Sunday, June 30, 2019

Racfaanka Raggii Dilay Caasha Ilyaas oo la Diiday

Maxkamadda racfaanka Gobalka Nugaal ayaa diidday racfaanka ay qaateen seddex dhalinyaro ah oo bishii hore lagu helay inay kufsi wadareed iyo dil u gaysteen gabadh 12 sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyees Aadan magaalada Gaalakacayo, falkaas oo dhacay bishii bishii Febrayao ee sannadkan

from VOA https://ift.tt/2XH2FVd
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Macallimu, oo ka jawaabaya su'aalo ku saabsan xaalka saxaafadda Soomaalida ee xiligan

from VOA https://ift.tt/2Jdszqq
via IFTTT

Bannaanbaxyo Mar Kale ka Socda Sudan

Ciidamada booliska ayaa u adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa kumannaan qof oo maanta isugu soo ururay magaalada Khartoum si ay uga qeybgalaan bannaanbax ka dhan ah jeneraallada militariga ee awoodda ku qabsaday dalka Sudan.

from VOA https://ift.tt/2RJWLNK
via IFTTT

Trump iyo Kim oo ku Kulmay Xadka Labada Kuuriya

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyay oo Mareykan ah oo cagta dhiga waddanka Kuuriyada Waqooyi, kaddib marki isaga oo jooga goobta milatariga ka caagan ee u dhaxeysa labada Kuuriya, uu u tallaabay dhinaca xadka Kuuriyada Waqooyi.

from VOA https://ift.tt/2xkBHE7
via IFTTT

Saturday, June 29, 2019

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Ku soo dhawaada Barnaamijka Caweyska Washington oo qodobbo xiiso leh ay ku jiraan. Sahra Ciidle Nuur, ayaa soo jeedineysa.

from VOA https://ift.tt/2IWG5ja
via IFTTT

Dhageyso: Barnaamijka Martida Makrafoonka

Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka. Waxa soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

from VOA https://ift.tt/2Xe0jZE
via IFTTT

Khalifa Haftar oo Turkiga u Hanjabay

General Khalifa Haftar oo maleeshiyaad daacad u ah ay ka dagaallamaan Libya ayaa ku goodiyay inuu weerari doono danaha Turkiga ee Libya, ka dib markii dib u dhac weyn uu kala kulmay dadaalkii uugu jiray inuu ku qabsado caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

from VOA https://ift.tt/31ZDeh1
via IFTTT

Afghanistan: Taliban oo weerar ku dishay ciidamo badan

Maleeshiyada ururka Talibaan ee dalka Afghanistan ayaa weerar ku dilay daraasin ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo Ururkaasi uu bilaabayo wareega cusub oo ah wadaxaajoodyo uu kula jiro dalkan Mareykanka.

from VOA https://ift.tt/2NlQfyg
via IFTTT

Madasha Dhalinyarada: Xaaladda Waxbarasho ee Degmada Jawiil

Waxa jiro dhalinyaro fara badan oo inta ay wax barashada aas'aasiga ah ku qaataan deegaannadooda, balse midda sare u raadsada gobollada kale ee dalka ama dibadaha.

from VOA https://ift.tt/2LpklhD
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxaa todobaadkan isla soo jeedinaya Ibrahim Xasan Dandurey iyo Nur Xasan Nur.

from VOA https://ift.tt/2XDjqk8
via IFTTT

Maxamed Qanyare Afrax oo Geeriyooday

Allah u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho saakay ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsanaa hogaamiyeyaashii siyaasadda ee Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/321wI9h
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, waxaa soo jeedinaya Jamal Axmed Cusman.

from VOA https://ift.tt/2NB9Evh
via IFTTT

Trump: Waanu Hakineynaa Tacriifta Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dul-dhigi doonin canshuur-kordhin cusub badeecadaha uu Shiinaha usoo dhoofiyo Mareykanka, kaddib kulan maanta magaalada Osaka ee dalka Japan ku dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

from VOA https://ift.tt/31Zv0Wb
via IFTTT

Friday, June 28, 2019

Dowladda oo Ka Hadashay Dadki ay Dileen AMISOM

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dilka saddex qof oo laba kamid ahi askar ahaayeen oo Arbacadi mooto ay la socdeen la jiirsiiyay gaari ay wateen ciidamada AMISOM.

from VOA https://ift.tt/2LpLXmB
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaan uga hadli doonnaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug.

from VOA https://ift.tt/2xkcM3o
via IFTTT

10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Hiiraan

In ka badan 10 qof ayaa lagu dilay dagaal u dhaxeya laba malayshiyo beeleed oo manta ka dhacay meel u dhow degaan lagu magacaabo Ilguule oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

from VOA https://ift.tt/2KKu6HQ
via IFTTT

Madaxweynaha Tunisiya oo Isbitaal la Dhigay

Lataliyaha madaxweynaha Tunisiya ayaa sheegey inaysan muuqan halis ah marnaasho awooded, kadib markii madaxweynaha dalkaasi Beji Qa'id Al Sebsi isbitaal loola cararay.

from VOA https://ift.tt/2Fy9AWz
via IFTTT

Thursday, June 27, 2019

Ciidamo Maanta ku Dagaallamay Daafeed

Ugu yaraan sadex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dagaal saakay laba maleeshiyo ku dhex maray degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

from VOA https://ift.tt/2KFcNaT
via IFTTT

Jabuti oo Laga Xusay Maalinta Xorriyada ee 27-ka June

Dalka Jabuti waxaa maanta laga xusay Maaalinta Xoriyadda oo ku beegan 27-ka bisha June oo ah maalinti ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska.

from VOA https://ift.tt/2RDA2CI
via IFTTT

Bandhiga VOA: Ganacsatada Soomaalida ee Nairobi

Barnaamijka Bandhiga VOA ee todobaadkan, wuxuu ku saabsanyahay, doorka ganacsatada Soomaalida ee ku nool Nairobi ay ku leeyihiin dakhliga dowladda Kenya.

from VOA https://ift.tt/2KH3p6S
via IFTTT

Nin lala xiriirinayo weerarkii Paris ee 2015 oo la qabtay

Mas'uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa maanta sheegay inay xireen nin Bosnian ah oo lala xiriirinayo weeraradii argagixiso ee 2015 ka dhacay magaalada Paris ayna u masaafurin doonaan dalka Belgium.

from VOA https://ift.tt/2J80qkD
via IFTTT

Xubno ka tirsan xisbiga Amxaarada oo lagu xiray Itoobiya

Booliska Itoobiya ayaa xiray 56 qof oo xubno ka ah xisbiga siyaasadeed ee Amxaarada kadib afgambigii fashilmay ee la doonayey in lagula wareego awoooda gobolka, waxaa sidaas sheegay afhayeenka xisbiga.

from VOA https://ift.tt/2IS0iH5
via IFTTT

Wednesday, June 26, 2019

Gaadiidka AMISOM oo Dilay 3 Soomaali ah

Gaadiidka Gaashaaman ee AMISOM ayaa waddada u dhaxaysa Mogadishu iyo Afgooye ku jiiray mooto ay la socdeen labo ka mid ah ciidamada dowlada Somalia iyo wadihii mootada oo ay soo kireysteen.

from VOA https://ift.tt/2Ypi2i0
via IFTTT

Qubanaha VOA, June 27, 2019



from VOA https://ift.tt/2Xc9miH
via IFTTT

Kheyre oo dadaallo dib u heshiisiin ka billaabay Cadaado

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug.

from VOA https://ift.tt/2FtDMSH
via IFTTT

Washington: Siyaasiyiin shaaciyay sharci baabi'inaya deymaha ardada

Senatarka Madaxa bannaan ee Bernie Sanders oo u tartamaya madaxweynenimada dalkan Maraykanka, iyo laba xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay sharci haddii uu meel maro baab'ianaya dhammaan daymaha lagu leeyahay ardayda

from VOA https://ift.tt/2NeRAH7
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 477-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 477-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).

from VOA https://ift.tt/2KAZict
via IFTTT

Xaaladda Buur-hakaba oo maanta deggan

Xaaladda magaalada Buur-hakaba oo shalay dagaallo ku dhexmareen ciidamo ka wada tirsan mamaulka Koonfur Galbeed ayaa maanta deggan.

from VOA https://ift.tt/2X9DA5S
via IFTTT

Munaasado lagu weyneynayo 26-ka Juun oo la qabtay

Dhammaan geyiga Soomaalida waxaa maanta laga xusayaa maalinta 26-ka Juun oo ahayd makrii ugu horraysay ee dhul Soomaaliyeed uu ka xoroobo gumaystihii Biritan sannadkii 1960kii

from VOA https://ift.tt/2Ye8DK9
via IFTTT

Askar Mareykan ah oo lagu dilay Afghanistan

Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa sheegay in laba askari oo Mareykan ah lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay bariga dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2JdSG0y
via IFTTT

Mueller oo hortagaya congress-ka Mareykanka

Robert Mueller, dambi baarihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congress-ka Maraykanka. Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona 17-ka bisha July ee soo socota. Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadlter iyo Adam Schiff ayaa warqad ay talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17-ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u halqal taagayaan inay isaga dhageystaan. Mueller ayaa gacanta ku hayey baaris qaadatay muddo labo sano ku dhow, taas oo la xiriirtay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro.

from VOA https://ift.tt/2ZM60zB
via IFTTT

Weerar ka dhacay Masar oo lagu dilay saraakiil boolis

Toddoba sarkaal oo boolis ah ayaa lagu dilay weerar jihaadi ah oo ka dhacay Waqooyiga Siinaay ee dalka Masar, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

from VOA https://ift.tt/2KDeHJe
via IFTTT

Tuesday, June 25, 2019

R. Mueller oo Hortagaya Kongereska Maraykanka

Robert Mueller, dambi baarihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday in bisha dambe uu ka hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congresska Maraykanka

from VOA https://ift.tt/2LnYqqS
via IFTTT

Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo qarax lagu dilay

Afar Askeri oo ka tirsan ciidamada Puntland iyo ruux haweeney ah ayaa ku geeriyooday qarax miino oo maanta duhurnimadii ka dhacay tuuladda Af-urur oo dhowaan ay Puntland kala wareegtay ururka Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2IJUIWT
via IFTTT

Mareykanka oo duqeyn ku dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2XAF5cF
via IFTTT

R/W Kheyre oo dadaallo ka wada Galmudug

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Dhusamareeb ayaa xalay kulan la qaatay madaxda ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca iyo xubno kale.

from VOA http://bit.ly/2Nelqv9
via IFTTT

Ciidamada Danab oo deegaano ka qabsaday Al-Shabaab

Ciidanka dawladda Soomaaliya ee Danab ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay degaano ku yaala gobolka Shabeelaha hoose, isda uu VOA-da u sheegay Mowliid Axmed Xasan oo u hadlay ciidankaasi.

from VOA http://bit.ly/2LhBTwb
via IFTTT

Dagaal dhimasho leh oo ka dhacay Buurhakaba

Wararka ka imanaya magaalada Buurhakaba ayaa sheegay inuu halkaasi maanta ka dhacay iska horimaad dhiig ku daatay. Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay iska horimaadka, ayada oo shan kale ay ku dhaawaceen. Dagaalkan ayaa salka ku haya is-qabqabsi la xiriira maamulka degmada Buurhakaba. Warbixintan waxaa Baydhaba nooga soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.  

from VOA http://bit.ly/2IKefGX
via IFTTT

Cayaaro ka tirsan koobka Qaramada Afrika oo dhacay

Dalka Masar waxaa weli ka socda koobka kubadda cagta Qaramada Afrika, oo maraya wareeggiisa koowaad. Cayaarihii ugu dambeeyey ee dhacay, ayaa dalka Ivory Coast waxa uu xalay hal gool iyo waxba dirqi ah uga adkaaday dalka South Afrika. Waxaa goolka Ivory Coast dhaliyey cayaaryahan Jonathan Kodjia. Cayaartan ayaa waxa ay ka tirsaneyn Group D. Group-ka E, waxaa isku arkay, Tunisia iyo Angola, oo cayaartoyda la isku mari waayey barbar dhac gool iyo gool ah. Waxaa sidoo kale qeybtan, isku arkay dalalka Mali iyo Mauritania, waxaana cayaartaas 4-1 ku awood sheegtay dalka Mali. Wararkii ugu dambeeyey ee cayaarahan ayaa waxaa Qaahira kasoo diray weriye Xuseen Saxnuuni.  

from VOA http://bit.ly/2ZM3s4I
via IFTTT

Mucaaradka oo ku guuleystay doorashadii Istanbul

Guusha xisbiga mucaaradka ee doorashada duqa Istanbul ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Isniintii, iyadoo falan qeyayayaal ay sheegayaan in taasi ay muujineyso in dalka ay ka dhici karto doorasho si weyn loogu tartamo. Guusha musharixii mucaaradka Ekrem Imamoglu ayaa waji gabax xooggan ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ayaa loo arki jirey in aan looga badin karin doorasho codeyn ah, balse hadda guul darradani waxay tahay mid shaqsi iyo mid siyaasadeedba intuba. Hoos u dhaca laga dareemay taageerada xisbigiisa loo hayo ayaa caddeyn u aheyd degmada Uskudar ee Istanbul taas oo dhinaca Asia xigta, waxana ay aheyd halka Erdogan uu si shaqsi ah u deganaa iyo goob ay aad ugu xoogganaayeen taariikhiyan xisbigiisa AKP. Kobaca xisbigiisa AKP ayaa xuddun u aheyd guushii duqa magaalo ee ay ku guuleysteen 1994-kii. Fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in madaxweyne Erdogan uu cayaarayey khamaar siyaasadeed markii uu amray in doorashada Istanbul dib loogu noqday, waxaana dhacay sidii ay rmeysnaayeen. Dhaqaalaha dalka oo aan wanaagsaneyn, iyo sicir bararka oo aad u sarreeya ayaa la rumeysan yahay inay sababtay guul-darrada xisbiga talada dalka haya ee AKP.

from VOA http://bit.ly/2LhJ1Ze
via IFTTT

Erdogan: Cidna fasax uga qaadan meyno danteena

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay bisha July heli doonto habka difaaca gantaalaha S-400 ee Ruushka uu sameeyo, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay dalkiisa iyo Mareykanka oo ay ka wada tirsan yihiin NATO.

from VOA http://bit.ly/31NJQyZ
via IFTTT

Trump oo cunaqabteyn adag kusoo rogay Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii shalay ku soo rogay Iran wax uu ugu yeeray "cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah", isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inay ka hor istaagayo Tehran iyo Khamenei galaangal kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka. Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Steven Manuchin ayaa sheegay in talaabadan ay fariisin doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah. Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid "adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka" ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay. Dronetaas oo nooca wax ishaafalateeya ah ayuu Mareykanku sheegay inay duuleysay hawada caalamiga ah markii ay Iran soo rideysay meel ku dhow gacanka Hurmuz ee Khaliijka Carabta. Laakiin Iran ayaa ku doodeysa inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

from VOA http://bit.ly/2YdFUFk
via IFTTT

Monday, June 24, 2019

Mucaaradka oo ku guuleystay Doorashada Duqa Istanbul

Guusha xisbiga mucaaradka ee doorashada duqa Istanbul ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Isniintii, iyadoo falan qeyayayaal ay sheegayaan in taasi ay muujineyso in dalka ay ka dhici karto doorasho si weyn loogu tartamo.

from VOA http://bit.ly/2X5xP9o
via IFTTT

Trump: Cunaqabateyn Adag Ayaan ku Soo Rognay Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray "cunaqabateynno cusub oo adag oo dhinaca dhaqaalaha ah"

from VOA http://bit.ly/2ZL8VZC
via IFTTT

Arday 30 sano kadib ka qallin jebisay Jaamacadda Umadda

Markii ugu horeesay 30 sano ayaa arday ka badan 130 arday ay ka qalin-jebiyeen Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

from VOA http://bit.ly/2ZHtKF3
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Galmudug

Madaxweynaha Mamaul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay in doorashada hoggaanka Mamaul Goboleedkaasi la qabto.

from VOA http://bit.ly/2RwwXEC
via IFTTT

Ilayska VOA: Caqabadaha haysta gabdhaha Soomaalida Nairobi

Barnaamijka Ilayska VOA, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay caqabadaha iyo dhibaatooyinka haysta gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://bit.ly/2xcHzPA
via IFTTT

Ciidamada dowladda oo deegaano ka qabsaday Al-Shabaab

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa la sheegay inay maanta qabsadeen tuulada Koban oo waqooyi kaga beegan magaalada Sanguuni ee Jubbada Hoose.

from VOA http://bit.ly/2X3auFe
via IFTTT

Mareykanka oo Sacuudiga iyo Imaaraadka u kaashanaya Iran

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta gaaray dalka Sacuudiga, halkaas oo uu ku yeelan doono wada-hadallo iskaashi oo ka dhan ah Iran.

from VOA http://bit.ly/2ICzRVn
via IFTTT

Xisbiga Erdogan oo lagu bahdilay doorashadii Istanbul

Xisbiga madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ee AKP, ayaa waxaa asiibay guul-darro xooggan ayada oo lagu bahdilay doorashadii duqa magalaada Istanbul ee shalay dhacada, oo mucaaadka ay ku guuleysteen.

from VOA http://bit.ly/2LbEPdv
via IFTTT

Sunday, June 23, 2019

İmamoğlu oo Loo Doortay Duqa Istanbul

Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul.

from VOA http://bit.ly/2XBn9Pm
via IFTTT

Xaaf oo ka Guuray Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa maanta ka baxay oo isaga tagay magaaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulkiisa, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhex-galay isaga iyo maamulka Ahlu-Sunna ee Dhuusamareeb ka taliya.

from VOA http://bit.ly/2KByusq
via IFTTT

Falanqeyn: Xiisadda Dalka Ethiopia

Dalka Ethiopia waxaa fiidnimadii shalay ka dhacay isku-day af-gambi oo abaabulan, kaas oo lagu sameeyay hoggaanka sare ee xukuumadda Amxaarada ee dalkaasi. Intii ay socdeen weerarrada isku-daygan af-gambi ayaa waxaa lagu dilay Dr. Ambachew Mekonnen ahaa madaxweynihii gobolka Amxaarada

from VOA http://bit.ly/2N5qm5r
via IFTTT

Alshabab oo Weerar ku Dilay Ku Dhawaad 10 Askari

Ku dhowaad toban askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Buurhakaba iyo Daynuunay oo ka tirsan Gobolka Bay

from VOA http://bit.ly/2KyhZNK
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaya Kenya oo loo doortay guddoomiyaha xiligan ee dalalka Burcad-badeedda la dagaalama, xilli ay Somalia muran ka badda ahi dhexeeyo.

from VOA http://bit.ly/2WYcNJy
via IFTTT

Istanbun: Doorashada Ku celiska oo Hadda Socota

Dadka ku nool magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa maanta mar kale dib ugu laabtay goobaha codbixinta, doorashada ku celiska ee duqa magaalada, kaddib marki uu guddiga doorashada wax kama jiraan kasoo qaaday doorashadi dhacday 31-ki Maarso.

from VOA http://bit.ly/2X086dB
via IFTTT

Ethiopia: Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida oo La dilay

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in taliyihii ciidamada qalabka sida Seare Mekonnen xalay lagu dilay gudaha magaalada Adis Adaba, saacado kaddib markii gobolka Ismaamulka Amxaarada uu dhacay iskuday afganbi oo lagu dilay madaxweynihii gobolkaasi.

from VOA http://bit.ly/2ZLc0ZF
via IFTTT

Saturday, June 22, 2019

Caweyska Washington

Dhageyso barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo diyaarisay soona jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://bit.ly/31Q6rL6
via IFTTT

Mushkiladda Xaadir La'aanta Baarlamaanka

Kulan ay maanta Muqdisho ku yeelan lahaayeen mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa mar kale u baaqday koram la'aan.

from VOA http://bit.ly/2RvRY29
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Waxaa soo jeedinaya Ibrahim Daandureey iyo Caasha Cuud.

from VOA http://bit.ly/2x8brg3
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaa soo jeedinaya Jamal Axmed Cusman.

from VOA http://bit.ly/2RurEW6
via IFTTT

Doorashada Madaxtinimada ee Mauritania

Shacabka waddanka Mauritania ee galbeedka qaaradda Africa ayaa maanta oo Sabti ah u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan madaxweyne.

from VOA http://bit.ly/2IYfnWh
via IFTTT

Mareykanka oo Malaayiin Qof Musaafurinaya

Mareykanka ayaa bilaabaya Axadda berito ah howlgal lagu soo qabqabanayo malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga. waxaana amarka soo qabqabashadooda bixiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

from VOA http://bit.ly/2RvO3SV
via IFTTT

Friday, June 21, 2019

Masar: Tartanka K. Cagta Afrika oo Furmay

Kadib xafladdii furintaanka, waxaa wada ciyaaray xulka tartanka marti galinaya ee Masar iyo xulka Zimbabwe, iyada oo natiijadii ciyaartuna ay ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday dalka Masar

from VOA http://bit.ly/31Lclx6
via IFTTT

Wafdi senataro ah u kuur galaya dilalkii Gaalkacyo

Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo. Xubnahan ayaa u kuura galaya dilal dhawaan ka dhacay magaalada iyo dhacdooyin dad ka soo jeeda gobolada koonfureed ee Soomaaliya lagu dillay.

from VOA http://bit.ly/2IwUqCK
via IFTTT

Faaqidaadda: Khilaafka dowladda iyo Galmudug

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay khilaafka ka dhex oogan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan maamulka Galmudug oo dhowaan dowladda ay sheegtay inay ka qabaneyso doorasho.  

from VOA http://bit.ly/2ZCCtZ6
via IFTTT

Sidee kooxaha xagjirka u duufsadaan dhallinyarada qurbaha?

Waalidiin badan oo dhalinyaradooda ay duufsadeen ururada xagjirka ah gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha waxay eersadaan internet-ka iyo masaajiddada. Hase yeeshee waxaan si weyn looga wada warqabin in ururada xagjirka ah ee dhalinyarada duufsada ay isku adeegsadaan xubnaha isku qoyska ah ama saaxiibada ah. Tusaale ahaan wiil duufsada walaalihiis, ama labada walaidkood midkood oo sabab u noqday inta kale inay ku biiraan urur argagixiso. Haaruun Macruuf ayaa warbixintan noo diyaariyey.  

from VOA http://bit.ly/2WQMpfS
via IFTTT

Maxaa abwaan Singub loogu aasi waayey Muqdisho?

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.

from VOA http://bit.ly/2ZzXfZq
via IFTTT

Mareykanka oo beeniyey in la qorsheeyey weerar ka dhan ah Iran

Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa beeniyey warbixino ay warbaahinta ku sheegeen in madaxweyne Donald Trump uu ansixiyey weerar ka dhan ah Iran balse uu dib uga laabtay, sababo aan la shaacin dartood.

from VOA http://bit.ly/2Y073LL
via IFTTT

Thursday, June 20, 2019

Xaaf oo ku gacan seeray baaqa dowladda

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka jawaabay qoraal shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo la xiriiray doorashada Galmudug.

from VOA http://bit.ly/2IZTbuM
via IFTTT

Waa sidee xaaladda qaxootiga Yemen ee Boosaaso?

Qaxooti dalka Yeman kuwaasoo ka soo cararay dagaalada sokeeye ee ka socda dalkooda ayaa ku nool magaalada Boosaaso. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo qaar ka tirsan hay'adaha caalamiga ah ayaa waxay duleedka magaaladda Boosaaso ka hirgeliyeen xero lagu qaabilo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen iyo barkacaasha Soomaalida ahba markii ay ka soo degaan dekada Boosaaso, taas oo lagu nasiyo mud bilo ah.  Mudadaas kadib ayaa dadkaas loo sameeyaa shaqo abuur iyo degaanasho. Munaasibadda maalinta Qaxootiga Adduunka oo maanta ku beegan ayaa Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixin ay uga hadleyso xaaladda qaxootigaas ay nooga soo dirtay magaalada Boosaaso.  

from VOA http://bit.ly/2x4TK0T
via IFTTT

Britain oo joojineysa hubka ay ka iibiso Sacuudiga

Dowladda Britain ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay joojin doonto ruqsooyinka ay hubka uga iibiso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib marki ay Maxkamadda Racfaanka Ingiriiska amar ku bixisay in dowladda ay dib uga fiirsato arrintan. Qaadiga Maxkamadda Racfaanka Britain, Terence Etherton ayaa sheegay in Dowladda Britain ay jebisay sharciga kaddib marki ay ku guuldarreusatay in ay si hufan u qiimeyso in hubka ay ka iibisay Boqortooyada Sacuudiga lagu waxyeelleeyay dadka rayidka ah ee Yemen iyo in kale. Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britian Liam Fox ayaa go'aanka joojinta hubka uu Ingiriiska ka iibiyo Sacuudiga maanta uga dhawaaqay gudaha baarlamaanka. Laakin wuxuu sheegay in dowladda ay racfaan ka qaadan doonto go'aanka Maxkamadda. Xakunka Maxkamadda Racfaanka ayaa qeyb ka ah dagaal dhinaca sharciga ah oo ay bishii December ee sannadki 2015-ki soo billowday hey'adda la dagaalanka ka ganacsiga hubka ee fadhigeedu yahay Ingiriiska. Hey'addaan ayaa ugu danbeyntii dowladda Ingiriiska uga guuleysatay dagaalkaasi dhinaca sharciga ah ee ku saabsanaa in aysan dowladda Britian wax hub ah ka iibin Sacuudiga. Tan iyo sanadki 2015-ki, Ingiriiska ayaa Sacuudiga ka iibiyay hub qiimahiisu gaarayo shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah.

from VOA http://bit.ly/2IYsEhn
via IFTTT

Turkey: Dad loo xukumay afgambigii dhicisoobay

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa Khamiisti shalay xabsi daa'in ku xakuntay 24 qof oo ku eedeysan in ay lug ku lahaayeen afganbigi dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sannadki 2016-ki.

from VOA http://bit.ly/2IseOot
via IFTTT

Iran oo soo ridday diyaarad Mareykanka uu leeyahay

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa maanta sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz.

from VOA http://bit.ly/2x4UqDF
via IFTTT

3 qof oo lagu helay dambiga weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa saddex nin ku heshey dambi ah iney in Al-Shabaab ay ka gacan ku siiyeen weerarkii ay ku qaadeen Jaamac Gaarisa oo ay ku dileen 148 qof, kuwaasi uu badnaa Ardeydii Jaamacadaasi.

from VOA http://bit.ly/2IUjwKS
via IFTTT

Wednesday, June 19, 2019

3 Lagu Helay Dambiga Dilkii Jaamacadda Garissa

Mohamed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan iyo Rashid Charles Mberesero ayaa la xukumi doonaa 3da bisha July ee soo socota sida uu sheegey Francis Andayi oo ah madaxa garsoorka ee magaalada Nairobi

from VOA http://bit.ly/31JF7yc
via IFTTT

Qubanaha VOA, June 20, 2019



from VOA http://bit.ly/2x6axk8
via IFTTT

Khubaro: Maxamed Bin Salmaan ayaa dilay Khaashuqji

Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku xeel dheer ilaalinta xuquuqda aadamaha ayaa soo saaray natiijada baaritaan ay ku sameeyeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

from VOA http://bit.ly/2XWYv8w
via IFTTT

Warbixin: Xaaladda qaxootiga caalamka

Warbixinta ay UNHCR, soo saartay maanta oo Arbaca ahna waxaa lagu sheegay in tirada dadka qaxay sanadkan ay yihiin kuwii ugu badnaa abid tan iyo markii hey'adda la aas aasay 70 sano ka hor.

from VOA http://bit.ly/2IrFdms
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 476-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 476-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).          

from VOA http://bit.ly/2XZyoh9
via IFTTT

Masar oo didiay in la baaro geerida Mursi

Masar ayaa maanta ku eedeysay QM inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, ayada oo ku baaqeysa "baaritaan madax-banaan" oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay.

from VOA http://bit.ly/2MUr2KX
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo billaabay ololehiisa 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay ahaa magaalada Orlando ee gobolka Florida ka bilaabay ololihiisii doorashada ee tartanka 2020-ka.

from VOA http://bit.ly/2WTu1aU
via IFTTT

Tuesday, June 18, 2019

Ololaha Trump ee Doorashada 2020

Madaxweyne Trump ayaa la tartami doona tartamihii ka soo dhex baxa tiro labaatan kor u dhaafaysa oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan

from VOA http://bit.ly/31DJlYh
via IFTTT

Shirka Hey'adaha Arimaha Dibadda Mareykanka

Talaadadi waxaa magaalada Washington D.C ee caasimadda Mareykanka lagu soo gaba gabeeyay Shirka Isbaheysiga Hogaanka Hey'adahaa Caalamiga ah ee Mareykanka.

from VOA http://bit.ly/2MViTWE
via IFTTT

Abwaan Sangub oo geeriyooday

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa maanta ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

from VOA http://bit.ly/2x0SY51
via IFTTT

Galka Baarista: Xaaladda qoysaska Soomaalidii ku biirtay Daacish

Dad badan Soomaali ah oo ay ku jiraan haween ayaa ku biiray maleeshiyada ururka Daacish ee sannadihii 2014-ilaa 2016-kii qabsaday dhul badan oo ku yaala waddamada Siiriya iyo Ciraaq.

from VOA http://bit.ly/2Kpiwlb
via IFTTT

Kenya: Maxkamad go'aan ka gaaraysa tuhmaneyaal Shabaab ah

Maxkamadda magaalada Naiorbi ayaa la filayaa inay soo gaba gabayso dacwad la xiriirta afar nin oo ku eedeysnaa inay kamid ahaayeen maleeshyaadkii kooxda Al-Shabaab ee bishii April ee sanadkii 2015-kii weerarka khasaarah badan dhaliyay ku qaaday jaamacadda magaalada Gaarissa.

from VOA http://bit.ly/2IQcXJ7
via IFTTT

Nabaddoon xalay lagu dilay Kismaayo

Koox bistoolado ku hubaysnaa ayaa xalay fiidkii magaalada Kismaayo ee Gobbolka Jubada Hoose ku dilay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraqhim Xassan oo loo yaqaano (Ibraahim Garreey) oo kamid ah Odayaasha dhaqanka magaaladaasi. Kooxihii dilka gaystay ayaa la sheegay inay baxsadeen. Maamulka Jubalandayaan wali wax faah faahin ah ka bixin dilka xalay ka dhacay magaalada Kismaayo. Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintaan kasoo diray magaalada Nairobi.  

from VOA http://bit.ly/2XTIuQI
via IFTTT

Mareykanka oo baahiyey caddeymo cusub oo ka dhan ah Iran

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa baahisay sawirro cusub oo ay sheegtay inay caddeymo dheeraad ah u yihiin in Iran ay ka dmabeysay weerar toddobaadkii tagay lagu qaaday laba markab oo saliid siday, kuwaas oo marayey Gacanka Cuman.

from VOA http://bit.ly/2Inte9x
via IFTTT

Madaxweyne Maxamed Morsi oo loo aasay

Madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo doortay ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa maanta la aasay, ayada oo ay soo kordhayaan baaqyada ku saabsan in la baaro sababta dhimashadiisa.

from VOA http://bit.ly/31J5Nzh
via IFTTT

Monday, June 17, 2019

Madaxweyne Mursi oo geeriyooday

Warar degdeg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee waddankaais Maxamed Mursi uu ku dhintay maxkamad ku taala magaalada Qaahira.

from VOA http://bit.ly/2XU5ezY
via IFTTT

Xubno ka tirsanaa Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqyamood shalay ka gaysteen nawaaxiga magaalada Jlib ee Gobolka Jubba Dhexe, kuwaas oo ay ku dileen laba ka tirsna maleeshiyada Al-Shabaab. Milataraiga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayntaasi ay iskaashi kala sameeyeen laguna gacan siinayey dawladda Soomaaliya. Warar laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.    

from VOA http://bit.ly/2ImHkrH
via IFTTT

Iran oo jebineysa heshiiska Nukliyeerka

Dawladda Iran ayaa muujisay inay jebin doonto heshiiskii sannadkii 2015-ka ay la gashay waddamada Yurub iyo Maraykanka ee ku saabsanaa xakamaynta barnaamijkeeda Nukliyeerka. Iran waxay shaacisay inay naaxinta Yuraaniyamka ka sare marsiin doonto heerka uu xaddiday heshiiskaasi sannadkii 2015-ka. Iran ayaa ku cadaadinaysa waddamada Yurub inay la macaamilaan Iran isla markaana ka khafiifiyaan cunaqabataynta uu Maraykanku kusoo rogay. Hadaba ku dhowaaqistan dowladda Irian ee  garab-marka heshiiskan ayaa waxa nala falanqeynaya Cabdinuur Ibrahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe oo ku sugan waddanka Britain. Caasho Ibrahim oo la hadashay ayaa ugu horreyn weydiisay waxa loo qaadan karo hadalka dowladda Iran.  

from VOA http://bit.ly/2FgjxrD
via IFTTT

Xildhibaan Dhakool oo xabsiga laga sii daayey

Xukuumada Somaliland ayaa maanta dib ugu celisay xoriyaddiisii xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, kaasi oo ku xidhnaa Xarunta Dambi-Baadhista ee CID ee magaalada Hargaysa.

from VOA http://bit.ly/2WQcVe8
via IFTTT

Soomaaliya oo ka feejigan cudurka Ebola

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inaanu jirin walaac ku saabsan in cudurka Ebola uu soo gaar Soomaaliya kadib markii maalmihii lasoo dhaafay laga helay dalka Uganda.

from VOA http://bit.ly/2Ktmjht
via IFTTT

Kenya: Sadex qof oo looga shakisan yahay cudurka Ebola

Ilaa sadex ruux ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii dadkaasi looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebolo, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Isbitaalka magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee Kericho.

from VOA http://bit.ly/2XgSjuT
via IFTTT

Sacuudiga oo ka laabtay inuu dilo Murtaja Qureyris

Wiil yar oo Sacuudiyaan ah oo la filayay in dowladdu ay dil ku fuliso ayaa la sheegay in aan la toogan doonin. Wiilkan ayaa loo heystay eed ah in uu ka qeyb-qaatay dibad-baxyo ay Shiicadu hormuud ka ahayd oo dalkaasi ka dhacay.

from VOA http://bit.ly/2IOj9Bo
via IFTTT

Saddex qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay Nigeria

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay saddex qarax oo la rumeysan yahay inay fulisay kooxda Boko Xaram oo ka dhacay waqooyiga bari ee dalka Nigeria, sida ay werisay hay'adda adeegga gurmadka deg degga ah ee dalkaas.

from VOA http://bit.ly/2Ingujk
via IFTTT

Sunday, June 16, 2019

Sarri oo Laga Dhigay Macallinka Juventus

Kooxda Juventus ayaa maanta ku dhawaaqday in ay macallinki hore ee kooxaha Chelsea iyo Napoli Maurizio Sarri ay u magacwday tabaraheeda saddexda sano ee soo socota.

from VOA http://bit.ly/2x07RV6
via IFTTT

Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho oo Batay

Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay weli su'aalo weydiinayaan nin lagu eedeeyey inuu la socday baabuurka labaad ee ku qarxay agagaarka Lambar 4 oo dhaawac soo gaadhay

from VOA http://bit.ly/2WNh4zn
via IFTTT

Geerida Abwaan Saxardiid Jabiye

Waxa Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Saxardiid Maxed Jabiye oo ka mid ahaa hal-abuurkii dhinaca suugaanta kaga soo qayb qaatay halgankii gobanimo-doonkii Soomaalida ee lagaga soo horjeeday gumeysigii Biritan

from VOA http://bit.ly/2MSlctv
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb) oo ka hadlaya xaaladda cudurrada Dhimirka ee Somalia hadda ka jira

from VOA http://bit.ly/2WMR9bd
via IFTTT

Wasiir Goodax: Manhajka Dalwadda ha la Qaato

Sida ay faafisay Warbaahinta Dowladda Somalia, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa fartay dugsiyada iyo dalladaha waxbarashada in ay u diyaar garoobaan hirgelinta Manhajka Dowladda ee dugsiyada hoose dhexe, laga billaabo 2019-2020

from VOA http://bit.ly/2WNDZe7
via IFTTT

Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ee Gantaaladda S-400

Telefashinka CNN qeybtiisa Af-Turkiga ayaa maanta baahiyay in madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in gantaalladan oo ah kuwa lidka diyaaradaha ay Ankara heli doono bisha soo socota

from VOA http://bit.ly/2IJPmdi
via IFTTT

Saturday, June 15, 2019

Barnaamijka Caweyska Washington

Dhageyso banraamijka Caweyska Wasington ee toddobaadkan oo ay soo diyaariysay Sahra Ciidle Nuur.

from VOA http://bit.ly/2wVu2vN
via IFTTT

Qarax Ciidanka Kenya Lagula Eegtay Wajeer

Ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada ciidamada Kenya ayaa ku dhintay, kaddib marki baabuur ay la socdeen maanta miino lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaannada Qoraf Xaraar iyo Konton oo aad ugu dhaw xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2XMLtuc
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Kusoo dhawaada Barnaamiijka Dhacdooyinka Todobaadka. Waxaa soo jeedinaya Jamal Axmed Cisman.

from VOA http://bit.ly/2IjKYCO
via IFTTT

Hambalyada iyo Heesaha

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo heesaha. Waxaa idiin soo jeedinaya Caasho Ibrhaim Aden iyo Ibrahim Xasan Dandurey

from VOA http://bit.ly/2MMMstf
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Dadki Lagu Laayay Gaalkacyo

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay sagaal ruux oo rayid ah oo dhamaantood kasoo jeeda gobollada Koofureed ee Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2IPnkge
via IFTTT

Friday, June 14, 2019

Galkacyo: Dhimashada Sarkaal iyo 8 Kale

Koox ku hubaysan bastoolada ayaa xalay fiidkii magaalada Galkacyo ku dilay Cali Tahliil Cadceed oo ahaa sargaal katrsan Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Galmudug, dhinaca kalena, maleeshiyo-beeleed ku hayb ah sarkaalka la dilay ayaa dhishay 8 qof isla markaana dhaawacay laba qof

from VOA http://bit.ly/2IHCoMY
via IFTTT

Shirka Qurbajoogta Soomaalida oo Turkiga ka Socda

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka furmay shirweynaha Golaha Caalamiga ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, iyada oo shirkani uu yahay kii shanaad ee uu goluhu soo qaban qaabiyo.

from VOA http://bit.ly/31yHns1
via IFTTT

Faaqidaadda: Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xiisadda cirka isku sii shareereysa ee ka taagan Bariga Dhexe, ayadoo maraakiib dhowr ah oo saliid sida la sheegay in lagu weeraray halkaas. Barnaamijka waxaa soo jeediniya Jacfar Kuukaay.  

from VOA http://bit.ly/2IeKFZQ
via IFTTT

Maradona oo Ka tagaya Mexico

Diego Maradona ayaa ka tagay kooxda kubadda cagta Dorados de Sinalao ee dalka Mexico sababo dhinaca caafimaadka ah.

from VOA http://bit.ly/2XUwJJG
via IFTTT

Real Madrid oo keentay Messi-ga Jabpan

Kooxda Real Madrid ayaa maanta oo Jimca ah ku dhawaaqday in ay soo iibsatay ciyaaryahan Takefusa Kubo oo ay dadka ku naaneesaan Messi-ga dalka Japan.

from VOA http://bit.ly/2If7igE
via IFTTT

Toronto Raptors oo Hanatay Koobka NBA-da

Kooxda kubadda koleyga Toronto Raptors ee dalka Canada ayaa marki ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysatay koobka kubadda koleyga NBA-da ee Waqooyiga America, kaddib marki ay 114-110 dhibcood ku garaacday kooxda caanka ah ee Golden State Warriors ee dalka Mareykanka.

from VOA http://bit.ly/2IfBLeL
via IFTTT

Kenya: Rag ku dhintay qaraxa miino ay aasayeen

Saddex qof oo loo malaynayo inay ka tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Kenya ayaa  geeriyooday kadib markii maalintii Khamiista ay la qaraxday Miino ay ku aasayeen jidka deegaanka keynta ah ee Boni ee ka tirsan Ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.

from VOA http://bit.ly/2wRDpfU
via IFTTT

Rouhani: Mareykanka wuxuu halis ku yahay dunida

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta sheegay in Mareykanka uu halis dhab ah ku yahay xasiloonida gobolka iyo tan caalamka, xilli ay xiisad ka taagan tahay Khaliijka.

from VOA http://bit.ly/2If8kJv
via IFTTT

Baahida dhiigga ee Soomaaliya ka jirta

Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta dhiig ku deeqidda caalamka. Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ay qalalaasaha ka dhacaan ee dunida, sida qaraxyada iyo iska hor imadyada hubeysan dadka ay ku dhaawacmaan. Helista ama keydinta dhiigga waa baahida ugu weyn ee la qabo marka qaraxyada ama iska hor imaadyada ka dhacaan Soomaaliya. Hadaba wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Samakaab ayaa arrinkan ka wareystey gudoomiya hey'adda dhiig ku deeqista Soomaaliya Dr Cumar Cabdiraxmaan Xabeeb. Waxuu marka hore weydiiyey  sidee ayey ku helaan dadka dhiiga ku deeqaya marka ay jirto baahi dhiig oo deg deg ah.  

from VOA http://bit.ly/2wWSU6c
via IFTTT

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan shirarka Nairobi

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

from VOA http://bit.ly/2XbaT7Y
via IFTTT

Thursday, June 13, 2019

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala  saxiixday heshiis mashruuc dib loogu dhisayo wadooyinka gobolada iyo Muqdisho isku xira oo ku kacaya 60 milyan oo Euro.

from VOA http://bit.ly/2ZnaBbq
via IFTTT

Dad shacab ahaa oo lagu dilay Galgaduud

Deegaanka Dhiin Waris oo qiyaastii 18km u jira magaalada Dhuusa Mareeb waxaa habeen hore rag hubrysan ay ku dileen afar qof oo shaqaale ka ahaa goob lagu xanaaneeyo Shinida.

from VOA http://bit.ly/2KhG0bD
via IFTTT

Bandhigga VOA: Taariikda Islaamka naceybka Yurub

Barnaamijkii Bandhiga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay taariikhda islaam naceybka ee dalalka Yurub iyo sida looga hortagi karo. Waxaa inoo soo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya Xuseen Barre Aaden.  

from VOA http://bit.ly/2MWdw9Q
via IFTTT

Somaliland: Imtixaanka sanadlaha oo loo fariisanayo

Somaliland ayaa waxaa ka socda diyaar garowga imtixaanka sanadlaha ah ee dugsiyada sare ee Somaliland. Wasiirka waxbarashada Somaliland ayaa ka warbixiyay ardayda Somaliland ee sanadkan u fariisaneysa Imtixaanaadka ee Dugiga sare iyo dugsiga hoose dhexe. Wariyaha VOA-da Sagal Mustafe ayaa warbixintan ka soo dirtay Hargeysa.    

from VOA http://bit.ly/2KhFXfX
via IFTTT

Maraakiib lagu weeraray Gacanka Cuman

Laba markab saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay in maanta lagu weeraray Gacanka Cuman ee u dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Iran, halka maraakiib kale uu dab ka kacay.

from VOA http://bit.ly/2IF2zUE
via IFTTT

Wednesday, June 12, 2019

Waare oo ka Hadlay Xiisadda Hiiraan

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in la damiyo xiisadda ka dhalatay dilka Taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan G. Dhexe Maxamed Macow Xalane, dilkaas oo keenay banaanbaxyo ka dhacay magaalda Beledweyne

from VOA http://bit.ly/2IcDBNm
via IFTTT

Qubanaha VOA, June 13, 2019



from VOA http://bit.ly/2WHxuJO
via IFTTT

Xaaladda Beledweyne oo maanta degan

Xaalada magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta deggan ka dib markii shalay halkaasi uu ka dhacay iska hor-imaad.

from VOA http://bit.ly/2WwIGE9
via IFTTT

Mareykanka oo xoojinaya howl-gallada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa wacad ku martay inay sii xoojineyso howgaladeeda Soomaaliya ee ujeedkoodu yahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo sidii looga adkaan lahaa argagixisada.

from VOA http://bit.ly/2Ww9wMI
via IFTTT

Xaaladda Kala-bayr oo maanta degan

Xaalada deegaanka Kala-bayr ee degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta deggan ka dib markii shalay halkaasi uu ka dhacay iska hor-imaad.

from VOA http://bit.ly/2WFdTtM
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 475-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 475-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).            

from VOA http://bit.ly/2WCLZOV
via IFTTT

Cudurka Ebola oo ka dillaacay dalka Uganda

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka dalka Uganda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in wiil yar oo shan jir ahaa uu maanta u dhintay cudurka Ebola, kaas oo maalmo ka hor laga helay cudurkaasi.

from VOA http://bit.ly/2WvCZpP
via IFTTT

26 qof oo ku dhaawacmay gantaal lagu weeraray Sacuudiga

Gantaal ay Xuutiyiinta dalka Yemen ku dhufteen garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka Sacuudiga ayaa maanta dhaawacay 26 qof oo rayid ah, sida uu sheegay isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen.

from VOA http://bit.ly/2XBYuXs
via IFTTT

Tuesday, June 11, 2019

Raadka Xadka Xiran ee Lamu, Kenya

Deegaanada Lamu Ilaa Malindi ee dalka Kenya ayaa ganacsi ahaan ku tiirsan baddeecadaha qiimaha jaban ee kasoo talaaba xadka Somalia ee badda iyo barigaba.

from VOA http://bit.ly/2IznhoX
via IFTTT

Mucaaradka Sudan oo Aqbalay Wadahadal

Ergayga gaarka ah ee ay Dowladda Itoobiya u xil-saartay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya siyaasadda Sudan, ayaa sheegay in hogaamiyaasha kooxaha dibadbaxyada ka wada Khartoum ay ogolaadeen ambaqaadidda wadahadallada nabadda.

from VOA http://bit.ly/2MHMD9q
via IFTTT

Taliye ku dhintay dagaal ka dhacay Hiiraan

Taliyihii booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay maanta deegaanka Kala-beyr ee degmada Jawiil gobolka Hiiraan.

from VOA http://bit.ly/2MEWRHG
via IFTTT

Kenya oo xirtay xadka Soomaaliya ee dhanka Lamu

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xirtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Ismamaulka Lamu, waxayna sheegtay inaysan jirin cid ka soo gudbi karta xadka Kayuunga iyo Raaskaambooni.

from VOA http://bit.ly/2KEmIg4
via IFTTT

Galka Baarista: Sidee Islaamku kusoo gaaray Soomaaliya

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu ku saabsan yahay Sidii Islaamka uu kusoo gaaray Geeska Afrika, ama halka iminka loo yaqaan Soomaaliya. Waa taxane dhowr qeyb ka kooban. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.    

from VOA http://bit.ly/31oUNqp
via IFTTT

Ciidamada Puntland oo dib u qabsaday Af-Urur

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta dib ula wareegay tuulada Af-urur ee gobolka Bari oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay gacan ku hayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2KIU2Tk
via IFTTT

Diyaarado Drone ah oo weeraray Sacuudiga

Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ayaa maanta sheegay inay qabteen laba diyaarad oo drone ah oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen, sida ay werisay wabahainta dowladda, xilli maleeshiyadan shiicada ah ay kordhiyeen weerarada ka dhan ah boqortooyada.

from VOA http://bit.ly/2XFLqAu
via IFTTT

Monday, June 10, 2019

Mali: Ku Dhawaad 100 qof oo weerar lagu dilay

Ku dhawaad boqol qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mali Isniintii, sida ay sheegeen mas'uuliyiin.

from VOA http://bit.ly/2KHqc1i
via IFTTT

Isu socodka gaadiidka Nairobi iyo Mandera oo dib loo furay

Waxaa maanta mar kale dib u billowday isu socodka gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalooyinka Mandhera iyo Nairobi kuwaas oo shalay ay dowladda Kenya u hakisay sababo amni la xiriira.

from VOA http://bit.ly/2IxpvFd
via IFTTT

Ilayska VOA: Soomaalida iyo siyaasadda Yurub

Barnaamijka Ilayska VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay Soomaalida kusoo badaneysa siyaasadda dalalka Yurub iyo caqbadaha ay la kulmaan. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://bit.ly/2I782Ez
via IFTTT

Natiijada doorashadii Kazakhstan oo la shaaciyey

Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Axadi shalay ka dhacday dalkaasi dhaca bartamaha Asia.

from VOA http://bit.ly/2IyNzay
via IFTTT

Xaalka Soomaalida Dagan Malaysia

Dad Soomaali ah oo u badan dhalinyaro waxbarta ayaa ku nool dalka Malaysia.

from VOA http://bit.ly/2WC3Ohd
via IFTTT

Ciyaartoyda Turkey oo 'si xushmad darro ah loola dhaqmay'

Dowladda Turkiga ayaa si kulul ugu cambaareysay dalka Iceland inuu "si xushmad darro ah" ula dhaqamyey cayaartoydeeda kubadda cagta markii ay tageen garoonka diyaaradaha Reykjavik.

from VOA http://bit.ly/2K6UOtK
via IFTTT

Sunday, June 9, 2019

Somaliland: Biyaha Roobka oo la Keydinayo

Xilligan waxaa gobolada Somaliland si wanagsan uga curtay roobab xoog leh, iyadoo biyaha ay dooxooyiku soo rogaanna ay sida caadada ah ku darmaan badda. Laakiin inta badan xilli ka dib, waxaa aad looga cawdaa biyo la'aan iyo abaaro soo noqnoqda.

from VOA http://bit.ly/2I5I5oU
via IFTTT

Wicitaanka: Dr. Maxamed Daahiye Ducaale

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Dr. Maxamed Daahiye Ducaale oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanka Dhadhaab ee W. B. Kenya, waxana uu ka jawaabayaa su'aalaha qaar dhageystayaasheena ka tirsan

from VOA http://bit.ly/2EUoLsP
via IFTTT

Kazakhstan: Doorashada Madaxweynenimo oo Maanta Dhacaysa

Dadka ka faallooda siyaasadda dalkaasi dhaca bartamaha Asia, ayaa sheegaya in doorshada Axadda maanta ah dhaceysa uu ugu cad cadyahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee hadda talada haya Kassym-Jomart Tokayev.

from VOA http://bit.ly/2Zg30ey
via IFTTT

Saturday, June 8, 2019

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka

Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka. Waxa soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

from VOA http://bit.ly/2QVH1qt
via IFTTT

Caweyska Washington

Ku soo dhowaada barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

from VOA http://bit.ly/2WYb06s
via IFTTT

Shabaab oo la wareegey Tuulada Af-urur ee Puntland

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saaka waaberigii iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin la wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga began magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland.

from VOA http://bit.ly/2wIcF1p
via IFTTT

Dhageyso Bambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxaa soo jeedinaya Nur Bukhari iyo Ibrahim Dandurey.

from VOA http://bit.ly/2MzYHJA
via IFTTT

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka

Kusoo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka. Waxaa soo jeedinaya Jamal Axmed Cisman.

from VOA http://bit.ly/2K3Ac5B
via IFTTT

Canshuurtii Mexico oo la Hakiyay

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Mexico ay ku heshiiyeen sidii dadka muhaajiriinta ah ee Mareykanka uga soo tallaaba xadka Mexico loo xakameyn lahaa, halka Mareykankana uu ka baaqsaday inuu canshuurta ku kordhiyo alaabaha ay Mexico usoo dhoofiso Mareykanka.

from VOA http://bit.ly/2WyMIAP
via IFTTT

Friday, June 7, 2019

Sarkaal M. Nuur oo 12.5 Xarig ah Lagu Xukumay

Garsoore ku sugan maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka MN ayaa xabsi 12 sano iyo badh ah ku xukumay Maxamed Nuur oo ahaa askari ka tirsan booliska mInneapolis

from VOA http://bit.ly/2WrG9zX
via IFTTT

ONLF oo ka hadashay rabshado ka dhacay Wardheer

Jabahadda ONLF ayaa war qoraal ah ka soo saartay banaanbaxyo rabshado watay oo maalmihii la soo dhaafayay ka dhacayay magaalada Wardheer ee gobolka Doolo ee dalka Ethiopia.

from VOA http://bit.ly/2K5xXyL
via IFTTT

Faaqidaadda: Xasaradaha ka taagan Bariga Dhexe

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu maanta ku saabsan yahay xasaradaha ka taagan ka taagan Bariga Dhexe, sida xiisadda Iran iyo dalalka Khaliijka, arrimaha Falastiin iyo Israel, iyo kacdoonada dalalka Algeria iyo Sudan. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan.  

from VOA http://bit.ly/2KEnrhv
via IFTTT

Sarkaal boolis ahaa oo isku daldalay Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya ayaa saakay isku dhex daldalay xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2ZaFsHZ
via IFTTT

Abiy Ahmed oo dhex-dhexaadin ka wada Khartoum

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dalkaas xukuma iyo hogaamiyayaasha dibad-baxayaasha.

from VOA http://bit.ly/2ETwuHu
via IFTTT

Thursday, June 6, 2019

Abiy Ahmed oo dhex-dhexaadinaya dhinacyada Sudan

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa jimcaha booqan doona magaalada Khartoum si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum.

from VOA http://bit.ly/31fxM9a
via IFTTT

Bandhigga VOA: Saameyta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa u dhexeeyey maalmihii dhawaa xurguf siyaasadeed oo dadka ka faalooda arrimaha labada dal ay sheegaan in ay sabab u tahay dacwada muranka badda ee taala maxkmada caalamiga ah dhawaana la filaayo in ay go'aan ka gaarto. Inkastoo ay Kenya sheegtey in sababta ay Soomaaliya ku heysato ay tahay in ay sheeganeyso dhul lagu muransan yahay dacwadiisuna ay maxkmada taala. Falastiin Axmed Iiman ayaa arrintan ku eegeysa barnaamijka Bandhiga VOA ee todobaadkan.  

from VOA http://bit.ly/2KxtzYG
via IFTTT

Mareykanka iyo Mexico oo wada-hadallo yeelanaya

Mareykanka iyo Mexico ayaa maanta wada-hadallo dheeri ah ka yeelanaya siyaasadda muhaajiriinta, xilli ay soo dhowaatay waqtigii Mareykanka uu u qabtay in Mexico ay waxa kaga qabato dadka kasoo gudbaya dalkaas, ama ay wajihi doonto canshuur la saaro badeecadaha dalkaas ka imanaya ee soo galaya Mareykanka. Haddii aan wax heshiis ah la gaarin, madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in laga billaabo Isniinta uu badeecadaha Mexico saari doono canshuur 5% ah, ayada oo bil walba lagu kordhin doonoa 5% oo dheeraad ah, illaa bisha October laga gaarsiiyo 25%. Qoraal uu arbacadii soo dhigay twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in inkasta oo horumar laga sameeyey wada-hadallada haddana aysan ku filneyn. Trump ayaa waxa uu ka digay in haddii uu canshuurta sare u qaado ay shirkado badan oo Mareykan ah oo alaabo ku sameysta Mexico ay dib ugu soo laaban doonaan dalka.

from VOA http://bit.ly/2Im2Xr2
via IFTTT

Wareysi: Madaxweynaha dowladda ardayda Jaamacadda City

Midowga Ardayda Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho ayaa leh dowlad u dhisan sida nidaamka dowladeed ee caalamiga ah. Dowladdan oo leh madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, wasiiro iyo gole sharci dejin, ayaa ka shaqeysa danaha ardayda, sidoo kalena ah fursad ay ardayda ku bartaan habka dowladaha ay u shaqeeyaan. Axmed Cali Sheekh ayaa sida ay dowladda u shaqeyso ka wareystay Maxamed Muuse Aaden (Maxamed Kaafi) oo ah madaxweynaha dowladda.  

from VOA http://bit.ly/2MGTI9Y
via IFTTT

Dood ka taagan hub laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka

Senatorada Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci hor-istaagaya qorshaha madaxweyne Trump uu Sacuudiga iyo Imaaraadka uga iibinayo hub lagu qiimeeyey 8 bilyan oo dollar.

from VOA http://bit.ly/31doNW7
via IFTTT

Dibad-baxayaasha Sudan oo diiday wada-hadal

Hogaamiyayaasha banaanbaxyada dalka Sudan ayaa diiday soo jeedinta ah inay wada-hadal la galaan jeneraalada militariga, ayaga oo baaqaas ugu yeeray mid aan daacad laga ahayn, xilli ciidamada ammaanka ay sii wadaan beegsidooga ka dhanka ah dibad-baxayaasha oo toddobaadkan ay ku dhinteen 100 qof.

from VOA http://bit.ly/2IkMao4
via IFTTT

Wednesday, June 5, 2019

Trump oo ka Qeyb Galay Xuska D-Day

Hogaamiyeyaal dhowr iyo toban ah ayaa iyaguna goobta joogay, kuwaas oo ku jiraan RW-ha Britain Theresa May, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, RW-ha Canada Justin Trudeau, kuwaas oo dhamaantood amaanay geesinimada askartii qeybta ka ahaa weerarkii dhinay.

from VOA http://bit.ly/2IqakOd
via IFTTT

Qubanaha VOA, Jun 06, 2019



from VOA http://bit.ly/2WQNbgM
via IFTTT

6 ka mid ah Daacishta Soomaaliya oo duqeyn lagu dilay

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Goolis ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2MthxSN
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 474-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 474-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).          

from VOA http://bit.ly/2QMCmHe
via IFTTT

Al-Shabaab iyo Kenya oo ku dagaalamay Mandheera

Wararka ka imanay Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in laba qof ay dhinteen, kaddib markii dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo koox loo maleynayo inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

from VOA http://bit.ly/2IlzCNh
via IFTTT

QM oo soo saartay digniin ku wajahan Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Soomaali ah oo ay saameeyeen abaaro sii xumaanaya oo ka jira Soomaaliya ay halis ugu jiraan in bisha soo socoto ay wajahaan cunto yari aad u daran, haddii aanan si deg deg loo helin gargaar naf badbaadin ah.

from VOA http://bit.ly/2WLw2oU
via IFTTT

Ayatollah Ali Khamenei oo ka digay 'heshiiska qarniga'

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta dhalleeceeyey qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, oo uu ku sheegay "khiyaano weyn oo lagu sameynayo dunida Islaamka",  wuxuuna dalalka Khaliijka kaga digay inay taageeraan.

