Tuesday, October 1, 2019

Puntland oo qaadacday shirka Iskaashiga

Maamulka Puntland ayaa qaadacay shirka caalamiga ah ee Iskaahsiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, ee maanta Muqdisho ka furmay kadib markii ay sheegeen in ay la dhici waayeen sida wax u wado dowladda Soomaaliya.

from VOA https://ift.tt/2p5ole7
via IFTTT

Puntland oo qaadacday shirka Iskaashiga



from VOA https://ift.tt/2ohPda8
via IFTTT

Idaacadda Fiidnimo

Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka, barnaamijyo iyo wareysiyo ka turjumaya dhacdooyinka waqtigaasi ka dhacaya daafaha Dunida.

from VOA https://ift.tt/2p1PDSt
via IFTTT

Jubaland oo qaadacday shirka ka furmay Muqdisho



from VOA https://ift.tt/2nuObHN
via IFTTT

Jubaland oo qaadacday shirka ka furmay Muqdisho

Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Calaamka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Wasiirka maaliyada maamulkaas Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay in magaciisa inuu ku jiro liiska dadka ka hadli doono shirka uu ku arkay baraha bulshada, balse aysan jirin cid kala soo xariirtey inay ka qebgalayaan shirka iyo in kale.  Cabdirashiid Jire ayaa sheegay in maamullada qaarkood shirkaasi lagu casuumay laakinse Jubaland aan si rasmi ah loogu casuumay shirka ayna qaadacdey shirkaasi. Ayada maamulka Puntland oo la qaatay fikirka qaadacaadda shirka, ayaa wasiirka waxa uu sheegay inaysan jirin wax wada hadal iyo wada tashi ah oo ay arrinkaasi ka yeesheen labada maamul. Cabdirashiid Jire, ayaa khadka telefoonka ee Kismaayo ugu waramay Sahra Cabdi Axmed.  

from VOA https://ift.tt/2mGObUU
via IFTTT

Idaacadda Galabnimo

Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka, barnaamijyo, ciyaaro, wareysiyo iyo waliba heeso.

from VOA https://ift.tt/2nwEc4X
via IFTTT

Mareykanka oo duqeyn cusub la beegsaday Al-Shabaab

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay gaysatay duqayn cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab maalintii shalay. Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegya inay duqayn ka dhacday meel u dhow Kuunyo Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana lagu dilay xubin ka tirsan urruka Al-Shabaab. Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan aysan cid rayid ah waxba ku noqonin. Sidoo kale Maraykanka ayaa xog dheeraad ah ka bixiyey weerarkii shalay ee garoonka Ballidoogle. AFRICOM waxay sheegtay in duqaynta shalay ee ka dhanka ahayd  Al-Shabaab ay ahayd mid ee aysan ahayn laba duqaymood sidii hore loo sheegay. Maraykanku waxa uu sheegay in mid kamid ah askartooda laga daweeyey shoog ama miyir-doorsan. Maraykanku waxa uu sheegay in weerarkaas aysan ku dhimanin askarta Soomaalida iyo kuwa Marayakanka midkoodna.

from VOA https://ift.tt/2mIlpTW
via IFTTT