40 sano ayaa kasoo wareegtay markii la saxiixay heshiiskii Camp David ee ay gaadheen hoggaamiyayaashii hore ee waddamada Masar iyo Israa'iil, September 17-keedii sannadkii 1978. Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay kala saxiixdaan Isra'iil iyo waddan carab ah oo ay deris yihiin. Camp David waxa loogu magacdaray halka uu ka dhacay oo ah beerta ay ku nastaan madaxweynayaasha Maraykanka ee ku taal duleedka Washington. Haddaba 40 sano kadib heshiiskan maxaa laga dhaxlay? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu weydiiyey Cabdulkadir Cibaar oo ka faallooda arrimaha Carabta kuna sugan Qaahira.
from VOA https://ift.tt/2OxzwDY
via IFTTT
Monday, September 17, 2018
40 sano kadib heshiiskii Masar iyo Israel
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment