Friday, May 31, 2019

Galkacyo: Sarkaal ka Tirsanaa QM oo la Dilay

Marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goobjoog ahaa ay sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo kuhubaysan bastoolado ay ka toogteen madaxa.

from VOA http://bit.ly/2WhUFKy
via IFTTT

Virginia: Toogasho lagu Dilay 11 Qof

Taliyaha booliiska magaalada Virginia Beach, James Cervera ayaa sheegay in qofkii toogashada geystay uu si degdeg ah oo aan kala sooc lahayn xabbad ula dhacay dhibanayaashiisii, isaga oo dhismaha dawladda hoose galay saacaddu markii ay in yar dhaaftay 4tii galabnimo ee shalay

from VOA http://bit.ly/2KgNLhj
via IFTTT

Faaqidaadda: Cabashada warbaahinta ee dowladda Somalia

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu ku sabasan yahay cabashooyin ay bahda warbaahinta Muqdisho ka qabto dowlada Soomaaliya oo ah inay isku dayeyso inay xakameyso in warbaahinta ay tagaan goobaha ay ka dhacaan qaraxyada iyo dhacdooyinka kale ee u baahan in bulshada loo gudbiyo. Waxaa soo jeedinaya Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.  

from VOA http://bit.ly/2XcBi1P
via IFTTT

Roobab waxyeello gaystay oo ka da'ay Puntland

Roob xoog badan oo ka da'ay gobollada Puntland ayaa sababay in waxyeelo ay soo gaarto wadada laamiga ah ee isku xirta gobollada Puntland. Roobabkan ayaa sababay shilal is-daba joog ah oo ka dhacay inta u dhexeyasa Boosaso iyo  Qardho kuwaasoo sababay dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyeed. Weriyha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixin nooga soo dirtay magaalaad Boosaaso.      

from VOA http://bit.ly/2EKFhvt
via IFTTT

Soomaali laga qaaday Yemen oo la geeyey Berbera

125 qof oo isugu jiray duma, rag iyo caruur oo dooni ay ka qaaday Dekedda Cadan ee dalka Yemen galabtii Arbacadii la soo dhaafay ayaa la geeyey magaalada Berbera.

from VOA http://bit.ly/2W5tOfN
via IFTTT

UNHCR oo qaxooti ay Soomaali ku jiraan ka qaaday Libya

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa khamiistii shalay si nabdoon uga daad gureysay dalka Libya 149 qof oo qaxooti iyo megangalyo doon isugu jira, iyadoo geysay dalka Talyaaniga.

from VOA http://bit.ly/2EHjwfJ
via IFTTT

Iran "Sacuudiga waxay u faa'iidaynayaan Yahuudda"

Iran ayaa ku eedeysay Sacuudiga inay kala qeybsanaan ka abuurayaan gobolka si ay ugu faa'iideeyaan Israel, kadib markii boqortooyada ay marti-gelisay kulan madaxeed ay leeyihiin hogaamiyayaasha Carabta iyo Khaliijka, oo lagu raadinayo taageero ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

from VOA http://bit.ly/2W2O1D1
via IFTTT

Ciidamada Israel oo toogtay dhallinyaro Falastiiniyiin ah

Qof Falastiini ah ayaa toorey geliyey kuna dhawaacay laba qof oo Israeli ah bariga magaalada Jerusalem ka hor inta aan isaga toogasho lagu dilin, sida ay shegeeen booliska Israel.

from VOA http://bit.ly/2MmruS1
via IFTTT

Thursday, May 30, 2019

Duruufaha ay ku Soomaan Barakacayaasha Baydhaba

Iyadoo lagu jiro maalmihii u dambeeyay ee bisha barakayasan ee ramadaan ayaay qoysas badan oo sabool ah aaney haysan cuno ay ku afuraan, Qoysaskan ayaa maalin waliba u afur doonta goobo lagu siiyo cuno bisil.

from VOA http://bit.ly/2Whtn6T
via IFTTT

Galmudug oo xiriirka u jartay dowladda dhexe

Khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah oo muddo soo jiitamayay ayaa haatan galay marxalad kale, waxaana Galmudug ay sheegtay inay xiriirkii wada shaqeyn u jartday dowladda federaalka ah.

from VOA http://bit.ly/2Mf3a4d
via IFTTT

Bankiga Adduunka 'oo lacag dhigaya Bankiga Somaliland'

Somaliland ayaa sheegtay in markii ugu horreysay Bankiga Adduunka uu lacag dhigayo Bankiga Dhexe ee Somaliland.

from VOA http://bit.ly/2I6XZhE
via IFTTT

Bandhigga VOA: Saameynta musiibooyinka ee dhaqaalaha

Barnaamijkii Bandhiga VOA waxa uu toddobaakan ku saabsan yahay saameynta ay musiibooyinka ku leeyihiin dhaqaalaha dalka ama bulshada. Jamaal Axmed Cusmaan ayaa soo jeedinaya.  

from VOA http://bit.ly/2WhlPkL
via IFTTT

Ammaanka Masaajidda Washington oo la adkeeyey

Masaajidda ku yaala dunida oo dhan ayaa intii lagu guda jiray bishan Ramadan ee sii dhamaaneysa adkeeyay amaanka, waxaana taasi ay timid ka dib weeraro loo geystay goobo cibaado. Phil Dierking ayaa booqday qaar ka mid ah masaajidda ku yaala magaaladan Washington iyo hareeraheeda si uu u ogaado xaaladooda, wuxuuna ka diyaaritet warbixin. Waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Imaan.    

from VOA http://bit.ly/2I5wpBk
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 473-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 473-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).      

from VOA http://bit.ly/2JLZGo0
via IFTTT

Sacuudiga oo xulufo u raadsanaya Iran

Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero ka raadin doonto saddex shir madaxeed oo Khamiista maanta ah magaalada barakeysan ee Maka uga billaaban doona hogaamiyaasha Carabta iyo dhamaan madaxda dalalka Islaamka, kuwaasoo uu Sacuudiga xoogga kusaari doono wax uu ku tilmaamay halis uga soo socoto Iran.

from VOA http://bit.ly/2W6Eta8
via IFTTT

Baarlamanka Israel oo is-kala diray kuna baaqay doorasho

Baarlamanka Israel ayaa maanta u codeeyey inuu iskala diro islamarkaana la qabto doorasho labaad oo deg deg ah, kadib markii ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ku guul-dareystay inuu soo dhiso dowlad isbahaysi ah.

from VOA http://bit.ly/2WAgjJ6
via IFTTT

Wednesday, May 29, 2019

Qubanaha VOA, May 30, 2019



from VOA http://bit.ly/2K9iXyY
via IFTTT

Kenya oo soo saartay go'aan ka dhan ah Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2WdCjdm
via IFTTT

Qaraxyo iyo dagaal ka dhacay Sh/Dhexe

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaraxyo loogu gaystay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad. Qaraxyadan ayaa la sheegay inay dhaliyeen khasaare kala duwan. Dhinaca kalena, maleeshiyo gobolka Shabeellada Dhexe kula dagaalanta Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku dileen afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.  

from VOA http://bit.ly/2I7aNV9
via IFTTT

Bolton oo Iran ku eedeeyey weerarkii maraakiibta

La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton ayaa sheegay in tahay wax huban in Iran ay mas'uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Bolton ayaa warkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray "kuwa muhiim ah oo waqtigooda kusoo aaday" balse ma soo bandhigin wax caddeymo ah. Iran ayaa horey u beenisay inay mas'uul ka tahay weeraradaas. Xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii dhowaa tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay. Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa Bolton iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay dagaal u ololaynayaan, islamarkaana maamulka madaxweyne Trump uu filanayo "aragagixisanimo dhaqaale."     

from VOA http://bit.ly/2XdkY0O
via IFTTT

Facebook oo xirtay bogag Iran loo tirinayo

Shirkadda Facebook ayaa joojisay 51 xisaab shaksiyadeed, 36 bog iyo toddoba group, ka dib markii shirkadda dhinaca amniga internet-ka ah oo lagu magacaabo FireEye ay ogaatay in dhammaan barahan la xiray laga leeyahay dalka Iran. 3 xisaabood oo shabakadda xiriirka bulshada ee Instagram-ka ayaa iyagana la joojiyey. Shirkadda FireEye ayaa talaadadii shalay sheegtay in xisaabahan been-beenta ah laga dhigay in Maraykanka ay ka dhisan yihiin, waxayna isu muujiyeen goob sharci ah oo faafisa wararka Bariga Dhexe, taas oo taageersan dalka Iran. Faallooyinka oo ku qornaa afafka Ingiriiska iyo Carabiga ayaa lagaga hadlay doodo ku saabsan siyaasadaha Maraykanka iyo Britain, dadka laga tirada badan yahay ee Carabta, iyo raadka dalka Sacuudi Careebiya uu ku leeyahay gobolkaas. Faallooyinka ayaa cambaarsanaa aragtiyada muxaafadka iyo kuwa liberal-ka. Shirkadda Facebook ayaa dhinaceeda sheegtay in sidoo kale ay baareyso, isla markaana ay macluumadka la wadaagayso hay'adda amniga.  

from VOA http://bit.ly/2HIHf1b
via IFTTT

Somalia oo looga digay tallaabooyinka xiga ee Kenya

Waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Soomaaliya oo ah inay qorshe diblomaaisyadeed ka lahaato sida ay ula macaamilayso Kenya oo laga yaabo inay qaaddoo tallaabooyin kale oo ka dhan ah Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2JKLhbH
via IFTTT

Tuesday, May 28, 2019

Facebook oo Xirtay bogag Iran loo Tirinayo

Shirkadda FireEye ayaa Talaadadii shalay sheegtay in xisaabahan been-beenta ah laga dhigay in Maraykanka ay ka dhisan yihiin, waxayna isu muujiyeen goob sharci ah oo faafisa wararka Bariga Dhexe, taas oo taageersan dalka Iran

from VOA http://bit.ly/2JJq9Cu
via IFTTT

Tababare Gattuso oo Ka Tagay AC Milan

Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay Talaadadi maanta, in uu shaqada ka tagay macallin Gennaro Gattuso, kaddib 18 bilood oo uu kooxda leylinayay.

from VOA http://bit.ly/2WoINFR
via IFTTT

Xavi oo Tababare Noqday

Laacibki hore ee khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka Spain Xavi Hernandez ayaa maanta loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Al Sadd ee dalka Qatar.

from VOA http://bit.ly/30RgaAk
via IFTTT

Warbixin gaar ah: Geerida Faaduma Cali iyo Seygeeda

Col. Faadumo Cali Raage, iyo Seygeeda Bashaar Shariif Cabdullahi Waxey 22 bishan ku dhinteen qaraxii ka dhacay Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2wruQIp
via IFTTT

Weriye Cali Aadan Muumin oo lagu xiray Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsanaa Idaacadda iyo Telefishanka Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2X9VJfZ
via IFTTT

Ciidamada Masar oo lagu eedeeyey xadgudubyo

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta sheegtay in ciidamada ammaanka Masar ay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah shacabka, ay ka geysteen jasiirad u yaalka Sinai, kuwaas oo qaarkood u dhigma dambiyo dagaal.

from VOA http://bit.ly/2ExPLOD
via IFTTT

Duufaano ku wajahan qeybo ka mid ah Mareykanka

Khubarrada saadaasha hawada Mareykanka ayaa ka digaya duufaano xoog leh oo ay suurtagal tahay in ay Talaadada maanta ah garaacaan dhamaan gobollada dhexe ee dalkan Mareykanka. Waaxda Adeega Qaran ee Cimillada ayaa ku warrantay, in ay suurtagal tahay in duufaannadani ay mar kale ku dhuftaan bariga gobolka Indiana iyo galbeed gobolka Ohio oo ay khasaaro ka geysteen habeenkii Isniinta. Saraakiisha gobolka Ohio ayaa sheegay in duufaanti Isniinti garaacday magaalada Dayton ee gobolkaasi ay sababtay khasaaro isugu jira burbur ku yimid guryo badan iyo waddooyinka qaar oo ay ka dhigtay kuwo aanan la mari karin. Tan iyo todobaadki hore, duufaanno soo noqnoqday ayaa ka dhacay gobollada dhexe ee Mareykanka gaar ahaan Missouri, Oklahoma, Iowa iyo Indiana. Iyadoo duufaanahaasi wata roobabka iyo dabeylaha ay halis ku hayaan goboolada dhexe ee Mareykanka, ayaa gobollada koofureed waxaa fara ba'an ku haya kuleel heerkiisu uu sarreeyo. Magaalooyinka Augusta iyo Savannah ee gobolka Georgia, darajada heerkulka ayaa waxay marki ugu horreysay muddo 141 sana ah gaartay 98 degree oo Fahrenheit ah. Sidoo kale, gobollada South Carolina iyo North Carolina ayaa bishaan May, uu heerka kuleelka marki ugu horreysay gaarya 100 degree oo Fahrenheit ah.

from VOA http://bit.ly/2HGiJOa
via IFTTT

Dad lagu dilay weerar ka dhacay Japan

Gabar iskuul dhiganaysay iyo nin ayaa lagu dilay intii uu socday weerar uu nin mindi wata ka fuliyey meel u dhow magaalada Tokyo ee dalka Japan, kaasi oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 16 qof oo kale.

from VOA http://bit.ly/2WA43IU
via IFTTT

Doorka Soomaalida ee doorshada Midowga Yurub

Doorashadii baarlamaanka Midowga Yurub ayaa la soo gaba gabeeyay, waxana hadda soo baxaya natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada. Xisbiyada midigta dhexe iyo bidix dhexe ayaa lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka Midowga Yurub, sida ay muujinayaan natiijooyinka soo baxay. Xisbiyada ay taageeraan dadka qowmiyiinta ah ee ajnabiga neceb ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dalalka France, Talyaaniga iyo Jarmalka, Halka xisbiyada Gareen Party iyo kan Libaraalka ay guulo ka keeneen dalalka Britain qaar ka mid ah dhamaan 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub. Musharixiin Soomaali ah ayaa ka qeyb ahaa tartanka sanadkan, oo qaarkood guulo gaaray. Jamaal Axmed Cismaan ayaa warbixintan nooga diyaariyay doorashadaasi.    

from VOA http://bit.ly/2MdmwH8
via IFTTT

Monday, May 27, 2019

Warbixin: Doorashada Baarlamaanka M/Yurub & Doorka Soomaalida

Doorashadii Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa la soo gaba gabeeyay, waxana hadda soo baxaya natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada. Musharixiin Soomaali ah ayaa ka qeyb ahaa tartanka sanadkan

from VOA http://bit.ly/2YS6ST6
via IFTTT

Soomaaliya oo Ethiopia kala hadashay khariidaddii laga saaray

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda.

from VOA http://bit.ly/2KdjGPw
via IFTTT

Nin loo xiray qarax ka dhacay, Lyon France

Booliska dalka Faransiiska ayaa soo xiray qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qaraxii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Lyon ee dalkaas, oo ay ku dhaawacmeen 13 qof. Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Christophe Castaner ayaa Isniinta maanta ah bartiisa Twitter-ka uga dhawaaqey inuu jiro horumar laga sameeyey kiiskaasi, isagoo aan bixinin faahfaahin dheeraad ah. Xafiiska dacwad oogaha magaalada Paris oo qaabilsan baaritaanka dhammaan kiisaska argagixisada ee Franasiiska ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu ku xaqiijinayo in lasoo xirey nin 24 jir ah oo lagu hayo saldhigga booliska ee magaalada Lyon. Sideed haween ah, afar nin, iyo gabar yar oo toban jir ah ayaa ku dhawwacmay qaraxaasi, laakiin midkoodna kuma jirin xaalad halis ah, sida ay laga soo xigtey xukuumada Faransiska.  

from VOA http://bit.ly/2wq5hHH
via IFTTT

Somaliland oo sii daysay 'maxaabiis ay Puntland ka haysay'

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta cafis u fidiyey maxaabiis kasoo jeedda maamul goboleedka Puntland

from VOA http://bit.ly/2YOjdrh
via IFTTT

Ilayska VOA: Dhibka haysta naafada Ciidanka Xoogga

Barnaamijka Ilays waxa uu ku saabsan yahay caqabadaha ay soo mareen iyo kuwa weli haysta naafada ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan xarunta Martini ee magaalada Muqdisho. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://bit.ly/2HIqKSZ
via IFTTT

Goodax oo ka warbixiyey imtixaanka dib u furmay

Wasiirka Waxbarasahda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa VOA-da uga waramay imtixaanka maanta dib u billowday iyo kalsoonida inta ay le'egtahay.

from VOA http://bit.ly/2EC4J6l
via IFTTT

Imtixaanka shahaadiga oo ka billowday HirShabelle

Degaannada HirShabelle ayaa waxaa ka billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo ay maamuleyso dowladda federaalka. Gobolka Hiiraan waxaa imtaxaanka u fariistay arday tiradooda ay gaareyso 1467, halka Gobalka Shabellaha Dhexe ay u fariisatay arday dhan 449 arday. Magaalada Jowhar waxaa u fariistay arday dhan 362 halka Baledweyne ay gaarayaan 1363 arday. Furitaanka imtaxaanka shahaadiga waxaa magaalada Baledweyne uga qeyb-galay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada dowlada federaalka Feysal Cumar Guuleed. Magaalada Baledweyne Jawiga uu imtixaanka ku bilaawday waxaa weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane uga waramay Guddoonka Waxbarashada Gobalka Hiiraan Cismaan Maxamuud Cilmi (Cismaan Caato).  

from VOA http://bit.ly/2X8JS1B
via IFTTT

Xisbiyada asalka oo looga adkaaday doorashada Yurub

Xisbiyada midigta dhexe iyo bidix dhexe ayaa lumiyay aqlabiyadda Baarlamaanka Midowga Yurub, kaddib marki ay xisbiyada Libaraalka, Green Party-ga iyo kuwa Qowmiyiinta ay guulo kasoo hooyeen doorashooyinki baarlamaaniga Midowga Yurub ee Axadi shalay lasoo gaba gabeeyay. Xisbiyada ay taageeraan dadka qowmiyiinta ah ee ajnabiga neceb ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dalalka France, Talyaaniga iyo Jarmalka, Halka xisbiyada Gareen Party iyo kan Libaraalka ay guulo ka keeneen dalalka Britain qaar ka mid ah dhamaan 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub. Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Lega Party ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini, ayaa doorashadi Talyaaniga ka dhacday ku guuleystay 30 boqolkiiba. Wuxuu sheegay in shacabka ay siiyeen fursad ah inuu wax weyn ka baddalo ururka Midowga Yurub. Wuxuu u hambalyeeyay hogaamiyaha xisbiga midigta ee Faransiiska Marine Le Pen oo doorashadi shalay ka dhacday Faransiiska ka badisay xisbiga madaxweyne Emmanuel Macron ee En Marche party. Doorashadi Midowga Yurub ee sannadkaan ayaa waxaa dadka u soo baxay ee codadkooda dhiibtay lagu tilmaamay kuwi ugu badnaa muddo 20 sano ah.

from VOA http://bit.ly/2JGkSvs
via IFTTT

Trump oo Kim ku raacay "in Biden caqli liito"

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku celiyey taageerada uu u muujiyey weerar xun oo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku qaaday maadaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka ahna musharax madaxweyne.

from VOA http://bit.ly/2KcaH1n
via IFTTT

Trump oo Kim Jogn Un ku raacay "in Biden caqli liito"

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku celiyey taageerada uu u muujiyey weerar xun oo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku qaaday maadaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka ahna musharax madaxweyne.

from VOA http://bit.ly/2Kf5S7x
via IFTTT

Sunday, May 26, 2019

Ethiopia: Khariiradda Waa Khalad

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad.

from VOA http://bit.ly/2XeQV9b
via IFTTT

Hargeysa: Codbaahiyeyaasha Masaajidada oo Amar laga soo Saaray

Wasaarradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland ayaa go'aano kasoo saartay salaadaha tahajudka iyo cishaa'iga, iyada oo imaamyada ugu baaqday inay hoos u dhigaan codbaahiyaasha lagu eedaamo xiliyada salaada tahajudka

from VOA http://bit.ly/2Wio5aH
via IFTTT

Barn. Wicitaanka Dhageystaha

Barn. Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah madaxa Hay'adda UNCHR ee xafiiskeeda dalka Somalia, waxaana uu ka jawaabayaa su'aalaha qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA

from VOA http://bit.ly/2I2ykqa
via IFTTT

Mas'uulkii Jeel Ogaadeen oo la Xiray

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Axmed Ibraahim "Xasan Dheere" ayaa la sheegay inay xalay qabteen ciidamada amniga ee Puntland, ka dibna Jigjiga la geeyey, halkaasna uu hadda ku xiran yahay.

from VOA http://bit.ly/2M7qssQ
via IFTTT

Saturday, May 25, 2019

London: Haweenay Soomaaliyeed oo noqotey Gudoomiye Degmada

Raaqiyo Ismaaciil oo ah hooyo degan dalka Britain ayaa noqotey haweenaydii ugu horeysay oo xijaaban oo muslim ah oo ku guuleysata in loo doorto degmada Islington

from VOA http://bit.ly/2WspP0X
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka. Waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay qorshaha ka bixidda Ingriiska ee Midowga Yurub. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://bit.ly/2X0II8h
via IFTTT

Dhageyso Bar. Caweyska Washington

Ku soo dhawaada Barnaamijka Caweyska Washington. C/xakiim Maxamuud Shirwac ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://bit.ly/2Ew7ciq
via IFTTT

Dhageyso Bar. Dhacdooyinka Toddobaadka

Ku soo dhawaada Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo jeedinaya.

from VOA http://bit.ly/2X4T6vV
via IFTTT

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

Dhageyso barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha ee toddobaadkan (05/25/2019). Waxaa inoo soo jeedinaya Caasho Ibrahim Aden iyo Ibrahim Xasan Dandurey.

from VOA http://bit.ly/2wiPpXt
via IFTTT

Askari Lagu Xukumay Dil

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta dil ku xuntay askari ka tirsan ciidanka Booliska ee dowladda oo horey u dilay Wade Mooto Bajaaj.

from VOA http://bit.ly/2JK10YD
via IFTTT

Shil Gaari oo Ka Dhacay Somaliland

Afar qof, oo laba ka mid ah ay ajnabi yihiin ayaa ku dhintay 10 kalena, oo afar ay ajnabi yihiinna ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera. Afar-ta qof ee dhintay ayaa laba ka mid ah waxa ay u dhasheen dalka.

from VOA http://bit.ly/2M6gZly
via IFTTT

Doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub oo Maalntii Saddexaad Gashay

Maalinti saddexaad ayay maanta gashay doorashada baaralamaanka Midowga Yurub, xilli ay kooxaha qowmiyiinta ee kasoo horjeeda muhaajiriinta ay rajo ka qabaan in ay guulo waaweyn kasoo hooyaan doorashadan, si ay u maamulaan xarunta Midowga Yurub ee Brusseles shanta sano ee soo socota.

from VOA http://bit.ly/2Xd1SIl
via IFTTT

Madaxweyne Trump oo Booqanaya Japan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho madaxweyne oo afar maalmood ah oo rasmi ah ku tagay dalka Japan kaasoo badi ku saabsan xaflad iyo sportis, inkastoo mas'uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad uu ballan qaadayo

from VOA http://bit.ly/2YQudV7
via IFTTT

Friday, May 24, 2019

Trump oo Ciidan Dheeraad ah u Diraya B. Dhexe

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in maamulka Trump uu doonayo inuu hub ka iibiyo dalalka Sacuudiga iyo Isutagge Imaaraadka, iyada oo aan la marin congresska oo xaaladahaas oo kale ogolaanshihiisa loo baahan yahay

from VOA http://bit.ly/2Et6OBi
via IFTTT

Militariga Sudan oo taageeray Sacuudiga

Golaha millatari ee sida kumeel gaarka ah u xakuma dalka Sudan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan dalka Sacuudiga, haddii ay khatar kaga timaado dalka Iran oo ay Sacuudiga hadda ku xafiiltamayaan siyaasadda Bariga Dhexe.

from VOA http://bit.ly/2wgbRQX
via IFTTT

Faaqidaadda: Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu ku saabsan yahay xiisadda ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo dalka Kenya. Waxaa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.  

from VOA http://bit.ly/2W6Stpf
via IFTTT

Dawada la isku caddeeyo oo laga mamnuucay Bariga Afrika

Dalalka Bariga Afrika ayaa mamnuucay dawooyinka la isku cadeeyo ee loo yaqaan hydroquinone. Dhaqaatirta ayaa sheegey in isticmaalka walxan ay sababayaan dhibaatooyin caafimaad oo baaxad weyn. Golaha sharci dajinta Bariga Afrika ayaa todobaadkii hore meel mariyey qaraarkan iyagoo ugu baaqey gobolka iney manuucaan sameynta iyo soo dhoofinta waxyaabaha ay ka kooban tahay dawada la isku cadeeyo ee hydroquinone.   Wariyaha VOA-da Moses Havyarimana ayaa warbixintaan kasoo direy magaalada Arusha ee Tanzania. Falastiin Axmed Iiman ayaa noo soo jeedinaya.  

from VOA http://bit.ly/2HPFxK7
via IFTTT

Waa maxay ujeedka wafdiga Somaliland ee Nairobi?

Magaalada Nairobi waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Wafdi ka socda maamulka Somaliland kaasoo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

from VOA http://bit.ly/30D0aC5
via IFTTT

Ra'iisul wasaare Theresa May oo is-casilaysa

Ra'iisul wasaraaha Britain, Theresa May ayaa sheegtay inay is-casili doonto kadib markii ay saddex goor ku guul darreysatay inay xubnaha baarlamanka ka dhaadhiciso heshiiskeeda Brexit.

from VOA http://bit.ly/2HTYLOM
via IFTTT

Thursday, May 23, 2019

Golaha Ammaanka oo warbixin laga siiyey Soomaaliya

Ku xigeenka ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia ayaa warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in Somalia ay horumar ka samysay dhinacyada dhaqaalaha,  siyaasadda, dib u eegista dastuurka iyo u diyaargarowga doorashada Guud.

from VOA http://bit.ly/2QiBiL6
via IFTTT

Nin isku qarxin rabay xafladda Ahlu-Sunna oo la qabtay

Ciidamada amniga degmada Guriceel ayaa ka hortagay qof doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad ka socotay meel fagaaro ah oo ku taalla degmadaasi, taasi oo ay qabanayeen Ahlu-Sunna.

from VOA http://bit.ly/2WtugsB
via IFTTT

Imtixaanka ardayda Puntland oo lasoo geba-gebeeyey

Deeggaanada Puntland ayaa waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay imtixaanka ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee maamulkaas.

from VOA http://bit.ly/2M5iAbo
via IFTTT

Soomaali u tartameysa baarlamanka Yurub

Musharrixiinta u tartamaya baarlamaanka Midowga Yurub waxaa ku jira Soomaali ka ordaysa waddamada Sweden iyo Talyaaniga.

from VOA http://bit.ly/2YJUCnj
via IFTTT

Bandhigga VOA: Samafalka xilliga bisha Ramadan

Barnaamijka Bandhigga VOA, waxu uu toddobaadkan ku saabsan yahay howlaha samafalka ee xilliga bisha Ramadan. Waxaa soo diyaariyay halkana ka soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

from VOA http://bit.ly/2HzWvgY
via IFTTT

Mareykanka oo kordhinaya ciidamadiisa Bariga Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu wadaa inay Aqalka Cad ku war-geliso suurta-galnimada kumanaan ciidamo Mareykan oo dheeraad ah oo loo diro Bariga Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

from VOA http://bit.ly/2VIXnDN
via IFTTT

Wednesday, May 22, 2019

Qubanaha VOA, May 23, 2019



from VOA http://bit.ly/2HOh1ZV
via IFTTT

Wareysi Gaar ah: M. Ku-xigeenka Jubaland

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland ayaa wareysigan dheer kaga hadlaya arrimo ay ku jiraan darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ay la leedahay Somalia iyo khilaafka u dhexeeya maamulkiisa iyo dawladda federaalka.

from VOA http://bit.ly/2VXkyz5
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 472-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 472-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).    

from VOA http://bit.ly/2McfToC
via IFTTT

Cudurka daacuunka oo ka dillaacay Wajeer

Hal qof ayaa cudurka dacuunka ugu geeriyooday magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya. Sidoo kale in ka badan 42 qof oo cudurka uu soo ritay ayaa waxaa lagu dhabiibaya isbtaalka guud ee Wajeer Wasarada Cafiamaadka Wajeer ayaa xaqiijisay jiritaanka daacuunka.  Wariyaha VOA-da, Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan Gaarisa ka soo diray.  

from VOA http://bit.ly/2M16vny
via IFTTT

Rabshado dhimasho sababay oo ka dhacay Jakarta

Duqa caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof ay dhinteen maanta kadib isku dhac dhex maray taageerayaasha Prabowo Subianto, oo ah generaal hore uu ku guul darreystay doorashadii ka dhacday Indonesia, iyo ciidamada ammaanka. Dibad baxayaasha ayaa diiday in ay kala tagaan markii ay ciidamada booliska isku dayeen inay sidaasi ku qanciyaan, iyaga oo u sheegayay in ay tahay bil Ramadaan oo ay tahay inay iska ilaaliyaan inay rabshado geystaan inta lagu jiro bishan barakaysan. Dibadbaxayaasha ayaa xataa dab qabadsiiyay goobo iyo gaadiid ay boolisku leeyihiin. Booliska ayaa ugu dambeyntii u adeegsaday dadkii mudaaharaadka dhigayay gaaska dadka ilmada ka keena, si loo kala diro. Afhayeenka Booliska Qaranka, Dedi Prasetyo ayaa u sheegay VOA-da in dibad baxayadu ay habeenkii Talaadadii isu rogeen rabshado, kuwaas oo socday ilaa Arbacada maanta ah. Tobaneeyo qof ayaa la xir xiray. Guddoomiyaha Gobolka Jakarta, Anies Baswedan ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in in ka badan 200 oo qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

from VOA http://bit.ly/2VSUjtA
via IFTTT

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax babauur oo maanta ka dhacay bar kontorool oo ku taalla agagaarka taallada Daljirka ee magaalada Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2Wn9YAC
via IFTTT

Mareykanka oo 'laba toddobaad u qabtay Turkey'

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot.

from VOA http://bit.ly/2JBpFOO
via IFTTT

Tuesday, May 21, 2019

Korneyl Tuke oo Lagu Xukumay inuu Bixiyo $500,000

Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii miltariga ee xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.

from VOA http://bit.ly/2HtNDcC
via IFTTT

Guterres: Horumarka Soomaaliya halis ayuu wajahayaa

António Guterres ayaa ka digay in xagjirnimada, colaadda, musuqmaasuq iyo xasillooni-darrada siyaasadeed ay halis ku yihiin horumarka ay Soomaaliya ay ka sameyneyso dhanka dowladnimada.

from VOA http://bit.ly/2Hwluli
via IFTTT

Mas'uuliyiin loo diiday Visa-ha Kenya oo Xamar ku laabtay

Saddex mas'uul oo ka tirsan hay'adaha dawladda Soomaaliya kuwaasi oo dawladda Kenya u diidday inay galaan Nairobi ayaa maanta kusoo laabtay Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2HHZSkD
via IFTTT

Galka Baarista: Fashilka ku yimid imtixaanka dugsiyada sare

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu ku saabsan yahay fashilkii ku yimid imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee Soomaaliya, sida uu ku yimid, goorta laga war-helay iyo in joojinta imtixaankaas lagala tashaday maamul goboleedyada iyo in kale. Waxaa soo jeedinaya Haarun Macruuf.  

from VOA http://bit.ly/2VVqDvZ
via IFTTT

Nairobi: Ciidamada oo galay xawaaladaha Soomaalida

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay gudaha u galeen qaar ka mid ah xafiisyada shirkaddaha xawaadaha Soomaalida ee ku yaalla xaafadda Islii.

from VOA http://bit.ly/2EhcgHt
via IFTTT

Xuutiyiinta oo ma kale weeraray Sacuudiga

Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta sheegay inay weerareen keyd hub oo ku yaalla magaalada Koonfureed ee Najran ee dalka Sacuudiga.

from VOA http://bit.ly/2WW9ui7
via IFTTT

Monday, May 20, 2019

Ururka Somalisches Komitee oo afurin u sameeya dadka danta yar

Ururka Somalisches Komitee ee fadhigiisu yahay dalka Jarmalka, ayaa gudaha Soomaaliya ka sameeya xilliyad Ramadaanta afurinta dadka danta yar. Waxa uu ururkaasi sidoo  kale caawiyaa ilmaha aan awoodin waxbarashada iyo nolosha aas'asiga ah.

from VOA http://bit.ly/30zNPi0
via IFTTT

Kenya oo dal ku gal u diiddey wasiiro iyo xildhibaanno Soomaali ah

Dowladda Kenya ayaa dal ku gal u diidey xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaalaiya, kuwas oo muddo saacado ah ku xannibnaa garoon ku yaalla Kenya, sida ay ila wareedyo u sheegeen VOA.

from VOA http://bit.ly/2JxdpyE
via IFTTT

Abiy oo qabtay casho lagu gelayey $173,000

Maal-qabeenno Itoobiyaan ah ayaa bixiyey 173,000 oo dollar midkiiba, si ay uga qeyb galeen casho uu sameeyey ra'iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu ururinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

from VOA http://bit.ly/2Wcq6oJ
via IFTTT

Federica Mogherini oo booqasho ku tagtay Muqdisho

Madaxa sare ee arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho. Mogherini ayaa waxa ay la kulantay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada ugu waaweyn beesha caalamka ee taageera Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa sannadkii hore ansixiyey lacag dhan 116 milyan oo dollar oo ah lacag lagu taageerayo miisaaniyadda Soomaaliya, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee taasi ay dhacdo 27 sano. Midowga Yurub iyo dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow soo wada saaraan war-murtiyeed ku saabsan safarkaasi iyo qodobada laga hadlay.

from VOA http://bit.ly/2WWBt10
via IFTTT

Maxaa muranka geliyey sharciga batroolka?

Sharciga batroolka ee maanta la ansixiyey ayaa waxaa diiday hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada oo sheegay inay doonayaan in sharcigaasi laga soo celiyo baarlamaanka si wadatashi loo geliyo.

from VOA http://bit.ly/2Wjd5cO
via IFTTT

Aqalka Hoose oo ansixiyey sharciga batroolka

Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manata ansixiyey sharciga batroolka.

from VOA http://bit.ly/2LSg8oj
via IFTTT

Xuutiyiinta oo beeniyey inay weerareen Makkah

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa beenisay war ay maanta baahisay warbaahinta Sacuudiga, oo ahaa inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah.

from VOA http://bit.ly/2YJ3v0F
via IFTTT

Madaxweyne Zuma oo maxkamad lasoo taagay

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa maanta maxkamad lasoo taagay isaga oo u dagaalamaya in eedeymo musuq maasuq oo ka dhan ah la baabi'iyo.

from VOA http://bit.ly/2YFOqwz
via IFTTT

Trump: "Waxay noqon doontaa dhammaadka Iran"

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe. Fariin uu axaddii soo dhigay boggiisa Twitter-ka, ayuu madaxeyne Trump ku yiri "Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka jirintaanka Iran." Sadex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadalladii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo. Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu Trump ku jawaabay "ma rajeynayo" Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Iran.  

from VOA http://bit.ly/2HqHrlE
via IFTTT

Sunday, May 19, 2019

Trump oo u Hanjabay Iran Mar Kale

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

from VOA http://bit.ly/2QeQoB3
via IFTTT

Qarax Caawa ka Dhacay Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax baabuur uu ka dhacay degmada Xamar Weyne gaar ahana dhabarka dambe ee taallada SYL.

from VOA http://bit.ly/2w6doZN
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka: Cabdullahi Goodax Barre

Kusoo dhawaada Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha. Waxaa marti ku ah todobaadkaan, wasiirka waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre.

from VOA http://bit.ly/2wguWmp
via IFTTT

Sacuudiha oo Shir Degdeg ah ugu Jaamacadda Carabta

Dawladda Sucuudiga ayaa isugu yeertay shir degdeg ah oo ay yeeshaan waddamada ku jira ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka.

from VOA http://bit.ly/2YJbN8T
via IFTTT

QM oo Cambaareysay Dil Mali Loogu Geystay Ciidanka Nabad Ilaalinta

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weeraro dhawaan dalka Mali loogu geystay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta QM ee dalkaasi ka howlgala.

from VOA http://bit.ly/2Vz0xtB
via IFTTT

Saturday, May 18, 2019

Muslimiinta India oo Weeraro la Kulma

Kor u kac ku yimid weerarada ka dhanka ah Muslimiinta dalka India ayaa kor u qaaday welwelka ururada xuquuqda aadamaha, kuwaas oo dawladda ku boorrinaya inay qaaddo tallaabooyin ad-adag si ay u ilaaliso dadka la tirada badan yahay ee dalkaas

from VOA http://bit.ly/2VOH7pm
via IFTTT

Qubanaha VOA, May, 16, 2019



from VOA http://bit.ly/2LTzmKu
via IFTTT

Bayern Munich oo Hanatay Horyaalka Jarmalka

Kooxda Bayern Munich ayaa markeedii todobaad oo xiriir ah maanta hanatay horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga, ka gadaal marki ay ciyaarteedi ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkan 5-1 ku garaacday Eintracht Frankfurt.

from VOA http://bit.ly/2LP7abw
via IFTTT

Barnaamijka Martida Makarafoonka: Prof. Samatar

Kusoo dhawaada Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa todobaadkaan marti ku ah Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

from VOA http://bit.ly/2WbEX2y
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

Kusoo dhawaada qeyb kale oo ka mid ah barnaamijka Caweyska Washington. Waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Cabdixakim Maxmuud Shirwac.

from VOA http://bit.ly/2Wfy7ZS
via IFTTT

Dhageyso Bar. Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha. Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden ayaa idin la socodsiinaya.

from VOA http://bit.ly/2WOSslL
via IFTTT

Somaliland oo laga xusey 18 May

Somaliland ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabado loogu dabaal degayo 28 guuraddii ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale.

from VOA http://bit.ly/2EkRPcK
via IFTTT

Dhageyso Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

dhageysatayaasheenna dib ugu xasuusinno dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee toddobaadka.

from VOA http://bit.ly/2WRR2He
via IFTTT

Puntland: 16 Kun oo Ardey oo Imtixaan u Fariistay

Deegannada Puntland waxa maanta kumannaan arday ah ay u fariisteen imtixaanadka fasalada 4-aad ee dugsiga sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe.

from VOA http://bit.ly/2EiMnXF
via IFTTT

Xisbiga Labor-ka oo u Dhaw Inuu ku Guuleysto Doorashada Australia

Natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashada baarlamaaniga ee dalka Australia, ayaa muujinaya in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono doorashada.

from VOA http://bit.ly/2LRllwJ
via IFTTT

Friday, May 17, 2019

Xaaf oo u jawaabay Farmaajo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka jawaabay khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay bukaan diiday daawadii loo qoray.

from VOA http://bit.ly/30jfPWS
via IFTTT

Al-Shabaab oo haba cusub u qoranaysa Kenyan-ka

Dalka Kenya waxaa soo kordhaya welwelka laga qabo dhalinyarada reer Kenya ee ay soo askareystaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Cabsidan ayaa soo korortay ka dib weerarki Nairobi ka dhacay bishii January ee sanadkan, kaasoo la sheegay inuu hogaaminayay nin Kenyan ah oo reer Isiolo ah. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay weerar ka dhacay Kenya u adeegsato qof ah Kenyan-ka aan Soomaalida ahayn ama aan Islaamnimada ku dhalan. Warbixin ay arrintan ka qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo la hadashay qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyarada ay Al-Shabaab Firkika xag jirka ah ku duufsatay ee Isiolo. Waxaa inoo soo koobaya Ibrahim Xassan Dandureey.    

from VOA http://bit.ly/2Vt7P24
via IFTTT

Faaqidaadda: Munaasabada 18-ka May ee Somaliland

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay 28 guuradii kasoo wareegtay munaasabadda 18-ka May ee Somaliland. Waxaa soo jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.  

from VOA http://bit.ly/30o66i1
via IFTTT

Dakhliga Trump soo galay 2018 oo la shaaciyey

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sanadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday.

from VOA http://bit.ly/2W3P6OZ
via IFTTT

Go'aano laga soo saaray xajka sanadkan ee Soomaaliya

Gudi ay dowladda Soomaaliya u xilsaartey diyaarinta adeegyada xujeyda sanadkan ayaa soo saarey go'aano ku aadan arrintaas. Guddiga ayaa shaaca ka qaaday shirkadihii ku guuleystey adeega Xajka sanadkan in ay bulshada Soomaaliyeed u qabtaan. Guddiga ayaa sidoo kale go'aamiyey lacagta sanadkan xajka lagu aadayo oo ah 3600 oo dollar oo ah xirmada cadaiga ah, iyo 5000 oo ah xirmada sare. Warbixintan waxaa diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan.  

from VOA http://bit.ly/2LZBX5M
via IFTTT

Afghanistan: Askar si qaldan loogu dilay duqeyn

Duqeyn ay militariga ajnabiga ah ee jooga dalka Afghanistan ka fuliyeen gobolka koonfureed ee Helmand ayaa si qaldan u dishay 17 ka mid ah ciidamada dowladda, islamarkaana dhaawacday 14 kale.

from VOA http://bit.ly/2JLZQuC
via IFTTT

Thursday, May 16, 2019

Xajka Sanadkan iyo Soomaaliya

Gudi ay Dowladu u Xilsaartey Arrimaha Xajka ayaa soo Saarey go'aano ku aadan Tirada Sanadkan Xajka tageysa iyo Shirkadaha Adeegyada Xajka ku Guuleystey.

from VOA http://bit.ly/2VHib3p
via IFTTT

Odayaasha Muqdisho oo ka hadlay xaaladda magaalada

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdishu ayaa maanta kulan wata tashi ah oo ay yeesheen kaga hadlay arimaha amniga caasimadda iyo dhibaatada ay wadooyinka xiran magaalada ku hayaan.

from VOA http://bit.ly/2JpedWh
via IFTTT

Farmaajo oo ka hadlay khilaafka maamul goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay Munaasab lagu xusayay maalinta dhalinyarada ee 15ka may, waxa uu kaga hadlay khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

from VOA http://bit.ly/2LOfngg
via IFTTT

Shir ku saabsan xagjirnimada oo ka socda Nairobi

Magaalada Nairobi waxaa ka socda barnaamij ay Qaramada Midoobay waddo oo ku aadan arrimaha ka hortagga xagjirnimada iyo musuq maasuqa ee Kenya, oo ah laba waxyaabood oo bulshada gaar ahaan qaxootiga ay Soomaalida Xaafadda Islii ka mid tahay dhibaato muddo ku hayay. Wariyaha VOA-da Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan inoo soo diray.  

from VOA http://bit.ly/2W4uXbv
via IFTTT

Bandhigga VOA: Qorshaha ganacsiga Shiinaha

Barnaamijka Bandhigga VOA, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay qorshaha ganacsiga Shiinaha ee loo yaqaan Belt Road Initiative, kaasi oo lagu sameynayo waddo isku xirta in ka badan boqol dal. Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan.  

from VOA http://bit.ly/2vYv2yP
via IFTTT

Askar lagu dilay dagaal ka dhacay Gedo

Ugu yaraan afar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay kadib dagaal maanta ka dhacay deegaanno hoos taga magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobbolka Gedo.

from VOA http://bit.ly/2Q6mlvz
via IFTTT

Ajax oo Hanatay Horyaalka Holland

Kooxda Ajax Amsterdam ayaa xalay ku guuleysatay horyaalka dalka Holland, kaddib marki ciyaarteedi ugu danbeysay xilli ciyaareedkan ay ku soo xirtay 4-1 oo ay ku garaacday De Graafschap.

from VOA http://bit.ly/2VHS7Fg
via IFTTT

Lazio oo qaadday Coppa Italia

Dalka Talyaniga, waxaa xalay lasoo gaba gabeeyay tartanka Coppa Italia oo ay ku tartameen ciyaarti kama danbeysta aheyd kooxaha Lazio iyo Atalanta.

from VOA http://bit.ly/2HulWzb
via IFTTT

Amniga masaajidada Mareykanka oo la adkeeyey

Masaajidada ku yaalla dalka Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connecticut dab la qabadsiiyay. Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay'addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda. Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo  ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay'adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, kadib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul banaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan. Waxaa dibadbaxa qeyb ka ahaa Jeylani Xuseen, oo ah madaxa laanta gobolka Minnesota ee ha'yadda CAIR oo ah hay'ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah. Cabduqaadir Maxamed Mursal iyo Cabdixakkim Maxamuud Shirwac ayaa noo haya warbixino arrintaas la xiriira.      

from VOA http://bit.ly/2YtP0h5
via IFTTT

Xiisadda Mareykanka iyo Iran oo kasii daraysa

Iran ayaa maanta ku eedeysay Mareykanka kasii darista "aan la qabli karin" ee xiisadda ka dhex oogan labada dhinac, waxayna sheegtay in Tehran ay muujineyso is-xakameyn, inkasta oo Washington ay ka baxday heshiiska Nukliyeer.

from VOA http://bit.ly/2JJjqYq
via IFTTT

Militariga Sudan oo hakiyey wada-hadalladii rayidka

Golaha Milatari ee hadda haya dalada dalka Sudan ayaa joojiyay wadahadallo ay kula jireen hogaanka dibad-baxayaasha, kaddib marki ay sideed qof ku dhaawacmeen iska hor-imaad Arbacadi magaalada Khartoum ku dhexmaray ciidanka amaanka iyo dad bannaan baxayay. General Abdel Fattah al-Burhan ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay in wadahadallada lagu soo dhisayo dowladda kumeel gaarka ah la hakiyay muddo 72 saacadood ah, sababo la xariira dhiiga ku daatay shalay magaalada Khartoum. Isku dhici Arbacadi ayuu jeneraalka ku eedeeyay kooxaha mudaaharaadka wada, kaddib marki ay diideen in ay qaadaan jid-gooyo ay dhigeen waddo muhiim ah oo ku taallo caasimadda. Jid gooyooyinka yaalla qeybo ka mid ah magaalada Khartoum ayaa la dhigay bishi hore, xilligaas oo ay waddooyinka joogeen dad aad u fara badan oo dalbanayay inuu xakunka ka dago madaxweynihi hore Cumar Al Bashir. Milatariga ayaa 11-ki April soo afjaray 30 sano oo uu Sudan soo xakumayay jeneral Cumar Xasan Al Bashir.    

from VOA http://bit.ly/2JmnqPp
via IFTTT

Wednesday, May 15, 2019

USA: Aminga Masaajidda oo la Adkeeyey

Masaajidada ku yaalla dalkan Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connectinut dab la qabadsiiyay

from VOA http://bit.ly/2EcAYc1
via IFTTT

Nin lagu eedeynayo bixinta qishka imtixaanaadka oo la xirey

Wararka ka imanaya Muqdishu ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya ay qabatay nin u shaqeeya wasaaradda waxbarashada oo lagu tuhunsan yahay inuu bixiyey imtixaanaadkii la baabi'iyay.

from VOA http://bit.ly/2LL3c3T
via IFTTT

Farmaajo oo agaasime cusub u magacaabay Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasimaha cusub ee Villa Somalia u magacaabay inuu noqdo Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

from VOA http://bit.ly/2LLwxv1
via IFTTT

UNHCR oo ka hadashay rabshado ka dhacay xafiiskeeda Nairobi

Hay'adda Qarmada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga adduunka oo maanta shir jaraai'd ku qabatay magaalada Nairobi ayaa ka hadashay arrimo ku saabsan rabshado dhowaan ka dhacay afaafka kore ee xafiiska UNHCR ee magaalada Nairobi.

from VOA http://bit.ly/2W4Oicq
via IFTTT

Muhiimadda maalinta 15 May ee SYL

Maanta waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 76-aad ee markii la aasaasay ururkii dhalinyarada ee Somali Youth League, 15-kii May sannadkii 1943-dii. Munaasabado iyo xaflado ayaa qorshaysan maanta iyo caawa oo lagu xusayo maalintan. Haddaba muhiimadda maalinta dhalinyarada ahna sannadguurada aasaaskii SYL ayaa Falastiin Axmed Iimaan ay ka waraystay Admiral Faarax Cumar Axmed "Faarax Qare' oo horey taliye ugu soo noqday ciidamada badda, haatanna madax ka ah hay'ad cilmi-baaris.    

from VOA http://bit.ly/2Q4sybf
via IFTTT

Howl-gallo amni oo ka dhacay Muqdisho

Hawlgallo dhinaca amniga ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho saacadihii ugu dambeeyey kadib qaraxii shalay magaalada ka dhacay iyo dilal qorsheysan.

from VOA http://bit.ly/2HrO3yY
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 471-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 471-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).    

from VOA http://bit.ly/2VBDHq6
via IFTTT

Sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Somalia oo maxkamad lala koray

Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

from VOA http://bit.ly/2Wb2OQc
via IFTTT

Shaqaalaha Mareykanka oo lagu amray inay ka baxaan Iraq

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maanta ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran.

from VOA http://bit.ly/2LTaRNE
via IFTTT

Tuesday, May 14, 2019

Golaha Milatariga Sudan iyo Dibadbaxayaasha oo Heshiiyay

Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

from VOA http://bit.ly/30mjmnu
via IFTTT

Shaqaale samafal oo lagu afduubtay Gedo

Maleeshiyo loo malaynayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa maanta 10-kii barqanimo laba qof oo ahaa shaqaale samafalayaal ah ka afduubtay gobolka Gedo.

from VOA http://bit.ly/2VDd3gm
via IFTTT

Ardayda dugsiyada sare ee Soomaaliya oo dibadbax dhigay

Bannaanbaxyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay sameeyeen ardayda fasallada Form 4 ee dusgiyada sare. Ardayda ayaa ka cabanayey imtixaankoodii oo ay dawladdu baab'isay kadib markii la sheegay inuu baxay kadibna suuqa la geliyey. Sidaas oo kale bannabaxyo kuwaasi la mid ah oo ay ardaydu sameeyeen waxay ka kala dhaceen magaalooyinka Beledweyne iyo Kismaayo. Weriyayaasha VOA ee ayaa warbixinadan noo soo diray.  

from VOA http://bit.ly/2YttFnL
via IFTTT

Roobab dhimasho sababay oo ka da'ay Hargeysa

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in dad kudhow toban qof ay ku dhinteen roobabkii shalay ka da'ay magaalada Hargaysa iyo meelo kale. Khasaaraha goobaha ka baxsan magaalada Hargaysa ayaan weli lasoo ururin. Weriyahaya VOA, Sagal Mustafe Xasan ayaa warbixintan nooga soo dirtay Hargeysa.  

from VOA http://bit.ly/2Hkfgoj
via IFTTT

Diyaarado drone ah 'oo weeraray Sacuudiga'

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah oo sida walxa qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh.

from VOA http://bit.ly/2WHda7b
via IFTTT

Xarunta Warta Nabadda oo qarax lagu weeraray

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax baabuur lala beegsaday xarunta degmada Warta Nabadda.

from VOA http://bit.ly/30iF3ow
via IFTTT

Iran oo lagu tuhmayo weerarkii maraakiibta

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in khuburo milatari ay rumeysan yihiin in waxyaabaha qarxa loo adgeegsaday in lagu dulueeliyo afar Markab oo lagu weeraray xeebta Imaaraadka Carabta, islamarkaana la tuhmayo in Iran ay ku lug lahayd balse aysan hayn wax caddeyn ah.

from VOA http://bit.ly/2JC1yi9
via IFTTT

Monday, May 13, 2019

Madaxweyne Denni oo ka hadlay fashilka shirkii Garoowe

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni, ayaa xalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe kaga hadlay shirkii dhawaan madaxda Soomaalida ee Garoowe ugu soo gaba gaboomey.

from VOA http://bit.ly/2vUAS49
via IFTTT

Shiinaha oo ka aargutay Mareykanka

Shiinaha ayaa maanta sheegay inay canshuur kusoo rogi doonaan badeecadaha dalkaas looga soo dhoofiyo Mareykanka, oo qiimahoodu dhan yahay 60 bilyan oo dollar, laga billaabo 1-da June.

from VOA http://bit.ly/2JB3Yxr
via IFTTT

Ilayska VOA; Caqabadaha ay wajahaan Imaamyada

Barnaamijka Ilayska VOA ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay la kulmaan Imaamyada masaajiadda ku yaalla dalalka Reer Galbeed. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.  

from VOA http://bit.ly/2E6e4D7
via IFTTT

Shil gaari oo 13 qof ku dilay Kenya

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeyso Gaarisa iyo Bangal oo ka tirsan Waqooyi Bari Kenya.

from VOA http://bit.ly/2VAfpMY
via IFTTT

Ajax oo Qarka u Saaran Hanashada Horyaalka

Kooxda Ajax ayaa qarka u saaran in ay hanato horyaalka dalka Holland kaddib marki ay shalay 4-1 ku garaacday kooxda Utrecht. Halka kooxda kusoo xigta ee PSV ay 1-0 ku khasaartay AZ Alkamaar.

from VOA http://bit.ly/2vTLdgD
via IFTTT

Bayern Munich oo La Hakiyay

Kooxda Bayern Munich ayaa Sabtidi iska khasaarisay fursad ay ugu dabaaldagi laheyd hanashada horyaalka Bundesliga, kaddib marki ay barbarro goolal la'aan ah ku kala baxeen kooxda RasenBallsport Leipzig halka kooxda kusoo xigta ee Borussia Dortmund ay 3-2 ku khaarijisay Fortuna Düsseldorf.

from VOA http://bit.ly/2Q2vDZs
via IFTTT

Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka EPL

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League kaddib marki ciyaateedi ugu danbeysay ay 4-1 uga badisay kooxda Brighton Axadi shalay. City waxay hal dhibic oo qura uga qaaday horyaalka kooxdi kusoo xigtay ee Liverpool oo iyana shalay 2-0 ugu awood sheegatay naadiga Wolves. City waxay ururusatay 98 dhibcood, halka Liverpool ay xilli ciyaareedkan ka heshay horyaalka 97 dhibcood, taasoo ka dhigtay kooxdi ugu horreysay taariikhda horyaalka Ingiriiska oo kaalinta labaad ku dhameysata dhibco intaasi la eg. Tababaraha Manchester City oo guushani ay u tahay markiisi labaad oo isku xigta oo uu Manchester City u qaadayo horyaalka Ingiriiska, ayaa sheegay in horyaalkani uu ahaa kiisi ugu adkaa ee uu abid qaado. Wuxuu sheegay in si uu u qaado horyaalkani ay kalliftay inuu wada badiyo 14-ki kulan ee ugu danbeeyay ee ay ka ciyaareen horyaalka Ingiriiska, taasoo aheyb mid adag buu yiri. Liverpool ayaa marna hogaanka qabanaysay marna Man City, labaduba tan iyo bilowgi sanadkaan wax dhibca ah iskama qasaarin. Dhanka kalana, laacibiinta kala ah, Mohamed Salah, Sadio Mane oo u wada ciyaara kooxda Liverpool iyo weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku wada guuleystay abaalmarinta kabta dahabiga ah ee laacibka ugu goolasha badan sannadkaan horyaalka Ingiriiska, kaddib marki ay kulligood waxa dhaliyeen 22 gool. Mane isagu ciyaarii Liverpool ee shalay ayuu dhaliyay labada gool ee ay uga badiyeen Wolves, halka Pierre-Emerick Aubameyang uu isna dhaliyay laba kamida 3-di gool ee ay ay Arsneal Axadi ku garaacday Burnley. Goolhayihi ugu fiicnaa iyo daafaci ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa la siiyay labo laacib oo u ciyaara Liverpool kuwaas oo kala ah Virgil van Dijk oo difaaca ka ciyaara iyo goolhaye Alisson. Kooxaha kale ee safka hore ee Ingiriiska sida Chelsea oo ku dhameysatay kaalinta saddexaad iyo Tottenham oo xiratay kaalinta afraad ciyaarihi ay shalay dheeleen waxay keeneen barbarro, halka Manchester United ay xilli ciyaareedkan kusoo xirtay guuldarro kasoo gaartay kooxda Cardif City oo ku macsalaameysay 2-0.

from VOA http://bit.ly/2PXH8Be
via IFTTT

Sacuudiga oo sheegay in la weeraray maraakiibtiisa

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay "waxyeello xooggan" kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

from VOA http://bit.ly/2vUrcGG
via IFTTT

Saddex maamul goboleed oo heshiis ku gaaray Garoowe

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay shir ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Kulankan ayaa la sheegay in uu la xiriiray iskaashi iyo xiriir cusub oo dhexmara maamulladan, kadib markii uu dhawaan burburay kulan ay maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ku lahaayeen isla magaaladaas. Si kastaba, waxaa kulankan ka maqnaa maamullada Jubaland iyo Galmudug oo qeyb ka ahaa shirkii Garoowe, sidoo kalena horey ugu jiray isbahaysi ay lahaayeen maamullada dalka. Seddexda maamul ee Garoowe ku shiray ayaa kadib kulankooda soo saaray war-murtiyeed ka kooban toddoba qodob oo ka hadlaya waxyaabihii ay isku afgarteen. Wariyaha VOA-da Nuux Muuse Birjeed ayaa warbixintan kasoo diray Garoowe.   

from VOA http://bit.ly/2Q03LFm
via IFTTT

Sunday, May 12, 2019

Saameynta Leexinta Duulimaadyaddii Muqdishu Iyo Nairobi

Dowladda Kenya ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo duulimaadyadu ay soo marayaan Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyiga Bari Kenya.

from VOA http://bit.ly/30gnDc4
via IFTTT

Sadex Maamul Goboleed oo Heshiis ku Gaaray Garowe

Sadex Maalmul Goboleed oo ku shiray Garowe ayaa heshiis iskaashi oo todoba qodob ka kooban kala saxiixday.

from VOA http://bit.ly/2VXIamb
via IFTTT

QM: Xuutiyiintu Wey ka Baxeen Dekedaha Yemen

Qaramada midoobay ayaa sheegtay Axaddii shalay in ka bixitaanka Maleeshiyada Xuutiyiinga ee Dekedaha Muhiimka ah ee Yemen ay ku dhacday si waafaqsan qorshii lagu heshiiyay.

from VOA http://bit.ly/2WE4nTv
via IFTTT

Marakiib ay Leedahay Imaaraadka Carabta oo La Weeraray

Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in afar markab oo kuwa ganacsiga ah lagu qaaday weerarro lagu waxyeellaynayo maanta meel u dhow biyaheeda Gacanka Cumaan.

from VOA http://bit.ly/2W1WfPF
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo todobaadkan ku saabsan shirkii magaalada Garoowe, waxaa marti ku ag gudoomiyaha dagllada bulshada rayidka ah ee Garoowe, Faysal Axmed Warsame.

from VOA http://bit.ly/30hjtQW
via IFTTT

Qarax uu Qof Ajnabi ah ku Dhintay oo Muqdisho ka Dhacay

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay agagaarka xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

from VOA http://bit.ly/2Jw7J7v
via IFTTT

Raggii Caasha Kufsaday oo Dil Lagu Xakumay

Maxkamada Darajada Kowaad ee magaalada Garowe ayaa maanta dil toogasho ah ku xakuntay, saddex ka mid ah 10 nin oo loo heystay in ay ka danbeeyeen kufsi iyo dil loo geystay Caasha Ilyaas Aden oo aheyd gabar 12 sano jir ah.

from VOA http://bit.ly/2WHzihO
via IFTTT

Saturday, May 11, 2019

Sarkaal Gaalkacyo Lagu Dhaawacay

Goobjoogayaal ku sugnaa halka lagu dhaawacay taliyaha ayaa waxa ay sheegeen in 3 nin oo dhalinyaro ah, ay weerareen taliyaha xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Taraawiixda mana jirin ilaalo la soctay sargaalka.

from VOA http://bit.ly/2VXDc94
via IFTTT

Arday Indho La' oo Imtixaanka D. Sare u Fariistay

28 arday oo indho la' ayaa ku jiray 31,500 arday sanadkan u fariisatay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaddo Dawladda Federalka ee Somalia

from VOA http://bit.ly/2LDqAQK
via IFTTT

Dhageyso Caweyska Washington

Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington, oo aan xilliyadan oo kale idin soo gudbinno.

from VOA http://bit.ly/2vQ6d7V
via IFTTT

Martida Makrafoonka: Bashiir Mursal Ciise oo Katirsan Ururka Walaal Afuri

Ku soo dhawaada barnaamijka Martida Makrafoonka oo aan maanta oo kale idin soo tebinno.

from VOA http://bit.ly/2Q1pdJZ
via IFTTT

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada & Heesaha

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxaa soo jeedinaya Caasha Ibrahim Aden iyo Ibrahim Xasan Garabey.

from VOA http://bit.ly/304MjUG
via IFTTT

Xaaji Cabdi Waraabe oo Hargeysa Lagu Aasay

Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Alla ha u naxariistee Xaaji Cabdikarim Xuseyn (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ahaa mudanihi ugu da'da weynaa baarlamaanka Somaliland.

from VOA http://bit.ly/2HhO747
via IFTTT

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Garoowe?

Magaalada Garawe, Waxaa natiijo la'aan ku soodhamaaday shirki u dhaxeeyay madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa maamul gonoleedyada.

from VOA http://bit.ly/2PVa7G3
via IFTTT

Xutiyiinta oo Ka Baxaya Xudeyda

Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta billaabay inay ka baxaan dekadaha Saleef iyo Ras Issa ee gobolka Xudeyda.

from VOA http://bit.ly/2vPYmXZ
via IFTTT

Friday, May 10, 2019

U.S. iyo China oo Ku Kala Tagay Kulankoodii Ganacsiga ee Washington

Kulan xagga ganacsiga ah oo ay Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ku laheeyeen Magaaladan Washington ayaa ku soo gaba-gaboobay heshii la'aan

from VOA http://bit.ly/2DWoB3F
via IFTTT

Sidee Ayey Qoysaska Soomaalida ee Columbus, Ohio Uga Faaiideystaan Adeegyada Caafimaad

Barnaamijka waxa aan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa adeegyada caafimaad ee dowaldda maraykank ugu talo gashay dadka Mareykanka, gaar ahaan kuwa danta yar oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

from VOA http://bit.ly/2Ym1vLC
via IFTTT

Faaqidaadda: Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka gaystaan Soomaaliya ee lala beegsado kooxaha argagixisada. Duqeymahan ayaa waxaa mararka qaar ka dhashay eedeymo ku saabsan in shacab ay waxyeelo kasoo gaarto. Falastiin Axmed Iimaan ayaa soo jeedineysa.  

from VOA http://bit.ly/2YmfH74
via IFTTT

Wararkii ugu dambeeyey shirka Garoowe

Shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa maanta galay maalintiisi lixaad.

from VOA http://bit.ly/2E1AIwt
via IFTTT

Xaaji Cabdi Waraabe oo geeriyooday

Allah ha u naxariisto Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da'ada weyn Golaha Guurtida Somaliland.

from VOA http://bit.ly/2LBTjVV
via IFTTT

Kenya oo joojisay duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi

Dawladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, laga billaabo maanta oo Jimce ah.

from VOA http://bit.ly/2YpitZB
via IFTTT

Muqdisho iyo Saint Paul oo la mataaneeyey

Golaha degaanka ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ayaa ansixiyey in la mataaneeyo Saint Paul iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

from VOA http://bit.ly/2vPrAGL
via IFTTT

Xisbiga ANC oo ku horreeya doorashada Koonfur Afrika

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga haya talada dalka Koofur Afrika ee ANC uu markii 6-aad oo xiriir ah ku guuleysto codeyntii dalkaasi ka dhacday Arbacadii na dhaaftay, taasoo ah tii lixaad oo ay dadka waddankaasi u dareeraan, tan iyo markii uu dhamaaday nidaamkii midab-kala-sooca sanadkii 1994-kii. Waxaa ilaa hadda la tiriyay 76% codadkii ay dadku dhibteen. Xisbiga ANC ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa helay 57%. Sanadkii 2014-kii Waxa uu ku guuleystay codad gaaraya 62%. Hase ahaatee fadeexado dhinaca musuqmaasuqa ah iyo kobaca dhaqaalaha dalkaasi oo ku socda xawaare aad u hooseeya ayaa fool-xumeeyay muuqaalka Xisbiga Nelson Mandella, Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaasi hogaamiya. Dal-daloolladaasi ayaa qaar kamid ah codbixiyayaasha ku qasbay in ay codadkooda u weeciyaan Axsaabta kale. Isbaheysiga Dimuquraadiyadda ayaa codadka la tiriyay ilaa maanta oo jimce ah ka helay 22%, tiradaasi ayaa la eg isla intii uu ka hantiyay doorashadii qabsoontay sanadkii 2014-kii. Xisbiga Economic Freedom Fighters ayaa isaguna codadka la tiriyay ka helay 10%. Xisbigan ayaa 2014-kii uruursaday codad gaaray 6%. Waxaa la filayaa in natiijada kama dambeysta ah la shaaciyo 11-ka bishan oo berrito ku beegan. Xisbiga guuleysta ayaa soo dooran doona madaxweynaha xiga, kaasoo xilka loo dhaarin doono 25-ka isla bishan May.  

from VOA http://bit.ly/2HaMg2i
via IFTTT

Iran oo ku gacan seertay yabooha Trump

Taliye ku ku xigeenka ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka iran, ayaa sheegay in Tehran aysan wada hadali la geli doonin "cadowgeeda Mareykanka." Yadollah Javani ayaa sidoo kale yiri "Washington kuma dhacdo inay weerar militari nagu soo qaaddo," sida ay werisay wakaaladda wararka dalkaas ee Tasnim. Hadalkiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khamiistii ku booriyey hoggaanka Iran inay la fariistaan, oo ay ka wada hadlaan sidii Tehran ay uga tanaasuli lahayd barnaamijkeeda Nukliyeerka. "Wax wada-hadal ah lama geli doonno America, America-na kuma dhacdo inay tallaabo militari naga qaaddo" ayuu yiri Yadollah Javani. Yadollah Javani ayaa sheegay in Iran ay Mareykanka u aragto mid aan la isku haleyn karin. Dhinaca kale, Mareykanka ayaa saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay Qatar geeyey diyaaradaha bambooyinka xambaara ee B-52 Stratofortress, si looga hortagao wax ay Washington ku sheegtay halis kaga imanaysa iran. Iran ayaa ku gacan seertay diyaaradahan iyo maraakiib dagaal oo Mareykanka uu diray toddobaadkii tagay, waxayna ku qeexday"dagaal maskaxeed lagu cabsi gelinayo."

from VOA http://bit.ly/2E1suUZ
via IFTTT

Soomaaliya: 13 Daacish ah oo duqeyn lagu dilay

Duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa lagu dilay 13 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Daacish, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Mareykanka.

from VOA http://bit.ly/2V9gYfW
via IFTTT

Mareykanka oo kordhiyey canshuurta badeecadaha Shiinaha

Dowladda Mareykanka ayaa maanta kordhisay canshuurta la saaro badeecadaha laga soo dhoofiyo dalka Shiinaha oo qiimahoodu yahay 200 oo bilyan dollar.

from VOA http://bit.ly/2Hc1JPt
via IFTTT

Thursday, May 9, 2019

Kenya oo wax ka beddeleysa xeerka qaxootiga

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa wax ka bdedel ku samaynaya xeerka qoxootiga dalkaasi ku sugan iyo kuwa soo galaya.

from VOA http://bit.ly/2VSp7tr
via IFTTT

Bandhigga VOA: Kufsiyada ka dhaca Soomaaliya

Kufsiga waa mid ka mida xadgudubyada bani'aadamka loo geysto, kuwa ugu xun, wuxuuna ku dhacaa dumar iyo caruur wiilal iyo gabdhaba leh. Dhaqan ahaan Soomaalida kufsiga waxa uu ka mid yahay danbiyada aanan si kore loo sheegin, inkastoo dunidan horumarteyba la sheego in ay sanado badan qaadato in dadka la kufsadaahi ay ka hadlaan. Hadaba masuuliyad intee la eg ayaa ka saran maamulada deeganada ay falalkan ka dhacayaan muxuuse yahay sharciga lagu qaado dhagar qabayaasha danbiyadan geysta? Waxaan arrimahaasi oo dhan ku lafa-guri doonnaa barnaamijka Bandhiga VOA oo ay soo diyaarisay soona jeedinayso Falastiin Axmed Iiman.  

from VOA http://bit.ly/2LHICRA
via IFTTT

Duqeymo xalay ka dhacay gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdi dhexe kaddib duqeyeen bartilmaameedyo ku yaalla agagaarka deegaanka Ceelka Camayra oo qiyaastii 260 KM  dhinaca bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Duqeymahan ayaa la rumeysanyahay in lala eegtay fariisimo ay ururada Al Shabab iyo Daacish ku leeyihiin deegaanka Ceelka Cameyra. Faah-faahinta duqeyntaan ayaa wariyaha VOA-da ee Boosaaso Faduma Yasin ay ka wareysatay Maxamuud Cali Faarax oo ka mid ah xoola dhaqatada deegaanka ay duqayntu ka dhacaday xalay.  

from VOA http://bit.ly/2DZu1e3
via IFTTT

Iska hor-imaad ka dhacay garoonka Kismaayo

Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

from VOA http://bit.ly/2vLIJAZ
via IFTTT

Jubaland oo sheegtay in 18 Shabaab lagu dilay duqeyn

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan Gobbolka Jubada Dhexe lagu dilay ilaa 18 ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2DZjfV9
via IFTTT

Muran ka taagan xulista xildhibaanada cusub ee Jubaland

Magaalada Kismaayo iyo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland wali waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Jubaland ee dhowaan la dooran doono.

from VOA http://bit.ly/2JtUYtS
via IFTTT

Hoos u dhac ku yimid faa'iidooyinka Emirates Airline

Shirkadda diyaaradaha Emirates Airline ayaa shaacisay in hoos u dhac 69% uu ku yimid faa'iidooyinkeeda sababtuna ay tahay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo dollar-ka, ayada oo wajahday sanad aad u adag.

from VOA http://bit.ly/2JcLBzM
via IFTTT

Korea-da Waqooyi oo gantaal cusub tijaabisay

Korea-da Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal aan noociisa la aqoonsan, sida uu sheegay militariga dalka Korea-da Koonfureed. Waa tijaabadii labaad oo Pyongyang ay sameyso wax ka yar toddobaad gudihiis.

from VOA http://bit.ly/2Yb4A0W
via IFTTT

Wednesday, May 8, 2019

Qubanaha VOA, May 09, 2019



from VOA http://bit.ly/2DT9N5B
via IFTTT

ONLF oo ka hadashay Gaas laga helay gobolka Soomaalida

Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in deegaanka Soomaalida laga helay keyd Gaaska Dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

from VOA http://bit.ly/3059Bdi
via IFTTT

IGAD oo Nairobi ka furtay shir looga hadlayo qaxootiga

Shir uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha dadka qaxootiga ee xuduudaha ka tallaaba iyo kuwa lagu qasbo inay ku barakacaan gudaha dalalkooda, ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi.

from VOA http://bit.ly/2vMyYTe
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 470-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 470-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).    

from VOA http://bit.ly/2VVAC3k
via IFTTT

Qarax ka dhacay Lahore, Pakistan

Qarax is miidaamin ah oo subaxnimadii Abacadan ka dhacay banaanka dhisme diimeed ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan  ee Lahore, ayaa dilay ugu yaraan siddeed qof, ayada oo in ka badan 20 kalana uu soo gaaray dhaawac. Bartilmaameedka qaraxaasi ayaa u muuqda inuu ahaa baabuur booliis oo yaalay meel u dhow albaabada mid ka mid dhisme diimeedka ugu caansan magaalada. Ugu yaraan shan askari oo boolis ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarka, sida uu sheegay Arif Nawaz, oo ah kormeeraha Guud ee gobolka Punjab. Dhismaha Suufiyada ee lagu cibaadeysto ee la dhisay qarnigii 11-aad, ee loo yaqaano Darbar Datar, ayaa ah mid ka mid ah kuwa sida weyn loo booqdo, dalka Pakistan. Dhismahaasi ayaa horey weeraro loogu qaaday, waxaana ka mid ahaa qarax ka dhacay sadankii 2010-kii oo ay ku dhinteen 40 qof. Tan iyo markaas ayaa waxaa goobtaas si joogto ah ugu sugnaa boolis. Maamulayaasha dhismahaasi ayaa markii uu qaraxu dhacay waxa ay xireen dhamaan albaabada. Dadkii gudaha ku jiray ayaa markii dambe laga saaray albaad ku yaala dhinaca dambe.   

from VOA http://bit.ly/2H80ocw
via IFTTT

Iran oo hakineysa heshiiskii Nukliyeerka

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta ku dhowaaqay in dalkiisa uu hakin doono u hoggaansanaanta mamnuucista kaydinta macdanta Uranium-ka iyo biyaha culus, taasi oo qeyb ka ahayd heshiiskii caalamiga ee sanadii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeerka dalkaas.

from VOA http://bit.ly/2WpU0CJ
via IFTTT

Tuesday, May 7, 2019

Toogasho ka Dhacday Gobolka Colorado

Toogashadan oo labo qofi ay ku dhaawacmeen ayaa ka dhacday dugsi sare oo lagu magacaabo STEM, kaas oo ay dhigtaan tiro ka badan 1,850 arday, kuwaas oo ka kooban xadaanad iyo fasalada dugsiga sare

from VOA http://bit.ly/2VmN3FX
via IFTTT

Ammaanka Masaajidada dalalka Yurub oo la adkeeyey

Mudooyinkii u danbeeyey deegaanada Somaliland waxa ku soo badanaya shilalka gaadiika iyadoo 24-kii saacadood ee u danbeeyey ay ku waxyeeloobeen in ka badan toban qof  kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wasiirka gaadiidka iyo horeumarinta jidadka ee Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo VOA u warmay ayaa sheegay inay shilalka soo badanaya aawadeed adkeeyeen qaadashada ruqsada wadista gaadiidka. Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sidoo kale sheegay inay hirgalinayaan hanaanka baadhista badqabka gaadiidka, waxaana uu wasiirku u waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.      

from VOA http://bit.ly/2V6lMmf
via IFTTT

Galka Baarista: Xanuunada Dhimirka (Qeybtii Labaad)

Barnaamijkii Galka Baadhista waxa uu maanta ku saabsan yahay xanuunada dhimirka, waxaana inoo soo diyaariyey islamarkaana inoo soo jeedinaya Haaruun Macruuf.    

from VOA http://bit.ly/300k8X0
via IFTTT

Dadka qaba HIV/ADIS ee Somalia oo dhibaatooyin wajahaya

Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ee ku dhaqan Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay xilligan wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

from VOA http://bit.ly/2Yb3nGL
via IFTTT

Shilalka baabuur oo kusoo badanaya Somaliland

Mudooyinkii u danbeeyey deegaanada Somaliland waxa ku soo badanaya shilalka gaadiika iyadoo 24-kii saacadood ee u danbeeyey ay ku waxyeeloobeen in ka badan toban qof  kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

from VOA http://bit.ly/2Y5xjUS
via IFTTT

Muran ka dhex oogan Dimoqraadiga iyo William Barr

Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Aqalka Wakiilada Mareykanka, Jerrold Nadler ayaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo saraakiil ka tirsan wasaaradda caadaallada si xal looga gaaro muran u dhaxeeya labada dhinac.

from VOA http://bit.ly/2DTW2Ux
via IFTTT

Wasiir Jeelle oo faahfaahiyay dagaalka Sh/Dhexe

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.

from VOA http://bit.ly/2WxjxtK
via IFTTT

Monday, May 6, 2019

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle oo Faahfaahiyay Dagaalka Sh/Dhexe

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.

from VOA http://bit.ly/2V4roO3
via IFTTT

Dagala dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.

from VOA http://bit.ly/2VRZskC
via IFTTT

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Gaarisa

Magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa waxaa ka dhacaya kulamo is khilaafasan oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta gobalka Soomaalida Kenya, kuwaas oo looga hadlayo maamulka Gaarisa.

from VOA http://bit.ly/2WpFDhz
via IFTTT

Dil loo gaystay caruur oo argagax ka abuuray Hiiraan

Dilka lix qof oo kasoo jeeda laba qoys oo ay ku jiraan dad carruur ah ayaa ka argagixiyey bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan gaar ahaan degaanka Maxaas.

from VOA http://bit.ly/2VfDw3z
via IFTTT

Jubaland oo isku diyaarinaysa doorasho

Qaar ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada Jubaland ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Jubaland ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac xooggan ka muujinayay guddoonka Guddiga Doorashada ee Jubaland. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Maamulka Jubaland Xamse Cabdi Barre oo VOA-da Waraysi siiyay ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan diyaar garowga doorashada Madaxtanimo ee dhwoaan la filayo inay ka dhacdo Maamul Goboleedka Jubaland. Wariyaha VOA ee Nairobi, Khadar Maxamuud Xareed oo Gudoomiyaha kula kulmay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ugu horayn waydiiyay bal inuu faah faahin ka bixiyo sida ay wax u socdaan hadda.  

from VOA http://bit.ly/2GXMwQS
via IFTTT

Mareykanka oo markab dagaal diray una digay Iran

Dawladda Maraykanka ayaa markab kuwa diyaaradaha qaada ah u dirtay ciidankeeda ku sugan Bariga Dhexe si ay uga jawaabaan, waxa la-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton uu ku sheegay in jiraan "dhowr shay oo dhibaato keenaya"

from VOA http://bit.ly/2VjU6zm
via IFTTT

Muslimiinta dunida oo maanta uu soon u billowday

In ka badan hal biyan iyo lix boqol oo milyan oo Muslimiin ah ayay u bilaabatay bisha Barkaeysan ee Ramadan. Ramadan oo ah bisha sagaalaad ee taariikhda hijriyada ee Islamka ayaa ka mid ah shan tiir ee ay ku qotonto diinta Islamka. Waa bishii uu Quraanka Kariimka ah uu ku soo deggay Nabi Muxamed Nabad Gelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee, qarnigii todobaad, waxaan muslimiintu ay ku oogaan soonka bishan, iyagoo ka taga cunista, cabitaanka iyo galmada, laga bilaabo marku waaga dilaaco ilaa ay qoraxdu ka dhacdo. Dalkan Mareykanka, muslimiin lagu qiyaasay 3 milyan iyo laba boqol oo qof ayaa bishan soomaya, inkastoo ay tira aad u yar yihiin marka loo eego tirada guud ee shacabka Mareykanka oo ah 327 milyan oo qof. Qaar badan oo ka mid ah madaxda dunida ee reer galbeedka ayaa ku soo dhaweeyay bishan, hambalyo ay u direen Muslimiinta iyo iyagoo cambaareeyay falalka Islam naceybka ee waayadanba ku soo kordhayay dalalka reer galbeedka.

from VOA http://bit.ly/2Ws4jGe
via IFTTT

Trump oo canshuur cusub ugu hanjabay Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald, ayaa ku hanjabay in laga billaabo jimcaha uu canshuur dheeri ah kusoo rogi doono qaar ka mid ah badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Mareykanka

from VOA http://bit.ly/2Y6SQMN
via IFTTT

Sunday, May 5, 2019

1.6 Billion Muslimiin ah oo Maanta Dunida uu Soon U bilowday

In ka badan hal biyan iyo lix boqol oo milyan oo Muslimiin ah ayay u bilaabatay bisha Barkaeysan ee Ramadan.

from VOA http://bit.ly/2J1Pib9
via IFTTT

Madaxda Soomaalida oo ku shiraya Garoowe

Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland waxaa maanta ka furmay shirka wada-shatshiga madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah.

from VOA http://bit.ly/2ZXqTc9
via IFTTT

Barnaamijka Wicitaanka: Sheekh Cabdulxayi

Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo uu todobaadkaan marti innoogu yahay Imaamka Masjidka Cumar Ibnul Khataab ee magaalada Muqdisho, Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aden.

from VOA http://bit.ly/2VMgFvU
via IFTTT

Barnaamijka Martida Makarafoonka: Wariye Macallimu

Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa todobaadkaan marti ku ah, xoghaya guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliya ee loo soo gaabiyo NUSOJ, Maxamed Ibrahim Nur Macallimu.

from VOA http://bit.ly/2J19yK4
via IFTTT

Ribery oo ka tagaya Bayern

Laacibka garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa lagu dhawaaqay inuu ka tagi doono naadiga marka la gaaro bisha soo socota ee June.

from VOA http://bit.ly/2JprkpZ
via IFTTT

Turkiga oo ku adkeystay inuu Ruushka ka iibsanayo S-400

Turkiga ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin go'aanka ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalka casriga ah ee S-400, xittii haddii uu Mareykanka kusoo rogo cuna-qabateyn.

from VOA http://bit.ly/2J0TTKC
via IFTTT

Israel xoojisay duqeymaha ay ku heyso Gaza

Dagaalyahannada ururka Hamas ee maamula magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah gantaallo kale ku ganay dhinaca Israel, iyadoo ciidanka Israel-na ay ku jawaabeen duqeymo cirka ah.

from VOA http://bit.ly/2VOcFLp
via IFTTT

Mandhera: Ciidamada Kenya oo iska Caabiyay al-Shabab

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday tuulo lagu magacaabo Hareeri Hoosle oo u dhow magaalada Mandera ee Waqooyi Bari Kenya.

from VOA http://bit.ly/2H2mzAX
via IFTTT

Saturday, May 4, 2019

Dallada PUNSA: Khilaafka ha la Dhameeyo

Dalladda Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSA ayaa Warsaxafadeed ay ka soo saartay xalay wada hadalka la filayo in maanta uu uga furmo Magaalada Garoowe Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul gobaleedyada ugu baaqday in ay ku xaliyan arrimaha lagu kala fogyahay

from VOA http://bit.ly/2LCx7ez
via IFTTT

Ehtiopia: Somalida oo la Soo Noqday Degmooyin Horey Cafarta Loogu Daray

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay socod dibad bax ah ku mareen jidadka magaalada Dire Dawa (Dirdhabe) iyo dhowr magaalo oo kale oo hoos yimaada gobolka City ee dalka Ethiopia.

from VOA http://bit.ly/2GWU0DJ
via IFTTT

Somaliland: Waxaan soo qabanney dad ku eedeysan dil ciidan

Wsiirka arimaha Gudaha Somaliland oo maanta shir jaarid kuqabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay inay soo qabteen dad ku eedeysan dilka saraakiil ka tirsan ciidamada loogu geystay deegaanada bariga Somaliland.

from VOA http://bit.ly/2ZT6qoJ
via IFTTT

Dhageyso: Hambalyada iyo Heesaha

Ku soo dhawaada Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha. Waxa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Nuur Xasan Nuur

from VOA http://bit.ly/2V15FpU
via IFTTT

Dhageyso: Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka. Waxa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cismaan.

from VOA http://bit.ly/2ZXwb7B
via IFTTT

Friday, May 3, 2019

K. Woqooyi oo Gantaallo Cusub Tijaabisay

Madaxa shaqaalaha ciidanka K. Koonfureed ayaa sheegay in K. Woqooyi ay tuurtay gantaalo xiriir ah oo ay ka soo gantay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Wonsan, in yar ka dib 9 aroornimo ee xiliga dalkaas

from VOA http://bit.ly/2V0FjEG
via IFTTT

ONLF oo Wada-hadal ugu baaqday Soomaalida iyo Cafarta

Ururka ONLF ayaa ugu baaqay Soomaalida iyo Qowmiyadda Cafarta inay ka wada hadlaan qaboojinta xiisad colaadeed oo la sheegay inay ka jirto degaannada xuduudda labada maamul ee dalka Itoobiya.

from VOA http://bit.ly/2Ll4IJJ
via IFTTT

Agaasimaha VOA oo ka hadashay maalinta xoriyadda saxaafadda

Sanad walba sadexda bisha May maanta oo kale, waxey dunidu xustaa maalinta caalamiga ah ee xuriyadda saxaafadda dunida. Boqolaal wariyeyaal ah ayaa xabsiyo ugu jira shaqadooda, xarumo warbaahineed ayaa albaabada loo laabay, halka wariyeyaal weli shaqada ku jira lagu hayo caburis. Sidaas daraadeed waxey dunidu maalintan eegtaa mabaa'diida aas aasiga ah ee saxaafadda xorta ah, waxaa qiimeyn lagu sameeyaa xuriyadda saxaafadda ee dunida. Waxaa wax la iska weydiiyaa difaaca wariyeyaasha iyo xarumahooda warbaahin, madax banaanidooda iyo weerarada lagu hayo. Agaasimaha VOA Amanda Bernet ayaa ka hadashay ahmiyadda ay leedahay saxaafad xor ah. Wariyeheenna Nuur Xassan Nuur ayaa inoo soo koobaya.    

from VOA http://bit.ly/2JaLl3e
via IFTTT

Madaxda Soomaalida oo ku shiraya Garoowe

Shir u dhexeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa maalinta axadda ah ka furmaya magaalada Garoowe.

from VOA http://bit.ly/2vDAsil
via IFTTT

Faaqidaadda: Xaaladda xoriyadda saxaafadda Soomaaliya

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay xaaladda xoriyadda saxaafadda Soomaaliya, ayada oo maanta ay ku beegan tahay maalinta xoriyadda saxaafadda adduunka. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.  

from VOA http://bit.ly/2PIDuv3
via IFTTT

Dagaal culus oo xalay ka holcay Tripoli

Dagaal culus ayaa xalay ka holcay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, ayada oo midna dhinacyada dagaalamaya uusan xaqiijin inuu qabsaday goobo hor leh.

from VOA http://bit.ly/2VaKVRD
via IFTTT

Maamul goboleedyo diiday sharciga doorashooyinka

Shaley ayaa waxa ay golaha wasiirada dowlada federaalka ansixisey sharci ku saabsan hanaanka doorashada Soomaaliya. Qaar ka mida maamulada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Galmudug ayaa durba ka hor-yimid sharcigaas oo ay ku sheegeen inaan laga talo gelin isla markaana uu yahay mid aan sharci aheyn. Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan inoo heysa.  

from VOA http://bit.ly/2GUufnC
via IFTTT

Thursday, May 2, 2019

Puntland iyo Galmudug: Sharciga Cusub Talo Kuma Lihin

maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dowlada ku Eedeeyey in aysan Kala Tashan Sharciga Cusub ee Doorashada

from VOA http://bit.ly/2Y60KX0
via IFTTT

Bandhigga VOA: Doorka qurba-joogta ee kobaca dhaqaalaha dalalkooda

Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay doorka qurba joogta ay ku leeyihiin kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka ay ka soo jeedaan.   

from VOA http://bit.ly/2Y1ZxzD
via IFTTT

Ganacsatada Sh/Dhexe oo looga digay aadista Al-Shabaab

Maamulka gobolka Shabeellaha Shexe ayaa xayiraad ku soo rogay ganacsatada iyo dadka kale ee garsoorka u raadsada deegaanada ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

from VOA http://bit.ly/2VxCCPp
via IFTTT

Mareykanka oo dilay Shabaab horey uga dilay askari

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay dileen mid ka mid ah maleeshiyaddii ururka Al-Shabab ee qeybta ka ahaa weerar lagu dilay mid ka mid ah askarta Mareykanka sideedii bishii June ee sanadkii hore. Warbixin ay arrintan ka qortay majaladda Marine Times, ee ka faaloota arrimaha ciidamada Mariniska Mareykanka, waxaa isha soo mariyay oo inoo soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.  

from VOA http://bit.ly/2LhjKjB
via IFTTT

Barcelona oo garaacday Liverpool

Kooxda Barcelona ayaa hal lug la gashay finalka Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kadib marki ay xalay 3-0 ku khaarijisay Liverpool.

from VOA http://bit.ly/2WqgHH7
via IFTTT

Imaaraadka oo ka hadlay hadafka dagaalka Libya

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay in hadafka dagaalka ka socda dalka Libya uu yahay mid xididada loogu siibayo argagixisada.

from VOA http://bit.ly/2GYjNwD
via IFTTT

Ciidamada Israel oo weeraray Gaza

Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay xalay weerareen dhisme miltari oo kooxda Xamas ay ku leedahay Marinka Gaza kadib markii buufinno sida bambooyin gacmo ku sameys ah looga soo weeraray.

from VOA http://bit.ly/2GVdauO
via IFTTT

Congress-ka oo su'aalo weydiiyey Barr

Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, William Barr ayaa arbacadii shalay hortagay Congress-ka si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22-kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016-kii. Barr ayaa sheegay in go'aanka uu warbixin kooban kaga qoray warbixinta dheer uu ahaa mid isaga u gaar ah. Barr waxa uu diiday su'aalo laga weydiiyey sida uu u sawiray waxyaabihii baarista Mueller ka soo baxay. Dhageysigan oo uu ka muuqday cadaawad xisbiyada u dhaxaysa ayaa Dimoqraadiyiintu ay su'aalo kulkulul ka weydiiyeen warbixintii afarta bog ahayd ee uu ku soo koobay warbixintii dambi baaraha gaar ah iyo waliba cabasho daba socotay oo Meuller uu isaga u gudbiyey. Dimoqraadiga ayaa Barr ku eedeeyey si hoos u dhigay caddeymihii habdhaqankiii Trump isaga oo dadaal ugu jiray inuu sabab u yeelo go'aankiisii muranka dhaliyey ee uu doonayey inuu madaxda kaga dhigo mid ka maran inuu caddaaaladda horjoogsaday.

from VOA http://bit.ly/2XZ4gSJ
via IFTTT

Wednesday, May 1, 2019

W. Barr oo Congressku Su'aalo Weydiiyey

Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka William Barr ayaa Arbacadii shalay hortagay Congresska si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016kii

from VOA http://bit.ly/2GTBhsL
via IFTTT

Qubanaha VOA, May 02, 2019



from VOA http://bit.ly/2Y0aTnL
via IFTTT

War kasoo baxay ururka Booliiska Soomaalida Mareykanka

Kadib markii shalay ay maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ay dambi ku heshay Maxamed Nuur oo horey uga tursanaa booliiska Minnepaolis ayaa Ururka ay leeyihiin xubnaha booliiska asalkoodu Soomaaliga yahay waxay soo saareen war saxaafadeed.

from VOA http://bit.ly/2GVVq2A
via IFTTT

Dhaqanka Iyo Hiddaha, qeybta 469-aad

Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 469-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa).    

from VOA http://bit.ly/2J9TULx
via IFTTT

Ciidamada dowladda oo qabsaday Bariire

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay weerar ku qabsadeen ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya.

from VOA http://bit.ly/2LhCsaH
via IFTTT

Shabaab isku dhiibay ciidamada dowladda

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isu soo dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku suggan gobolka Gedo. Maleeshiyadan ayaa iska soo dhiibay magaalooyinka Garbahareey iyo Doolow. Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrintan wax ka weydiiyay Sheekh Maxamed Xuusen Al-Qaadi, gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo.    

from VOA http://bit.ly/2VyNxZ5
via IFTTT

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo is-casilay

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay inuu xilkaas iska casilay.

from VOA http://bit.ly/2GTGkKJ
via IFTTT

Mareykanka iyo Israel oo cadaadis ku haya Falastiin

Israel iyo Mareykanka ayaa cadaadis dhaqaale saaraya maamulka Falastiin sababo la xiriira diidmadooda qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee Mareykanka uu wado.

from VOA http://bit.ly/2GW3GQ5
via IFTTT