Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsantahay go'aanka uu qaatay maalinti Arbacadii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday caaismadda Israa'iil. War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda ee Soomaaliya ayaa go'aankaasi ku tilmaantay inuu yahay mid halis ah, waxaana dawladdu ugu baaqday Maraykanka in ay si "dhab ah uga fiirsato halista go'aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka" sida lagu sheegay war safaaxadeedka War saxaafadeedka ayaa ugu baaqay dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka. Soomaaliya waxaya sheegtay inay dawlad iyo shacab-ba diyaar la yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.
from VOA http://ift.tt/2iG1Vtu
via IFTTT
Thursday, December 7, 2017
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashey Marxaladda Qudus
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment