Xulka kubadda cagta Senegal ayaa ka haray koobka adduunka, kadib markii laga adkaaya cayaartii ugu dambeysay ee ay caawa dheeleen Colombia ayaa 1-0 kaga adkaatay Senegal, waxaana dalkan uu noqday kii ugu dambeeyey ee Afrikan ah oo ka hara koobka adduunka, mana jiro dal qaaradda Africa matalaya oo ku haray koobka Group-ka H oo ay labadan dal ku wada jiraan ayaa waxaa 6 dhibcood kaalinta koowaad ku galay Colombia, halka Japan ay 4 dhibcood kaalinta labaad ku xaqiiqsatay. Japan iyo Senegal oo isku dhibco ahaa, ayaa waxaa Japan ay ku gudubtay cayaar wanaag, maadama ay qaateen 4 jaalle, halka Senegal ay qaadatay 6 jaalle.
from VOA https://ift.tt/2lEylpB
via IFTTT
Thursday, June 28, 2018
Senegal oo ka hartay koobka adduunka
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment