Tuesday, June 19, 2018

Koobka Adduunka: Japan iyo Senegal oo guul gaaray

Xulka kubadda cagta Japan ayaa guul ku billowday cayaaraha koobka adduunka ayaga oo 2-1 kaga adkaaday dalka Columbia. Cayaartan oo ahayd tii koowaad ee maanta dhacday ayaa waxaa Columbia calaamadda casaanka ah laga siiyey Carlos Sanchez daqiiqaddii saddexaad ee cayaarta. Isla group-ka H waxaa dalalkan kula jiray dalalka Poland iyo Senegal oo ayagana cayaar xiiso leh ay dhex-martay fiidkii caawa xilliga geeska Afrika. Senegal ayaa 2-1 kaga adkaatay Poland, waxaana dalkan uu noqday kii ugu horreeyey Afrika ee guul ka gaara cayaaraha koobka adduunka illaa hadda.

from VOA https://ift.tt/2ljuwWE
via IFTTT

No comments:

Post a Comment