Halkaan ka dhageyso falanqeyn ku saabsan wararki ugu danbeeyey ee Ciyaaraha Kubadda Cakta.
from VOA http://ift.tt/2iNQFOH
via IFTTT
Thursday, August 31, 2017
Dhageyso Falanqeyn Ku Saabsan Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda oo Xirmay
Warbixin: Tirada Ciidanka Amisom oo La Dhimayo
Arbacaddii la soo dhaafay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale muddo kordhin u sameeyay sharciyadda howlgalka ciidmada Midowga Africa ee Somalia, iyo in la dhimo tirada ciidamada dhamaadka sanadkan.
from VOA http://ift.tt/2enAkeg
via IFTTT
Dunida Muslimka oo Maanta Looga Dabaaldagayo Ciidul Adxa
Muslimiinta ka badan halka bilyan iyo sideedda boqol ee million ee dunida ku nool ayaa xalay bilaabay badankood inay u dabaal degaan munaasabadda ciidul adha, ee lagu maamuuso maalinta sadexaad ee xajka, oo ka mid ah shanta tiir ee Islamka.
from VOA http://ift.tt/2iLpGmA
via IFTTT
Ciraaq oo Ku Dhawaaqday Inay Qabsatay Tal Cafar
Ra'isulwasaaraha dalka Iraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh (Ninweh).
from VOA http://ift.tt/2wriNKj
via IFTTT
Laacibiin Caan Ah oo Lagu Kala Gatay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda Xalay
Waxaa xirmay inta badan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Qaarada Yurub, iyadoo kooxaha ay ciyaartooy keensadeen kuwo kalana ay iska fasaxeen ama gadeen.
from VOA http://ift.tt/2ena6bQ
via IFTTT
Ethiopia oo Xaqiijisay in Loo soo Dhiibay Qalbi-Dhagax
Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
from VOA http://ift.tt/2vMDYVd
via IFTTT
Dhageyso Xubinta Cayaaraha
Xubinta Ciyaaraha waxaad ku dhageysan doontaan qodobbo goos goos ah oo ciyaareed iyo sidoo kale kulamo ka tirsan is reeb reebka koobka adduunka. Jamaal Axmed Cismaan ayaa inala socodsiinaya.
from VOA http://ift.tt/2vIgkKB
via IFTTT
Meydadka Dadkii lagu Dilay Weerarkii Bariire oo La Aasay
Maydadka 10 qof oo ku dhintay howlgal wadajir ah oo ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanku ay toddobaadkii hore ka fuliyeen degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2vMi9FD
via IFTTT
3 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kenya
Saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii gaarigii ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday waddo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda.
from VOA http://ift.tt/2vM9t1I
via IFTTT
Tottenham oo lasoo saxiixatay Serge Aurier
Kooxda kubadda cagta Tottenham ee dalka Ingiriiska ayaa lasoo saxiixatay daafaca garabka midig ee kooxda PSG, Serge Aurier, oo ay kusoo iibsatay 23 milyan oo gini. Cayaaryahankan u dhashay dalka Ivory Coast oo 24 jir ah ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo socon doona illaa sanadda 2022. "Waa bilow ii cusub, waxaana iga go'an inaan muujiyo kartideyda" ayuu yiri laacibkan oo hadlay kadib ku biiristiisa kooxda Tottenham Dhinaca kale naadiga Tottenham ayaa ku dhow saxiixa laacibka kooxda Swansea Fernando Llorente, kadib markii ay heshiis la gaartay kooxdiisa. Cayaaryahankan 32 jirka ah, ayaa la sheegay inuu naadiga Spurs uga fariisan doono lacag dhan 15 milyan oo gini.
from VOA http://ift.tt/2vv1nzf
via IFTTT
Alex Oxlade-Chamberlain oo ku biiray Liverpool
Koxoda kubadda cagta Liverpool ayaa lasoo saxiixatay xiddigii koxoda Arsenal iyo xulka qaranka England Alex Oxlade-Chamberlain. Laacibkan ayaa naadiga Liverpool ugu wareegaya lacag dhan 40 milyan oo gini oo ay kooxaha Arsenal iyo Liverpool ku heshiiyeen. Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka tagay Arsenal kadib markii uu ku gacan seeray inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda, waxaana qandaraaskiisa uu ku ekaa xilli cayaareedkan. Naadiga Arsenal oo lumin kartay xiddigan ayada oo aan wax lacag ka helin, ayaa go'aan ku gaartay inay iibiso, si ay faa'iido uga hesho. Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka hor Liverpool, wuxuu ku gacan seeray inuu ku biiro kooxda Chelsea, oo sidoo kale heshiis 40 milyan oo gini ah la gaartay Arsenal. Waxaa la sheegay in sababta uu Liverpool u doortay ay tahay ayada oo loo ballan qaaday inuu qadka dhexe ka cayaarayao, halka Chelsea ay dooneysay inay garabka midig ka cayaarsiiso.
from VOA http://ift.tt/2vHPnq9
via IFTTT
Wednesday, August 30, 2017
Malaayiin Xujaaj ah oo Maanta Taagan Banka Carrafa
Malaayiin xujaaj ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka. Xujaajta ayaa taagnaan doona banka carrafa taasoo bilaaban doonta marka ay qorraxda soo baxdo ilaa ay qorraxda ka dhaceyso.
from VOA http://ift.tt/2xzOocS
via IFTTT
Ra'isulwasaare Kheyre oo Beeniyey Inuu Isku-shaandheyn Ku Sameynayo Xukuumaddiisa
Ra'isulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay inuusan isku shaandheyn ku sameyn doonin xukuumaddiisa.
from VOA http://ift.tt/2xzJwVn
via IFTTT
ONLF: Wareejinta Cabdikarim Waa Khiyaano Cad oo Lagu Sameeyey Umadda
Ururka ONLF ayaa sheegay shalay in mas'uul sare oo ka tirsanaa ururkaasi oo toddobaadkii hore laga qabtay magaalada Gaalakacayo loo gacaan geliyey dawladda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2wL2oTU
via IFTTT
Wiil Soomaali ah Oo Isku Dilay Dalka Quburus
Wararka naga soo gaaraya magaalada Larnaca ee dalka Qubrus ayaa sheegaya in wiil Soomaali ah oo 18 jir ah uu halkaasi isku dilay kadib marki loo diiday in magangalyo laga siiyo dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2xzGRLo
via IFTTT
Barcelona oo Mar Kale Ku Hungoowday Dybala
Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa ku gacan seyrtay dalab ku kacaya €160m (Boqol iyo lixdan Milyan oo Yuro) oo ay ku dooneyso in ay ku gadato laacibka da,da yar ee kooxda Juve, Paulo Dybala.
from VOA http://ift.tt/2eGJ4gf
via IFTTT
Shil Khasaare Sababay oo Ka Dhacay Duleedka Jowhar
25 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay dhaawacmeen kadib marki baabuur xamuul ah oo ay la socdeen uu ku gaddoomay deegaanka Crash Program oo qiyaasti 10-km dhinaca koofureed kaga beegan magaalada Jowhar ee xarnta gobolka Shabeelaha Dhexe.
from VOA http://ift.tt/2iLJ3fA
via IFTTT
Muqdisho: Shirkii Arrimaha Qaxootiga oo Lasoo Xiray
Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa maanta soo xiray shirweyne looga hadlayay arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, kaasoo 3-dii maalmood ee ugu dambeysay ka soconayay magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2wJzMu7
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 386
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 386-aad. Barnaamijka oo dhan hoos ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2wnT45C
via IFTTT
Somaliland: Heshiis Lagama Gaarin Maamulka Hawada
Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa sheegtay in aanay Hay'adda QM u qaabilsan duullimaaddada madaniga ah ee ICOA ay maamulka hawada sii hayn doonto ilaa sannadka dambe, isla markaana aan wali heshiis laga gaadhin cidda lagu wareejinayo maamulka. Wasiirka wasaaradda duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa VOA u sheegay in arrinta maamulka hawadu yahay mid u yaalla wadahadalladii hakaday ee u dhaxeeyay dawlada Soomaaliya iyo Somaliland. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa wasiirka waraystay. Waxaanu ugu horrayn wasiirku ka hadlayaa sida ay u arkaan in Hay'adda ICOA maamulkii hawada ay ku wareejinayso dawladda Federaalka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2xMB9oG
via IFTTT
J/Hoose: Dagaal Dhex Maray Jubaland iyo Shabaab
Wararka ka imaanaya deegaanka Miidow oo 25 km dhinaca Kismayo ka xiga magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta dagaal ku dhex maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay tuuladaasi, oo saldhig u ah maleeshiyada Al-Shabaab au weerar ku qaadeen ciidamada Jubbaland. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa dagaalkaasi ka wareystay abaanduulaha ciidamada Jubbaland ee aagga Afmadow Mahad Maxamed Islaam.
from VOA http://ift.tt/2wSy4qX
via IFTTT
Dad ku Dhintay Dagaal Beeleed ka Dhacay Mudug
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaanka Jeexdin ee bariga gobalka Mudug.
from VOA http://ift.tt/2xxBAnG
via IFTTT
Benedikt Howedes oo ku biiraya Juventus
Daafaca kooxda kubadda cagta Schalke iyo xulka qaranka Jarmalka Benedikt Howedes ayaa maanta tijaabada caafimaad u maraya kooxda Juventus. Laacibkan ayaa waxaa kooxda Juventus ay soo bandhigtay sawiradiisa isaga imanaya xarunta kooxda, waxaana ay bayaan ku sheegtay inuu billaabay tijaabada caafimaad. Howedes oo 29 jir ah ayaa xirfaddiisa cayaareed oo dhan wuxuu u dheelayey naadiga Schalke, isaga oo lixdii sano ee ugu dambeysay ahaa kabtanka kooxdaas. Benedikt Howedes ayaa 44 kulan u saftay xulka qaranka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa cayaartii kama dambeysta ee koobkii adduunka ee 2014, markaasi oo Jarmalka ay 1-0 kaga adkaadeen xulka Argentina. Weli lama shaacin qiimaha lacageed ee Juventus iyo Schalke ay ku heshiiyeen, si laacibkan uu ugu biiro naadiga ka dhisan magaalada Turin ee dalka Talyaaniga.
from VOA http://ift.tt/2vEgBy3
via IFTTT
Barcelona oo ku soo biirtay loolanka loogu jiro Lemar
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro xiddiga garabka bidix ee weerarka ka cayaara ee kooxda Monaco, Thomas Lemar. Lemar ayaa la sheegay in Barcelona uu u yahay qorshaheeda B, haddii ay ku guul darreysato inay lasoo wareegto xiddiga kooxda Liverpool Philippe Coutinho. Naadiga Liverpool ayaa diiday saddex dalab oo kii ugu badnaa uu ahaa 135 milyan oo gini oo ay Barcelona usoo bandhigtay, si ay uga soo qaadato Coutinho. Liverpool, ayaa ayaduna sidoo kale dooneysa Lemar, waxaana laga diiday saddex dalab oo ay Monaco u gudbisay oo kii ugu dambeeyey uu ahaa 65 milyan oo gini. Laacibka xulka qaranka Faransiiska ayaa lagu qiimeeyey 75 milyan oo gini, balse Monaco ayaa sheegeysa inuusan iib ahayn. Suuqa kala iibsiga cayaartoyda Yurub ayaa waxa uu xirmayaa habeenka khamiista 31-ka August.
from VOA http://ift.tt/2vEeZV3
via IFTTT
Duufaanta Harvey oo ka Wareegtay Houston
Magaalada Houston ee gobolka Texas ayaa la filayaa in ugu dambeyn maanta ay ka nasato duufaanta Harvey kadib markii ay ka dhaqaaqday bariga Texas una jihaysatay gobolka deriska la ah ee Louisiana.
from VOA http://ift.tt/2goW79A
via IFTTT
Tuesday, August 29, 2017
Falanqeyn: Siduu Dhaqaalaha Dalka U Saameyn Karaa Qiima Dhaca Shilin Soomaaliga
Muddo sanada ahba waxaa qiimaheedu sii dhimanayay lacagta shilin Soomaaliiga taasoo jahwareer gelisay suuqyada ganacsiga.
from VOA http://ift.tt/2xwiPAR
via IFTTT
Kim Jong Un Muxuu Ka Yiri Gantaalka ay Ka Dul Rideen Japan?
Kuuriyada Waqooyi ayaa marki ugu horreysay ka hadashay gantaal ay Isniintii dul marsiisay hawada dalka Japan, iyada oo sheegtay in ay uga jawaabeysay dhoolatuska millatari ee ay ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed dhawaan sameeyeen.
from VOA http://ift.tt/2x34nmb
via IFTTT
Trump oo Booqday Texas
Qorraxda ayaa marki ugu horreysay usoo baxday magaalada Houston ee gobolka Texas tan iyo marki ay garaacday duufaanta Harvey Jimcihi lasoo dhaafay.
from VOA http://ift.tt/2vDll72
via IFTTT
Keita Balde Diao oo Ku Biiray Monaco
Ugu danbeyntiina weeraryahankii kooxda Lazio Keita Balde Diao ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Monaco.
from VOA http://ift.tt/2vDlTJW
via IFTTT
Arsenal oo Manchester City u Diiday Sanchez
Kooxda Arsenal ayaa diiday 50 milyan oo yuro oo ay u soo bandhigtay kooxda Manchester City oo aad u rabta weeraryahan Alexis Sanchez.
from VOA http://ift.tt/2wmQRHP
via IFTTT
Chamberlain oo Ku Giirtay Chelsea
Laacibka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diiday inuu ku biiro kooxda Chelsea oo ku dooneysa lacag dhan afartan milyan oo yuro.
from VOA http://ift.tt/2wRbMWb
via IFTTT
David Villa oo Looga Yeerey Xulka K.Cagta Spain
Tababaraha xulka kubadda cagta dalka Spain Julen Lopetegui ayaa ku daray liiska ciyaartooyda xulka dalka Spain la dheeli doona xulka waddanka Talyaaniga, David Villa, kulan ka tirsan is reeb reebka koobka adduunka.
from VOA http://ift.tt/2vBxpWi
via IFTTT
Stevan Jovetic oo Ku Biirey AS Monaco
Kooxda AS Monaco ee dalka Faransiiska ayaa heshiis afar sano ah la saxiixatay xiddigii hore ee kooxda Inter Milan Stevan Jovetic.
from VOA http://ift.tt/2wPGgbl
via IFTTT
Amuuraha Maraykanka: Duufaanta Harvey ee Gobolka Texas
Gobolka Texas ee dalkan Maraykanka waxaa ka dhacday duufaan loogu magac daray Harvey, taas oo dad ku dhinteen. Haddaba Barnaamijka Amuuraha Maraykanka ayaan ku soo qaadanaynaa, waxaana innala socodsiinaya Maxamed Cabdi Xasan Sandheere.
from VOA http://ift.tt/2iGQW5Z
via IFTTT
Dowladda Somalia oo la Wareegeysa Maamulka Hawada
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammaadka bisha October ee soo socota ay lasoo wareegi doonto maamulka hawada oo muddo ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya.
from VOA http://ift.tt/2xueHkT
via IFTTT
Sarkaal Shabaab ah oo Isku Dhiibay Maamulka Gedo
Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta gobolka uu isku soo dhiibay xubin ka tirsanaan jiray ururka Al-Shabab.
from VOA http://ift.tt/2wf9O0C
via IFTTT
11 Qof oo ku Dhintay Shil ka Dhacay Kenya
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii baabuur rakaab ah iyo baabuur xamuul ay isku dhaceen, waddada Bangal-Ukasi ee deegaanka Tana River ee dalka Kenya.
from VOA http://ift.tt/2xu4CnX
via IFTTT
City oo xoojisay dadaallada ay ku dooneyso Sanchez
Manchester City ayaa xoojisay dadaallada ay ku dooneyso inay kula soo wareegto xiddiga kooxda Arsenal iyo xulka Chille Alexis Sanchez, ayada oo wax ka yar 72 saacadood ay ka hareen xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga cayaartoyda. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in City ay diyaar u tahay in Arsenal ay siiso Raheem Sterling iyo lacag, si ay ula soo wareegto Sanchez. Macallin Pep Guardiola ayaa lagu warramay inay ka go'an tahay inuu 29 jirkan keeno garoonka Eithad, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, maalinta khamiista. Warbaahinta dalka Chile ee T13 ayaa maanta sheegtay in Sanchez uu weydiisto xulka Chile, oo uu tababar la qaadanayey, in la fasaxo si uu arrimo u gaar ah usoo dhameeyo. Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in Arsenal ay dooneyso Sergio Aguero in sidoo kale uu heshiiska qeyb ka noqdo, inkasta oo City ay ku adkeysaneyso in laacibkaas uusan iib ahayn. Sanchez ayaa la sheegay inuusan ku faraxsaneyn joogitaanka arsenal oo uu doonayo inuu ka tago.
from VOA http://ift.tt/2xu7dhU
via IFTTT
Bakayoko: Wax cabsi ah kama qabo Drinkwater
Tiemoue Bakayoko ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin inuu waayo booskiisa kooxda Chelsea, haddii uu kooxda kusoo biiro xiddiga kooxda Leicester City, Danny Drinkwater. Kooxda Chelsea ayaa lagu warramay inay yabooh dhan 32 milyan oo gini u gudbisay Leicester, si ay ugala soo wareegto Drinkwater, ayada oo isku dayeysa inay xoojiso qadka dhexe ee kooxda. Drinkwater ayaa si wanaagsan ay isku fahmeen xiddiga iminka u cayaara kooxda Chelsea N'Golo Kante, oo ay ka wada tirsanaayeen kooxda Leicester, markii ay hanatay horyaalka Premier League, xilli cayaareedkii 2015/2016. Waxaa suurta-gal ah inay mar kale ku midoobaan qadka dhexe ee Chelsea, hase yeeshee Bakoyoko ayaa sheegay in imaanshaha Drinkwater ay wax wanagsan u tahay Chelsea. "Aniga wax ciyaaryahan ah kama cabsi qabo. Koox walba waxay u baahan tahay in boosaskeeda lagu loolamo, taasi waxay sii horumarin kartaa cayaaryahan walba" ayuu Bakoyoko u sheegay SFR.
from VOA http://ift.tt/2x0krVS
via IFTTT
Yurub oo Ogolaatay Qorshe Lagu Soo Qaadayo Muhaajiriinta Afrika
Koox hoggaamiyayaal Yurub iyo Afrikan ah ayaa isku raacay inay dejiyaan qorshe dadka Afrikaanka ah ee usoo haajiraya Yurub looga soo qaadi karo dalalkooda, intii ay soo gali lahaayeen safarka halista badan ee badda Mediterranean-ka.
from VOA http://ift.tt/2vGvLC8
via IFTTT
Qarax Dad Badan Lagu Dilay oo ka Dhacay Kabul
Qof ismaadaamiyey ayaa weerar ku qaaday dad isugu soo baxay meel dibedda ka ah banki ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaasi oo uu ku dilay shan qof, islamarkaana uu sagaal kale ku dhaawacay, sida uu afhayeen ka tirsan booliska u sheegay VOA.
from VOA http://ift.tt/2vnQLlK
via IFTTT
Monday, August 28, 2017
MINEAPOLIS: Waddo Loogu Magac Daray Nin Soomaaliyeed
Magaalada Minneapolis waxaa shalay la dhagax dhigay waddo loogu magac daray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas'uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalkan Mareykanka xil looga doorto.
from VOA http://ift.tt/2vnxsJf
via IFTTT
Houston oo Wali La Halgameysa Fatahaad Baaxadweyn
Roobab xoog leh ayaa wali ka da,aya magaalada Houston ee gobolka Texas, kuwaasoo sii cakiray howlaha gurmadka ah ee ay wadaan kooxaha dadka badbaadiya, kadib marki ay halkaasi garaacday duufaanta Harvey.
from VOA http://ift.tt/2wdHDPi
via IFTTT
Dhageyso Wararki Ugu Danbeeey Ciyaaraha
Halkaan ka dhageyso wararki ugu danbeeyey ee ciyaaraha kubadda cakta, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo caalamka intaba.
from VOA http://ift.tt/2xsP97D
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Qurbe ee Toddobaadkan
Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxuu ku saabsan yahay kala duwanaanshaha nolosha qurbaha iyo tan Africa oo sal u noqotey in aabayaasha Soomaaliyeed ee Qurbaha ay ka duwanaadaan kuwa wadanka ku dhaqan, sababa la xariiro culeyska qurbaha iyo qaysaska. In badan ayaa waxaa qoysasku ay ku kala tagaan ama ay guryaha ku dumaan marka is faham waa xagga nolosha ah ay lasoo gudboonaato hooyada iyo aabaha qoyska. Haddaba Barnaamijka qurbe oo arrinkaasi ku saabsan todobaadkan waxaa inoo haysa Sahra Cabdi Axmed.
from VOA http://ift.tt/2wcL5tP
via IFTTT
Shir ku Saabsan Arrimaha Qaxootiga oo Muqdisho ka Furmay
Shirweyne looga hadlayo xal u helida qaxootiga Soomaaliya dib ugu noqonaya iyo dadka barakacayaasha ee Soomaaliya ku nool ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay.
from VOA http://ift.tt/2wWO4XU
via IFTTT
Liverpool oo heshiis ka gaartay saxiixa Naby Keita
Kooxda Liverpool ayaa heshiis ka gaartay saxiixa Naby Keita oo qadka dhexe uga cayaara kooxda RB Leipzig ee dalka Jarmalka, wuxuuna kusoo biirayaa kowda july ee 2018. Liverpool ayaa bixisay 48 milyan oo gini oo ah heshiis nasakha laacibkan ee xilli cayaareedka dambe iyo lacag kale oo dheeri ah oo u ogolaaneysa in heshiiska iminka la gaaro. 22 jirkan ayaa muddo diiradda u saarnaa macallinka Liverpool Jugen Klopp, oo isku dayayey inuu lasoo wareego xilli cayaareedkan, hase yeeshee kooxda RB Leipzig ayaa diiday inay sanadkan iibiso. Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta guud ee heshiiska ay gaareyso 70 milyan oo gini. Cayaaryahankan ayaa noqon doona xiddigii ugu qaalisanaa ee Liverpool ay iibsato, wuxuuna ka sare marayaa Andy Caroll loo ay Liverpool ku iibsatay 35 milyan oo gini, sanaddii 2011.
from VOA http://ift.tt/2vlkNGI
via IFTTT
Warbixin: Kala Hadalka Dowladda ee Dhacdadii Bariire
Dowlada federaalka Somaliya ayaa Jimcihii siyaabo kala duwan uga hadashey weerar la sheegey in lagu diley dad rayid ah. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa VOA-da u sheegey in dadka la diley ay hubeysnaayeen, balse la baarayo qaabka weerarkaas uu u dhacay. Wasiirka Warfaafinta ayaa isna bartiisa facebooka soo dhigey weerarkaas in lagu diley dad ka tirsan Al-Shabaab inkastoo markii dambe uu soo saaray qoraal muujinaya inay laba weerar oo kala duwan ay dhaceen. Sidoo kale waxaa isna ka hadley weerarkaas taliyaha ciidamada Somalia oo sheegey in weerarkaas lagu diley dad rayid ah. Falastin Axmed Iiman ayaa warbixin arrintan inooga diyaarisey.
from VOA http://ift.tt/2vwC1NC
via IFTTT
Taliyaha Booliska Puntland oo Shaqada Laga Joojiyey
Taliyaha Booliiska ee Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax "Ereg" ayaa sheegay in xilkii uu hayey uu ka joojiyey madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedkaasi Cabdulxakiim Cabdullaahi Cumar Camey.
from VOA http://ift.tt/2wMhYyG
via IFTTT
Dowladda oo Eegeysa Tayada Jaamacadaha Dalka
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay dib u habeyn ugu sameynayso Jaamacaddaha tirada badan ee ka jira dalka.
from VOA http://ift.tt/2xG9JAT
via IFTTT
Duufaan iyo Roobab Weli ka Socda Houston
Magaalada Houston iyo deegaanada ku dhow ee gobolka Texas ayaa waxaa weli garaacaya roobab duufaano wata, oo la filayo inay sii socdaan maalmaha soo aadan, ayada oo kooxaha gurmadka ay isku dayayaan inay gaaraan dadka ku dhex xanniban daadadka.
from VOA http://ift.tt/2wbiWDd
via IFTTT
Liverpool oo isku dayeysa inay lasoo wareegto Lemar
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lacag 55.5 milyan oo gini ku dalbatay xiddiga kooxda Monaco Thomas Lemar, sida ay warbaahinta Ingiriiska qaarkood shaaciyeen maanta. Wararka ayaa sheegaya in Monaco aysan weli aqbalin ama diidin dalabka ka yimid Liverpool, ayna qiimeynayaan. Kooxda Arsenal ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey isku dayeysay inay lasoo wareegto xiddigan, ayada oo mar laga diiday yabooh 30 milyan oo gini ahaa oo ay u gudbisay Monaco. Monaco ayaa marar badan ku cel-celisay in Lemar uusan iib ahayn, kadib markii ay horey u iibisay xiddigo muhiim ahaa sida Bernardo Silva iyo Benjamin Mendy oo ay ka iibisay Manchester City iyo Tiemoue Bakayoko oo ku biiray Chelsea. Thomas Lemar oo xulka qaranka Faransiiska ka tirsan ayaa 12 gool dhaliyey 39 kulan oo uu saftay xilli cayaareedkii tagey.
from VOA http://ift.tt/2xqCli8
via IFTTT
Roobabka iyo Duufaanta ku Dhuftat Texas oo sii Xoogeysanaya
Magaalada Houston iyo deegaanada ku dhow ee gobolka Texas ayaa waxaa weli garaacaya roobab duufaano wata, oo la filayo inay sii socdaan maalmaha soo aadan, ayada oo kooxaha gurmadka ay isku dayayaan inay gaaraan dadka ku dhex xanniban daadadka.
from VOA http://ift.tt/2wLBn2Y
via IFTTT
Sunday, August 27, 2017
Liverpool oo Si Xaraga Leh Uga Badisay Arsenal
Kooxda Liverpool ayaa si xaraga leh uga badisay Arsenal, kadib marki ay 4-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska taasoo galabnimadi Sabtida ku dhexmartay garoonka Anfield ee magaalada Liverool.
from VOA http://ift.tt/2wgwFHw
via IFTTT
Qodobbo Kasoo Baxay Wadahadalladi Somaliland Iyo Khaatumo
Guddiga wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo oo maalmahanba wada-hadallo ku lahaa magaalada Hargeysa, ayaa maanta warbaahinta u sheegay in ay ka soo baxeen qodobbo la xidhiidha shir la qabanayo oo labada dhinac ah.
from VOA http://ift.tt/2wfWJm8
via IFTTT
Faah-faahinta Qaraxi Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay waddada ugu mashquulka badan magaalada ee Maka Al-Mukarama galabta, qaraxaasi oo ay ku dhaawacmene ugu yaraan laba qof.
from VOA http://ift.tt/2wSH7ae
via IFTTT
Deg-Deg: Qarax ka Dhacay Muqdisho
Qaraxan oo ah mid xooggan ayaa laga maqlay waddada Makkah Al-Mukaramah, waxaana dadweynaha magaalada Muqdisho ay meel fog ka arkeen qiiqa ka baxayey halkaasi, iyada oo aanan wax khasaare ah wali la sheegin.
from VOA http://ift.tt/2xDKTkU
via IFTTT
Chelsea oo Ka Badisay Everton
Kooxda Chelsea ayaa soo xareysatay guusheedii labaad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriisa ee xilli ciyaareedkan, kadib marki ay galabta si fudud uga badisay kooxda Everton.
from VOA http://ift.tt/2wT63Pa
via IFTTT
Juventus oo Raadineysa Andre Gomes
Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa diyaar la ah inay 33 milyan oo euro ka bixiso laacibka kooxda Barcelona Andre Gomes.
from VOA http://ift.tt/2iA9xQP
via IFTTT
Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Muqdisho
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay waddada ugu mashquulka badan magaalada ee Maka Al-Mukarama.
from VOA http://ift.tt/2ggw1Ws
via IFTTT
Somaliland: Gudd. Kuxigeenka 1aad oo la Doortay
Fadhiga maanta ayaa xilkaa guddoomiye-xigeenka koowaad loo doortay Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, iyada oo ururrada saxaafaddu mid sharciga ka hor imanaysa ku tilmaamay in warbaahinta laga hor joogsado kulammada Baarlamaanka.
from VOA http://ift.tt/2wJtMSl
via IFTTT
Wicitaanka: Xasan Shire Sheekh
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqda Insaanka Afrika, Xasan Shire Sheekh
from VOA http://ift.tt/2xDYQ2C
via IFTTT
Rabshado Dhiig Ku Daatay oo Ka Dhacay Waqooyiga India
Kumannaan ka mid ah taageerayaasha nin Ilaahnimo sheegta oo Hindi ah oo lagu eedeeyey danbi kufsi ah ayaa bilaabay in ay ka baxaan xaruntiisa oo ku taala magaalada Sirsa kadib maalmo ay is hor taagnaayeen ciidamada ammaanka.
from VOA http://ift.tt/2vhXUEk
via IFTTT
Saturday, August 26, 2017
Wararki Ugu Danbeeysay ee Duufaanta Harvey
Duufaanta Harvey oo tan iyo Jimcihii garaaceyay xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanak ayaa sababtay khasaara isugu jira dhimasho mid hantiyeed.
from VOA http://ift.tt/2ggvYtx
via IFTTT
Milatariga Ciraaq oo Qabsaday Qeybo Ka Mid ah Tel Afar
Milatariga Ciraaq ayaa sheegay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish inta badan magaalada Tal Afar ee ku taala dhinaca waqooyigalbeed ee dalka Ciraaq.
from VOA http://ift.tt/2wIqpLo
via IFTTT
Wararki Ugu Danbeeyey ee Tartamada Kubada Cakta Yurub
Shalay galab iyo xalay waxaa dhacay kulamo xiiso leh oo ka tirsan horyaalada Kubadda Cakta ee dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Spain.
from VOA http://ift.tt/2wIl7Qr
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha
Ku soo dhawaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden, ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2wytltH
via IFTTT
Duufanta Havey oo ku Dhufatay Texas
Duufaanta Harvey ayaa ku dhufatay dhinaca bariga dalkan Mareykanka koonfurta Gobolka Texas.
from VOA http://ift.tt/2xBM58p
via IFTTT
Brnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka
Brnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka, waxaanu idinkugu soo gudbinaa qodob wareedyadii ugu xiisaha badnaa ee todobaad walba. Gaar ahaan siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
from VOA http://ift.tt/2wHKCRQ
via IFTTT
Martida: Cabsalaan Yuusuf Guuleed
Barnaamijka Martida waxaa caawa aan uga hadleynaa saraakiishii ka soo goosatay al-shabab ee dowladda ku soo biiray. Waxaa marti ku ah taliye ku xigeenkii hore ee hey'adda Nabad Suggidda Qaranka Cabdisalam Yuusuf Guuleed
from VOA http://ift.tt/2xBAN40
via IFTTT
Caweyska Washington: Fanaanka Cabdi Hani
Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku dhageysan doontaan qodobbo xiisa leh iyo wareysi fanka Fanaan Cabdi Hani
from VOA http://ift.tt/2xC7i2l
via IFTTT
Friday, August 25, 2017
Taliye Cirfiid: Ciidanku Rayid ayay ku Dileen Bariire
Taliyaha ciidamada dowladda Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa VOA u sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanku meel u dhow Bariire lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.
from VOA http://ift.tt/2vpaNbt
via IFTTT
Duufaanta Harvey oo Garaaceysa Texas
Duufaanta Harvey ayaa gabaldhicii Jimcihi bilowday inay garaacdo xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay masiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan.
from VOA http://ift.tt/2wGi1fq
via IFTTT
Kuuriyada Waqooyi oo Ridday Saddex Gantaal
Saraakiil ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Kuuriyada Waqooyi ay Jimcihii gantay dhowr gantaal oo ah kuwa riddada gaaban kuwaasoo midkoodna uusan gaarin bartilmaameedki loogu talagalay.
from VOA http://ift.tt/2xAvIcj
via IFTTT
PSG oo Hogaanka u Qabatay Horyaalka France
Kooxda Paris St-Germain ayaa durbaba hogaanka u qabatay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, kadib marki ay 3-0 ku garaacday Saint-Etienn xalay.
from VOA http://ift.tt/2veSSbo
via IFTTT
Arsenal oo 20 Sano Kadib Ciyaareysa Europa Leage
Waxaa shalay la sameeyey isku aadka wareega koowaad ee koobka Europa Leage ee Qaarada Yurub.
from VOA http://ift.tt/2wcmGD1
via IFTTT
Khilaafkii Golaha Wakiilada Somaliland oo la Xaliyey
Khilaafkii golaha wakiillada Somaliland ee ka dhashay doorashada guddoomiyaha golahaas ayaa maanta la soo afjaray. Mudanayaal ay ka mid yihiin guddoomiyihii hore ee xilka banneeyay ee golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, guddoomiyaha cusub Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo xilkaasi u tartamayay, isla markaana sheegay in isaga la doortay balse tirada la qalday, ayaa mar dhawayd warbaahinta wadajir ugu sheegay in khilaafkaas lagu soo afjaray in guddoomiyaha rasmiga ah ee golahaasi yahay Baashe Maxamed Faarax. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2w5fcmR
via IFTTT
Dowladda oo Qiratay inay Fulisay Weerarkii Bariire
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan u dhow Bariire maanta ay fuliyeen ciidamada dawladda.
from VOA http://ift.tt/2w4Ab9s
via IFTTT
Barcelona oo lasoo wareegtay Ousmane Dembele
Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay cayaaryahan Ousmane Dembele kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund. Naadiga Catalan ayaa warkan ku xaqiijisay barteeda twitter-ka, ayada oo baahisay muuqaalka Dembele oo xiran funaanadda kooxda. Bayaan lasoo dhigay website-ka kooxda Barca ayay ku sheegtay Dembele inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan qaaradda Yurub. Cayaaryahankan ayaa Barcelona u beddeli doona Neymar oo ku biiray kooxda PSG, wuxuuna xiran doonaa lambarkii uu baneeyey Neymar ee 11. Barcelona ayaa qiimaha ay kula soo wareegtay Dembele ku sheegtay 105 milyan oo Euro, oo ay dheer tahay lacag kale oo ku xirnaan doonta hab cayaar wanaagiisa. Heshiiska uu Dembele ugu biiray kooxda Barcelona ayaa waxaa la socda heshiis nasakh dhan 400 milyan oo Euro, oo kooxdii bixisaa ay kula wareegi karto.
from VOA http://ift.tt/2gbvIw7
via IFTTT
Kabul: Weerar Dad Badan Lagu Dilay oo lagu Qaaday Masjid
Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday masjid shiicada ay ku tukadaan oo ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa lagu dilay 16 qof oo ay ku jiraan haween, caruur iyo saraakiil boolis.
from VOA http://ift.tt/2wuaUGy
via IFTTT
Faaqidaadda: Shabaabka Isku Dhiiba Dowladda
Barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee isku dhiiba dowladda federaalka iyo habka dowladda ay u marto dhaqan-celinta xubnahaas. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.
from VOA http://ift.tt/2wbg3Rk
via IFTTT
10 Qof oo Rayid ah oo Lagu Dilay Shabeellada Hoose
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in toban qof oo rayid ah ay ku dhinteen hawlgal milatari oo ka dhacay beer u dhow degmada Bariire.
from VOA http://ift.tt/2waLZVQ
via IFTTT
Man City oo ka hartay loolankii loogu jiray saxiixa Mbappe
Manchester City ayaa shaaca ka qaaday inay ka hartay loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga da'da yar ee kooxda Monaco Kylian Mbappe. City ayaa waxa ay ka mid ahayd kooxo badan oo shaaca ka qaaday inay daneynayaan saxiixa laacibkan, oo sidoo kale ay doonayaan PSG iyo Real Madrid. Hase yeeshee agaasimaha cayaaraha ee Manchester City, Txiki Begiristain ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisa ay ka tanaasushay doonista 18 jirkan. "Waan ka harnay loolankii" ayuu yiri Txiki Begiristain, oo intaas ku daray "Waa wax aan macquul ahayn in heshiis aan ku gaarno waqtiga oo aad u yar dartiis" Mbappe oo 24 gool dhaliyey xilli cayaareedkii tagey, ayaa waxaa aad loogu badinayaa inuu ku biirayo kooxda PSG, tallaabadaas oo ay aad uga horyimaadeen taageerayaasha kooxda Monaco.
from VOA http://ift.tt/2vcglKx
via IFTTT
Barcelona oo ku dhow saxiixa Ousmane Dembele
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhow saxiixa xiddiga garabka ka cayaara ee kooxda Borussia Dortmund Ousmane Dembele, oo u dhashay dalka Faransiiska. Laacibkan 20 jirka ah ayaa la filayaa inuu noqdo cayaaryahanka labaad ee ugu qaalisan dunida. Inkasta oo weli aysan caddeyn qiimaha lacageed, haddanaa waxaa la rumeysan yahay inuu ku kici doono lacag ka yar 220-ka milyan ee Euro ee PSG ay ku iibsatay Neymar, balse ka badan 100-ka milyan ee Euro ee Manchester United ay ka bixisay Paul Pogba. Warbaahinta qaar ayaa sheegeysa in Dembele uu ku kici karo lacag gaareysa 150 milyan oo Euro. Xiddigan ayaan kooxda Dortmund u safan tan iyo shanti August, markaasi oo wixii ka dambeeyey la ganaaxay kadib markii uu seegay tababarka si uu qasbo in laga iibiyo Barcelona. Dembele ayaa Dortmund waxa uu sanaddii tagtay kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Rennes, isaga oo lagu soo iibsaday 15 milyan oo Euro.
from VOA http://ift.tt/2vv5C9h
via IFTTT
Mareykanka oo Dal-ku-Galka ka Joojinaya Afar Dal
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheeneyso inay joojiso inay dal ku gal siiso dadka kasoo jeeda afar dal oo diiday inay aqbalaan muwaadiniintooda laga soo masaafurinayo Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2ivd82A
via IFTTT
Xulufada Sacuudiga oo Shacab ku Leeyey Yemen
Duqeymo ay fuliyeen xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ku dilay magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo shaqaalaha caafimaadka.
from VOA http://ift.tt/2gbmxvu
via IFTTT
Thursday, August 24, 2017
Nasra Hassan oo Soomaalida Mareykanka Kusoo Kordhisay Halabuur Ganacsi
Waxaa dalkan Mareykanka kusoo badanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee la imanaya halabuurrada gancsi ee ay iyagu gaarka u leeyihiin.
from VOA http://ift.tt/2vaZt6O
via IFTTT
Xisbiga MPLA oo Ku Horreeya Doorashada Angola
Natiijooyin hardhac ah oo kasoo baxay doorashadi Arbacadi ka dhacday dalka Angola ayaa muujineysa inuu si xoog leh u hogaaminayo xisbiga talada haya ee MPLA codadka ilaa iyo hadda la tiriyey.
from VOA http://ift.tt/2vuZj5C
via IFTTT
Isreeb-reebka Koobka Europa Leauge oo Lasoo gaba gabeeyey
Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey kulamada loogu soo baxayay wareega koowaad ee koobka Europa Leage oo ah tartanka labaad ee ugu weyn tartamada kubadda cakta ee Yurub.
from VOA http://ift.tt/2w9AkH4
via IFTTT
Akhriso sidey kooxaha Champions League isugu aadeen
Isku aadka Group-yada koobka Champions League ayaa la sameeyay Khamiista maanta ah, waxana ay kooxuhu isugu aadeen:
from VOA http://ift.tt/2vjYQUq
via IFTTT
Pique: Messi wuu sii joogayaa Barcelona
Difaaca kooxda Barcelona Gerard Pique, ayaa sheegey in weerar-yahanka naadigaasi Lionel Messi uusan ka tageyn kooxda Barcelona. Pique ayaa sheegey in Messi uu jecel yahay naadiga.
from VOA http://ift.tt/2iuiRpq
via IFTTT
Ibrahimovic oo heshiis cusub dib ugu saxiixay Man United
Zlatan Ibrahimovic ayaa qandaraas cusub oo hal sano ah dib ugu saxiixay kooxda Manchester United. Xiddiga u dhashay dalka Sweden ayaa weli kasoo kabanaya dhaawac xilli cayaareedkii hore kasoo gaaray jilibka, markaasi oo uu dhaliyey 28 gool, 46 kulan oo uu saftay. "Waxaan ku faraxsanahay inaan soo laabto, si aan u dhameystiro wixii aan billaabay. Marwalba aniga iyo kooxdaba waxaan dooneynay inaan halkan sii joogo" ayuu yiri Ibrahimovic. Tababare Jose Mourinho ayaa isna yiri "Waxaan ku faraxsaxannahay in Zlatan uu hayo waddadii uu dhaawaca uga soo kabanayey, waxaana ku faraxsanannahay in hiigsigiisa iyo khibraddiisa ay nala sii joogaan". Zlatan ayaa waxa uu xiran doonaa lambarka 10 ee kooxda United, oo uu banneeyey Wayne Rooney oo ku dib ugu laabtay kooxda Everton. Lambarkiisii hore ee 9 waxaa qaatay Romelu Lukaku oo Manchester United ay lasoo wareegtay xilli cayaareedkan.
from VOA http://ift.tt/2xfYKOY
via IFTTT
Maxjarada Xoolaha ee Jabuuti oo Cabasho Laga Muujiyey
Ganacsatada xoolaha Soomaaliya ka keena ee dalka Jabuuti ayaa sheegay inay dhibaato badan kala kulmaan maxjarrada lagu xannaaneeyo xoollaha dalkaas.
from VOA http://ift.tt/2vjkMiL
via IFTTT
Ku Xigeenka Xoghayaha QM oo Muqdisho Tagey
Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM, ahna madaxa siyaasadda Jeffrey Feltman ayaa maanta magaalada Muqdisho ku tagay safar halkaasi uu kula kulmay madaxda dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2wqICgg
via IFTTT
Jayson Tatum oo ku faraxsan inuu sii joogo Boston Celtics
Kadib markii uu maqlay in laga yaabo inay xiisaneyso kooxda Cleveland Cavaliers ee kubadda kolayga, ayaa Jayson Tatum wuxuu sheegay inuu ka cabsaday inay suurta-gal ahayd inuu qeyb ka noqdo heshiiska ay cayaartoyda isku weydaarsadeen kooxdiisa Boston Celtic iyo Cleveland ee Kyrie Irving keenay Boston. Hase yeeshee, Tatum oo ah cayaaryahankii saddexaad ee laga soo xushay jamaacadda bishii June, ayaa muujiyey sida uu uga faraxsan yahay inuu ka garab cayaari doono Irving oo ay ka wada yimaadeen jaamacadda Duke. Kooxda Boston Celtic ayaa Cleveland ku wareejisay Isaiah Thomas, Jae Crowder, Ante Zizic iyo booskeeda xulashada cayaaryahanada jaamacadda ee sanadka 2018, si ay uga soo qaadato Irving. "Waxaan daawanayey taleefishinka, oo aan ka arkay warka deg degga ah ee ku saabsan cayaartoyda ay isku bedelanayeen Boston iyo Celevland, aad ayaana u naxsanaa" ayuu yiri Tatum, oo dhowaan un u guuray gobolka Massachusetts ee Boston ay ka dhisan tahay. "Waan yaabanaaa, waxaan arkayey magaceyga oo marar badan lasoo hadal qaaday, balse ugu dambeyn waan ku faraxsanahay inaysan kooxda ii wareejin Cleveland oo aan halkan joogo" ayuu yiri cayarayahankan weerarka ka cayaara.
from VOA http://ift.tt/2vrLchl
via IFTTT
Alexis Sanchez oo dib ugu soo laabtay Arsenal
Arsene Wenger ayaa sheegay in Alexis Sanchez uu diyaar yahay inuu cayaaro kulanka kooxda Arsenal ay axadda la yeelan doonto Liverpool ee ka tirsan horyaalka Premier League. Xiddiga u dhashay dalka Chille, ayaan weli wax kulamo ah safan xilli cayaareedkan, ayada oo mugi badan uu hareeyey mustaqbalkiisa kooxda, hase yeeshee Wenger waxa uu sheegay in diidmada Sanchez ee ah inuu saxiixo qandaraas cusub, aysan saameyn ku yeelan dareenkiisa cayaareed. Wenger ayaa yiri "Sanchez wuxuu ku sugan yahay xaalad jireed oo wanaagsan. Wuxuu mar walba diiradda saaraa shaqadiisa. Umana maleynayo inay saameyn ku yeesheen wararka la xiriira mustaqbalkiisa" Macallinka Arsenal ayaa sheegay in diidamada Sanchez aysan sidoo kale macanaheedu ahayn inuusan saxiixi doonin qandaraas oo uu ka tagi doono kooxda marka uu dhammaado xilli cayaareedka. Qanadaraaska Sanchez oo uu ka haray 12 bilood kaliya, ayaa macnaheedu yahay in kadib xilli cayaareedkan uu si bilaash ah uga tagi karo kooxda Arsenal, oo ku gacan seertay inay iibiso.
from VOA http://ift.tt/2xvjYYx
via IFTTT
Mareykanka oo Jaray Dhaqaalihii uu Siin Jiray Masar
Xiriirka Mareykanka iyo Masar, oo horumaray kadib doorashadii madaxweyne Donald Trump, ayaa arabacdii u muuqday inuu dib u xumaaday, kadib markii dowladda Mareykanka ay jartay qeybo ka mid ah gargaarkii Masar la siin jiray, sababo la xiriira xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.
from VOA http://ift.tt/2v8H3DS
via IFTTT
Wednesday, August 23, 2017
Hooyo Soomaaliyeed oo Ninkeedii Ku Dilay Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska
Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyara ah ayaa Isniinti lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir.
from VOA http://ift.tt/2isEeHR
via IFTTT
Madaxweyne Dos Santos oo 38 Sano Kadib Qof Kale U Codeeyey
Madaxweynihi mudada dheer soo xakumayey dalka Angola ayaa Arbacadi sameeyey wax uusan muddo sanada ah sameyn, taasoo ah inuu u codeeyey qof kale, doorashadi shalay ka dhacday dalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2xuo82N
via IFTTT
Isku Aadka Tartanka Champions League oo Khamiista Lagu Dhawaaqayo
Isku Aadka Champions League oo Khamiista Lagu Dhawaaqayo Waxaa maanta lagu wadaa in la sameeyo isku aadka wareega koowaad ee 32-ka kooxood ee koobka kooxaha horyaalada Yurub Uefa Champions League.
from VOA http://ift.tt/2iqzn9U
via IFTTT
Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo ka Hadlay Dagaalka Galgaduud
Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in caawa ay degganyihiin goobo ay galabta ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca oo ku dhow magaalada Dhuusa Mareeb.
from VOA http://ift.tt/2vYb0oH
via IFTTT
Griezmann oo Laba Kulan La Ganaaxay
Weerar-yahanka Atletico Madrid, Antoine Griezmann ayaa la ganaaxay laba kulan, kadib markii uu aflagaaddeeyay garsoorihii dhex dhexaadinayay ciyaartii ay kooxdiisa Atletico bar baraha labada gool iyo labada gool la gashay Sabtidii kooxda Girona.
from VOA http://ift.tt/2vYBzdL
via IFTTT
Dowladda Somalia oo Eedeysay Beesha Caalamka
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku eedeysay beesha caalamka inay ka soo bixi waayeen ballanqaadyaddii taageero dhaqaale ee loogu fidiyay dowladda.
from VOA http://ift.tt/2xsibUa
via IFTTT
Sarkaal Shabaab ah oo Isku Dhiibay Dowladda
Sarkaal maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca caafimaadka ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
from VOA http://ift.tt/2wn8tpm
via IFTTT
Dagaal Dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-Sunna
Wararka ka imaanaya gobolka galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta uu dagaal ku dhex maray meel ku dhow magaalada Dhuusa-Mareeb ciidamo kala taabacsan maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlu-Sunna Wal-jameeca. Wararkii ugu dambeeyay ee dagalka ayaa Ibrahim Xassan Dandurey waxa uu ka wareystay, wariyeheenna Cabdi Waaxid Macalin Isaaq.
from VOA http://ift.tt/2w3aeoS
via IFTTT
Kulankii Golaha Wakiilada Somaliland oo uu Buuq Hareeyey
Fadhi maanta loo ballansanaa ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa baaqday ka dib markii buuq uu hadheeyay. Fadhiga maanta baaqday ayaa la filayay in lagu doorto guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golahaas, hase ahaatee, waxaa hadheeyay khilaaf salka ku haya doorashadii hore ee guddoomiyaha iyo sidoo kale loollan u dhaxeeya musharaxiinta xisbiyada ee xilkan ku-xigeenka u tartamaya. Xarunta Golaha wakiillada ayaa maanta ciidan xooggan la geeyay, waxaana saxaafadda loo diiday inay gasho dhismaha golaha. Hase yeeshee, sida mudanayaasha qaarkood ay VOA u sheegeen, kulan dambe ayaa loo ballamay axadda soo socota.
from VOA http://ift.tt/2wnVAva
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 385
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 385-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2w30j2z
via IFTTT
Rooney oo ka fariistay cayaaraha caalamiga ah
Wayne Rooney, oo ah xiddiga ugu gool dhaliska badan xulka kubadda cagta qaranka Ingiriiska, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha caalamiga ah.
from VOA http://ift.tt/2xcgbQr
via IFTTT
Dhageyso Xubinta Cayaaraha
Ku soo dhawaada dhageystayaal Xubinta Cayaaraha, oo aad ku maqli doontaan qodobbo goos goos ah oo cayaareed. Maxamuud Mascadde, ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2iqlpFa
via IFTTT
Manchester United oo dooneysa Ryan Sessegnon
Manchester United ayaa weli ku raad joogta xiddiga da'da yar ee kooxda Fulham Ryan Sessegnon, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu kasii cayaaro magaalada London, haddii uu ka tago Fulham. United ayaa Ryan Sessegnon, oo 17 jir ah, muddo isha ku haysay, wuxuuna ka cayaari karaa daafaca bidix, qadka dhexe ee bidix, iyo garabka bidix. Cayaaryahankan ayaa waxaa sidoo kale doonaya kooxo kale oo ka dhisan horyaalka Premier League oo ay ku jiraan kooxaha Liverpool iyo Tottenham. Kooxda Fulham ayaa ku adkeysaneysa in Ryan Sessegnon, oo xilli cayaareedkii hore saftay 25 kulan oo ka tirsan horyalaka heerka labaad, uusan iib ahayn, hase yeeshee United ayaa la socon doonta xaaladda cayaaryahanka. Ryan Sessegnon ayaa waxaa lagu qiimeyey 25 milyan oo gini, haddii Fulham ay go'aan ku gaarto inay iibiso, waxaana la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Tottenham.
from VOA http://ift.tt/2wE9J7f
via IFTTT
Barcelona oo kordhisay qiimaha ay ku dooneyso Coutinho
Kooxda Barcelona ayaa lagu warramay in yaboohii afaraad ay u gudbin doonta kooxda Liverpool oo ay ka dooneyso cayaaryahan Philippe Coutinho. Yabooha cusub ee Barcelona ayaa la sheegay inuu yahay 138 milyan oo gini. Ilo-wareedyo ku dhow kooxda Barcelona ayaa laga soo xigtay inay kooxda aysan weli ka quusan inay soo xero geliso laacibka reer Brazil, oo ay dooneyso inay ku beddesho xiddiggeedii hore ee Neymar, oo ku biiray kooxda PSG. Yabooha cusub ee Barcelona ayaa ka kooban 101 milyan oo gini oo ay bixin doonto marka hore, iyo 37 milyan oo ku xirnaan doonta hab cayaareedka laacibkan. Dad ku dhow cayaaryahan Coutinho ayaa laga soo xigtay in laacibkan ay ka go'an tahay inuu ku biiro Barcelona xagaagan wax kasta oo ay ku qaadataba.
from VOA http://ift.tt/2vedgFF
via IFTTT
Angola oo 38 Sano Kadib Yeelaneysa Madaxweyne Cusub
Codbixiyayaasha dalka Angola ayaa maanta dooranaya madaxweyne cusub oo beddeli doona hoggaamiyaha muddada fog xukumayey dalkaas ee Jose Eduardo dos Santos, oo xilka ka degaya kadib 38 sano.
from VOA http://ift.tt/2vXbrj5
via IFTTT
Tuesday, August 22, 2017
Soomaalida Minneapolis oo Loo Dhisayo Suuq Iyaga U Gaar Ah
Guddiga Hormarinta magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa maanta go'aamiyay goobtii laga dhisi lahaa Suuq Weyn oo ay Soomaalida Minnesota yeelaneyso.
from VOA http://ift.tt/2g2XRp1
via IFTTT
Napoli, Sevilla, Celtic, Maribor iyo Olympiakos oo Usoo Baxay Tartanka Yurub
Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey ciyaaraha kala sooca ahaa ee loogu soo baxayey tartanka kooxaha horyaalada Yurub ee sanadkaan.
from VOA http://ift.tt/2iqRoVQ
via IFTTT
Nikola Kalinic oo Ku Biiray AC Milan
Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasoo wareegtay weeraryahankii kooxda Fiorentina iyo xulka Croatia Nikola Kalinic.
from VOA http://ift.tt/2wwzJC6
via IFTTT
Trump oo Booqday Xuduuda US iyo Mexico
Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa booqday goobaha laga ilaaliyo xuduudda ee gobolka Arizona, oo xuduud la wadaaga dalka Mexico. Safarka uu Madaxweyne Trump ku tegey Arizona ayuu doonayaa inuu culays ku saaro aqalka Congresska
from VOA http://ift.tt/2vXDNKh
via IFTTT
Fallanqeyn: Muhiimadda Socdaalka Farmaajo ee Masar
Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay maanta boqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Masar, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda dalkaas iyo Soomaalida degan Qaahira.
from VOA http://ift.tt/2xpJSgw
via IFTTT
Kheyre oo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta magacaabay wasiirka buuxinaya wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka, oo banaaneyd tan iyo bishii May ee sanadkan markii uu geeriyooday wasiirkii xilka hayay Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.
from VOA http://ift.tt/2xpAXeS
via IFTTT
Barcelona oo maxkamad la koreysa cayaaryahan Neymar
Kooxda Barcelona ayaa sheegtay inay maxkamad la kori doonto ciyaaaryahan Neymar, ayada oo dooneysa lacag dhan 10 milyan oo dollar oo ay horey u siisay Neymar, kadib markii uu jebiyey qanadraas uu la galay kooxda.
from VOA http://ift.tt/2wkbpmE
via IFTTT
Madaxweyne Siilaanyo oo Qalliin lagu Sameeyey
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in uu qalliin fudud galay. Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa warbaahinta arrintaasi u sheegay. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.
from VOA http://ift.tt/2vldREI
via IFTTT
Dad Badan oo ku Dhintay Dagaal ka soo Cusboonaaday Xeraale
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay toddoba kalena way ku dhaawacmeen dagaallo mar kale maanta ka dhacay degaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud. Dagaalladan ayaa u dhexeeya maleeshiyo degaanka ah iyo kuwo kale oo ka tirsan ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
from VOA http://ift.tt/2g1HZDe
via IFTTT
Muqdisho: Laba Eedeysane oo Dil lagu Xukumay
Maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ayaa maanta laba dhalinyaro ah ku xukuntay dil kadib markii lagu helay inay ka dambeeyeen dil bishii November ee sannadkii hore loo gaystay mid ka mid ah nabaddoonnada ka qaybqaatay soo xulistii ergooyinkaa ka qaybgalay doorashada Soomaaliya. Dhinaca kalena qarax ayaa waxaa uu maanta ka dhacay agagaarka Ex-Kontorool Balcad, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa ciidamada Amisom. Go'aanka maxkamadda iyo qaraxa ka dhacay agagaarka EX-Kontorool Balcad, waxaa warbixintan nooga soo diray weriyaheena Axmed Xasan Colaad.
from VOA http://ift.tt/2imgPYi
via IFTTT
Puntland: Dad ku Dhintay Biyo ay ka Cabeen Ceel Biyood
Afar qof ayaa u dhintay ku-dhowaad 15 kalena way u liitaan kadib markii sida la sheegay ay biyo ka cabbeen ceel lu yaalla deegaanka tuulada Timirshe ee gobolka Bari.
from VOA http://ift.tt/2g1Olm5
via IFTTT
Dhageyso Xubinta Cayaaraha
Xubinta Cayaaraha waxaad ku dhageysan doontaan warar ku saabsan laacibiinta ay kooxaha doon doonayaan iyo qodobbo kale oo ay ka mid yihiin Barcelona oo rajo ka qabta in Messi iyo Inieasta ay qandaraasyo cusub saxiixaan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa isku soo duba ridey.
from VOA http://ift.tt/2wjDJ8I
via IFTTT
Maxkamadda Sare ee India oo Joojisay Furriinka Saddexda Dalaaq
Maxkamadda sare ee dalka India ayaa maanta go'aamisay in furiinka halka mar ee saddexda dalaaq ee muslimiinta uu yahay mid "aan dastuuri iyo islaami ahayn."
from VOA http://ift.tt/2g1tIGE
via IFTTT
Gerrard oo Liverpool ugu baaqay inay soo iibsato Van Dijk
Steven Gerrard ayaa kooxda Liverpool kula taliyey inay sameyso wax kasta oo ay awooddo si ula soo saxiixato daafaca kooxda Southampton Virgil van Dijk. Liverpool ayaa doonesay in billowgii xagaagga ay la saxiixato Van Dijk ka hor inta aysan sii dayn bayaan ay ku sheegtay inay ka tanaasushay qorshahaas, kadib markii Southampton ay ku eedeysay inay si qaldan ula xiriirtay cayaaryahanka. Xiddigan daafaca dhexe ka cayaara ayaa doonaya inuu ka tago Southampton xilli cayaareedkan, wuxuuna kooxda u gudbiyey codsi ah in la iibiyo, kaasi oo ay ku gacan seertay. "Van Dijk waa lagama maarmaan, hadii Liverpool ay dooneyso inay meel wanaagsan ka gaarto horyaalka Premier League iyo kan Qaaradda Yurub, way u baahan tahay Van Dijk" ayuu yiri Gerrard. Ka sokow Van Dijk, Gerrard wuxuu sheegay in Liverpool ay u baahan tahay laba illaa saddex saxiix oo kale oo cusub inay kooxda ku xoojiso.
from VOA http://ift.tt/2wA0rch
via IFTTT
PSG oo heshiis amaah ah ku dooneysa Kylian Mbappe
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa wada-hadallo kula jirta kooxda Monaco, ayada oo dooneysa in cayaaryahan Kylian Mbappe ay kula wareegto amaah, kadibna si rasmi ah u iibsato xilli cayaareedka dambe. Waxaa la rumeysan yahay in heshiiska uu sidoo kale qyeb ka yahay in ciyaaryahan Lucas Moura oo u ka tirsna kooxda PSG uu dhinaca kale u wareego. PSG ayaa bishii tagtay waxay 260 milyan oo dollar kusoo iibsatay Neymar, waxaana looga baahan yahay inay u hogaansato sharciga dhaqaalaha siman ee Yurub. Heshiis amaah ah ayaa PSG ka caawin kara inaysan gaarin khasaare dhaqaale, oo u horseedi kara ganaax ay kala kulanto xiriirka kubadda cagta Yurub. Wada-hadallada ayaa la sheegay in weli ay marayaan meel dhow, oo aan waxyaabo badan la isku fahmin, waxaana Mbappe uu ku kici karaa 128 milyan oo gini, marka lagu daro qiimaha Moura.
from VOA http://ift.tt/2g1mjqH
via IFTTT
Mattis: Maalmaha Daacish waa Tirsamaan
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta sheegay in maalmaha kooxda Daacish ay tirsamaan, isaga oo taxaddar ka muujiyey in ka adkaanshaha gebi ahaan kooxdaas ay tahay arrin aan hadda muuqan.
from VOA http://ift.tt/2vap8IX
via IFTTT
Monday, August 21, 2017
Trump oo Soo Bandhigay Istaraatiijiyadiisa Afghanstan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad uu xalay u jeediyey Shacabka Mareykanka uga hadlay istaraatiijiyadiisa cusub ee Afganstan iyo Koofurta Asia.
from VOA http://ift.tt/2wzfvqJ
via IFTTT
Qorrax Madoobaad Ka Dhacay Mareykanka
Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa daawaday qorrax madoobaad dhif iyo nadir ah oo Isniitnii shalay aheyd mugdi ka dhigay gobollada dhaca badweynta Baasifiga ilaa gobolada ku teedsan badda atlantiga marki ugu horreysay muddo 99 sano ah.
from VOA http://ift.tt/2vknNhJ
via IFTTT
Ninki Ka Danbeeyey Weerarki Barcelona oo La Dilay
Booliska Spain ayaa toogasho ku dilay nin la rumeysanyahay inuu ahaa darawalki waday baabuur caasi ahaa oo Khamiistii la jiirsiiyey dad ku sugnaa magaalada Barcelona.
from VOA http://ift.tt/2v0G5JT
via IFTTT
Xaaladda Buuhoodle oo Degan Kadib Dagaal Culus
Xaaladda magaalada Buuhoodle ayaa maanta degan ka dib markii dagaal uu ka dhacay maalintii sabtida, halkaas oo dad badani ay ku dhinteen.
from VOA http://ift.tt/2ijCdO1
via IFTTT
Warbixin: Mooshinada Baarlamaanada Maamul Goboleedyada
Moshinada ka dhanka ah madaxda iyo la kala safashada khilaafyada siyaasadeed ee soo ifbaxa waxay ahaayeen shaqooyinka ugu xasaasiyadda badan ee laga dhex dareemi jiray – baarlamanaddii qaran ee soo maray Soomaaliya. Sanadihii u dambeeyay waxaad moodaa in mowjadahaha mooshinadu ay u wareegeen dhinaca maamul goboleedyada oo laba ka mid ah shanta maamul goboleed ee Somalia- madaxweyneyaashii ka talinayay xilka looga qaaday. Hadaba Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixin uu ku eegayo baaralamanadan, Muqdisho nooga soo diray.
from VOA http://ift.tt/2uYKigO
via IFTTT
Xariga Suxufiyiinta Somaliland oo Kordhay
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ee fadhigeeduyahay magaalada Hargeysa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kow iyo toban suxufi la xiray tan iyo bishii April, halka kow iyo toban kalena la xidhay sanadkan bilawgiisii. Tiradaas ayaa ka dhigaysa suxufiyiinta guud ahaan lagu xidhay Somaliland sanadkan 22 suxufi, sida ay xaruntu sheegtay. Wariyeheenna Cabdixakiim Maxamud Shirwac ayaa warbixintooda ka wareystay Gudoomiyaha Xaruntan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac).
from VOA http://ift.tt/2uYM8hL
via IFTTT
Kenya oo Qorsheeneysa Weerar ka Dhan ah Keymaha Boni
Miltariga dalka Kenya ayaa axaddii shalay ku amray dadka ku nool hareeraha keynta Boni ee ku teedsan xeebaha Kenya inay ka fogaadaan halkaas muddo 48 saacadood ah. Amarkan ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay inay duqeyn xooggan ku qaadi doonaan deegaanka, si ey uga sifeeyaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysta, weerarana kaga qaada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Hadaba Maxey tahay keyntan Booni ee ay Al-Shabab ku dhuumaaleystaan, su'aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ay weydiisay Professor. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah khabiir ka fallooda arirmaha Geeska Afrika, kuna sugan Nairobi.
from VOA http://ift.tt/2vhyKkf
via IFTTT
Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Afgooye
Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
from VOA http://ift.tt/2fYWQy2
via IFTTT
Neymar oo dhalleeceeyey guddiga maamula Barcelona
Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Neymar, oo hada u dheela kooxda PSG ee dalka Faransiiska, ayaa weerar afka ah ku qaaday guddiga maamula kooxdiisa hore. Neymar oo hadlayey kadib kulankii shalay ay kooxdisia PSG 6-2 kaga adkaatay naadiga Toulouse, ayaa sheegay in Barcelona ay u qalanto dad ka wanaagsan guddiga iminka maamula. "Afar sano ayaan joogay kooxda Barcelona, waxaana kasoo tagey anigoo faraxsan, hase yeeshee kuma faraxsani guddiga kooxdaas maamula" ayuu yiri Neymar. "Waxay ila tahay inaysan ahayn in kooxaas ay sii joogaan oo ay hagaan, Barcelona waxay u qalantaa dad ka wanaagsan kuwaas" ayuu yiri 25 jirka u dhashay dalka Brazil. Neymar ayaa cayaartii shalay dhaliyey laba gool, isaga oo sidoo kalena caawiyey laba gaal oo kale, waxaana labadiisii kulan ee ugu horreeyey ee kooxda PSG uu dhaliyey saddex gool, isaga oo saddex kale caawiyey.
from VOA http://ift.tt/2vRy4Fz
via IFTTT
Ninka Fuliyey Weerarkii Barcelona oo la Aqoonsaday
Mas'uuliyiinta dalka Spain ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in darawalkii waday baabuur dad ku weeraray magaalada Barcelona, islamarkaana dilay 13 qof, uu yahay 22 jir u dhashay dalka Morocco.
from VOA http://ift.tt/2wwekZ3
via IFTTT
Manchester United oo dib ula saxiixaneysa Ibrahimović
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la filayaa inay toddobaadkan hehsiis cusub la saxiixato weeraryahan Zlatan Ibrahimović, oo hadda aan wax koox ah u cayaarin. Xiddigan 35 jirka ah, ayaa sanadii tagtay u cayaaray United, hase yeeshee waxaa dhaawac xooggan uu kasoo gaaray jilibka, intii ay socotay cayaartii Europa League ee ay la cayaareen naadiga Anderlecht. Ibrahimović ayaa la filayey inuu garoomada ka maqnaado illaa sanadda 2018, hase yeeshee waxaa lagu warramay inuu dhaawaciisa usoo bogsanayo si ka wanaagsan sidii la filayey. Heshiiska cusub ee United ay dooneyso inay siiso xiddigan ayaa la doonayaa in deg deg loo dhameystiro, ayada oo suuqa kala iibsiga cayaartoyda uu xirmayo 31-ka August. Manchester United ayaa kadib dhaawaca Ibrahimović waxay soo iibsatay weeraryahan Romelu Lukaku oo qaatay lambarkii 9-aad ee uu xiran jiran Ibrahimović, hase yeeshee laacibka reer Sweden ayaa la filayaa inuu qaato lambarka 10-aad haddii uu dib ugu soo biiro United.
from VOA http://ift.tt/2vWUC6w
via IFTTT
Sunday, August 20, 2017
Waraysiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ku sugan Laascaanood ayaa ka hadlay barnaamijka kaadh-qaybinta codbixiyayaasha Somaliland.
from VOA http://ift.tt/2fWJkLk
via IFTTT
Wicitaanka Dhegaystaha: Xeerka Argagixisada
Kusoo dhowaada barnaamijka Wicitaanka Dhegaystaha oo toddobaadkan ku saabsan xeerka argagixisada ee dhawaan uu ansixiyey golaha Wasiirada ee Soomaaliya. Sahra Cabdi Axmed ayaa innala socodsiinaysa
from VOA http://ift.tt/2iifAJX
via IFTTT
Hawl-galka Koonfur-Galbeed ee ka Dhanka ah Shabaab
Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay degaanka u dhexeeya Afgooye iyo Bariire ay ka nadiifiyeen maleeshiyada ururka Al-Shabab kadib weerar ay qaadeen maalintii shalay.
from VOA http://ift.tt/2fVV6pw
via IFTTT
Dowladda: Hirshabeelle Doorashao ha Qabato
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaiya ayaa sheegtay in xil ka qaadista madaxweynaha maamulka Hirshabeela ay sharci tahay.
from VOA http://ift.tt/2fW1uwP
via IFTTT
Saturday, August 19, 2017
Dowladda Soomaaliya oo La Dagaalamaysa Dawooyinka Dhacay
Munaasabad lagu daah furayey Sharciga Habraaca Daweynta Soomaaliya oo ay soo agaasintay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2wcRuWH
via IFTTT
Wararki Ugu Danbeeyey ee Horyaalada Kubadda Cakta Yurub
Waxaa todobaadkaan bilowday horyaalada kubadda cakta ee Talyaaniga iyo Spain, Halka Ingiriiska iyo horyaalada kale ee Yurub ay maalmahanba socdeen.
from VOA http://ift.tt/2vOhC9a
via IFTTT
Barnaamijka Caweyska Washington
Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku dhageysataan qodobo suugaan iyo maaweelo isugu jira oo xiisa badan.
from VOA http://ift.tt/2x0WaMP
via IFTTT
Xuska Maalinta Gargaarka Bani Aadminimada
Maanta oo dunida laga xusay maalinta gargaarka caalamiga ah, iyadoo loo isticmaalay jeedinta baaqyo ku aadan dhowrista shaqaalaha gargaarka iyo fududeynta marintada gargaarka
from VOA http://ift.tt/2vOpveV
via IFTTT
Bariire oo Al-shabab Laga Qabsaday
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Midowga Africa iyo ciidamo aan badenyn oo ajnabi ah ayaa saakay weerar ku qabsaday deegaan Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.
from VOA http://ift.tt/2xd7xAC
via IFTTT
Friday, August 18, 2017
Madaxa Istaraatiijyada Aqalka Cad oo Shaqada Laga Eryay
Steven Bannon, madaxa istaraatiijiyada Aqalka Cad ayaa xilkii laga qaaday. Banon oo ka mid ahaa dadka uu sida weyn u dhageysan jiray madaxweyne Trump ayaa afkaartiisu ay u janjeertaa dhinaca midigta fog ee xisbiga Jamhuuriga.
from VOA http://ift.tt/2wqozOo
via IFTTT
Horyaalka Jarmalka oo Bilowday
Horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ee xilli ciyaareedkan cusub ayaa xalay si rasmi ah u furmay, iyadoona kooxda heysata horyaalnimada ee Bayern Munich ay guul ku bilaabatay kadib marki ay 3-1 ku garaacday Bayen Leverkusen.
from VOA http://ift.tt/2iffpPc
via IFTTT
Monaco oo Taariikh Cusub u Dhigtay Horyaalka France
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Faransiiska ee Monaco ayaa noqotay naadigi ugu horeeyey oo 15 kulan oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka dalkaasi badisa, kadib marki ay xalay 1-0 uga badiyeen Metz.
from VOA http://ift.tt/2wZMfXJ
via IFTTT
Finland: Weerar Mindiyeyn ah oo Dad lagu Dilay
Booliska dalka Finland ayaa raadinaya dad lagu tuhunsan yahay mindiyeyn baahsan oo hal qof lagu dilay, islamarkaana sideed kale lagu dhaawacay, magaalo xeebeedka ku taalla Koofnurta Galbeed ee dalkaas ee Turku.
from VOA http://ift.tt/2wYdz8Q
via IFTTT
Xubno Loo Maleynayo Shabaab oo Dad ku Gowracay Kenya
Mintidiin looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen tuulada Maleli oo ka tirsan deegaanka Wite ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.
from VOA http://ift.tt/2v7uN1o
via IFTTT
Madaxii Garsoorayaasha Xiriirka K/Cagta Somalia oo la Dilay
Madaxii garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya Cusmaan Jaamac Diraac ayaa xalay dablay hubaysan ay toogasho ku dileen magaalada Muqdishu. Dilkaasi ayaa argagax geliyey bahda ciyaaraha Soomaaliya oo iyagu siyaasadda aan faraha la gelin. Marxuumka ayaa la sheegay in dablay bastoolado wadatay ay ka toogteen qaarka sare ee jidhkiisa, xilli uu kusoo jeeday gurigiisa. Warbixintan waxaa inoo haya Jamaal Axmed Cusmaan.
from VOA http://ift.tt/2uOTioT
via IFTTT
Faaqidaadda: Soomaaliya iyo Xiisadda Dalalka Khaliijka
Maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay inay taageerayaan xulufada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xiisad ay kala dhaxeydo dalka Qadar. Mowqifka Puntland ayaa ah mid ka duwan kan dowladda federaalka oo sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka labada dhinac. Haddaba kala duwanaansha aragti ee dowladda federaaka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada saameyn intee la eg ayuu yeelan karaa? Waxaan kaga hadleynaa barnaamijka faaqidaadda toddobaadka waxaana soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.
from VOA http://ift.tt/2v84U1j
via IFTTT
Spain: Dad la Raadinayo Kadib Weerarkii Argagixiso
Dalka Spain ayaa waxaa laga raadinayaa dad la tuhmayo kadib markii weerar argagixiso oo loo adeegsaday laba baabuur ay 13 qof ku dileen islamarkaana 100 kale ku dhaawaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia.
from VOA http://ift.tt/2uXuAP8
via IFTTT
Ugaarsi ka Socda Spain Kadib Weerarkii Argagixiso
Ugaarsi xooggan ayaa ka socda dalka Spain kadib markii weerar argagixiso oo loo adeegsaday laba baabuur ay 13 qof ku dileen islamarkaana 100 kale ku dhaawaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia.
from VOA http://ift.tt/2v85sVa
via IFTTT
Mourinho oo weli aan ka rajo dhigin saxiixa Perisic
Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa weli doonaya in kooxda uu kusoo biirayo xiddiga kooxda Inter Milan garabka uga cayaara ee Ivan Perisic. Macallin Mourinho oo la sheegay inuu ku qnaacsan yahay xaaladda kooxdiisa, kadib markii ay horyaalka ku furatay 4-0 ay kaga adkaatay West Ham, ayaa rumeysan inuu u baahan yahay cayaaryahan kale oo garabka ka cayaara. Perisic ayaa awood u leh inuu ka cayaaro labada garb ee midig iyo bdixi ee weerarka. Kooxaha Manchester United iyo Inter Milan, ayaa horey isugu fahmi waayey qiimaha cayaaryahanka u dhashay dalak Croatia, ayada oo Inter ay ku adkeysaneyso inaysan ku iibin doonin wax ka yar 48 milyan oo Gini. Manchester United ayaa ku yaboohday 39 milyan oo gini. Wada-hadallo dheeri ah ayaa la rumeysan yahay in maalmaha soo socda ay dhex mari doonaan labada koox, ayada oo laba toddobaad wax ka yar ay ka hartay xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
from VOA http://ift.tt/2wn1Fr4
via IFTTT
West Brom oo diiday yaboohii Man City ee Jonny Evans
Kooxda kubadda cagta West Brom ayaa diiday yabooh kooxda Manchester City ay dooneysay inay kula saxiixato daafaca kooxdaas Jonny Evans. Macallinka kooxdas Tony Pulis oo manata shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in naadiga Baggies uusan saarnayn wax cadaadis ah oo ay ku iibiso laacibkaas. City ayaa la rumeysan yahay inay ku yaboohday 18 milyan oo gini oo ay ku dooneyso daaficii hore ee kooxda Manchester United. "Man City waxay noo soo gudbisay yabooh aan ku gacan seernay" ayuu yiri Pulis. Pulis ayaa sheegay inaysan dooneyn kooxdiisa inay iska iibiso Evans, hase yeeshee haddii qiimuhu sax yahay ay iibin doonaan. "Ciyaaryahan kasta waa iib, haddii qiimo sax ah loo soo bandhigo, ma dhihi karno lacag kasta ma qaadaneyno. Koox West Bro moo kale ah ma diidi karto lacag caqli ka bax ah hadidi loo yabooho" ayuu yiri macallin Pulis.
from VOA http://ift.tt/2uX2pjk
via IFTTT
Dhimashada Dhiiqo-guurkii Sierra Leone oo Gaartay 400
QM ayaa maanta sheegtay in dhimashada dhiiqo-guur-kii ka dhacay caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay gaartay 400 qof.
from VOA http://ift.tt/2wghcKl
via IFTTT
Baadigoob ka Socda Spain Kadib Weerar Argagixiso
Baadigoob xooggan ayaa ka socda dalka Spain kadib markii weerar argagixiso oo loo adeegsaday laba baabuur ay 13 qof ku dileen islamarkaana 100 kale ku dhaawaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia.
from VOA http://ift.tt/2x9X4pp
via IFTTT
Thursday, August 17, 2017
Faah-faahinta Kulamadi Xalay ee Isreeb-reebka Europa League
Waxaa xalay fiidkii dhacay lukta koowaad ee ciyaaraha kala sooca ah ee loogu soo baxayo koobka Europa League oo ah koobka labaad ee ugu xiisaha badan Qaaradda Yurub.
from VOA http://ift.tt/2vIdMyp
via IFTTT
Matuidi oo Maanta Ku Biiraya Juventus
Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa qarka u saaran in ay maanta la wareegto laacibka qadka dhexe ee kooxda Paris St-Germain iyo xulka France Blaise Matuidi .
from VOA http://ift.tt/2wUYLb3
via IFTTT
Ciidamo Kale oo La Geynayo Afghanistan
Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu aad ugu dhawyahay inuu ku dhawaaqo istaraatiijiyad muddo dheer ah oo hadafkeedu yahay in lagu soo afjaro kooxda Taliban ee dalka Afganstan.
from VOA http://ift.tt/2vILp3i
via IFTTT
Dad ku Sugnaa Bartamaha Barcelona oo Baabuur lagu Weeraray
Baabuur Van ah ayaa lagu dhuftay dad ku sugnaa bartamaha magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasi oo dhowr qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta magaalada.
from VOA http://ift.tt/2w64g9c
via IFTTT
Suarez oo Afar Toddobaad Garoomada Ka Maqnaan Doona
Barcelona oo guul darro xanuun badan oo koobka Spanish Super Cup-ka kala kulantay kooxda Real Madrid, ayaa mar kale waxa soo wajahay xaalad aan wanaagsaneyn, kadib markii uu dhaawac soo gaarey ciyaar yahankooda weerarka uga ciyaara ee Luis Suarez, kaas oo afar toddobaad ka maqnaan doona garoomada.
from VOA http://ift.tt/2w5hmDD
via IFTTT
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Mowqifkiisa Xiisadda Khaliijka
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in danaha istaraatijyadeed ee Puntland kala dhaxeeyay Sacuudiga iyo Emiraatka uu ku qasbay in maamulkiisu uu la safto dalalkaasi.
from VOA http://ift.tt/2uTfTN2
via IFTTT
Xiisadda Siyaasadeed ee HirShabelle oo kasii Dartay
Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta Maamulka Hirshabelle iyadoo xildhibaanada iyo hogaanka ugu sareya ay ku kala qeybsameen xil ka qaadidii Madaxweyanahii Maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble. Warbixintan waxaa Beledweyne ka soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.
from VOA http://ift.tt/2wiMX4y
via IFTTT
Maxbuus Soomaali ah oo ku Geeriyooday India
Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in maxbuus Soomaali ah uu xalay ku geeriyooday magaalada Mumbai. Safaaradda Soomaaliya ee India ayaa VOA u xaqiijisay in Bashiir Bare oo ka mid ahaa dhallinyaro ku xirnayd Mumbai, dhawaanna wadanka loo soo celin lahaa uu ku geeriyooday cisbitaalka JJ hospital. Safaaradda ayaa sheegtay in marxuumka dhintay ay cisbitaalka la joogeen markuu dhimanayay laba qof oo ehelkiisa ka tirsan. Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya waxay kaloo sheegtay in marxuumka dhintay uu qabay cudurrada TB iyo sonkor, muddona uu xannuunsanaa. Safiirka Soomaaliya ee Hindiya Ebyan Ladane ayaa VOA qoraal ugu sheegtay in kooxda u danbeysa oo ah 61 maxaabiis ah la filayo in la xukumo 19-ka bishan, waxaana ay sheegtay in marka xukunka lagu rido kadib ay bilaaban doonto in loo qaado Soomaaliya, taasina ay ka sugayaan dowladda Soomaaliya.
from VOA http://ift.tt/2uTvtrZ
via IFTTT
Liverpool oo beenisay in ay Coutinho ka iibineyso Barcelona
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku adkeystay inaysan waxba iska beddelin mustaqbalka cayaarayahan Coutinho ee kooxda Liverpool. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii maareeyaha guud ee kooxda Barcelona Josep Segura uu shaaca ka qaaday inay ku dhow yihiin inay soo afjaraan heshiis ay kula soo saxiixanayaan laacibka reer Brazil. "Ma aqaan sababta ay dadka u sheegayaan wixii ay dhaheen. Ninkaas xitaa ma aqaan, weligeyna lama kulmin" ayuu yiri macallin Klopp oo tixraacayey hadalka Segura. "Horey ayaan u sheegnay wixii ay ahayd inaan dhahno, mana jiro war kale oo cusub. Cidna iima sheegin wax ka duwan go'aanka kooxda ee ah inaan la iibin Coutinho" ayuu yiri Klopp. Barcelona ayaa waxaa horey looga diiday laba dalab oo ay kooxda Liverpool u gudbisay oo ay ku dooneyso weeraryahankan, waxaana kii ugu dambeeyey uu ahaa 90 milyan oo gini. Coutinho, ayaa dhinaciisana kooxda Liverpool u gudbiyey codsi qoran oo uu kaga dalbaday in laga iibiyo Barcelona, kaasi oo kooxda ay ku gacan seertay.
from VOA http://ift.tt/2x7e0Nd
via IFTTT
Blaise Matuidi oo ku biiraya kooxda Juventus
Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain, Blaise Matuidi ayaa maanta maraya qeybta labaad ee tijaabada caafimaadka kooxda Juventus, oo la filayo inuu ku biiro. Warkan ayaa waxa ay kooxda Juventus maanta ku shaacisay website-keeda (www.juventus.com). Xiddiga caalamiga ah ee xulka Farnasiiska u saftay 58-da jeer, ayaa la filayaa in naadiga difaacanaya horyaalka Serie A uu ugu biro 23.45 milyan oo dollar, iyo lacag kale oo dheeri ah oo ku xirnaan doonta guulaha uu la gaaro. 30 jirkan ayaa kooxda PSG waxa uu sanaddii 2011 uga soo biiray kooxda ay ka wada dhisan yihiin horyaalka Ligue 1 ee Saint-Etienne, waxaana uu u saftay 295 kulan.
from VOA http://ift.tt/2w4GAlJ
via IFTTT
Dhageyso Warkii Ugu Dambeeyey ee Cayaaraha
Ku soo dhawaada xubinta Cayaaraha, waxaad ku maqli doontaan qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kulamadii xalay la cayaaray ee is reeb reebka UEFA Champions League, Real Madriid oo koobkoodii afaraad ee sanadkan 2017-ka ku guuleystay iyo qodobbo kale.
from VOA http://ift.tt/2vG1O8p
via IFTTT
Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in la Dilay 7 Shabaab ah
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay toddoba xubnood oo ka mid ah mintiinta kooxda Al-Shabaab ku dileen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
from VOA http://ift.tt/2wStzco
via IFTTT
Diego Costa: Dib uguma soo laaban doono Chelsea
Cayaaryahan Diego Costa ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan dib ugu soo laaban doonin kooxda Chelsea, islamarkaana uu doonayo inuu ku laabto kooxdiisa hore ee Atletico Madrid. Costa ayaa waxa uu ku sugan yahay dalka Brazil, halkaasi oo uu guri ku leeyahay, waxaana uu ku hanjabay inuu sii joogi doono, inta uu ku soo laaban lahaa magaalada London. "Inta uu ka dhammaado qandaraaskayga halkan ayaaan joogayaa, kadibna si bilaash ah ayaan ku baxayaa" ayuu yiri Costa. "Meesha xigta ee aan aadayo waa la go'aamiyey, waa inaan dib ugu laabtaa Atletico Madrid" ayuu yiri cayaaryahanka xulka qaranka Spain. Kooxda Chelsea weli jawaab kama aysan bixin hadalka cusub ee kasoo yeeray Diego Costa. Sida la rumeysan yahay ma jiro wax rajo ah oo laga qabo inuu Costa dib uga hoos cayaaro macalin Conte, oo dhowr bilood ka hor fariin qoraal mobile ugu sheegay "inuusan ka mid ah qorshaha kooxda ee xilli cayaareedkan". Si kastaba Chelsea ayaa dooneysa in 28 jirkan uu ixtiraamo heshiiska uu kooxda kula jiro.
from VOA http://ift.tt/2fNxEun
via IFTTT
Sacuudiga oo Xadka u Furaya Xujayda Qadar
Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa maanta ku warrantay in boqor Salmaan uu ansixiyey in la furo xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Qadar, si loogu ogolaado xujayda dalkaas inay gutaan xajka.
from VOA http://ift.tt/2vKT3Z3
via IFTTT
Wednesday, August 16, 2017
FBI-da oo Lacag Siineysa Ciddii Sheegta Qofki Qarxiyey Masjidka Darul Faaruq ee Minnesota
Hay'adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa kudhowaaqday abaalmarin lacageed oo dhan 30 kun oo dollar oo la siin doono cidda soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daarul Faaruuq ee magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota.
from VOA http://ift.tt/2vFiHjq
via IFTTT
Real Madrid oo Ku Guuleysatay Super Cup-ka Spain
Kooxda Real Madrid ayaa hanatay koobka Super Cup-ka dalka Spain, kadib marki ay 2-0 ku garaacday xalay kooxda Barcelona, is araga labaad ee finalka koobkan.
from VOA http://ift.tt/2fN9Dnf
via IFTTT
Puntland oo la Safatay Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka
Maamul goboleedka Puntland ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inay go'aansadeen inay la jirsadaan Sacuudiga iyo Imaaraddka, iyagoo ku taageeraya muranka kala dhaxeeya dalka Qadar.
from VOA http://ift.tt/2v1SrfE
via IFTTT
Raila Odinga oo Maxkamadda u Dacwoonaya
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay maanta oo arbaca ah inuu maxkamad aadi doono, isagoo ka doodaya natiijada doorashaddii 8-dii bishan looga guuleystay ee dalkaasi ka dhacday .
from VOA http://ift.tt/2uJ1kQa
via IFTTT
Xiriirka Spain oo Adkeeyay Ganaaxii Ronaldo
Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Spain, ayaa ku adkeystay go'aankoodii ay shanta kulan ku ganaaxeen ciyaaryahan Cristiano Ronaldo.
from VOA http://ift.tt/2vDrAtS
via IFTTT
Ganacsato ka Cabanaya Adeegga Dekedda Berbera
Qaar ka mid ah ganacsatada wax kala soo dega dekedda magaalada Berbera ayaa ka cawday adeegga wakhtigan ee dekeddaas. Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in aanay shaqadii dekeddu kala soconin, taasina ay keentay in alaab badan oo dekedda timi ay wali ku xanniban tahay. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed, waxaanu ugu horrayn wax ka weydiiyay cabashada ganacsatada.
from VOA http://ift.tt/2i68at9
via IFTTT
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 384
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 384-aad. Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
from VOA http://ift.tt/2fJMd2g
via IFTTT
Maxay Soomaaliya ka Baran Kartaa Doorashada Kenya?
Doorashada Kenya ee dhowaan dhacday waxey ku soo beegantay iyadoo Somalia 2020-ka loo madlan yahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah.
from VOA http://ift.tt/2uIsbvt
via IFTTT
Dhageyso Xubinta Cayaaraha
Dhageyso Xubinta Cayaaraha, oo qodobbada aad ku maqli doontaan ay ka mid yihiin: Kulamadii xalay dhacay ee is reebreebka koobka Champions League iyo qodobbo kale.
from VOA http://ift.tt/2vDgXaL
via IFTTT
Arsenal oo weli aan horumar ka sameyn wada-hadallada Sanchez
Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in weli wax horumar ah aan laga sameyn wada-hadallada kooxda ay ku dooneyso inay heshiis cusub uga saxiixdo Alexis Sanchez. Sanchez oo 28 jir ah, ayaa qandaraaska uu kooxda garoonka Emirates kula jiro waxaa ka haray 12 bilood. "Waa cayaaryahan guda galaya sanadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa, welina wax horumar ah kama aynaan sameyn arrintaas" ayuu yiri macallinka Arsenal oo shir jaraa'id ku qabtay London. Arsene Wenger ayaa muujiyey inay u badan tahay in xiddigan u dhashay dalka Chile uu si bilaash ah kooxda kaga tago xagaaga dambe. "Ma ahan arrin wanaagsan marka la eego dhaqaale ahaan, waxayna u baahan tahay dulqaad" ayuu yiri Wenger oo ka hadlaya in kooxda kulumin doonto cayaaryahanka si bilaash ah. Arsenal ayaa ku adkeesaneysa in xiddigan uusan iib ahayn, inkasta oo lala xiriirnayo kooxaha Manchester City iyo Paris Saint Germain.
from VOA http://ift.tt/2wPn61Y
via IFTTT
Iniesta oo mar kale uu dhaawac soo gaaray
Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa seegi doona kulanka labaad ee cayaarta Super Cup-ka dalka Spain oo kooxdiisa caawa ay la dheeli doonto kooxda Real Madrid, kadib dhaawac ka gaaray bowdada. Barcelona ayaa sheegtay in kabtanka kooxda uu seegi doono kulanka, kadib markii uu awoodi waayey in maanta uu tababarka la qato saaxiibadiisa kale ee kooxda, ka hor kulanka caawa ka dhacaya garoonka Santiago Bernabeu. Real Madrid ayaa lugtii hore ee cayaarta ku badisay 3-1, waxaana Barcelona looga fadhiyaa inay natiijadaas mid ka wanaagsan gaarto, si ay u hanato koobka. Iniesta oo 33 jir ah ayaa waxaa xilli cayaareedkii lasoo dhaafay la haray dhaawacyo joogto ah, isaga oo kulamo badan seegay. Barcelona ma aysan shaacin xilliga uu Iniesta dib ugu soo laaban doono garoomada, waxaana suurta-gal ah inuu seego billowga horyaalka La Liga, oo axadda kooxdiisa ay marti-gelineyso Real Batis.
from VOA http://ift.tt/2vDdNn9
via IFTTT
Gundogan oo 8 bilood kadib ku soo laabtay garoomada
Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa dib ugu soo laabtay garoomada, kaddib muddo dhowr bil ah oo uu dhaawac ku maqnaa. Cayaaryahanka u dhashay dalka Jarmalka, ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay kooxdiisa muddo sideed bilood ah kadib, markii xalay ay cayaar saaxiibtinimo dalka Spain kula cayaareen kooxda Girona. Gundogan oo dhaawac uu ka gaaray jilbka, intii ay socotay cayaar kooxdiisa ay la yeelatay naadiga Watford, bishii December ee sanaddii tagtay, ayaa safan kara kulankiisii ugu horreeyey ee ramsi ah, marka kooxdiisa ay marti-geliso naadiga Everton, habeenka Isniinta. Gundogan ayaa garoonka soo galay daqiiqaddii 71-aad ee cayaarta ay la dheeleen Girona, waxaana kooxdiisa looga adkaaday 1-0.
from VOA http://ift.tt/2wPWhur
via IFTTT
Haween Is-qarxiyey oo Dad Badan ku Laayey Nigeria
Haweeney is-miidaamisay ayaa isku qarxisay, islamarkaana 27 qof oo kale ku dishay suuq ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria, goor dambe oo talaadadii ahayd, sida ay sheegeen saraakiil deegaanka ah.
from VOA http://ift.tt/2w0T7GE
via IFTTT
Tweet-ka Obama oo Noqday kii Loogu Jeclaa Taariikhda Twitter
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sabtidii barta twitter soo dhigay sawir kadib markii rabshadaha ay ka dillaaceen magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia. Sawirkaas ayaa hadda noqday, tweet-kii loogu jeclaa ee taariikhda barta twitter.
from VOA http://ift.tt/2wORIR3
via IFTTT
Tuesday, August 15, 2017
Cabdiraxman Jaamac Barre oo Geeriyooday
Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxman Jamac Barre.
from VOA http://ift.tt/2w8D2iE
via IFTTT
Buffon, Lionel iyo Ronaldo oo Ku Tartami doona Xidiga Sanadka ee Yurub
Xiriirka kubadda cakta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa ku dhawaaqay magacyada saddexda laacib ee ku tartami doonta abaalmanita laacibka sanadka ee Yurub.
from VOA http://ift.tt/2uZM2Sr
via IFTTT
Shan Askari oo Kenyan ah oo Qarax lagu Dilay
Ugu yaraan shan ka tirsan askarta booliska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena waa lagu dhaawacay kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino, iyagoo marayay deegaanka Bodhai-Ijara oo ka tirsan Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto. Booliska Kenya ayaa sheegay in miinadaasi ay gaariga la eegteen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab, kadibna ay gubeen gaariga markii dambe goobtana ay ka baxsadeen. Askarta weerarka lagu qaaday ayaa ka tirsanaa kuwa saldhigga Bodhai ee deegaanka Ijaara. Goob jogayaasha ayaa u sheegay wakaaladaha wararka iyo warbaahinta Kenya in askarta weerarka ku dhaawacantay ay ku dhuunteen keynta ilaa halkaa ay ugu tagaan ciidamo gurmad ah, waxaana markii dambe dhaawacooda loo duuliyay magaalada Nairobi.
from VOA http://ift.tt/2w7nWKq
via IFTTT
Dowladda oo soo Dhoweysay Mukhtaar Roobow
Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhoweeneyso, wada-hadalna kula jirto hoggaamiye ku xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo dhowaan dowladda isku soo dhiibay.
from VOA http://ift.tt/2uYdLTn
via IFTTT
Chelsea oo ganaax lacageed saartay Diego Costa
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ganaax lacageed oo ah mushaharka laba toddobaad saartay cayaaryahan Diego Costa, kadib markii uu ku guuldarreystay inuu tababarka kooxda kasoo qeyb galo. Xiddigan iyo kooxda ayaa waxaa ka dhex oogan muran ku saabsan mustaqbalkiisa cayaareed, xilli kooxda ay dooneyso inay iska iibiso, isagana uu ku adkeysanayo inuu doonayo kaliya in laga iibiyo kooxdiisii hore ee Atletico Madrid. Costa oo ku sugan gurigiisa ku yaalla magaalada Lagarto ee dalka Brazil ayaa waryesi uu siiyey wargeyska Daily Mail ku sheegay in Chelsea ay ula dhaqmeyso inuu yahay dambiile oo kale, uuna wax xushmad ah u hayn macallin Antonio Conte. Chelsea ayaa afar shuruud hordhigtay Costa, si loo xaliyo khilaafka labada dhinac, waxaa ay yihiin, inuu kusoo laabto England, inuu kasoo qeyb galo tababarka, inuu fayo-qab ahaan isku diyaariyo inuu kulamo safto, iyo inuu uu diyaar u noqdo in loo xusho kulamada kooxda. Sida la rumeysan yahay ma jiro wax rajo ah oo laga qabo inuu Costa dib uga hoos cayaaro macalin Conte, oo dhowr bilood ka hor fariin qoraal mobile ugu sheegay "inuusan ka mid ah qorshaha kooxda ee xilli cayaareedkan". Si kastaba Chelsea ayaa dooneysa in 28 jirkan uu ixtiraamo heshiiska uu kooxda kula jiro.
from VOA http://ift.tt/2uG3LmB
via IFTTT
Muqdisho: Dad Isku Qoys ahaa oo Baabuur lagu Weeraray
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, shan kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen dadkan oo ka kooban hal qoys, meel ku dhow isgooska Digfeer ee degmada Hodo nee magaalada Muqdisho. Gaari ayaa la sheegay in uu soo garab istaagay gaariga ay saarnaayeen dad u badnaa carruur, ka dibna lagu furay rasaas, waxaana goobta ka baxsaday kuwii dilka geestay. Laba ka mid ah dhaawacyada ayaa ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa culus. Qoyska la weeray waxaa aabe u ah madaxa shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Xasan Cawad, waxaana la sheegay in uusan gaariga saarnayn xilliga dhibka uu dhacay. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya. oo la xariira weerarkan lagu qaaday qoyskan.
from VOA http://ift.tt/2vYgFMp
via IFTTT
Xiisad ka Dhex Oogan Maamulka HirShabelle
Baarlamanaka Hirshabelle ayaa shalay sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble. Baarlamanka oo ku kulmay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa codka kalsoonida u qaaday madaxweynaha, kadibna ku dhawaaqay in uu waayey, sidaasna uu ku dhacay. Maanta ayaa haddaba Cali Cabdullaahi Cosoble uu tagay magaalada Jawhar, waxana uu sheegay in xil ka qaadistiisu ay ahayd sharci-darro. Dhinaca kalena Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ku adkaystay in xil ka qaadista ay ahayd sharci. Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.
from VOA http://ift.tt/2vXWQ7Y
via IFTTT
Dhageyso Qodobbo Ku Saabsan Cayaaraha Caalamka
Kusoo dhawaada xubinta cayaaraha, Jamaal Axamed Cismaan ayaa la diyaar ah.
from VOA http://ift.tt/2w9F0id
via IFTTT
Isbeddel la rabo in lagu sameeyo suuqa cayaartoyda Premier League
Kooxaha horyaalka Premier League ee Ingiriiska ayaa lagu wdaaa inay ka wada-hadlaan in isbeddel lagu sameeyo xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga cayaartoyda, lagana dhigo ka hor inta uusan billaaban horyaalka. Wakiillo ka socda 20-ka kooxood ee horyaalka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka saamilayda horyaalka oo dhacaya toddobada bisha September, ayada oo la rumeysan yahay in inta badan kooxaha ay doonayaan in isbeddelkan la sameeyo. Suuqa kala iibsiga cayaartoyda aya hadda furan ilaa 31-ka bisha August, oo ah saddex toddobaad kadib billowga horyaalka, waxaana haddii la isku raaco qorshaha cusub uu xirmi doonaa ka hor inta uusan billaaban horyaalka, laga billaabo xilli cayaareedka 2018/2019. Qorshahan ayaa u baahnaan doona inay taageeraan 14 ka mid ah 20-ka koox ee horyaalka, sii uu u dhaqan galo. Qorshaha ayaan saameyn doonin kooxaha kale ee dalalka qaaradda Yurub, waxaana ay awoodi doonaan inay cayaartoy ka iibsadaan kooxaha Premier League illaa 31-ka August, markaasi oo suuqa kala iibsiga cayaartoda ee qaaradda Yurub oo idil uu xirmo.
from VOA http://ift.tt/2w6iNCf
via IFTTT
Abu Mansuur oo ku Dhawaaqay inuu ka Baxay Al-Shabaab
Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab Mukhtara Roobow Abu Mansuur ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga baxay ururka Al-Shabab.
from VOA http://ift.tt/2x0jCZW
via IFTTT
Shiinaha oo Mareykanka uga Digay Dagaal Ganacsi
China ayaa sheegtay inay si adag u ilaalin doonto danaheeda dhaqaale haddii dowladda Mareykanka ay baaritaan rasmi ah ku billowdo tuhunka laga qabo in Shiinaha ay xadaan fikradaha ganacsi ee Mareykanka.
from VOA http://ift.tt/2w6bE4U
via IFTTT
Sierra Leone: 300 Qof oo ku Dhintay Daadad
Ugu yaraan 300 oo qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen, maalin kadib markii caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay dabooleen daadad culus iyo dhiiqo, waxaana saraakiisha ay sheegeen in dhimashada ay kordhi karto.
from VOA http://ift.tt/2uXVe9M
via IFTTT
Monday, August 14, 2017
Ronaldo oo Ganaax Culus La Dul Dhigay
Xiriirka kubadda cakta dalka Spain ayaa shan kulan oo ka mid ah horyaalka dalkaasi ka ganaaxay, xiddiga sare ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, kadib marki dibadda looga saaray kulanki ay Axadi Real 3-1 uga badisay kooxda Barcelona, iska koowaad ee finalka koobka Spanish Super Cup.
from VOA http://ift.tt/2uEtdbU
via IFTTT
Trump oo Marki Ugu Horreysay Cambaareeyay KKK
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marki ugu horreysay Isniinti si rasmi ah u cambaareeyey kooxaha ay la weyntahay caddaanimada ee dhawaan rabshadaha ka sameeyey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.
from VOA http://ift.tt/2uE7TDj
via IFTTT
Gen. Mattis oo Digniin Culus u Diray Kuuriyada Waqooyi
Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa uga digay dowlada Kuuriyada Waqooyi iskuday walbaa oo ay kusoo duqeyso dhul uu Marerykanka leeyahay inay soo dadajin karto dagaal dhaqso ku bilowda.
from VOA http://ift.tt/2uWAI9E
via IFTTT
Kenyatta oo Baaq u Diray Mucaaradka Kenya
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay mucaaradka inay ka fogaadaan dibadbaxyada rabshadaha wata, islamarkaana diidmo kasta oo ay ka qabaan natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday ay la aadan maxkamadda.
from VOA http://ift.tt/2wJmuuA
via IFTTT
Sierra Leone: Dad ka Badan 200 oo ku Dhintay Daadad iyo Dhiiqo Guur.
Saraakiisha ku suggan caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown, ayaa sheegaya in 200 qof ka badan ay ku dhinteen dhoobo ku soo rogmatay iyo daadad.
from VOA http://ift.tt/2wJc6mL
via IFTTT
Baarlamanka HirShabelle oo Kalsoonida Kala Noqday Cosoble
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.
from VOA http://ift.tt/2uGQ42s
via IFTTT
Ciidamada Ethiopia oo Shacab ku Dilay Gedo
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegay in saddex qof oo xoolo dhaqato ah ay dhinteen kadib markii sida la sheegay ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia.
from VOA http://ift.tt/2vUOcXN
via IFTTT
Ahmiyad Intee la'eg ayay Leedahay Is-Dhiibitaanka Roobow
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra'isul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aaden ay kulamo ka leeyihiin sida laga yeelayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo isu soo dhiibay dowladda. Robow ayaa horey u ahaa ku xigeenka madaxii Al-Shabab iyo afhayeenkii ururkaas ka hor inta uusan kooxda ka goosan sanadkii 2013-kii. Waxa shalay la keenay magaalada Muqidhso kadib maalmo uu gobolka Bakool kula dagaalamayey maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Hadaba isa soo dhiibista Muqtaar Roobow ahmiyad intee la eg ayey u leedahay dadaalkii dhinaca amniga ee ay Dowladda Soomaaliya ku jirtay maxeyse u dhimmi kartaa jiritaanka Al-Shabaab? Su'aalahaa iyo kuwo kale ayuu wariyeenna Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle weydiiyay madaxa hey'adda Cilmi Baarista iyo Watashiga Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi.
from VOA http://ift.tt/2wIODlB
via IFTTT
Barcelona oo heshiis ka gaartay saxiixa Paulinho
Barcelona ayaa waxa ay kooxda Guangzhou Evergrande ee dalaka Shiinaha la gaartay heshiis ay qad dhexle Paulinho kula wareegeyso 40 milyan oo euro, waxaa sidaas maanta shaacisay kooxda Spanish-ka. 29 jirkan ayaa saxiixi doona heshiis afar sano ah, oo uu raacsan yahay heshiis nasakh dhan 12 milyan oo Euro, ayada oo la filayo inuu tijaabo caafimaad maro maalinta khamiista. Paulinho ayaa noqonaya saxiixii koowaad ee kooxda Barcelona ay sameyso, tan iyo markii ay cayaaryahan Neymar kaga iibisay kooxda PSG 222 milyan oo Euro. Paulinho ayaa horey ugu soo fashilmay kooxda Tottenham ee horyalaka Premier League kadib markii uu kasoo tagay kooxda Corinthians ee dalka Brazil, waxaana sanaddii 2015 laga iibiyey kooxda Guangzhou Evergrande. Intii uu ka cayaarayey horyaalka Shiinaha ayaa Paulinho waxa uu dhaliyey 25 gool, 95 kulan oo uu saftay.
from VOA http://ift.tt/2w339rn
via IFTTT
Kenya: Baaqii Odinga oo u Muuqda inaan la Dhageysan
Mucaaradka dalka Kenya ayaa shacabka ugu baaqay inaysan maanta oo isniin ah shaqo tagin, hase yeeshee jawaabtii baaqaas laga bixiyey ayaa u muuqata mid xaddidan, ayada oo inta badan ganacsiga uu furan yahay.
from VOA http://ift.tt/2uUxdAA
via IFTTT
Real oo racfaan ka qaadaneysa ganaaxa Ronaldo
Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan calaamaddii labaad ee jaalle ee Cirstiano Ronaldo la siiyey cayaartii kooxdiisa ay xalay 3-1 kaga adkaatay kooxda Barcelona. Ronaldo ayaa cayaartaasi dheelay 24 daqiiqo kadib markii lasoo geliyey qeybtii dambe ee cayaarta, waxaana uu dhaliyey mid ka mid ah goolashii Real Madrid ka hor inta aan laga saarin, ayada oo lagu eedeeyey inuu dhulka isku tuuray si rogoore loo siiyo. "Waxaan cayaarnay kulan xiiso badan, hase yeeshee waxaan ka careysnahay in Ronaldo laga saaray cayaarta" ayuu shir jaraa'id ku sheegay Zidane. "Qaladkii Ronaldo lagu galay, waxaa macquul ah inuusan ahayn rigoore, hase yeeshee in calaamad casaan la siiyo waa mid aad u adag. Waxaan isku dayeynaa inaan racfaan qaadano, sii uu lugta labaad u cayaaro arbacada" ayuu yiri Zidane. Lugta labaad ee Super Cup-ka dalka Spain ayaa ka dhici doonta garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabéu.
from VOA http://ift.tt/2fFpF2J
via IFTTT
Costa: Chelsea waxay iila dhaqmeysaa dambiile oo kale
Diego Costa ayaa ku eedeeyey kooxda Chelsea inay ula dhaqmeyso sida "dambiile", wareysi uu siiyey wargeyska Daily Mail, oo u muuqda mid sii dheereyn doono kala go'o isaga iyo kooxdiisa. Weeraryahankan ayaa doonaya inuu dib ugu laabto dalka Spain, inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga cayaartoyda, umana cayaarin kooxda Chelsea wixii ka dmabeeyey final-kii koobka FA ee bishii May. Costa ayaa sheegay in macallin Antonio Conte uu usoo diray farriin qoraal ah, una sheegay inuusan ku jirin qorshihiisa xilli cayaareedkan cusub. Costa oo lagu wareystay gurigiisa dalka Brazil ayaa sheegay inuu diiday inuu tababarka la qaato cayaartoyda da'da yar ee kooxda. "Waxay doonayaan inaan la safto da' yarta, la iimana ogola kooxda koowaad inaan xitaa u dhowaado. Anigu maahi dambiile, xaqna maaha sida la iila dhaqmayo" ayuu u u sheegay wargeyska Dail Mail. Costa ayaa sheegay in ganaax lacageed ay kooxda saarto toddobaad kasta, hase yeeshee uu diyaar u yahay inuu sidaas ku dhameysto qandaraaskiisa kooxda.
from VOA http://ift.tt/2w5a1DE
via IFTTT
Burkina Faso: 18 Lagu Dilay Weerar Maqaayad
Ciidamada amamanka Burkina Faso ayaa soo geba gebeeyey howlgal ka dhan ahaa dabley axaddii weerar ku qaaday maqaayad ku taalla caasimadda dalkaas, halkaas oo ay ku dileen 18 qof, islamarkaana ay sideed kale ku dhaawaceen.
from VOA http://ift.tt/2uG42lq
via IFTTT
Sunday, August 13, 2017
Dhageyso: Mukhtaar Roobow oo Hada Muqdisho ka Dagey
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Muqdisho ka dagey.
from VOA http://ift.tt/2wGLt1F
via IFTTT
Abu-Mansuur oo Tagay Xuddur
Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa tagay magaalada Xuddur maanta sida ay idaacdada VOA u sheegeen mas'uuliyiinta dawladda.
from VOA http://ift.tt/2vul9tj
via IFTTT
Saturday, August 12, 2017
Warkii Ugu Dambeeyay ee Xaaladda Deegaanka Abal ee Bakool
Sidaad idaacadaheennii shalay baxay qaarkod aad ku maqasheen, waxaa dagaallo goos goos ah maalmahanba ka soconayay deegaanka Abal ee gobolka Bakool, kuwaas oo u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan al-Shabaab iyo kuwa kale oo uu hoggaaminayo amiir ku xigeenkii hore ee kooxdaasi Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur.
from VOA http://ift.tt/2vtCh29
via IFTTT
Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Mareykanka
Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay ku dhawaad 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki baabuur la jiirsiiyey kooxo iska soo horjeeday oo ku banaanbaxayey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.
from VOA http://ift.tt/2wFcTVP
via IFTTT
Mo Farah oo ku guuldarreystay orodka shanta kun ee mitir
Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu hanto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha atleetikada aduunka ee ka soconayo magaalada London.
from VOA http://ift.tt/2fCgbVP
via IFTTT
Faah-faahinta Kulamadi Sabtidi Dhacay ee Horyaalka Ingiriiska
Kadib markii Jimcihi lasoo dhaafay si rasmi ah loo furay horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-18, ayey kooxaha intooda badani Sabtidi ciyaareen.
from VOA http://ift.tt/2vZdWTz
via IFTTT
Dhageyso, Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha
Hambalyada iyo Heesaha
from VOA http://ift.tt/2fBfXOu
via IFTTT
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington
Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington waxaad ku dhageysataan sheekooyin xiisa le, wareysiyo suugaaneed, fanaaniin , abwaanno iyo heeso macaan.
from VOA http://ift.tt/2hU17n2
via IFTTT
Barnaamijka Martida Makaroofanka
Barnaamijka Martida Makaroofanka waxaa uu ku saabsanyahay tirada qoysaska Soomaalida ee laga qaato caruurta dalka Norway.
from VOA http://ift.tt/2wE8e6E
via IFTTT
Ciidamada Koofur-galbeed oo u gurmaday Abuu-mansuur
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad-goboleedka Koofur-galbeed oo ayaa gaaray deegaanka Cabal ee uu fariisinka ku leeyahay Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur
from VOA http://ift.tt/2vPpDeZ
via IFTTT
Friday, August 11, 2017
Rabshado ka Dhacay Meello ka Tirsan Kenya
Meello kale duwan oo ay dagan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa waxaa xalay ka qarxay rabshaddo looga soo horjeedo guusha madaxweyne Uhura Kenyatta.
from VOA http://ift.tt/2wRu4Tm
via IFTTT
Horyaalka Ingiriiska oo Xalay Si Rasmi ah Loo Furay
Horyaalka Premier League Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-2018-ka ayaa si rasmi ah u bilowday xalay fiidkii xilliga Geeska Africa, iyadoo kooxda Arsenal ay ku furfuratay guul kadib marki ay 4-3 kaga ku garaacday Leicester City.
from VOA http://ift.tt/2vZ4xua
via IFTTT
Trump oo Markale u Digay Waqooyiga Kuuriya
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale digniin culus u diray hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, isagoo sheegay in haddii uu isku dayo inuu gantaal ku tuuro jaziiradda Guan uu dhibaato adag la kulmi doono.
from VOA http://ift.tt/2vYMUed
via IFTTT
Trump oo Ka Fikiraya Inuu Tallaabo Milatari Ka Qaado Venezuela
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu miiska u saaranyahay qorshe ay tallaabo milatari uga qaadayaan Dowlada Venezuela, isaga oo ku tilmaamay xaalada dalkaasi hadda ka taagan mid khatar ah.
from VOA http://ift.tt/2uzh3wM
via IFTTT
Uhura Kenyatta oo Doorashadii ku Guuleystay
Guddiga doorashada Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta dib loo doortay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Kenya ka dhacday 8-dii bishan. Mucaaradka Kenya ayaa iyagu diiday natiijada.
from VOA http://ift.tt/2fz9ofj
via IFTTT
Al-Shabaab oo Weerar Kale ku Qaaday Abu Mansuur
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar kale maanta ku qaaday saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab.
from VOA http://ift.tt/2wAHa87
via IFTTT
Faaqidaadda: Tahriibka iyo Magefayaasha
Barnaamijka faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay tahriibka iyo dhibaatada kasoo gaarta dadka Soomaalida ah. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.
from VOA http://ift.tt/2vpgtEM
via IFTTT
Neymar oo ugu dambeyn u safan kara PSG
Weeraryahanka dalka Brazil, Neymar ayaa loo ogolaan doonaa inuu kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka Ligue 1 u safto kooxda PSG, kadib markii xiriirka kubadda cagta Faransiiska ay maanta xaqiijiyeen inay shahaadada soo wareejinta cayaaryahanka ka haleen dhiggooda dalka Spain. "Xiriirka FFF waxa uu xaqiijinayaa inay shahaadada soo wareejinta cayaaryahan Neymar uu ka helay xiriirka RFEF" ayaa lagu yiri qoraal xiriirka FFF uu soo dhigay twitter. Neymar oo 261 milyan oo dollar uga soo wareegay kooxda Barcelona, isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan dunida, ayaan ka hor shahaadadan loo ogoleyn inuu u safto kooxdiisa Paris Saint Germain. PSG oo kulankii ugu horreeyey horyaalka 2-0 kaga adkaatay kooxda Amiens ayaa u safri doonta kooxda Avant Guingamp oo ay la cayaareyso axadda.
from VOA http://ift.tt/2vWQV2q
via IFTTT
Iran oo ciqaabtay cayaartoy wajahay Israel
Laba cayaaryahan oo u dhashay Iran, ayaa laga reebay xulka qaranka, si loogu ciqaabo inay wajaheen koox ka dhisan Israel, ayaga oo u cayaaraya koox ka dhisan dalka Greece, sida ay sheegtay wasaaradda cayaaraha dalkaas. Masoud Shojaie iyo Ehsan Hajsafi ayaa u cayaarayey kooxda reer Greece ee Panionios markii ay ka hortagtay kooxda Maccabi Tel Aviv ee Israel, saddexdii August. Iran uma aqoonsana Israel inay tahay dal. "Hajsafi iyo Shojaie wax boos ah ugama banaana xulka qaranka Iran, waxay ka gudbeen qadkii casaa ee Iran" Waxaa sidaas yiri wasiir ku xigeenka cayaaraha Iran Mohammad Reza Davarzani. "Inaad la cayaarto, adiga oo kasoo horkeeda talis naceyb ku dhisan waa wax aanu qarankeena aqbali karin" ayuu yiri.
from VOA http://ift.tt/2uv7Jy6
via IFTTT
Qarax ka Dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho
Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe oo u dhow dekadda magaalada Muqdisho.
from VOA http://ift.tt/2uwvbXW
via IFTTT
Liverpool: Coutinho laguma iibinayo lacag kasta
Qorshihii kooxda Barcelona ay ku dooneysay inay kula soo saxiixato Philippe Coutinho, ayaa u muuqda inuu dhintay, kadib markii kooxda Liverpool ay soo saartay bayaan ay ku caddeysay inaysan lacag kasta ku iibin doonin cayaaryahanka. "Waxaan dooneynaa inaan kala caddeyno mowqifkeena ku aadan Philippe Coutinho. Go'aanka kooxda wuxuu yahay in xiddigan aan la iibin doonin xilli cayaareedkan" ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Liverpool. Waa markii ugu horreysay ee milkiilayaasha kooxda Liverpool ee FSG ay ka hadlaan doonista kooxda Barcelona ee Coutinho, kadib markii macallin Jurgen Klopp uu horey u sheegay in xiddiga reer Brazil aanu iib ahayn. "Ma jiro xad qiimo oo aan diyaar u nahay inaan aqbalno" ayuu khamiistii yiri tababarahan Jaramlka ah. "Hadafkeena ayaa ah inaan haysano kooxda ugu wanaagsan, sidaas darteed waxaan dooneynaa inaan ceshano cayaartoydeena muhiimka ah, islamarkaana ku darno kuwo cusub" ayuu sii raaciyey. Barcelona ayaa dooneysay inay Countinho ku beddesho xiddigeedii Neymar ee ku biiray kooxda PSG, oo ka bixisay lacag dhan 260 milyan oo dollar.
from VOA http://ift.tt/2vWoHoN
via IFTTT
'Ciidamada NATO oo Shacab ku Laayey Afghanistan'
Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in weerar duqeyn ah oo ay ciidamada caalamiga ah ka fuliyeen gobolka bari ee Nangarhar ay ku dhinteen 16 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
from VOA http://ift.tt/2vUS1wF
via IFTTT
Thursday, August 10, 2017
Horyaalka Ingiriiska ee Xillia Ciyaareedkan oo Caawa Furmaya
Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa ee xilli ciyaareedkan 2017-2018 ayaa caawa fiidkii si rasmi ah daaha looga rogi doonaa. Ciyaarta ugu horeysa ee sanadkaan, ayaa waxaa lagu furi doonaa kooxaha Arsenal iyo Leicester City, waxana ay ka dhici doontaa garoonka Emirates Stadium ee magaalada London. Laacibiinta cusub ee Arsenal ee kala ah Alexandre Lacazette iyo Sead Kolasinac ayaa laga yaabaa in ay saftaan kulankoodi ugu horeeyey ee horyaalka Ingiriiska, laakin waxaanan safan karin weeraryahan Alexis Sanchez oo xanuunsan iyo Laurent Koscielny oo ganaaxan. Dhinaca Leicester waxaa dhaawac uga maqnaan doona laacibiinteeda qadka dhexe ee kala ah Danny Drinkwater iyo Vicente Iborra. Weerayahanka dhawaan kaga soo biiray kooxda Manchester City ee Kelechi Iheanacho ayaa lagu wadaa inuu caawa ka mid noqdo xidigaha u safan doona Leicester, waxaa weerarka kula lamaanaan doona Riyad Mahrez oo ay suuragal tahay inuu maalmaha soo socda ku biiro kooxda Roma. Ciyaaraha kale ee horyaalka Ingiriiska ee todobaadkaan waxay dhici doonaan Sabtida, kooxuhuna waxay isu arki doonaan sidaan. Watford ayaa wajaheysa Liverpool, kooxda horyaalka difaacaneysa ee Chelsea ayaa soo dhaweyn doonta Burnley. Crystal Palace ayaa fooda dareysa Huddersfield Town, Everton waxay gurigeeda kusoo dhaweyneysaa Stoke City. Swansea City ayaa booqan doonta Southampton. West Bromwich Albion ayaa la ballansan Sabtida AFC Bournemouth. Manchester City oo xagaagan keentay laacibiin qaali ah ayaa aadi doonta garoonka horyaalka ku cusub sanadkaan ee Brighton & Hove Albion. Natiijooyinka ciyaarahan, kala soco www.voasomali.com
from VOA http://ift.tt/2uvO8Kn
via IFTTT