Monday, July 1, 2019

Taliye lagu dhaawacay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Gaalakacayo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay magaalada lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan booliska. Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Cawil Nuur Rooble, waxana uu ahaa Taliyaha Booliiska Gaalkacayo ee Koonfurta Gaalakacayo. Qaraxa waxa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu xiray babauurka. Dhaawaca sarkaalka ayaa la sheegay in lagu daweynayo cisbitaalka Gaalkacayo. Maxamed Cabdi Sandheere ayaa qaraxan ka waraystay weriyahayaga Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.  

from VOA https://ift.tt/2FLJqj9
via IFTTT

Maalinta kowda Luulyo oo laga xusay Soomaaliya

Soomaaliya waxaa maanta laga xusay maalinta xorriyadda 1-da July, iyadoo habeenkii xalay saqdii dhexe la saaray calanka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabado lagu maamuusayo xorriyadda iyo 59-guurada kasoo wareegtay markii ay is-raaceen labada gobo lee Waqooyi iyo Koonfur. Magaalooyinka kale ee laga xusay 1-da July waxaa ka mid ah magaalada Baydhaba. Warbixinada waaa noo soo diray weriyaasheena Muqdisho iyo Baydhaba.      

from VOA https://ift.tt/2NqMIyx
via IFTTT

Soomaaliya oo cabasho ka gudbisay "xad-gudubka" Kenya

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamig ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay ay Wasaaraddu u yeertay danjiraha Kenya ee fadhigiisu yahay Somalia, Lt General Lucas Tumbo.

from VOA https://ift.tt/2RJKY1S
via IFTTT

Wareysi: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa VOA siiyey wareysi uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada gobolka Hiriaan, khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020.

from VOA https://ift.tt/324uHsX
via IFTTT

Qatar Airways oo billowday duulimaadyadii Muqdisho

Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horreeyey ka bilowday magaalada Muqdishu. Diyaaraddan ayaa wadday 115 rakaab ah, waxayna kusoo hakatay magaalada Jabuuti.

from VOA https://ift.tt/2NmYbiA
via IFTTT

Sudan: Meydad laga helay Omdurman

Meydadka saddex qof oo rayid ah ayaa maanta laga helay magaalada Omdurman ee mataanka la ah caasimadda Sudan ee Khartoum, hal maalin kaddib marki bannaanbaxyo uu dhiig ku daatay ay ka dhaceen qeybo badan oo ka mid ah dalka Sudan. Bannaanbaxa oo looga soo horjeedo xakunka milatariga ayaa waxaa shalay ka qeybgalay tobnaan kun oo ruux kuwaas oo dalbaday in milatariga ay xakunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Wariyaasha ayaa ku soo warramaya in meydadka maanta laga helay Omdurman ay yaalleen meel u dhaw zoonki uu shalay ka dhacay bannaanbaxa. Dhaqaatiirta magaalada Khartoum, ayaa sheegay in bannaanbaxyadi shakay ay ku dhinteen todobo ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100 qof. Qabanqaabiyaasha mudaaharaadka ayaa ku eedeeyay milatariga in ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dadka dhigayay bannaanbaxa.  Bannaanbixi shalay ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca Sudan, tan iyo billowgi bishi hore markaas oo ay howlgallo ay ciidanka milatariga ka sameeyeen caasimadda ay ku dileen in ka badan 100 ruux oo ka mid ahaa dadka wada mudaaharaadka ka dhanka ah xakunka millatariga.  

from VOA https://ift.tt/2Jmr2hE
via IFTTT

Erdogan oo diiday 'heshiiska qarniga'

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay "wax aan xitaa laga hadli karin" in Tukriga uu taageero qorshaha dhaqaalaha ee Mareykanka uu ugu talo-galay Falastiin.

from VOA https://ift.tt/2XkzCHw
via IFTTT