Thursday, September 6, 2018

Barcelona oo kulan La Liga ah ku cayaareysa Miami

Kooxda Barcelona ayaa qorsheyneysa in kulan ka mid ah ciyaaraha horyaalka La Liga ay sannad walbaa hadda kadib ku dheeli doontaan dalkaan Mareykanka. Qorshahaan ayay Barcelona bilaabi doontaa bisha Jannaayo ee sannadka soo socda. Kulanka ay Barcelona la dheeli doonto 17-ka Janaury sannadka 2019-ka kooxda Girona ayay warbaahinta Spain sheegtay lagu ciyaari doono magaalada Miami ee dalkaan Mareykanka. Arrintaan ayaa ku timid heshiis dhexmaray Barcelona iyo shirkad warbaahin oo laga leeyahay dalkaan Mareykanka. Heshiiskaan ayaa dhigaya in muddo 15 sano ay ay Barcelona sannad walba ciyaar ka mid ah kulanada La Liga ay Mareykanka ku dheesho Xiriirka kubadda cagta Spain, iyo ururka ay ku mideysanyihiin ciyaartooyda kubadda  cagta Spain ayaa cambaareeyay heshiiskan. Wargeyska Catalan Sport ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay tikdho bilaash oo ay ku daawadaan ciyaart bisha Janaury ka dhici doonta Miami ay siin doonaan ilaa iyo 1,500 oo taageere.

from VOA https://ift.tt/2M0aTOo
via IFTTT

No comments:

Post a Comment