Thursday, June 21, 2018

Portugal oo Uruguay oo guulo gaaray

Xulka kubadda cagta Portugal ayaa waxuu 1-0 uga badiyay Morocco. Goolka guusha waxaa saxiixay Ronaldo oo hadda hogaaminaya gooldhalinta ciyaaraha aduunka, isaga oo leh 4 gool labadi kulan ee uu ilaa hadda dheelay. Uruguay waxay 1-0 ku jajabsadeen Saudi Arabia. Goolka guusha waxaa saxiixay Suarez. Ilaa iyo hadda waxaa xaqiijiyay inay usoo gudbeen wareega labaad ee 16-ka xulalka Russia iyo Uruguay, halka Masar iyo Sacuudiga iyo Morroco ay noqodeen kuwi ugu horeeyay ee ka haray tartanka. Maanta iyo caawa saddex kulan oo ka kala tirsan Group-yada C iyo D ayaa dhici doona. Ciyaarta ugu soo horreysay waxay 3-da galabnimo xilliga Geeska Africa dhexmari doontaa Denmark iyo Australia, tan ku xigtana waxay lixda galabnimo dhexmari doontaa France iyo Peri.  Ciyaarta ugu danbeysa waxaa caawa fiidkii isku haleeli doona Argentina iyo Croatia.    

from VOA https://ift.tt/2lnIBSY
via IFTTT

No comments:

Post a Comment