Tuesday, December 26, 2017

Dowladda Ruushka oo Go'aanka Madaxa Mucaaradka Shacidarro ku Tilmaantey

Afhayeenka aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka oo sharcidarro ku tilmaamay go'aanka uu hogaamiyaha mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny ku codsanayo in aan la codeynin doorashada madaxtinimo ee sanadka soo socda dalkaasi ka dhacidoonta. Alexei Navalny ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay qaadacaan doorashada 18-ka bisha Maarso, kadib marki ay Isniinti shalay aheyd guddiga doorashada ka horistaageen inuu u tartamo doorashada. Guddigu ayaa sheegay in go'aankooda ay u cuskadeen danbiyo musuq-maasuq ah oo lagu soo eedeeyey, Alexei Navalny iyo taageerayaashiisa oo ay labaduba ay ku tilmaameen eedo siyaasadi ka danbeyso.

from VOA http://ift.tt/2De0Zon
via IFTTT

No comments:

Post a Comment