Monday, April 27, 2020

Kiisaska COVID-19 ee Jabuuti oo dhaafay kun qof

Mas'uuliyiinta caafimaadka dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in dowladda ay diiwaan-gelisay 12 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19. Tiradan cusub ayaa kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey waxay ka dhigeysaa 1035. Si kastaba, dhimashada Jabuuti ee cudurka ayaa ah kaliya laba qof, taasi oo aad u yar marka loo eego tirada kiisaska la xaqiijiyey. 477 qof oo ka mid ah dadkii cudurka laga helay ayaa bogsaday. Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa.

from VOA https://ift.tt/2VDTNxQ
via IFTTT

No comments:

Post a Comment