Thursday, September 6, 2018

Berlusconi oo iibsanaya Monza

Ra'isul wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi iyo Adriano Galliani oo u qaabilsanaa maamulka kooxdiisii hore ee AC Milan ayaa qarka u saaran inuu iibsado kooxda Monza oo ka mid ah kooxaha heerka saddexaad ee dalka Talyaaniga. Galliani agaasimihi hore ee Milan ayaa xaqiijiyay in qorshahani uu hadda marayo meel gaba gaba ah. Milkiilaha kooxda Monza Nicolo Colombo ayaa ah wiil uu dhalay milkiilihii hore ee Milan inti u dhaxeysay 1977-ki ilaa 1980-kii. Monza oo ah koox jirto 106 sano ayaanan waligeed ka ciyaarin ciyaaraha heerka 1-aad ee Serie A-da Talyaaniga.  

from VOA https://ift.tt/2MVOcjT
via IFTTT

No comments:

Post a Comment