Magaalada Muqdishu ayaa ku jirta maalintii labaad oo ay u baroor diiqeyso, geerida Allaha u naxariistii duqii magaalada Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo shalay dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac soo gaaray 24-kii July. Dadkii ay soo wada shaqeeyee, marxuumka waxaa ka mid ah madaxweynhii hore ee Puntland oo markii uu ahaa ra'iisul wasaaraha dalka uu usoo noqdey la-taliyhihiisa gaarka ahaa, 2011-2012. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington ayaa khadka taleefanka ugu waramay Sahra Cabdi Axmed.
from VOA https://ift.tt/339MkIr
via IFTTT
Friday, August 2, 2019
Gaas oo ka hadlay geerida Yariisow
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment