Xulka kubadda cagta dalka Sweden ayaa guul ku billowday cayaarahooda koobka adduunka ee ka socda dalka Ruushka. Sweden ayaa 1-0 kaga adkaatay xulka dalka Korea-da Koonfureed, oo ay ku cayaareen garoonka Nizhny Novgorod, waxaana goolka oo ahaa gool ku laad u dhaliyey Andreas Granqvist, daqiiqaddii 65-aad. Labada dal ayaa ka wada tirsan group-ka F, oo ay sidoo kale ku jiraan dalalka Germany iyo Mexico. Mexico iyo Sweden ayaa hadda min saddex dhibcood ku hoggaaminaya group-ka. Mexico waxay shalay 1-0 kaga adkaatay Germany.
from VOA https://ift.tt/2ynWSsk
via IFTTT
Monday, June 18, 2018
Sweden oo guul ka gaartay Korea-da Koonfureed
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment