Monday, December 25, 2017

Sharcigii Xayiraadda Socdaalka Mareykanka oo Qaybo ka Mid ah la Horistaagey

Dalkan Mareykanka Sabtidii ayaa xaakim heer federal ah waxa uu hor-istaagay qeybo ka mid ah sharcigii xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump ee xadidayay soo galitaanka dalkan ee qaxootiga ka soo jeeda dhowr wadan oo Islam u badan, Soomaaliyana ay ku jirto. Qareenka xukunkan riday ayaa taageeray kooxo ku doodayey in sharciga Madaxweynaha uu ka hor-istaagayo dadka shisheeye inay la midoobaan qoysaskooda horey u sii joogay Mareykanka. Hadaba, wariyeenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan iyo halka ay mareyso xaaladda 92 qof oo Soomaali ah oo Mareykanku u tarxiilayay Soomaaliya oo dayuuraddii waday ay ka soo noqotay dalka Senegal ka wareystay, Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ah qareen fadhigiisu yahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesotta. Halkan ka dhageyso:    

from VOA http://ift.tt/2zs3Jfn
via IFTTT

No comments:

Post a Comment