Monday, October 21, 2019

Odoyaal dhaqameedyo lagu dilay Kismaayo iyo Afgooye

Laba ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa lagu kala dilay magaalooyinka Kismaayo iyo Afgooye. Magaalada Kismaayo waxaa xalay lagu toogtay Saciid Cabdullaahi Waayeel oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka sidoo kalena ahaa ganacsade. Dilkiisa ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dablay wadatay bastoolado kuwaasi oo weerayay kadib markii uu kasoo baxay salaadda maqrib. Isla xalay waxaa kale oo oo dhacay dil loo gaystay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ugu caansan magaalada Afgooye. Ibraahim Maxamed Ibraahim ayaa la sheegay inay isagan toogteen maleeshiyaad bastoolado ku huabysnaa kuwaasi oo ka cararay goobta dilku ka dhacay.  

from VOA https://ift.tt/35LEKoK
via IFTTT

No comments:

Post a Comment