Saturday, August 3, 2019

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka ee toddobaadkan waxaad ku dhageysan doontaan qodobo uu ku jiro dilkii loo geystay guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow)

from VOA https://ift.tt/2OznyhN
via IFTTT

Hamblayada iyo Heesaha

Barnaamijka Hamblayada iyo Heesaha ee toddobaadkan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Nuur Xasan Nuur (Bukhaari)

from VOA https://ift.tt/2LXC7cY
via IFTTT

Sudan: Militariga iyo Mucaaradka oo Heshiis Gaaray

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsanaa wada-xaajoodka ninka la yiraahdo Mohamed Hassan Lebatt ayaa heshiiska kaga dhawaaqay magaalada Khartoum. Sarkaalkan ayaa sheegay in labada dhinac ay si buuxda u ayideen heshiiska, balsa ma uusan bixin faah faahin dheeraad ah.

from VOA https://ift.tt/2GJUBta
via IFTTT

Friday, August 2, 2019

Congo: Dad hor leh oo laga helay Ebola

Xarunta Xakameynta Cudurrada ayaa ku warantay in ay shaqaale toban ka badan u dirtay magalada ku taalla xuduudda dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo si ay u mareeyaan dadka uu cudurka Ebola halkaasi ku haleelay.

from VOA https://ift.tt/2Zv2Hxg
via IFTTT

Faaqidaadda: Farogelinta dalalka Khaliijka ee Soomaaliya

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay warbixintii wargeyska New York Times ee dowladda Qatar la xiriirisay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso iyo kaalinta dalalka Khaliijka ay ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya. Waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Xasan.  

from VOA https://ift.tt/2yvx0Yv
via IFTTT

Puntland oo baaq u dirtay dowladda dhexe

Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya "in faroglinta" laga daayo doorashada madaxtinimada ee dowlad goboleedyada dalka.

from VOA https://ift.tt/2Km0XzQ
via IFTTT

Gaas oo ka hadlay geerida Yariisow

Magaalada Muqdishu ayaa ku jirta maalintii labaad oo ay u baroor diiqeyso, geerida Allaha u naxariistii duqii magaalada Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo shalay dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac soo gaaray 24-kii July. Dadkii ay soo wada shaqeeyee, marxuumka waxaa ka mid ah madaxweynhii hore ee Puntland oo markii uu ahaa ra'iisul wasaaraha dalka uu  usoo noqdey la-taliyhihiisa gaarka ahaa, 2011-2012. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo  ku sugan gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington ayaa khadka taleefanka ugu waramay Sahra Cabdi Axmed.    

from VOA https://ift.tt/339MkIr
via IFTTT