Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wada-jir ah ayaa ku guuleystay marti-gelinta koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, kadib codbixin maanta ka dhacday dalka Ruushka, oo berrii u ka furmayo koobka adduunka. Saddexdan dal ayaa ka adkaaday dalka Morocco, oo ah kan kaliya ee la loolamayey. Waxay haleen 134 cod oo ka mid ah codadka guddiga wakiilada xiriirada dunida ee doorashada sameynayey, halka Morocco ay ka heshay 65 cod. "Tani xaqiiqdii waa daqiiqad muhiim u ah kubadda cagta Waqooyiga America" waxaa sidaas yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Mareykanka Carlos Cordeiro. Koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, ayaa waxaa markii ugu horrreysay ka qeyb gali doona 48 dal, halka iminka ay ka qeyb-galaan 32 dal.
from VOA https://ift.tt/2HNV2QK
via IFTTT
Wednesday, June 13, 2018
Waqooyiga Amerika oo marti-gelinaya koobka adduunka 2026
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment