Madaxii Isgaarsiinta Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, Anthony Scaramucci ayaa laga eryey shaqada, muddo ka yar laba todobaad kadib marki loo dhiibay xilkaas.
from VOA http://ift.tt/2uSV2u7
via IFTTT
Monday, July 31, 2017
Madaxii Isgaarsiinta Aqalka Cad oo La Eryey
Venezuela oo Cunaqabatayn lagu Soo Rogay
Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro, iyaga oo ku eedeeyey hindisihiisa sharciga baalmarsan ee uu ku dhaqan gelinayo golaha sare ee ka shaqaynaya dib u qorista dastuurka dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2vhU7FC
via IFTTT
Filimada iyo Saamaynta ay ku Yeeshan Nolosha
Daraasad ay sameeyeen ururka Journal of American Medical Association, ayaa si gaar ah u eegay saamaynta uu bulshada ku yeeshay, filim taxane ah oo ay sii daysay shirkadda Netflix ee dalkan Maraykanka.
from VOA http://ift.tt/2vcNHId
via IFTTT
AMISOM oo ka Hadashay Weerarkii Askarta looga Dilay
Wakiilka gaarka ah xogyaha gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa ciidamada AMISOM ee shaley lagu weeraray gobolka Shabeellada Hoose ugu hambalyeeyay Geesinimadooda.
from VOA http://ift.tt/2f1cGIg
via IFTTT
Dowladda "Waxaa la Rumeysan Yahay in la Dilay Cali Jabal"
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in wakiilkii ururka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tooro-Toorow.
from VOA http://ift.tt/2ucRFfH
via IFTTT
Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax goor dhowayd uu ka dhacay halkaasi.
from VOA http://ift.tt/2hgVnDx
via IFTTT
Maxkamad Ayiday Xukunka Askarigii Dilay Wasiir Cabaas
Maxkamadda sare ee ciidamada ayaa maanta ayiday xukun dil ah oo horey maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada ugu xukuntay askarigii dilay wasiir hore ee howlaha guud Cabaas Cabdullahi Siraaji. Gudoomiyaha maxkamadda Sare General Liibaan Cali Yarow ayaa xukunkan uga waramay wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, oo ugu horeyn wydiiyay, sababta ay ku diideen racfaankii ay qaateen qareenaddi difaacayay eedeysanaha.
from VOA http://ift.tt/2vb0gnp
via IFTTT
Mareykanka oo Sheegay inay Dileen Xubin Shabaab ahaa
Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.
from VOA http://ift.tt/2ubOB3p
via IFTTT
Koox Hubeysan oo Gashay Safaaradda Iraq ee Kabul
Wasaaradda arrimaha dibedda Afghanistan ayaa xaqiijisay in lasoo afjaray qabsashadii koox mintidiin ah ee safaaradda Iraq ee Kabul, kadib iska horimaad socday afar saac.
from VOA http://ift.tt/2ubMe0s
via IFTTT
Putin oo Soo Ceyriyey Diblomaasiyiin Mareykan ah
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku amray Mareykanka inay 755 ka dhimaan shaqaalahooda diblomaasiyeed, isaga oo uga jawaabaya cunaqabateenta Mareykanka uu saaray Ruushka, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameeyeen doorashadii madaxweyne ee Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2vepO2v
via IFTTT
Sunday, July 30, 2017
Wicitaanka: Garyaqaan Cabdiwaaxid Qalinle
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti inoogu ah Garyaqaan Cabdiwaaxid Sheekh Cusmaan Qalinle, waxaana barnaamijku uu ku saabsan yahay doodda ka dhalatay xildhibaano la sheegay in aanay sharci ahayn.
from VOA http://ift.tt/2tTQeaJ
via IFTTT
10 AMISOM ka Tirsan oo la Dilay
Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday kolonyo ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Buula Mareer. Weerarkan ayaa saraakiil Soomaali ahi sheegeen in ugu yaraan 11 askari oo midkood Soomaali yahay ay ku dhinteen.
from VOA http://ift.tt/2v8X380
via IFTTT
10 ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho
Ilaa hadda ma cadda meesha uu u socday baabuurkan ee uu bartilmaameedsan lahaa, waxana uu marayey inta u dhaxaysa saldhigga booliiska Waaberi iyo huteelka Maka Al-Mukarama.
from VOA http://ift.tt/2uNSVHN
via IFTTT
Saturday, July 29, 2017
Shir Muqdisho Ugu Soo Xirmay Aimsom Iyo Dowladda Somaaliya
Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey shir looga hadlayey sidi ay ciidamada Dowlada Soomaaliya ugala wareegi lahaayeen kuwa Amisom mas,uuliyadda amaanka dalka.
from VOA http://ift.tt/2tTglOF
via IFTTT
Madaxweyne Trump oo Cambaareeyey China
Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale cambaareeyey Dowlada Shiinaha, kadib marki ay ku guuldareystay in ay ka joojiso Kuuriyada Waqooyi tijaabada gantaalada riddada dheer iyo barnaamijkeeda hubka niyukleerka.
from VOA http://ift.tt/2eXd9uX
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan
from VOA http://ift.tt/2v9JapH
via IFTTT
Barn. Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aadan (Cuud)
from VOA http://ift.tt/2uM4Juc
via IFTTT
Barnaamijka: Dhacdooyinka Todobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka ayaan ku falanqeynaa wararkii ugu waaweynaa todobaadkaa ee Soomaaliya
from VOA http://ift.tt/2vTpYKO
via IFTTT
Barnaamijka Martida Makrafoonka
Barnaamijka Martida Makarfoonka ee todobaadkan waxaa marti u ah Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda ee Somalia Cismaan Maxamed Cabdi.
from VOA http://ift.tt/2vTMfs2
via IFTTT
Guriga Madaxweyne ku Xigeenka Kenya oo la Weeraray
Guri uu galbeedka Kenya ku leeyahay Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Rutto oo rag hubeysan ay weerareen.
from VOA http://ift.tt/2tMHcI9
via IFTTT
Friday, July 28, 2017
Madaxii Shaqaalaha Aqalka Cad oo La Badalay Iyo Kelly oo Xilkaas Loo Magacaabay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay xoghayihiisii Amniga gudaha John Kelly inuu noqdo madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, kadib marki xilkaasi laga qaaday Reince Priebus.
from VOA http://ift.tt/2v7TVZD
via IFTTT
Gaalkacyo: Shaqaaqo ka Dhacday Bandhig Faneed
Shaqaaqo ayaa xalay ka dhacday magaalada Gaalkacayo taasi oo ka dhalatay fagaare ay bandhig faneed ka dhigaysay fannaanada Fartuun Birimo.
from VOA http://ift.tt/2uIK0aQ
via IFTTT
Fallanqeyn: Doorashada Madaxweynaha Kenya
Ololaha doorashada Kenya ayaa maraya meel aad u adag iyadoo musharixiinta tartankaasina ay safaro ku kala bixinayaan gobollada dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2v3u59w
via IFTTT
Faaqidaadda: Miisaaniyadda Dowladda Federaalka
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay muranka ka dhashay miisaaniyadda dowladda federaalka, kadib markii lacagta loo qoondeeyey maamul goboleedyada dalka ay xildhibaanada qaar ku sheegeen caddaalad darro loogu kala eexday. Waxaa soo jeedineysa Caasha Ibraahim Aadan Caasha Cuud.
from VOA http://ift.tt/2uIttn7
via IFTTT
Senate-ka oo ku Guuldarreystay inuu Baabi'iyo Obamcare
Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay inuu sameeyo sharci qeyb ahaan baabi'inaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sano ah.
from VOA http://ift.tt/2tPbSwG
via IFTTT
Ra'iisul Wasaarihii Pakistan oo Xukunka laga Ceyriyey
Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa ka mamnuucday ra'iisul wasaare Nawaz Shariif inuu xafiis dadweyne qabto, kuna amartay inuu si deg deg ah isku casilo.
from VOA http://ift.tt/2w61KfF
via IFTTT
Thursday, July 27, 2017
Warbixin: Colaadda Shabeelaha Hoose Iyo al-Shabab
Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay ka soo saartay magaalada Niarobi kaga hadashay gabood fallo ay sheegtay in laga geystay gobolka Shabeelaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2w597Eb
via IFTTT
Gabdho Soomaali-Mareykan Ah oo Cafiyey Haweeneey Ku Weerartay Erayo Islaam Naceyb ah
Maalintii Talaada ee la soo dhaafay ayaa magaalada Fargo ee Gobolka North Decotta ee dalkan Mareykanka haweeney Mareykan ah oo cadaan ah, oo 42 jir ah, lagu magacaabo, Amber Hensley, waxey hadallo Islam naceyb ah ku weerartay gabdho dhalinyaro Soomaali ah.
from VOA http://ift.tt/2eS7xlu
via IFTTT
Mareykanka oo ka Hadlay Howlgal ka Dhacay Gaalkacyo
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in howl-gal wada jir ah oo ay sameeyeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah lagu soo qabtay nin lagu tuhmaayo in uu ka tirsanaa kooxda al-Shabaab, kaas oo ay AFRICOM ku sheegeen in uu ahaa fududeeye Shabaabka u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.
from VOA http://ift.tt/2vMKE7d
via IFTTT
Mareykanka oo ka Hadlay Howlgal ka Dhacay Gaalkacyo
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in howl-gal wada jir ah oo ay sameeyeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah lagu soo qabtay nin lagu tuhmaayo in uu ka tirsanaa kooxda al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2v1uBVE
via IFTTT
Xulufada Sacuudiga oo Lagu Eedeeyey Weerarkii Soomaalida Yemen
Guddi baarayaal ah oo ka tirsan QM ayaa ku eedeeyey isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen inay ka masuul ahaayeen weerarkii bishii March ka dhacay xeebaha Yemen ee lagu dilay muhaajiriinta Soomaalida ah.
from VOA http://ift.tt/2uFDkdc
via IFTTT
Banaanbax Maanta ka Dhacay Muqdisho
Banaanbax looga soo horjeeday shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu diley illaa lix askari oo uu ku jiray taliye ku xigeenkii hore ee Nabadsugida gobolka Banaadir, Ciise Jiijiile ayaa khamiista maanta ah ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Maka Al- Mukarama.
from VOA http://ift.tt/2h5VSAd
via IFTTT
Xiisadii ka Taagnayed al-Xaram al-Shariif oo la Xaliyey
Hogaamiyayaasha muslimiinta ee magaalada Qudus ayaa fasaxay in dib loo galo Al-Xaram al-Shariif-ka ee masjidka Al-Aqsa uu ku dhex yaallo kadib markii Israel ay ka saartay aaladaha amniga lagu sugo ee ay ku dhejisay laba toddobaad ka hor.
from VOA http://ift.tt/2u1tXCV
via IFTTT
Madaxa Shirkadda Ali Baaba oo Gaaray Kenya
Madaxa shirkadda Ali Baaba oo ah shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka China ayaa gaaray dalka Kenya. Ganacsadahan maalqabeenka ah ayaa waxaa safarkiisa Africa ku wehelinayay maalqabeeno kale oo u dhashay China, hadaba faahfaahinta booqashadan waxaa inoo haya Yaasiin Ciiise Wardheere.
from VOA http://ift.tt/2tLKShE
via IFTTT
Wednesday, July 26, 2017
DHAGEYSO: Wareysi Danjiraha Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya
Danjiraha cusub ee Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya Abuukar Baalle oo ka hadlay magacaabistiisa.
from VOA http://ift.tt/2uzsszd
via IFTTT
Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Qalalaasaha Qudus
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay inuu ka walaacsanyahay rabshadaha kusii baahaya qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus, isaga oo ugu baaqay Isreal in ay arrinta qaboojiso.
from VOA http://ift.tt/2uZmVTF
via IFTTT
Wasiirka Gaashaandhigga oo ka Hadlay iska Horimaadkii Ciidamada
Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay isku dhac maanta ciidamada amniga ee dawladda Soomaaliya ku dhex maray magaalada Muqdishe ee caasimada Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2h2v0kP
via IFTTT
Kooxda Dekedda oo Hanatay Horyaalka Soomaaliya
Kooxda Kubadda Cagta Dekadda, ayaa 19 sano kadib ku guuleysatay tartanka horyaalka Soomaaliya ee ka socday Muqdisho, kadib markii ciyaar xiiso badan oo galabta ka dhacday garoonka Banaadir Stadium ay bar bar dhac gool iyo gool ah isla galeen kooxdii horyaalka difaacaneysay ee Banaadir Sports Club. Kooxda Banaadir ayaa u baahneyd in ay ka adkaato Dekadda si ay horyaalka ugu horistaagto ugu yaraan in kooxdaasi ay galabta u dabaal degto. Bar-barahaasi labada kooxood ayay ka dhigtey in horyaalka oo ka dhiman hal kulan ay kala helaan 36 dhibcood oo Dekadda ah iyo 31 Dhibcood oo Banaadir Sports Club aah. Haddaba, Jamaal Axmed Cismaan, ayaa ciyaartaasi markii ay dhammaatay ka dib waxa uu arrimahaasi ka wareystay tababaraha kooxdaasi Yuusuf Cali Nuur "Yuu Cali" oo sanadkii ugu horeeyay ee uu leyliyo kooxdani koobka kula guuleystay, waxana uu weydiiyay sidey ugu suuragashay hanashada koobka horyaalka kubadda cagta Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2eO2mD2
via IFTTT
Askar Lagu Dilay Israsaaseyn ka Dhacday Muqdisho
Saddex ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa ku dhimatay mid kalena wuu ku dhaawacmay israsaaseyn galabta ka dhacday agagaarka dhismaha tiyaatarkii qaranka ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2v7OKcN
via IFTTT
Warbixin: Khasaaraha Lacagta Been Abuurka ee Hiiraan
Lacagaha sharci darada ah ayaa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah u horseeday qiima dhaca ku yimid shillinka Soomaaliga, tasoo sare u qaaday qiimihii maciishadd,a khasaare ba'anna u geystay ganacsatada yar yar. Qiime dhaca lacagta shiling iyo dhibaatada ka dhalatay meelaha laga dareemay waxaa ka mid ah gobolka Hiiraan, oo ganacsato ay ku qabatay kullan ay ku qiimeeyeen khasaaraha soo gaaray inuu ka badan yahay hal milyan oo dollar. Wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan Beledweyne ka soo diray.
from VOA http://ift.tt/2tYB6ny
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 381
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 381-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2tZfgAe
via IFTTT
Ciidamada Kenya oo Weeraray Degaanka Lagta
Ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa inay saaka weerareen degaanka lagu magacaabo Lagta oo u dhexeeya Kulbiyow iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay VOA u sheegene dadka degaanka.
from VOA http://ift.tt/2uBmhcs
via IFTTT
Xiisad Weli ka Taagan Masjidka Al-Aqsa
Inkasta oo Israel ay masjidka Al-Aqsa ka qaaday qalabka birta sheega ee dadka lagu baaro, ayaa Falastiiniyiinta waxa ay sheegayaan in taasi weli aysan ku filneyn.
from VOA http://ift.tt/2tY9hf6
via IFTTT
Ruushka oo Aargudasho ugu Hanjabay Mareykanka
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay aargudan doonto, si ay uga jawaabto cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu saaray, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameysay doorashadii madaxweyne ee Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2tIRayz
via IFTTT
Tuesday, July 25, 2017
Uhuru Kenyatta oo Diiday Dooddii Madaxweynaha
Ayada oo laba toddobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha dalka Kenya, ayaa dadweynaha waxa habeenkii isniinta daawadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo kaligiis doodaya, kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu iman waayey.
from VOA http://ift.tt/2tA1rsF
via IFTTT
Xiisad ka Dhalatay Maxaabiis la Dilay oo ka Taagan Beledxaawo
Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka taagnaa xiisad ka dhalatay afar maxbuus oo la dilay.
from VOA http://ift.tt/2uVHyQe
via IFTTT
Shir Amni oo Muqdisho uga Furmay Dowladda iyo Amisom
Kulan wada jir ah oo ay leeyihiin saraakiisha sar sare ee howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM iyo dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2ux0rH2
via IFTTT
Israel oo Qalabkii Muranka Dhaliyey ka Saartay Al-Aqsa
Israel ayaa maanta billowday in qalabka birta sheega ee dadka lagu baaro ay ka saarto albaabka masjidka Al-Aqsa, si ay u yareyso xiisadda ka dhalatay ee ka carreysiisay muslimiinta, islamarkaana dhaliyey isku dhacyo xooggan.
from VOA http://ift.tt/2tzmJXc
via IFTTT
Garsoore Joojiyey Ciraaqiyiin laga Masaafurin Lahaa Mareykanka
Garsoore federal oo ku sugan magaalada Detroit ee gobolka Michigan ee dalka Mareykanka, ayaa joojiyey in boqolaal qof oo Ciraaqiyiin ah, oo dambiyo galay laga masaafuriyo dalka Mareykanka, kadib markii ay qabteen ciidamada socdaalka iyo canshuuraha.
from VOA http://ift.tt/2vVMqlM
via IFTTT
Monday, July 24, 2017
35 Ruux oo Lagu Dilay Dalka Afghanstan
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki qof watay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu weeraray gaari mini-bus ah oo ay la socdeen shaqaalo ka tirsan kuwa rayidka ee Dowlada Afghanstan oo marayey dhinaca galbeed ee magaalada Kabul.
from VOA http://ift.tt/2uULY9W
via IFTTT
Erdogan oo Wada-hadallo u Jooga Qatar
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasi oo uu wadahaddallo kula leeyayay madaxda waddankaasi.
from VOA http://ift.tt/2tuQhoR
via IFTTT
Ururo ka Hadlay Khifaalka Baarlamanka iyo Maxkamadda
Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf soo kala dhexgalay Maxkamadda Sare iyo baarlamanka Soomaaliya, oo ka dhashay kuraasta sideed xubnood oo baarlamanka ka tirsan oo muran uu ka taagnaa xalaalnimadooda. Baarlamaanka ayaa ku gacan seeray go'aan ay maxkamaddu ku gaartay in lagu noqdo doorashada sideed kursi. Maanta ayaa Ururada Bulshada rayidka waxa ay Muqdishu ka soo saareen jawaab ku aadan go'aankii baarlamanka. Wariyeheenna Muqdisho Canbdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.
from VOA http://ift.tt/2usDDrQ
via IFTTT
Biyaha Badda oo ku soo Fatahay Caluula
Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas.
from VOA http://ift.tt/2uQxKad
via IFTTT
Ilaalada Safaaradda Israel ee Jordan oo 2 Qof Dilay
Wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa maanta sheegtay in askari ilaalo ka ah safaaradda dalkaas ee Jordan uu toogasho ku dilay laba qof oo u dhashay dalka Jordan, kadib markii mid ka mid ah uu ku weeraray kashawiito.
from VOA http://ift.tt/2vB26eW
via IFTTT
Qarax Dhimasho Badan oo ka Dhacay Kabul
Qarax ismiidaamin baabuur ah oo ay Taliban fulisay ayaa ugu yaraan 24 qof ku dilay, islamarkaana 40 kale ku dhaawacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.
from VOA http://ift.tt/2eHAtMX
via IFTTT
Sunday, July 23, 2017
Dowlada oo Dib u Hirgalinayso Jaamacaddii Gahayr
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtey inay doonayso in dib u furto Jaamacadda Ummadda Somaliyeed oo muddo aad udheer aanan shaqeynin.
from VOA http://ift.tt/2uOES7r
via IFTTT
Dawladda Somalia: Lacag Yaan la Bixinin
Dawladda Soomaaliya ayaa ku amartay ganacsatada Soomaalida inay joojiyaan dhammaan lacagaha baadda ah iyo kuwa kale ee la siiyo ururka Al-Shabab.
from VOA http://ift.tt/2upreVH
via IFTTT
Uhuru Kenyatta oo Gaarisa Booqday
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqday gobolka Waqooyo Bari gaar ahaan magaalada Gaarisa xillli ay labo toddobaad oo keliya ka harsan tahay doorashada madaxtinnimada ee waddankaasi.
from VOA http://ift.tt/2tRyZSc
via IFTTT
Somaliland: Xoolo loo Dhoofinayo Sacuudiga
In ku dhaw hal milyan oo neef ayaa la filayaa inay ka dhoofaan dekedda magaalada Berbera ka dib markii dawladda Sucuudigu xayiraaddii ka qaadday dhoofka xoolaha
from VOA http://ift.tt/2trATcO
via IFTTT
Wicitaanka: Eng. Muuse Kooshin
Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay Kheyraadka Biyaha ee Somalia, waana Q-2aad, waxaa marti ku ah Eng. Muuse Kooshin oo culuumta deegaanka ku takhasusay
from VOA http://ift.tt/2uNDj9a
via IFTTT
Dawladda iyo Lacagaha uu Alshabab Qaado
Dawladda Somalia ayaa sheegtay in ganacsatada lagu helo inay taageero dhaqaale u fidiyana ururka Al-Shabab sharciga lala tiigsan doono, sida ay shir jaraa'id ku sheegeen madax dawladda ka tirsan.
from VOA http://ift.tt/2vy7ijw
via IFTTT
Saturday, July 22, 2017
Dowlada Soomaaliya oo Ganacsatada Ku Eedeysay in Ay Dhaqaalo Ku Taageeraan Al Shabaab
Laamaha amniga ee Dowlada Federalka Somalia ayaa xaley soo saarey amaro ay dul-dhigeen ganacsada iyo shirkadaha dhinaca ganacsiga ee Somalia, iyaga oo dhinaca kalana ku eedeeyey qaar ka mid ah ganacsasatada in ay dhaqaalo siiyaan kooxda Alshabab.
from VOA http://ift.tt/2tQWAlY
via IFTTT
Faah-faahinta Maxaabiista Xalay Ka Dagtay Muqdisho
Dowladda Soomaaliya faah-faahisay maxaabiis laga soo daayey dalka Itoobiya oo xalay fiidkii ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2tAegHj
via IFTTT
Madaxweyne Trump oo Eedeeyey New York Times
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Tuwiiterka ku eedeeyey wargeyska New York Times inuu burburiyey qorshe uu Mareykanka ku rabay inuu ku khaarejiyo hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakr al-Baghdadi. Madaxweyne Trump mu uusan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu wargeyska ku arbushay qorshaha lagu dili rabay Al Baghdadi, balse hadalkiisan ayaa yimid daqiiqado yar kadib marki uu Telefishinka Fox News uu baahiyey xog la dusiyey oo ku saabsan arrintan. Afhayeen u hadlay jariirada New York Times ayaa weydiistay aqalka cad faah-faahinta hadalka uu Trump ku daabacay boggiisa Tuwiter-ka. Mareykanka ayaa dul dhigay madaxa hogaamiyaha Daacish lacag dhan 25 milyan oo dollar.Abu Bakr al-Baghdadi laguma arkin meel fagaara ah tan iyo sanadki 2014-ki, waxaana la rumeysanyahay inuu ku safro deegaanada ay ka taliso Daacish ee ku yaalla dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
from VOA http://ift.tt/2tA4uFq
via IFTTT
Maxaabiis lasoo daayay oo Muqdisho gaaray
In kabadan 100 maxbuus oo eedeymo kala duwan ugu xirnaa dalka Itoobiya, ayaa caawa lasoo gaarsiiyay garoonka diyuuradaha magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2umAwSe
via IFTTT
Sool: Qarax Keenay Dhimasho iyo Dhaawac
Hal cunug ayaa ku dhintay, 17 qof oo kale oo shan ka mid ah ay caruur yihiinna wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu ku qarxay bam iyagoo ku sugan xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ay Abaartii Soomaaliya ku dhuftay ka dhameysay xoolihii.
from VOA http://ift.tt/2vL0XQT
via IFTTT
Hargeysa: Bandhigga 10aad ee Buugaagta.
Danjireyaal iyo dibloomaasiyiin ka socda dawladaha Yurub oo ay ka mid yihiin safiirka Midowga Yurub iyo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta gaadhay Hargeysa, si ay uga qaybgalaan sannadguurada 10aad.
from VOA http://ift.tt/2uSTJy0
via IFTTT
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka ee toddobaadkan waxa inoo haya Jamaal Axmed Cusmaan, qoddobada barnaamijkana waxaa ka mid ah xiriirka Dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
from VOA http://ift.tt/2vKZf27
via IFTTT
Hambalyada iyo Heesaha: Daanduray iyo Cuud
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aaden (Cuud)
from VOA http://ift.tt/2uSE4ih
via IFTTT
Friday, July 21, 2017
Taliyihii Booliska Minneapolis oo Is-Casishay
Taliyaha ciidanka booliska magaalada Minneapolis Janee Harteau ayaa cadaadis la saaray dartiis is-casishay oo xilka ka dagtay, kadib markii nin Soomaali ah oo booliska ka tirsan la sheegay inuu dil u geystay haweenay caddaan ah oo Ausralia u dhalatay.
from VOA http://ift.tt/2uJcYcU
via IFTTT
Rag Daacish loo Maleynayo oo Dil ka Gaystay Bari
Niman hubeysan oo lagu tuhmayo inay ka tirsanihiiin kooxda Daacish ayaa xalay qof ku dilay degmada Balli-Daggan ee gobolka Bari.
from VOA http://ift.tt/2uIs69Y
via IFTTT
Faaqidaadda: Dhibaatada Amisom ku Hayaan Beeraleyda
Qaar ka mid ah beeraleyda Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya inay dib u billaabaan beerashada dalagyada kala duwan, hase yeeshee waxa ay dhibaato kala kulmayaan ciidamada Amisom oo saldhigyo ka sameystay beerahooda. Illaa 12o beerood oo badankood ku yaalla agagaarka deegaanka Qansaxdheere ee gobolka Baay, ayaa la sheegay inay ciidamada Amisom deegaan ka dhigteen, sida lagu ogaaday baaritaan ay sameysay VOA. Haddaba barnaamijka faaqidaadda, waxaan ku eegeynaa dhibaatooyinka ay beeraleyda kala kulmayaan ciidamada Amisom. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2vI2HdW
via IFTTT
Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Somalia oo la Shaaciyey
Wasaaradda Waxbarashada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday natiijada imtixaanka guud ee sannad dugsiyeedki 2016-2017 ee dugsiyada sare ee dalka. Waxaa sidoo kale wasaarada ay soo bandhigtey shaxda ardeyda ku gudubtey imtixaanaadka iyo kuwa ku harey. Faah-faahinta warkaan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abuukar.
from VOA http://ift.tt/2uIuWvV
via IFTTT
Al-Shabaab oo Gabdho ka Afduubtay Hiiraan
Kooxda Al-Shabaab ayaa saddex gabdhood oo la shaqeeya hay'ad dhinaca miino baarista ka shaqeysa saaka waabarigii ka qafaashay deegaanka Far-libaax ee gobalka Hiiraan.
from VOA http://ift.tt/2uIL0NW
via IFTTT
Ragga ka Yar 50 Sano oo Laga Mamnuucay Al-Aqsa
Booliiska Israel ayaa ragga muslimiinta ah ee da'doodu ka yar tahay 50 sano jirka ka mamnuucay inay maanta salaadda jimcaha ku tukadaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
from VOA http://ift.tt/2ugY62B
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo: Ha la Joojiyo Dagaalka Xeraale
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud, oo dad badan ay ku dhinteen.
from VOA http://ift.tt/2gPzXxf
via IFTTT
Thursday, July 20, 2017
Roobow oo Diiday Codsi uga Yimid Al-Shabaab
Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka codsatay Mukhtar Roobow Abu-Mansuur inuu dib ugu soo noqdo kooxda, hase ahaatee uu ku gacan seyray.
from VOA http://ift.tt/2udzW9w
via IFTTT
Cirro oo Sheegay in la Xiray Taageerayaasha Waddani
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay in xubno ka mid ah taageerayaashooda la xidhay.
from VOA http://ift.tt/2tu497a
via IFTTT
Dad ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Galgaduud
Goobjoogayaal ku sugan bartamaha Somalia ayaa sheegaya in dagaallo culus ay deeggaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ku dhexmarayaan ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka.
from VOA http://ift.tt/2vn3aCQ
via IFTTT
Netanyahu oo Go'aan ka Gaaraya Muranka Masjidka Al-Aqsa
Ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu ka tahshanayo inuu masjadka Al-Aqsa ka saaro qalabka sheega birta ee dadku laga baaro, oo ka carreysiiyey dadka Falastiiniyiinta ah.
from VOA http://ift.tt/2uF3OOj
via IFTTT
Wednesday, July 19, 2017
Soomaali Lagu Dilay Ohio
Qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa xaqiijiyey dilka 3 nin oo Soomaali ah oo sadexdi maalmood ee lasoo dhaafay ay kooxo hubeysani ku dileen xaafado ka mid ah magaalada Columbus.
from VOA https://www.voasomali.com/a/3951649.html
via IFTTT
Duqa Minneapolis: "Soomaalida Mas,uul Kama Ahan Dilkii Justine Damon"
Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa qoraal ay Arbacadi shalay ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook ku sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis aysan mas,uul ka aheyn dilka Justine Damon.
from VOA https://www.voasomali.com/a/3951647.html
via IFTTT
Kulan Looga Hadlay Gargaarka oo ka Dhacay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay lahaayeen hey'adaha gargaarka ka shaqeeya, wasaaradda gargaarka ee dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
from VOA http://ift.tt/2vk1R7B
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 380
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 380-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2vjOBjA
via IFTTT
Dowladda Somalia oo loo soo Gacan Geliyey 3 Magafe
Dowladda Suudaanta koonfureed ayaa saddex ka mid ah ragga Soomaalida ah ee ku lugta leh tahriibinta dadka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Magafayaasha ee dadka u tahriibiya Libya ku wareejisay dowladda Somalia.
from VOA http://ift.tt/2u7Tc85
via IFTTT
Heshiiskii Duulimaad ee Somalia iyo Kenya oo la Dhaqan Gelinayo
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii sare loogu qaadi lahaa howlaha duulimaadyada ee Somalia. Wasaaraddu waxey sheegtay in dhawaan la hirgelin doono heshiiskii duulimaadyada tooska ah ee ay horey u gaareen Somalia iyo Kenya, sidoo kalena, dib loo howlgelin doono shirkaddii duulimaadka Soomaaliya ee Somali Airlines. Wariyeheenna Yaasiin Ciise Wardheere ayaa wareystay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) oo shirar arrintan la xiriira kaga qeyb galay Nairobi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay wixii ka soo baxay shir ay la lahaayeen wasaaradda gaadiidka ee dalka Kenya.
from VOA http://ift.tt/2u86wcA
via IFTTT
Cilmi Baaris la Xiriirta Dastuurka oo laga Sameeyey Somalia
Hey'adda cilmi baarista ee Heritage ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay ra'yi baaris ay ku sameysay qaar ka mid ah dadka ku nool shan magaalo oo waa weyn oo Soomaaliya ku yaalla. taasoo ay wax kaga weydiineysay arragtida ay ka qabaan dastuurka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2tq4KGG
via IFTTT
Trump iyo Putin oo Yeeshay Kulan aan Horey loo Shaacin
Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa la shaaciyey inay yeesheen kulan labaad oo aan horey loo ogeyn, intii uu socday shirkii dalalka G20 ee lagu qabtay dalka Jarmalka.
from VOA http://ift.tt/2vhVK3J
via IFTTT
Tuesday, July 18, 2017
Waa Kuma Sarkaal Booliiska Maxamed Nuur
Maxamed Nuur oo ah Sarkaal Soomaali Mareykan ah hayadaha dambi baaristu ay sheegeen inuu ka mid yahay labo sarkaal oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen dilka haweenay Australian ah gobolka Minnesota.
from VOA http://ift.tt/2vgLFUC
via IFTTT
Booliiska Minnesota oo Faahfaahiyey Dilka Lagu Eedeyey Maxamed Nuur
Hay'adaha dambi baarista ee gobolka Minnesota ayaa shaaciyey magacyada labo sarkaal oo lagu eedeeyey ku lug lahaanshiyaha dilka haweenay u dhalatey Australia.
from VOA http://ift.tt/2u8timk
via IFTTT
Baarlamanka Puntland oo Kalsoonida Kala Laabtay Wasiirada
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u codeeyey mooshin kalsoonida kala laabanaya golaha wasiirrada ee maamul goboleedkaasi.
from VOA http://ift.tt/2u5eR2k
via IFTTT
Diyaarado Duqeyn ka Geystay Jubbada Hoose
Diyaarado dagaal ayaa duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Golashumbi oo 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.
from VOA http://ift.tt/2tCc9xY
via IFTTT
Dadaalladii Lagu Bedelayey Obamacare oo Guuldarreystay
Dadaallada ay xubnaha xisbiga Jamhuuriga ku doonayeen inay isbeddelo ugu sameeyaan barnaamijka daryeelka caafimaadka Mareykanka ayaa burburay, kadib markii laba senator oo hore leh ay kasoo horjeesteen .
from VOA http://ift.tt/2u3AazP
via IFTTT
Monday, July 17, 2017
Qeybta Koowaad ee Wareysiga Ilhan Omar
Ilhan Omar oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ee Gobolka Minnesota ayaa shalay nagu soo booqatay xarunta VOA-da ee magaaladan Washington.
from VOA http://ift.tt/2u47SHf
via IFTTT
Askari Soomaali Mareykan ah oo Lagu Eedeyey Dil
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii lagu dilay magaalada Minneapolis.
from VOA http://ift.tt/2tAd41Y
via IFTTT
Axmed Abdi oo u Tartamaya Maamulka Dekedda iyo Garoonka ee Washington
Gobolka Washngotn ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tartamayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha Novemebar ee sanadkan.
from VOA http://ift.tt/2u4cwVD
via IFTTT
Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ee ka dhacaya magaalada Mosul taasoo uu sheegay in loo geysanayo dad rayid ah oo lala xiriirinayo maleeshiyada Daacish ee laga xoreeyey magaalada.
from VOA http://ift.tt/2tkx8dw
via IFTTT
Mucaaradka Venezuela oo Ku Baaqay Shaqa-joojin
Mucaaradka Dowlada Venezuela ayaa ku baaqay hal maalin oo shaqo joojin ah oo ay rabaan in ay dalka oo dhan ka hirgasho Khamiista soo socota, si ay ugu cadaadiyaan madaxweyne Nicolas Maduro inuu joojiyo qorshe uu ku doonayo inuu ku sameeyo dastuur cusub.
from VOA http://ift.tt/2tkB1iw
via IFTTT
Xal loo Raadinayo Muranka Xuduudaha Somalia
Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dadaal weyn ugu jiro sidii loo xalin lahaa khilaafaad dhinaca soohdinta ah oo ka dhex taagan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
from VOA http://ift.tt/2uuXIQs
via IFTTT
Warbixin: Saameynta Shaqaaqada Shilin Soomaaliga
Maalmihii la soo dhaafay waxa uu qalalaase ka taagnaa lacagta shilinka Soomaaliga taasi oo keentay in la xiro qaybo ka mid ah ganacsigii ku yaalay gobolo ka mid ah Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysa kadib markii ganacsatadu ay ku doodeen in lacago been abuur ah suuqyada la soo galiyay. Arrintan ayaa marka laga yimaado saamaynta suuqyada iyo wax kala iibigisa ay ku yeelatay waxa ay sidoo kale iyagana saamaysay dadkii danyarta ahaa ee suuqyada ka xoogsan jiray iyo kuwii nolol ahaan iyaga ku sii tiirsanaa. Waxbixintan waxaa arrintan ku eegaya wariyeheenna Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
from VOA http://ift.tt/2uri39M
via IFTTT
Imaaraadka oo "Jabsashada Wakaaladda Wararka Qatar"
Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkan Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ay abaabushay jabsashaddii loogu dusay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Qatar.
from VOA http://ift.tt/2t7x7FH
via IFTTT
Muqdisho: Internet-ka Fiber Optic oo Dib u Shaqeynaya
Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib u soo laabtay khadkii Internet-ka Fiber Optic, kaas oo mudo ku dhow hal bil ka maqnaa magaalooyinka Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2ur8mIb
via IFTTT
Korea-da Koonfureed oo Wada-hadal Usoo Jeedisay K/Waqooyi
Korea-da Koonfureed ayaa maanta soo jeedisay wada-hadallo milatari oo ay la gasho Korea-da Waqooyi, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in lagu qaboojiyo xiisadda ka aloosan xuduuda labada dal.
from VOA http://ift.tt/2uufOly
via IFTTT
Sunday, July 16, 2017
Dhageyso: Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee todobaadkaan waxaa uu ku saabsanyahay qaybtii 1aad ee Biyaha. Waxaa noogu marti ah Injineer Muuse Kooshin oo biyaha ku taqasusey. Muuse waxaa uu qaybtan uga hadlayaa biyaha hoose ee dhulka ku jira.
from VOA http://ift.tt/2tgC6Yv
via IFTTT
AMISOM oo ka Hadashay Ammaanka Wadooyinka
Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa qiray in jidka isku xidha Muqdishu iyo Baydhaba uu maritaankiisu adag yahay kadib weerarro iyo jidgoogooyin ay ay dhigaan maleeshiyaadka Al-Shabab.
from VOA http://ift.tt/2v6tgdg
via IFTTT
Faallada Afgembiyadii ka Dhacay Turkiga
Turkiga waxaa laga xusay sannadguuradii ka soo wareegtay markii dalkaas uu ka dhacay afgembigii fashilmay. Haddaba maxay ku kala duwan yihiin Inqilaabkaas fashilmay sannad ka hor ee ka dhacay dalka Turkiga iyo afgembiyadii hore ee guulaystay ee Milaterigu xukunka kula wareegay.
from VOA http://ift.tt/2ux3MIS
via IFTTT
Saturday, July 15, 2017
Turkiga oo Xusay Sanadguuradi Koowaad ee Afganbigi Fashilmay
Dowlada iyo Shacabka Turkiga ayaa xalay xusay sanadguuradi koowaad ee kasoo wareegatay afganbigi dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay 15-ki July ee sanadki 2016-ki.
from VOA http://ift.tt/2tf3o1F
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka, waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Jamal Axmed Cusman.
from VOA http://ift.tt/2t3tccI
via IFTTT
Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoos oo gudbinaya Caasha Ibraahim (Cuud) iyo Cabdixakiim M. Shirwac
from VOA http://ift.tt/2trnLDQ
via IFTTT
Bay: Shaqaale Samafal oo la Afduubay
7 qof oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia oo lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo ku socdey magaalada Baydhobo.
from VOA http://ift.tt/2uvazmy
via IFTTT
Caweyska Washington
Waxaa caawa ku maqli doontaan barmaajka Caweyska Washington qodobo ay ka mid yhiin, Wax iska bedel ku yimid dhaqanka gabdho bixinta meelaha qaarkood, heeso iyo qodobo kale.
from VOA http://ift.tt/2v3Qssv
via IFTTT
Martida: Maxamed Xaaji Maxamuud
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay sida uu noqonayo xaalka degnaansho ee dadka reer Yurub ee ku nool dalka Britain, ka dib marka dalkaasi uu rasmi ah uga baxo M. Yurub.
from VOA http://ift.tt/2uuPRD8
via IFTTT
Wasiirka Maaliyada oo Baarlamaanka hor tagay
Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka ee Somalia ayaa Baarlamaanka ay su'aalo ka waydiiyeen arrimaha Maaliyada ee dalka
from VOA http://ift.tt/2v44fiC
via IFTTT
Friday, July 14, 2017
Siilaanyo oo Dib ugu Laabtay Hargeysa
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo mudo ku maqnaa dalka dibeddiisa ayaa maanta kusoo moqday magaaalada Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2uhyGod
via IFTTT
Faaqidaadda: Saameynta Internet-ka ka Go'an Soomaaliya
Internetka ayaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka maqan muddo saddex toddobaad ah kadib markii xarigga internet-ka ee Fiber Optic uu Bishii hore dabayaaqadeedii markab uu gooyey xargahaasi, taasina waxay keentay inuu hawada ka baxo adeeggii internet-ka ee meelo badan oo Soomaaliya ah. Haddaba saameynta ay arrintan yeelatay ayaan ku eegeynaa barnaamijka faaqidaadda toddobaadka. Waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan.
from VOA http://ift.tt/2vkwtoO
via IFTTT
Colaad Beeleed oo ka Taagan Sh/Dhexe
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo colaad beeleed oo ay ku dhinteen dad badan taasi oo muddo bilo ah kusoo noqnoqonaysay deegaanka magaalada Cadalle iyo kuwa ku xeeran.
from VOA http://ift.tt/2uh3dCu
via IFTTT
Jerusalem: Weerar Lagu Dilay Laba Qof
Afhayeen u hadlay booliiska Israel ayaa sheegay in saddex qof oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca ay rasaas ku fureen boolis ku sugnaa magaalada qadiimiga ah ee Jerusalem, halkaasi oo laba qof ay ku dileen, dhowr kalena ay ku dhaawaceen.
from VOA http://ift.tt/2uYtymv
via IFTTT
Thursday, July 13, 2017
Tillerson oo Dib Uga Soo Laabtay Dalalka Khaliijka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Rex Tillerson ayaa ka tagay Khamiistii dalka Qatar, kadib maalmo uu kulamo gooni gooni ah kula soo yeeshay Bariga Dhexe dalalka Khaliijka ee ay uu khilaafku ka dhaxeeyo.
from VOA http://ift.tt/2tS6xRQ
via IFTTT
Al-Shabaab oo Dad ka Afduubtay Lamu
Koox hubeysan oo loo maleynayo Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka Lamu ee dalka Kenya ku afduubteen dad Kenyan ah oo baabuur saarnaa.
from VOA http://ift.tt/2vhcJSV
via IFTTT
Golaha Wasiirada oo ku Shiray Kismaayo
Magaalada Kismaayo waxaa maanta markii ugu horreysay lagu qabtay shirka toddobaadlaha ah ee gollaha wasiirrada ee dowladda Soomaaliya, oo uu shir guddoomiyay Ra'iisul wasaare Xasan Khayre.
from VOA http://ift.tt/2ti1gBl
via IFTTT
Ciidamo Mareykan ah oo Howlgal ka Fuliyey Sh/Hoose
Ciidamo wadajir ah oo Maraykan iyo Soomaali isugu jira ayaa weerar ku qaaday saldhig kooxda al-Shabab ay ku leedahay tuullada Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2tPr3CJ
via IFTTT
Daacuunkii ugu Xumaa Dunida oo ka Jira Yemen
Hay'adda QM ee UNICEF ayaa sheegtay in dadka dalka Yemen ay la tacaalayaan daacuunkii ugu xumaa ee dunida ka dillaaca.
from VOA http://ift.tt/2t6Af8y
via IFTTT
Madaxweynihii hore ee Brazil oo Xabsi lagu Xukumay
Madaxweynihii hore ee Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa lagu helay musuq-maasuq iyo been xalaaleyn lacag, waxaana lagu xukumay xabsi sagaal sano iyo bar ah.
from VOA http://ift.tt/2tPt2H7
via IFTTT
Wednesday, July 12, 2017
Trump oo Kusii Jeeda Paris
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo hadda ka hor magaalada Paris ee caasimada France ku tilmaamay meel aanan ammaan aheyn sababo la xiriira argagixisada ayaa jadda kusii jeeda halkaasi.
from VOA http://ift.tt/2ubykQ3
via IFTTT
Al-Shabab oo Baad ku soo Rogay Ganacsatada Muqdisho
Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah oo Al-Shabab ugu yeertay Zako.
from VOA http://ift.tt/2sQDc9l
via IFTTT
Sh/Dhexe: Macallimiin la Kulmay Shabaab oo la Baarayo
Kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa u yeeray macalimiin wax ka dhiga dugsiyada magaalada Jowhar, iyaga oo kula kulmay magaalada Gamboole oo 50 KM Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.
from VOA http://ift.tt/2uik3RS
via IFTTT
Farmaajo oo Furay Kalfadhigga Aqalka Sare
Kalfadhigga labaad ee xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaiya, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2t3rNqF
via IFTTT
Weerar ka Dhacay Muqdisho oo Laba Qof lagu Dilay
Kooxo ku hubeysan qoryo kuna socdey gaari ayaa weerar ku qaaday barqadii saaka xilliga Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda hoos ee Xamar. Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo midi ay aheyd gabar ardayad ah oo meesha mareysay. Sida uu weerarkaasi u dhacay iyo xaaladda hadda waxa uu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay afhayeenka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.
from VOA http://ift.tt/2tMuIkI
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 379
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 379-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2t3HUoh
via IFTTT
Trump oo 3 Bil oo Dheeri ah Xayiraadda ka Qaaday Sudan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 3 bil dib u dhigay go'aan kama dambeys ah oo la filayey inuu ka qaato in si joogto ah dalka Sudan looga qaado xayiraadda dhaqaale ee Mareykanka uu saaray.
from VOA http://ift.tt/2uhzZUx
via IFTTT
Trump oo 3 Bil ku Daray Xayiraadda Laga Qaaday Sudan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 3 bil dib u dhigay go'aan kama dambeys ah oo la filayey inuu ka qaato in si joogto ah dalka Sudan looga qaado xayiraadda dhaqaale ee Mareykanka uu saaray.
from VOA http://ift.tt/2vbRrGo
via IFTTT
Tuesday, July 11, 2017
Mareykanka Iyo Qatar oo Kala Saxiixday Heshiis
Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa Talaadadii wada saxiixday heshiis is-faham ah oo ka dhan ah argagixisada, xilli ay wali taagantahay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dalalka Khaliijka.
from VOA http://ift.tt/2sObgCP
via IFTTT
Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo loo Digay
Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa digniin u jeediyey Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, iyaga oo ku eedeeyey in Xisbiyadaasi ay sameeyeen Olole aan sharci ahayn, xilli lagu jiro kaadh qaybinta.
from VOA http://ift.tt/2tEBJWl
via IFTTT
Rex Tillerson oo la Hadlay Madaxweyne Farmaajo
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
from VOA http://ift.tt/2u4JTs3
via IFTTT
Ciidamada Amisom oo ka Baxay Jaamacadda Gahayr
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom ayaa maanta ku wareejiyey dhismihii jaamacadda Gahayr ee magaalada Muqdishu wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2t9CGSV
via IFTTT
Ganacsiga Boosaaso oo Weli Xiran
Waxaa mar kale maanta albaabadu ay u laaban yihiin suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ganacsatadu waxa ay sheegeen in xirnaashahaasi uu daba-joogo canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay. Maamulka Puntland oo aan isku daynay inaan la xiriirno oo aan arrintan wax ka weydiino, ilaa haatan nooma suurtogelin inaan ku qancino mas'uuliyiinta inay ka hadlaan murankan ka taagan canshuurta cusub ee la sheegay in lasoo rogay. Xaaji Maxamed Siciid waxa uu kamid yahay ganacsatada Boosaaso, waxaanu khadka taleefoonka uu ugu warrmaya Jacfar Kukay oo Washington jooga, waxaanu ugu horreyn ka hadlayaa xaaladda suuqyada boosaaso ee xilligan.
from VOA http://ift.tt/2tDKeRE
via IFTTT
Qorshihii Dhismaha Xarunta FBI oo laga Tanaasulay
Hay'adda dowladda Mareykanka u qaabilsan maareynta dhismayaasha federal-ka, ayaa lagu wadaa inay maanta ku dhawaaqdo inay ka tanaasushay qorshe muddo ka badan 10 sano socday oo xarun cusub loogu dhisayo hay'adda dambi-baarista ee FBI.
from VOA http://ift.tt/2t9muB3
via IFTTT
Monday, July 10, 2017
Mareykanka oo Soo Dhaweeyey Xoreynta Mosul
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hambalyeeyey Iraq, Ra'isulwasaaraheeda iyo ciidanka amaanka xoreynti ay kooxda Daacish ka xoreeyeen magaalada Mosul.
from VOA http://ift.tt/2t7Ljxr
via IFTTT
Maleeshiyo Ka Tirsan Daacish oo Lagu Dilay Masar
Booliska dalka Masar ayaa sheegay in ay dileen lix ruux oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, kaddib iska horimaad dhexmaray malleeshiyadani iyo cidamada booliska.
from VOA http://ift.tt/2tCgDrs
via IFTTT
Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo lasoo Gebagebeeyey
Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ee caasiamda Soomaaliya, ayaa maanta lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban illaa 10 qodob.
from VOA http://ift.tt/2u0dsuN
via IFTTT
Puntland: "Waxaan Dilnay 18 Shabaab ah"
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen 18 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabab, islamarkaana ay burburiyeen saldhigyo ay leeyihiin.
from VOA http://ift.tt/2uICDzy
via IFTTT
Shir ku Saabsan Doorashada Somalia oo ka Furmay Nairobi
Khubarro ka socota waddamada Carabta iyo kuwa Afrika iyo mas'uuliyiinta gudidga madaxa bannaan ee doorashada Soomaaliya ayaa maanta kulan uu uga furmay magaalada Nairobi.
from VOA http://ift.tt/2u9hSjv
via IFTTT
Dilal ka Dhacay Muqdisho iyo Beled Xaawo
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in goor hore oo saaka ah uu ka dhacay degmada Hodan. Maleeshiyada dilka gaysatay ayaa la sheegay inay goobta kaga baxsadeen mooto ay wateen. Dhinaca kalena magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa xalay lagu toogtay Guddoomiye ku xigeenkii ururka haweenka ee degmada Xaliimo Xasan Diiriye. Sidoo kale dablayda gaysatay ayaa isla goobta ka baxsatay. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalkan inkastoo maleeshiyada Al-Shabab ay inta badan sheegtaan dilalka ka dhacay waddanka. Jamaal Axmed Cismaan ayaa dilka guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Beled Xaawo ka wareystay guddoomiyaha ururkaas Canab Cabdi Cabdillaahi.
from VOA http://ift.tt/2u4s77W
via IFTTT
Wasiir Turkish ah oo loo Diiday inuu Galo Austria
Dowladda Austria ayaa wasiirka dhaqaalaha Turkiga ka mamnuucday inuu dalkaas soo galo, si uu uga qeyb-galo dibadbax lagu xusayo sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2tyrSBm
via IFTTT
Dagaalo Weli ka Socda Gudaha Mosul
Ciidamada Iraq ayaa weli sii wada in dagaalyahano kooban oo weli harsan ay kula dagaalamaan gudaha magaalada Mosul, xilli madaxda sare ee dalkaas ay u dabaal degayaan guul.
from VOA http://ift.tt/2uHLtgV
via IFTTT
Sunday, July 9, 2017
Cashuuro Saamayn ku Yeeshay Ganacsiga Boosaaso
Waxaa maanta albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada Boosaaso, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen canshuur macaash ah oo la dul dhigay ganacsatada ku jirta guryaha ijaarka ah.
from VOA http://ift.tt/2u0aF4u
via IFTTT
Saturday, July 8, 2017
Mareykanka oo 639 Milyan oo Dollar Ugu Deeqay Afar Dal oo Ay Somalia Ku Jirto
Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.
from VOA http://ift.tt/2sCrQ8z
via IFTTT
Mosul oo Dhaw Inay Ku Dhacdo Gacanta Ciraq
Ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonaan guusha dagaalka magaalada Mosul, taasoo soo dhameyn doonto qeyb ka mid ah khilaafada Daacish ee qeybta Ciraq.
from VOA http://ift.tt/2tVNCrX
via IFTTT
Gabar Sooomaaliyeed oo Mareykanka Timid Amarki Trump Kaddib
Gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington waxaa dhowaan soo gaartey Luul Mohamuud Yusuf (Diyaaboone) oo ku guuleysatey dal-kugalka Mareykanka uu bixiyo ee Lottery ama baqtiyaa-nasiibka.
from VOA http://ift.tt/2sTc1yu
via IFTTT
Barnaamijka Martida: Cumar Cabdirashiid
Barnaamijka Martida iyo Makrafoonka, waxaa toddobaadkan marti ku ah, oo aan ku wareesaneynaa ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2sYPdIV
via IFTTT
Dad Isku Qoys ahaa oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho
Wararka ka imanaya deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar lagu qaaday gaari halkaasi marayay ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 7 ruux.
from VOA http://ift.tt/2sYUwIt
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka xiisaha leh ee Caweyska Washington waxaa soo jeedineysa Sahra Ciidle Nuur. Dhageyso wanaagsan.
from VOA http://ift.tt/2u3CREy
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo Furay Kalfadhigga Baarlamanka
Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 2-aad ee baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2u3sdxk
via IFTTT
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa inoo haya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac iyo Caasha Ibraahim Aadan.
from VOA http://ift.tt/2sYO7Nr
via IFTTT
Friday, July 7, 2017
Wareysi: Cumar C/rashiid oo ka Hadlay Xiisadda Carabta
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mawqifka dhexdheaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ay ka qaatay xiisadda carabta.
from VOA http://ift.tt/2tQQAhi
via IFTTT
Faaqidaadda: Lacagta Been Abuurka
Qaar ka mid ah magaalooyinka bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii dhowaa laga diiday qaadashada lacagta shillin Soomaaliga, kaidb markii ganacsatada ay ku doodeen in lacag been abuur ah suuqa lasoo geeliyey. Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dhibaaootin badan oo xagga nolosha ah dadweynaha qabsaday. Haddaba barnaamijka faaqidaadda ayaan ku eegeynaa waxa sababay arrintan iyo sida xal loogu heli karo. Waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA http://ift.tt/2uyuHRc
via IFTTT
Tahriibiye loo Gacan Geliyey Dowladda Soomaaliya
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah mukhallisiinta dadka tahriibaya oo laga soo qabtay Suudaanta Koonfureed loo soo gacangeliyey dawladda Soomaaliya lana keenay Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2txWEZE
via IFTTT
Masar: Qarax Lagu Dilay 10 Askari
Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegey in qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari uu weerar ku qaadey bar kontorol oo ay milatarigu ku lahaayeen waqooyiga Sinai, waxaana weerarkaas lagu diley 10 ka mid ah ciidamdii milatariga.
from VOA http://ift.tt/2txQKYg
via IFTTT
Shirkado aan Canshuur Bixin oo ka Howlgala Xalane
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo hooy u ah qaar ka mid ah safaaradaha dalalka reer Galbeedka, Taliska Amisom iyo ganacsato ajnabi ah. Wafdi ka koobnaa wasiiro, wasiir ku xigeeno, iyo taliyaal ciidan ayaa shalay garoonka diyaaradaha Adan Cadde kula kulmay ganacsato u badnaa ajnabi. Wasiiradii kulanka joogay waxaa ka mid ahaa, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Eng. Cabdiraxman Yarisow. Nur Bukhaari ayaa khadka telefoonka kula xiriiray, waxana ugu horeyn uu weydiiyey ujeedada kulanka.
from VOA http://ift.tt/2sOf5fu
via IFTTT
Wada-hadalladii Qubrus oo Heshiis La'aan Dhammaaday
Wada-hadallo ay QM ku agaasintay dalka Switzerland oo looga gol lahaa in lagu dhammeeyo is-marin waaga muddo ka badan afartan sano kala qeybiyey jasiiradda Qubrus, ayaa dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah lagu gaarin.
from VOA http://ift.tt/2sN6XvG
via IFTTT
Thursday, July 6, 2017
Sicir-bararka oo Saamayntiisu Korodhay
Sicirbararka laga soo sheegayo qaybo badan oo Soomaaliya ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka ay ka dhaceen abaaro baahsan, sidoo kalena ay weli xidhan yihiin xoolihii Soomaaliya ay u iibgeyn jirtay debedda, taas oo dalka soo gelin jirtay lacag adag oo dollar ah.
from VOA http://ift.tt/2sQQu4O
via IFTTT
Waxgarad lagu Dilay Qarax ka Dhacay Gaalkacyo
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xaafadda Israac ee magaalada uu ku dhintay mid ka mid ah waxgaradka magaalada.
from VOA http://ift.tt/2tW6Rlr
via IFTTT
Ciidamada Amisom oo Rayid ku Dilay Duleedka Muqdisho
Laba qof ayaa dhimatay mid kalana waa uu dhaawacmay kadib markii baabuur la sheegay inuu ka mid yahay kuwa ciidamada AMISOM uu dulmaray maanta dad rayid ah oo waddada marayey, deegaanka Ceelasha Biyaha.
from VOA http://ift.tt/2uuqDS6
via IFTTT
Qalabka Maamulka Hawada oo la Geeyey Muqdisho
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaabo muhiim ah hore ugu qaadday sidii loo soo wareejin laha amaamulka hawada kadib markii manata dalka la keenay raadaar cusub oo qayb ka noqon doona mamaulka iyo gacan ku haynta hawada dalka oo in ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya. Dawladdu waxay sheegtay inay billwoday dhismaha qalabkan sida uu sheegay wasiirka duulista iyo gaadiidka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, ayaa ka warramaya arrintan.
from VOA http://ift.tt/2uuhOYr
via IFTTT
Banaanbaxyo ka Dhacay Gaalkacyo iyo Caabudwaaq
Bannaanbaxyo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Caabudwaaq iyo Gaalkacayo dhinaceeda Koonfureed ee maamul Goboleedka Galmudug, kuwaas oo ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaaliga.
from VOA http://ift.tt/2stiqMK
via IFTTT
Boosaaso: Xukun Lagu Riday Xubno Shabaab ah
Maxkamadda milatariga ee Puntland ayaa xukunno ku riday 11 qof oo ku eedaysnaa falal argagixiso, waxaana qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah.
from VOA http://ift.tt/2tMjrU9
via IFTTT
Mareykanka oo Qatar Airways ka Qaaday Xanibaadda
Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa sheegtay in rakaabka ay kombiyuutarada laptop-ka la kori karaan diyaaradaha duuliimaadyada tooska ku aadaya dalka Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2tkbTXy
via IFTTT
Wednesday, July 5, 2017
Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo Farriin u Diray Ardayda Soomaalida
Danjiraha Soomaaliaye u fadhiya dalka Maleysia, Abuukar Cabdi Cismaan, ayaa sheegey inay jiraan dad dallaaliin ah oo lacago ka qaata ardada dooneysa inay dal ku galka waddankaasi Malesiya helaan, taas oo uu sheegay in ay dhibaato ku noqoto ardada iyo safaaradduba.
from VOA http://ift.tt/2tOexFs
via IFTTT
Mareykanka oo Awood U Adeegsanaya Waqooyiga Kuuriya
Mareykanka ayaa wargeliyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaadi doono tallaabo milatari si uu uga hortago khatarta ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi, balse ay taasi ka doorbidayaan in arrinta lagu xaliyo hab diblamaasiyadeed iyo go,doomin dhinaca dhaqaalaha ah.
from VOA http://ift.tt/2uMu8mt
via IFTTT
Wareysi: Kheyre oo ka Hadlay Dakhliga Dowladda
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inay dawladdu ka shaqaynayso dejinta sharciyo u suurta geliyo hay'adaha dhaqaalaha inay kordhiyana dakhliga usoo xarooda dawladda.
from VOA http://ift.tt/2uptf3L
via IFTTT
Shabaab Lagu Dilay Dagaal ka Dhacay Duleedka Kismaayo
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 10 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ay ku dhinteen weerar ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.
from VOA http://ift.tt/2tQBt84
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 378
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 378-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2tQvQa0
via IFTTT
Al-Shabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Lamu
Wararka ka imanaya gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada booliiska Kenya oo ku yaalla degaanka lagu magacaabo Pandanguo.
from VOA http://ift.tt/2sGc00L
via IFTTT
Kim Jong Un: "Haddiyad ayaan u Dirnay Mareykanka"
Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa ku faanay tijaabadii guusha lahayd ee dalkiisa uu talaadadii ku sameeyey gantaal nooca riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ah.
from VOA http://ift.tt/2uJ7nQ1
via IFTTT
Tuesday, July 4, 2017
Qeybta Labaad ee Wareysi Ay VOA LA Yeelatay Ra'isulwasaare Kheyre
Qeybtan labaad ee wareysiga ay VOA la yeelatay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu ku xaqiijiyey in dawladda Itoobiya ay kusoo wareejineyso dawladda Soomaaliya 120 maxaabiis Soomaali ah oo waddankaasi ugu xiran dambiyo kala duwan.
from VOA http://ift.tt/2tHb2B0
via IFTTT
Mareykanka Oo Xusay Maalinta Xorriyadda
Shacabka Mareykanka ayaa shalay iyo xalay si weyn ugu dabaaldagay xuska maalinta xorriyada ee 4-ta July.
from VOA http://ift.tt/2tPjsqx
via IFTTT
Tillerson Oo Ku Baaqay Tallaabo Caalami ah Kadib Gantaalkii Kuuriyada Waqooyi
Xog-hayaha arrimaha dibada ee dalka Mareykanka Rex Tillerson, ayaa sheegay in loo baahanyahay tallaabo caalami ah si loo joojiyo khatarta ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi oo shalay tijaanbisay gantaal u muuqda inuu yahay nuuca isaga gudbi kara qaaradaha ee loo yaqaano Ballistiga.
from VOA http://ift.tt/2unxmx3
via IFTTT
Agaasimihii Hore Warfaafinta ee DFS Md. Bahlaawi oo Qarax Lala Eegtay
Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay agagaarka Taleex ee degmada Hodan.
from VOA http://ift.tt/2tFT1D8
via IFTTT
Wareysi: Ra'iisul Wasaare Kheyre
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay oggolaatay inay xorriyaddooda usoo celiso maxaabiis gaaraya 120 qof oo ku xidhnaa waddankaasi.
from VOA http://ift.tt/2smYj2y
via IFTTT
Qalalaase ka Taagan Lacagta Shilin Soomaaliga
Mas'uuliyiinta magaalooyinka bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in weli uu hoos u sii dhacayo qiimaha shilinka Soomaaliga marka loo eego lacagta doollarka.
from VOA http://ift.tt/2tFfUa9
via IFTTT
Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa
Diyaaradda Air Arabia ee dalka Imaaraadka laga leeyahay ayaa maanta si rasmi ah duullimaadyo uga bilowday garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Masuuliyiin ay ka mid yihiin ku-simaha madaxweynaha Somaliland, ahna ku xigeenka madaxweynaha, hoggaanka xisbiyada siyaasadda, wasiirro iyo xubno kale ayaa ka qaybgalay munaasibaddii furitaanka duullimaadyadan. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2sm5qs6
via IFTTT
Weerar Hoobiye oo Qof ku Dilay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay hoobiyaal lagu tuuray qaybo ka mid ah magaalada.
from VOA http://ift.tt/2td55Lr
via IFTTT
Soomaali lagu Casumay Barnaamijka YALI
Rooda Cabdullaahi Cali waxay ka timi Somaliland, waxayna ka mid tahay arday Soomaali ah oo lagu soo casumay barnaamij lagu martiqaado dhalinyarada Afrika kaas oo lagu magcaabo YALI.
from VOA http://ift.tt/2sI4WvH
via IFTTT
Korea-da Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal Kale
Korea-da Waqooyi ayaa maanta sheegtay inay si guul leh u jitaabisay gantaalo nooca riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ah.
from VOA http://ift.tt/2sBDLaK
via IFTTT
Monday, July 3, 2017
Trump oo Markale Merkel La Kulmaya
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu la kulmo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel kahor inta uusan ka qeybgalin shirka ay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ku yeelan doonaan dhamaadka todobaadkaan madaxda dalalka ugu awoodda badan dhinaca qaalaha caalamka. Afhayeen u hadlay Merkel oo lagu magacaabo Steffen Seibert ayaa sheegay in labada hogaamiye ay u badantahay inay kulmaan saacadaha danbe ee Khamiista, ka hor inta uusan furmin shir madaxeedka dalalka loogu yeero G-20. Dhinaca kalana, madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay Isniintii inuu khadka telefoonka kula hadlay janselerka Jarmalka Aneglo Markel, madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron iyo Ra'isulwasaaraha Talyaaniga Paolo Gentiloni. War laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu madaxda uu telefoonka kula hadlay kala sheekeystay arrimo ay ku jiraan xiriirka diblamaasiyada, isbadalka cimilada, ganacsiga iyo qaxootiga.
from VOA http://ift.tt/2uk2cqE
via IFTTT
NRC: Boqollaal ayaa Daacuunka Ugu Dhintay Soomaaliya iyo Dalal Kale
Hay'adda qaxootiga Norway ee NRC ayaa war-saxaafeed ay soo saartay ku sheegtay in ay dad boqollaal ah ugu dhinteen cudurrada daacuunka iyo shuban biyoodka dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay
from VOA http://ift.tt/2sFdDqz
via IFTTT
Jabuuti oo Codsatay Goobjoogeyaal Afrikan ah
Dawladda Djibouti ayaa ka codsatay ururka Midawga Yurub inay goobjoogayaal u diraan xuduudda muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago dalka Eriteria, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
from VOA http://ift.tt/2uioYz2
via IFTTT
Mareykanka oo Weerar ka Fuliyey Soomaaliya
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shalay duqayn ka gaysatay Soomaaliya, isla markaana qiimayn lagu samaynayo natiijada weerarka.
from VOA http://ift.tt/2t9f98a
via IFTTT
Wareysi: Xusuusta Weerarka Pizza House
Maxamed Ibraahim waxa uu ahaa xisaabiyaha Pizza House oo ururka Al-Shabab ay weerareen ku dhowaad 20 maalmood ka hor. Maxamed waxa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee laga soo badbaadiyo Pizza House. Habeenkii weerarka socda waxa uu ku jiray gudaha xarunta gaar ahaan qol yar oo ka mid ah dhismaha, waxana dhagahiisa ku soo dhacayay dad rayid ah oo ay tooganayeen Al-Shabab iyo daryanka madaafiicda meesha uu gabaadsanayay. Waxa uu hadda isku diyaarinayaa in uu shaqadiisii dib u bilaabo, waxa uuna VOA-da uga warramay sidii ay wax u dhaceen.
from VOA http://ift.tt/2tIgAvF
via IFTTT
Shariif Xasan oo ka Hadlay Abu Mansuur
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shriif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhaweeyey liiska argagixisada ee Mareykanka uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2syIXw1
via IFTTT
Dagaal Culus oo ka Dhacay Gedo
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Birta Dheer oo 20 KM dhinac Buurdhuubo kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
from VOA http://ift.tt/2siYex5
via IFTTT
Mareykanka oo Xayiraadda ka Qaaday Shirkadda Etihad
Dowladda Mareykanka ayaa axaddii shirkadda diyaaradaha ee Etihad ee dalka Imaaraadka ka qaaday xayiraadihii laga saaray in dadka soo raacaya ay soo aadaya Mareykanka ay lasoo koraan laptop-yada.
from VOA http://ift.tt/2tI2vOC
via IFTTT
Xulufada Sacuudiga oo Waqtiga u Kordhiyey Qatar
Xulufada Sacuudiga ee muranka diblomaasiyeed uu kala dhaxeeyo Qatar ayaa maanta sheegay inay muddo 48 saac ah ugu kordhinayaan Qatar inay ku aqbasho dalabyadooda.
from VOA http://ift.tt/2ugWl5k
via IFTTT
Sunday, July 2, 2017
Dhageyso: Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha
Barnaamijka Wicitiaanka Dhageystaha ee todobaadkan waxaa uu ku saabsanyahay mabnuucista dalka Mareykanka laga mabnuucay in ay soo galaan si ku meelgaar ah muwaadaniinta lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto iyo qoxootiga. Barnaamijka waxaa inoo soo diyaariyey Jaamac Buulle Jaamac.
from VOA http://ift.tt/2ueKt3Q
via IFTTT
Sideed Qof oo ku Dhintay Weerarka Syria
Telefiishanka dalka Syria ayaa ku waramay in gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala bartilmaameedsaday barxadda Taxriir ee ku taalla Dimishiq maanta oo Axad ah, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan sideed qof.
from VOA http://ift.tt/2teD4RY
via IFTTT
Saturday, July 1, 2017
Qatar oo Markale Gaashaanka Ku Dhifatay Dalabka Isbaheysiga
Dowlada Qatar ayaa mar kale ku celisay inaysan aqbali doonin dalabki ay u gudbiyeen dowladaha uu hogaaminayo Sacuudiga ee go,doomiyey, xilli hal maalin oo kaliyah ay ka hartay mudada loo qabtay in Qatar ay ku aqbasho 13 sharuudood oo loo soo gudbiyey.
from VOA http://ift.tt/2seJRJT
via IFTTT
Iman Maxamed: Waxaan Xaadir Ahaa Habeenki La Saaray Calanka Soomaaliya 1960-ki.
Magaalooyinka ay ku badanyihiin Soomaalida ee ku yaalla dalka Mareykanka ayaa xalay laga xusay sanadguuradii 57-aad ee maalinta xorriyada Soomaaliya ee 1-da Luulyo.
from VOA http://ift.tt/2txtvzU
via IFTTT
Imtixaanadii Shahaadada oo Somaliland ka Bilowday
Arday tiradoodu ku dhawdahay 27,000 oo arday ayaa maanta imtixaanka shahaadiga ah u fadhiistay guud ahaan Somaliland
from VOA http://ift.tt/2tCi0aO
via IFTTT
Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka waxaa inala socodsiinaya Jamaal Axmed Cismaan.
from VOA http://ift.tt/2ub1uMj
via IFTTT
Barnaamijka Martida Mikrofoonka
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiirka Beeraha ee Somalia, Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlaya bariis caag ah oo laga hadlayey inay suuqa Somalia la keenay
from VOA http://ift.tt/2sdi7Wf
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washigton
Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiinku haynaa xubno xiiso badan oo iskugu jira sheekooyin iyo suugaan
from VOA http://ift.tt/2tw65ew
via IFTTT