Saturday, June 30, 2018

Gud. Shabeelaha Hoose oo la Dhaawacay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maanta Qarax miino oo gaarigooda loogu xiray ay ka badbaadeen saraakiil ka tirsan maamulka Shabeelada Hoose. Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibrahim Barre iyo Gudoomiyaha deegaanka Ceelasha biyaha Ayaan Xassan Xuseen ayaa qaraxaasi ka badbaaday ka dib markii miino gaariga loogu xiray ay ku qaraxday xilli ay marayeen meel ku dhow deegaanka siinka dheer. Saraakiil ka tirsan maamulka shabeelaha Hoose oo ay VOAdu la hadashay ayaa sheegay in labada masuul ay soo gaareeen dhaawacyo fudud.  

from VOA https://ift.tt/2IF7R0c
via IFTTT

No comments:

Post a Comment