Allaha u naxariistee waxaa shalay dalka Yemen ku geeriyooday, laaciibkii xulka Kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliyeed iyo kooxdii Horseed Saciid Ducaale. Saciid Ducaale ayaa u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay. Ka hor inta uusan tagin dalka Yemen, waxa uu muddo ku xanuunsanaa dalka Masar. Xuseen Xaaji Axmed, oo ah Safiirka Soomaaliya ee Sudanta Koonfureed, horeyna u ahaa qunsulkii Soomaalida ee Yemen, halkaas oo ay Saciid Ducaale isku yaqaaneen ayaa iiga waramay geerida marxuumka.
from VOA https://ift.tt/3dPAYin
via IFTTT
Thursday, April 2, 2020
Cayaaryahan hore, Saciid Ducaale oo geeriyooday
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment