Isku dhacyo xiriir ah balse aan cuslayn ayaa la sheegayaa inay labadii maalmood ee lasoo dhaafay u dhexeeyeen maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna ka dhacayeen buuralayda Cal-Miskaad oo ku taalla Bariga Gobolka Bari ee Puntland
from VOA http://bit.ly/2TkEBlD
via IFTTT
Thursday, January 31, 2019
Warbxiin: Dagaallada Al-Shabab iyo Daacish
Wararkii ugu dambeeyey doontii ku degtay xeebta Jabuuti
Laba doonyood oo ay saarnaayeen tahriibayaal oo ka shiraacday deegaanka Godoria ee waqooyiga Bari dalka Djibouti talaadadii ayaa degay 30 daqiiqo un markii ay badda ku jireen.
from VOA http://bit.ly/2CY1ULa
via IFTTT
Juve oo la garaacay iyo Fiorentina oo xasuuqday Roma
Kooxda Juventus ayaa dhadhamisay guuldarradi ugu horreysay ee kasoo gaarta ciyaaraha Talyaaniga xilli ciyaareedkan, kaddib marki ay xalay 3-0 ku khasaartay kooxda Atalanta ciyaar ka tirsaneyd wareega sideeda ee tartanka Coppa Italia.
from VOA http://bit.ly/2HJE1MQ
via IFTTT
Chelsea oo jabtay iyo Liverpool oo la hakiyay
Liverpool ayaa ka faa'ideysan weyday guuldaradi naxdinta laheyd ee Manchester City kasoo gaartay Talaadadi kooxda Newcastle United, ka gadaal marki ay arbacadi shalay barbarro 1-1 ah la dhaafi weyday naadiga Leicester City.
from VOA http://bit.ly/2Sgggjv
via IFTTT
Barcelona oo karbaashtay Sevilla
Barcelona ayaa 6-1 ku dardartay xalay kooxda Sevilla is-aragi labaad ee wareega sideeda eetartanka Copa del Rey.
from VOA http://bit.ly/2HGhyQI
via IFTTT
Dowladda Somalia oo dejisay walaaca laga qabo shirka London
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay walaaca laga qabo shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya oo ay bisha Febraayo horaanteeda ku qabaneyso London.
from VOA http://bit.ly/2DLzc1q
via IFTTT
Shirka shidaalka Soomaaliya oo laga digay
Dowladda Soomaaliya iyo shirkad baarta shidaalka ayaa horaanta bisha February waxay magaalada London ku qaban doonaan shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2UyQfcX
via IFTTT
Bandhigga VOA: Doorka gargaarka ee kobaca bulshada
Barnaamijkii Bandhigga VOA waxa aan toddobaadkan ku eegeynaa doorka ugargaarka la siiyo dowladaha uu ku leeyaha kobaca bulshada, iyo haddiiba uu kobciyo. Waxaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA http://bit.ly/2DMTLe5
via IFTTT
Xulufada Sacuudiga oo u hanjabay Xuutiyiinta
Xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dalka Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay awood adeegsadaan si ay ugu qasbaan Xuuitiyiinta inay u hogaansamaan xabad joojinta magaalada dekedda leh ee Xudaydah.
from VOA http://bit.ly/2Bf10d5
via IFTTT
Wednesday, January 30, 2019
Goos-goos: Juventus, Chelsea oo Laga Badiyay iyo Liverpool oo la qabtay
Naadiga Juventus oo difaacaneysay koobka Coppa Italia, ayaa guul darro naxdin badan kala kulantay naadiga Atlanta.
from VOA http://bit.ly/2SbGp39
via IFTTT
Wariye Muddo Ku Xirneyd Mareykanka oo Iran Lagu Soo Dhaweeyay
Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ayaa dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xirneyd Mareykanka.
from VOA http://bit.ly/2Bdyl88
via IFTTT
Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay gobolka Washington
Xaalad deg deg ah ayaa la geliyay gobolka Washington ee dalka Mareykanka, ka dib markii ay cudurka jadeecada uu ka dilaacay.
from VOA http://bit.ly/2BaivLG
via IFTTT
Britain iyo Midowga Yurub oo is mari la'
Mustaqbalka heshiiska ay Britain uga baxayso Midawga Yurub ayaa mugdi soo galay, kadib markii baarlamaanka Britain ay ogolaadeen in heshiiska BREXIT dib loogu noqdo. Arrintan ayaa waxaa iyana ku gacan sayray ururka Midowga Yurub. Faahfaahinta waxa ay isku hayaan Britain iyo Midowga Yurub, waxaa warbixin nooga diyaariyey Xuseen Barre.
from VOA http://bit.ly/2DIDwPc
via IFTTT
Dad badan oo ku dhintay doon ku degtay xeebta Jabuuti
Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 35 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay.
from VOA http://bit.ly/2DIqBgd
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 456-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 456-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2UmCZI6
via IFTTT
Dowladda UK oo safiir cusub usoo magacowday Somalia
Dowladda boqortooyada UK ayaa maanta safiir cusub waxa ay usoo magacowday dalka Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2RtIi6Z
via IFTTT
Mareykanka iyo Taliban oo dhisaya guddiyo farsamo
Dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa isku raacay in labadaba ay dhisaan laba guddi farsamo oo go'aan ka gaaraya habka ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan dalka Afghanistan.
from VOA http://bit.ly/2DI8LKh
via IFTTT
Tuesday, January 29, 2019
Warbixin: Wax-soosaarka Bariiska ee Beeraleyda Jowhar
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay caan ku tahay wax soo saarka dalaga Bariiska, waana magaalada kaliyah ee lagu beero bariiska loo yaqaano bariis caddaha dadka qaarna ay u yaqaanaan Bariis Baarroow.
from VOA http://bit.ly/2DHdL1v
via IFTTT
Midowga Yurub oo Diiday Dalabka May
Hogaamiyaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra'isulwasaaraha Britain Theresa May ku rabto in ay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March.
from VOA http://bit.ly/2UrJklv
via IFTTT
J. Bolton oo u Digay Xeer Ilaaliyaha Venezuela
Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton ayaa u digay Xeer Ilaaliyaha dalka Venezuella, isaga oo sheegay in cirib xumo uu la kulmi doono, ka dib markii xeer Ilaaliyuhu uu sheegay in uu Maxkamadda Sare ee dalka ka codsaday in hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido uuna dalka ka bixin.
from VOA http://bit.ly/2G7QV4Z
via IFTTT
Galka Baarista: Muran ka taagan Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka
Barnaamijka Galka Baaristan waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay muran ka taagan hay'adda Isgaarsiinta Qaranka. Muranka ayaa ka taagan xubnaha guddiga maamula hay'adda, oo shirkado badan ay diideen, ayaga oo ku doodaya in shirkadda Hormuud ay awood badan ku leedahay guddiga. Waxaan sidoo kale qeyb ka mid ah barnaamijka uga hadleynaa maamulka domain-ka .SO ee Soomaaliya. Harauun Macruuf ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2GcOQ7E
via IFTTT
Israsaaseyn dhimasho sababtay oo ka dhacday Balcad
Laba qof ayaa lagu dilay, afar qof oo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray israsaaseyn maanta ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dadka dhaawaca ah ayaa wxaa ku jiray xoghayaha dowladda hoose ee Degmada Balcad oo israsaaseynta ay dhex martay ciidamadiisa iyo ciidamo taabacsan gudoomiyaha maamulka degmada Balcad. Sida uu VOA u sheegay Ugaas Maxamed Wali Ugaas Xuseen oo kala dhex galay labada dhinac ee dagaalamay, iska hor imaadka ayaa ka dhashay bar kontarol oo lacago lagaga qaado gaadiidka isaga kala goosha degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho. Xaalada Degmada Balcad ayaa xiligan caadi ku soo noqotay waxaana dib u billaabmay isu socodka gaadiidka iyo dadka.
from VOA http://bit.ly/2FVjuDg
via IFTTT
Dad ku dhintay iyo qaar ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho
Laba qof ayaa ku dhimatay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2Rnt2Zh
via IFTTT
Mareykanka oo dacwado kusoo oogay Huawei
Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei Technologies, ayaa diiday dacwad dambiyeed ay kusoo oogeen dacwad oogayaasha Mareykanka oo ku saabsan xatooyada hantida maskaxeed ee Mareykanka iyo qiyaameyn lacageeed.
from VOA http://bit.ly/2B9YR2m
via IFTTT
Monday, January 28, 2019
Deni oo gogol u fidinaya madaxda Soomaalida
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay inuu dhigo doono gogol ay iskugu imanayaan dhyinacyada Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2UnAvcm
via IFTTT
Juventus oo u dhawaatay horyaalkeedii 8-aad oo xiriir ah
Horyaalka Serie A-da Talyaaniga waxaa wali loo maaro la'yahay kooxda Juventus oo ciyaar adag oo ay xalay magaalada Roma kula dheeshay kooxda Lazio uga soo badisay 2-1.
from VOA http://bit.ly/2MBushQ
via IFTTT
Real iyo Barcelona oo wada badiyay
Kooxaha waaweyn ee horyaalka La Ligaha Spain ayaa todobaadkaan wada badiyay, Barcelona waxay 2-0 ku khaarijisay kooxda Girona oo ciyaarti xalay ku dhameysatay 10 laacib kaddib marki kaarka casaanka ah loo taagay ciyaaryahan Bernardo.
from VOA http://bit.ly/2Rj1FPP
via IFTTT
Faah-faahina samei-finalka tartanka Koobka Asia
Waxaa heer gaba gaba ah maraya Koobka Qaramada Asia ee maalmahaan ka socday magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isutaga imaaraadka Carabta.
from VOA http://bit.ly/2Wq7Q8A
via IFTTT
Faahfaahin laga bixiyey weerar lagu qaaday ajnabi ku xiran Muqdisho
Mas'uuliyiinta ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey shil ka dhacay xabsiga dhexe oo laba ka tirsan maxaabiista ay weerareen nin Brittan u dhashay oo absiga ku xiran.
from VOA http://bit.ly/2MDAG0y
via IFTTT
Khilaafka Cagjar iyo Axmed Shide oo la xaliyey
Khilaaf u dhexeeyey guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha ismamaulka Soomaalida Itoobiya ayaa la soo afjarey.
from VOA http://bit.ly/2sQbJpH
via IFTTT
Dagaal ka dhex billowday Shabaab iyo Daacish
Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso.
from VOA http://bit.ly/2DCWmY7
via IFTTT
Wabiga Shabeelle oo biyo yareeyey iyo cudurro ka dhashey
Dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa ka cabanaya xanuuno ka dhashay biyaha wabiga Shabeelle oo biyo yareeyey iyo is-bedel ku dhacay biyihi yaraa ee laga helayey. Dadka beeraleyda ah ayaa iminka muujinaya cabsi xooggan oo ku saabsan in gebi ahaan webiga guro, oo ay waraab u wayaan dalagyadooda. Warbixin arritan ku saabsan waxa Baladweyne nooga soo diray wariyaha VOA da Xuseen Xasan Dhaqane.
from VOA http://bit.ly/2B89aEd
via IFTTT
Brazil: Dad badan oo ku dhintay biyo-xireen dumay
Tirada dadki ku dhintay burburka Biyo-xireenki Jimcihi ku dumay Koofurta Bari ee dalka Brazil ayaa gaartay 58 qof, iyadoo wali la la'yahay dad gaaraya 300 oo qof. Howlaha lagu baadi-goobayo dadka loo maleynayo in ay ku hoos jiraan dhoobada ayaa muddo kooban la hakiyay Axadii shalay, kaddib marki ay saraakiisha dowladda hoose ee Brumadinho ay ka baqeen inuu dumo biyo xireen kale oo ku yaalla magaalada. Dadka deegaanka ayaa loo sheegay in ay u diyaar garoobaan in ay ka baxaan meelaha u dhaw dhaw biyo xireenka. Dhanka kale guddiga caddaaladda Brazil ayaa xayiray lacag gaareysa 3 bilyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay leedahay shirkadda macdanta qodda ee Vale oo iyadu laheyd biyo xireenka ay dadka ku baaba'een.
from VOA http://bit.ly/2TfsVAw
via IFTTT
Sacuudiga oo sii daayey al-Amoudi
Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Ethiopia, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xiray olole ka dhan ah musuq-maasuqa.
from VOA http://bit.ly/2ThCpvh
via IFTTT
Sunday, January 27, 2019
Wabi Shabeelle oo Biyo Yareeyey iyo Cudurro ka Dhashey
Dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa ka cabanaya xanuuno ka dhashay biyaha wabiga Shabeelle oo biyo yareeyey iyo is bedel ku dhacay biyihi yaraa ee laga helayey. Warbixin arrimahaa ku saabsan waxa Baladweyne nooga soo diray wariyaha VOA da Xuseen Xasan Dhaqane.
from VOA http://bit.ly/2MCnhpu
via IFTTT
Garoowe: Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo Is-cafis ku Baaqay
Haddaba madaxda ururada bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay hadalada siyaasiyinta qaarkood ka jeediyeen magaalada Garawe xalay gaar ahaan kuwa ku baaqayey in la is cafiyo.
from VOA http://bit.ly/2UnIDKd
via IFTTT
Wicitaanka: Gudd. Baarlamaanka Puntland
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed ayaa barnaamijka wicitaanka kaga halday arrinta Sool iyo Sanaag, waxaana qeybta dambe arrintaas jawaab kaga bixinaya Wasiirka wasiirka Horumarinta biyaha ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore
from VOA http://bit.ly/2RkWEWW
via IFTTT
Ajnabi ku Xiran Muqdisho oo la Daawacay
Ninkan oo u dhashay dalka Biritan oo toddobaadkii hore loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdishu kadib markii lagu eedeeyey inuu halis geliyey nabadqabka dadweynaha iyo inuusan shaacinin walxo qarxa oo uu haystay xilli uu isku dayayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.
from VOA http://bit.ly/2UifFLF
via IFTTT
Korneel ka Goostay Dawladda Venezuela
Colonel Jose Luis Silva oo ahaa u qeybsanaha dhinaca millatariga ee safaaradda Venezuella ay ku leedahay magaaladan Washington ayaa muuqaal Video ah oo Sabtidii shalay uu baahiyay ugu baaqay ciidanka qalabka sida in Juan Guaido ay u aqoonsadaan madaxweynaha Venezuella
from VOA http://bit.ly/2G4mrks
via IFTTT
RW Trudeau oo Danjirihiisii Shiinaha Shaqada ka Eryey
Danjire McCallum ayaa Talaadadi kusoo baxay cinwaannada hore ee warbaahinta, kaddib markii uu ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee ay dowladda Mareykanka ku rabto in loogu soo gacan-geliyo Meng Wanzhou oo ah haweeneey u dhalatay dalka Shiinaha, taasoo tan iyo bishii December ku xiran magaalada Vancouver
from VOA http://bit.ly/2S9LBo2
via IFTTT
Wada hadalka Maraykanka iyo Daalibaan oo meel wanaagsan maraya
Mareykanka iyo Kooxda Daalibaan ayaa laga yaabaa in ay ku heshiiyeen qorshe ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan Afqaanistaan, ilo qarssoodi ah ayaa sidaasi u sheegay VOA-da maalintii Sabtida ee shalay
from VOA http://bit.ly/2Hwujxn
via IFTTT
Saturday, January 26, 2019
Maxaa ka soo Baxay Kulankii Cagjar iyo Shide?
Af-hayeenka Ururka ONLF oo ka hadlay shirkii dhex maray Mustafe Cagjar, madaxweynaha gobolka Soomaalida iyo Axmed Shide, guddoomiyaha xisbiga tallada haya oo maalmahan khilaaf siyaasadeed uu u dhaxeeya ayaa sheegay in guulo la gaaray
from VOA http://bit.ly/2FQuCBo
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qoddobo ay ku jiraan silsalad suugaaneeddii Araweelo, magacyada maalmaha iyo bilaha oo Af-Soomaali ah iyo qoddobkii hal-abuurka
from VOA http://bit.ly/2FZLUeE
via IFTTT
Garoowe: Deni oo la Caleema-saarayo
Magaalada Garowe oo loo diyaar garoobayo caleema-saarka madaweyne Deni waxaa ku sugan hoggaamiyayaal Soomaali ah oo kala fikir duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii ka horeeyey, madaxda maamul-goboleedyada iyo siyaasyiin kale.
from VOA http://bit.ly/2MxVTsU
via IFTTT
Kansas: Rag lagu Xukumay 25-30 Sano
Garsoore Maraykan ayaa shalay saddex nin oo Cadaan ku ku xukumay 25 sano ilaa 30 sano oo xadhig ah, kadib markii lagu helay inay doonayeen inay weeraraan masaajid ay Soomaalidu ku leeyihiin magaalada Garden city ee gobolka Kansas.
from VOA http://bit.ly/2sOVt8l
via IFTTT
AP: Sacuudiga iyo Gantaaladda Ballistiga
Dalka Sacuudiga, Khubarro iyo Muuqaallo dhinaca setalite-ka ah ayaa muujinaya in saldhig military oo ku yaalla gudaha Sacuudiga uu u muuqdo mid lagu sameeeyo laguna tijaabiyo gantaallada nooca balaastikada ah ee xanbaari kara hubka nuclear-ka.
from VOA http://bit.ly/2MDm2Xu
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qoddobo uu ka mid yahay kufsi dhawaan magaalada Guriceel loogu geystay gabar da' yar, arrintaas oo afar nin dhalinyaro ah loo soo qabtay
from VOA http://bit.ly/2sQcgbj
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada Heesaha
Barnaamijka Hambalyada Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://bit.ly/2CL2vzO
via IFTTT
Friday, January 25, 2019
Holaha Dowladda Maraykanka oo Dib loo Furay
Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa saxeexay habeenimadii xalay heshiis ogolaanaya in dib loo furo hawlihii shaqo ee dawladda maraykanka oo hakad ku jiray.
from VOA http://bit.ly/2WmZPkD
via IFTTT
Hormuud oo ka hadashay xarumo laga burburiyey
Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa ka hadashay duqeyn iyo burburin ay sheegeen in ciidamo ka tirsan dowlada Kenya ay u gaysteen xarumo ay shirkada lahayd.
from VOA http://bit.ly/2DytlMS
via IFTTT
FBI-da oo xirtay Roger Stone
Roger Stone, oo la-taliye u ahaa ololaha doorasho ee madaxweyne Trump ayaa waxaa maanta xiray hay'adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da. Stone ayaa waxaa loo xiray dhowr eedeymo oo la xiriira baaritaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016. Wakiilada FBI-da ayaa Stone waxay ay subaxnimadii jimcaha ku xireen gobolka ku yaalla Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida, kadib markii xeer-beegti federal ah ay ku eedeeyeen shan kiis oo la xiriira inuu been sheegay iyo laba kiis oo mid uu yahay inuu hor-istaagay cadaalladda iyo midka kale oo ah inuu faro-geliyey marqaati furayaal.
from VOA http://bit.ly/2UiWy4e
via IFTTT
Faaqidaadda: Khilaafka siyaasadeed ee gobolka Soomaalida Ethiopia.
Barnaamijkii Faaqidaadda Todobaadka, waxa uu ku saabsan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia. Waxaa soo jeedinaya Jaamac Buulle Jaamac
from VOA http://bit.ly/2DxKjem
via IFTTT
Monaco oo eriday Thierry Henry
Maamulka kooxda Monaco ayaa shaqada ka ceyriyay tababarahoodii Thierry Henry kaddib marki uu kooxda leyliyay kaliyah 20 kulan.
from VOA http://bit.ly/2FOzSFO
via IFTTT
Chelsea oo gaartay finalka League Cup
Kooxda Chelsea ayaa gaartay finalka koobka League Cup-ka Ingiriiska, kaddib marki ay rigoorayaal 4-2 ku garaacday kooxda Tottenham.
from VOA http://bit.ly/2FXAwA0
via IFTTT
Sideed ka mid ah ciidamada Jubaland oo qarax lagu dilay
Ugu yaraan sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.
from VOA http://bit.ly/2DyEXzA
via IFTTT
Shaqaalaha Mareykanka oo laga soo saarayo Venezuela
Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku amartay shaqaalaheeda aan muhiimka ahayn inay kasoo baxaan dalka Venezuela, hase yeeshee ma xireyso safaaradeeda magaalada Caracas, sida ay sheegtay.
from VOA http://bit.ly/2Ud7ro0
via IFTTT
Thursday, January 24, 2019
Wadahadallada Taalibaan iyo Maraykanka oo horumar sameeyey
Wararka ka imanaya dalka Qadar ayaa sheegaya in wadahadalladii toddobaadkan u socday Maraykanka iyo Taalibaanka laga sameeyey xoogaa horumar ah. Wadahadalladan ayaa lagu tilmaamay kuwo xasaasi ah.
from VOA http://bit.ly/2FVLI02
via IFTTT
Shanq of oo aano qabiil loogu dilay Hiiraan
Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka xita degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
from VOA http://bit.ly/2CI8KEi
via IFTTT
Wax ku iibsiga Online-ka oo laga hirgeliyey Somalia
Shirkadaha Online ee dunida wax looga iibsado alaabaha laguna gato ayaa markii ugu horeysay Somalia laga hirgalinayey sanadkan. Shirkadan oo ay furteen dhalinyaro qurba-joog ah ayaa qofka uu ka adeegaysanayaa sidii dukaamda, waxaana lagu iibgeeyaa dhamaan waxkastoo la gadayo. Wakhtigan la joogo maadama uu ayahy adeegaan mid ku cusub Somalia ayay sheegeen abuurayaasha shirkaadasi inuu adeegaasi yahay mid bilaash ah. Sahra Cabdi Axmed ayaa wareysatey Abdisalaan Ashkir oo ah abuuraha Shirkada Iibgey, asagoo ku sugan magaalada Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2Rc9ZRg
via IFTTT
Dhallinyaro loo xiray kufsi ka dhacay Guriceel
Dadka ku nool deeganada Galmudug, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada ayaa maalmihii u dambeeyay si carro leh uga jawaabay fal kufsi ah oo ay dhalinyaro u geysteen gabar reer Gurceel ah, kadibna ay baraha bulshada ku faafiyeen.
from VOA http://bit.ly/2UdtF9j
via IFTTT
Xiisad ka dhex -oogan Talyaaniga iyo Faransiiska
Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhex oogan dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga, oo ka mid ah dalalka ugu saameynta badan Midowga Yurub. Xiisaddan ayaa ka dhalatay hadal uu dhawaan yiri Ra'isul Wasaara ku xigeenka Talyaaniga ku eedeeyay Faransiiska inuu yahay kan ugu wacan saboolnimada wadamo ku yaalla Africa. Murankan ayaa waxaa saldhig u ah muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub, ayada kumanaan muhaajiriin ah oo isku dayaya inay qaaradda gaaraan ay ku naf waayeen badda Mediterranean. Wariyaha VOA-da Henry Ridgwell, ayaa warbixintan soo diray. Nuur Xassan Nuur ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2DvfNSy
via IFTTT
Bandhigga VOA: Dhaqanka iyo aqoontii Soomaalidii hore
Barnaamijka Bandhigga VOA, waxa uu maanta ku saabsan yahay dhaqanka iyo aqoontii Soomaalidii hore. Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2UghfOe
via IFTTT
Real Madrid oo noqotay kooxda ugu dhaqaalaha badan Yurub
Kooxda Real Madrid iyo Barcelona ayaa noqday labada koox ee ugu dakhliga badanaa Yurub sannadki tagay ee 2018-ki, iyaga oo booskaasi kala baxay kooxda Manchester United oo in muddo ah aheyd kooxda ugu dhaqaalaha badan Yurub.
from VOA http://bit.ly/2FUJM80
via IFTTT
Sevilla oo cashir u dhigtay Barcelona
Kooxda Barcelona ayaa xalay gobolka Andalusia kala soo laabatay guuldarro kaddib marki ay 2-0 kusoo garaacday kooxda Sevilla ciyaar ka tirsaneyd is araga koowaad ee wareega sideeda ee tartanka Copa del Rey.
from VOA http://bit.ly/2FOnqFY
via IFTTT
Neymar oo dhaawacmay
Kooxda Paris St Germain ayaa xalay gaartay wareega 16-ka koox ee koobka French Cup, ka gadaal marki ay 2-0 ku garaaceen naadiga Racing Strasbourg.
from VOA http://bit.ly/2FWBNqU
via IFTTT
Piatek oo ku biiray Milan
Kooxda AC Milan ayaa Arbacadi ku dhawaaqday saxiixa weeraryahankii kooxda Genoa Krzysztof Piatek kaas oo bedel u noqon doona Higuain.
from VOA http://bit.ly/2FIoD1H
via IFTTT
Higuain oo ku biiray Chelsea
Kooxda Chelsea ayaa xalay lasoo wareegtay weeraryahanka reer Argentine iyo kooxda Juventus Gonzalo Higuain.
from VOA http://bit.ly/2T9ldbd
via IFTTT
Trump oo dib u dhigay jeedinta khdubadda qaranka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi doono jeedinta khudbadda Xaaladda Qaranka, ilaa aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xirnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda.
from VOA http://bit.ly/2WhwgRM
via IFTTT
Wednesday, January 23, 2019
Godana: Xeryaha Dhadhaab ha la Xiro
Guddoomiyaha gobolka Tana River ee dalka Kenya, Daado Godana ayaa sheegay in xerada qaxootiga ee Dhadhaab albaabada la isugu dhufto taasoo uu ku macneeyay in ay marin u tahay kooxda Alshabaab.
from VOA http://bit.ly/2HqJpo0
via IFTTT
Maxkamadda G/Banaadir oo amartay in lasii hayo Antony Thomas
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo nin ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2CISoLU
via IFTTT
Somaliland oo diiwaan gelineysa madarasadaha quraanka
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay ku diiwaangelinayso madarasadaha Quraanka, isla markaana loogu samaynayo manhaj isku mid ah.
from VOA http://bit.ly/2Mp5GBD
via IFTTT
Sarkaal ka tirsanaa dowladda oo Muqdisho lagu dilay
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saaka xubin ka tirsan shaqaala rayidka ah ee dawladda ku toogtay magaalada Muqdisho. Marxuumka laga dilay ayaa lagu magacaabay Cabdi Maxamuud Cosobole (Cabdi Madoobe), waxaana uu ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka qaranka. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilkan. Seynab Abuukar ayaa warkan kasoo dirtay Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2sQ8Hlz
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 455-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 455-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2Mp5mTr
via IFTTT
Xiisad siyaasadeed oo ka taagan gobolka Soomaalida Itoobiya
Mas'uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay inaysan gorgortan ka geli doonin in sharciga la horgeyeo xubno la sheegay inay dambiyo ka galeen maamulka. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la sheegayo in xiisad ku saabsan dib u habaynta xisbiga ka taliya gobolka is-maamulka Soomaalida ay jirto. Arrimahan ayaa Jaamac Buulle Jaamac uu ka waraystay Wasiirka cusub ee xafiiska xiririka dadweynaha maamulka Soomaalida Cabdullaahi Maxamed Mowliid Wasiirka
from VOA http://bit.ly/2DrE2AQ
via IFTTT
Dib-u-habeyn lagu samaynayo xisbiyada dalka Ethiopia
Qowmiyadaha dalka Ethiopia ayaa ku guda jira dib u habayn ay ku sameyanyaan xisbiyadooda siyaasadeed, iyada oo dadka dalkaasi ay isku diyaarinayaan doorasho dhacaysa 2020-ka. Haddaba faafhaaninta meesha wax marayaan ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu ka wareystay Xirsi Cabdulqaadir oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee Ethiopia, haatanse ku sugan dalka Maraykanka.
from VOA http://bit.ly/2R83Ci3
via IFTTT
Mareykanka: Rag lala xiriiriyey Daacish oo la xiray
FBI-da ayaa Isniintii xirtay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey talaadadii.
from VOA http://bit.ly/2CBziXS
via IFTTT
Tuesday, January 22, 2019
Ethiopia: Dib-u-habeynta Xisbiyada
Qowmiyadaha dalka Ethiopia ayaa ku guda jira dib u habayn ay ku sameyanyaan xisbiyadooda siyaasadeed, iyada oo dadka dalkaasi ay isku diyaarinayaan doorasho dhacaysa 2020ka.
from VOA http://bit.ly/2Hr4PRT
via IFTTT
Muwaadin Mareykanka oo Ruushka Maxkamad Lagu Soo Taagay
Paul Whelan, oo ahaa askari u soo shaqeeyay ciidanka badda ee Mareykanka, ayaa Talaadadi shalay kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Moscow si uu abiil uga qaato xarigiisa.
from VOA http://bit.ly/2S48byn
via IFTTT
Xirnaashaha Hey'adaha Dowladda Mareykanka oo Galay Bishii Labaad
Xirnaashaha qeybo ka mid ah Hey'adaha Dowladada Federaalka Mareykanka ayaa galay bishii labaad, xilli wili uu taaganyahay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaasha xisbiga dimoqraadiga.
from VOA http://bit.ly/2HnkAcy
via IFTTT
Baarlamanka UK oo loo gudbiyey warbixin la xiriirta Somalia
Waaxda House of Commons Library oo baarlamanka UK la wadaagta cilmi-baarista iyo macluumaadka arrimaha siyaasadda ayaa soo bandhigtay warbixin looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2sGEl4U
via IFTTT
Ronaldo oo qirtay canshuur qiyaameyn
Cristiano Ronaldo ayaa qirtay dambi la xiriira inuu qiyaameeyey lacag canshuur ah. Weeraryahanka kooxda Juventus ayaa dacwadaha la xiriira kiiskan ee loo haystay waxay la xiriiraan waqtigii uu la joogay kooxda Real Madrid ee dalka Spain. Ronaldo ayaa maanta mudo 45 daqiiqo ah kasoo hor-muuqday maxkamad, halkaasi oo uu ku saxiixay heshiis uu ku ogolaaday inuu bixiyo 21.6 milyan oo dollar oo ganaax ah. Ronaldo ayaa sidoo kale lagu xukumay laba sano oo ah xabsi dib loo dhigay oo macanaheedu yahay, in haddii lacagta uu bixiyo uusan qaadan doonin.
from VOA http://bit.ly/2R70eUv
via IFTTT
Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka weerarkii Nairobi
Muddo todobaad ah ayaa laga joogaa markii weerar qarax ku billowday ay rag hubeysan ku qaadeen hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi. Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa dad kale u soo xirxiray weerarkaas. Dhinaca kalena saraakiisha Kenya ayaa wacad ku maray inay ka hortagayaan in weeraro kale ay Kenya ka dhacaan. Wariyaha VOA-da Maxamed Yuusuf ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi. Maxamed Colaad Xassan ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2CC6wGu
via IFTTT
Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho
Inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2sHodA6
via IFTTT
Muslimiinta Ohio oo raashin u qeybiyey shaqaalada dowladda
Muslimiinta gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka, ayaa billaabay hawlo samafal ah oo lagu taageerayo shaqaalaha dowladda Maraykanka ee ay saamaysay hakinta shaqada dowladda. Shaqaalahan ayaan helin lacagtoodi mushaarka muddo bil ku dhow kaidb markii ay go'day miisaaniyadda dowladda. Maalintii shalay ayay musliminta Ohio, oo Soomaalida ay ka mid yihiin, raashin u qaybiyeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Columbus. Hadaba Xuseen Barre ayaa arrintan ka waraystay Sheekh Horseed Cayni Nuux oo ah maamulaha masjidka weyn ee Abubakar al Sidiiq, ahna afhayeenka dalladda masaajidda ee Ohio.
from VOA http://bit.ly/2Mpl010
via IFTTT
Dadaallo lagu sii daynayo Roobow oo socda
Dadaallo lagu sii daynayo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
from VOA http://bit.ly/2FFcGJT
via IFTTT
Wada-hadallo u furmay Mareykanka iyo Taliban
Kooxda Taliban ayaa shaaca ka qaaday in wareeg cusub oo wada-haddallo nabadeed ah oo ay la leedahay Mareykanka uu Isniintii ka furmay dalka Qatar.
from VOA http://bit.ly/2FOvkyq
via IFTTT
Monday, January 21, 2019
Gudd. Mursal oo ka Hadlay Xarigga Roobow
Kadib caleemo saarkii todobaadkan ee madaxweynaha Maamulk K.Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa waxaa kulamo ay dhex mareen odayaasha dhaqanka ee magaalada Koonfur Galbeed iyo madaxwenaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
from VOA http://bit.ly/2Czy9A5
via IFTTT
Muqdisho: Qarax lagu dhaawacay dhakhaatiir
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in saddex dhakhtar ay ku dhaawacmeen qarax lagu xiray baabuur oo galabta ka dhacay degmada Hodan.
from VOA http://bit.ly/2RIe5pF
via IFTTT
Maalinta warfaafinta Soomaaliyeed oo maanta la xusayo
Bishii Jannaayo 21-keedii 1973-kii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya uu ka soo baxo wargeys lagu qoray Afka Soomaaliga. Maalintaas ayaa dhinaca kale xukumaddii kacaanka ee dalka ka talineysay ay u asteysay inay noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed. Wariyeyaashii u soo joogay maalintaa kana mid ahaa raggii wax ku qori jiray wargeyskaas Xidigta October waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal. Caasha Ibrahim Aaden ayaa khadka taleefanka ee Minnesota kula xiriirtay waxeyna ugu horeyn weydiisay, bal inuu sawir ka bixiyo sidii ay u ekeyd maalintaa ugu horeysay ee uu soo baxay wargeys af-Soomaali ku qoran.
from VOA http://bit.ly/2AWHty5
via IFTTT
Qurbe: Soomaalida qurbaha iyo waqtiga
Barnaamijka Qurbe waxa uu ku saabsan yahay waqtiyada kala duwan ee dalalka qurbaha iyo Soomaalida. Waxaa soo jeedinaya Jaamac Buulle Jaamac.
from VOA http://bit.ly/2TbDvsx
via IFTTT
Natiijooyinka Horyaalka Talyaaniga
Saddex isbuuc oo fasax ah kaddib waxaa todobaadkaan dib u soo laabtay horyaalka Seria A. Kooxda kaalinta labaad ku jirto ee Napoli waxay lix dhibcood oo qura u soo jirsatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus, ka gadaal marki ay xalay 2-1 ku martay Lazio.
from VOA http://bit.ly/2MtckH7
via IFTTT
Faah-faahinta Horyaalka Ingiriiska ee Todobaadka
Horyaalka Premier League Ingiriiska, todobaadkaan waxaa wada badiyay dhamaan kooxaha waaweyn marka laga reebo Chelsea oo jab kala soo laabatay garoonka Emirates ee kooxda Arsenal Sabtidii kadib marki looga badiyay 2-0.
from VOA http://bit.ly/2FFTFqV
via IFTTT
Barcelona oo mar kale badisay
Kooxda Barcelona ayaa kordhisay dhibacaha ay ku horkaceyo horyaalka La Liga, kaddib marki ay xalay 3-1 ku garaacday naadiga Leganes.
from VOA http://bit.ly/2T12MW2
via IFTTT
Oomaar oo ka hadlay nin lagu qabtay garoonka Muqdisho
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay nin ajnabi ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maalintii sabtida.
from VOA http://bit.ly/2T0Ky7e
via IFTTT
Somalia iyo hay'ado codsaday hal bilyan oo gargaar ah
Dawladda Soomaaliya iyo hay'adaha gargaarka ayaa dalbaday in in loogu deeqo Soomaaliya lacag ka badan 1 bilyan oo dollar oo gargaar bani'aadannimo ah.
from VOA http://bit.ly/2AWp2cR
via IFTTT
Golaha Wakiilada Somaliland oo waqtiga loo kordhiyey
Iyadoo dhawaanahan ay Somaliland ka taagnaayeen ismaandhaaf siyaasadeed oo la xidhiidha wakhtiga la qabanayo doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, ayaa Golaha Guurtidu maanta ay soo saartay go'aan ay muddo-kordhin ugu samaysay golaha wakiillada ee maanta jooga, taas oo ka dhigan in sannadkan gudihiisa la qabto doorashadooda. Xisbiyada UCID iyo kULMIYE ayaa hore ugu heshiiyay in bisha November ee sannadkan doorashada la qabto. Xisbiga Waddani ayaa isna sheegay in uu soo dhaweynayo in sannadkan gudihiisa doorashadu qabsoonto, hase ahaatee, aanu ogolayn in guddida doorashada ee xilligan joogaa uu qabto. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA http://bit.ly/2Tajbru
via IFTTT
Wareysi: Cawad oo ka hadlay shirka Carabta
Qaar ka mid ah hogaamiyaasha dalalka Carabta ayaa ka baaqday shirweyne dhanka dhaqaalaha ah oo shalay madaxda Carabta uga furmay dalka Lubnaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxdii la filayay inay shirkaasi ka qeyb galaan ee ka baaqsaday. Soomaaliya waxaa uga qeyb galay wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad. Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka Taleefanka ee Beirut kula xiriiray Axmed Cawad wuxuuna ugu horeyn weydiiyay shirkan.
from VOA http://bit.ly/2AVjz5I
via IFTTT
Turkiga oo isku diyaarinaya inuu la wareego Manbij
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in milatariga Turkiga ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan amaanka magaalada Manbij ee dalka Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee gacanta ka helaya ciidanka Mareykanka.
from VOA http://bit.ly/2FCY11W
via IFTTT
Israel oo qiratay inay weerartay Syria
Qirasho naadir ah oo ay samaysay ayaa Israel waxa ay maanta ku xaqiijiysay inay duqeysay bartilmaameedyo Iran ay leedahay oo ku yaalla gudaha dalka Syria.
from VOA http://bit.ly/2W4TPgh
via IFTTT
Sunday, January 20, 2019
Dad loo Xirey Qaraxii DusitD2
Dhowr qof ayaa loo xirey qaraxii DusitD2 kuwaasoo ehel la ah qaarkood raggii looga shakisanaa inay ka dambeeyeen qaraxaasi
from VOA http://bit.ly/2HnmIRG
via IFTTT
Maalin ka Dib Weerarkii Sanguuni
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay shalay inay dileen in ka badan 50 maleeshiyada ururka Al-Shabaab ka tirsan kadib markii Al-Shabaab ay saacadihii hore ee Sabtidii ay soo weerareen saldhigga Sanguuni.
from VOA http://bit.ly/2MjSbTI
via IFTTT
Warbixin: Sheekh Maxamed Kenyaawi
Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa dhawaan Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne uu ka jeediyey muxaadiro cinwaankeedu yahay "Cafi Walaalkaa"
from VOA http://bit.ly/2sBu2iv
via IFTTT
Wicitaanka: Cabdullaahi Diiriye (Dhakalow)
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdullaahi Diiriye (Dhakalow), oo ah siyaasi u dhashay dalka Kenya, horayna u ahaa xildhibaan, waxana uu ka jawaabayaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA
from VOA http://bit.ly/2MjB6cp
via IFTTT
Arsenal oo Garaacday Chelsea
Kooxda Arsenal ayaa soo nooleysay rajadi ay ka laheyd in ay sannadkaan ka mid noqoto afarta koox ee ugu sarreysa horyaalka Ingiriiska, kaddib marki ay xalay 2-0 uga badisay Chelsea.
from VOA http://bit.ly/2U65iKV
via IFTTT
Saturday, January 19, 2019
Dhageyso Barnaamijka Hambalyada & Heesaha
Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Caasha Cuud iyo Ibrahim Daandurey.
from VOA http://bit.ly/2T3XoBx
via IFTTT
Saraakiil: 60 ka Tirsan al-Shabaab ayaa la Dilay
Saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 60 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay agagaarka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
from VOA http://bit.ly/2S0w89G
via IFTTT
Friday, January 18, 2019
Soomaalida Nairobi oo dibadbax dhigay
Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada nairobi ayaa maanta halkaasi ka oogay banaanbax ay uga soo horjeedaan weerarkii talaaladii ka dhacay magaalada Nairobi.
from VOA http://bit.ly/2W1LFoX
via IFTTT
Faaqidaadda: Weerarkii magaalada Nairobi
Barnaaamijka faaqidaadda waxa uu ku saabsan weerarkii Al-Shabaab ay talaadaddii la soo dhaafay ku qaadeen dhismaha DusitD2 ee xaafada Westland ee Nairobi. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.
from VOA http://bit.ly/2QYrVif
via IFTTT
Dagaal dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan dhex maray ciidamo Ethiopian ah iyo maleeshiyada Ururka al-Shabaab.
from VOA http://bit.ly/2Mh0DTy
via IFTTT
Congo oo diiday codsi ka yimid Midowga Afrika
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ku gacan seertay baaq ka yimid Midowga Afrika oo uu ku doonayo inay hakiso ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxweyne ee bishii tagtay ka dhacda dalkaas, ayada oo sheegay in maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ay madax banaan tahay. Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in maxkamadda dastuuriga ah ay ka madax banaan tahay dowladda iyo Midowga Afrika labadaba, islamarkaana aysan ahayn shaqada dowladda ama Midowga Afrika inay u sheegaan maxkamadda waxa ay sameyneyso. Maxkamadda ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo go'aankeeda ku aadan codsi uu musharaxa kaalinta labaad galay ee Martin Fayulu ku dalbaday in codadka dib loo tiriyo isaga oo tuhmaya in lagu shubtay. Guddiga Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray khamiistii kaga codsaday dowladda dalkaas inay joojiso ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta, ayaga oo tuhmaya shakiyo badan oo ku hareereysan codbixinta. Guddiga doorashada ayaa horey u sheegay in Felix Tshisekedi uu ku guuleystay doorashada, hase yeeshee Fayulu ayaa taas ka hor-yimid una dacwooday maxkamadda sare isaga oo sheegay in Tshisekedi uu heshiis la galay madaxweynaha talada ka degaya Joseph Kabila. Isbaheyisga mucaaradka ee Fayulu ayaa sheegay maanta inuu helay 61% codadka, ayaga oo soo xiganaya natiijada ay shaacisay kaniisadda Katooliga.
from VOA http://bit.ly/2TWMvBv
via IFTTT
Trump oo safar ka joojiyey Nancy Pelosi
Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiiistii ka joojiyay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi safar ay ku aadi laheyd dalalka Afghanistan iyo Belgium-ka.
from VOA http://bit.ly/2TWmO4b
via IFTTT
Warbixin: Trump oo amray qareenkiisa inuu been u sheego Congress-ka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku amray qareenkiisa inuu aqalka Congress-ka uga been sheego dadaallo uu doonayey inuu daar loogu magca daray Trump Tower uga dhiso magaalada Moscow.
from VOA http://bit.ly/2Dh1roG
via IFTTT
Thursday, January 17, 2019
Warbixin sannadeedka muhaajiriinta Itoobiya
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay weli soo qulqulayaan muhaajiriinta ka imanaya dhinaca Itoobiya ee doonaya inay gaadhaan dalka Yemen. Arrintan ayaa imanaysa iyadoo xaaladda Yemen aysan weli waxba iska beddeli amni ahaan.
from VOA http://bit.ly/2VXRVy2
via IFTTT
Tirada dadka ku dhintay weerarkii Nairobi oo korortay
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya, waxaa sare u kacday tirada khasaaraha dhimasho ee ka dhashey weerarkii lagu qaadey hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.
from VOA http://bit.ly/2FGpuz1
via IFTTT
Al-Shabaab oo caruur ku qafaalatay Bakool
Kooxda Al-Shabab ayaa carruur yar oo u badan arday ka kaxeystay degmada Ceel-Garas ee gobolka Bokool.
from VOA http://bit.ly/2FybS9E
via IFTTT
Afro Deli oo cunto bilaash ah siineysa shaqaalaha dowladda Mareykanka
Iyadoo ay wali xaniban yihiin qayb ahaan howlaha dowladda Maraykanka ayaa milkiilaha makhaayadda Afro Deli ee magaalada Minneapolis C/raxmaan Ciise Kaahin waxa uu sheegay inuu qado bilaash ah siinayo shaqaalaha dowladda ee shaqadoodu hakadka ku jirto. C/xakiin Maxamuud Shirwac ayaa khadka taleefanka ee Minneapolis kula xiriiray Kaahin, kana wareystay arrintan.
from VOA http://bit.ly/2FHAvjl
via IFTTT
Qatar oo gaadiid dagaal ku wareejisay dowladda Somalia
Dowladda Qatar ayaa maanta militariga Soomaaliya ku wareejisay 68 gadiidka gaashaaman ee dagaalka ah.
from VOA http://bit.ly/2W11M64
via IFTTT
Bandhigga VOA: Xaaladda warbaahinta Soomaaliya
Barnaamijka Bandhiga VOA waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay marxaladaha ay ku shaqeeyaan warbaahinta Soomaaliya iyo caqabadaha ku horgudban ee musuqmaasuqa iyo laaluushku ka mid yahay. Mxuuu noqon doonaa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya? Maxayse tahay danaha laga leeyahay in warbaahinta la musuq maasuqo. Falastiin Axmed Iiman ayaa barnaamijka soo jeedinaysa.\
from VOA http://bit.ly/2QWWi8K
via IFTTT
Dadka fikirkooda loogu xiro Somaliland oo soo kordhaya
Dhawaanahan waxa Somaliland lagu xidhay dhawr qof oo kala duwan, kuwaas oo qaarkood eedaynta loo haysto ay ka mid tahay aragti ay ka dhiibteen xaaladaha taagan wakhtigan ee Somaliland.
from VOA http://bit.ly/2ATkGmB
via IFTTT
Juventus oo qaadday koobka Italian Super Cup
Kooxda Juventus ayaa ku guuleystay koobka Super Cup-ka dalka Talyaaniga kaddib marki ay xalay fiidkii 1-0 uga badisay AC Milan.
from VOA http://bit.ly/2RzX68G
via IFTTT
Atletico Madrid oo ka hartay Copa del Rey
Kooxda Atletico Madrid ayaa xalay si lama filaan ah uga hartay tartanka Copa del Rey kadib marki ay ka badisay kooxda Girona.
from VOA http://bit.ly/2HgmY4N
via IFTTT
Henry iyo Viera oo xalay iska horyimid
Kooxaha Monaco iyo Nice ayaa ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Leage One-ka France oo ay xalay dheeleen ku kala baxay bareejo 1-1 ah.
from VOA http://bit.ly/2DfZp84
via IFTTT
Al-Shabaab: Werarkii Nairobi wuxuu jawaab u ahaa go'aankii Trump
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa hadalkii go'aankii madaxweyne Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.
from VOA http://bit.ly/2RU9Nuq
via IFTTT
Nin qorsheynayey inuu weeraro Aqalka Cad oo la qabtay
Hay'adda FBI-da Mareykanka ayaa xirtay nin la tuhunsan yahay inuu taageero kooxda Daacish, oo sida la tuhmayo qorsheynayey inuu gantaallada lidka taankiyada ku weeraro Aqalka Cad ee Mareykanka.
from VOA http://bit.ly/2Cukquc
via IFTTT
Wednesday, January 16, 2019
Warbixin: Doodda Sharciga Bangiga Dhexe
Taniyo markii xubnaha Baarlmaanka Soomaaliya ay u codeeyeen Sharciga u ogolaanaya in qof ajnabi ah uu qaban karo xilka gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka, waxaa soo baxayey kala aragti duwanaasho u saabsan arrinkaas.
from VOA http://bit.ly/2MhzcZG
via IFTTT
Al-Shabaab oo sheegtay in weerarkii Nayroobi uu jawaab u ahaa aqoonsiga Al-Quds ee Trump
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nayroobi inuu jawaab u ahaa hadalkii kasoo yeedhay madaxweynaha Maraykanka bishii Diisambar ee sannadkii 2017-ka ee uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday caasimadda Israel
from VOA http://bit.ly/2SWyLXl
via IFTTT
Golaha Ammaanka oo cambaareeyey weerarkii Nairobi
Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee 15-kii bishan lagu qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
from VOA http://bit.ly/2VXxdOX
via IFTTT
Dr. Cabdullaahi Xasan Mahdi oo lagu aasay Toronto
Allaha u naxariistee Dr. Cabdullaaahi Xasan Mahdi oo ka mid ahaa aqoonyahannada aadka uga dhex muuqday Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa shalay lagu aasay magaalada Toronto ee dalkaasi Canada. Soomaaali ka tagtay magaalooyinka Canada, Mareykanka iyo Yurub ayaa ka qeyb galay aaska marxuumka. Wariyaha VOA-da Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Toronto.
from VOA http://bit.ly/2ClPFHU
via IFTTT
Soomaaliya oo cambaareysay weerarka Nairobi
Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarka kooxda Al-Shabaab ay sheegatay ee lagu qaaday hotel-ka DusitD2 ee magaalada Nairobi. "Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada." Ayaa lagu yiri qoraalkan. Jaamac Buulle Jaamac ayaa waxa uu khadka telefoonka ee dalka Masar ku waraystay wasiirka warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.
from VOA http://bit.ly/2QRS2rg
via IFTTT
Askar lagu dhaawacay qarax ka dhacay gobolka Bari
Wararka ka imanaya Puntlamd ayaa sheegaya in qarax miino oo galabnimadii maanta ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taal tuuladda Af-urur ee gobolka Bari uu dhaawac ka soo gaaray saddex askeri oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland. Waxaa sidoo kale qaraxa uu dhaawac aad u culus kasoo gaaray haweeneydii laheyd meherada uu qaraxu ka dhacay. Goobjooge ku sugaan tuulada Af-urur ayaa VOA u sheegay in qaraxaasii uu ahaa mid horay loogu aasay meherada docdeeda, isla markaasna uu dhaawac fudud ka soo gaaray askarta dhaawacantay, balse haweeneydii halkaas ku dhaawacantay dhaawaceedu uu cuslaa loola cararay Isbitaalka degmada Carmo. Sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa VOA u sheegay in qaraxaani ahaa mid lagu gaadayo ciidamada ku sugan tuulada Af-urur, balse uusan khasaaro badan u gaysan saddexdaas askari oo firirku gaaray ay ku suganyihiin gudaha tuulada Af-urur. Sanad ka hor ayey ahayd markii laba qaarax oo waqti yari u dhaxeeyey ay ka dhaceen goob lagu iibiyo qaadka oo ku taal gudha tuula Af-urur kasoo askar iyo shacaba ay ka soo garreen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
from VOA http://bit.ly/2VVQUGC
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 454-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 454-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2QRRsK6
via IFTTT
Wareysi: Ehellada wiilal ku dhintay weerarkii Nairobi
14-ka qof ee ku dhintay weerarka Nairobi waxaa ku jiray laba qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo u shaqaynayey hay'ad kuwa gargaarka ah oo laga leeyahay dalka Britain.
from VOA http://bit.ly/2QRM61s
via IFTTT
Kenyatta: Weerarkii DusitD2 waa lasoo geba-gebeeyey
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyattta ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday dhisme hotel iyo xafiisyo oo ku yaalla magaalada Nairobi uu soo geba-geboobay.
from VOA http://bit.ly/2Hgq0WZ
via IFTTT
Tuesday, January 15, 2019
Khasaaraha Weerarki Nairobi
Ugu yaraan 15 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarki ay shalay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla magaalada Nairobi.
from VOA http://bit.ly/2RA6UzS
via IFTTT
Waraabe 7 qof ku dhaawacay Awdal
Xoolo-dhaqatada ku nool deegaanno hoos yimaada degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa walaac xoogan ka muujiyay waraabe ama dhurwaa xilliyada habeenkii ah usoo dhaca aqalladooda.
from VOA http://bit.ly/2Ry6Ikz
via IFTTT
Valencia oo gaadhay wareega sideeda
Kooxda kubadda cagta Valencia ayaa u gudubtay wareega sideeda kooxood ee tartanka labaad ee dalka Spain ee loo yaqaano Copa del Rey kaddib marki ay 3-0 ku garaacday kooxda daala dhaceysa ee Sporting Gijon.
from VOA http://bit.ly/2RUc2Ok
via IFTTT
Al-Shabaab oo sheegatay weerarka Nairobi
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar lagu qaaday hotel-ka DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
from VOA http://bit.ly/2FEagKZ
via IFTTT
Qaraxyo iyo rasaas laga maqlay Nairobi
Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.
from VOA http://bit.ly/2RPISjr
via IFTTT
Galka Baarista: Muranada dhulka ee Soomaaliya (Qeybtii 2-aad)
Barnaamijkii Galka Baarista, waxa aan tofdobaadkan ku eegeynaa qeyb kale oo ka mid ah muranada dhulka ee Soomaaliya. Qeybtan waxa ay si gaar ah uga hadlaysaa magaalooyin dhowr ah oo ka baxsan magaalada Muqdisho. Haaruun Macruuf ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2HcHq6x
via IFTTT
Farmaajo oo duray siyaasiyiinta mucaaradka
Hadalkii uu xalay jeediyay ayuu madaxweynaha si kaftan ah ugu duray siyaasiyiin uu sheegay inay ka dambeeyeen mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo laga keenay.
from VOA http://bit.ly/2RNSYRP
via IFTTT
Ururada bulshada rayidka oo dhaliilay go'aankii baarlamanka
Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay waxay meel mariyeen wax ka bedel lagu sameeyay sharciga bankiga dhexe ee dalka. Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka waxay sheegeen in aan la marsiin hanaankii loogu talagalay sida akhrinta koowaad, labaad iyo seddexaad. Ururada bulshada rayidka ah ee Muqdisho ayaa qaba in talaabaddii shalay iyo kuwo kale oo badan ay muujinayaan in hay'aduhu dowladda ay xilligan isku milmeen sida golaha shacabka, fulinta iyo garsoorka. Cabdullaahi Maxamed Shirwac, oo ka mid ah madaxda ururada bulshada rayidka ah ayaa u warramay wariyaha VOA-da Cabduqlaadir Maxamed Cabdulle.
from VOA http://bit.ly/2HcGVJH
via IFTTT
Qaraxyo iyo rsaas laga maqlay Nairobi
Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.
from VOA http://bit.ly/2sr8s01
via IFTTT
Trump: Kama tanaasuli doono dhismaha darbiga
"Marnaba kama tanaasuli doono dadaallada aan Mareykanka uga dhigayo meel nabdoon" ayuu Trump wacad ku maray.
from VOA http://bit.ly/2SQH6vz
via IFTTT
Monday, January 14, 2019
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
Ugu yarana hal qof ayaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay qarax goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2sqBVad
via IFTTT
Deni oo amray joojinta daabacaadda lacagta
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku amray in la joojiyo daabacaadda lacagta shillin Soomaaliga.
from VOA http://bit.ly/2TNdi35
via IFTTT
Messi oo dhaliyay goolkiisii 400-aad
kooxda Barcelona waxay 3-0 uga badisay naadiga Eibar.
from VOA http://bit.ly/2FsfpGm
via IFTTT
Man Utd oo garaacday Tottenham
Kulanno xiiso leh oo ka tirsan hoyaalka Ingiriiska ayaa xalay fiidkii dhacay.
from VOA http://bit.ly/2FuNMff
via IFTTT
Xaaladda dalka Sudan oo weli kacsan
Dalka Sudan ayaa waxaa wali ka socda banaanbaxyada ay dadku kaga cabanayaan qiimo kororka ku yimid Rootiga iyo Shidaalka ee dalkaasi. Banaanbaxyada ayaa inkasotoo ay hadda yara qaboobeen, ayaa wali magaalooyinka qaar ay dadku ka sii wadaan cabashadooda ku aaddan in dowladda ay wax ka qabato sicir bararka taagan, iyagoo sidoo kalena ku baaqaya in dowladda ay xilka ka dagto. Haddaba wararkii ugu dambeeyay ee banaanbaxyadaasi ayaa Caasho Ibrahim ay ka wareysatay C/fataax Muqtaar (C/fataax Siyaasi) oo ah arday daggan magaalada Khartum ee dalka Sudan.
from VOA http://bit.ly/2FqSlba
via IFTTT
Hadliye oo ka hadlay xeerka cusub ee Bankiga Dhexe
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax ka beddel ku sameeyey sharciga dadka mas'uulka ka noqonaya Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2HcCiPQ
via IFTTT
Madaxweyne Deni oo xilka la wareegay
Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullahai Deni ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isgau xafiiska wareejiyey ayaa ugu baaqay dadka Puntland inay taageeraan madaxweynaha cusub. Warbixintan waxaa noo soo diray Nuux Muuse Birjbeeb.
from VOA http://bit.ly/2RJRet4
via IFTTT
Baarlamanka Somalia oo ansixiyey is-beddel lagu sameeyey xeerka Bankiga Dhexe
Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey wax ka bedel lagu sameeyey xeerka Bankiga Dhexe ee dalka.
from VOA http://bit.ly/2RPT0Zu
via IFTTT
Madaxweyne Trump oo u hanjabay Turkiga
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa uga digay Turkiga inay wajihi doonto burbur dhaqaale haddii ay weerarto kooxda Kurdish-ka dalka Suuriya, marka ay ciidamada Mareykanka ay halkaas ka baxaan.
from VOA http://bit.ly/2HazpPv
via IFTTT
Sunday, January 13, 2019
Boosaaso: Qarax Dilay Hal Askari, 3 Kalena Dhaawacay
Dhinaca kale, dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday dad shacab ah oo saarnaa baabuur marayey dhulka laamiga ka baxsan ee Gobolka Bari
from VOA http://bit.ly/2M6ujTj
via IFTTT
Ku-xigeenkii Gudd. Doorashada oo Diiday sidii Xilka looga Qaaday
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliima Ibraahim Xaliima Yareey ayaa sheegtay in xilka qaadista ku xigeenkeeda loo maray sharciga isla markaana shauruucda guddiga oo ah mid baarlamaanka ansixiyay madaxweyne Xasan sheekhna uu saxiixay 2014
from VOA http://bit.ly/2TQ9zlB
via IFTTT
Somaliland: Doodda Xariga Abwaan Abees
Ciidamada amniga ee Somaliland ayaa ka hadlay xarigga loo gaystay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan 'Cabdiraxmaan Abees" oo dhowaan lagu xiray magaalada Hargaysa
from VOA http://bit.ly/2D7AOCr
via IFTTT
Wicitaanka: Caasha Geelle
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Marwo Caasha Geelle oo maamulka Puntland xilal siyaasadeed oo kala duwan ka soo qabatay, waxayna ka hadlaysaa kaalinta haweenka ee Maamulka Puntland
from VOA http://bit.ly/2SRsqMZ
via IFTTT
WSJ: Maraykanka oo ka Fikiray Duqeynta Iran
Wargayska muxaafidka ah ee Wall Street Journal ee kasoo baxa Maraykanka ayaa sheegay in Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ee Aqalka Cad uu sanadkii hore Wasaaradda Gaashaandhigga weydiistay isku dubaridka qorshayaal lagu duqayn karo Iran
from VOA http://bit.ly/2ALO0eC
via IFTTT
Gattuso: Higuain wuxuu rabaa inuu baxo
Tababaraha kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa sheegay in laacibka kooxdiisa Gonzalo Higuain uu rabo inuu isaga tago naadiga, xilli ay sii xoogeysanayaan in gool dhaliyahan uu ku wajahanyahay kooxda Chelsea.
from VOA http://bit.ly/2REjOMr
via IFTTT
Saturday, January 12, 2019
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku maqli doontaan Furiinkii ugu qaalisanaa aduunka iyo lacagta ku baxday,Silsilad suugaaneed cusub oo ku saabsan Araweelo iyo waliba qaybtii hal-abuurka iyo Heesaaga.
from VOA http://bit.ly/2CfZSFP
via IFTTT
Doorashada Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka
Xisbiga Waddani ayaa warmurtiyeed uu maanta soo saaray ku sheegay in ay ku adkaysanayaan in la kala diro guddida doorashada, halka Xisbiga UCID oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in doorashada la gelayo bisha November ee sannadkan, guddida imika joogta ee doorashaduna ay qabanayaan.
from VOA http://bit.ly/2Cd1pME
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadka waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Somalia oo uu ku jiro booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Britain uu ku tagey Somaliland
from VOA http://bit.ly/2Rlw1WI
via IFTTT
Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuu (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://bit.ly/2Cjtv99
via IFTTT
Fabregas oo ku biiray Monaco
Kooxda Monaco ayaa Jimcihi ku dhawaaqday saxiixa laacibka reer Spain ee Cesc Fabregas kaasoo oo hadda kasoo wareegay kooxda Chelsea.
from VOA http://bit.ly/2TEu9Fg
via IFTTT
Friday, January 11, 2019
Faaqidaadda: Hayb sooca Soomaalida qaar
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay hayb sooca lagu sameeyo beelaha qaar ee Soomaaliyeed. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdi Weli.
from VOA http://bit.ly/2SJZhDg
via IFTTT
Kulmiye iyo UCID oo heshiis ka gaaray xilliga doorashada
Labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID ee Somaliland ayaa go'aan wadajir ah ka gaadhay khilaaf siyaasadeed oo la xidhiidhay doorashooyinka iyo xilka guddida doorashada.
from VOA http://bit.ly/2MbjZtv
via IFTTT
Ronaldo oo Wajahaya Dacwad Kufsi
Booliska gobolka Nevada ee dalkaan Mareykanka ayaa si rasmi ah u weydiistay booliska dalka Talyaaniga in uu tijaabada hidasidaha loo yaqaano DNA ka qaado xidiga kooxda Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo.
from VOA http://bit.ly/2FnDsWp
via IFTTT
Levante oo Garaacday Barcelona
Kooxda Barcelona ayaa guuldarro lama filaan ah kala kulantay kooxda Levante lugta koowaad ee wareega 16-ka tartanka Copa Del Rey, kaddib marki looga badiyay 2-1.
from VOA http://bit.ly/2Flv2iT
via IFTTT
Xulufada Mareykanka oo billaabay inay kasoo baxaan Suuriya
Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Suuriya, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.
from VOA http://bit.ly/2Rp1YxB
via IFTTT
Myanmar: Saxafiyiinta Reuters oo ku guuldarreystay racfaan
Laba saxafi oo u shaqeeya wakaalada wararka Reuters oo ku xiran dalka Myanmar, ayaa maanta ku guuldarreystay racfaan ay ka qaateen xabsi 7 sana ah oo ay horay loogu xakumay.
from VOA http://bit.ly/2Cfnfzc
via IFTTT
Thursday, January 10, 2019
Dab Qabsaday Suuqa Bakaaraha
Waxaa laga cabsi qabaa in hanti ballaadhan ay ku basbeeshay dab xalay qabsaday qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu. Dabkaasi ayaa la damiyey 2-dii subaxnimo ee saaka oo Jimce ah
from VOA http://bit.ly/2TKpkKN
via IFTTT
PSG oo ka hartay tartanka French Cup
Kooxda Paris St Germain ayaa xalay si lama filaan ah uga hartay tartanka French League Cup, kadib marki ay 2-1 ku khasaartay kooxda Guingamp.
from VOA http://bit.ly/2Rl9edN
via IFTTT
Muran ka dhex oogan Turkiga iyo Mareykanka
Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka go'an tahay qaadista howlgal militari oo ka dhan ah jabahadda kurdiyiinta ee YPG ee bariga Syria. Turkiga ayaa sheegay in qorshaheedda la dagaalanka argagixisada uusan ku xirneyn in Mareykanku uu ka soo baxo Syria iyo in kale. Hadalkan ka soo Yeeray turkiga ayaa daba socda kii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo isna ku diiday la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton dalab ahaa in Turkigu aanu waxyeelin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Syria kadib marka Mareykanku ka baxo Syria. Nuur Xassan Nuur ayaa arrimahan ka wareystay Cabdinuur Daahir oo ah saxafi ka tirsan telefishinka TRT ee dowladda Turkiga, kuna sugan magaalada Istanbul.
from VOA http://bit.ly/2SHBYtW
via IFTTT
Howlgallo ka socda gobolka Sh/Hoose
Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay howlgal ciidan ka waday gobolka Shabeellada Hoose.
from VOA http://bit.ly/2Fi0lLv
via IFTTT
Dhadhaab: QM oo cayrisay shaqaale badan
Hay'adaha Qaramada Midoobay ee jooga xarada Dhdhaab ee dalka Kenya ayaa boqolaal shaqaale ah kala diray dhowaan. Dadkan ayaa loo sheegay in dhaqaale darro ay soo food saartay hay'adaha, oo aysan deeq bixiyeyaasha ka helin taageeraddii ay uga baahnaayeen. Wariyaha VOA gobolka uga soo warrama Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan ka soo diray Gaarisa.
from VOA http://bit.ly/2Fof5I8
via IFTTT
Natiijada doorashada Congo oo la shaaciyey
Musharaxa kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxtinimo ee dalka jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa ku gacan seeray natiijada rasmiga ah oo muujisay in Feilx Tshisekedi uu ku guuleystay doorashadii dhacday 30-kii December, kuna qeexay mid been abuur ah.
from VOA http://bit.ly/2QwTcs1
via IFTTT
Wednesday, January 9, 2019
Shirka Ganacsiga ee Shiinaha iyo Maraykanka
Shirkan oo Arbacadii shalay lagu soo gababeeyey magaalada Beijing ayaa la doonayey in loogu gogol xaaro heshiis buuxa oo labada dal ay ka gaaraan ismari-waaga dhinaca tacriifadaha ee labada dal ay isku soo rogeen.
from VOA http://bit.ly/2M84N0d
via IFTTT
Mareykanka oo duqeyn ka gaystay Baay
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn cusub ka gaysteen Gobolka Bay maalintii shalay.
from VOA http://bit.ly/2AFQlrB
via IFTTT
Maraykanka oo qaaday weerarkii shanaad sannadkan
Maraykanka ayaa sii kordhiyey duqaymaha ka dhanka ah ururka Al-Shabaab tan iyo intii uu bilowday sannadka cusub. siddeeddii maalmood ee ugu horraysay sannadkan ayaa Maraykanku ay durba qaadeen shan weerar oo kala duwan oo lala beegsaday Al-Shabaab.
from VOA http://bit.ly/2SN6ume
via IFTTT
Muxuu noqon karaa xiriirka Deni iyo dowladda dhexe?
Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa xafiiska imanaya xilli uu xumaa xiriirka ka dhaxeeya madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Gaas iyo dowladda federalka Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2SL7A1M
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 453-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 453-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2SFGx7U
via IFTTT
Israel: Wasiir qirtay inuu basaas u ahaa Iran
Wasiir hore uga tirsanaa dowladda Israel oo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa Iran, ayaa xabsi ku qaadan doona 11 sano, taasi oo qeyb ka ah heshiis dambi qirasho oo uu la galay mas'uuliyiinta, sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda.
from VOA http://bit.ly/2Fk5keX
via IFTTT
Al-Bashiir oo ku gacan seeray inuu is-casilo
Madaxweynaha Sudan ayaa ku gacan seeray baaqyo soo kordhaya oo looga dalbanayo inuu is-casilo, waxaana uu sheegay inuu diyaar u yahay oo kaliya inuu xukunka ku wareejiyo hab doorasho.
from VOA http://bit.ly/2FlkbEW
via IFTTT
Manafort oo xog siiyey nin ku xiran sirdoonka Ruushka
Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Paul Manafort ayaa xog ku saabsan codadka ra'yiga dadweynaha la wadaagay qof xiriir la leh sirdoonka Ruushka, sida ay shaaca ka qaadeen waraaqo maxkamadeed oo la diiwaan geliyey talaadadii.
from VOA http://bit.ly/2C8Y55i
via IFTTT
Tuesday, January 8, 2019
Trump oo Khudbad Jeediyey
Madaxweynaha Maryakanka Doland Trump ayaa khudbad uu jeediyey kaga hadlay amniga xuduudda koonfureed ee Maraykanka. Waxa uu sheegay in muhaajiriinta sharci-darrada ah ee Maraykanka imanayaa ay khatar ku hayaan nolosha iyo dhaqaalaha dadka Maraykanka ah.
from VOA http://bit.ly/2LWPQxE
via IFTTT
Mohamed Salah oo noqday laacibka Africa
Weeraryahanka kubadda cagta xulka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa xalay loo doortay laacibka sanadka ee qaaradda Africa markiisii labaad oo xiriir ah.
from VOA http://bit.ly/2sfnp5f
via IFTTT
Masar oo martigelin doono Koobka Qaramada Africa
Dalka Masar ayaa martigelin doono ciyaaraha Koobka Qaramada Africa ee sannadkan , kaddib marki ay Talaadadi shalay Guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta Africa ay sidaasi go'aamiyeen.
from VOA http://bit.ly/2LYUaN1
via IFTTT
Waa kuma madaxweyne Saciid Deni?
Saciid Cabdullahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni waxaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.
from VOA http://bit.ly/2RB2qb9
via IFTTT
Xisbiga Wadajir oo caburin ku eedeeyey dowladda Soomaaliya
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ciidamada dowlada ee booliiska ay shalay ka horjoogsadeen tababar ay dhalinyaro ugu qabanayeen hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxuu ku eedeeyey dowlada federalka in-ay culays badan ku hayso xisbigiisa iyo dhaqdhaaqyadiisa siyaasadeed. Wariyaha VOA-da Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2H3fi5O
via IFTTT
Erdogan "lama aqbali karo hadalka Bolton"
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey hadal uu jeediyey la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, oo ku saabsan maleeshiyada Kurdish-ka ee ka dagaalanta dalka Suuriya.
from VOA http://bit.ly/2FexuYq
via IFTTT
Amran Xuseen oo heshay jaamacadda Columbia
Amran Xuseen Maxamed Nuur Maracade, waa gabar 18 sano jir ah oo hadda dhamaysey waxbarashada dugsiga sare. Amran waxa ay gashay kaalinta 1-aad ee dugsigii sare ee ay ka dhiganeysay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, taasina waxa ay dhaxalsiisey inay hesho deeq waxbarasho oo ay ka hesho mid ka mid ah Jaamacaddaha ugu sareeyo dalka Mareykanka oo ah Columbia University. Qoyskeeda ayaa qirey Amran dadaalkii badnaa ay soo gashey inay tani u tahay abaal-gudkeeda. Amran, waxey ayada iyo aabaheeda u warameen Sahra Cabdi Axmed, Amran ugu horeyntii waxey ka jawaabeysaa dareenkeeda sidey u aragto deeqdan ay heshay?
from VOA http://bit.ly/2C8aLtj
via IFTTT
Saciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland
Saciid Cabdullahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni ayaa maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.
from VOA http://bit.ly/2LV7Zfg
via IFTTT
Monday, January 7, 2019
Musharaxiinta Puntland oo khudbado u jeediyey xildhibaanada
Musharraxiiinta u tartamaysa hoggaanka Puntland ayaa maanta khudbado u jeediyey 66-ka xubnood ee baarlamaanka maamulkaasi ka kooban yahay.
from VOA http://bit.ly/2FdJwBj
via IFTTT
Xubno Shabaab ahaa oo xukun dil lagu fuliyey
Maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
from VOA http://bit.ly/2FetPJn
via IFTTT
Bandow lagu soo rogay magaalada Garoowe
Mas'uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa ay doorashada maamulku ka dhacayso.
from VOA http://bit.ly/2Ayrtlk
via IFTTT
Gabon oo sheegtay inay fashilisay isku day afgambi
Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas, kaasi oo goor dambe ay dowladda sheegtay in la fashiliyey.
from VOA http://bit.ly/2QrrooY
via IFTTT
Sunday, January 6, 2019
Warbixin: Dhibaatooyinka Tahriibta
Wadamo badan oo caalamka ah ayaa soo saaray sharciyo adkaynaya sida ay dadka magangalyo doonka ahi ku soo gali karaan wadamadooda.
from VOA http://bit.ly/2LUUk86
via IFTTT
Puntland: Qabashada Araajida oo Xirantay
Murashaxiiinta araajida soo gudbiyey ayaa waxay iskugu jiraan 21 musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha iyo 11 musharax oo u tartamaya madaxweyne ku xigeeenka.
from VOA http://bit.ly/2FbjLBI
via IFTTT
Wasiirka Gaashaandhigga Britain oo Somaliland Booqday
Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Biritan ayaa boqoasho ku tagay magaalada Hargaysa ee Somaliland, waxaana uu la kulmay mas'uuliyiin uu ka mid ah yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
from VOA http://bit.ly/2FcYVRE
via IFTTT
Qiimaynta Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta U.N.-ka
Qaramadda Midoobay ayaa soo saartay qiimayn hordhac ah oo ku saabsan weerarkii maalintii sannadkan cusub ee 1-da Jannaayo 2019-ka lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Garoonka Diyaaradaha Muqdishu
from VOA http://bit.ly/2Fb1BQu
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan kaga hadlaynaa sharciga naafada Soomaaliya oo dhawaan uu baarlamaanka dawladda federaalku ansixiyey
from VOA http://bit.ly/2F9QVB3
via IFTTT
Saturday, January 5, 2019
Wiil Soomaali ah oo Deeq Waxbarasho ka Heley Jaamacada Yale
Ayaanle Nuur, oo ah Wiil 17 sano jir ah, oo qaxootinimo dalkan Mareykanka ay waalidiintiis kusoo galeen ayaa ka helay deeq Waxbarasho Jaamacadda Yale oo ka mid ah Jaamacaddaha ugu sareeyo dalkan Mareykanka. Ayaanle, oo Baranayo Caafmaadka ayaa Waalidkiis iyo macalimiintiisaba aad ula dhaceen heerka uu gaarey. Gudoomiyaha magaalada Denver, ee gobolka Colorado, Michael Hancock, ayaa ku casuumay shaley xafiiskiisa Ayaanle iyo Reerkooda si uu ugu hambalyeeyo horumarka uu ka gaarey waxbarashada iyo sida uu tusaalaha fiican ugu yahay ardeyda la mid ah iyo kuwa dalkaan waalidkood ay qaxootinimada kusoo galeen. Ayaanle oo dalkan Mareykanka ku dhashey, Luuqada Somaliga si fiican uguma hadlikari. Hooyadiis Indonesia Osman Maye ayaa uga warantey Sahra Cabdi Axmed waxey uga dhigan-tahay in Wiilkeeda Ayaanle uu heerkaan gaaro?
from VOA http://bit.ly/2FdGuwb
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington, waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxamuud Shirwac.
from VOA http://bit.ly/2FcG7SL
via IFTTT
Dhageyso Martida Makrafoonka
Barnaamijka waxa todobaadkan noogu marti ah wasiirka arimaha dibada dawlada faderaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad
from VOA http://bit.ly/2FaTG5U
via IFTTT
Waraysi: Amniga Doorashada Puntland
Magaalada garoowe waxaa ka socda hawgalo xoogan oo ciidanada amaanka Puntland ay ku sugayaan Amniga iyo kala danbaynta Doorshada madaxweeynaha Puntland oo ay ka harsantahay mudo Sadex cisha ah.
from VOA http://bit.ly/2TsDkIP
via IFTTT
Shuruudaha Murashaxiinta Doorashada Puntland
Magaalada Growe Guddiga Doorashada Puntland ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.
from VOA http://bit.ly/2H6mjmi
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee tooddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana soo jeedinaya Sahra Ciidle Nuur
from VOA http://bit.ly/2F9XLar
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://bit.ly/2FbN9XW
via IFTTT
Wareysi Gaar ah: Ilhan Omar
Ilhan Omar oo asal ahaan ka soo jeedo Somalia, noqotayna gabadhii ugu horaysay ee ku guulaysta xubinimada aqalka hoose ee Congresska, iyada oo xijaaban maalin kadib dhaarteedii, ayaa waxay waraysi gaar ah siisay laanta afsoomaaliga ee VOA.
from VOA http://bit.ly/2RdlNYD
via IFTTT
Friday, January 4, 2019
Barcelona oo raadineysa Koulibalyde
Wararka ka imanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda kubadda cagta Barcelona ee dalka Spain ay aad u daneyneyso in ay iibsato laacibka difaaca uga ciyaara Napoli Kalidou Koulibaly.
from VOA http://bit.ly/2SCwyQX
via IFTTT
C/xakim Maxamed oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland
Mudanayaasha cusub ee baarlamanka Maamulka Goboleedka Puntland ayaa maanta gudoomiye u doortay Cabdixakiim Maxamed Axmed.
from VOA http://bit.ly/2RuZwoh
via IFTTT
Dowladda oo mar kale meel adag ka istaagtay Nickolas Haysom
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in aysan gorgortan ka gali doonin soo noqoshada Nicholas Haysom ee Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2TqBkAN
via IFTTT
Faaqidaada: Go'aankii ay Dowladda ku Eriday Nickolas Haysom
Dhageystayaal Barnaamijkeenna Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsanyahay, go'aankii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eriday Nicholas Haysom oo ah ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2s8lMGj
via IFTTT
Taliyihii Saldhiga Degmada War-dhiigleey oo la Dilay
Koox hubeysan ayaa saaka ku toogtay magaalada Muqdisho taliyihii saldhigga booliska ee degmada Warta-Nabadda ee horayna loo oran jiray War-dhiigleey ee gobolka Banaadir.
from VOA http://bit.ly/2SCdMZZ
via IFTTT
Aqalka Sare oo Hakiyay Wada-shaqeynti Aqalka Hoose
Aqalka Saree ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay ku dhawaaqey in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Aqalka Hoose ama golaha shacaba, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay hareer mareen qaabkii wadashaqeyneed ee labada Aqal ee Barlamanka.
from VOA http://bit.ly/2Asum7q
via IFTTT
Man City oo Hakisay Liverpool
Guuldarradi ugu horreysay xilli ciyaareedkan 2018/2019 ayaa xalay soo gaartay kooxda Liverpool kaddib marki ay 2-1 ku khasaartay ciyaar ay garoonka Ethihad Stadium kula dheeshay kooxda Manchester City.
from VOA http://bit.ly/2F735KU
via IFTTT
Real Madrid oo Jahwareer Ku Billowday Sannadka Cusub
Kooxda Real Madrid ayaa ku billowday sannadkaan cusub ee 2019-ka madax-wareer kaddib marki ay barbar dhac 2-2- ah kala laabatay garoonka Estadio de la Ceramica halkaas oo ay marti ugu aheyd xalay kooxda Villarreal.
from VOA http://bit.ly/2scSs1f
via IFTTT
Mareykanka oo Digniin u Diray Guddiga Doorashada Congo
Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo in ay shaaciso natiijada saxda ah ee doowashadi madaxtinmo ee dalkaasi ka dhacday dhamaadki bishi hore.
from VOA http://bit.ly/2SzIliP
via IFTTT
Duufaanta Pabuk oo Garaaceysa Thailand
Duufaanta loogu magac daray Pabuk ayaa Jimcaha maanta ku dhufatay dalka Thailand, iyadoo la filayo in ay reebto saameyn xoogan.
from VOA http://bit.ly/2GVsppP
via IFTTT
Thursday, January 3, 2019
Falanqayn: Doorashada Puntland
Maalinta Talaadada ah ee soo socota oo bishan Jannaayo tahay 8-da waxaa magaalada Graoowe ka dhacaysa doorashada hoggaanka maamulka Puntland, waxaana tartanka ku jira musharrixiin kala duwan. Haddaba maxaa la filan karaa in musharraxa guulaysta uu ka qabto amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee ay danaynaan dadka ku nool Puntland? Su'aalahaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey Cabdirisaaq Ciise Khaatumi, Agaaismihii hore ee hay'addda sirdoonka Puntland.Ugu horraynse waxa uu ku jawaabayaa mamnuucista saraakiisha dawladda ffederaalka laga mamnuucay Puntland waxay ku salaysan tahay.
from VOA http://bit.ly/2s961ir
via IFTTT
Ilhaan Cumar oo loo dhaariyey Koongareeska Maraykanka
Arrin taariikhi ah ayaa Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota waxay noqotay gabadhii ugu horraysay ee hore u ahana jirtay qaxooti ee ka mid noqota Aqalka Koongareeska Maraykanka.
from VOA http://bit.ly/2LQoKbr
via IFTTT
Isimada Puntland oo ka hor-yimid go'aankii xukuumada
Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa soo saaray go'aan ka hor imanaya, qaraar ay dawladda maamulka Puntland ay ku joojisay Wasiirada iyo Howlwadeenada dowladda federaalka in ay ku tagaan Puntland, inta lagu jiro xiliga doorashooyinka.
from VOA http://bit.ly/2CMA4CJ
via IFTTT
Bandhigga VOA: Saameynta ku tiirsanaanta gargaarka
Barnaamijka Bandhiga VOA ee todobaadkan waxa uu ku saabsan yahay waxyaabaha keena in dawladuhu ay ku tiirsanaadaan gargaarka la siiyo, Saamaynta ay ku tiirsanaantu ku keento iyo waliba sida looga bixi karo. Waxaa soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA http://bit.ly/2SBZUyI
via IFTTT
Qoysaska Soomaalida ee Qaahira
Qoysas badan oo soomaali ah ayaa ku nool magaalada Qaahira kuwaasoo soo dalkaasi dagay xilliyo kala duwan oo badan wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii.
from VOA http://bit.ly/2ArGmWW
via IFTTT
Canada: Soomaalida iyo siyaasada dhiiri-gelinta ilmo-dhalista
Sanadkan cusub, waxaa dalka Canada is-beddel badan lagu sameeyey qoysaska iyo kaalmooyinka dowladda ay ka helayaan. Waxaa la kordhiyey lacagta canshuur celinta, ayada oo sidoo kale la dheereeyey xiliga fasaxa ee ay helaan qoyska, marka ay ilmo cusub kusoo biiraan. Hooyada ilmaha dhashay, oo markii horey haysatay fasax hal sano ah, ayaa hadda laga dhigay sanad iyo bar, ayada oo lacagteeda ku qaadaneysa fadhiga. Dowladda Canada ayaa tallaaabadan u qaadey sababo la xariira, ayadoo doonayso inay dhiiri geliso ilmo-dhalista iyo taranka qoysaska, si ay uga maaranto boqolaalka kun ee qof ee ay siiso magangalyada sanad kastaba. Siyaasaddan cusub ayaa waxaa aad usoo dhoweeyey bulshada Soomaalida ee dalkaas, oo marka lee eego bulshooyinka kale kaga badan ilmo-dhalista. Warbixin arrintaasi ku saabsan waxa noo haysa Sahra Cabdi Axmed oo la xariirtey Canada.
from VOA http://bit.ly/2SxZXvu
via IFTTT
Eedeysaneyaasha dilka Khaashuqji oo maxkamad lasoo taagay
Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.
from VOA http://bit.ly/2C2ihpk
via IFTTT
Turkiga iyo Mareykanka oo ka hadlaya Gulen
Wakaaladda wararka Turkiga ayaa maanta sheegtay in wafti ka socda Mareykanka ay la kulmayaan saraakiisha Turkiga, ayaga oo kala hadlay codsiga Ankara ee ah in loo soo masaafuriyo wadaadka Turkiga ee Mareykanka ku nool, Fethullah Gulen.
from VOA http://bit.ly/2LQ2I8E
via IFTTT
Heerka sicir-bararka Turkiga oo hoos u dhacay
Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xiriir ah hoos u dhacay bishii December, ayada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay.
from VOA http://bit.ly/2At160l
via IFTTT
Wednesday, January 2, 2019
USA: Xubnaha Kongereeska oo Maanta la Dhaarinayo
Dadka maanta la dhaarinayo waxaa ku jira Ilhan Omar oo ka mid ah labo haween ah oo Muslin ah oo markii u horreysay xubin ka noqda Aqalka Hoose ee Kongereeska Maraykanka
from VOA http://bit.ly/2R2pmAJ
via IFTTT
Trump iyo Kongereeska oo Is-mari la'
Kulan ay Arbacadii shalay yeesheen Trump iyo madaxda labada xisbi ayaa ku dhamaaday guul la'aan, iyaga oo isku mari waayey xalkii furidda hawlaha dawladda ee xayiran.
from VOA http://bit.ly/2C7kDUf
via IFTTT
Muhaajiriintii u Badnaa oo Gaaray Spain 2018
Sida laga soo xigtay hay'adda muhaajiriinta Caalamiga ah ee IOM, dalka Spain ayaa qaatay 57, 250 qof, marka laga soo bilaabo bilowgii sanadka ilaa bishii December, 26keedii. Celcelis ahaan, waxay tiradu noqonaysaa 160 qof maalin walba
from VOA http://bit.ly/2GUba88
via IFTTT
2018: Sanad aad ugu xumaa dhaqaalaha Dubai
Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor.
from VOA http://bit.ly/2F18Olw
via IFTTT
Wareysi: Sida loo xaliyo muranada dhulka ee Muqdisho
Cumar Macalin Xasan "Cumar Tugumbo" oo hore ugu soo shaqeeyey dhul bixinta Soomaaliya waa diiwaan-hayaha sharciyada dhulka iyo guryaha ee Soomaaliya. Waxaana diiwaanka iyo aqoonta uu u leeyahay ku kala saaraa dadka ku muransan dhulalka ee Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2SsoC4u
via IFTTT
Burco: Sideed qof oo ku dhintay shil gaari
Ilaa siddeed qof ayaa geeriyooday, laba kalena waxa soo gaaray dhaawac ka dib markii shil gaari uu ka dhacay duleedka magaalada Burco.
from VOA http://bit.ly/2VrlcB8
via IFTTT
Somaliland: Waan lasii shaqaynaynaa Haysom
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in go'aanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee la xidhiidha wada-shaqaynta ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom, aannu khusaynin.
from VOA http://bit.ly/2QeX94x
via IFTTT
Maxay ka dhigan tahay cayrinta Haysom ee Soomaaliya?
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom aan laga rabin Soomaaliya isla markaana uusan ka shaqayn karin waddanka.
from VOA http://bit.ly/2Arqqnr
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 452-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 452-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2SxNeJ9
via IFTTT
Goobaha dalxiiska ee Washington oo xirmay
Dadka usoo dalxiiska taga magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ayaa maanta la kulmi doona inay xiran yihiin goobaha soo jiidashada leh, sababo la xiriira hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka.
from VOA http://bit.ly/2GNPaM3
via IFTTT
Tuesday, January 1, 2019
Dowladda Soomaaliya oo eriday Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya ayaa eriday ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysan, kaddib marki ay ku eedeysay inuu faragalin ku sameeyey madaxbanaanida dalka Somalia.
from VOA http://bit.ly/2TsAgg3
via IFTTT
DFS: Hayson Wadanka Lagama Rabo, Kamana Shaqeyn karo
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Nicholas Haysom aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegtay uu farageliyay madaxbannaanida Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2TgWTDQ
via IFTTT
QM oo cambaareysay weerar lagu qadaay xarunta Xalane
Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in laba ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle ah ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee ku dhex taalla Xalane.
from VOA http://bit.ly/2BQZVI2
via IFTTT
Maxay ka dhigan tahay warqaddii uu Haysom u diray dowladda Soomaaliya?
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay faahfaahin ka bixiso qulqulatooyinkii siyaasadeed ee ka dhacay magaalada Baydhabo.
from VOA http://bit.ly/2QfByZA
via IFTTT
Galka Baarista: Muranada dhulka ee Soomaaliya
Barnaamijkii Galka Baarista waxa aan todobaadkan ku eegeynaa muranada dhinaca dhulka ee Soomaaliyaka jira. Waxaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA http://bit.ly/2Vq2Bp5
via IFTTT
Haweenka oo hal xubin kaliya ka helay baarlamanka Puntland
Gudiga ansixinta golaha wakiilada iyo xalinta khilaafaadka ee Puntland ayaa shalay shaaca ka qaaday magacyada xubnaha cusub ee baarlamanka maamulka Puntland. 66-ka xubnood ee ah xubnaha baarlamaanka cusub ee maamulka Puntland, ayaa waxaa ku jiro oo kaliya hal gabar. Arinkan ayaa keenay inay ka gadoodaan haweenka Puntland ee siyaasadda iyo kuwa kale ururada bulshada rayidka oo u arkay in la duudsiiyey xaqii gabadhaha. Sahra Cabdi Axmed ayaa qaar ka mid ah haweenkaasi la hadashey warbixintan nooga diiyaarisey.
from VOA http://bit.ly/2QhoD9s
via IFTTT
Taageerayaasha al-Sisi oo dalbaday in wax laga beddelo dastuurka
Taageerayaasha madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku baaqaya is-beddelo dastuur oo u ogolaanaya inuu xukunka sii haysto marka xilligiisa labaad uu dhamaado sanadda 2022.
from VOA http://bit.ly/2EXJsVE
via IFTTT