Friday, September 14, 2018

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Mareykanka

Duufaanta wadata roobab aad u culus ayaa soo gaaray dhulka xeebaha ah ee gobolka North Carolina iyo South Carolina ee dalka Maraykanka. Malaayiin qof ayaa ka qaxay guryahooda, mas'uuliyiintuna waxay ka digeen in heerka biyuhu uu aad kor u kici doono, deegaanno badanna uu biyo-gelin doono. Qiyaastii 10 milyan oo qof ayaa ku nool deegaanada ay saameyn doonto duufaanta. Sahra Cabdi Axmed ay wararkii ugu dambeeyey ka waraystay Sahra Cabdi Shirwac oo madax ka ah Golaha Qurbajoogta Soomaalida kuna nool meel u dhow magaalada Raleigh ee North Carolina.  

from VOA https://ift.tt/2NddSsi
via IFTTT

No comments:

Post a Comment