu ka tagi doono Chelsea, kadib markii ay isqbateen isaga iyo guddiga maamula kooxdaas.

from VOA https://ift.tt/2FWRE57
via IFTTT

France: Ma Dhiman heshiiska nukliyeerka Iran

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa maanta sheegay in heshiiska Nuclear-ka Iran oo ay dalkaas la galeen lixda waddan uusan weli dhiman, inkasta oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shalay ka baxay heshiiska.

from VOA https://ift.tt/2I85X94
via IFTTT

Tuesday, May 8, 2018

Mareykanka oo Ka Baxay Heshiiskii Niyukleerka Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Salaasadi shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu ka saaray heshiiski caalamiga ahaa ee Niyukleerka Iran.

from VOA https://ift.tt/2IvvOei
via IFTTT

Ebola oo Mar Kale Ka Dillaacay Congo

Dowlada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ayaa ku dhawaaqday inuu dalkeeda mar kale ka dillaacay cudurka Ebola.

from VOA https://ift.tt/2wkvQAW
via IFTTT

Galka Baarista: Sida loo baalmaro canshuuraha dowladda

Lacago malaayiin dollar ayaa dawladda Soomaaliya uga lunta shirkadaha qandaraaska ka haysta Qaramada Midoobay oo baal mara heshiis ay dawladdu la gashay Qaramada Midoobay.

from VOA https://ift.tt/2jJi4Pg
via IFTTT

Cilmi baaris laga sameeyey caddaaladda Somalia

Hay'adda talo soo jeedinta Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa cilmi baaris ay ka sameesay hanaannka hay'adaha caddaaladda Soomaaliya, waxayna soo saartay talooyin lala wadaagay madaxda dalka. Talooyinka ay soo jeedisay Tala Wadaag waxaa ka mid ah in la dhiso guddiga adeegga garsoorka, guddiga la dagaalanka musuqa iyo qodobo kale. Guddoomiye ku xigeenka hay'addaas Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uga waramay cilmi baaristooda.  

from VOA https://ift.tt/2jF3nMY
via IFTTT

Hiiraan: Diyaarado duqeeyey saldhig Al-Shabaab

Diyaarado aan la aqoonsan ayaa shalay galinkii dambe waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jiljileey oo18 KM u jiro tuulada Ceelcali oo dhanka galbeed illaa 70 KM uga beegan magaalada Baledweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.

from VOA https://ift.tt/2K5HtOr
via IFTTT

Kheyre oo dalbaday in Somalia laga qaado xayiraadda hubka

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka ee QM in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran muddada fog.

from VOA https://ift.tt/2wjLMmU
via IFTTT

Barca oo sii hurisay wararka la xiriirinaya Griezmann

Madaxweynaha kooxda Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay inuu la kulmay wakiilka cayaaryahan Antoine Griezmann, hase yeeshee uusan dooneyn inuu sii huriyo wararka kooxdiisa la xiriirinaya laacibka reer France. Bishii Janaayo, kooxda Barca ayaa si xooggan u beenisay inay heshiis hoose la gashay Griezmann, si uu xagaaga ugu soo biiro. Tani waxay ka dambeysay markii bishii December kooxda Atletico, oo uu Griezmann u cayaaro ay barca ku dacweysay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayada oo ku eedeysay inay si sharci darro ah ula xiriirtay xiddigooda. "Waxay ahayd bishii October, wuxuu ahaa kulan kaliya, mana dhicin wax kale" ayuu yiri Bartomeu. Josep Maria Bartomeu waxa uu sidoo kale sheegay inuu Griezmann ku arkay meel dalxiis ah, hase yeeshee uusan la kulmin.    

from VOA https://ift.tt/2rtqVZD
via IFTTT

Koscielny oo 6 bil garoomada ka maqnaanaya

Kabtanka kooxda Arsenal Laurent Koscielny ayaa garoomada ka maqnaan doona illaa bisha December ee sanadkan, kadib markii loo sheegay inuu u baahan yahay qalliin looga sameeyo ciribta.

from VOA https://ift.tt/2K2eJ8V
via IFTTT

Taliban oo markan dooneysa nabad

Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taliban ayaa ku baaqay nabad ka dhacda dalka Afghanistan.

from VOA https://ift.tt/2rqbvWe
via IFTTT

Monday, May 7, 2018

VOA oo Baaq u Dirtay Madaxweynaha Burundi

Agaasimaha Fulinta ee Hey'adda BBG oo ah hey'adda maamusha dhamaan laamaha kala duwan ee VOA John F. Lansing ayaa Isniintii shalay ugu baaqay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, inuu ka laabto go,aanki ay dowladiisa ku mamnuucday Idaacadda Voice Of America.

from VOA https://ift.tt/2FSTHYd
via IFTTT

Mazic Garsooraya Finalka Koobka Champions League 

Xiriirka kubadda cakta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa Isniinti maanta ku dhawaaqay garsooraha dhexdhexaadin doona ciyaarta finalka Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee 26-ka bishaan dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

from VOA https://ift.tt/2I39iGt
via IFTTT

Shirkadda Toyota oo xarun ka furatay Muqdisho

Shirkadda baabuurta ee Toyota ayaa 27 sano ka dib waxa ay Soomaaliya ka furtay xafiis ay leedahay Toyota.

from VOA https://ift.tt/2KF2zE6
via IFTTT

Canada oo beenisay in ay masaafurineyo qaxootiga

Wasiirka socdaalka ee Canada Axmed Xuseen ayaa beeniyey jiritaanka warar sheegaya in dawladda Canada ay doonayso inay dalkeeda ka musaafuriso dadka magangelyo doonka ah ee dalkeeda ka galay xadka Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2K0CIFG
via IFTTT

Muqdisho: Shir looga hadlayo dhoofinta dhuxusha

Shir ballaaran oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mida hay'adaha QM, diiraddana lagu saarayo dhoofinta iyo ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

from VOA https://ift.tt/2IkV9Yh
via IFTTT

Fekir uu beeniyey inuu heshiis la gaaray Liverpool

Kabtanka kooxda Lyon Nabil Fekir ayaa ku adkeystay inaysan waxba ka jirin warraka sheegaya inuu 70 milyan oo Uero ugu biirayo kooxda Liverpool. Taleefishinka Canal+ ayaa axaddi ku waramay in heshiis ku kacaya 70 milyan oo Euro ay isku racaeen Liverpool iyo Lyon, si laacibka reer France uu ugu biiro garoonka Anfield, ayada oo heshiiskana uu fududeeyey macallinkii hore ee Liverpool Gerard Houlier, oo hadda lataliye u ah madaxweynaha Lyon, Jean-Michael Aulas. Sidoo kale wargeyska L'Equipe ayaa axaddii qoray in Fekir uu heshiis afka ah ka haysto Lyon inuu ka tagi karo kooxda xagaagan, inkasta oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay laba sano. "Iminka wax jira ma lahan. Weli waxaan joogaa Lyon" ayuu yiri Fekir mar wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa kadib cayaartii ay 3-0 kaga adkaadeen kooxda Troyes, axaddii. Chelsea ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay aad u dooneyso laacibkan oo xilli cayaareedkan 17 gool ka dhaliyey horyaalka Ligue 1.  

from VOA https://ift.tt/2FUgJOo
via IFTTT

Zidane oo yareeyey cabsida dhaawac ee Ronaldo

Tababareha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa hoos u dhigay walaaca dhaawac ee laga qabo Cristiano Ronaldo, kadib markii laga saaray cayaartii El Clasico ee xalay. Anqawga Ronaldo ayaa u muuqday mid uu ku istaagay daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique markii uu dhaliyey goolkii Real ee cayaarta ka dhigay 1-1, daqiiqaddii 15-aad. 33 jirkaas ayaa u muuqday mid hintinaya hase yeeshee waxa uu dhameystay qeybtii koowaad ee cayaarta, markaasi oo uu kadib beddelay Marco Asensio. Kooxda Real Madrid ayaa cayaarta kama dambeysta ah ee koobka horyaallada Yurub waxay 26-ka bishan kula dheeli doontaa magaalada Kiev kooxda Liverpool. "Xaaladdiisa hadda ma wanaagsana, hase yeeshee waxaan filayaa inuu yahay dhaawac fudud, waxay ahayd kaliya dhaqaaq xun oo uu sameeyey" ayuu yiri Zidane.

from VOA https://ift.tt/2wiKzwd
via IFTTT

Naciima Qorane oo xabsiga laga sii daayey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey Naciima Axmed Ibraahim, oo loo yaqaan Abwaan Naciima Qorane, oo Hargeysa ku xirneyd muddo ka badan saddex bilood.

from VOA https://ift.tt/2IhLSAj
via IFTTT

Xaggee ka dhacayaa kulanka Trump iyo Kim?

Warbaahinta dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kulanka aadka loo sugayo ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi, Donald Trump iyo Kim Jong Un ay u badan tahay inuu bisha dambe ka dhaco dalka Singapore.

from VOA https://ift.tt/2rqs0RO
via IFTTT

Sunday, May 6, 2018

Qarax Weyn oo ka Dhacay Dhoobley

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.

from VOA https://ift.tt/2HZgZ0n
via IFTTT

Muranka Heshiiska Nukliyeerka ee Iran

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa maanta sheegay in haddii Maraykanku uu ka baxo heshiiskii ay dunidu la gashay dalkiisa ay taasi Washington ka qoomameyn doonto.

from VOA https://ift.tt/2jxxoyg
via IFTTT

Doorasho ka Socota Lubnaan

Doorashadan ayaa lagu soo dooranaya xubnaha baarlamaanka oo iyagu dowladda soo dhisi doona, umana muuqato doorasho isbeddel weyn ku keeni doonta dhinaca awood qeybsiga ee xilalka ugu sareeya ee dalka oo loo qeybsado Muslimiin iyo masiixiyiin.

from VOA https://ift.tt/2HYgh3p
via IFTTT

Djibouti: Tababarka Booliiska Somalia

Tababar ayaa dhawaan dalka Djibouti ugu soo gaba gabagaboobay ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya iyadoo tababarkani u socdey 3 bilood.

from VOA https://ift.tt/2IkPUb8
via IFTTT

Somilaland oo Joojisay Khudaarta la soo Dejiyo

Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegtay in la joojiyay soo dejinta khudaarta dibedda laga keeno, si waxsoosaarka loo kobciyo.

from VOA https://ift.tt/2whGp7R
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdiqani Siciid Carab, Guddoomiyaha Xiriirka Kubaddaq Cagta ee Somalia oo ka jawaabaya su'aalaha dhageystayaasha VOA

from VOA https://ift.tt/2rnrMuJ
via IFTTT

Alex Ferguson oo Qalliin Maskaxda Looga Sameeyay

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United Alex Ferguson, ayaa kasoo kabanaya qalliin maskaxda loogaga sameeyay, kadib marki uu dhiig kaga furmay maskaxda Sabtidi shalay.

from VOA https://ift.tt/2I0dypY
via IFTTT

Juventus oo u Dhaw Hanashada Horyaalka

Kooxda Juventus ayaa aad ugu dhawaatay hanashada horyaalka Talyaaniga kadib marki ay xalay 3-1 ku garaacday naadiga Bologna ciyaar ka dhacday magaalada Turin.

from VOA https://ift.tt/2rnk97G
via IFTTT

Saturday, May 5, 2018

W.Ameerika: Caqabadaha Shaqo ee Soomaalida Wax Baratay

Iyadoo heerka shaqo la'aanta Mareykanka la sheegay in dhowr iyo toban sano kadib ay hoos u dhaceyso, ayaa dhalinyarada Soomaalida ah ee dhammeeya jaamacadaha Mareykanka iyo Canada, waxa mararka qaar ay la kulmaan caqabado xagga shaqo helista, taas oo saameyn ku yeelata mustaqablkaooda dambe.

from VOA https://ift.tt/2Idi4ou
via IFTTT

Muqdisho: Kheyre oo Jaraa'id Qabtay

Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Somalia, ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Belguim oo uu kaga qeyb galay shir dhinaca ammaanka ah oo halkaasi ka dhacay.

from VOA https://ift.tt/2KGsY4G
via IFTTT

Barn. Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay hawlaha gurmadka ah ee socda magaalada Beledweyne oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadda wabiga Shabeelle

from VOA https://ift.tt/2FLw7fX
via IFTTT

Djibouti: Xiisadda Militari ee Shiinaha iyo Maraykanka

Shiinaha ayaa beeniyay in ciidankiisa jooga saldhigga uu ku leeyahay Djibouti ay ileyska laysarka ku shiisheen diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee isicmaalla saldhigga Maraykanka ee Djibouti.

from VOA https://ift.tt/2KGsBqO
via IFTTT

Barn. Hamblayda iyo Heesaha

Banraamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)

from VOA https://ift.tt/2wo2OAH
via IFTTT

Burundi: Aftida Dastuurka oo la Qabanayo

Dalka Brundi ayaa waxaa shalay si rasmi ah uga bilowday ololaha Afti dalka dadkaasi ay u dareerayaan 17ka bishan, taasoo ay dowladdu ku sheegtay in dadku ay u codeeyn doonaan wax ka bedel lagu sameynayo dastuurka dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2KCAiOB
via IFTTT

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadka waxaad ku maqli doontaan qoddob kala duwan oo siyaasadda la xiriira

from VOA https://ift.tt/2FIZhw5
via IFTTT

Britain: Doorashada Golayaasha Deegaanka

Dalka Britain oo ka mid ah dalalka ay ku noolyihiin Soomaalida u badan ee qurabajoogta ah ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay doorsahadii golyaasha degaanka ee dawladaha hoose.

from VOA https://ift.tt/2FL3Cit
via IFTTT

Friday, May 4, 2018

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 419-aad

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 419-aad.​  

from VOA https://ift.tt/2IeEyFu
via IFTTT

Faaqidaadda: Dib u dhiska ciidamada Soomaaliya

Soomaaliya waa inay dedejisaa isbeddalada ay ku sameyneyso ciidamadeeda, waxaa sidaas maanta yiri dalalka deeq bixiyayaasha kadib wada-hadal ay ka yeesheen horumarka gaaban ee laga sameynayo in ciidamada laga dhigo kuwo awood u leh inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab. Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka wuxuu haddaba ku saabsan yahay maxaa hortaagan in la dhiso ciidamo Soomaaliyeed oo awood badan, kuwaas oo ka adkaan kara kooxda Al-Shabaab. Waxaa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.  

from VOA https://ift.tt/2rlTwz4
via IFTTT

Xildhibaano iyo wafti caalami ah oo gaaray Beledweyne

Magaalada Beledweyne waxaa ka socda dadaallo la xiriira sidii loogu gurman lahaa kumanaan qof oo magaalada uga barakacay daadad uu ku soo roggay wabiga Shabeelle, iyo roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka. Dhawaan waxaa booqday magaalada madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, maantana waxaa tagay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan Wasiiro iyo Safiirada dowladaha Qatar iyo Turkiga. Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali oo xubin ka ah gudiga gurmadka ee ay dowladda u xil saartay arrinta fatahaadda Beledweyne ayaa wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane uga warrantay dhibaatada ay ku arkeen Baledweyne.    

from VOA https://ift.tt/2jtF5Fy
via IFTTT

Atletico iyo Marseille oo u gudbay final-ka Europa League

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain, ayaa u gudubtay cayaarta kama dambeysta ah ee koobka Europa League kadib markii xalay ay ka adkaatay naadiga Arsenal. Kooxda macallin Diego Simeone ayaa 1-0 kaga adkaatay Arsenal, lugtii labaad ee cayaarta afar dhammaadka, ayada oo goolkuna uu daqiiqaddii 47-aad ee qeybtii koowaad ee cayaarta u dhaliyey Diego Costa. Atletico ayaa ku gudubtay cel celis ah 2-1, maadaama lugtii koowaad ee cayaarta oo ka dhacday garoonka Arsenal ay ku dhammaatay 1-1. Atletico ayaa cayaarta final-ka waxay wajihi doontaa naadiga Marseille ee dalka Faransiiska oo iyana soo reebtay kooxda Salzburg ee dalka Austria. In kasta oo Marseille xalay looga adkaaday 2-1, haddana waxay ku gudubtay cel celis ah 3-2, maadaama ay 2-0 kusoo adkaatay lugtii koowaad ee cayaarta.    

from VOA https://ift.tt/2JTV8Yr
via IFTTT