Qaar ka mid ah mas'uulyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa ka hadlay sida ay u taabatay geeridii naxdinta lahayd ee Alllaha u naxariistee gudoomiyihii gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow. Yariisow ayaa shalay u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxii 24-kii July lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. Xubnahan ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay la timaado qorshe ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wax looga qaban karo. Wariyaha VOA, Khadar Mahmuud Xareed ayaa warbixintan kaoo soo direy Nairobi.
from VOA https://ift.tt/2ZrSvWa
via IFTTT
Friday, August 2, 2019
Dowladda oo baaq loo diray kadib geeridii Yariisow
Mareykanka oo ka baxay heshiiska Nukliyeerka ee INF
Mareykanka ayaa maanta ka baxay heshiiska xakameynta hubka Nukliyeerka ee INF, si uu u hormariyo madaxyo cusub oo hub Nukliyeer ah.
from VOA https://ift.tt/2YwFAFe
via IFTTT
Thursday, August 1, 2019
Bandhigga VOA: Xeerka ciqaabta Soomaaliya
Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu ku saabsan yahay nidaamka cadaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xeer ciqaabta oo muddo tobaneeyo sano ah aan wax is-beddel ah lagu sameynin. Waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.
from VOA https://ift.tt/2KhsuT5
via IFTTT
Cirro oo ka hadlay heshiiska xisbiyada Somaliland
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ka hadlay heshiiskii ay dhawaan gaareen saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland. Cirro oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo ay ka midyihiin dagaalka gobolka Sanaag. Wariyaha VOA-da Sagal Mustafe Xassan ayaa warbixintan noo soo dirtay.
from VOA https://ift.tt/2Oydp50
via IFTTT
Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray
Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa u geeriyodoay dhaawacii kasoo qaaray qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, 24-kii July.
from VOA https://ift.tt/2YFDLWm
via IFTTT
Hamza bin Laden oo lagu warramay in la dilay
Wiilka Osama Bin Laden ayaa la rumeysan yahay inuu dhintay, islamarkaana lagu dilay howl-gal uu Mareykanka taageerayey sida ay sheegayaan warbixinno cusub. Saraakiil magacooda qariyey ayaa xaqiijiyey dilka la tuhunsan yahay ee Hamza bin Laden, oo la rumeysnaa inuu ku jiray da'diisii soddonaadka, sida uu markii ugu horreysay weriyey taleefishinka NBC News. Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale weriyey in Hamza lagu dilay howl-gal dhacay labadii sano e ee ugu dambeysay gudahood, kaasi oo Mareykanka uu si un ugu lug lahaa. Si kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay New York Times in dowladda aysan weli xaqiijin dhimashada Hamza. Mareykanka ayaa horey hal milyan oo dollar ugu yaboohay akhbaar kasta oo hoggaamin karta qabashada ama dilka Hamza bin Laden. Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis.
from VOA https://ift.tt/2Ozd7Lf
via IFTTT
Madaxweyne Farmaajo oo dib u celiyey jinsiyaddiisii Mareykanka
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u celiyey jinsiyadda uu ka haystay dalka Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
from VOA https://ift.tt/2ysd4FU
via IFTTT