from VOA http://bit.ly/2wDtCtS
via IFTTT

Xaaladda Khartoum oo weli kacsan

Rasaas ayaa weli maanta laga maqlayey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan ayada oo xiisad ay halkaas ka kacsan kadib laba maalmood oo ciidamada ammaanka ay dileen 60 qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha.

from VOA http://bit.ly/2Wn4dnm
via IFTTT

Tuesday, June 4, 2019

QM: 5 Milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan cunto

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Soomaali ah oo ay saameyeen abaaro sii xumaanaya oo ka jira Soomaaliya ay halis ugu jiraan in bisha soo socoto ay wajahaan cunto yari aad u daran, haddii aanan si deg deg loo helin gargaar nafbadbaadin ah.

from VOA http://bit.ly/2MtvX5c
via IFTTT

Cudurka Ebola oo Fara Ba'an Ku Haya Congo

Wasaaradda caafimaadka dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo kiis oo la xiriira cudurka dilaaga ah ee Ebola laga helay dalkaasi dhaca bartaha Africa.

from VOA http://bit.ly/2WutYT6
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Ciidda

Ku soo dhawaada Barnaamij Gaar ah oo Ciidda ku saabsan. Waxa Barnaamijkan si  wada jir ah idin la socodsiinaya Cabdixakiin Maxamuud Shirwac iyo Caasho Ibraahim Aaden.

from VOA http://bit.ly/2JVVH8s
via IFTTT

Warbixin Ku Saabsan Sida ay Soomaalida u Ciiddey

Inta badan magaalooyimka waaweyn ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciidey.

from VOA http://bit.ly/317TyvJ
via IFTTT

Monday, June 3, 2019

Dhageyso Warbixin Ku Saabsan Ciidda

Ku dhawaada warbixin gaar ah oo aannu ku eegayno waddamada saaka laga ciiday, kuwa berri oo Arbaca ah ciidaya iyo wajibaadka dadka muslim ka ah la gudboon maalinta ciidda.

from VOA http://bit.ly/2Kq6GX0
via IFTTT

Dad ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Toddoba qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo dad ahna way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay deegaanka Taragaduud ee gobolka Galgaduud.

from VOA http://bit.ly/2WaiYoL
via IFTTT

Magaalada Columbus oo aad u kobcaysa

Warbixin toddobaadkii hore ay soo saartey hay'ada tirakoobka Maraykanka waxaa lagu lagu sheegay in tirada dadka ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio ay aad u kordhayaan. Magaaladan ayaa la sheegay inay ka balaaratay oo ay ka waynaatey magaalada San Francisco. Tirada dadka magaaladaasi u guuray ayaa sidoo kale batay. Haddaba, maxa ugu wacan in Columbus ay dhaaftey magaalooyin badan? Warbixintan waxaa ka diyaarisey Sahra Cabdi Axmed.      

from VOA http://bit.ly/2wxynoR
via IFTTT

Kenya oo mamnuucday kalluumeysiga xeebaha u dhow Somalia

Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in guddoomiyaha deegaanka Lamu Joseph Kaniyiri uu mamnuucay in laga kaluumaysto xeebaha Kenya ee u dhow xadka Somalia. Kanyiri ayaa hadalkan u shegay wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxay Nairobi, waxaana uu go'aankan u cuskaday sababo amni. Khadar Hareed ayaa warkan ka soo diray Nairobi.      

from VOA http://bit.ly/2JVUqhF
via IFTTT

Somaliland iyo Puntland oo maxaabiis is-dhaafsaday

Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is-dhaafsaday 17 ka mid ah ciidamadooda kuwaasi oo ay ku kala qabsadeen dagaalladii bishii May ee sannadki hore ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

from VOA http://bit.ly/2Ko49Nd
via IFTTT

Ciidamada Sudan oo dilay dibad-baxayaal

Ugu yaraan shan qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha dalka Sudan ayaa dhintay, kaddib marki ay ciidamada millatariga weerareen koox ka mid ah bannaanbaxayaasha oo ku sugnaa bannaanka xarunta taliska millatariga ee Khartoum. Guddiga dhaqaatiirta Sudan ayaa xaqiijiyay dhimashada shanta qof, halka ururka Iskaashatada Xirfadleyda Sudan ay waxa hadda ka socda Khartoum ku tilmaameen xasuuq. Iskudhacyada khasaaraha sababay ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ciidamo ka tirsan millatariga isku dayeen in ay xooog ku qaadaan jidgooyooyin ay dibadbaxayaasha ku kacsan xakunka millatariga ka sameysteen banaanka xarunta millatiga ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Wariyaasha ayaa kusoo warramaya in ay arkeen ciidamo farabadan oo aad u hubeysan oo la dhigay dhamaan wadooyinka caasimadda, halka dadka bannaanbaxyada wada ay iyana xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay golaha milatari ee xakuma Sudan, in ay joojiyaan awoodda ay u adeegsanayaan dadka sameynaya dibadbaxyada. Dibadbaxayaasha ayaa wacad ku maray in aysan ka tagi doonin bannaanka xarunta looga taliyo millatariga ilaa uu millatariga talada ku wareejinayo dowlad rayid ah.

from VOA http://bit.ly/2Ik7WbM
via IFTTT

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo cambaareeyey go'aanka Qatar

Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka.

from VOA http://bit.ly/2Wl6DTs
via IFTTT

Sunday, June 2, 2019

Madaxweyne Donald Trump oo Saaka Tagaya Magaalada London

Trump ayaa la kulmi doona boqorada dalka Britain

from VOA http://bit.ly/2Z4j0Aw
via IFTTT

Wicitaanka Dhageystaha: Cabdiraxman Mukhtar

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa todobaadkaan marti ku ah Cabdiraxman Mukhtar oo u ololeeya arrimaha dhalinyarada Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

from VOA http://bit.ly/2JYaCz5
via IFTTT

Jarmaajo iyo Abiy Ahmed oo Addis ku Kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

from VOA http://bit.ly/2IhmiJG
via IFTTT

Rabshado ka Dhacay Masjid Al-Aqsa

Rabshado ayaa maanta ka dhacay gudaha masaajidka barakeysan ee Al Aqsa ee magaalada Qudus, kaddib marki ay ciidamada booliska Israil gudaha u galeen, xilli ay halkaasi ku cibaadeysanayeen boqolaal Muslimiin Falastiiniyiin ah.

from VOA http://bit.ly/2QBwVuP
via IFTTT

Mareykanka oo Wax-kabaddalay Dalbashada Fiisooyinka

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hadda kaddib dadka soo dalbanaya fiisooyinka ama dal-ku-galka Mareykanka looga baahanyahay in ay soo gudbiyaan teleefannadooda, e-mail-adooda iyo cinwaanada ay ku leeyihiin baraha bulshada.

from VOA http://bit.ly/2JS0cAM
via IFTTT

Liverpool oo qaadday Koobka UCL

Kooxda Liverpool ee dalka Talyaaniga ayaa xalay ku guuleysatay koobka Naadiyada Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kaddib marki ay ciyaarti kama danbeysta aheyd 2-0 ku garaacday kooxda Tottenham.

from VOA http://bit.ly/2wvH7f3
via IFTTT

Saturday, June 1, 2019

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington. Toddobaadkan waxa soo jeedinaya Cabdixakiin Maxamed Shirwac.

from VOA http://bit.ly/2Xf5eKJ
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka

Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka oo aan diiradda ku saareyno shirarka Sacuudiga uu ku baaqay ee Maka. Xuseen Barre Aaden ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://bit.ly/2ELBPRa
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinta Toddobaadka, oo aan aalaba dib dhageysatayasha ugu soo xasuusino dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee toddobaadka

from VOA http://bit.ly/2Xf57ih
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxaa soo jeedinaya Casha Cuud iyo Ibrahim Daandureey.

from VOA http://bit.ly/2W8ylOu
via IFTTT

Muqdisho: Diyaar-garoowga Ciidda.

Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aada looga dareemayaa diyaar-garowga ay dadka ugu jiraan maalinta Ciidul-Fidriga ee todobaadkan.

from VOA http://bit.ly/2XsQyYk
via IFTTT

Shiinaha oo Dhisaya Dekedda Eyl ee Puntland

Maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo Shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha ayaa shalay kala saxiixday heshiis ay shirkaddaasi ku dhisi doonto dekedda Eyl iyo mashaariic kale.

from VOA http://bit.ly/2ENSzar
via IFTTT

Hogaamiyaasha Islaamka oo Taageeray Falastiin

Hogaamiyaasha 57-da waddan ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay go,aanki muranka badan dhaliyay ee ay dowladda Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsatay caasimadda Israil.

from VOA http://bit.ly/2wy9UzK
via IFTTT