Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan oo laga maqlayay inta badan magaalada uu caawa ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama.
from VOA https://ift.tt/2BSP9l5
via IFTTT
Thursday, February 28, 2019
Qarax Xooggan oo Goor Dhow ka Dhacay Muqdisho
Amisom oo wareejisay kuliyadda Jaalle Siyaad
Ciidammada AMISOM ee Midowga Afrika ayaa saaka ku wareejiyay Ciidamada Soomaaliya dhismaha kuuliyaddii ciidamada ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
from VOA https://ift.tt/2BXbpui
via IFTTT
Puntland oo ciidamo badan gaysay Gaalkacyo
Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo dhowaan lagu dilay gabar yar oo 12 jir ahayd.
from VOA https://ift.tt/2XtM708
via IFTTT
Bandhigga VOA: Doorka ururada maxaligga ah ee samafalka
Brnaamijkii Bandhigga VOA, waxaan todobaadkan ku soo qaadaneynaa: Doorka ururada maxaligga ah ay ka qaataan arrimaha samafalka. Cabdixakiin Maxamud Shirwac ayaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedin doona.
from VOA https://ift.tt/2XuY717
via IFTTT
Dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya oo la dhagax dhigay
Munaasabadda dhagax dhiga, ayaa waxaa ka qeyb galay weftiyo ka kala socda Itoobiya, Imaaraadka iyo hay'adaha Caalamiga ah qaarkood, waxaana furay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
from VOA https://ift.tt/2EnCZ47
via IFTTT
Kulankii Trump iyo Kim oo dhammaaday heshiis la'aan
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in kulan madaxeedkii uu la lahaa hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu maanta soo dhammaaday, ayada oo aan wax heshiis ah ah lagu gaarin.
from VOA https://ift.tt/2tEpfNC
via IFTTT
Wednesday, February 27, 2019
Wareysi: Maalinta Muslimiinta Minnesota ee Baarlamaanka
Gollaha Shacabka ee gobolka Minnesoya ayaa waxa lagu qabtey kulanki 16-naad ee maalin loogu magacdarey, maalinta Muslimiinta Minnesota ee Baarlamaanka.
from VOA https://ift.tt/2ECmGBV
via IFTTT
Shir-madaxeedkii Hanoi oo Maanta ku Eg.
Waxaa maanta ku eg shir madaxeedkii labada hogaamiye ee Maraykanka iyo K. Wqooyi D. Trump iyo Kim Jong Un. Wararka laga helayo magaalada Hanoi ee dalka Vietnam oo ah halka uu shir-madaxeedku ka socdo ayaa sheegaya in wali aan horumar weyn laga gaarin.
from VOA https://ift.tt/2Ny0f3L
via IFTTT
Haweenka Iyo Qoyska: Kufsiga iyo Dilka Caaisha Ilyas
Guud ahaan soomaalida ayaa waxay wali si wayn u hadal hayaan kufsiga iyo dilka maalintii Jimcha magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar yar oo 12 jir ahayd oo lagu magacaabo Caa'isha Ilyaas,
from VOA https://ift.tt/2H6tklv
via IFTTT
Cohen oo ka warbixiyey madaxweyne Trump
Qareenkii hore ee madaxweyne Donald Trump, Michael Cohen ayaa maanta guddiga ka tirsan Aqalka Wakiilada u sheegay in madaxweynaha uu yahay "nin neceb dadka madow, beenlow iyo qaa'in ah"
from VOA https://ift.tt/2T6aRNe
via IFTTT
Shirka IGAD oo lagu soo geba gebeeyey Djibouti
Magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii 46-aad ee wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay urur gobleedka IGAD.
from VOA https://ift.tt/2EfYq7u
via IFTTT
Baarlamanka Koonfur Galbeed oo ansixiyey wasiirada
Baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ansixiyay Wasiirada uu uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
from VOA https://ift.tt/2Vq6yJu
via IFTTT
Dhageyso Dhaqanka iyo Hiddaha qeybta 460-aad
Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 460-aad. Waxaa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
from VOA https://ift.tt/2EArYOi
via IFTTT
Trump iyo Kim oo ku kulmay Hanoi
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam.
from VOA https://ift.tt/2UgtBq5
via IFTTT
Pakistan 'oo soo ridday diyaarado ay leedahay India'
Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadadeed ay maanta soo rideen laba diyaarad dagaal oo India ay leedahay, kuwaas oo soo galay xuduudeeda dhulka lagu muransan yahay ee Kashmir.
from VOA https://ift.tt/2U9NZJl
via IFTTT
Tuesday, February 26, 2019
QM: Kala Bar ayaan Helnay Lacagtii loo Baahnaa
Kulan ay QM soo qaban qaabisay oo Talaadadii shalay lacago loogu yaboohayay dadka reer Yemen ayaa dalalka deeqaha bixiya ay ballan qaadeen 2.6 bilyan oo dollar, iyada oo lacagta loo baahan yahay ay tahay 4 bilyan oo dollar.
from VOA https://ift.tt/2Elesg6
via IFTTT
Trump iyo Kim oo Kulmaya
Magaalada Hanoi ee xarunta dalka Vietnam oo ah goobta uu shirku ka dhacayo waxaa la is leeyahay Kim Jong Un ha arko sida ay barwaaqo u noqotay, iyada oo dalkaasi ay horay cadaawad uga dhaxaysay dalka Maryakanka
from VOA https://ift.tt/2U7w2eg
via IFTTT
Buhari oo ku guuleystay doorashadi Nigeria
Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota.
from VOA https://ift.tt/2BURDj8
via IFTTT
Mashaariicdii Ururka Iskaashiga Islaamka oo la musuqmaasuqay
Ururka Iskaashiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaalada Jeddah ee dalka Sucudiiga waxa uu qirtay in musuqmaasuqay mashaariicdii ay shantii sano ee lasoo dhaafay ka wadeen Soomaaliya kadib baaritaanka uu sameeyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA Somali
from VOA https://ift.tt/2TgT5pJ
via IFTTT
Dad loo qabtay dilkii Caaisha Ilyaas
Mas'uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay soo qabteen afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen kufsigii iyo dilkii habeen hore loo geystay gabadh 12 jir ah magaalada Gaalkacyo.
from VOA https://ift.tt/2Edoosg
via IFTTT
Dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho
Magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dad door ah oo shacab ah kuwaasi oo ay ku jireen dad nadiifinayey waddooyinka degaanka Lafoole.
from VOA https://ift.tt/2EbA0Me
via IFTTT
Maxaa laga qaban karaa kufsiga dhulalka Soomaalida?
Dilka habeen hore loo gaystay gabadh 12 sano jir ah magaalada Gaalkacayo ayaa si weyn uga argagixiyey dadka Soomaalida.
from VOA https://ift.tt/2IDkcrc
via IFTTT
Trump iyo Kim oo ku kulmaya Vietnam
Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong uN ayaa maanta tegay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ka hor kulan madaxeedka labaad ee uu la yeelanayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
from VOA https://ift.tt/2TirPY2
via IFTTT
India oo duqeyn ka fulisay gudaha Pakistan
India ayaa sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan.
from VOA https://ift.tt/2BTqayp
via IFTTT
Monday, February 25, 2019
Mareykanka oo duqeyn ku dilay 35 ka tirsan Shabaab
Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
from VOA https://ift.tt/2GJ7Mwb
via IFTTT
Gaalkacyo: Gabar yar oo la fara-xumeeyey kadibna la dilay
Meydka gabar yar oo ahayd 12 jir oo la la'aa ilaa shalay ayaa saaka laga helay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
from VOA https://ift.tt/2ExwXiZ
via IFTTT
Taliban oo rajo ka muujisay wada-hadallada Mareykanka
Kooxda Taliban ayaa sheegtay inay rajeeneyso "natiijo cad oo miro-dhal ah" oo kasoo baxa wada-xaajoodyo ay la leeyihiin saraakiisha Mareykanka oo maanta ka billowday magaalada Doha ee dalka Qatar.
from VOA https://ift.tt/2BRXZzz
via IFTTT
Tirinta codadka doorashada Nigeria oo socda
Waxaa wali socoto tirinta codadka doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Nigeria, iyadoo Axadii shalayna ay wali furnaayeen goobaha codbixinta. Inkasta oo meelaha qaar ay doorashada u dhacday si nabad ah, hadana rabshado ka dhacay meelo ka mid ah dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 40 qof. Guddiga madaxa bannaan ee doorashada dalka Nigeria ayaa sheegay in ay qeybo ka mid ah gobollada Lagos, Rivers iyo Anambra ay dib uga qaban doonaan doorashada, kaddib marki ay dhaceen carqaladeyn. Lama oga magaalooyinka ay saameeyeen carqaladahaasi. Wariyaha VOA-da ee magaalada Abuka Peter Clottey ayaa kusoo warramay in guddiga doorashada ay ku dhawaaqi doonaan natiijada Isniinta maanta ah. Madaxweynaha hadda xilka hayaha Muhammadu Buhari iyo ninka sida aadka ah ula tartamaya Atiku Abubakar ayaa labaduba saadaaliyay in ay ku guuleysan doonaan doorashada. Wariyaasha ayaa sheegaya in ay adag tahay in hadda la saadaaliyo cidda ku horreys tirinta codadka.
from VOA https://ift.tt/2BRdxDE
via IFTTT
Dad ka shaqeynayey nadaafadda oo lagu laayey Sh/Hoose
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa idaacadda VOA u sheegay in sagaal qof oo nadiifinayey waddo lagu dilay degaanka Lafoole ee gobolkaas.
from VOA https://ift.tt/2GGCfLn
via IFTTT
Sunday, February 24, 2019
Natiijada Doorashada Nigeria oo Weli La Sugayp
Dadka reer Nigeria ayaa weli sugaya natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday,iyadoo weli ay socoto tirinta codadka doorashado si weyn loogu baratamay.
from VOA https://ift.tt/2Vh4rY9
via IFTTT
Madaxweyne Donald Trump oo Rajo ka Muujiyey Kim Jong Un
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa niyadsami ka muujiyey kulanka dhexmari doono isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Madaxweyne Donald Trump oo sida caadadiisa ah bartiisa Twitter-ka ku soo gubiyey arrintan, ayaa qorey; labadeenuba waxaan fileynaa in aan sii wadno horumarkii la gaarey. Madaxweyne Donald Trump ayaa ka dib kulanki koowaad ee ay yeeshaan isaga iyo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi bishii 6-aad ee sanadkii tagey, waxa uu dadweynaha Mareykanka u sheegay in qof walibo uu hada nabadgalyo dareemi karo, maadaama aysan waxbsi nugliyeeka Kuuriyada Waqooyi aysan jireyn.
from VOA https://ift.tt/2ViZPAL
via IFTTT
Liverpool oo qabatay hogaanka
Kooxda Liverpool ayaa kali ku noqotay qeybta ugu sarreysa horyaalka Ingiriiska ee Premier League kaddib mari ay barbarro 0-0 ah iskula agdhaceen kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Manchester United.
from VOA https://ift.tt/2ICgXjE
via IFTTT
Somalia: Maraykanka oo Duqeymo Geystay
Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.
from VOA https://ift.tt/2H0CLTO
via IFTTT
Saturday, February 23, 2019
Shirka Wadamada Carabta iyo Yurub oo ay Soomaaliya ka Qaybgaleyso
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlad Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tegey magaalda Sherma Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo ay uga qeybgeli doonaan shir ay yeelanayaan wadamada Carabta iyo Yurub.
from VOA https://ift.tt/2BPFZpv
via IFTTT
Dhageyso: Kulanka Suugaanta Caruurta ee Sweden
Wali waxa daafaha dunida ka socdo munaasabaddo lagu xusayo maalinta afka hooyo oo ku aadaneyd Khamiisti aanu soo dhaafney ee bishan Feebaraayo ay 21-ka ahayd.
from VOA https://ift.tt/2SmSfTO
via IFTTT
Xildhibaan Boqorre oo Muqdisho lagu Dilay
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa kooxo hubeysani ku dileen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, xilli uu booqanayey guri uu isagu leeyahay oo laga dhisayey degmadaas Kaaraan
from VOA https://ift.tt/2GF0ERj
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa sheekooyin ay ka mid tahay bisaddii ugu hodansaneyd dunida, dooddii ku saabsaneynd boqoraddii Araweelo iyo xubintii Hal-abuurka iyo Heesaaga
from VOA https://ift.tt/2NmdX9I
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Jeneral Daahir Aadan Celmi (Indha-qarshe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia oo ka hadlaya dagaalka ay dawladdu kula jirto kooxda Alshabab
from VOA https://ift.tt/2SoCV9s
via IFTTT
Wareysi: Kulankii M. Biixi iyo Abiy Ahmed
Wadahadalkadaas ayaa waxaa bogaadisay dowladda Federalka ee Soomaaliya, oo sheegtay in Muuse Biixi uu aqbalay inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda Federalka ee Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2Eqys2o
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qubanayaal kala duwan oo siyaasadda Somalia ku saabsan, iyada oo qodobada toddobaadkan uu ka mid yahay booqashadii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ee dalka Ethiopia.
from VOA https://ift.tt/2VfW0wm
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA https://ift.tt/2Er3syY
via IFTTT
Friday, February 22, 2019
Wariye Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo Hargeysa ku dhintay
Allaha u naxariistee waxa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo ka mid ahaa ruug-caddaaga saxaafadda, qoraa iyo aqoonyahan, markii dambena siyaasadda ku biiray.
from VOA https://ift.tt/2E4PfXn
via IFTTT
Shabaab iyo Daacish oo ku dagaallamay gobolka Bari
Warka ka imaanaya deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka waaberigii uu dagaal ku dhex maray tuulada Afgaraar maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab.
from VOA https://ift.tt/2GDQHn7
via IFTTT
Soomaali ka qeyb gashay bandhig cunto oo Dubai lagu qabtay
Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa shalay lagu soo gaba-gabeeyay carwo dhinaca ganacsiga cuntada ah.
from VOA https://ift.tt/2GESiJk
via IFTTT
Faaqidaadda: Muranka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya
Ku soo dhawaada Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka oo aan diiradda ku saareyno mad-madowga diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya.
from VOA https://ift.tt/2tyEWpK
via IFTTT
Wariye Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo Hargeysa ku dhintay
Allaha u naxariistee waxa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo ka mid ahaa ruug-caddaaga saxaafadda, Qoraa iyo aqoonyahan, markii dambena siyaasadda ku biiray.
from VOA https://ift.tt/2GZDAfp
via IFTTT
NRC oo ka digtay dhibaato ka dhalata abaaraha Somaliland ka jira
Roob-yarri is daba jog ah oo laga baqayo inay ka sii jirto degaannada Soomaaliland, ayaa keeni karta in ay yaraadaan cuntada iyo daaqa deegaannada Somaliland, taas oo halisna abuuri karta, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga Norway (NRC).
from VOA https://ift.tt/2EpWtGU
via IFTTT
Booliska Turkiga oo u dhacay aqallada xubno ka tirsan militeriga
Booliska Turkiga ayaa u dhacay aqallada boqollaal ka tirsan ciidamada militeriga Jimcaha maanta, kuwaas oo lala xiriirinayo af-gembigii dhicisoobey ee July 2016.
from VOA https://ift.tt/2Vckl67
via IFTTT
Fifa oo ganaaxday Chelsea
Xiriirka kubadda cagta dunida ee Fifa ayaa maanta ku dhawaaqay in kooxda Chelsea aysan wax ciyaartooy ah soo iibsan karin labada xilli ciyaareed ee soo socda.
from VOA https://ift.tt/2SjG6zb
via IFTTT
Thursday, February 21, 2019
Kenya oo sheegtay inaysan ku qancin jawaabtii Soomaaliya
Dowlada Kenya ayaa shalay ka jawaabtey qoraalkii ay dowlada Soomaaliya u dirtey ee ku aadanaa u yeerashadii safiirkeeda iyo cayrintii safiirka Soomaaliya. Kenya waxay sheegtay inay weli jawaabo ka sugayso dawladda Soomaaliya, waxayna ku eedaysay Soomaaliya inay marin habaabinayso caalamka. Hadalkan dambe ee Kenya jeedisay shalay weli kama aysan jawaabin dawladda Soomaaliya. Warbixintan waxaa inoo diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan
from VOA https://ift.tt/2SWl1jH
via IFTTT
Warbixn Gaar ah: Maalinta Afka Hooyo
Inta badan dunida waxa maanta oo kale, 21-ka Feberwari laga xusaa afka hooyo. Warbixin gaar ah oo ku saabsan afka Soomaaliga iyo waayahiis maanta waxa inoo hayo Jaamac Buulle Jaamac.
from VOA https://ift.tt/2GDxq5u
via IFTTT
Hay'ado caalami ah oo Somaliland ka dalbadey sii deynta Abwaan Abees
Hay'daha xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch, ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga dalbanadeen Somaliland in si dhaqsa ah oo shuruud la'aan ah ku sii deyso Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, oo loo yaqaan, "Cabdirahmaan Abees."
from VOA https://ift.tt/2GCvYjC
via IFTTT
Booliska London oo amniga kala shirey dad ay Soomaali ku jiraan
Magaalada London waxaa kulan ku yeeshay booliska London iyo xubno matalayay dadka laga tirada badan-yahay oo ay ka mid yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed.
from VOA https://ift.tt/2Nidp4K
via IFTTT
Amniga Mudug oo laga shirey
Maalmihii u dambeeyay deegaano ka mid ah gobolka Mudug waxaa ka dhacayay falal amaan darro oo ay afduubyo ku jireen.
from VOA https://ift.tt/2V8qWOZ
via IFTTT
Bandhigga VOA: Horrumarka ay dunida casriga ah ka gaartay waxbarashada
Ku soo dhawaada barnaamijkii Bandhigga VOA oo aan todobaadkan ku eegeyno waxbarashada iyo barbaarinta caruurta, iyo sida dunida casriga ah ay horumar uga gaartay.
from VOA https://ift.tt/2GUeu1r
via IFTTT
Wareysi: Maalinta Afka Hooyo oo Laga Xusey Soomaaliya
Maanta oo kale, 21-ka bisha February, sanad walba dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.
from VOA https://ift.tt/2tx5esk
via IFTTT
Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed oo arrimo dhowr ah ka wada-hadlay
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Ra'iisal wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.
from VOA https://ift.tt/2GX2JHt
via IFTTT
Boosaaso: Dhalinyaro ka dooddey ka hor-tagidda musuq-maasuqa
Dhalin-yarada magaalada Boosaaso ayaa yeeshay kulan ay kaga doodeen musuqmaasuqa iyo sida looga hortagi karo.
from VOA https://ift.tt/2ICLVYK
via IFTTT
Atletico Madrid oo garaacday Juventus
Kooxda Atletico Madrid ayaa hal lug la gashay wareega sideeda koox ee koobka Champions League kaddib marki ay xalay 2-0 ku garaacday kooxda Juventus.
from VOA https://ift.tt/2BLeltP
via IFTTT
Man City oo maquunisay Schalke
Gool uu daqiiqadi ugu danbeysay ciyaarta u saxiixay Raheem Sterlin ayay Manchester City uga badisay xalay kooxda Schalke oo ay ku dubatay 3-2, ciyaar ka tirsaneyd wareega 16-ka ee tartanka Yurub.
from VOA https://ift.tt/2U1Ukqe
via IFTTT
Koox IS ka tirsan oo wali ku harsan Suuriya
Ciidamada uu Maraykanku taageero ayaa u dhaw inay kooxda IS ka xoreeyaan goobtii u danbaysay ee ay ka joogeen dalka Suuriya.
from VOA https://ift.tt/2SOmBEb
via IFTTT
Dab ka kacay Bangladesh oo 70 ruux ay ku dhinteen
Dab xooggan oo burburiyay guryo badan oo ka kacay goob taariikhi ah oo ku taalla caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka ayaa galaaftay nolosha dad aan 70 ka yareyn.
from VOA https://ift.tt/2BMagWp
via IFTTT
Wednesday, February 20, 2019
Dad ku dhintay qaraxyo Baardheere ka dhacay
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, toddoba kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo maanta ka dhacday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
from VOA https://ift.tt/2DY1vJb
via IFTTT
Wareysi: Madaxweyne Waare oo ka hadlay amniga & arrimo kale
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi ayaa shalay ku baaqay inay shir degdeg ah iskugu yimaadana madaxweynayaasha waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya
from VOA https://ift.tt/2SP7Ald
via IFTTT
Dhageyso Barn. Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 559-aad
Ku soo dhawaada barnaamija Dhaqanka iyo Hiddaha qeybtiisa 559-aad. Waxa aalaba soo diyaariya, soona jeediya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
from VOA https://ift.tt/2GTEOsy
via IFTTT
Isaaq Maxamed oo ku guuleystay is-reeb-reebka golaha deegaanka ee Barron, Wisconsin
Isaaq Cabdi Maxamed (Gaaddaay) ayaa ku guuleystay is reeb reebka doorashada golaha deegaanka ee magaalada Barron, gobolka Wisconsin ee dalkan Mareykankan.
from VOA https://ift.tt/2Gzw3EM
via IFTTT
Madaxweyne Geelle oo Qaabiley Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kadib booqasho uu ku tagay dalkaas.
from VOA https://ift.tt/2NhCpcj
via IFTTT
Madaxweyne Biixi oo Addis Ababa u Safray
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar rasmi ah ku tagay magaalada Addis ee Itoobiya.
from VOA https://ift.tt/2IqvMG2
via IFTTT
Ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha oo Muqdisho Lagu Diley
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeeysan ay maanta Muqdisho ku dileen ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Mursal.
from VOA https://ift.tt/2T2XwEJ
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo Burundi kula kulmay dhiggiisa dalkaasi
War saxaafdeed wadajir ah oo ay soo saareen madaxweynayaasha Somaaliya iyo Burundi ayaa faahfaahin laga bixiyay booqashadii rasmiga ahayd ee madaxweynaha Somaaliya uu ku tagay Burunid, isaga oo marti qaad ka helay madaxweynaha Burundi.
from VOA https://ift.tt/2BIeI8E
via IFTTT
Trump: Kama dalban Whitaker in uu magacaabo qof i taageersan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku simaha xeer ilaaliyaha guud ka codsaday, in qof madaxweynaha taageersan uu u magacaabo baadhista la xidhiidha, lacago la sheegay in lagu aamusiiyay laba haween ah oo eedaynayay madaxweynaha, intii uu socday ololihii doorashada ee 2016-kii Warkan ayaa lagu daabacay wargayska The New York Times, kaasi oo sheegaya in madaxweynuhu uu la hadlay xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Matthew Whitaker oo markaasi ku simaha xeer ilaaliyaha ahaa. Waxa uu wargeysku qorey in madaxweyne Trump uu weydiistay Whitaker inay suurtagal tahay in kiiskaasi uu u dhiibo Jefrry Berman oo ah xeer ilaaliyaha koonfurta New York. Madxaweynaha ayaa mar ay arrintaasi saxaafadda wax ka weydiisay beeniyay, waxana uu ku tilmmaamay war been abuur ah.
from VOA https://ift.tt/2IrGw6Q
via IFTTT
Tuesday, February 19, 2019
USA: Farsamada Nukliyeerka oo la Doonayey in Sacuudiga la Siiyo
Warbixintan oo Talaadadii shalay ka soo baxday Conngresska Maraykanka ayaa lagu sheegay in La-taliyihii hore ee Aminga Qaranka Micheal Flynn iyo labo kalkaaliye oo uu lahaa ay iska dhago tireen digniino is-xigxigay oo sheegayey in dadaaladoodu ay jabinayeen sharciyada Maraykankan.
from VOA https://ift.tt/2SZz3A8
via IFTTT
Mareykanka oo digniinti ugu danbeysay siiyay Daacish
Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dagaalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suuriya in ay is dhiibaan ama ay la dili doono.
from VOA https://ift.tt/2InOk9R
via IFTTT
Dad rayid ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Jowhar
Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay ka dib markii ay miino la qaraxdey gaari ay saarnaayeen dad rayid ah gelinkii dambe ee maanta.
from VOA http://bit.ly/2ScKjob
via IFTTT
Spectrum Geo oo War ka soo saartay Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya
Shirkadda Spectrum Geo ee baarista ku sameysay xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay arrinta is qab qabsiga Kenya iyo Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2TZaTD2
via IFTTT
Warbixin: Amniga Muqdisho iyo Nawaaxigeeda
Amniga waddooyinka isku-xira magaalada Muqdisho iyo gobollada ku hareeraysan ayaa lagu soo warramayaa inuu sii xumaanayo, taasoo sababtay inay dadka qaarkood ay ku safraan dhinaca badda, si ay u gaaraan magaallooyinka Marka iyo Baraawe.
from VOA http://bit.ly/2trZdNk
via IFTTT
Caruur Qaliin Wadnaha Loogu Soo Sameeyay Faransiiska oo Jabuuti Lagu Celiyay
Hay'ad Faransiis ah ayaa Jabuuti ku celisay caruur Jabuutiyaan ah oo qaliin dhinaca wadnaha ah Faransiiska loogu soo sameeyay.
from VOA http://bit.ly/2Vb86qJ
via IFTTT
Somaliland: Kun Dhalinyaro ah oo Tababar Shaqo Qaran loo Furey
Inta badan dhallinyarada Somaliland ayaa ka cawda shaqo-la'aan baahsan oo qaarkood sabab uga dhigaan inay tahriibaan.
from VOA http://bit.ly/2tsBkp5
via IFTTT
USA: 16 Gobol oo Maxkamad la Tiigsanaya Maamulka Trump
16 gobol oo ka mid ah maamullada gobollada Mareykanka ayaa magdhow weydiisanaya maamulka Madaxweyne Donald Trump, ka dib ku dhawaaqiddiisii xaaladda deg degga si uu dhaqaale ugu helo derbi uu doonaayo in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.
from VOA http://bit.ly/2GVKFxo
via IFTTT
Muqdisho: Ganacsato ku hanjabtay joojinta qaadka
Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keenta Kenya ayaa ku hanjabay inay jooojin doonaan soo dejinta qaadka laga bilaabo maanta.
from VOA http://bit.ly/2GyDxrB
via IFTTT
Monday, February 18, 2019
Dhageyso Barnaamijka Qurbe
Ku soo dhawaada Barnaamijka Qurbe, waxana soo jeedineyna Jaamac Buulle Jaamac.
from VOA http://bit.ly/2SFbL30
via IFTTT
Muqdisho: Wariyayaal ka cowdey hab dhaqanka dowladda
Koox wariyayaal ah oo maanta shir jaraa'id ku qabtey magaalda Muqdisho ayaa ka cowdey qaab dhaqanka dowladda ee ku aaddan warbaahinta madaxa bannaan.
from VOA http://bit.ly/2IlERQo
via IFTTT
MBS oo la beeniyay in uu la wareegayo Manchester United
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa la beeniyay in uu doonaayo in uu iibsado naadiga kubadda cagta ee Manchester United.
from VOA http://bit.ly/2Ehdzqa
via IFTTT
Ileyksa VOA: Isku takooridda xannunada aan la is qaadsiin
Ku soo dhawaada Barnaamijka cusub oo aan ugu magcdarnay "Ileyska VOA" oo aan diiradda ku saareyno isku ceebeynta iyo takoorka cudurrada dadka ku dhaca. Waxa soo diyaariyey soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.
from VOA http://bit.ly/2SaB1cy
via IFTTT
Warkii ugu dambeeyay ee xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya
Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in ay dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeeratay safiirkeedii Lucas Tumbo.
from VOA http://bit.ly/2SHv23V
via IFTTT
Falanqeyn: Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ka baxaya
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu maanta u ambabaxay dalka Burundi oo la sheegay inay dhammaadka bishan Soomaaliya kala baxayaan 1000 askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM.
from VOA http://bit.ly/2DPD6W0
via IFTTT
Hiiraan: AMISOM oo Weerartay Shabaab
Ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa waxay hawl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
from VOA http://bit.ly/2SKKgoX
via IFTTT
Sacuudiga oo 20 bilyan oo doollar ku maal-gelinaya Pakistan
Pakistan ayaa la filayaa in ay abaal marinta ugu sareysa ee qof rayid ah la siiyo ay guddoonsiiso dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Isniinta maanta ah, maalin uun ka dib markii uu saxiixey heshiis balaayiin doollar ah oo Sacuudigu uu la galayo Pakistan.
from VOA http://bit.ly/2IjGC0c
via IFTTT
Sunday, February 17, 2019
Bare Sare Cismaan Salaad oo Sharaxayo Doodda Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo saartay warsaxaafadeed ay kaga jawaabeyso tallaabadii ay Jimchii qaaday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya, halka kii Soomaaliyana ay dalkiisa u dirtey.
from VOA http://bit.ly/2Gv7k4y
via IFTTT
Kenya oo Sadex Shardi ku Xirtay soo Celinta Xiriirka Soomaaliya
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, Kenya ayaa ku xirtay Somaliya shuruud sadex qodob ka kooban si xal looga gaaro muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya.
from VOA http://bit.ly/2SGzyzv
via IFTTT
Somalia oo ka Hadashay Tallaabadii Kenya
Somalia ayaa sheegtay inaysan qandaraas ku bixin xidhmooyin, qorshahana ugu jirin inay ku bixiso wax xidhmooyin ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go'aan ka gaadhayso, ayna aad uga xun tahay go'aanka Kenya ee la tashi la'aanta ay ku qaadatay
from VOA http://bit.ly/2GNYJck
via IFTTT
Doodda ka Dhex Jirta Somalia iyo Kenya
Kenya ayaa eriday danjirihii Somalia ee dalkeeda fadhiyey, iyada oo tallaabadan sabab uga dhigtay dawladda Soomaaliya oo ay ku eedaysay inay xaraashtii goobo shidaal oo ku yaalla biyaha ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee The Hague.
from VOA http://bit.ly/2DNJXzn
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay farta Soomaaliga iyo in la gaaray, iyo in kale, himilooyinkii laga lahaa, waxaana marti ku ah Abwaan Saciid Saalax Axmed oo ka mid ahaa madaxdii Wasaaraddii Waxbarashada
from VOA http://bit.ly/2SYaXWr
via IFTTT
USA: Nauert oo ka Cudurdaaratay Xilka Danjiraha Q.M.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Nauert ay u diidday xilka loo magacaabay kaddib marki la ogaaday in gurigeeda ay muddo 10 sano ah ka shaqeysay haweeney si sharci darro ah ku daganeyd Mareykanka, taasoo u heyn jiray carruurta.
from VOA http://bit.ly/2GJZeUW
via IFTTT
Saturday, February 16, 2019
Kenya oo Ergaygeeda Soomaaliya Wadatashi ugu Yeeratay
Dowlada Kenya ayaa u yeertey safiirkeeda Soomaaliya, Lt. General Lucas Tumbo si ay wadatashi ula yeeshaan.
from VOA http://bit.ly/2SCRNWK
via IFTTT
Kenya oo Safiirkeeda Soomaaliya u Yeeratey, Kan Soomaalidana ka dalabtey inuu Dowladiisa la soo Tashado
Dowlada Kenya ayaa sheegtey in ay u yeertey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho. Kenya ayaa sheegtey in ay ka careysan tahay xumaado sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka. Talabadaas ayey Kenya ku tilmaantey mid aan loo sineyn, ceeb iyo sharci darana ah in la maroorsado qeyraadka Kenya, waxaana ay sheegtey Kenya in talabadaas aysan jawaab la,aan ahaaneyn isla markaana ay bixin doonto jawaab u dhiganta talaabada loogu gefey dadka reer Kenya iyo qeyraadkooda. Qoraalkan oo ka koobnaa 15 qodob ayaa waxaa kaloo ay ku sheegtey dowlada Kenya in ay arrintan 6dii bishan kala hadashey Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya iyadoo ku wargelisey in shirka London lagu soo gudbinayo dhul badeed ay Kenya leedahay iyagoo ka dalbadey in dhulkaas laga saaro meelaha la soo bandhigaayo shidaalkooda. Safiirka Soomaaliya ayey sheegeen inuu u xaqiijiyey inuu heley fariintooda isla markaana jawaab deg deg ah oo walaaltinimo ay ka fishaan, sidoo kale Kenya waxa ay sheegtey in ay safiirkeeda Soomaaliya isna uu u gudbiyey cabashadooda dowlada federaalka balse aan waxba laga qaban.
from VOA http://bit.ly/2TX521e
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska waxaad ku dhagaysan doontaan qodobo aad u xiiso badan oo ay ka mid yihiin, Silsiladii Araweelo oo meel xiiso badan maraysa iyo Abwaan Barre Maxamed Fiidow "Leento" oo ka waramaya sida ay ku imaadeen qaar ka mid ah Heesaha uu curiyey.
from VOA http://bit.ly/2TT8hGE
via IFTTT
Puntland: Golihii Xukuumadda oo la Ansixiyey
Barlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyey xukumadda cusub ee Puntland oo dhowaan uu soo magacabay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni
from VOA http://bit.ly/2TMUbXr
via IFTTT
AMISOM: Ciidanka Somalia ha la Diyaariyo
Saraakiisha ugu sarsareysa howgalka howlgalka AMISOM ee Soomaliya ayaa isku raacay howlgallo ka dhan ah al-Shabab oo loogu gogol xaarayo qorshaha kala guurka ee ku wareejinta Amniga ee ciidamada Soomaaliya, marka ay AMISOM dalkaasi ka baxdo.
from VOA http://bit.ly/2S8gm8K
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana soo jeedinaya wariye Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA http://bit.ly/2tn5Ws9
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Falastiin Axmed Iimaan
from VOA http://bit.ly/2GJZvqV
via IFTTT
Doorashada Nigeria oo dib loo dhigay
Dadka reer Nigeria ayaa saakay ku soo toosay war kasoo baxay guddiga doorashada Nigeria oo shacabka loogu sheegay in doorashada madaxtinimada dib loo dhigay ilaa todobaadka danbe.
from VOA http://bit.ly/2S78QuJ
via IFTTT
Friday, February 15, 2019
Madaxweyne Trump oo xaalad deg deg ah ku dhawaaqay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko.
from VOA http://bit.ly/2IgY065
via IFTTT
Faaqidaadda Toddobaadka: Dhibaatooyinka Gudniinka Fircooniga
Ku soo dhawaada Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, oo aan maanta diiradda ku saareyno dhibaatooyinka uu bulshada ku leeyahay gudniinka Fircooniga ah, iyo sida loo baa'bi'in karo.
from VOA http://bit.ly/2SWAIWU
via IFTTT
Mareykanka oo kafakaraya in Guantanamo uu maxaabiis hor-leh geeyo
Saraakiisha dawladda Maraykanka ayaa ka baaraan degayada in qaar ka mid ah xubnaha argagixisada ah ee lagu qabtay dalka Siiriya la geeyo xabsiga Guantanamo Bay
from VOA http://bit.ly/2SAs3KI
via IFTTT
Trump oo ku dhawaaqi doona xaalad deg deg ah
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko.
from VOA http://bit.ly/2EbdZhI
via IFTTT
Thursday, February 14, 2019
Dab xalay ka kacay Gaalkacayo
Mas'uuliyiinta magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in maamulka labada dhinac iska kaashadeen daminta dabkii xalay ka kacay good shidaal oo ku taalla dhinaca Koonfureed ee magaalada. Hanti iyo guryo ayaa ku baaba'ay dabkaasi.
from VOA http://bit.ly/2N5wfMx
via IFTTT
Bandhigga: Dadka Caddaaladda u Raadsada Maxkamadaha Shabaab
Ku soo dhawaada barnaamijkii Bandhigga VOA oo toddobaadkan aan ku eegeyno dadka cadaaladda u raadsada maxkamadaha al-Shabaab iyo waxa ku kalifa.
from VOA http://bit.ly/2BBpAFn
via IFTTT
Muqdisho: 4 Kun oo boolis ah oo loo diyaariyay sugidda ammaanka
Magaalada Muqdisho waxa laga diyaariyay illa aiyo 4 kun oo ciidamo boolis ah, kuwaas oo dhawaan tababar loo soo xirey.
from VOA http://bit.ly/2TPnFUC
via IFTTT
Jaamacadda Hargeysa oo Billowdey Waxbarashada Ph.D
Mandaqadda Geeska Afrika ay inta badan waxa ka dhaca falal la xidhiidha amni-darro iyo waxyaabo nabadda waxyeelaya, isla markaana waxa jira dedaallo cilmiyan arrimahaasi xal loogu raadinayo oo ay ka mid tahay in aqoonta nabadda la kobciyo.
from VOA http://bit.ly/2BvxD6v
via IFTTT
Aqalka Hoose oo taageeradii militari ka jaray isbaheysiga Sacuudiga
Aqalka Hoose ee Mareykanka oo ay Dimuquraadiyiintu ku badan yihiin ayaa shaley go'aamiyey in in ay taageerada milatari ka jareen isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya.
from VOA http://bit.ly/2UWGNjB
via IFTTT
Wednesday, February 13, 2019
Haweenay u Basaasaysay Iran oo Dambi lagu Helay
Sarkaal hore oo ka tirsaneyd ciidanka cirka ee Maraykanka, qeybtiisa sirdoonka, taas oo u carartay dalka Iran 6 sano ka hor ayaa lagu soo eedeeyey inay dawladda Iran siisay macluumad dhinaca militariga la xiriira oo aan la ogoleyn in la ogaado
from VOA http://bit.ly/2tmINGg
via IFTTT
Boosaaso: Dad loo soo xirey dilka madaxii P&O ee dekadda Boosaaso
Booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay inay rag usoo qab-qabteen dilal loo gaystay ganacsade iyo maareeyihii shirkadda P&O Paul Fermosa ee dhowaan lagu dilay magaalada Boosaaso.
from VOA http://bit.ly/2WVl5OV
via IFTTT
Shabaab oo Bur-burisey dhismaha Safaricom ee degmada Faafi
Wararka ka imanaya Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shaabab ay xalay weerar ku qaadeen tuulada Galma-Gala oo ka tirsan dagamada Faafi maamulka Gaarisa
from VOA http://bit.ly/2tiUeP7
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 558-aad
Ku soo dhawaada barnaaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 558-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2GCx5iy
via IFTTT
Weeraro Khasaare Sababay oo Muqdisho ka Dhacay
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in qarax uu ka dhacay meel u dhow isgoyska KM5, halkaasi oo la sheegay inuu ku qarxay baabuur marayey
from VOA http://bit.ly/2tlkU1B
via IFTTT
PSG oo Guul-darro biddey Manchester United
Naadiga PSG ee dalka Faransiiska ayaa laba gool iyo waxba kaga adkaaday naadiga Manchester United lugta koowaad kulan ka tirsan wareegga 16-aad ee Champions Leauge.
from VOA http://bit.ly/2UR1JbC
via IFTTT
Trump: Kuma qanacsani heshiiska la gaaray
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu u riyaaqsanayn heshiiska ay wada gaadheen sharci dajiiyayaasha kaasi oo ah dhismaha xayndaab xaddidan laga yagleelo xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico.
from VOA http://bit.ly/2E68eBS
via IFTTT
Tuesday, February 12, 2019
Trump oo Ugu Baaqay Ilhan Omar inay Is-casisho
Madaxweynaha ayaa Talaadadii shalay warfidiyeenada u sheegay in raalli galintii Ilhan Cumar ay dhantaalan tahay, waxana uu intaas ku daray in raalli galintaas ayna waxba ka ahayn. Trump ayaa ugu baaqay in Congresska iska casisho, ama ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda oo ay xubin ka tahay
from VOA http://bit.ly/2ByBLlY
via IFTTT
Soomaali u ordaya doorashada Baarlamaanka Yurub
Inta badan dalalka ku jira ururka Midowga Yurub waa waxaa ka billowday ololaha doorashooyinka Baarlamaanka Midowga Yurub oo lagu wado in ay qabsoomaan inta u dhaxeysa 23-26 bisha May ee sannadkan 2019.
from VOA http://bit.ly/2BAMNqW
via IFTTT
El Chapo oo danbi lagu helay
Ninka sida weyn uga ganacsan jiray daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin "El Chapo" Guzman ayaa lagu helay danbiyo lagu soo eedeeyay oo ah inuu daroogo u soo safrin jiray dalkaan Mareykanka.
from VOA http://bit.ly/2TTDDNi
via IFTTT
Biyo Yaraan ka Jirta Deegaanka Kulaal
Wararka ka imanaya deegaanka Kulaal ee gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaankaas ay biyo la'aan darani ka jirto. Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in riiggii ceelbiyoodka deegaanku uu jabay, taasina ay keentay in xoolo deegaanka ku noolaa ay dhintaan.
from VOA http://bit.ly/2BC7S4p
via IFTTT
Muqdisho oo lagu Qabtay Wacyigalinta Gudniinka Fircooniga
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka haweenka lagu fuliyo gudniinka fircooniga ah, waxaana jira haween badan oo u dhiban xaaladaha ka dhashay gudniinka fircooniga ah.
from VOA http://bit.ly/2DuJEt2
via IFTTT
Galka Baarista: Shirka London wuxuu billaabay tartanka shidaalka Soomaaliya
Toddobaadkii hore dawladda Soomaaliya waxay magaalada London kusoo bandhigtay xogta laga laga helay sahankii shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2014-ka iyo 2016-ka.
from VOA http://bit.ly/2BwTGcR
via IFTTT
Boosaaso: Dad ku eedeysan tahriibin oo la soo xirey
Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa howl-gal ay ka sameeyeen magaalada ku soo qabtay dad ay sheegeen inay falal amni darro ah magaalada ka wadeen.
from VOA http://bit.ly/2N3EmJc
via IFTTT
Muqdisho: Sarkaal boolis ah oo qarax lagu diley
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ayaa ku dhintay qarax lagu xirey mid ka mid ah gaadiidka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho maanta.
from VOA http://bit.ly/2DzIJYt
via IFTTT
17 qof oo ku dhimatay dab ka kacay India
Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dab manta oo Talaado ah ka kacay hotel ku yaalla India, ka hor inta aanu waagu beriyin.
from VOA http://bit.ly/2WY65Q8
via IFTTT
Monday, February 11, 2019
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Daanduray iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://bit.ly/2GlJQ1w
via IFTTT
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay Goldogob
Wararka ka imanaya degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof ku dhintay afar kalena ay ku dhaawacmeen kadib weerar xalay ka dhacay degmadaasi.
from VOA http://bit.ly/2N0t2O9
via IFTTT
Amisom oo ka baxeysa qeybo ka mida Shabeellaha Dhexe
Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa la sheegay in ay ka bixi doonaan deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.
from VOA http://bit.ly/2SuD7sz
via IFTTT
Tartan Tacabka Beeraha ah oo Muqdisho ka Dhacay
Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay tartan dhinaca tacabka ah oo ay ka qeybgaleen ardayda kulliyada beeraha ee jaamacado shan ah oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2DuSJSI
via IFTTT
Madaxweyne Deni oo Ku Dhawaaqay Golahiisa Wasiirrada
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay golahiisa cusub ee wasiirada oo maalmahan loo dhag taagayay.
from VOA http://bit.ly/2RUnOEn
via IFTTT
Man City oo 6 gool u dhiibtay Chelsea
Kooxda kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa Axadi shalay kala kulantay dhigeeda Manchester City guuldarradi ugu xanuunka badneyd ee ay kala kulanto horyaalka koowaad ee dalka Ingiriiska, tan iyo sannadki 1991-ki.
from VOA http://bit.ly/2GBLNq3
via IFTTT
Faah-faahinta horyaalka Spain ee La Liga
Kooxda Barcelona ayaa xalay barbarro goolal la'aan ah la gashay naadiga Athletic Bilbao, waana todobaadki labaad oo ay Barcelona ka keeneyso horyaalka La Liga barbardhac.
from VOA http://bit.ly/2E6aCc5
via IFTTT
Trump oo caawa taageerayaashiisa kula hadli doona El Paso
Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada El Paso ee gobolka Texas, oo ah magaalo ku taalla xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, halkaas oo uu caawa kula hadli doono qaar ka mid ah taageerayaashiisa.
from VOA http://bit.ly/2RU8s2C
via IFTTT
Patrick Shanahan oo booqanaya Afghanistan
Sii hayaha xilka xog-hayaha gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanahan ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Afghanstan, si uu ula kulmo madaxda dalkaasi iyo taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan.
from VOA http://bit.ly/2DnV7KI
via IFTTT
Sunday, February 10, 2019
Columbus Ohio: Soomaali Abaal Marin la Siiyey.
Waxa abaal-marinta la gudoonsiinayey shakhsiyaad ka mida Soomalida gobolka Ohio oo horumar ka sameeyey dhinacyo badan.
from VOA http://bit.ly/2E2qlJ9
via IFTTT
Saturday, February 9, 2019
Muslimiinta Edmonton, Kanada oo Cagajugleyn la Kulmey
Masaajidka Al Rashiid ayaa waxa soo galey labo nin oo ka tirsan ururada midigta xag jirka ah ee kooxaha cadaanka ah, islamarkaasna labis lagu yaqaan kooxahaasi watey. Halka masaajidka Markas Al Islaam loo soo direy warqad loogu sheegayo in aysan isku dhajin dhulkan oo ay marti ku yihiin.
from VOA http://bit.ly/2Sr4B2f
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan qodobada aad ku maqli doontaan waxaa ka mid ah, Nin xafladii Meherkiisa intuu ka dhex istaagay isagu afkiisa ku weydiistay in gabadhii loo meheriyo.
from VOA http://bit.ly/2TGDoFs
via IFTTT
Madaxweyne Biixi iyo Oglan Baker oo ka wada hadley wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya
Madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay dalbanayaan in wada-hadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay dalal kale qayb ka noqdaan, ka dib markii ay midho-dhal noqon waayeen.
from VOA http://bit.ly/2E2uWuP
via IFTTT
Muqdisho: Booliska oo ballan qaaday wax ka qabashada dilka askarta lagu eedeyo
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay falalka dad shacab ah oo ku dhinta gacanta askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2GkPwsw
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aad maanta oo kale dhageysataan. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2I1Vsbz
via IFTTT
Jigjiga: ONLF iyo ciidamada booliska oo la isku dhafay
Jabahadda ONLF oo muddo 30 sanadood ka badan dagaal madax banaani doon ah kula jirtay dowladda Ethiopia, ayaa ugu dambeyntii shalay hubka dhigtay ciidamadeedana ku biirisay kuwa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaas.
from VOA http://bit.ly/2Gj4Gii
via IFTTT
Friday, February 8, 2019
Africom: Waxaan Duqeymo ku Dilney 15 Shabaab ah
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan maleeshiyada ururka al-Shabaab.
from VOA http://bit.ly/2MWh9sH
via IFTTT
Faaqidaadda: Shirka Shidaalka Soomaaliya
Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadna oo aan maanta diiradda ku saareyno shirka shidaalka Soomaaliya ee London shalay lagu soo gaba gabeeyay.
from VOA http://bit.ly/2GtxQue
via IFTTT
Warbixin: Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee London
Shaki badan ayaa la geliyey shirkii ka dhacay magaalada London shaley ee looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2DZq5dL
via IFTTT
Tartan Orod oo Hargeysa Lagu Qabtay
Tartanka orod-ka dheer oo ay ka qayb-galayeen orod-yahanno ka kala socda Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa.
from VOA http://bit.ly/2tcDKrV
via IFTTT
Boosaaso: Dad loo soo Xiray Falal Amni Darro
Booliiska Puntland ayaa ku dhowaaqay hawl-gallo amni oo ay ka samaynayaan magaalada Boosaaso.
from VOA http://bit.ly/2UUkVph
via IFTTT
Sweden: Qof Dad Middi ku Weeraray oo la Xirey
Booliska Sweden ayaa Jimcaha maanta xirey nin lagu eedeynaayo in uu dad middi ku weeraray, kaas oo dhaawacay hal qof, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
from VOA http://bit.ly/2TEA4ui
via IFTTT
Thursday, February 7, 2019
Hawlgal amni oo looga dhowaaqay Boosaaso
Maalmo kadib markii magaalada Boosaaso lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda P&O ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Boosaaso ayaa booliisku waxay sheegeen inay amniga gacan adag ku qabanayaan
from VOA http://bit.ly/2GtUWko
via IFTTT
Filin Gabar Soomaaliyeed laga Sameeyey oo Washington lagu Daawadey
Shaley waxa ay ahayd maalinti ay dunidu u asteeysay la dagaalanka gudniinka haweenka. Xaflado iyo shirar wacyigelin iyo xogwareysi leh ayaana dunida dacaladiisa ka kala dhacayey. Magaalada Washington ee caasimada Mareykankana waxyaabihi lagu soo bandhigey waxaa ka mid ahaa film laga sameeyey qiso dhab ah oo gudniinka ku saabsan oo ku dhacdey Ifrah Ahmed, kaas oo loogu magaca daray, A Girl from Moqadisho, "Gabar Muqdisho ka timid". Film-kan oo loogu talagaley dadyowga aan aqoonta fiican u lahayn gudniinka haweenka, qaasatan nooca fircooniga ayaa waxa daawashadiisi ka qaybgaley Jaamac Buulle Jaamac, warbixintana inooga diyaariyey.
from VOA http://bit.ly/2TEaUfm
via IFTTT
Wasiir hore oo ku baaqay wada-hadal lala galo Al-Shabaab
Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ku baaqay in wada-hadal lala galo kooxda Al-Shabaab.
from VOA http://bit.ly/2WNy7xW
via IFTTT
Bandhigga VOA: Ganacsatada Soomaalida ah ee Kenya
Barnaamijkii Bandhigga VOA, waxa uu todfobaadkan ku saabsan yahay kaalinta Ganacsatada Soomaalida ee Kenya ay ka qaataan Kororka dhaqaalaha dalkaas. Jamaal Axmed Cusmaan ayaa inoo soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2RM2dOC
via IFTTT
Shirka shidaalka Soomaaliya oo London ka furmay
Magaalada London ee dalka Britain waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya, oo ay ka qeyb galayaan shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya.
from VOA http://bit.ly/2DiuGX2
via IFTTT
Yaa badiyay kulanki xalay ee El Clasico
Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo xalay isku arkay magaalada Barcelona, lugta koowaad ee wareega afarta koox ee tartanka Copa del Rey ayaa iskula agdhacay barbarro 1-1 ah.
from VOA http://bit.ly/2Dj7ibN
via IFTTT
Manchester City oo hogaanka qabatay
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada Ingiriiska ee Manchester City ayaa dib ula wareegtay hogaanka Premier League kaddib marki ay shalay 2-0 ku garaacday Everton oo ay marti ugu aheyd garoonka Goodison Park ee magaalada Liverpool.
from VOA http://bit.ly/2WOqEhP
via IFTTT
PSG oo gaartay semi-finalka French Cup
Dhanka Faransiiska, waxaa xalay dhacayo ciyaaro ka tirsanaa koobka French Cup.
from VOA http://bit.ly/2RIcjQl
via IFTTT
Kulankii nabadda Afghanistan ee Moscow oo lasoo geba-gebeeyey
Kooxda Taliban iyo hogaamiyayaasha saameynta leh ee mucaaradka dalka Afghanistan ayaa arbacadii soo geba gebeeyay "kulan nabadeed" laba maalmood uga socday magaalada Moscow
from VOA http://bit.ly/2TD4Nba
via IFTTT
Wednesday, February 6, 2019
Canada: Askari loo Haysto Dhimashada Nin Soomaali ah
Sarkaal ka tirsan booliska magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu eedeeyay dhimashada Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cabdi oo tirsanaa bulshada Soomaalida Canada oo geeriyooday sanadkii 2016-kii, xilli boolisku ay isku dayayeen inay xiraan.
from VOA http://bit.ly/2GsQRNq
via IFTTT
Maxaa ka run ah waxyaabihii uu sheegay Trump?
Waxyaabihii uu sheegay Madaxweynaha waxaa ku jiray qaar badan oo xaqiiqdooda aysan sax ahayn, kuwo marin habaabin lagu tilmaamay, tirooyin uu qalday iyo kuwo uu ka badbadiyay.
from VOA http://bit.ly/2WJWBIi
via IFTTT
Stacy Abrams oo u jawaabtay trump
Stacey Abrams oo horey uga tirsaneyd golaha shrci-dejinta gobolka Georgia, islamarkaana si dirqi ah looga adkaaday doorashadii barasaabka gobolkaas ee 2018, ayaa bixisay jawaabta xisbiga Dimqoraadiga ee khudbaddii madaxwene Trump ee sanadlaha. Abrams waxay carabka ku adkeysay baahida loo qabo in labada xisbi ee dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ay wada shaqeeyaan si looga fogaado in lagu celiyo hakadkii ku dhowaad muddada 35-ka maalmood ahayd ku yimid holwihii dowladda, taasi oo shaqola'aan dhigtay in ka badan 800,000 oo shaqaalaha federaalka ka mid ah. Abrams waxa ay sheegtay inay aad uga niyad jabsan tahay sida madaxweynaha uu u wajahayo dhibataooyinka dalka, ayada oo intaas ku dartay inaysan marnaba jecleyn inuu guul-darreysto. Warbixintan waxaa noo soo koobaya Daandurey
from VOA http://bit.ly/2RJ5rlY
via IFTTT
Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 457-aad
Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa tii 457-aad. Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa soo jeedinaya.
from VOA http://bit.ly/2WNf4DB
via IFTTT
Tuesday, February 5, 2019
Trump oo Jeediyey Khudbaddii Sanadlaha Ahayd
Khubaddiisa waxa uu si gaar ah kaga hadlay dhaqaalaha, arrimaha socdaalka, qodobka muranku ka taagan yahay ee darbi laga dhiso xuduudda Maraykanka iyo Mexico iyo qodobo arrimaha diebadda khuseeya sida sababta maamulkiisu uu u taageerayo hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela.
from VOA http://bit.ly/2UJJbdk
via IFTTT
Antonio Guterres: Wakiil cusub ayaan u magacaabi doonaa Soomaaliya
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu dhawaan soo magacaabi doono ergay cusub oo u fadhin doono Soomaaliya, kaddib eryidii ay Dowlada Soomaaliya eriday ergeygi hore.
from VOA http://bit.ly/2I4hbQ6
via IFTTT
Mourinho oo xukun xabsi lagu riday
Macallinkii hore ee Manchester United, Jose Mourinho ayaa ogolaaday xukun xabsi oo ah qiyaameyn la xiriirta canshuuraha dalka Spain, hase yeeshee ma geli doono xabsiga. Xukunka xabsi ee halka sano ah, oo Mourinho maanta lagu riday, ayaa waxa uu ku beddelan doonaa inuu bixiyo 182,000 oo Euro. Waxaa taas dheer ganaax lacageed dhan 2 milyan oo Euro oo lagu xukumay. Spain ayaan inta badan dhaqan-gelin xabsiyada ka yar labada sano ee aan la xiriirin rabshadaha ama ah markii ugu horreysay ee uu qofka dambi galo. Mourinho ayaa waxaa lagu eedeeyey in mas'uuliyiinta canshuuraha dalka Spain ay ku leeyihiin canshuur dhan 3.3 milyan oo Euro oo ah intii uu ahaa macallinka kooxda Real Madrid. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inuu sameystay shirkad ku taalla dibedda Spain oo uu ku qariyo lacagta kasoo gasha xayeysiimaha ganacsi ee uu sameeyo.
from VOA http://bit.ly/2MRxm27
via IFTTT
Xasan Sheekh oo socdaal ku tegay Beledweyne
Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga uu hogaamiyo ee Midawga Nabadda iyo Horumarka, ayaa socdaal ku tagay magaalada Beledwayne.
from VOA http://bit.ly/2DU8FPy
via IFTTT
Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka oo la dilay
Waxaa maanta degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay laba korneyl oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya.
from VOA http://bit.ly/2DTJ0qq
via IFTTT
Mootooyinka oo laga ururinayo Muqdisho
Dowladda Soomaaliya, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay guud ahaan magaalada Muqdisho ka xareysay mootooyinka labada lug leh, gaar ahaan nooca loo yaqaano Fekonta.
from VOA http://bit.ly/2MOKQeT
via IFTTT
Trump oo caawa jeedin doona khudbadda qaranka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la filayaa in caawa uu jeediyo khudbadiisa labaad ee qaranka, isaga oo la hadli doono xubno badan oo ku cusub aqalka congress-ka, oo ay ku jiraan haween iyo kuwa kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay.
from VOA http://bit.ly/2t8iZxw
via IFTTT
Monday, February 4, 2019
Maraykanka oo soo Qaadaya Qaxootigii Xeryaha Nauru
Dawladda Australia ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya ayna caruur ku heyn doonin xeryaha dadka magan-galyo doonka ah ee ku yaalla Jasiiradda Nauru ee Badweynta Pacifiga
from VOA http://bit.ly/2REXiPd
via IFTTT
New England oo ku guuleysatay Super Bowl
Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyay tartanka ugu xiisaha badan dalkaan Mareykanka ee loo yaqaano American Football Leage oo ah kubad gacanta lagu ciyaaro oo ay ciyaartooyduna kusoo bandhigaan ciyaar ku dhisan awood, orod iyo is-difaacid aanan caadi aheyn. Ciyaarti kama danbeysta ee loo yaqaano Super Bowl-ka ayaa waxaa xalay isaga hor yimid garoonka Mercedes Ben Stadium ee magaalada Atalanta ee gobolka Goergia, kooxaha New England Patriots iyo Los Angeles Rasm. Guusha Suber Bowl-ka ee xalayna waxay raacday kooxda New England Patriots oo Los Angeles Rasm ku garaacday 13 iyo 3. Kumanaan ruux ayaa garoonka ku daawanayay ciyaarta halka in ka badan 100 milyan oo ruuxna ay ka daawadeen shaashadaha dalkaan Mareykanka . Ciyaarti xalay ayaa labada kooxba waxay soo bandhigeen difaac adag waxaana taasi ay keentay in Super Bowl-ki sannadkaan uu noqdo kii ugu goolasha yaraa abid, wuxuu ka hoos maray kii sannadki 1973-ki ay kooxda Miami 14-7 gool uga badisay kooxda Washington. Guusha kooxda New England Patriots ayaa uga dhigan in ay barbareysay kooxda Pittsburgh Steelers oo horay ugu guuleystay lix Super Bowl. Sidoo kale laacibka kooxda Patriots Tom Brady ayaa noqday ciyaaryahanki ugu horreeyay ee lix jeer ku guuleysta koobka Super Bowl-ka.
from VOA http://bit.ly/2RF51Nc
via IFTTT
Burburka diyaaraddii Sala oo la helay
Koox quusayaal ah oo maalmahi lasoo dhaafay baarayay burburka diyaarad uu la socday laacibka reer Argentina Emiliano Sala taasoo ku dhacday biyaha u dhaxeeya Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa sheegay in ay heleen burburka diyaaradda iyo meydka hal qof. Kooxdani ma aysan faah-faahin meydka ay heleen inuu yahay ciyaaryahan Sala iyo duuliyihi waday diyaarad khaas ah oo kasoo qaaday 21-ki Janaayo magaalada Nantes ee galbeedka dalka Faransiiska kuna sii wadday gobolka Weles ee dalka Ingiriiska halkaas oo ugu ciyaari rabay kooxda Cardiff City. 21 jirkaan u dhashay dalka Argentine ayaa loo badinayaa inuu ku dhintay shilkaas diyaaradeed.
from VOA http://bit.ly/2WGIMu0
via IFTTT
Deni oo cambaareeyey dilka Paul Anthony
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyey dilka madaxii shirkadda P&O ee dekedda Boosaaso.
from VOA http://bit.ly/2SsCjnh
via IFTTT
Halkee mareysaa magacaabista guddoomiyaha Bangiga Dhexe
Waxa gabagabo maraya dadaalki dowlada federaalka Soomaaliya ay ugu jirtey in ay ku magacoowdo gudoomiye cusub oo qabta hogaanka Bangiga Dhexe, ka dib markii waqtiga gudoomiyaga bangiga dhexe ee hada, Bashiir Ciise Cali uu dhamaadey bishii Afaraad ee sanadki 2018-kii. Todobaadkan waxa soo shaacbaxay in uu soo gabagaboobey wareysiyada la la yeelanayey shaqsiyaadkii soo dalbadey hanashada gudoomiyenimada Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Sida ay VOA ila xog-ogaal ah u sheegeen dadka ugu cadcad waxaa ka mid ah Nigel Reborts oo ah nin u dhashay u dhashey, mudo dheerna hay-addo caalami ah u shaqeynayey. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii hore aansixiyey sharci u oggolaanaya in qof ajnabi ah uu qaban karo jagada Guddoomiyennimda Bankiga. Jaamac Buule Jaamac ayaa warbixintan inoo haya.
from VOA http://bit.ly/2Glhu6N
via IFTTT
Qarax 9 qof ay ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay
Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 7 kalana ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay wadada hormarta suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://bit.ly/2DQVAXw
via IFTTT
Madaxii DP World ee dekedda Boosaaso oo la dilay
Nin hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaalada Boosaaso.
from VOA http://bit.ly/2HNCS72
via IFTTT
Sunday, February 3, 2019
Ciidanka iyo Saraakiisha Dagaalka ku Dhinto Xaq ma Helaan?
Qaar ka mid ah eheladda askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku dhintay dagaalada ay dowladdu kula jirto ururka Al-shabab ayaa ka cabanaya in aysan si wanaagsan u helin, xuquuqdi ay ku lahaayeen dowladda.
from VOA http://bit.ly/2MOsx9J
via IFTTT
Warbixin: Sugnaanta Cuntada Somalia
Hay'adda cuntada iyo beeeraha adduunka xafiiskeeda qaabilsan falanqaynta cuntada iyo nafaqadarrada (FSNAU) ayaa sheegay in tiro ka badan 1.5 malyuun qof oo jooga Soomaaliya ay weli ku sugan xaalad cunno yari ba'an ama kasii liidata.
from VOA http://bit.ly/2TwbL1K
via IFTTT
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay barafka iyo qaboobaha dalalka Woqoyiga America iyo sida bulshooyinka soo-galootiga ahi uga tabaabusheysan karaan in khatartooda ay uga badbaadaan, waxaana marti ku ah Injineer Muuse Cabdi Xuseen Kooshin
from VOA http://bit.ly/2BfJrty
via IFTTT
Saturday, February 2, 2019
Saameynta hakadka ku yimid soo saaridda baasaboorka Soomaaliga
Muddo ka badan la bilood ayaa waxaa xaniban sameynta baasaborka Soomaaliga ah. Xanibaadda baasaboorka ayaa saameyn ku yeeshey dadbadan oo u safri lahaa xalado caafimaad, qoys iyo waxbarasho.
from VOA http://bit.ly/2BfUDWM
via IFTTT
Barn. Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qeyb kale oo ka mid ah silsaladdii Araweelo, jaceylka iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyo xubinta Hal-abuurka iyo Heesaga oo uu marti ku yahay Abwaan Ismaaciil Jiheeye
from VOA http://bit.ly/2D6t7ez
via IFTTT
G. Wasiirrada K. Galbeed oo la Magacaabay
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta magacaabay 10 ka mid ah golihiisa cusub ee wasiirada, iyada oo golahan ay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa wasiiraddii maamulkii hore.
from VOA http://bit.ly/2WEVZn0
via IFTTT
India: Abwaan Baarleex oo Geeriyooday
Abwaanka oo ay da'diisu ahayd 65 ilaa 66 sano jir ayaa ku geeriyooday magalada Heydarabad ee waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il darnaa.
from VOA http://bit.ly/2RBBSml
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qubanayaal ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan
from VOA http://bit.ly/2HMW8BG
via IFTTT
Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedianaya Caasha Ibraahim Aadan (Cuud) iyo Jacfar Kuukaay
from VOA http://bit.ly/2t3erIu
via IFTTT
Friday, February 1, 2019
Xasan Cafiif oo Ka hadlay Guusha Wiilkiisa.
Xulka kubadda cagta dalka Qatar ayaa xalay fiidkii markoodi ugu horreysay ku guuleystay Koobka Qaramada Asia kaddib marki ay 3-1 uga badiyeen dhiggooda Japan.
from VOA http://bit.ly/2UxnDkb
via IFTTT
Mareykanka oo ka baxay heshiiska Nuclear-ka INF
Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka.
from VOA http://bit.ly/2GgBFCS
via IFTTT
Faaqidaadda: Amni-darrada ka jirta Soomaaliya
Barnaamijka Faaqidaadda Tododbaadka waxa uu maanta ku saabsan yahay amni darrada dalka iyo dilalka qorsheysan. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya weriyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
from VOA http://bit.ly/2HM5j5r
via IFTTT
Maamulka Hiiraan oo ka hadlay duqeyn ka dhacday gobolka
Maamulka Gobolka Hiraan ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaa uu uga socday shir weyn.
from VOA http://bit.ly/2UwhnZV
via IFTTT
Dagaal ka dhex socda Daacish iyo Al-Shabaab
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in 24 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay duqayn ka dhacday maalintii Arbacada tuulada Shabeelley oo koonfur ka xigta magaalada Beledweyne. Milatariga Maraykaku waxay sheegeen inaysan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan. Waa duqayntii sagaalaad ee Maayanku uu sannadkan ka gaysto Soomaaliya kuwaasi oo dhammaantood ka dhan ahaa Al-Shabaab. Dhinaca kale waxaa Bariga Puntland kasii socda iska horimaadyo u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyada taabacsan Daacish. Warbixintan waxaa inoo haya Haaruun Macruuf
from VOA http://bit.ly/2S11Kgd
via IFTTT
Wada-hadallada Mareykanka iyo K/Waqooyi oo horumar kooban un sameeyey
Dowladda Mareykanka ayaa horumar kooban oo kaliya ka sameysay wada-hadallada Nuclear-ka ee Korea-da Waqooyi, waxaaa sidaas qirtay ergeyga gaarka ah ee Washington u qaabilsan Korea-da Waqooyi, Stephen Biegun.
from VOA http://bit.ly/2t1fWa6
via IFTTT