Xulka kubadda cagta Jarmalka ayaa markii ugu horeysay taariikhda tan iyo sanaddii 1938-kii lagu reebay wareegga koowaad ee koobka adduunka. Jarmalka oo caawa la cayaaray dalka Korea-da Koonfureed ayaa waxaa looga adkaaday 2-0, waxayna ku dhammeysteen kaalinta ugu hooseysay ee group-ka F, ayaga oo helay 3 dhibcood kaliya. Labada gool ayaa waxaa Jarmalka laga dhaliyey intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee cayaarta lagu daray kadib 90-ka daqiiqo. Korea-da Koonfureed ayaa sidoo kale soo hartay ayada oo kaalinta 3-aad ka gashay isla group-ka, oo ay ka heshay 3 dhibcood. Sweden oo iyana 3-0 kaga adkaatay xulka Mexico, ayaa kaalinta koowaad ku dhameysatay group-ka, halka Mexico ay gashay kaalinta labaad. Labadan dal oo leh min lix dhibcood ayaa waxaa xagga goolasha koowaad ku galay Sweden.
from VOA https://ift.tt/2lBQZ1p
via IFTTT
Wednesday, June 27, 2018
Jarmalka oo laga reebay koobka adduunka
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment