Thursday, December 14, 2017

Qarax ka Dhacay Muqdisho oo ay Askar ku Dhinteen

Qarax ismiidaamin ah ayaa saakay aroortii ka dhacay xarunta Iskool Buliisiya ee magaalada Muqdisho. Tiradda dhimashada ayaa hadda mareysaa 17 askari, halka dhaawacana la sheegayo in uu intaasi ka badanyahay. Qofka isqarxiyey ayaa la sheegay in uu watey labeska ciidanka booliska, islamarkaasna uu gudaha u galey xeradda, waxaana la sheegayaa in uu qaraxa la beegsadey ciidan gaardinaya. Askarta dhimatay ayaa u badnaa ciidamada laanta Canshuuraha, waxaana ku jira sargaal darajadiisa ay ahayd Kaptan. Qaraxa ayaa ka dhacay barxadda weyn ee Jeneraal Kaahiye.

from VOA http://ift.tt/2yrUOKt
via IFTTT

No comments:

Post a Comment