Yurub, waxaa xalay ka dhacay ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan tartanka cusub ee loogu magacdaray Horyaalka Qaramada Yurub kaas oo lagu badalay ciyaarihi saaxibtinimo ee ay ciyaari jireen dalalka Yurub. Xulka Portugal ayaa 1-0 uga badiyay xulka kubadda cagta Talyaaniga oo marti u ahaa, taasoo aheyd guuldarradi 1-aad ee tartankaan kasoo gaarto macallinka cusub ee xulka Talyaaniga Roberto Mancini. Mancini ayaa xalay soo safay ciyaartooy cusub oo dhalinyara ah. Wuxuu ka tagay oo uu keydka fariisiyay xidigaha caanka ah ee kooxda Juventus, waxaana ay ahed marki ugu horreysay oo aysan ciyaartooy ka tirsan kooxda Juventus u safan xulka Talyaaniga muddo 20 sana ah. Goolka guusha waxaa Portugal u saxiixay weeraryahanki hore ee AC Milan Andrea Silva daqiiqadii saddexaad ee qeybtii labaad ee ciyaarta. Waa marki ugu horreysay oo uu Portiqiisku ka badiyo Talyaaniga tan iyo sanadi 1957-ki. Dhinaca kalana xulka kubadda cagta Kosovo ayaa xalay loo diiwaangeliyay guushi ugu horreysay abid uu kasoo hooyo ciyaar caalami ah tan iyo marki Kosovo loo aqoonsaday in ay tahay qaran jira. Kosovo waxay 2-0 ku garaacday xulka Faroe Islands 2-0 oo ay ka wada tirsanyihiin qeybta afraad ee tartanka Horyaalka Qaramada Yurub. Goolasha waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahan Zeneli oo ah laacib ka ciyaara horyaalka dalka Holland iyo Nuhiu oo u ciyaara kooxda Sheffield oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska. Ciyaaraha kalana, September 10 FTPortugal 1 - 0 Italy UEFA Nations League - League B:: group 2 September 10 FTSweden 2 - 3 Turkey UEFA Nations League - League C:: group 1 September 10 FTScotland 2 - 0 Albania UEFA Nations League - League C:: group 4 September 10 FTMontenegro 2 - 0 Lithuania FTSerbia 2 - 2 Romania UEFA Nations League - League D:: group 1 September 10 FTAndorra 1 - 1 Kazakhstan UEFA Nations League - League D:: group 3 September 10 FTKosovo 2 - 0 Faroe Islands FTMalta 1 - 1 Azerbaijan
from VOA https://ift.tt/2NBtN30
via IFTTT
Tuesday, September 11, 2018
Natiijooyinka Uefa Nations League
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment