Maalmahan waxaa taagnaa muran siyaasadeed oo ku saabsan duulimaadyada tagaya magaalada Kismaayo kadib markii la sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka hor-istaagtay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed inuu diyaarad ku tago magaaladaasi si uu uga qaybgalo caleemo-saarka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Haddaba gudoomiyaha bulsahda rayidka ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee cakiran ee ka jirta arrimaha Jubbaland. Cusmaan Muxiyadiin Shaatax, gudoomiyaha bulshada rayidka ayaa mowqifka bulshada Rayidka uga warramay weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
from VOA https://ift.tt/2mlWpBe
via IFTTT
Tuesday, September 24, 2019
Bulshada Rayidka oo ka walaacsan xiisadda Jubaland
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment