Ra'iisal Saasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Isniintii la kulmay qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee dalka Ethiopia oo ay ku jireen xubno ka socda ururka ONLF, iyada oo xubno kale oo ururkaas ka tirsanaa ay sheegeen in talaabadaasi ayna habbooneyn.
from VOA https://ift.tt/2v2TiQk
via IFTTT
Tuesday, July 31, 2018
ONLF iyo Shirkii Abiy ee Minnesota
Bele ma buuxin karaa booski Ronaldo?
Tababaraha cusub ee Real Madrid Julen Lopetegui, ayaa sheegay in ciyaaryahan Gareth Bale uu leeyahay tayo uu ku buuxin karo booski uu banneeyay xiddigii hore ee Real, Cristiano Ronaldo kaas oo dhawaan ku biiray kooxda Juventus.
from VOA https://ift.tt/2KbupGB
via IFTTT
Galka Baarista: Somalia iyo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska
Waxaa bilihii ugu dambeeyey ay hoggaamiyayaasha Geeska Afrika ka hadlayeen inay samaystaan is-dhexgal dhaqaale. Hindisahan waxaa dardargeliyey hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.
from VOA https://ift.tt/2v5T3nr
via IFTTT
QM oo dhageysatay warbixinta Somalia iyo Eritrea
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda cunaqabateyntii hubka ee saareyd Soomaaliya iyo Eritrea, iyo xaaladda nabadgelyo ee gobolka Geeska Africa. Kullankan uu Golaha Amaanka ka yeeshay Gobolka ayaa ku soo aadaya iyadoo isbedello dhinaca siyaasadda ah ka socdaan gobolka, gaar ahaan Ethiopia iyo Eritrea. Xuseen Barre Aaden ayaa warbixintan inoo soo koobaya.
from VOA https://ift.tt/2OvgHBZ
via IFTTT
QM iyo IGAD oo dhex dhexaadinaya Somaliland iyo Puntland
Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa Hargeysa ku sugnaa wefti ka socda Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas oo wadahadallo iyo kulamo la lahaa mas'uuliyiinta Somaliland, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada rayidka ah.
from VOA https://ift.tt/2mXFO3B
via IFTTT
Trump oo diyaar u ah inuu la kulmo Rouhani
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran.
from VOA https://ift.tt/2Ap2djU
via IFTTT
Monday, July 30, 2018
Kaalinta Soomaalida Kanada ee Dalkaas oo Kor u Kacdey
Soomaalida Kanada ayaa ku soo badaneysa kaalimaha ay ka galayaan hogaaminta arrimaha dalkaasi
from VOA https://ift.tt/2v17Yzi
via IFTTT
Taariikhda goolhayihii Somalia ee geeriyooday
Sabtidii waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday goolhayihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya Axmed Cabdalla oo waddankaasi u joogay waxbarashada sare. Goolyahaye Axmed Cabdalla waxa uu magac ku dhex lahaa xulka, waxaana lagu ammaanay in ciyaarta kubadda cagta ka sokow uu doonayey inuu shaqsiyan horumar ka sameyeo dhinaca tacliinta. Nuur Bukhaari ayaa waraystay qaar ka mid ah dadkii yaqaanay, warbixintan ayuuna nooga diyaariyey.
from VOA https://ift.tt/2Ov8Zrh
via IFTTT
Somaliland: Xeerka kufsiga oo la ansixiyey
Golaha wakiillada Somaliland ayaa mar kale ansixiyay xeerka kufsiga iyo dembiyada la xidhiidha, kaas oo looga dan leeyahay in lagula dagaallamo dembiyada kufsiga. Waa markii labaad ee ay golaha wakiilladu ansixiyeen, ka dib markii ay golaha guurtidu ku soo celiyeen si waxkabeddel loogu sameeyo. Xeerkan ayaa ansixintiisa waxa soo dhaweeyay ururada xuquuqal insaanka iyo kuwa u dooda arrimaha haweenka. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan Hargeysa ka soo diray.
from VOA https://ift.tt/2Ane6a3
via IFTTT
Fallanqeyn: Muhiimadda safarkii Farmaajo ee Eritrea
Waddamada Somaaliya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Gobolka, iyo arrimo kale.
from VOA https://ift.tt/2OueDtY
via IFTTT
Soomaaliya iyo Eritrea oo heshiisyo kala saxiixday
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saddexdii maalmood ee tagey ay wada-hadallo uga socdeen magaalada Asmara ayaa kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2NWbdzb
via IFTTT
Sunday, July 29, 2018
Wareysi Gaar ah: Guddoomiyaha ONLF
Wareysi gaar ah oo Idaacadda VOA ay la yeelatay Guddoomiyaha Ururka ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayuu ku sheegay in dawladda Somalia ay raali-galin ka bixisay dhiibistii Qalb-dhagax iyo in Ururka ONLF uu yahay urur argagixiso
from VOA https://ift.tt/2va2GRg
via IFTTT
Todobaadka Ciyaaraha Soomaalida ee Seattle
Magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalkaan Mareykanka waxaa ka socda tartanka todobaadka ciyaaraha Soomaalida.
from VOA https://ift.tt/2LGOc5N
via IFTTT
Kheyre oo Booqday Garoowe
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa manata booqasho ku tagaya magaalada Garoowe ee caaismadda maamul goboleedka Puntland.
from VOA https://ift.tt/2LYsQxE
via IFTTT
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Shaafici Diiriye Cabdi, Guddoomiye Kuxigeenka Somali International University oo ka jawaabaya su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA
from VOA https://ift.tt/2LuLGjD
via IFTTT
Falanqeyn: Somalia iyo Isbeddelada Geeska
Ka dib isbeddelada ka socda Geeska Afrika, dawladda Soomaaliya sidee ayey iskugu dheellitiri kartaa la saanqaadka isbeddellada gobolka iyo xasilinta siyaasadda iyo amniga gudaha?
from VOA https://ift.tt/2K5Y3gJ
via IFTTT
Washington: Abiy oo la Kulmay Jaaliyadda Ethiopia
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqashadiisii ugu horeeysay ku tagay Maraykanka, isaga oo kumanaan xubnood oo qurbo joog ah kula hadlayayWashington maalintii Sabtida ee shalay, kulankan oo dhacay iyadoo ay dhowaan qabowday xiisadda u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2LAsqS5
via IFTTT
Saturday, July 28, 2018
Wareysi: Daahir Geelle, Safarka Madaxda DS ee Asmara
Dowladdaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay inay danjirayaal is-weydaarsadaan oo caasimahadaha labada dalna ay ka furan safaaraddo.
from VOA https://ift.tt/2AkWU5g
via IFTTT
Ozil oo ku ciil baxay PSG
Ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa soo gaba gabeeyay todobaad jahwareed badan oo saameeyay noloshiisa kadib marki maanta uu dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay kooxdiisa Arsenal uga badisay kooxda Paris St Germain oo la dheeleen ciyaar saaxibtinimo.
from VOA https://ift.tt/2mOGrwk
via IFTTT
Golovin oo ku biiray Monaco
Laacibka khadka dhexe ee dalka Russia Aleksandr Golovin, kana mid ahaa laacibiinti sida weyn uga soo dhex muuqday ciyaarihi Koobka Aduunka ee 2018-ka ayaa shalay ku biiray kooxda AS Monaco ee dalka France.
from VOA https://ift.tt/2K3YRlW
via IFTTT
Dhageyso barnaamijka Cawayska Washington
Barnaamijka Cawayska Washington waxaa soo diyaarisay soona jeedineysa Sahra Ciidle Nuur
from VOA https://ift.tt/2mOJeph
via IFTTT
Martida: Cabdisalaan Yuusuf Guuleed
Barnaamijka Martida Makrafoonka waxa uu ku saabsan yahay qorshayaasha cusub ee sugidda amniga magaalada Muqdisho ee golaha wasiirada ay ka doodeen. Barnaamijka waxaa marti ku ah Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo ahaa taliye ku xigeenkii NISA, qeybta howlgallada. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
from VOA https://ift.tt/2AepsNA
via IFTTT
Wasiir hore oo sheegay in NISA ay soo weerartay
Maxamed Cumar Geedi oo wasiir ku xigeen ka soo noqday dowladdihii hore ee Somalia ayaa maanta sheegay in gurigiisa ay xalay soo galeen ciidamo ka tirsan hay'adda nabad-sugida. Geedi ayaa ku eedeeyay hay'addaha amniga Somalia inay bartilmaameedsanayaan dadka dhaliila dowladda Somalia. Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qosyte.
from VOA https://ift.tt/2vkPw4b
via IFTTT
Dhageyso barnaamijka hambalyada iyo heesaha
Barnaamijka hambalyada iyo heesaha waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasha Ibraahim Aadan.
from VOA https://ift.tt/2Ai71rd
via IFTTT
Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka toddobaadka
Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadka, oo aad ku dhageysataan wararkii ugu waa weynaa ee toddobaadka waxaa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.
from VOA https://ift.tt/2OnD7VH
via IFTTT
Farmaajo oo socdaal ku tegay Eritrea
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2mRJ0hk
via IFTTT
ONLF oo ka hadashay safarka Farmaajo ee Asmara
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea, halkaasi oo muddo saddex cisho ah uu joogi doono. Magaalada Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxda Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, sidoo kalena ay dowladda Somalia ku tilmaantay inay argagixisada xiriir la leedahay. Haddaba jabhadda ONLF siday u arkaan safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagay Asmara. Su'aallhaasi ayaa Jaamac wuxuu weydiiyay, afhayeenka jabhadda ONLF, Caddaani Hirmooge.
from VOA https://ift.tt/2AdX3XS
via IFTTT
Dhaqaalaha Mareykanka oo kordhay 4.1%
Dhaqaalaha dalka Mareykanka ayaa bilihii April, May iyo June sameeyey kororkii ugu xawaaraha badnaa muddo afar sano ah.
from VOA https://ift.tt/2LPugOg
via IFTTT
Taliban oo weeraray xarun haween
Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in kooxaha mintidiinta ay weerar ku qaadeen xarun haweenka lagu caawiyo.
from VOA https://ift.tt/2OnZdas
via IFTTT
Dab xoog leh oo ka socda California
Dab ka socda waqooyiga gobolka California ee dalkaan Mareykanka ayaa sababay dhimashada laba qof halka ay ku burbureen ugu yaraan 500 oo guri.
from VOA https://ift.tt/2NQS953
via IFTTT
Friday, July 27, 2018
Faaqidaadda: Farogelinta shisheeyaha ee Soomaaliya
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay faro-gelinta shisheeyaha ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku leeyihiin go'aanada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Waxaa soo jeedinaya Jaamac Buulle Jaamac
from VOA https://ift.tt/2Af5vq2
via IFTTT
Sarkaal sare oo Shabaab ahaa oo la dilay
Hawlgal ay xalay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ay ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow.
from VOA https://ift.tt/2LUFoWL
via IFTTT
Trump oo ammaanay heshiiska Yurub
Madaxweynaha Mareykanka ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay heshiis qaboojinta dagaalka ganacsiga ah ee uu la galay madaxweynaha guddiga Yurub Jean-Claude Juncker, hase yeeshee ma bixin wax faahfaahin ah.
from VOA https://ift.tt/2OneLeK
via IFTTT
Cayaaryahan hore oo ku guuleystay doorashadii Pakistan
Guddiga Doorashada Pakistan ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee isku beddelay siyaasaiga, Imran Khan, uu ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee dalkaas ka dhacday, hase yeeshee xisbigiisa uusan helin codad ku filan si uu dowlad usoo dhiso.
from VOA https://ift.tt/2Lrfu0L
via IFTTT
Thursday, July 26, 2018
Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada maanta iyo caawa fiidkii.
from VOA https://ift.tt/2LRiCz4
via IFTTT
Kheyre oo xilka ka qaaday wasiirkii waxbarashada
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Waxbarashada Cabdiraxmana Daahir Cusmaan sida ay sheegtay warbahainta dawladda.
from VOA https://ift.tt/2Ac0FKh
via IFTTT
Muqdisho: Sarkaal loo xiray eedeyn musuq-maasuq
Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la qabtay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha bani'aadannimada iyo maaraynta masiibooyinka oo lagu eedeeyey inuu lunsaday hanti dadweyne. Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay sarkaalkaasi inuu lunsaday lacag dhan 84 kun oo doollar. Warbaahinta dawladda waxay sheegtay inuu ninkaasi ku eedaysan yahay xatooyo xoolo dadweyne, sida lagu sheegay qoraalka wakaaladda wararka SONNA. Ilaa hadda ma jirto cid u hadashay dhinaca sarkaalka lasoo eedeeyey.
from VOA https://ift.tt/2OgBwAR
via IFTTT
Warbixin: Qalalaase ka dhex jira hay'adda NISA
Qaraxyada ka dhacay Muqdisho, xilli ay xiran yihiin waddooyinka ayaa bannaanka soo dhigey khilaaf markii horeba ka dhex jirey hay'adda nabad-sugidda, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin.
from VOA https://ift.tt/2v988nx
via IFTTT
Muqdisho: Nin Daacish ah oo xukun lagu riday
Jaamac Xuseen Xasan oo lagu helay inuu ka tirsan yahay ururka Daacish ayaa maanta maxkamadda milatariga waxay ku xukuntay xabsi daa'in.
from VOA https://ift.tt/2LnQabM
via IFTTT
Kooxaha Yurub oo Mareykanka ku ciyaaray
Waxaa dalkaan Mareykanka ka socda ciyaaro saaxibtinimo oo ay qaar ka mid ah kooxaha ugu caansan Yurub ugu diyaar garoobayaan xilli ciyaareedka cusub ee oo bilaaban doona bisha August.
from VOA https://ift.tt/2NNuWkt
via IFTTT
Goolkii Pavard oo guuleystay
Xiriirka kubadda cakta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay magacyada laacibiinti ugu goolasha qurxanaa Koobki Aduunka ee dhawaan ka dhacay dalka Russia.
from VOA https://ift.tt/2uMDgd9
via IFTTT
Tite oo Brazil sii leylinaya ilaa 2022
Tababaraha xulka Brazil Tite ayaa saxiixay heshiis cusub oo dhigaya inuu macalinkani sii leyliyo kooxda qaranka ilaa dhamaadka koobka aduunka ee 2022-ka.
from VOA https://ift.tt/2LRb8vV
via IFTTT
Abiy oo maanta booqanaya Washington
Ra'iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ku tagaya dalka Mareykanka, halkaasi oo uu booqan doono qurb-joogta dalkiisa ee magaalada Washington DC.
from VOA https://ift.tt/2mJsVdq
via IFTTT
Natiijada Imtixaanada dugisyada oo soo baxday
Shir uu ku qabtay magaalada Muqdiso ayaa wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Daahir uu ku shaaciyey natiijada Imtixaanada shahaadada dugsiyada sare ee Somalia.
from VOA https://ift.tt/2JVj5OZ
via IFTTT
Wednesday, July 25, 2018
Natiijada Imtixaanada D. Sare oo soo Baxday
Shir uu ku qabtay Magaalada Muqdiso ayaa Wasiirka Waxbarashada D. Federalka Somalia, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan uu ku shaaciyey natiijada Imtixaanada shahaadada dugsiyada sare ee Somalia.
from VOA https://ift.tt/2OecgLA
via IFTTT
Pompeo oo Senate-ka Hortagay
Mike Pompeo ayaa mar uu Arbacadii shalay hortagay xubno ka tirsan Aqalka Senate-ka ka gaabsaday inuu galo faahfaahin ku saabsan waxyaabihii laga hadlay shirmadaxeedkii dhex maray Madaxweynayaasha Maraykanka D. Trump iyo Ruushka Vladimir Putin.
from VOA https://ift.tt/2A8CfBl
via IFTTT
Kiiska gabar u geeriyootay gudniin oo la baarayo
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay inay dawladdu furtay baadhitaan ku saabsan gabadh 10 jir ah oo bishan ku dhimatay magaalada Dhuusamareeb kadib markii lagu sameeyey gudniin fircooni ah.
from VOA https://ift.tt/2uR8cZA
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 430-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 430-aad.
from VOA https://ift.tt/2LRqdxH
via IFTTT
12 Soomaali ah oo bishan lagu dilay Koonfur Afrika
Wararka ka imanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegayaa in ugu yaraan 12 qof oo Soomaali ah bishan gudaheeda lagu dilay dalkaasi. Dadka u dhaqdhaqaaqa jaaliyadda Soomaalida ayaa VOA u sheegay in dilalkan badankooda ay ka dhaceen agagaarka magaalada Cape Town. Arrimahan ayaa Caasha Ibraahim Aadan ay ka waraystaya Cumar Muxumed Maxamed oo ah suxufi ku sugan magaalada Johannesburg.
from VOA https://ift.tt/2mGvY6f
via IFTTT
Haween lagu kufsaday Beled Xaawo
Mas'uuliyiinta magaalada Beled Xaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haween dhowr ah lagu kufsaday degaan hoos yimaada magaalada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Bakoolow.
from VOA https://ift.tt/2A9SIoI
via IFTTT
Muqdisho: Qarax lala beegsaday ciidamo
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha.
from VOA https://ift.tt/2mGYqF9
via IFTTT
Gabar 10 sano jir ah oo u Dhimatay Gudniinka Fircooniga ah.
Gabar toban sano jirta ayaa la sheegay inay ku dhimatay toddobaadkii hore magaalada Dhuusamareeb kadib markii waalidiinteed oo ay wada degganaaneeyeen dhulka baadiyaha ah oggolaadeen gudniinka fircooniga ah. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Xasan oo Agaasime ka ah cisbitalaka Xannaano ee magaalada Dhuusamareeb oo xaaladda gabadha dhimatay ka hadlay ayaa sheegay in uu dhaawac culus ka muuqday xubneheeda taranka.
from VOA https://ift.tt/2mGF2Ig
via IFTTT
Doorasho xasaasi ah oo ka dhaceysa Pakistan
Malaayiin qof oo reer Pakistan ah ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan dowlad kale oo rayid ah.
from VOA https://ift.tt/2LpGxcA
via IFTTT
Beeraleyda Mareykanka oo taageero helaya
Beeraleyda Mareykanka ayaa heli doona 12 bilyan oo dollar oo gargaar deg deg ah si ay uga caawiso khasaaraha la filayo inuu kasoo gaaro siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump.
from VOA https://ift.tt/2v4wE9r
via IFTTT
Mareykanka oo dacwad kusoo oogay Xubno Daacish ah
Laba muwaadin oo Mareykan ah oo la rumeysanyahay in ay kasoo barbar dagaallameen kooxda Daacish ayaa Talaadadi shalay lagu soo celiyay Mareykanka si loo maxkamadeeyo.
from VOA https://ift.tt/2mEkIr4
via IFTTT
Tuesday, July 24, 2018
Pakistan oo Looga Dareeray Doorasho Xasaasi ah
Malaayiin ruux oo reer Pakistan ah ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan dowlad kale oo rayid ah.
from VOA https://ift.tt/2JTObGq
via IFTTT
Beeraleyda Mareykanka oo Helaya 12 Bilyan oo Doollar
Beeraleyda Mareykanka ayaa heli doona 12 bilyan oo dollar oo gargaar deg deg ah si ay uga caawiso khasaaraha la filayo inuu kasoo gaaro siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump.
from VOA https://ift.tt/2JR158m
via IFTTT
Muwaadiniin Daacish u Dagaallamay oo Lagu Maxkamadeynayo Mareykanka
Laba muwaadin oo Mareykan ah oo la rumeysanyahay in ay kasoo barbar dagaallameen kooxda Daacish ayaa Talaadadi shalay lagu soo celiyay Mareykanka si loo maxkamadeeyo.
from VOA https://ift.tt/2NENZ06
via IFTTT
Fallanqeyn: Kulanka Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea
Magaalada Abu-Dhabi waxaa maanta ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2uYz1KM
via IFTTT
Muqdisho: Shir looga hadlay waxbarashada
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay shir ku saabsan waxbarashada sare iyo soo kabashada waddamada ay colaaduhu ka jiraan. Shirkan oo ay soo agaasimtay Jaamacadda Umadda waxaa ka qaybgalay bahda waxbarashada iyo xubno ka socday labada gole. Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la soo celiyo manhajkii Soomaalia ay lahayd. Cabdulqaadir Maxamed Abdulle ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2LIzRlP
via IFTTT
Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea oo shiray
Magaalada Abu-Dhabi waxaa maanta ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2LzSxHL
via IFTTT
Jabuuti oo raadineysa heshiiska Eritrea
Dowladda Djibouti ayaa taageero u raadinaysa heshiis nabadeed oo lagu soo af-jaro colaadda kala dhaxeysa Eritrea.
from VOA https://ift.tt/2JMNTRS
via IFTTT
Dagaal beeleed ka dhacay Sanaag
Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dagaallo u dhaxeeyay laba beelood ay ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceeryaan oo 70km u jirta magaalada Ceerigaabo.
from VOA https://ift.tt/2LwUFQC
via IFTTT
Toronto: Magaca ninkii weerarka fuliyey oo la shaaciyey
Mas'uuliyiinta dalka Canada ayaa magaca ninkii weerarka ka fuliyey magaalada Toronto habeenkii axadda ku sheegay Faysal Xuseen oo ahaa 29 deganaa magaalada, kaasi oo sidoo kale weerarka lagu dilay.
from VOA https://ift.tt/2mC2vue
via IFTTT
Magaca ninkii weeraray Toronto oo la shaaciyey
Mas'uuliyiinta dalka Canada ayaa magaca ninkii weerarka ka fuliyey magaalada Toronto habeenkii axadda ku sheegay Faysal Xuseen oo ahaa 29 deganaa magaalada, kaasi oo sidoo kale weerarka lagu dilay.
from VOA https://ift.tt/2v2W4Eb
via IFTTT
Trump oo baaq u diiray Erdogan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan inuu sii daayo wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah, kaasi oo laba sano ku xiran dalkaas, isaga oo sugaya maxkamadeynta eedeymo la xiriira argagixisanimo.
from VOA https://ift.tt/2LEYfIE
via IFTTT
Monday, July 23, 2018
Wacyigalin Gudniinka Fircooniga ah oo Muqdisho lagu Qabtey
Ka dib markii todobaadki hore gabar yar oo toban sano jir ah aheyd oo lagu magacabi jirey, Deeqo Daahir ay ugu geeriyootey isbitaalka magaalada Dhuusa-mareeb dhiigbax ka dhashey gudniinka fircooniga noociisa ugu xun oo lagu sameeyey.
from VOA https://ift.tt/2uWJsP5
via IFTTT
Puntland: Kalluumeysato lagu la'yahay badda
Mas'uuliyiinta gobolka Gardafuu ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay badda ku dhex dhinteen Lix nin oo kalluumaysato ahaa. Maydka mid ka mid ah Lixdaa nin oo ay baddu soo tuftay ayaa la helay shalay Axaddii, Shantii nin ee kale iyo Laashkii ay wateenna waxa la sheegay in ay wali badda ku dhex jiraan. Sahra Ciidle Nuur ayaa oo xalay khadka telephone ka kula xidhiidhay Guure Cali Cumar oo ah gudoomiyaha degmada "Gunbux" oo hoos timaadda gobolka Gardafuu ee maamul goboleedka Puntland. Waxaanu ka waramay sidii ay wax u dhaceen iyo tirada dhimashada.
from VOA https://ift.tt/2LjPBji
via IFTTT
Toronto: Dad lagu dilay toogasho
Booliska Canada ayaa sheegay in nin hubeysan uu Axadi 14 ruux ku toogtay magaalada Toronto, kuwaas oo laba ka mid ahi ay geeriyoodeen.
from VOA https://ift.tt/2uJCFZz
via IFTTT
Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan
Kooxda Al-Shabab ayaa saaka waaberigii weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ay ku leeyihiin deeganaka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.
from VOA https://ift.tt/2NxGlEE
via IFTTT
Trump oo digniin culus u diray Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitter ugu digay Iran "Marnaba ha u hanjabin Mareykanka", waxyar un kadb markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu jeediyey khudbad ka dhan ah Iran.
from VOA https://ift.tt/2O9Ossn
via IFTTT
Sunday, July 22, 2018
Toronto: Kooxda Hilaac oo Qaaday Koobka Cayaaraha Soomaalida
Waxaa Toronto xalay lagu soo gaba-gabeeyay cayaaraha toddobaadka Soomaalida. Kooxda kubbada cagta Hilaac FC ayaa koobka qaaday, kadib markii 4-0 ay cayaartii final-ka uga adkaatay kooxda Banaadir.
from VOA https://ift.tt/2uUAEch
via IFTTT
Markab taagnaa xeebta Baraawe oo la weeraray
Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuw adalwdada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2LpRBG1
via IFTTT
Neymar oo muddo murug la aamusnaa
Xidiga xulka kubadda cakta Brazil Neymar ayaa marki ugu horreysay warbaahinta la hadlay tan iyo marki ay ka hareen Koobki Aduunka ee bishaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.
from VOA https://ift.tt/2uTpEff
via IFTTT
Juventus oo Iibineysa Higuain
Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la sheegayaa in ay go'aamisay iibinta weeraryahan Gonzalo Higuain taasoo waddada u xaareysa in kooxaha doonaya ay si rasmi ah u dalbadaan. Laakin Juve ayaa laacibkan u dhashay dalka Argentina ku rabto lacag dhan €60m.
from VOA https://ift.tt/2myLBfZ
via IFTTT
Saturday, July 21, 2018
Muse Bixi: "Deeqda Siisan-meyno Gobanimadayada"
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa kaga hadlay deeqda dalalka Iskaashiga la leh Somalia ay uga dhawaaqeen shirka Brussels.
from VOA https://ift.tt/2zZAsyn
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaa soo diyaarisay soona jeedineysa Sahra Ciidle Nur.
from VOA https://ift.tt/2JF1R8k
via IFTTT
Bar. Martida Makarafoonka: C/rashid Shucaac
Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaan ku soo qaadan doonnaa xaaladaha dhinaca xuquuqda aadanaha ee dhulka ay Soomaalida degto ee dalka Itoobiya.
from VOA https://ift.tt/2La1f05
via IFTTT
Dowladda oo Soo Dhaweysay Shirki Brussels
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageeradi looga muujiyay shirki Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Talaadadi lagu soo gaba-gabeeyay dalka Belgium.
from VOA https://ift.tt/2uFQicj
via IFTTT
Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo Furmay
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 11-aad ayaa maanta ka furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2zVU06B
via IFTTT
Bandhigga Buugaagta Garowe oo Lasoo Gaba-gabeeyay
Magaalada Garoowe ee Puntland, waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Bandhigga Buugaagta oo sannadkii afraad la qabtay.
from VOA https://ift.tt/2O5z549
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka waxaa ku jira qodobbo ay ka mid yihiin Shirki Brussels iyo Taliye ku xigeennadii hey'adda NISA oo la ceyriyay.
from VOA https://ift.tt/2NB1Jcv
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Ibrahim Daandurey iyo Jaamac Farasle.
from VOA https://ift.tt/2O7sSVt
via IFTTT
Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo La Dilay
Sarkaal ka tirsan wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa maanta ku dhintay qarax loogu xiray baabuurkiisa.
from VOA https://ift.tt/2JGUqxs
via IFTTT
Friday, July 20, 2018
Ethiopia oo loogu Baaqay Xallinta Colaadda Oromada iyo Soomaalida
Maamulka magaalada Minneapolis oo ay ku noolyihiin Soomaali iyo Oromo tira badan ayaa ugu baaqay Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed oo 30ka bishan ku wajahan Minneapolis, inuu xalliyo colaadda labada qowmiyadood sida uu sheegay Cabdi Warsame oo ka tirsan golaha deegaanka ee Minneapolis.
from VOA https://ift.tt/2LtEd3B
via IFTTT
Cirro oo dhaliilay guddiga doorashada
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in aanay aqbali doonin shaqo kasta oo uu qabtay guddida doorashada Somaliland, isla markaana ay kalsoonidii sidii ay ugala noqdeen wali tahay.
from VOA https://ift.tt/2mv8Szj
via IFTTT
Faaqidaadda: Ururada Islaamiga iyo siyaasadda
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay ururada Islaamka iyo hogaankooda siyaasadda dalalka Islaamka, iyo haddii ay ka miro-dhaliyeen dadaalladooda iyo hilmilooyinkooda. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan.
from VOA https://ift.tt/2LcUZ7R
via IFTTT
Weriye Yoonis Cali Nuur oo geeriyodoay
Allaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa ruugcaddaaga saxaafadda Soomaalida ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain.
from VOA https://ift.tt/2uKKptA
via IFTTT
Jidadka Muqdisho oo dib loo furayo
Guddiga amniga qaranka ee dowladda Federaalka Somalia oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa amray in muddo 48 saacacood gudahood lagu furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2uXTkYX
via IFTTT
Dhaqaalaha Kuuriyada Waqooyi oo hoos u dhacay
Daraasad uu sameeyay bankiga dhexe Kuuriyada Koofureed ayaa maanta lagu sheegay in dhaqaalaha dalka Kuuriyada Waqooyi uu sannadki hore hoos ugu dhacay boqolkiiba 3.5, sababo la xiriira cunaqabteynta ay Qaramada Midoobay saartay darteed. Hoos u dhacani dhaqaale ayaa lagu tilmaamay kii ugu xumaa ay xukuumadda Pyongyang la kulanto muddo 20 sano ah, waxana uu caksi ku yahay kobocii dhaqaale ee sannadki 2016-ki uu dalkaasi sameeyay oo aheyd 3.9 boqolkiiba. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi oo faah-faahinaya hoos u dhacan dhaqaale. Hoos u dhicii ugu xumaa ee dhaqaale ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ahaa kii sannadkii 1997-ki markaas oo dalkaasi ay ka dhacday abaar daran. Wuxuu markaas kororka dhaqaalaha dalkaasi uu hoos uga dhacay 6.5.
from VOA https://ift.tt/2uBtIBp
via IFTTT
Mareykanka: Soomaalida oo loo kordhiyey sharciga TPS
Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ee Homeland Security ayaa u ogolaatey ku dhowaad 500 oo Soomaali ah in loo cusbooneesiiyo sharciga TPS-ka loo yaqaanno, oo ah sharci KMG oo badbaado siinaya qaxootiga Mareykanka ku nool ee aanan haysan sharciga degenaanshaha.
from VOA https://ift.tt/2O4jX6V
via IFTTT
Thursday, July 19, 2018
Mareykanka oo Boqollaal Soomaali ah Sharciga u Cusbooneysiiyay
Waaxda Arrimaha Gudha Dowlada Mareykanka (Homeland Security) ayaa u ogolaatey ku dhowaad 500 oo Somali ah in loo cusbooniisiyo sharciga TPS
from VOA https://ift.tt/2L9e0ba
via IFTTT
Senator Smith: Sharciga TPS Mudada Haloo Kordhiyo
Senator Tina Smith oo ka soo jeeda gobolka Minnesota iyo 21 senator oo kale ayaa maamulka Madaxweyne Trump u diray warqad ay ku dalbanayaan in mudada loo kordhiyo sharcigan TPS ee ay Soomaalidu ku joogaan Maraykanka oo maanta la filayo in maamulku uu go'aan ka soo saaro.
from VOA https://ift.tt/2NsLCxi
via IFTTT
Go'ana laga filayo sharciga TPS ee Soomaalida
Waaxda Amniga gudaha Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta ay go'aan ka gaarto inay waqti ku dareyso iyo in kale sharci badbaado ku meel-gaar ah siinaya 500 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo qaxootinimo ku jooga dalka Mareykanka.
from VOA https://ift.tt/2L9SMd2
via IFTTT
Muqdisho: Askar xabsi lagu xukumay
Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa min shan sano oo xarig ah ku xukuntay 18 askari oo ka mid ah guutada 14-ka October ee ciidamada xoogga. Askartan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey abaabul qabiil ku salaysan iyo amar diiddo. Warbixintan waxaa magaalada Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.
from VOA https://ift.tt/2O5AkjU
via IFTTT
Puntland: Tahriibayaal lagu celinayo Ethiopia
Tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 229 qof oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, ayaa codsi ah in dib loogu celiyo wadankoodii waxa ay ka dalbadeen hay'adaha qaabilsan daryeelka muhaajiriinta. Arrintan ayaa timid kadib marki safarkoodi tahriibta ay kala kulmeen caqabado farabadan o aysan horey ugu talagalin. Agaasimaha Hay'ada Daryeelka Muhaajiriinta Puntland Maxamuud Shiikh Ciid oo arrimahan uga waramay Wariyaha VOA Faduma Yasin Jamac ayaa ugu horeyn waydiisay tirada tahriibayasha codsadey in dib loogu celiyo dalka Ethiopia iyo kuwa ay horey uqaadeen.
from VOA https://ift.tt/2NrahlW
via IFTTT
Soomaaliya oo ku biirtay ururka COMESA
Wararka ka imanaya dalka Zambia ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu ansixiyey xubinnada Soomaaliya ee ururka baayacmushtarka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
from VOA https://ift.tt/2LwR1D7
via IFTTT
Al-Shabaab oo afduubatay odoyaal
Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay afduubeen laba ka mid ah odayaasha tuulooyin u dhow magaalada Luuq ee gobolka.
from VOA https://ift.tt/2L6Q4Fw
via IFTTT
Israel oo laga dhigay "Dal Yahuudeed"
Baarlamanka Israel ayaa maanta ansixiyey sharci muran badan dhaliyey oo dhigaya in kaliya dadka Yahuudda ee Israel ay leeyihiin xuquuqda go'aan ka gaaris ee dalka, islamarkaana dhiiri-gelinaya deegaanada Yahuudda.
from VOA https://ift.tt/2LnRWc5
via IFTTT
Mucaaradka Syria oo isku dhiibay Koonfurta
Mucaaradka dalka Syria ayaa ogolaaday inay dowladda ku wareejiyaan deegaanada ku yaalla koonfurta galbeed ee dalkaas, ee ku dhow buuraha Israel ay haystao ee Golan Heights.
from VOA https://ift.tt/2LsCmJ0
via IFTTT
Wednesday, July 18, 2018
Maxkamad ku taalla Turkiga oo diiday sii deynta nin Mareykan ah
Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo.
from VOA https://ift.tt/2NWFEWy
via IFTTT
Faysal Waraabe iyo Shirkii Brussles
Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo ka qeybgalay shirki dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka ugu soo gaba gaboobay Magaalada Brussles ayaa la hadlay VOA.
from VOA https://ift.tt/2mvikCS
via IFTTT
Haweenka Iyo Qoyska: Hooyo Maraykan ah oo Caruur u Dhashay Wiil Soomaali ah oo La Musaafuriyay
Barnaamika Haweenka iyo qoyska ee toddobaadka waxaan ku soo qaadaneynaa wareysi ku saabsan dareenka hooyo maraykan ah oo carruur u dhashay wiil Soomaaliyeed oo dhowr bilood ka hor laga musaafiryay dalka Maraykanka.
from VOA https://ift.tt/2uLjUEt
via IFTTT
Abiy oo ciidan u diray Soomaalida iyo Oromada
Ra'iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa amray in ciidamada ka socda dawladda federalka oo military iyo booliisba iskugu jira la geeyo deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ee gobolada Oromada, Soomaalida, iyo Umadaha Koonfureed.
from VOA https://ift.tt/2LmA55p
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 429-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 429-aad.
from VOA https://ift.tt/2Jz94Xg
via IFTTT
Dowladda oo loogu baaqay inay furto jidadka Muqdisho
Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay furto wadooyinka magaalada Muqdisho ee xilligan xiran.
from VOA https://ift.tt/2Nnf47U
via IFTTT
Tuesday, July 17, 2018
Trump oo Beddelay Hadalkii Helsinki
Madaxweyne Trump ayaa yiri isaga oo wariyeyaasha kula hadlaya Aqalka Cad "Waxaan ogolaaday gunaanadkii ay bulshadeena sirdoonku ka gaartay in Ruushku uu faraha la galay doorashadii 2016kii."
from VOA https://ift.tt/2zP78uf
via IFTTT
Suuriyiin gabbaad weydiistay ciidanka Israel
Tobneeyo ruux oo u dhashay dalka Suuriya ayaa Talaadadi Shalay aad ugu dhawaaday dhulka ay Israel heysato ee buuraleyda Golan Heights si ay u weydiistaan meel ay kaga gabbadaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee kaga imanaya diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo Ruushka.
from VOA https://ift.tt/2mntoSi
via IFTTT
Dab fara ba'an ku haya gobollo ku yaalla Sweden
Shaqaalaha dabdabmiska dalka Sweden ayaa tan iyo marki uu billowday xilliga xagaaga ama kuleelaha la tacaalaya dab xoogan oo ka socda meelo kala duwan oo dalkaasi ah.
from VOA https://ift.tt/2zUzBiy
via IFTTT
Dad Soomaali ah oo lagu xiray Masar
Ciidamada amaanka dalka Masar ayaa lix qof oo Soomaali ah habeenki xalay ahaa ka qabqabtay xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Caashir oo ka tirsan degmada Nasri City ee magaalada Qahira.
from VOA https://ift.tt/2mp13v9
via IFTTT
War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Brussels
Magaalada Brussels waxa lagu soo gaba gabeeyay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, ee ay ka qeyb galeen xubno kala gaddisan oo caalamka ka socda, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah
from VOA https://ift.tt/2mpENRT
via IFTTT
Jabuuti: Magdhow ayaan siineynaa DP World
Shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.
from VOA https://ift.tt/2uv4KUl
via IFTTT
Galka Baarista: Kulamadii baaqday ee baarlamanka Somalia
Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya ee lasoo xiray toddobaadkii hore waxa uu ahaa kii ugu kulamada yaraa uguna waxtarka yaraa marka ay noqoto sharciyada la ansixiyey.
from VOA https://ift.tt/2LmkTlv
via IFTTT
Dowladda oo ka warbixisay shirka Brussels
Danjiraha Soomaaliya u jooga xaruunta Midawga Yurub ee Brussels oo uu ka dhacay shirka, ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay loogana hadlayo arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, nabadgaliyada iyo taageerada beesha caalamka.
from VOA https://ift.tt/2L4dVW0
via IFTTT
Somaliland: Kama qeyb galin shirka Brussels
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay ka qaybgalin, isla markaana aanay jirin cid xukuumadda metelaysa oo ka qaybgashay shirka Soomaaliya ee dalka Belgium-ka.
from VOA https://ift.tt/2NpDwWr
via IFTTT
Putin: "Wax sir ah kama hayo Trump"
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa beeniyey inuu wax akhbaaraad ah oo dhaawici kara ka hayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
from VOA https://ift.tt/2L0T1HE
via IFTTT
Monday, July 16, 2018
Baarlamaanka Masar oo Ansxiiyay Xeerar Cusub
Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.
from VOA https://ift.tt/2uFUwjb
via IFTTT
ONLF oo ka hadashay dagaalo Oromada iyo Soomaalida Dhexmaray
Ururka ONLF ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay dagaallo khasaare badan geystay oo qeybo ka mid ah Itoobiya ku dhexmaray maleeshiyo ka tirsan qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee daga Itoobiya.
from VOA https://ift.tt/2ml32R3
via IFTTT
Soo dhaweyn qaran oo loo sameeyay xidigaha Faransiiska
Boqollaal kun oo ruux ayaa shalay galab kusoo dhaweeyay magaalada Paris ciyaartooyda iyo macalimiinta xulka kubadda cakta Faransiiska, kadib marki ay kasoo laabteen dalka Russia oo ay Axadii kusoo qaadeen Koobka Aduunka ee sannadkaan 2018-ka.
from VOA https://ift.tt/2zMclD2
via IFTTT
Somalia: Xisbiyo qoraal u diray shirka Brussels
Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka waxa amaanta ka furmay shrikii iskaahsiga beesha caalamka iyo Soomaaliya oo looga hadlayo kaalmada bani'aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga.
from VOA https://ift.tt/2uDp7hA
via IFTTT
Shirka Soomaaliya ee Brussels oo furmay
Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka waxa amaanta ka furmay shrikii iskaahsiga beesha caalamka iyo Soomaaliya oo looga hadlayo kaalmada bani'aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga.
from VOA https://ift.tt/2mjScux
via IFTTT
Saraakiil ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday
Qoraal ka soo baxay agaasimaha Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa shaqada lagaga joojiyey laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay'adda NISA.
from VOA https://ift.tt/2mjKMaD
via IFTTT
Sharif oo racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday
Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa racfaan ka qaatay xukunka 10-ka sano ee xabsiga ah ee lagu riday.
from VOA https://ift.tt/2LiL3pc
via IFTTT
Eritrea oo dib u furtay safaaradeedii Ethiopia
Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddeedii Ethiopia. Dib u furista safaaradda ee maanta ayaa timid toddobaad kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inay soo afjareen labataan sano oo is-marin waa milatari uu ka taagnaa xudduudda, kaasi oo kumanaan qof ay ku dhinteen.
from VOA https://ift.tt/2zPlIlk
via IFTTT
Sunday, July 15, 2018
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay dawladda Norway oo baasaboorta Somalia aqoosatay, waxaana marti ku ah maamulaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia, Maxamed Koofi.
from VOA https://ift.tt/2uA0X7C
via IFTTT
Fransiiska oo ku guuleystay Koobka Aduunka ee 2018-ka
Xulka kubadda cakta France ayaa ku guuleystay Koobka Aduunka ee sanadkaan 2018, kadib marki ay ciyaarti finalka 4-2 ku garaaceen Croatia.
from VOA https://ift.tt/2KUW9Vc
via IFTTT
Cuba oo Isbadallo Waaweyn Ku Sameyneysa Dastuurka
Dowladda Cuba ayaa dhaqaajineysa isbadallo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo taariikhi ah, kuwaas salka ku haya hindisayaal lasoo jeediyay oo wax looga baddalayo dastuurka.
from VOA https://ift.tt/2unFZcz
via IFTTT
Saturday, July 14, 2018
Jabuuti: Mucaaradka oo ka Hadley Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea
Ka dib markii madaxweynaha Eritrea Isias Afawerqi uu booqasho shalay ku tagay magaaladda Addis Ababa ee xaruunta dalka Ethiopia, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka Jabuuti oo ay deris yihiin labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea waxay walaac ka muujiyeen heshiiska labada dal
from VOA https://ift.tt/2NhNLMo
via IFTTT
Koobka Adduunka: Biljamka oo Kaalinta 3-aad Kaga Guuleystay Ingriiska
Xulka dalka Biljamka, ayaa ku guuleystay kaalinta 3aad ee tartanka koobka kubadda cagta adduunka, kadib markii ay 2 gool iyo waxba ay kaga adkaadeen xulka dalka Ingriiska.
from VOA https://ift.tt/2Nh683Y
via IFTTT
C/raxmaan oo ka Hadlay Qaraxyada Muqdisho
Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaa xibisga Wadajir ayaa sheegay inay al-Shabaab ay hay'addaha dowladda ku dhexleeyihiin "dad" u sahlaya weerarada iyo qaraxyada Muqdisho ka dhaca.
from VOA https://ift.tt/2Le3QFi
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdirashiid Cali Shucaac oo ah madaxa Hay'adda Rajo Community Rights oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Soomaalida Ethiopia
from VOA https://ift.tt/2LbZiiH
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inala socodsiinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)
from VOA https://ift.tt/2JoBLpX
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa qoddobo ay ku jiraan dalka Norway ee aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga iyo dalka Maraykanka oo Danjire u magacaabay dalka Somalia.
from VOA https://ift.tt/2Ldgjt1
via IFTTT
Qaraxyo ka dhacay meel u dhow Madaxtooyada
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo maanta lagu weeraray meel aan sidaasi uga fogeyn madaxtooyada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2zAzBDS
via IFTTT
Friday, July 13, 2018
Norway oo aqoonsatay baasaboorka Somalia
Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga ayna bilaabayso inay kusoo saarto fiisooyinka dalku galka waddankaas.
from VOA https://ift.tt/2zCp0sj
via IFTTT
Faaqidaadda: Isbeddelada Ethiopia iyo gobolka Soomaalida
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay isbeddellada ka socda dalka Ethiopia iyo saameynta ay ku yeelan karaan gobolka Soomaalida, iyo xaaladda iminka ee gobolkaas. Waxaa soo jeedinaya Jacfar Kuukaay.
from VOA https://ift.tt/2ul6H5L
via IFTTT
Jubaland oo celisay taliye ay dowladda soo dirtay
Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismayo ka celiyeen taliye cusub oo qyabta 43-aad ee ciidanka Soomaaliya ay usoo magacawday Dawladda Federaalka Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2NNhNbV
via IFTTT
Cameroon: Madaxweyne Biya oo mar kale isharaxay
Madaxweynaha muddada dheer soo xakumayay dalka Cameroon, Paul Biya, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxtinimada ee sannadkaan ka dhici doona dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2JiCMzW
via IFTTT
Suuriya: Shacab lagu laayey duqeyn
Ugu yaraan 28 ruux qof oo rayid ah ayaa geeriyootay kadib marki ay diyaarado dagaal duqeeyeen gobolka Deir Azzor ee bariga dalka Suuriya.
from VOA https://ift.tt/2KVafGj
via IFTTT
Chelsea oo Ceyrisay Conte
Naadiga kubadda cagta ee Chelsea, ayaa shaqadii ka erisay maamulihii kooxdaasi Antonio Conte, kadib laba sano oo uu xilkaasi u hayay Chelsea.
from VOA https://ift.tt/2KQTqMs
via IFTTT
Thursday, July 12, 2018
Madaxweyne Trump oo Booqanaya Britain
Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa shalay gaaray dalkan Britin. Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Britina waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, ganacsato, iyo boqoradda dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2JitsMh
via IFTTT
Qeybdiid oo ka hadlay duqeyntii 1993-kii ee Muqdisho
Diyaaradaha Maraykanka ayaa 12-kii July 1993 duqeyn ku bartilmaameedsaday guri ku yaallay magaalada Muqdisho oo ay ku shirayeen qaar ka mid ahaa taageerayaashii General Maxamed Faarax Caydiid.
from VOA https://ift.tt/2mezip2
via IFTTT
Ciidamo dad shacab ah ku dilay Muqdisho
laba qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen degmada Hillawaa ee magaalada Muqdisho, kadib markiii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Goobjoogayaal ayaa sheegaya ciidamada oo isugu jiray Soomaali iyo AMISOM ah, oo halkaasi marayay, ay rasaasta fureen kadib markii lala eegtay qarax sida ay wararku sheegayeen. Haddaba Jacfar Kuukaay ayaa sida ay wax u dhaceen wuxuu ka wareystay Xasan Deeq Cabdullaahi oo ah ganacsade ku sugan meesha ay wax ka dhaceen.
from VOA https://ift.tt/2maOvqX
via IFTTT
Trump oo Amb. Yamamoto u magacaabay safiirka Somalia
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Donald Y. Yamamoto u magacaabay inuu noqdo safiirka aan caadiga ahayn, islamrkaana leh awoodda buuxda ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2NbDNw7
via IFTTT
NATO oo kulmeysa kadib weerarkii Trump
Hogaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ayaa maalintii labaad, ahna maalinkii ugu dambeeyay ku kulmaya magaalada Brussels ee xarunta dalkaas.
from VOA https://ift.tt/2NN2mQK
via IFTTT
Koobka Adduunka: Croatia oo Dardartay Ingriiska, tiigsatayna Finalaha
Xulka dalka Croatia, ayaa markii ugu horeysay gaaray finalka koobka kubadda cagta adduunka, kadib markii ay laba gool iyo gool ay kaga adkaadeen xulka dalka Ingriiska.
from VOA https://ift.tt/2JePCPG
via IFTTT
Wednesday, July 11, 2018
Jigjiga: Maxaabiis Kale oo la sii Daayey
Dhinaca kale, ururka SRAJ ee Caddaaladda iyo Siyaasadda ee Gobolka Soomaalida ayaa sheegay in tirada la sii daayey ay aad uga yar tahay ta maamulka sheegay, walina ay jiraan dad xabsiga magaalada Jigjiga ku xiran
from VOA https://ift.tt/2NEbnvH
via IFTTT
Amnesty: UAE Dambiyo Dagaal ayuu Galay
Hay'adda Amnesty International ayaa ku eedaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo ciidamada amniga ee Yemen ee Imaaraadka xulufada la ah inay geysteen dambiyo dagaal, iyaga oo lagu eedeeyey inay jirdileen dad ku jiray xabsiyo qarsoodi oo ka jira dhammaan koonfurta Yemen.
from VOA https://ift.tt/2ucSack
via IFTTT
QM: K. Woqooyi Baahi Badan baa ka Jirta
Madaxa Gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa sheegay in uu arkay caddeyn muuqata oo ku saabsan baahida bani'aadaminimo ee ka jirta dalka Kuuriyada Woqooyi
from VOA https://ift.tt/2zyvcl2
via IFTTT
Semifinal: Ingriiska iyo Croatia oo is-haya
Dalalka Ingriiska iyo Croatia ayaa galabta ku balansan kulan ka tirsan koobka kubadda cagta adduunka, gaar ahaan semifinalaha.
from VOA https://ift.tt/2JfydpN
via IFTTT
Dr. Food Cadde oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa dalka Kenya maanta ku geeriyooday Dr Axmed Maxamed Xasan Food Cadde oo ka mid ahaa dhakhaatiirta caanka ku ah qalliinka wadnaha ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2m8loo9
via IFTTT
Kenya oo raadineysa hanti ka maqan
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Switzerland Alain Berset ayaa saxiixay heshiis lagu doonayo in lagu caawiyo Kenya in ay dib uga soo kabato hantida sida sharci-darrada ah lagu abuuray ee lagu keydsaday bangiyada Swisska. Kenyatta iyo Berset ayaa saxiixay heshiiskan malintii Isniinta intii lagu jiray booqasho laba maalmood ah oo madaxweynaha Switzerland ku tagay Kenya. Talaabadan iyo waxa ay uga dhigan tahay xukuumadda Uhuru Kenyatta ayay Caasho Ibrahim ka wareystay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo fallanqeeysa siyaadadda Geeska Africa
from VOA https://ift.tt/2NGFmmA
via IFTTT
Gaarisa oo dhibaato lagu qabo Al-Shabaab
Mas'uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya inay weli kacaakufayso xaaladda amniga ee Gobolka iyadoo weli ay Al-Shabab awood u leeyihiin weerarro ay ka gaystaan gobolka. Weeraradan ayaa imanaya xilli ay dawladdu kordhisay ciidamada amniga ee kasoo jeeda Gobolka kuwaasi oo ciyaaraya door hoggaamineed. Warbixintan waxaa noo soo diray Maxamed Faarax Shire.
from VOA https://ift.tt/2ui2Nd4
via IFTTT
Somaliland oo ka hadashay nabadeynta Ceel-Afweyn
Somaliland ayaa qodobbo hordhac u noqonaya dedaallada loogu jiro nabadaynta deegaannada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo colaadi ku dhexmartay beelo halkaasi wada ka dega ka soo saaray deegaannadaas.
from VOA https://ift.tt/2u9KHuA
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 428-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 428-aad.
from VOA https://ift.tt/2uq15q0
via IFTTT
10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Afghanistan
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar lagu tuhmayo mintidiinta oo lagu qaaday dhisme dowladeed oo ku yaalla bariga dalka Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2L2hZ8w
via IFTTT
Tuesday, July 10, 2018
Pakistan: Qarax Bambo oo Dilay 14 Qof
Bambada ayaa ku qaraxday bartamaha magaalada Peshawar oo ah xarunta gobolka Khyber Pakhtunkhaw ayaa dishay 14 qof oo uu ku jiro Haroon Bilour oo ah murashax kursi baarlamaan oo ka tirsanaa xisbiga ANP
from VOA https://ift.tt/2Je70nx
via IFTTT
Shiinaha oo Xabsi Guriga Ka Daayay Liu Xia
Liu Xia, oo ah haweeneydi uu ka geeriyooday Liu Xiaobo oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel kana mid ahaa mucaaradka dowlada, ayaa Talaadadi shalay gaartay dalka Jarmalka, kadib marki ay Dowlada Shiinaha ka deysay xabsi guri ay ku jirtay muddo sideed sano ah.
from VOA https://ift.tt/2NHpZuk
via IFTTT
Faransiiska oo gaaray finalka Koobka Aduunka
Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa xalay gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Aduunka kaddib markii 1-0 uga badiyeen jiilka dahabiga ee Belguim.
from VOA https://ift.tt/2KOHpY3
via IFTTT
Maxaabiis laga sii daayey xabsiga Jigjiga
Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga soo daayey maxaabiis badan oo ay ku jiraan dad hore u ahaa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan booliiska.
from VOA https://ift.tt/2m7mOPJ
via IFTTT
Somalia oo ka qeyb gashay shirka Shiinaha iyo Carabta
Shirkan ayaa ah kii siddeedaad ee ay yeeshaan labada dhinac, waxaana uu qayb ka yahay hindisaha isku xirka Shiinaha waddamada kale ee Aasiya iyo Yurub ee lagu magacaabo Belt and Road.
from VOA https://ift.tt/2NCN94S
via IFTTT
C.Ronaldo oo ku biiraya Juventus
Weerar-yahanka naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa lagu wada in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo in uu si rasmi ah ugu biirey naadiga Juventus.
from VOA https://ift.tt/2L6IRRF
via IFTTT
Isbitaal laga hirgeliyey degmada Warsheekh
Degmada Warsheekh ee gobalka Shabellaha dhexe oo ay hoos yimaadaan ilaa 71 tuulo ayaa yeelatay markii ugu horeysay Isbitaal ay dadka degaanka gacmahooda ku dhisteen isla markaana daboolay qeyb ahaan baahidii dhinaca caafimaadka ee degaanka ka jirtay. Anas Cali Maxamuud oo ka mid ah gudiga dhismaha Isbitaalka ayaa VOA uga waramay marxaladahii uu soo maray Isbitaalka Warsheekh.
from VOA https://ift.tt/2L7WCzH
via IFTTT
Pompeo oo bogaadiyey Ethiopia iyo Eritrea
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
from VOA https://ift.tt/2uigclr
via IFTTT
Afghanistan: Qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay 10 qof
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, afar kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay bariga dalka Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2NGaq60
via IFTTT
Culimada Islaamka oo ku shiraya Sacuudiga
Aqoonyahanada islaamka ee dunida ayaa maanta shir laba maalmood socon doona oo nabad loogu raadinayo dalka Afghanistan waxa uu uga furmay dalka Sacuudiga.
from VOA https://ift.tt/2L10aXA
via IFTTT
Monday, July 9, 2018
Trump oo Brett Kavanaugh u magacaabay Xaakimka Maxkamadda Sare
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy oo howlgab noqday.
from VOA https://ift.tt/2KM1Ch9
via IFTTT
Qalbi-Dhagax: Si xun ayaa layla dhaqmay
Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ah Taliye ka tirsan ururka ONLF oo dhowaan laga sii daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya ayaa sheegay in si fool-xun loola dhaqmay xilligii loo wareejinayey dawladda Itoobiya bishii August ee sannadkii hore.
from VOA https://ift.tt/2m68cQW
via IFTTT
Muqdisho: Adeeg lagu dalban karo takaasida
Adeeg cusub ee u sahlaya dadku in ay telefoonka gacanta ka dalbadaan Takaasida ay rabaan gaar ahaan ayaa laga sameeyey meelo ka mid ah dalka. Meeshii ugu dambaysay ee laga furay ayaa ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Aaasimaha Dhaweeye Cabdiqani Maxamuud ayaa u sheegay VOA in aysan ahayn shirkad Tax balse ay keeneen adeeg uu qofka ku dalban karo gaadiid walba; waxana uu sheegay in ay isticmaali karaan Bajaajyada Muqdisho. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayuu uga warramay adeeggan.
from VOA https://ift.tt/2zxiIdB
via IFTTT
Kheyre oo xilka ka qaaday wasiirka Awqaafta iyo Diinta
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xasan Macallin Xuseen.
from VOA https://ift.tt/2zpBhQI
via IFTTT
Somaliland: Wargeyska Haatuf oo la fasaxay
Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa xayiraaddii ka qaadday wargeyska Haatuf oo ka mid ahaa kuwa ka soo baxa Hargeysa, halka wargeysyo kalena wali xayiran yihiin. Ururka Saxafiyiinta Somaliland ayaa xayiraad-ka-qaadistan ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, waxaanay sidoo kale dalbadeen in la sii daayo wargeysada kale ee xayiran oo uu ka mid yahay Waaberi oo bishii hore la xayiray. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA https://ift.tt/2u56XWm
via IFTTT
Sacuudiga oo shirinaya culimada Islaamka
Saudi Arabia ayaa toddobaadkan marti-gelineysa shir ay ka qeyb galayaan aqoonyahanada muslimiinta oo xasilooni iyo nabad loogu raadinayo dlaka Afghanistan.
from VOA https://ift.tt/2zjdvpi
via IFTTT
Israel oo dacwad ku soo oogtay gabar Turkish ah
Maxkamad milatari oo ku taalla Israel ayaa haweeney Turkish ah kusoo oogtay dacwad la xiriirta inay lacag siisay urur argagixiso.
from VOA https://ift.tt/2uh2wHs
via IFTTT
Sunday, July 8, 2018
Hoobiyeyaal lagu weeraray AMISOM
Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay hoobiyaal is xigxiga la beegsadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya ku leeyihiin Baardheere.
from VOA https://ift.tt/2ugSlCz
via IFTTT
Kharashka ku Baxay Doorashada Somaliland
Sida lagu sheegay warbixin ay xaruntani soo saartay, ujeeddada cilmi-baadhistan ayay qayb ka ahayd in la baadho in ay jiraan taageero dhaqaale oo ay xisbiyada Somaliland ka helaan gacmo iyo waddamo shisheeye.
from VOA https://ift.tt/2m442cc
via IFTTT
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Somalia, Daahir Maxamuud Geelle oo ka jawaabaya su'aalo la xiriira qaraxyadii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho
from VOA https://ift.tt/2zllWk3
via IFTTT
2 ka mid ah carruur ku go'doonsan god ku yaalla Thialand oo lasoo badbaadiyay
Saraakiisha dalka Thailand ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay laba ka mid ah 12 wiil iyo tababarahooda kubadda cakta oo labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku go,doonsanaa god weyn oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.
from VOA https://ift.tt/2KYKhh0
via IFTTT
Hogaamiyaasha Ethiopia iyo Eretrea oo Kulmay
Hogaamiyaasha dalaka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay usoo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihi ugu qaraaraa ee soo mara Africa.
from VOA https://ift.tt/2MVTd7y
via IFTTT
Saturday, July 7, 2018
Croatia oo Semifinal u soo gudubtay
Xulka dalka Croatia ayaa u soo gudbay Semifinalaha koobka kubadda cagta adduunka ee Ruushka ka soconaya, kadib markii ay ka adkaadeen waddankii marti galinayay tartankan.
from VOA https://ift.tt/2NAB0x9
via IFTTT
Barn. Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Matida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Maaliyadda ee Djibouti Ilyaas Muuse Dawaale oo ka hadlaya suuqa xorta ah ee dhawaan Djibouti laga furay
from VOA https://ift.tt/2u7sZae
via IFTTT
Barn. Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdikariim Faarax (Jiir) oo mulaxin caan ku ah geyiga Soomaalida, waxaan sidoo kale marti ku ah fanaanka da'da yar Axmed Aarshe oo ka mid ah kooxda Xidigaha Geeska ee magaalada Hargeysa
from VOA https://ift.tt/2m1O02m
via IFTTT
Ingiriiska oo 28 kadib gaaray semi-finalka Koobka Aduunka
Xulka England ayaa marki ugu horreeysay tan iyo sannadki 1990-ki gaaray semi-finalka Koobka Aduunka kadib marki ay galabta 2-0 uga badiyeen Sweden.
from VOA https://ift.tt/2lYZvaX
via IFTTT
Taliye Ciidan oo lagu Dilay Taleex
Taliye ka tirsan ciidamada Somaliland ee Taleex ku sugan ayaa maanta la dilay, iyada oo Somalilandna ay ciidamada maamulka Puntland ku eedeeysay inay ka dambeeyeen dilka taliyahaas, Gaashaanle Sare - Saleebaan Cabdi Caatey
from VOA https://ift.tt/2MTrmEO
via IFTTT
Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaan kaga hadlaynaa qubanayaal kala duwan oo siyaasadda Somalia ku saaban, waxaana soo diyaariyey, soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA https://ift.tt/2KFoDSZ
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalayda iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)
from VOA https://ift.tt/2MXgfdY
via IFTTT
Qaraxyo Lagu Weeraray Wasaaraha Gudaha iyo Amniga Soomaaliya
Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo maanta lagu weeraray Wasaaraha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2NxUpPj
via IFTTT
Friday, July 6, 2018
RW-hii hore ee Pakistan, Sharif oo 10 Sano Lagu Xakumay
Maxkamad la dagaalanka musuq maasuqa ee dalka Pakistan ayaa reysal wasarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif ku xakunta toban sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaareya 10.5 milyan oo doolar.
from VOA https://ift.tt/2J1oCmw
via IFTTT
Biljamka oo Dirtay Brazil iyo Faransiiska oo Uruguay Macsalaameyay
semifinal Xulalka Faransiiska iyo Biljamka, ayaa noqdey labada dal ee ugu horeeyay ee u soo gudba wareegga semifinal-ka ee koobka kubadda cagta adduunka ee ka soconaya Ruushka.
from VOA https://ift.tt/2u75rCc
via IFTTT
Faaqidaadda Toddobaadka: Siyaasadda Somaliland
Barnaamijkii Faaqidaadda Toddobaadka wuxuu maanta ku saabsan yahay Somaliland iyo sida dimoqraadiyadda iyo qabyaaladdu iskula jaanqaadi karaan.
from VOA https://ift.tt/2u8iaop
via IFTTT
Shirka ONLF oo guddoomiye lagu doortay
Shirka oo la filayo in dhowaan lasoo geba gebeeyo, ayaa waxaa mar kale guddoomiyaha ururka loogu doortay Mohamed Omar Osman, oo xilkaasi hore u hayay.
from VOA https://ift.tt/2NsTJe2
via IFTTT
Midowga Yurub: Faro-gelinta ha laga daayo Somalia
Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa toddobaadkan meel mariyay qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya, si gaar ahna uga hadlaya saameynta xiisadda dalalka gacanka ay ku yeelatay Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2IXdSpi
via IFTTT
Moyale: Dagaal dhex maray Soomaali iyo Oromo
Degmada Moyale oo ku taalla xadka Ethiopia iyo Kenya waxaa lagu soo warramayaa inay ka dhaceen dagaallo iyo qul-qulatooyin dhexmaray Soomaalida iyo Oromada. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan ay dhaliyeen barakac. Haddaba sida ay wax u dhaceen iyo xaaladdu siday imiaka tahay, ayaa weriyaheena Ibraahim Daanduray wuxuu ka wareystay nin cod-saday inaan magaciisa la sheegin oo ku sugan gudaha Moyale.
from VOA https://ift.tt/2lWwH2E
via IFTTT
Bankiga ADB oo caawinaya qaxootiga Rohingya
Bankiga Horumarinta Asia ee ADB ayaa Bangladesh ka caawinaya inay horumariso xerooyinka ay ku nool yihiin qaxootiga muslimiinta ah ee Rohingya ee kasoo cararay dalka ay deriska yihiin ee Myanmar. Bankiga ayaa ansixiyey 100 milyan oo dollar oo la siinayo Bangladesh, taasi oo qeyb ka ah xirmo dhaqaale oo gaaraysa 200 oo milyan. Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Asia, Takehiko Nakao ayaa sheegay in lacagtan ay gacan ka gaysan doonto in laga hortago qatarta baahi, cudur iyo musiibo ee ay wajahayaan dadka Rohingya. Bankiga ADB ayaa sheegay in markii ay heleen codsiga dhaqaale ee Bangladesh ay si deg deg ah uga jawaabeen si xaaladda deg degga ah wax looga qabto. Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ayaa ka cararaya dalka Myanmar halkaasi oo ay ku beegsanayaan ciidamada dalkaas iyo kooxo kale.
from VOA https://ift.tt/2NyZ4Rk
via IFTTT
Canshuurtii Trump ee China oo dhaqan gashay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay in ka badan 800 oo ah badaceedo ay China soo saarto.
from VOA https://ift.tt/2MVtSKD
via IFTTT
Thursday, July 5, 2018
Mike Pompeo oo Kuuriyada Waqooyi ku wajahan
Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Khamiistii u kicitimay Kooriyada Waqooyi isagoo halkaasi ku gali doona wada-hadallo ku saabsan soo afjarista Hubka Nuclear-ka Pyongyang. Arinkan ayaa daba jooga qiimeyn Heya'adda Mukhaabaraadka Mareykanku ay sameysay taasoo lagu ogaadey in Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu sii wado horumarinta Barnaamijkiisa Nuclear-ka. Pompeo, oo uu direy Madaxweyne Trump si uu u soo indho-indheeyo heshiikii ay Singapore ku gaareen isaga iyo Kim, ayaa la filayaa inuu Pyngyang gaaro Jimcahan maanta ah. Socdaalka Mike Pompeo ayaa ah kii Saddexaad ee uu ku tago dalka Kuuriyada Waqooyi, waana kiisii ugu horeeyey oo uu habeen ku hoyan doono.
from VOA https://ift.tt/2lYhQEW
via IFTTT
Dagaal weli ka dhex socda Al-Shabaab iyo shacab
Iska horimaadyo cusub ayaa laga soo sheegayaa maalintii labaad degaanka Caad oo shalay ay dagaallo ku dhexmareen dadka degaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2KM6PVb
via IFTTT
HRW: Jirdil ayaa ka dhaca xabsiga Jeel Ogaadeen
Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in xadugudbyo arxan darro ah, jirdil, kufsi, iyo ceebeyn, ay ka dhacaan xabsiga Jeel Ogaadeen ee deegaanka Soomaalida Ethiopia.
from VOA https://ift.tt/2zeDoXA
via IFTTT
Ethiopia oo ONLF ka saartay liiska argagixisada
Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey qaraar ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ee dalkaas ka saaraya liiska argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana.
from VOA https://ift.tt/2KD1KQ8
via IFTTT
Wednesday, July 4, 2018
Dhoofinta Xoolaha Somalia oo la Fasaxay
Guddi ay horey Dowlada Fedraalku u saartay in ay wada-xaajood la sameeyaan Dowlada Sacuudiga si xoolaha Soomaaliya xayiraada looga qaado ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey sababaha soo dedejiyey in Sacuudigu uu fasaxo iib geynta dalkiisa xoolaha nool ee soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2tXgrD3
via IFTTT
Dad Kale oo Lagu Sumeeyey Britain
Nin iyo Naag is-qaba ayaa ku jira xaalad khatar ah dalka Britain, kadib markii loo adeegsadey sun la mid ah tii lagu weeraray nin hore uga tirsanaa Sirdoonka Ruusha iyo gabadhiisa.
from VOA https://ift.tt/2KPr811
via IFTTT
Dibadbaxyo ka Socda Poland
Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo sharci cusub oo keenaya in 3 meeloow hal meel garsoorasyaasha Maxkamadda Sare ee dalka Poland ay xilka ka dagaan ayaa ka dhacay dalka magaalada Warsaw.
from VOA https://ift.tt/2MRPwzJ
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 427-aad
Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 427-aad.
from VOA https://ift.tt/2KLwKMO
via IFTTT
Dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo shacab
Ugu yaraan 10 qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dad tuulo-joog ah ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada xagjirka ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Caad oo galbeed ka xiga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
from VOA https://ift.tt/2z9VKch
via IFTTT
Wafti ka socda Qatar oo tagey dekadda Hobyo
Wafdi ka socda dawladda Qatar ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
from VOA https://ift.tt/2tT5Okv
via IFTTT
Ciidamo iyo Shabaab ku dagaalaamy Sanguuni
Dhinaca kalena ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada dawladda iyo laba ka tirsan Al-Shabab ayaa ku dhintay iska horimaad culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay meel u dhow degaanka Sanguuni ee Jubbada Hoose. Wararka qaar oo laga helayo dagaalka ayaa tirada dadka ku dhintay intaasi ka badinaya. Haaruun Macruuf ayaa dagaalkan ka waraystay Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ah taliye urur kuna sugan Sanguuni.
from VOA https://ift.tt/2u647zw
via IFTTT
Malaysia: Najib Razak oo maxkamad lasoo taagey
Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta si rasmi ah loogu soo oogay dacwado lala xiriira fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah.
from VOA https://ift.tt/2NofOdP
via IFTTT
Daacish oo sheegtay inuu dhintay wiilka al-Baghdadi
Wiilka hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa ku dhintay howlgal ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Homs ee galbeedka dalka Syria, sida ay baahisay warbaahinta Daacish ee al-Nashir News.
from VOA https://ift.tt/2IOO7aF
via IFTTT
Tuesday, July 3, 2018
Soomaalida u Shaqeysa Dowlada Hoose ee Minneapolis oo Kulmay
Kulan ay isku baranayeen shaqaalaha Soomaalida ah ee u shaqeeya Dowlada Hoose ee magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ayaa shalay ka dhacay gobolka Minnesota.
from VOA https://ift.tt/2lU98HW
via IFTTT
Galka Baarista: Hub usoo degay dowladda Somalia
Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii aynu soo dhafanay kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2KEStGl
via IFTTT
Yariisow oo baabi'iyey heshiiyo lagu bixiyey dhulal
Duqa Muqdisho ayaa soo saaray amar ay dowladdu kaga noqoneyso dhamaan heshiiyo ay ku tilmaamay sharci darro oo lagu xalaaleystay hanti guud, oo ay saxiixeen mas'uuliyiinta dowladdii hore.
from VOA https://ift.tt/2z2QWFr
via IFTTT
Muhaajiriin laga soo badbaadiyey xeebaha Libya
Dowladda Libya ayaa sheegtay inay samatabixiyeen 41 muhaajiriin ah ka dib markii ay la degtay doonida ay saarnaayeen. Sidoo kale waxaa nolol iyo geeri lagu la'yahay 63 qof oo muhaajiriin ah oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonida ku degtay xeebaha dalkaasi. Wariyaha VOA-da Xuseen Saxnuuni ayaa warbixintan Qaahira ka soo diray.
from VOA https://ift.tt/2lQ1mPe
via IFTTT
Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo la xiray
Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta la xiray ayada oo lala xiriirinayo fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah.
from VOA https://ift.tt/2tWB8iH
via IFTTT
Monday, July 2, 2018
Trump oo u Hanjabay Ururka Ganacsiga Adduunka
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu hadda qorsheyneyn in talaabo ka qaado Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), hase yeeshee, uu u digayo, isaga oo yiri "Haddii aad si wanaagsan noola dhaqmi waydaan, isla waxaad nagu sameyseen ayaan sameynaynaa."
from VOA https://ift.tt/2ILszf9
via IFTTT
Brazil oo u gudubtay wareega siddeeda ee Koobka Aduunka
Xulka Brazil ayaa gaaray wareega sideeda ee Koobka Aduunka kadib marki 2-0 uga badiyeen xulka qaranka ee Mexico, ciyaar ka dhacday garoonka Samara Arena ee magaalada Samara.
from VOA https://ift.tt/2KDx2lO
via IFTTT
Al-Shabaab oo dilay nabaddoon 93 jir ahaa
Kooxda Al-Shabab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad.
from VOA https://ift.tt/2zdjOLp
via IFTTT
QM oo ka hadashay deeqaha gaarka loo siiyo Somaliland
Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midobay ee Soomaaliya Peter De Clercq ayaa idaacadda VOA waraysi uu siiyey ku sheegya inana weli heshiis laga gaadhin in si rasmi ah loogu hehsiiyo qorshaha gaarka ah ee mucaawaimada Somaliland. Dhowaan ayay soo baxday in beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin arrintaas iyada oo dawladda Soomaaliya ay doonaysay in meesha laga saaro qorshaha gaarka ah ee Somaliland muwaacimada ku hesho, beesha caalamkuna ay ku adkaysatay inuu sii socdo. Warbixino uu Haaruun Macruuf ka diyaariyey wareysiga Peter De Clercq hoos ka dhageyso.
from VOA https://ift.tt/2tPwJOc
via IFTTT
ONLF oo beenisay hadalkii safiir Jamaaludiin
Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2NkwPW6
via IFTTT
Somaliland oo xayiraad saartay baraha bulshada
Xukuumadda Somaliland ayaa muddo afar maalmood ah oo ku eg khamiista soo socota waxay muddo kooban maalintii xayiraad ku soo rogtay adeegsiga baraha bulshadu ku xidhiidho.
from VOA https://ift.tt/2yZ6ZEd
via IFTTT
Caqabado haysta guddiga dastuurka Somalia
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan caqabado waa weyn oo keenay dib u dhacyada xooggan ee dib uu eegsita dastuurka xilligan.
from VOA https://ift.tt/2Nlwumm
via IFTTT
Imaaraadka oo joojiyey weeraradii Xuutiyiinta
Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in, sida uu hadalka u dhigay, la joojinayo ololaha military ee uu hormoodka ka yahay dalka Sacuudiga ee la doonayo in dib loogu qabsado magaalada xeebta ku taalla ee Xudeyda. Ujeedada xabbad joojinta ayaa Imaaraadku sheegay in tahay in fursad la siiyo erygeyga gaarka ah ee QM oo u kala dab qaadaya labada dhinac ee dagaalamaya. Ergeyga Gaarka ah ee QM, Martin Grifithis ayaa toddobaadkii hore sheegay in kooxda Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay muujiyeen inay doonayaan in wadahadalka dib u bilaabaan. Bartimihii bishii June ayaa Isbahaysiga uu Sacuudigu hogaamiyo uu weerar ku qaaday magaalada Xudeyda si uu Xuutiyiinta meesha uga saaro. Grifiths ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in maamulka dekedda ay ku wareejiyaan QM.
from VOA https://ift.tt/2yZEdU3
via IFTTT
Rabshado ka dhashay biyo yaraan oo ka dhacay Iran
Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warrantay in goor dambe oo axaddii ah ay isku dhaceen booliska iyo dadweyne ka banaanbaxayey biyo yari iyo hawada wasaqeysan ee koonfurta galbeed ee dalkaas.
from VOA https://ift.tt/2MGBsJe
via IFTTT
Sunday, July 1, 2018
Russia oo reebtay Spain una gudubay wareega siddeeda ee KA
Xulka martigelinayo Koobka Aduunka ee sanadkan 2018-ka ee Russia ayaa u gudbay wareega sideeda ee tartanka, kadib marki ay maanta rigoorayaal 4-3 ah uga badisay xulka Spain.
from VOA https://ift.tt/2IFKcwB
via IFTTT
QM: Dukaraq Waxaa Ku Barakacay 12 kun oo Ruux
Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 kun oo qof.
from VOA https://ift.tt/2u1h2D9
via IFTTT
Barn. Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdulqaadir Cali Boolaay oo ka mid ahaa dhalinayaradii SYL dhinaca warbaaxinta u qeybsanaa, waxaana uu ka jawaabayaa su'aalo la xiriira halgalkii xornimo doonka.
from VOA https://ift.tt/2tUBOUO
via IFTTT
Al Shabaab oo Hoobiyeyaal Ku Duqeeyay Muqdisho
Dhowr qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday weeraro hoobiyaal ah oo ururka Al-Shabab ay ku qaadeen magaalada Muqdishu.
from VOA https://ift.tt/2z1tt7E
via IFTTT